Kooxda Atletico Madrid ayaa guul dahabi ah garoonkeeda kaga gaadhay kooxda Bayern Munich kulanka lugta hore ee Champions Leaque-ga, waxayna Atletico guushan ku gaadhay 1:0
Atletico Madrid ayaa hoggaanka ciyaarta la wareegtay 11-daqiiqo, kaddib markii Saul Niguez u dhaliyey gool qurux badan, isagoo iska dhex jeexay xiddigaha Bayern Munich, waxaana uu isku dar daray saddexda xiddig ee Bayern Xabi Alonso, Thiago Alcantara iyo Juan Bernat, waxaana uu gooysmo ku joojiyay David Alaba, ka hor ina uusan cag jaran oo dhulka ku socota shabaqa dhex dhigin.
Goolha Saul waa goolkii saddexaad oo uu xilli ciyaareedkan uu ka dhaliyo Champions League, waana ciyaaryahanka ugu badan ee Spain ka soo jeeda oo goolasha ugu badan ka dhaliyey Champions League.
Kooxda reer Spain ee Atletico Madrid ayaa goolka hore ee ciyaarta dhalinayey 26 kulan oo ka mid ah 27-kii ee ugu dambeeyey oo ay gurigooda ku ciyaaraan tartammada Uefa.
Xiddiga Bayern Munich ee Arturo Vidal ayaa sameeyey fursadda kaliya ee ay qeybta hore heshay kooxdiisa, waxaana uu galay madax qurux badan, laakiin waxaa ka beeniyey Jose Gimenez.
Dhanka Atletico Madrid waxa ay qeybta hore heleen fursad cajiib ah, waxaana sameeyey Antoine Griezmann, iyadoo uu ka badbaadiyey goolhaye Manuel Neuer.
Bayern Munich ayaa wax guul ah gaari la’ todobadii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda kulamada kala baxa ee Champions League, afar barbaro ayey soo gashay, saddexda waa laga adkaaday.
Si kastaba ha ahaatee, Atletico Madrid ayaa awooday in ay guul ka gaadho Bayern Munich isla markaana ay garoonka ka baxdo iyada oo shabaqeeda wax gool marti ah ka ilaalisay taas oo fursad fiican siinaysa kooxda Diego Simeone.
Garowe(Puntland Post) Hooyo Uur leh iyo Wiil yar oo ay dhashay ayaa ku geeriyooday Tuulada Jalam ee Gobolka Nugaal, kadib markii Daad soo rogmaday maalinkii shalay uu qariyay Baraag Biyo Buux dhaafiyeen oo Xilligaasi ay u qaateen meel bannaan oo Biyo marayaan. iyagoona markii danbe halkaasi ku naf waayay.
Xoghayihii hore ee Degmada Burtinle Xaafid Cabdirisaq ayaa xaqiijiyay geeridan naxdinta leh ee ka dhacday Tuula Jalam, waxayna hooyadan uurka leh u socotay sida la sheegay xoolo ay banaanka magalada u waday si ay usoo daaqaan.
Dhinca kale Roobab mahiigaanka ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayay deegaanada Puntland ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in Xoolo badan ay ku le’deen, Xoolahaasi oo markii hore abaartu ay saameysey.
Meelaha xoolaha uu roobku ku laayay ayaa ka mid ah deegaano ka tirsan Gobalka Nugaal.
Garowe(Puntland Post) Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa lagu wadaa maalinta beri ah (JImce) inuu ka dego garonka diyaaradaha magalada Bosaso.
Socdaalka Gees ee Bosaso ayaa salka ku haya ka qayb galka xaflada lagu shaacinayo dhismaha wajiga labaad Airport-ka Bosaso, iyadoo sidoo kale lagu wado inay kasoo qayb gallaan wafuud heer caalami ah iyo kuwo ka socda dowladda dhexe.
Mashruuca lagu dhisayo wajiga labaad ee garoonka waxaa gacanta ku haya urur goboleedka IGAD waxaana dhaqaalaha ku deeqay dowladda Talyaaniga.
Dhinaca kale madaxwayne Gaas marka uu tago magalada BOsaso waxaa lagu wadaa inuu kulan la qaato madaxda iyo waxgaradka Gobalka Bari.
In ka badan 27 qof ayaa ku dhimatay, tiro kale oo aan la xaqiijina waa ku dhaawacmeen weerar cirka ah oo dowladda Bashaar Al-asad ay isbitaal ku yaal magaalada Alleppo ka geysatay in kasta oo uu jiray heshiis xabad joojin ah.
Duqayntan oo ka dhacday isbitaal lagu magacaabo Alqudus ayaa waxa ku dhintay dad isugu jiray bukaan iyo shaqaalihii caafimaadka oo uu ku jiray Dr Wasem Maaz oo ahaa halkii dhakhtar ee caanka ahaa ee ku haray magaalada Aleppo.
