Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all 23204 articles
Browse latest View live

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland oo xadhigga ka jaray dhisme cusub oo ay leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

$
0
0

Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland anha kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 20-April-2016 waxa uu xadhigga ka jaray dhisme cusub oo labo dabaq ah oo ay leedahay Wasaaradda Arrimaha gudaha, dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Puntland, dhismahaas oo dhowaan laga hirgeliyey magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Sidoo kale waxaa kasoo qayb galay munaasabaddii dhismahan cusub ee Wasaaradda xadhigga loogaga jarayey Wasiirka Arrimaha gudaha, ku-xigeenkiisa, Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha, ku-xigeenkiisa, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimayaal, shaqaalaha Wasaaraddaasi iyo dadweyne kale.

Ka hor intaan xadhigga laga jarin dhismaha cusub ee Wasaaradda ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka sida jaan-dheerta taas oo lagu muujinayey doorka ay wasaaraddani ku leedahay arrimaha dhaqanka iyo bulshada.

Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in dhismahan oo uu goob joog ka ahaa dhagax dhiggiisii  muddo 10 bilood ka hor ah uu maantana xadhigga ka jarayo.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu sheegay in Wasaaradda Arrimaha gudaha ay ka mid tahay wasaaradaha ugu miisaanka weyn Puntland maadaama ay laxidhiidhaan dhammaan dawlaha hoose ee degmooyinka Puntland iyo horumarinta reer miyiga oo ah laf-dhabarta dalkeena, isla markaana ay xaq u leedahay in ay hesho dhismahan iyo mid kasii ballaadhan ba si bulshada loogu adeego.

Ugu dambayntii kusimaha Madaxweynaha ayaa kula dar-daarmay Wasaaradda Arrimaha gudaha  in ay dar-dar geliyaan shaqooyinka baaxadda leh ee ay bulshada u hayaan isla markaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhammaystiraan dhismaha golayaasha degaanka ee degmooyinka aan lahayn golayaasha deegaanka, maadaama Puntland ay dhowaan u guuri doonto hannaanka dimuqraadiyaynta iyo asxaabta badan ayna lagama maarmaan tahay in degmo waliba ay leedahay gole deegaan oo dhammays tiran.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_6352 IMG_6354 IMG_6355 IMG_6356 IMG_6357 IMG_6360 IMG_6361 IMG_6362 IMG_6365 IMG_6369 IMG_6371 IMG_6375 IMG_6376 IMG_6377 IMG_6379 IMG_6383 IMG_6385 IMG_6386 IMG_6387 IMG_6389 IMG_6390 IMG_6391 IMG_6393 IMG_6394 IMG_6395 IMG_6399 IMG_6400 IMG_6404 IMG_6413 IMG_6417 IMG_6421 IMG_6428 IMG_6429 IMG_6431

The post Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland oo xadhigga ka jaray dhisme cusub oo ay leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha. appeared first on Puntland Post.


Raisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo Ruushka taageero dhaqaale ka codsaday

$
0
0
Cumar Cabdirashiid iyo Sergei Lavrov
Cumar Cabdirashiid iyo Sergei Lavrov

Moscow(Puntland Post)-Raisul Wasaaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake oo ku sugan Magaalada Moscow oo ah Caasimada Wadanka Ruushka ayaa kulan la qaatay Wasiirka arimaha Dibadda Dalkaas Sergei Lavrov.

Raisul Wasaaraha ayaa wasiirkaas warbixin kasiiyey mar xalada ka jirta Soomaaliya iyo sida ay Dawladiisu uga soo kabanayso colaadii dheeraatay, Cumar ayaa u sheegay Sergei Lavrov inay Soomaaliya horumar wanaagsan ka samaysay Dawladnimada sanadihii ugu dambeeyey kadib sanado dheer oo Burbur ah.

Labadda dhinac ayaa kawada hadlay in la xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Dalalka Soomaaliya iyo Ruusha, wuxuuna Raisul Wasaaraha Soomaaliya ka codsaday Dawlada Ruushku inay Dalkiisa ka taageerto baahida amaan iyo dhaqaale ee haysata xiligan.

Dhanka kale Wasiirka Arimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa u balan qaaday Raisul Wasaare Cumar Cabdirashiid inay ka caawin doonaan dib u dhiska Ciidamadii xooga Dalka, la dagaalanka argagixisaa iyo sidii Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa nabad buuxda.

Soomaaliya iyo Ruushka waxaa ka dhaxayn jirey xiriir soo jireen balse Dawladii Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay Dalkana ka cayrisay 1977, xiligaas oo ay Soomaaliya ogaatay inuu Ruushku taageero Dawlada Itoobiya oo ay Soomaaliya dagaal kula jirtay.

Puntland Post

The post Raisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo Ruushka taageero dhaqaale ka codsaday appeared first on Puntland Post.

Itoobiya oo ku dhawaaqday labba maalmood oo loogu baroor-diiqaayo 208 qof oo lagu diley Dalkaas

$
0
0
Itoobiya oo baror-diiq Qaran ku dhawaaqday
Itoobiya oo baror-diiq Qaran ku dhawaaqday

Addis Ababa(Puntland Post)-Dawladda Itoobiya ayaa shaacisay inuu Dalkaasi geli doono Labba maalmood oo baroor-diiq Qaran ah, taas oo lagu muujin doono sidii ay Wadanka u xanuujisay 208 qof oo ay Gobalka Gambela ee Dalkaas ku dileen Dablay hubaysan oo kasoo talowday xuduuda uu wadankaasi la wadaago Koonfurta Sudan.

War-qoraal oo ah kasoo baxay Baarlamaanka Itoobiya ayaa lagu sheegay in labba Maalmood hoos loo dhigaayo guud ahaan Calamada Maamulada Federaalka ah iyo kan Qaranka, sidoo kale Safaaradaha shisheeye ee ku sugan Itoobiya ayaa iyaguna Calamada hoos u dhaadhicin doona.

Todobaadkii hore ayey Maleeshiyaad kasoo talaabay Dalka Koonfurta Sudan waxay degmooyin katirsan Gobalka Gambela ku dileen 208 qof, iyagoo afduubtay in ka badan 100 caruur ah sida laga soo xigtay Dawlada Itoobiya.

Raisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa sheegay inay Dawlada Koonfurta Sudan kawada shaqayn doonaan sidii loo soo qaban lahaa kooxihii  dilka iyo afduubka  ka geystay Dalkiisa.

Falkan waxaa geystay maleeshiyaad katirsan qabiil reer Koonfur Sudan ah oo lagu magacaabo Murle, kuwaas oo dagaal soo jireen ah kala dhaxeeyo Qabiilka kale Gambela oo iyaguna reer Itoobiya ah.

Puntland Post

 

 

The post Itoobiya oo ku dhawaaqday labba maalmood oo loogu baroor-diiqaayo 208 qof oo lagu diley Dalkaas appeared first on Puntland Post.

Wabiga Shabelle oo biyo badan keenay maanta iyo shacabka oo alle uga xamdi naqay

$
0
0

Jowhar(Puntland Post) Webiga Shabelle oo mara Gobalada Shabeelada dhexe iyo Hiiraan ayaa maanta keenay biyo badan, ka dib markuu uu guray maalmihii lasoo dhaafay caqabad badana ay lasoo daristey dadka ku xiran webiga iyo deegaanka.

Shacabka magalada Jowhar ayaa la arkayay iyagoo alle uga mahad celinaya in webiga uu biyo badan keenay maadama uu guray bilihii lasoo dhaafay, waxaana dadka beeralayda ah ay hadda u dhaqaaqeen sidii wax soo saarka beeraha loo kordhin lahaa maadama webiga uu sidiisii hore kusoo laabta, waxayna kusoo aadaysaa arrintan xilli dalka intiisa kale ay ka jirto abaaro iyo biyo la’aan isla markasna uu daahay roobabkii gu’ga iyo dayrta.

Dad ku sugan degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya in biyo badan oo calaw ah uu soo socdo, waxaana laga cabsi qabaa hadii biyo badan uu keeno wabiga inuu fatahaad dhacdo.

Wabiga Shabelle ayaa xiliyada guga loogaga bartay inuu ku fataho deegaano badan oo ka mid ah gobolka Sh/dhexe iyo Sh/hoose.

The post Wabiga Shabelle oo biyo badan keenay maanta iyo shacabka oo alle uga xamdi naqay appeared first on Puntland Post.

Go’aankii Puntland kasoo saartay Itoobiyaanka maacuunta wareejiyo oo aan dhaqan galin

$
0
0

BedelGarowe(Puntland Post) Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo warbaahinta kula hadlayay 12-ka bishaan xafiiskiisa magalada Garowe ayaa sheegay inay go’aan kasoo saareen Itoobiyaan maacuunta ku wareeji xaafadaha magaalooyinka kuwaasoo Soomaalida u taqaan ”Bedel bedel”.

Go’aanka ayaa ahaa inay mamnuuc in Itoobiyaanka aysan maacuunta ku wareejin karin xaafadaha taasuu uu sheegay wasiir Qarjab inay caqabad ku tahay ganacsiga Soomaalida dalka u dhashay iyo xagga ammaanka oo uu sheegay inay suurta-gal noqon karto inay basaas yihiin.

Laamaha ammaanka iyo mamulada dowladda hoose ayuu sheegay inay ku amran yihiin inay joojiyaan ganacsiga Itoobiyaanka, kaasoo ay maacuunta dadka kaga badashaan dharka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan kuwa dadka waa weyn.

Wixii ka danbeeyay go’aankaasi waxaa muuqata inuusan dhaqan galin waxaana xaafadaha magalo madaxda Puntland ee Garowe lagu arkayaa Itoobiyaanka oo sii xoojiyay ganacsigooda maacuunta, waxaana ay aad ugu badan yihiin xaafadaha kuwaasoo dadkuna ay toos dharkooda ugaga badalayaan maacuunta oo aan xitaa tayadooda lasoo baarin.

Qaar ka mid ah dadka ku nool Caasimadda Puntland ayaa u arka ganacsiga Itoobiyaanka inay wax kala ku hoos duugan tahay marka loo eego sida xowliga ah ee ay ugu soo badanayaan gudaha Puntland.

Mid ka mid ah kuwa Bedel bedelka oo magaciisa kusoo kooban Ibraahim kana soo jeeda qabiilka Tigree ayaa sheegay inuu maalmo kooban jooga Puntland uuna ku cusub yahay, wuxuuna intaasi raaciyay inuu yahay Muslim, waxayna taasi cadayn u tahay sida uu ganacsigan ugu sii xoogaysanayo Puntland.

PUNTLAND POST

The post Go’aankii Puntland kasoo saartay Itoobiyaanka maacuunta wareejiyo oo aan dhaqan galin appeared first on Puntland Post.

Xaflad Lagu Taageerayay Musharaxa Madaxweynaha Somaliya Dr Siciid Cabdullaahi Dani oo Bosaso Ka Dhacday.

$
0
0

Xaflad ballaaran oo lagu taageerayay Dr Siciid Cabdullaahi Dani oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Somaliya ee doorashadda 2016-ka ayaa lagu qabtay hotelka Juba ee magaaladda Bosaso.

Xafladan oo ahayd qado sharaf ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin Duqa degmadda bosaso Yaasiin mire maxamuud, Taliyaha ciidanka Booliska puntland c/risaaq Afguduud, Isimo uu ka mid yahay Beeldaaje Cali Faarax, nabadoono, Aqoonyahano, siyaasiyiin hore, culuma’udiin, Ganacsato, Dhalinyaro iyo qaar ka mid ah haweenka gobolka bari.