Shaqaalaha gurmadka ayaa meydka iyo dadka dhaawaca ah ka soo gurayey burburka hoostiisa. Dhimashada ayaa la filayaa inay sare u sii kici doonto maadaama ay jiraan dad dhaawac halis ahi soo gaaray.
Weerarkan ayaa ka mid ah weeraro ay dowladda Siiriya ka fulisay magaalada Alleppo kaasi oo lagu dilay 100 ruux tan iyo jimcihii lasoo dhaafay.
Guddoomiye K/xigeenka gobolka Bari Axmed Cabdullaahi Cirro ayaa ka qayb galay xaflad ay mag jifiyeed ay ku kala guddoomeen Lao beelood oo oodwadaag ah oo ka heshiiyay diyada dad lagu laayay colaad 25 sanno ka hor ka dhacday gobolka bari.
Xaflada oo lagu qabtay hotel Tropical ee magaaladda bosaso, waxaana ka qayb galay C/casiis Boqor Muuse, Cumar Abshir Cumar, Nabadoon Xirso Kadoon Diiriye, Jaamac Ciise Faarax, waxaa kaloo ka qaybgalay Culumo’udiin, Cuqaal, Ganacsato iyo dhalinyaro ayaa beesha Cismaan Maxamuud waxay ku wareejiyeen Beelaha Amaanle iyo Dir Lixdan Kun oo dolar oo ah qaybtii hore ee magta jifiyeedka oo ah Sideed qof.
Cabdicasiis Boqor Muuse oo ugu horrayn ka hadlay munaasabadda ayaa ku ammaanay labada beelood Dadaalka ay muujiyeen inay ka heshiiyeen dhiigii dadkii ku dhintay colaada 25 sanno ka h, wuxuuna ku ammaanay beelaha dhibtu soo gaartay oo uu sheegay inay sabir iyo dulqaad muujiyeen.
“ arrinkaan aanu maanta u fadhino waa mag jifiyeed ay bixinayaan beesha cismaan maxamuud oo ay qaadanayaan beelaha Amaanle iyo dir, Tolnimadii iyo saburkii beelaha dhibtu gaartay waanu ka mahadcelinaynaa” ayuu yiri c/casiis Boqor.
Nabadoon Cumar Abshi Cumar oo isna ka hadlay xafladda ayaa sheegay inay howshu bilow tahay, waxaana uu sheegay inuu rajo weyn uu ka qabo in la dhamaystiro qaybaha dhiman ee Magta,waxaana uu ka sheekeeyay sidii ay ku bilaabantahay dhacdadan oo ku tilmaamay inay ahayd mid xanuun badan,
“ arrintan waa arrin dhacday xiligii burburka somaliya 1991-dii. Dhacdadani waxay ka kacday ma ahayn wax khuseeyay beelaha hadda magta kala qaadanaya, Beelo kale oo maqan oo sanadka qirtay ayaa nin dilay, oo inkiray ninkii ay dileen, arrintiina qolo kale ayaa loo tuhmay, taasi ayaana keentay in dad badani ay ku dhintaan oo ilaa iyo maanta soo gaartay” ayuu yiri Abshir cumar, wuxuuna sii raaciyay
Jaamac ciise Faarax iyo Xirso Kadoon Diiriye oo ku hadlay beelaha la Wareegayay magta ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin, islamarkaana ay bogaadinayaan in la bixiyo qaybtii hore oo ay muddo dheer sugayeen in laga heshiiyo dhacdadii 25 sanno ka hor dhacday. Waxayna tilmaameen inay maqsuud ka yihiin qabkii howsha loo maareeyay, ayna rajaynayeen in inta dhiman howshana la dhamaystiro
Gees kale, boqor Burhaan Boqor Muuse oo khadka telefoonka kaga qaybgalay Xafladda ayaa ammaan u soo jeediyay Nabadoonada, Cuqaashada iyo waxgaradka Labada beelood ee gacanta ka gaystay in laga heshiiyo magta dadkii 25 sanno ka hor ku dhintay colaada.
Guddoomiye k/xigeenka gobolka Bari Axmed Cabdullahi Ciro oo gabagabadii Hadal ka jeediyay xafladaas nabadeed waxaa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida labada beelood ay u dhamaysteen wixii dhex yaalay, islamarkaana ay la kala wareegeen qaybtii hore ee magta. Waxaana uu ugu baaqay in beelaha kale ee reer puntland in cidii wax dhexyaaliin ay ku dhamaystaan si walaalnimo iyo tolnimo ah.