Prof Axmed Maxamed Barre oo ugu horrayn xafladda daahfuray ayaa ka sheekeeyay taariikhda iyo waxqabadka musharaxa , waxaana uu sheegay inuu  musharax yahay Aqoonyahan, Siyaasi, Ganacsade,ahna shaqsi firfircoon, oo howlkar ah,  qayb libaaxna ka qaatay dib-u-yagleelidii waxbarashadda ahliga ee puntland, sidii kale ka  qaybqaatay arrimaha bulshadda ee somaliya

“musharax Siciid wuxuu ku dhashay gobolka Banaadir sanadkii 1967, waxbarashadiisa hoose,dhexe,sare iyo jaamacadeedba waxaa uu ku qaatay magaalada muqdisho, waxbarshadisa heerka labaad ee jaamacadana waxaa uu ku qaatay dalka Malaysia” ayuu yiri prof Axmed bare.

“ 1991-kii burburkii ka dib wuxuu hormuud u ahaa dadkii bilaabay waxbarashada ahliga ah, wuxuuna ahaa asaasihii dugsiga Al-Nawaawi , waxaa kaloo uu asaasay hay’adda Tadamun iyo Xarunta TB-da ee ugu horraysay ee dalka laga hirgaliyo” ayuu sii raaciyay .

Duqa Degmadda Bosaso Ing Yaasiin Mire Maxamuud iyo Taliyaha booliska puntland C/risaaq Afguduud oo ka hadlay xafladda ayaa qiray inuu musharax Siciid Cabdullaahi uu yahay shaqsi u qalma uu dalka iyo dadka uu hoggaamiyo, iyadoo lagu miisaamayo wixii dadka soomaaliyeed u qabtay mudadii burburka.

Gees kale,Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Nabadoono, Aqoonyahanadii iyo Ganacsatadii  kela ee ka hadashay xafladda ayaa  taageeray musharaxa, waxayna aad ugu dheeraadeen tilmaamida iyo ka sheekaynta waxqabadkii wanaagsanaa ee uu dalka ka qaybtay xiligii uu ahaa u dhaqdhaqaaqaha arrimaha bulshadda iyo waqtigii uu noqday xildhibaan iyo siyaasi ka dhex muuqda dowladnimadda Soomaaliyeed.

Musharax Dr Siciid Cabdullaahi Dani waa xildhibaan ka tirsan barlamaanka federaalka somaliya, waxaa u u sidoo kale noqday Wasiirkii qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah xukuumaddii Cabdiweli sheikh Axmed, isagoo hadda si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan madaxweynanimadda ee dowladda federaalka somaliya oo la dooran doono bisha September ee Sanadkan 2016ka.

DSC_0903 DSC_0909
DSC_0914 DSC_0915 DSC_0917 DSC_0919 DSC_0920 DSC_0923 DSC_0925
DSC_0932 DSC_0935
DSC_0943 DSC_0957 DSC_0963

DSC_0975 DSC_0987 DSC_0991 DSC_0999 DSC_1004 DSC_1023 DSC_1027

PUNTLAND POST

The post Xaflad Lagu Taageerayay Musharaxa Madaxweynaha Somaliya Dr Siciid Cabdullaahi Dani oo Bosaso Ka Dhacday. appeared first on Puntland Post.

Sagaal tuulo oo ka tirsan Gobolka Nugaal oo laga soo sheegayo abaar iyo biyo la’aan baahsan

$
0
0

2016221635916525904861021Horn_of_Africa_famine_Oxfam_01Garowe(Puntland Post) Xaalladda abaarta iyo biyaha la’aanta laga soo sheegayo qaybo ka mid ah Gobalka Nugaal ayaa gaartey heerkii ugu danbeeyay ka dib markii biyo muddo labo maalmood ah laga waayay ceelka Yoonbeys oo ahaa kan ay dadku biyaha ka cabi jireen.

Deegaanada abaarta ba’ani ka jirto waxaa ka mid ah Yoonbays,Awr-culus iyo kuwo kale, wariyaha Puntland Today oo goobaha abaaraha safar ku aaday ayaa soo sheegaya inuu indhihiisa ku arkay baqdiga xoolo faro badan oo waddooyinka iyo goobaha dadku deggan yihiin waran.

Dadka uu la kulmay waxay u sheegeen in heerkii haystay labo tiro oo xoolo ah ay hadda u hareen 70-neef, taasoo cadayn u ah baaxada abaarta iyo biyo la’aanta ka jirta Gobalka Nugaal.

”Ceelka Yoonbays waxaan kula kulmay Gawaari nooca biyaha qaada oo labo maalin biyo u joogay balse ceelka laga waayay wax biyo ah, waxayna taasi keentay gaarida labaatan qaadka ah inuu deegaanadaasi biyaha ku geeyo qiimo ahaan lacag gaaraysa $200, mana ahan dhaqaale ay dadka goobahaasi deggan ay xamili karaan, waxaana biyahaasi looga keenaa tuulada Rabaable iyo magalada Garowe.

Maxamed Xirsi Garweyne oo ka mid ah Odayaasha tuulada Awr-culus oo qiyaastii magalada Garowe u jirtaa 60KM ayaa Radio Garowe u sheegay in xaalada abaartu marayso heerkii ugu danbeeyay ayna haddii aan gurmad lala soo gaarin deegaano uu sheegay inay sagaal gaarayaan xaaladu is badali karto.

Garwayne ayaa sheegay abaarta iyo biyo la’aanta inuu ALLAAH ka dul-qaadi karo balse shacabka iyo dowladda looga baahan yahay in gurmadka ay wadaan dhinaca gobalka Nugaal-na lala soo gaaro.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa shacabka iyo hay’addaha caalamiga ah ugu baaqay inay ka qayb qaataan gurmadka abaaraha oo sii fidiya, waxaana la iclaamiyay 25-ka bishaan roob doon alle looga baryayo inuu abaarta ka dul-qaado.

PUNTLAND POST

The post Sagaal tuulo oo ka tirsan Gobolka Nugaal oo laga soo sheegayo abaar iyo biyo la’aan baahsan appeared first on Puntland Post.

Tubman oo Noqotay haweeneydii ugu horeysay ee lagu daabaco lacagta Dollarka

$
0
0

Dowlada Maraykanka ayaa markii ugu horeysay waxa ay ku soo daabacaysaa lacagteeda haweeney madow ah oo u dagaalantay sidii loo xoreyn lahaa dadka la addoonsan jirey.

Xoghayaha Maaliyada dowlada Maraykanka ayaa lagu wadaa in ay si rasmi ah goordhow ugu dhowaaqdo qorshahan lagu bedelayo sawirka Madaxweynihii hore ee Maraykanka Andrew Jackson.

Tubman ayaa ahayd haweeney ka baxsatay addoonsigii ka jirey dalka Maraykanka, balse markii dambe waxa ay nafteeda u hurtey sidii ay dadkii ku noolaa Koofurta Maraykanka ee ka shaqeynayay tareenka dhulka hoostiisa mara u heli lahaayeen xorriyad.

Sanadkii aynu ka soo gudubnay ayaa la soo bandhigay qorshe ahaa in la bedelo sawirka Alexander Hamilton oo ku dhegen lacagta tobanka dollarka Maraykanka ah laguna bedelo qof dumar ah.

Hase yeeshee qorshahaas waxaa la bedelay kadib markii taageerayaasha Hamilton iyo kooxaha haweenka u ololeeya ay codsadeen in la bedelo sawirka labaatanka dollar laguna bedelo sawirka haweeney.

Jackson oo ah qof aad u adadkaa  ahaana qof ku dhaqmi jirey addoonsiga lagu bedelo muuqaalkiisa haweeney ku dhalatay addoonimo.

Markii lagu dhowaaqay in lacagta labaatanka dollar lagu bedelayo qof dumar ah ayaa labaatameey kooxaha haweenka u ololeeya waxa ay sameeyeen sahan ay ku soo xulayaan qofka ku haboon in lagu bedelo Jackson.

Muddo toban toddobaad ah ayaa kooxahan waxa ay cod ka qaadeen  dad gaaraya 700,000 haweeneydii ugu sare martay cod bixintana waxa ay noqotay Tubman.

tobanka
tubman
dolor2
PUNTLAND POST

The post Tubman oo Noqotay haweeneydii ugu horeysay ee lagu daabaco lacagta Dollarka appeared first on Puntland Post.


Madaxweynaha Puntland oo kormeeray Warshadda Samaysa qalabka Birta Culus ee dalka Ethiopia

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas hawlo ushoqo u jooga magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddankaasi Ethiopia ayaa kormeeray gelinkii danbe ee maalinimadii shalay  20-April-2016 Warshadda samaysa  Birta Culus iyo  qalabka dhismaha waddooyinka iyo garoomada diyaaradaha, wershedaas oo magaceeda  loosoo gaabiyo  METEC iyo  sidoo kale Warshadda samaysa qalabka korontada cadceeda laga dhaliyo.

Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa waxaa ku weheliyey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Indho-guran iyo Danjiraha dawlada Puntland ujooga Dawlada Ethiopia Mudane. Mahad Faarax Gaas.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaadhey xarumaha shirkadaha uu booqday waxaa ku soo dhoweeyey maamulka shirkadahaasi, isla markaana warbixino ka siiyeen Madaxweynaha qaabka ay u shaqeeyaan iyo sidoo kale isbedelleda ay ku sameeyeen kaabayaasha dhaqaalaha ee waddankaasi Ethiopia.

Dhinaca kale ujeedka kormeerka Madaxweynaha Dawaldda Puntland ayaa daarranaa sidii ay dawladda Puntland iyo Dawladda Ethiopaia isaga kaashan lahaayeen ka faa’iidaysiga xoogga korontada iyo Birta Culus.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa muddada uu ku jooga safarka shaqo dalkaasi Ethiopia ayaa waxaa uu la kulmi doonaa danjirayaasha qaybo ka mida safaaradaha shisheeye ee fadhigoodu yahay dalkaasi Ethiopia iyo sidoo kale madaxda sare ee hoggaanka waddankaasi Ethiopia majaraha uhaysa.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed

The post Madaxweynaha Puntland oo kormeeray Warshadda Samaysa qalabka Birta Culus ee dalka Ethiopia appeared first on Puntland Post.

Ruushka oo sheegay Soomaaliya inuu hub ka iibinaayo marka cunaqabataynta Hubka laga qaado

$
0
0

Dowladda Ruushka ayaa daboolka ka qaaday in Somaliya ay ka iibinayso Hub hadii Somaliya laga qaado cunaqabataynta QM ee Hubka.

Afhayeen Sare oo u hadlay Raashiya ayaa sheegay inay Dowladda Raashiya diyaaar u tahay in la xaqiijiyo Codsiga ay Dowladda Federalka Somalia ku doonayaan in Hub looga iibiyo, Afhayeenka oo la hadlayey Wakaalladda Wararka Raashiya ee RIA Novosti ayaa tilmaamay inay Dowladda Somalia hubka ka iibin doonaan.

“Raashiya waxay diyaar u tahay inay meelmariso Codsiyadda Hubka ee uga yimaada dhamaan Dalalka Caalamka, oo ay Somalia ku jirto, haddii aysan cunaqabatayn saarnayn” ayuu yiri Afhayeenkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Raashiya, Sergei Lavarov waxa uu sheegay inay Dowladiisa diyaar u tahay inay garwaaqsadaan inay Somalia iska kaashadaan Arrimaha Farsamadda Milliteriga.