Heshiiskan ay labada beelood magta ku kala guddoomeen oo soo jiitamayay muddo 25 sanno ah, ayaa sanadkii hore ayaa Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse guddi xeerbeegti ah u soo saaray si ay dhamaystiraan beelaha saddexda ee wax kala tirsanayay, Taasi oo ugu dambayntii Toddobaadkan la soo gabagabeeyay.
Garowe(Puntland Post) Soomaali badan oo ka kala yimi Koonfurta,Waqooyiga (Somaliland) iyo gobalada kale ee Puntland ayaa magalada Garowe usoo raadsada fiisaha dal ku galka Itoobiya, maadama ay xarunt ku lee dahay caasimadda.
Dadkaasi fiisaha lagu galo dalka Itoobiya u yimi Garowe ayaa isagu jira Ragg,dumar iyo arday, hase yeeshee qaarkood oo aan kula kulanay meel aan sidaasi oga fogeyn safaarada Itoobiya ee Garowe ayaa sheegay inay dhibaatooyin badan tirsanayaan kuwaasoo ay ugu horayso inaysan si nadiif ah ku helin dal ku galka Itoobiya, qaarkoodna waxay sheegeen inay caqabada ugu badan ay tahay dhanka laanta socdaalka Puntland.
Hooyooyin ka mid ah kuwa dhibka tirsanaya ayaa sheegay inuu dhaqaalihii uga dhamaaday hotelka iyo cunta, haddana aysan haysan waxay xitaa dib ugu laabtaan meelihii ay ka yimaadaan, sidoo kale waxay sheegeen inaysan helin Fiisaha oo maalin kasta laga hor mariyo dad siyaabo kala duwan loo qaabilo, qaar ka mid ah ardayda fiisaha doonaya ayaa sheeg in lagu xiray inay diyaarada Itoobiya raacaan haddii ay rabaan inay dhaqso helaan fiisaha taasoo ku adkaatay qaarkood inay haleelaan dhaqaalaha faraha badan ee diyaarada lagu raaco.
Cabashada dadkaan Soomaaliyeed oo maalintii oo dhan goob aan munaasibad ahayn u fadhiya siday fiisaha Itoobiya u heli lahaayeen ayaan wali wax muuqda laga qaban, waxaana socda dhaq- dhaqaaq xoogan oo arrinta cabashada wax looga qabanayo.
Dhinaca kale waxaan xiriir la samaynay Laanta socdaalka xarunteeda Garowe si ay jawaab uga bixiso cabashada dadka iyaga soo maray hase yeeshee hadda ma suurta galin inaan haleelno balse waxaan la xiriirnay masuul ka tirsan oo noo sheegay inuu arrintaasi ka jawaabayo sidoo kale waxaan isku dayi doonnaa in safarada Itoobiya xiriir la samayno.
Addis Ababa (Puntland Post) — Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” oo maalmihii la soo dhaafay hawlo shaqo u joogay dalka Sucuudiga ayaa saacidihii la soo dhaafay soo gaaray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, halkaas oo lagu wado in ay isku arkaan madaxda Itoobiya.
Gaas ayey wararku sheegayaan in berri oo Sabti ah uu Boosaaso tegi doono, iyada oo lagu wado in uu halkaas kulamo kula yeesho waxgaradka iyo maamulka gobolka Bari.
Dhismaha wajiga labaad ee garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa qayb ka ah socdaalka madaxweynuhu Boosaaso ku tegi doono, iyada oo dhaqaalaha ku baxaya wejiga labaad Puntland ugu deeqday dowladda Talyaaniga oo soo marsiinaysa urur goboleedka IGAD.
Garowe(Puntland Post)-Taliyaha Ciidamada Booliska Dawlada Puntland Jeneral Cabdirsaaq Afgaduud oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Garowe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu lahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland gaari dhawaan laga dhacay Magaalada Garowe.
Jeneraalka ayaa sheegay in gaarigan ay lahaayeen Ciidamaa Booliska Puntland, siiba qaybta dambi baarista ee loyaqaan CID, wuxuuna intaas ku daray inuu Soomaliland ku xiran yahay ninkii gaarigan dhacay oo horayna u ahaa darawalkii gaariga, ayna Somaliland dib gaarigii ugu soo celisay gacanta Puntland.
Dhawaan warar lagu faafiyey Baraha Internetka waxa lagu sheegay in Magaalada Garowe lagu dhacay gaari uu lahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlada Puntland Eng Cabdilaahi Xaaji Cumar Camey loolana galay Somaliland.
Puntland iyo Somaliland ayaa sanadihii danbaba kawada shaqaynaayey nabad galyada, iyagoo marar kala duwan isku celiyey gaadiid la kala dhacay iyo Dad danbiyo loo haysto.
Kismaayo(Puntland Post)-Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose ahna xarunta KMG ah Dawlada Jubbaland ayaa lagu soo dhaweeyey Qaxooti kasoo laabtay xeryaha qaxootiga Soomalida ee Dalka Kenya, kuwaas oo sanadihii colaadaha sokeeye ka qaxay Soomaaliya.