Somaliya ayaa xilligaan waxaa saaran cunaqabateyn  oo ay Golaha Ammaanka ee QM ku soo rogeen Somalia bishii Janaayo ee sannadkii 1992-kii, xilligaasi oo ay dagaallo sokeeye ka socdeen magaalladda Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Goballadda Somalia .

Hadalkan  ayaa yimid hal maalin kadib, markii uu Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Raashiya, Sergei Lavarov.

Kulankaasi oo ka dhacay caasimadda dalka Raashiya ee Mosko ayaa waxa uu Ra’isul-wasaaruhu ka codsaday Dowladda Federalka Raashiya inay taageero ka geeystaan Horumarinta Dhaqaalaha Somalia iyo Xoojinta Awoodda Ciiddanka Somalia.

Dhanka kale  Madaxweynaha Dowlada Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xalay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ka codsaday in Somalia laga qaado Xayiradda Hubka, si ay Ciiddanka Qaranka u helaan Hub ay u adeegsadaan Hawlgalka La-dagaalanka Alshabaab.

PUNTLAND POST

 

The post Ruushka oo sheegay Soomaaliya inuu hub ka iibinaayo marka cunaqabataynta Hubka laga qaado appeared first on Puntland Post.

Dhalinyaradii ka badbaaday Badda oo sheegay Tahriibka inuu yahay Khatar

$
0
0

Dhalinyaradii ka badbaaday Doontii dhawaan ku degtay badda u dhaxeysa Masar iyo Talyaaniga ayaa sheegay in Tahriibka uu yahay mid halis ah oo ay adag tahay sida loogu bareero.

Dhalinyaradan oo u waramayey Telefishinka Al-Jazeera iyaga oo jooga dalka Greece waxay sheegeen Safarkii halista badnaa ee ay soo galeen inuu ahaa mid aysan ilaawi doonin.

Waxa ay sheegeen inay arkayeen saaxibadooda oo ku dhawaaqayay “Icaawi Icaawi” balse aysan waxba u qaban karin oo aysan caawin karin.

Dadka la badbaadiyay ayaa waxay ka kooban yihiin 23 Soomaali ah, 11 Itoobiyaan ah, lix Masaari ah iyo qof u dhashay dalka Suudaan.

Sida wararka sheegayaan waxaa la siiyay dhalinyaradan Warqado deganaansho ah 6 bilood dalka Greece.

Doontii ay la socdeen ayaa waxaa saarnaa dad kor u dhaafaya 500 oo ruux waxaana dhintay sida UNHCR ay xaqiijisay ku dhawaad 500 oo qof.

2 3 4 6 7 8 9
PUNTLAND POST

The post Dhalinyaradii ka badbaaday Badda oo sheegay Tahriibka inuu yahay Khatar appeared first on Puntland Post.

Hay’adda Read Horn of Africa oo deeq ka timi Soomaalida Maraykanka gaarsiiyay Danyarta Xingalool

$
0
0

Hay’adda Read Horn Of Africa ayaa Deeq Raashin ah oo Ka Timid Dhalinyarada iyo Qurba Joogta Somaliyeed ee Woqooyiga Maraykanka gaarsiiyay 170,Qoys oo Kamid ah dadka ay abaarahu saameeyeen ee ku nool magalada Xingalool ee Gobalka Sanaag.

Bile Sugulle oo ka mid ah madaxda Hay’addan, ayaa sheegay deeqdan mucaawinada ah inay ka timi dadka Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Maraykanka, wuxuuna sheegay inay farxad u tahay inay deeqdaan ku wareejiyaan dad u baahan oo danyar ah, wuxuu sheegay haddii la isku tashado in waxqabad muuqda la gaari karo.

Qaar ka mid ah gudiga abaaraha Xingalool iyo waliba Dadka ay Abaaraha Saameeyeen ee Deeqdan Raashinka ah la gaarsiiyay ayaa ka mahad celiyay waxayna sheegeen inay taahay mid ay ku farxayaan in dad Soomaaliyeed ay soo caawiyeen.

Deeqda ayaa loo qaybiyay dadka dhimirka ka xanuunsan, agoomaha, dadka curyaanka ah iyo dadka waa weyn ee danyarta ah, Oday ka mid ah odayaasha guddiga ayaa sheegay Gobalka Sanaag inuu ka mid yahay meelaha sida aadka ah abaartu u saamaysay.

Ma ahan markii ugu horaysay Qurba joogta Soomaaliya ee dibadda gurmad noocaan oo kale ah soo gaarsiiyay dadka danyarta ah, hase yeeshee dadka ku nool Dalka Maraykanka ayaa inta badan dadaalada noocaan oo kale ka qayb qaata iyagoo si toos ah usoo gaarsiiya qoysaska ku haboon.
12992744_10154266073609406_1063239543_n

13023704_10154266073444406_831217479_n

13059833_10154266073389406_1594426937_n

13077192_10154266073429406_599963464_n

13082120_10154266073549406_1849692709_nPUNTLAND POST

The post Hay’adda Read Horn of Africa oo deeq ka timi Soomaalida Maraykanka gaarsiiyay Danyarta Xingalool appeared first on Puntland Post.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo booqday ciidamadii Puntland ee ku dhaawacmay dagaalkii Alshabaab ee Addis Abab loo qaaday

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli  Maxamed Cali Gaas oo Safar shaqo u jooga magaalada Addis Ababa ee caasimadda Waddanka Ethiopia ayaa maanta booqday ciidamadii Puntland ee ku dhaawacmay dagaalkii Puntland lagaga sifaynayey   kooxihii Al-shabaab ee duullaanka kusoo qaaday Puntland, kuwaas lagu dabiibayo cusbitallo ku yaalla magaalada Addis Abab ee xarunta dalka Ethiopia.

Booqashada ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey Wasiirka Dekedaha,  gaadiidka Badda iyo ladagaallanka Burcad badeedka Cabdullaahi Jaamac Saalax, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha  Cabdiweli Xirsi Indho-guran iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Siciid isla markaana waxay soo booqdeen dhammaan dhaawacyadii oo xaaladdoodu aad u wanaagsan tahay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mid-mid ula sheekaystay dhaawacyadii si’uu si hoose ugu ogaado xaaladohooda guud ahaan,  isla markaana waxa uu amray in waddanka India loo qaado dhaawacyada qaybtood si baadhitaan dheeraad ah loogu sameeyo

Booqashada kadib Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo waftigiisa ayaa waxaa  qado sharaf soo dhoweyn ah ugu sameeyey magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan xubno ka tirsan xukuumaddiisa.

Kulanka qado sharafta ah ee  ay wada qaateen Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia  kadib waxay wada qaadeen kulan  gaar ah oo diiradda lagu saarayey xiriirka u dhexeeya Dawladda Puntland iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Sidoo kale waxaa kulanka looga wada hadlay halka uu marayo Kastamka Tuur-dibi oo la filayo in dhowaan la furo si Puntland iyo Ethiopia ay u yeeshaan xidhiidh ganacsi oo ka wanaagsan ka hadda jira iyo sidii laysaga kaashan lahaa sugidda nabad gelyada maadaama Puntland iyo Ethiopia ay wadaagaan xuduud dhuleed aad u ballaadhan.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

1 2 3 4 570a09bb-90ba-4862-9fd2-a6db411949d2 adef5bd4-cd84-4dab-8bf9-2f98413a876d

 

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo booqday ciidamadii Puntland ee ku dhaawacmay dagaalkii Alshabaab ee Addis Abab loo qaaday appeared first on Puntland Post.

Qodobbo Muhim ah oo kasoo baxay Shirkii Golaha xukuumadda Dawladda Puntland

$
0
0

Shirka gollaha xukuumada Dowladda puntland oo uu shir guddoominayay madaxweynaha ku-xigeenka C/xakiim Xaaji cumar Camay ayaa maanta loogaa hadlay qodobo ay ka mid yihiin arrimaha amaanka, Shirka kullanka dib u Habaynta iyo horumarinta soomaaliye ee SDRF ee Muqdisho, Ilaalinta heshiiskii Dastuurka, shirkii JPLG ee Kenya, La dagaalanka Qalooca Caqiiqdada Islaamka iyo xaaladda abaaraha Puntland.

Warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirka waxaa kaloo lagu caddeeyay  in dhammaan degmooyinka ku yaal xeebaha  laga hirgalin doono saldhigyo waaweyn oo ciidamadda badda puntland ay leeyihiin ,waxaana loogu baaqay dadweynaha reer puntland ay feejignaandaan oo ay u soo gudbiyaan ciidamada qaranka wixii ay arkaan.

Warmuritiyeedka waxaa kaloo lagu sheegay in  aan la aqbali Karin in dastuurka Dowladda federaalka loo sameeyo marmarsiyo oo la horgeeyo dad shacab ah iyada oo laga leeyahay Dan-gaar ah.

Hoos ka Akhriso Warmurtiyeedkii oo Dhamaystiran

Warmurtiyeedkii ka soo baxay Madaxtooyada

Warmurtiyeedkii ka soo baxay Madaxtooyadan1

 

 

The post Qodobbo Muhim ah oo kasoo baxay Shirkii Golaha xukuumadda Dawladda Puntland appeared first on Puntland Post.

Jeey ”xoogaygii difaaca dalka ayuu ku dhamaaday waxaan codsanayaa in la isoo caawiyo”

$
0
0

Garowe(Puntland Post) Maxamuud Xirsi Jeey oo ka mid ah Odayaasha ay saamaysay abaarta ka jirta Gobalka Nugaal ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Puntland ka codsadey inay caawinaad u sameeyeen maadama xoolihii inta badan ay gaajo iyo haraad uga baqtiyeen.

Oday Jeey oo ku jira Da’da Sagashan-ka ayaa Jubbaland Tv uga waramay xaaladiisa wuxuu sheegay inuu xooggiisii uga dhammaaday difaaca dalka hadana uusan haysan wax garab gala, waxa kale uu sheegay wiilkiisii reerka oo ka mid ahaa ciidanka difaaca Puntland uu ka dhintay hadana uusan haysan wax qoyskiisa taageera.

”Waxaan doonayaa in la iga samir siiyo wiilkaygii iga dhintay oo wax la ii qabto, xiliyadda jiilaalka isagaa garab ka heli jiray haddana wax i taakuleeya ma haysto, biyo iyo baad ayaan ka codsanayaa shacabka iyo dowladda”.

Maxamuud Xirsi Jeey ayaa xoolo kooban oo abaarta uga bad baaday hadda ku raax duleedka tuulada Rameeti oo ka tirsan Gobalka Nugaal, waxa kale uu sheegay in xoolaha qaarkood ay xaafada iska fadhiyaan lana kici waayen gaajo iyo oon, wuxuu dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay sanadkan garab qabtaan.

Fadlan walaal muuqaalkan oo aad u xanuun badan hadaad daawato moobilka laga heli karo Odaygaan iyo qoyskiisa waa kan oo dhaqaale ku taageer.

00252907207987

PUNTLAND POST

The post Jeey ”xoogaygii difaaca dalka ayuu ku dhamaaday waxaan codsanayaa in la isoo caawiyo” appeared first on Puntland Post.