Liibaan Cabdilaahi Biixi oo la hadlay Dadka Soo laabtay ayaa sheegay inay yimaadeen Dalkoodii Hooyo aana mar danbe loogu yeeri doonin erayga ajaaniib, wuxuuna tilmaamay inay Jubbaland ku faraxsan tahay in Dadkeedii ay dib ugu soo laabtaan Dalkooda.
Maahan Dadkii ugu horeeyey oo ah qaxooti Soomaaliyeed oo dib ugu soo laabta Dalkooda Hooyo, waxayna qayb ka yihiin Dad badan oo bilaabay inay Dalka kusoo laabtaan tan iyo markii ay xaalada Soomaaliya bilowday inay soo hagaagto.
Bosaaso(Puntland Post)-Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali ayaa gaaray Magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxaana soo dhawaynta Madaxweynaha ka qayb galay boqolaal qof oo iskugu jirey Qaybaha kala duwan ee Bulshada,Maamulka Gobalka iyo xubno katirsan Golaha Wasiirada.
Madaxweyne Gaas oo saxaafada kula hadlay aqalka Madaxtooyada Bosaaso ayaa sheegay inay guul weyn ka gaareen safaradii ay maalmihii u danbeeyey ku maraayeen Dalalka Sacuudiga iyo Itoobiya, wuxuuna sheegay inay Puntland kusoo wajahan yihiin Mashaariic aad u waaweyn
Inta uu Dr Gaas joogo Magaalada Bosaaso waxaa lagu wadaa inuu dhagax dhigo wajiga labaad ee Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Magaalada Bosaaso oo lagu dari doono qayb cusub.
Soo kabashada iyo kor u kaca isdaba jooga ah ee ku imaanaya Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa waxaa uu noqday mid ku soconaya xaawaare aad u sareeya, xawaarahaan ayaa keenay in ay yimaadaan is badallo kala duwan oo ay bulshad ka faa iidaan.
Shirkadda Isgaarsiin Somtel waxaa ay muddo ku siman sanad ka shaqaynaysaa deegaanadda Puntland, mudadii gaabnayd ee ay shaqaynaysay waxaa ay soo kordhisay adeegyo kala gadisan iyada oo aysan bulshadu helin iyada ka hor, adeegyadaan ay bulshadu ubaahan tahay ayaa waxaa ay u badan yihiin kuwo lacag la’aan ah.
Adeegyada
eDahah: Adeegaan inkasta uu horay wadaga uga jiray noociisu, misana wa uu ka casrisan yahay, waxaa uu bulshada usoo siyaadiyey faa iidooyi aysan horay u haysan, sida:- in uu yahay Khidmad la’aan, In uuyahay yahay bilaad xuduud Soomaaliya oodhan, midkiisa ku ganacsiga iyo kiisa shaqsigaa intuba, in aad akoonkaaga Dahabshiil ka maamushid taleefoonkaaga, In lacagta dibadda ee loosoomariyo shirkadda Dahabshiil ay ugu soodhacdo Telfoonkooda iyo in aad kala tacaamuli kartid Bangiga maalgalinta shirkadda Dahabshiil sifudud.
waxaa shacabka guul u ah in ay helaan adeegaan lacag la’aanta ah, waxaa kale oo shirkadda Somtel soo dhawaynaysaa in fikirka shirkadda Somtel oo noqdo mid najaxay, maadaama ay shacabku helayaan, adeegyo khidmad la’aan ah oo aysan horay u haysan. Danan: Waa adeeg ay bulshadu u baahan tahay, kaas oo ay ka helayaan codad ay dhagaystaan inta uu dhacayo lambarka macmiilka ay wacayaan, laxiriir 100 si aad u heshid warbixin dheeri ah.
Ilasoohadal: Adeegaan waa adeeg lacasriyeeyey, waxaana kusoo wici karaya asxaab taada tibadda, mana ahan sidii aad horay u arki jirteen oo aad guriga dhigan jirteen, ama aad isticmaali jirteen inta aad hal magaalo joogtaan, MIDKAAN, waxaa aad helaysaa Mobailkaaga gacanta oo lagu soo wici karo meelkast oo aad Soomaaliya ka joogtid iyo dhamaan meelaaha kale ee ay anteenadda shirkadda ka shaqayso.
Sahay Aakhiro: Waa adeeg aan horay loo arag shacabkuna aysan horay u helin, waxaana aad markasta helaysaa Su’aal diini ah oo uu ka jawabayo mid ka mid ah culimada ugu waaweyn Soomaaliya, waana ad waydiin kartaa su’aashii aad rabto culimada, fariin udir 802, si’aad u furatid ama isaga xirtid.