Sirdoonka Soomaaliya oo fashiliyey gawaari qaraxyo lagu fulin lahaa

$
0
0
Labadda gaari ee qarax lagu qabtay: Isha Sawirka(Farxaan Suleymaan Maaskaro) oo katirsan Warbahinta Dawlada Soomaaliya
Labadda gaari ee qarax lagu qabtay: Isha Sawirka(Farxaan Suleymaan Maaskaro) oo katirsan Warbahinta Dawlada Soomaaliya

Muqdisho(Puntland Post)-Ciidamada Sirdoonka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo lo yaqaan NISSA ayaa soo bandhigay labba gaari oo ay qaraxyo ka buxeen, kuwaas oo ay ku sheegeen in lala damcsanaa goobo dadweynuhu ku badan yihiin.

Sargaal katirsan Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya ayaa tilmaamay in la doonaayey mid kamid ah gawaaridan in lagu qarxiyo maqaaxi ku taala Magaalada Muqdisho, halka kalena ay saarnaayeen tiro maleeshiyaad ah oo doonaayey inay dagaalamaan marka ay qaraxa fuliyaan.

Wararka ayaa sheegaya xili ay Ciidamadu doonaayeen inay furfuraan qaraxa gaariga ku xiraa inuu si kadis ah ugu qarxay ayna Ciidamadii halkaas ku sugnaa dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen.

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca dilal iyo Qaraxyo isdaba jooga, waxayna Ciidamada amaanku marar kala duwan sheegeen inay gacanta ku dhigaan qaar kamid ah raga weerarada argagixisanimo ka fuliyo Muqdisho.

Puntland Post

 

The post Sirdoonka Soomaaliya oo fashiliyey gawaari qaraxyo lagu fulin lahaa appeared first on Puntland Post.

Uhuru Kenyata oo 10 Milyan oo Dollar siinaya beeralayda Qaadka Mirowga

$
0
0
Kenyata oo Malaayiin Doolar ku maalgelinaaya qaadka Mirowga
Kenyata oo Malaayiin Doolar ku maalgelinaaya qaadka Mirowga

Nairobi(Puntland Post)- Dawlada Kenya ayaa shaacisay inay Hal Bilyan oo Shilinka Kenya ah oo u dhiganta 10 milyan oo Dollar siinayso Beeralayda Qaadka loyaqaan Miraa ama ay Soomaalidu u taqaan Mirow, kaas oo si aada looga Isticmaalo Dalka Soomaaliya iyo Guud ahaan dhulka Soomalidu ku nool yihiin.

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa sheegay inay lacagtan ku dhiiri gelinayaan wax soo saarka Dalka, siiba Beeralayda Qaadka Mirowga oo kamid ah wax soo saarka ugu weyn ee uu Dalkiisu ka sameeyo Balaayiin Doolar. wuxuuna Kenyata intaa ku daray in Mirowga loo aqoonsaday mid kamid ah Beeraha wax soo saar ee ugu wanaagsan Kenya, uuna yahay wax soo saar sharci ah.

Dhaqaalahan cusub ee uu Kenyata siinaayo Ganacsatada Mirowga ayaa la sheegayaa inay timid markii Dawladaha Yurub  ay mamnuuceen in Wadamadooda la keeno Qaadkaas oo ay u aqoonsadeen mid kamid ah daroogooyinka khatarta ku ah nolosha Bini’adama, Ganacsatada Miraa ayaa lumiyey dhaqaale xoogan tan iyo markii laga mamnuucay in la geeyo Yurub, gaar’ahaan Dalalka Ingiriiska iyo Holland oo siweyn ay u cuni jireen Soomaalida halkaas ku nool.

Beeralayda Qaadka Mirowga suuqa ugu weyn ee ay iminka ka iibsadaan wax soosaarkooda ayaa noqday Dalka Soomaaliya, waxayna sanad walba ka sameeyaan Balaayiin Doolar, Hogaamiyaayasha Mirowga ayaa ku howlan sidii ay usii kordhin lahaayeen qaadka ay u iib-geeyaan Soomaaliya.

Qaadkan ayaa dhibaato xoogan oo dhaqaale,Caafimaad iyo Qoys ku haya Umadda Soomaaliyeed, mana jirto cid isku taxalujisa sidii Wadanka looga joojin lahaa ama looga yarayn lahaa dhibaatadan xoogan ee uu qaadku ku hayo.

Puntland Post

 

 

 

 

The post Uhuru Kenyata oo 10 Milyan oo Dollar siinaya beeralayda Qaadka Mirowga appeared first on Puntland Post.

Guddiga Culumada ee Gurmadka Abaaraha oo ugu Baaqay Dowladda Puntland Inay Kaalin Muuqata ka Qaadato Gurmadka Abaaraha.

$
0
0

Guddoomiye Guddiga Culumada ee gurmadka abaaraha sheikh Fu’aad Maxamuud X. Nuur iyo Guddoomiye k/xigeenka Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf oo maanta shir jaraa’id ku Qabtay magaalada bosaso ayay kaga hadleen biyo la’aan ba’an iyo abaaro ka jira inta badan degaamadda puntland, waxayna ugu baaqeen dowladda  puntland inay qaadato kaalin muuqata.

Sheekh Fu’aad Xaaji Nuur wuxuu ku dhaliilay dadka reer puntland ee dhaqaalaha iyo shirkadaha waaweyn haysta iyo dowladda puntland inaysan dareesanayn xajmiga ay leedahay abaarta iyo biyo la’aanta ku habsatay xoolo dhaqatada reer  puntland.