Saami celinta Bulshada: Barnaamijkaan waa barnaamij ku cusub guud ahaan soomaaliya, oo aan horay loo arag Somtel kahor, barnaamijkaan waxaa leeyahay wajiyaal kala duwan, waxaana uu salka ku hayyaa, in ay bulshadu hesho hadyado joogto ah oo shirkaddu ugu talagashay, iyo lacag ay maalinkasta heliyaan.
Waxaa helaya lacagtaan laba qof oo reer Puntland ah, Maalin kasta So.Sh,2,000,000, oo qofkiiba helayao Halmilyan, halka ay feersocdaan Hadyado waaweyn oo Asbuucle iyo Bille ah, oo markasta lasoo casriyeynayo.
Postipaid: Adeegaan gabi ahaanba waa ka badalan yahay kuwii lamidka ahaa ee hore, waxaana aad helaysaa 50%, oo qiime dhimis ah, waana qiime dhismtii ugu waynayd oo adeegaan dadka isticmaalaa ay helaan abid, waxaa macquul ah in ay mardhow shirkaddaha bixiya adeegyaan oo kale ay sameeyaan qiime dhimis aysan horay usamayn Somtel kahor.
Prepaid: Adeegaan waa ku hadalka, waxaana uu uga badalan yahay kuwii hore waxaa lagaaga dhigay $1=70daqiiqo (Halkii doolar Todobaatan daqiiqo), meesha ay horay ugu heli jirteen $1=34daqiiqo shirkada kale, Somtelna $1=50daqiiqo waagii hore.
Fariinta shirkadda:
Shirkadda Isgaarsiinta somtel waxaa ay macaamiisheeda ugu baaqaysaa in ay ka faa iidaystaan adeegyada qiimaha jaban misana tayada wanaagsan.
Somtel waxaa ay markasta shacabkeeda u haysaa adeegyo loogu turayo, lagu ilalainayo tabartooda, iyada oo ay filayso in Tartanka hufan ee suuqa ganacsigu uu horseedo in ay shirkaddaha kale ee gayiga ka jira ay shacabka ka khafiifiyaan culuska saaran, ayna adeegyada uga dhigaan lacag la’aan inya ay karaan.
Shirkadda Somtel waxaa ay markasta curinaysaa barnaamijyo aad umiih ugu ah bulshada kuwaas oo ay soo dhawaynayso in lasii qaato lana fahmo in ay bulshadu u baahan tahay in loo turo, loona nuglaado.
Muqdisho(Puntland Post)-Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida ee Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa dil ku xukuntay rag horay racfaan ugu qaatay Maxkamadaas markii ay dilka ku-xukuntay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamadu, loona haysto inay maleegeen Qaraxyadii lagu hoobtay ee bishoo Febraayo ka dhacay Magaalada Baydhabo.
Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka-sida Liibaan Cali Yarow ayaa ku dhawaaqay iny xukun dil ah ku rideen afar nin oo loo haystay qaraxyadii ay Dadka badan ku dhinteen ee Bishii Febraayo ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Bay.
Afarta nin ee la xukumay ayaa lagu kala magacabaa Xasan Aadan Mursal (Xasan Yare), Cabdulladiif Macalin Aadan Macalin C/raxmaan, Siyaad Xasan Faarax iyo Sharmad Aawoow Maxamed.
Maxkamada ayaa si lamid ah xukun dil ah ku ridey qof kale oo isagu Maxkamada ka maqnaa, kaas oo isna lagu soo eedeyey inuu wax kasoo maleegay Qarixii Baydhabo.
Waxay isna maxkamadu hal sano oo xarig ah ku xukuntay nin lagu eedeeyey inuu joogey Garaashkii qaraxyadan laga soo maleegey, Halka askari Magaalada Baydhabo ku diley qof rayid ahna dil toogasho ah lagu xukumay.
Maxkamadan ayaa marar kala duwan ridey xukuno dil ah, isla markaana ku fulisay Dadkii lagu ridey.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar shaqo ugu maqnaa waddamada Ethiopia iyo Sucuudi Carabiya ayaa maanta 30-April-2016 dalka dib ugu soo laabtay waxaana siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Soo dhoweynta Madaxweynaha ayaa waxaa ka qayb-qayb guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada dawladda Puntland Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam, Wasiirro, Xildhibaano, maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.
Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaadhey qolka nasashada ee garoonka caalamiga ah ee Boosaaso waxa uu ka warbixiyey safarkiisii uu ugu maqnaa dalalka Ethiopia iyo Sucuudi Carabiya, waxaana uu sheegay in safarkiisu uu salka ku hayey horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.
Safarka Madaxweynaha oo ka bilawday dalka Ethiopia ayuu sheegey Madaxweynuhu in uu kula kulmay Magaalada Addis Ababa madax sare oo ka tirsan dawladda Ethiopia isla markaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Ethiopia iyo Puntland iyo dhammaystirka kastamka Tuur-dibi oo muddo ay socotey arrinta la xiriirta furitaanka kastamkaasi.
Sidoo kale safarkii uu Madaxweynuhu ku tegey dalka Sucuudiga ayuu xusay in uu daarranaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo raadinta maal-gashadayaal caalami ah oo dalka maal-gashada, isla markaana uu maalqabeeno u dhashay dalkaasi la saxiixday heshiis taariikhi ah ku qotoma dhismaha deked laga dhisi doono Garacad, waddo laami ah oo isku xidhi doonta Gal-dogob iyo Garacad, dhismaha garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo iyo mashaariic kale oo horumarineed oo laga hirgelin doono dhammaan gobollada Puntland.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dawladdiisu ay xoogga saarayso horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo maal-gashiyo caalami ah oo dalka lagu samaysto, waxaana ku tilmaamay safarkaasi guul usoo hoyatey dadka reer Puntand.
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
Muqdisho(Puntland Post)-Raisul Wasaaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa maanta hor tagey Baarlamaanka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya si uu faah-faahin dheeriya uga siiyo Baarlamaanka Heshiiskii dhawaan ay kala saxiixdeen Madaxda Maamulada Dalka iyo kuwa Dawlada Federaalka ah ee ku aadanaa hanaanka ay u dhacayso Doorashada sanadka Dalka ka qabsoomaysa.
Cumar Cabdirashiid ayaa Baarlamaanka ka hor akhriyey Heshiiskii dhawaan lagu kala saxiixday Magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in Heshiiskan uu yimi markii la arkay inaysan Dalka Sanadkan ka qabsoomi karin Doorashadii la rajaynaayey ee ahayd hal qof iyo hal cod, sidaas darteedna ay Madaxdu Dalku ka maarmi waayeen in dib loogu noqdo hanaankii hore.
Raisul Wasaaraha ayaa ka codsaday Baarlamaanka Soomaaliya inay soo akhriyaan heshiiskan kadibna ay si dhaqso ah u ansixiyaaan maadama uu yahay mid muhiimad weyn u leh Bulshada Soomaaliyeed.
Gudoonka Baarlamaanka ayaa tilmaamay in hawshan lasii amba qaadi doono maalinta Isniinta ah ayna Baarlamaanku go’aan ka gaari doonaan.
Guddiga gurmadka abaaraha ayaa soo gabagabeeyay wajigii kowaad ee gurmadkii biyo dhaaminta ahaa ee ka wadeen qaar ka mid aha goboladda dalka
Guddoomiyaha Guddiga Culumadda Abaaraha Sheekh Fu’aad Maxamuud X. Nuur iyo sheikh Daahir Aw-cabdi oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaaladda Bosaso ayay ku sheegeen in roobabkii ay bilowdeen qaar ka mid ah degaamada puntland, walina ay da`ayaan islamarkaana guddigu ay hakad geliyeen howlihii Gurmadka inta roobabku da’ayaan.
“ insha allaah waxaan dib u bilaabi doonaa waji labaad oo loo gurmanayo dadkii xoolo dhaqatada ah marka ay roobabku istaagaan, oo la ogaado sida xaalku noqdo” ayuu yiri Sheekh Fu’aad
Sheekh Fu’aad waxaa kaloo uu sheegay in sida ugu haboon iyo meesha ugu haboon lagu wajihi doono gurmadka wajigiisa labaad, kaasi oo lagu caawin doono dadkii dhibaatadu ka soo gaartay abaarihii oo xoolahadoodii ay dhaafeen, una baahan in la gargaaro
Gees kale, Sheekh Fu’aad Waxaa uu u mahaceliyay, una duceeyay Jaaliyado dibada ah iyo dad muxsiniin ah oo lacago u soo diray guddiga, lacagtaas oo loogu talagalay in lagu gargaaro dadka soomaaliyeed.
Jaaliyadaha iyo Dadka kale lacagaha soo diray ayaa kala ah.
Jaaliyadda Belgium oo soo dirtay $3,675 kuna soo diray Sh.Maxamuud X.Yuusuf
Jaaliyadda Vasteras ee Sweden $1,320 Waxaa soo diray Sh.C/casiis
Jaaliyadda galbeedka Norway $500 Waxaa soo diray Bashiir Nuur
Hilaal Yuusuf Cawke $300 Seattle Washington
Hooyo joogta Garoowe $200
Shirwac Axmed Maxamed $159 Sweden
Haashim Maxamed Indhoyare $100 London Uk
Xamdi Maxamed Cali $100 Gothenburg Sweden
Gabagabadii, Sheekh Daahi Aw-cabdi oo ka mid ah guddiga Gurmadka Abaaraha puntland oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa u duceeyey guud ahaan dadkii ka qaybqaatay gurmadka dibad iyo gudaba isla markaasna sheegay in hadda hawshii gurmadka hakad la galiyey laakiin dib loo bilaabi doono markii raabku dhammaado oo xaaladda si fiican loo ogaado, wuxuuna ugu baaqay ummadda soomaaliyeed in ay is caawiyaan gurmadkana aysan ka caajisin.