“ Ummada walba qaabka ay bulshadeeda u gargaarayso  iyadaa iska leh inay siyaasadeeda dejiso , hay’adaha dalka jooga biyo waa dhaamiyaa, laakiinse waxaa yaab leh  hay’aduhu waxay leeyihiin biyaha waxaanu ku shubaynaa tuulooyinka, annagu xoolo shuqul kuma lihin oo arrimaha bani’aadanimada ayaanu ka shaqaynaa” ayuu yiri Sheekh Fu’aad Maxamuud X. Nuur

“Waajibka Saaran dowladda puntland waxaa weeye inay hay’adaha u sheegto  in khayraadka  ay bulshadda soomaaliyeed reer puntlad ay  ku nool yihiin uu yahay Neefka xoolaha,  oo muhiimada gaarka ah u leh” ayuu sii raaciyay sheikh Fu’aad Xaaji Nuur.

Puntland waxaa ka jira Guddiga Culumadda ee gurmadka  iyo Guddiga gurmadka  abaaraha dowladda oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne k/xigeenka Puntland C/xakiim Xaaji Cumar Camay iyo Hay’ada ka hortega masiibooyinka puntland oo lagu magacaabo Hadma.  hase yeeshee waxaa la sheegay in gaabis ku jiro gurmadka iyo taakulada loo fidinayo dadka abaaruhu ay saameeyeen, iyadoo shirkii gollaha wasiirada ee maalintii khamiistii lagaga hadlay xaaladda abaartay, islamarkaana laga codsaday beesha Calamka iyo hay’adaha kale in gurmad la gaasiiyo dadku abaartu saamaysay

Gees kale, Guddiga culumadda ee gurmadka abaaruhu waxay faahfaahin ka bixiyeen lacago ay soo gaarsiiyeen  guddiga Jaaliyadda  reer puntland ee  finland oo ku deeqay lacag dhan $2500, waxaa kaloo guddigu u mahadceliyeen shirkado iyo shaqsiyaad ku deeqay lacag biyo dhaamin iyo taakulayn loogu sameeynayo qoysaska ay abaartu ku dhufateen.

Jaaliyadda Puntland Society of Finland                                                                          $ 2500,

Jaaliyadda Opsala ee Sweden oo wakiil u ahaa maxamud maxamed Tarabi           $1380

Shaqaalaha Soomaalida ee Hay’ada Care                                                                          $1340

Iskaashatada Gaadiidka PL-ka ee Bosaso                                                                          $1000

Ganacsade Cumar Cali Xasan (Dubai)                                                                                $1000

Cali Nuur  (UK)                                                                                                                         $100

Aamino Yaasiin Warsamed (Garowe)                                                                                  $499

Shirkadda Daawooyinka ee Shaafici                                                                                    $5000

Arrintu si kastaba ha haatee, Maalmihii la soo dhaafay waxaa qaylo dhaan hor leh ay ka soo yeertay dadka xoolo dhaqatada eek u noo degaamo iyo degmooyin hoos yimaado gobolka Nugaal , wacay ka cabanayaan biyo laa’aan iyo xoolihii oo halis ugu jira inay dhintaan.

PUNTLAND POST

The post Guddiga Culumada ee Gurmadka Abaaraha oo ugu Baaqay Dowladda Puntland Inay Kaalin Muuqata ka Qaadato Gurmadka Abaaraha. appeared first on Puntland Post.

400,000 oo Qof ayaa Siiriya ku dhimatay – Wakiilka QM ee Siiriya

$
0
0

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Siiriya ayaa sheegay in rabshadaha ka socda dalkaas ay galaafeen 400,000 oo qof ilaa hadda.
Staffan de Mistura ayaa tiradaan ku sheegay mid isaga ka soo yeertay laakiin aysan ahayn tira guud rasmi ah oo ka soo baxday QM.

Labo sano ka hor dhimashadu waxa ay ahayd 250,000, markaa labo sano ka hor, waa labo sano ka hor ayuu raaciyey Staffan de Mistura.
hadalkan ka soo baxay Mistura ayaa laga akhrisan karaa in hay’adda Qaramada midoobay aysan hayn tiro rasmi ah dadka ku dhintay dagaalada Siiriyaha ka socda shanta sano.

The post 400,000 oo Qof ayaa Siiriya ku dhimatay – Wakiilka QM ee Siiriya appeared first on Puntland Post.

Jawaari: R/W waxaan ka sugeynaa inuu noo keeno sida Xukuumadiisa ay ku fulin karto Doorashada 2016

$
0
0

Puntland Post-(muqdisho) Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaal Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan  Jawaari  ayaa sheegay inay ka sugayaan Ra’iisul Wasaaraha Somaliya maalmaha soo socda inuu baarlamaanka horkeeno sidii ay ku qabsoomi laheyd Doorashada 2016.

Waxa uu tilmaamay Guddoomiye Jawaari maadaama aysan aheyn Doorashada sanadkan dhaceysa mid qof iyo cod ah, laakiin ay tahay Wakiilo Shacabka matalaya inay wax doortan taasi macnaheeda inay tahay Doorasho Dadban.

Xukuumadda Somaliya ayuu sheegay inay ka sugayaan Sharciga la xiriira Sidii dalka ay uga dhici laheyd Doorasho dadban iyo qaabka Xukuumadda ay u wajahayso arintaasi.

“Warmurtiyeedka la gaaray waa go’aan siyaasadeed, laakiin u baahan Tafaasiil Sharciyeed inuu yeesho, waa arinta aan ka sugeyno Ra’iisul Wasaaraha inuu Bisha 26-keeda keeno sida uu isaga balan qaaday.” Ayuu yiri Jawaari.

“Waxaa loo baahan yahay in Ra’iisul Wasaaraha sida Xukuumadiisa ay ku fulin karto Doorashada dadban inuu noo keeno, kabacdi aan eegno oo la sharciyeeyo Doorasho dad badan oo la sameynaayo kaliya 2016.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiye Jawaari.

PUNTLANDPOST

The post Jawaari: R/W waxaan ka sugeynaa inuu noo keeno sida Xukuumadiisa ay ku fulin karto Doorashada 2016 appeared first on Puntland Post.

Viewing all 23204 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>