Khilaafka ugu weyn ee Dacish iyo Al-qacida ayaa la rumaysan yahay inuu salka ku hayo, Dacish oo doonaysa inay Al-qacida ururkooda kusoo biiraan maadama ay maanta yihiin kooxda ugu weyn kuwa ay isku mada’a yihiin,Halka ay Al-qacida isku aragto kooxdii mada’anba soo bilowday ayna waajib tahay in iyada looga danbeeyo.
Muhiimada ay kooxahan u leedahay Puntland inay ka samaytaan Saldhigooda Geeska Afrika
Kooxda Al-shabaab ayaa bilowgeediiba isku dayday inay Saldhig muhiim ah ka samaysato Buraha silsiladda ah ee ku teetsan Gobalada Bari iyo Sanaag ee Puntland, waxaase si aada u hor joogsaday Ciidamada Puntland oo ay dagaalo faraha looga gubtay ku dhex mareen Buurlayda Gal-gala, Al-shabaab ayaa dhulkaas u arkaysay mid muhiim u ah dagaalada ay kawadaan Soomaaliya, maadama uu yahay dhul buuraley aad u dhir badan, uuna ku kulaalaayo Gacanka Cadmeed oo ay saanad iyo gurmad kaga heli karaan kooxaha ay bah wadaagta yihiin ee ku sugan dhulka Carabta.
Kooxda Al-shabaab ayaa lagu jabiyey Mar kale oo ay usoo hanqal taagtay Puntland markii ay Ciidamadoodu kasoo dageen Xeebaha Gobaladda Nugaal iyo Mudug 14-kii Bishii Maarso, wuxuuna dagaalkaasa u muuqday fariin ay Puntland u dirtay kooxaha dhulkeeda hamigu kaga jiro iyo Cid kasta oo soo haweysata.
Isku dayga Dacish
Dacisha oo si aada u doonaysa inay boos ka hesho Wadankan lagu hardamaayo ee Soomaaliya, ayaa iminka u muuqata inay saldhigooda ugu weyn la donayaan Puntland, maadama Koonfurta ay ku sugan yihiin kumanaan Ciidamo shisheeya ah iyo Kooxda Al-shabaab oo ay colaadi ka dhaxayso, waxaana arintan cadeeyey markii todobaadkii hore soo bandhigeen Muqaal cusub oo ay ku shegayaan inay saldhigoodii ugu horeeyey ee Ciidan ay ka furteen Soomaaliya, waxayna goobta ay sheegeen inay saldhiga ka furteen u muuqatay meel kamid ah dhulka Puntland, waxaana si aada uga dhex muuqday hogaamiyaha Dacishta Soomaaliya Cabdiqaadir Muumin oo horay uga mid ahaa Al-shabaabka Puntland kula dagaalama Buuraha Galgala, dhawaan u xuubsiibtay Dacish.
Maxaa Puntland u qorshe ah?
Warbaahinta Caalamiga ee Sky News oo dhawaan Warbixin ku aadan arimahan ka diyaarisay Puntland, ayaa mar ay waraysanaysatay Taliyaha Ciidamada Qalabka-sida ee Puntland Jeneraal Saciid Dheere wuxuu sheegay inay la socdaan iskudayga kooxahan ay kawadaan Puntland, wuxuuna ku faanay inaysan jirin cid haweysan karta dhulka Puntland, Isagoo dhanka kalena dhaliil usoo jeediyey Beesha Caalamka oo sheegata inay arimahan oo kale ka caawiso Soomaaliya,Balse Maamulkiisa wax gacan ah ku helin dagaalada ay kula jiraan kooxaha argagixisada oo uu kamid ahaa dagaalkii cuslaa ee dhawaan ka dhacay Gobaladda Nugaal iyo Mudug.
Siday doontaba ha ahaate Khubarada dhanka amaanka ayaa kula talinaaya Puntland inaysan sinaba u dhayalsan Kooxda Dacish ee isku abaabulaysa qaybo kamid ah Puntland, ayna yihiin khatar weyn oo kusoo fooleh degaanadan mudada dheer nabada ku naaloonaayey.
Puntland ayaa leh taariikh dagaal ee kooxaha Mada’an aamisan lagasoo bilaabo 1992-Al-itixaad, 2007-Midowgii Maxaakiimta Islaamka, 2010-Al-shabaab iyo mar kale 2016-Alshabaab, Dhamaan Puntland way ku guulasatay dagaalada kooxahan la gashay.
Muumin Jimcaale ayaa sheegay in ay dhibaato xoog leh kala kulmeen, Al-shabaab oo dad badan ka dilay, dhinaca kalana bilaabay in qaataan xoolihii ay dhaqanayeen, taasoo keentay ayuu yiri in aan hubka qaadano.
“Dad badan ayeey Al-shabaab naga dileen, xoolaha intii abaarta ka badbaaday ayeey bilaabeen in ay naga qaataan, dhibaato joogta ayeey nagu hayeen, waxaan goosanay intaa kaddib in aan hubka qaadanno, taasoo keentay in aan ka saarno deegaanno dhowr ah iyadoo cid kale oo gacan nagu siisay aysan jirin,’’ ayuu yiri Muumin Cilmi Jimcaale.
Xoogagan is abaabulay oo la baxay [Macwisley] ayaan helin taageeradii ay u baahnaayeen, hub iyo saanad military toona, waxaana gadiidka kaliya oo ay isticmaalaan marka uu Ruux ka dhaawacmo ku sheegeen in uu yahay Awr ama Rati taasoo mar marka qaar sababta in qofku dhinto ka hor inta aan la gaarsiin goob caafimaad.
Mid ka mid ah ragan waa 65 sano jir waxaa uu sheegay in Al-shabaab dileen wiil uu dhalay oo ahaa macalin dugsi Qur’aan, isaga oo intaa ku darray in wixii waqtigaa ka danbeeyay uu goostay in uu la dagaallamo Al-shabaab.
“Anniga oo da’dan ku jirra waxa igu qasbay in aan hubka qaato waa dhibaato aan arkay’’ Al-shabaab waxaa ay gowraceen wiil aan dhalay oo macalin dugsi Qur’aan ahaa waxaa uu wax barayay 18 caruur ah, wixii xiligaa ka danbeeyay ayaan go’aansaday in aan la dagaalamo Al-shabaab,’’ ayuu yiri odaygan oo waqtigaa ku hubeysnaa qoriga AK47–ka.
Deegaannada ay la wareegeen xoogaggan is abaabulay ayaa hadda ah kuwo xor ah oo ay ku dhaq-dhaqaaqi karaan dadka reer miyiga oo markii hore dhibaato ku qabay awaamiir iyo dalabaad uga imanayay Al-shabaab, gaar ahaan xoolaha oo la sheegay in dhowrkii biloodba mar laga qaadi jiray wax ay ugu yeereen Zakawaad.
Ugu danbeyntii, xoogaggan is abaabulay ayaa ka dalbanaya dowladdaFederaalka Soomaaliya, beesha caalamka iyo Jaaliyadaha dibada in lagu gacansiiyo dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, madaama aysan helin taageeradii military oo ay u baahnaayeen.
Axmed Madoobe iyo Cabdi Maxamuud oo Jigjiga kuso dhaweeyey Guuleed
Jigjiga(Puntland Post)-Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa gaaray Magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana halkaas si diiran ugu soo dhaweeyey xubno katirsan Dawlad degaanka oo uu hogaaminaayey Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Madoobe.
Madaxweyne Axmed Madoobe oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa Magaalada Jigjiga ayaa u muuqda inuu nabadooninaayo wada hadalka lagu xalinaayo khilaafkii gacan ka hadalka sababay ee dhawaan ka dhacay Xuduuda ay wadagaan Dawlada Gobaleedka Galmudug iyo Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, kaas oo sababay dhimashada tiro dad ah, ayna labada dhinac midba midka kale ku eedeeyey hurinta colaadaas.
Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dagaaladii Daac-dheer ku eedeyey inay soo huriyeen Maamul Gobaleedka Galmudug iyo Al-shabaab oo is garabsanaaya, Halka Galmudug ku eedeysay Dawlad degaanka Soomaalida inay Ciidamadoodu dad rayid ah ku laayeen Gudaha Soomaaliya.
Siday doontaba ha ahaate mudada uu joogo Cabdikariim Xuseen Guleed Magaalada Jigjiga waxaa la rajaynayaa inay halkaa ku kala saxiixdaan Heshiis nabadeed oo la rajaynaayo inuu xal u noqdo dhibaatadii halkaas ka taagnayd.
Waxaa Guud ahaa Caalamka maanta la fasaxay goobaha shaqadda iyadoo loo dabaald-degaayo 1-da May oo ah Maalinta shaqaalaha Aduunka, dhamaan shaqaalayaasha goobaha kala duwan ee Caalamka ayaa maanta la fasaxay si ay maalin nasasho ah ula qaataan qoysaskooda iyo asxaabtooda.