Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all 23196 articles
Browse latest View live

Invitation to Tender for Construction Materails for 90 Transitional Shelters for Galkayo IDPs under SIDA, SOFM1602


Daacish oo sheegtay inay Weerar u Geysteen kolonyo Gaadiidka Amisom ah oo maraayay duleedka Muqdisho

$
0
0

Ururka Daacish oo ku xoogan dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayaa sheegtay in weerarkii ugu horeeyay ay ka gaysteen dalka Somaliya, isla-markaana ay la beegsadeen kolonyo ay leeyihiin Ciidanka Amisom.

Gaari ay la socdeen Ciidanka Amisom oo maraayay deegaanka Tareedisho ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayay sheegteen inay qarax miino ku burburiyeen.

Daacish, ayaan kala cadayn goorta uu weerarkaasi dhacay iyo waxyeelada ka soo gaartay Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, marka laga soo taggo burburka gaarigaasi.

Dowladda Somaliya iyo Taliska Amisom, ayaan illaa iyo hadda wax war ihi ka soo saarin hadalka ka soo yeeray Ururka Daacish, xilli warkan lagu baahiyay wakaaladda afka Daacish ku hadasha ee Amaq.

Bishii October, ayay ahayd markii xoogag ka tirsanaa Ururka Al Shabaab ay ku dhawaaqeen inay si rasmi ihi ugu biireen Ururka Daacish, oo isu magacaabay Dowladda Khilaafada Islaamka.

PUNTLAND POST

The post Daacish oo sheegtay inay Weerar u Geysteen kolonyo Gaadiidka Amisom ah oo maraayay duleedka Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Roobab lagu diirsaday oo ka da’ay Magaaloyinka Garowe iyo Qardho

$
0
0

Garowe(Puntland Post)-Wararka ay Warbaahinta Puntland Post ka helayso degaano badan kamid ah Puntland ayaa sheegaya inuu si fiican uga curtay Roobka gu’ga oo ay mudo baahi badan u qabeen Dadka uu roobkaasi helay, Degaanadda ay roobabku ka da’een waxaa kamid ah Gobaladda Nugaal,Mudug,Karkaar,Sanaag,Bari iyo Sool.

Meelaha Roobka lagu diirsaday uu ka da’ay waxaa kamid ah Magaalada Garowe ee Caasimada Dawlada Puntland iyo Magaalada Qardho oo ah xarunta Gobalka Karkaar, waxaana si aada usoo dhaweeyey roobabkan lagu diirsaday Dadka ku nool Magaaloyinkaas.

Maalmihii u danbeeyey waxaa soo baxaayey qaylo dhaan badan oo la xiriirta abaaraha iyo Biyo la’aanta baahsan ee ka jirtay inta badan degaanada Puntland, Dadka Soomaaliyeed ayaa Alle uga mahadnaqay Curashadda raxmada Eebe.

Magaalooyinka waaweyn ee Puntland Sida Garowe,Bosaaso,Gaalkacayo,Badhan iyo Qardho waxaa maanta laga sameeyey isku soo baxyo roob doon ah oo ay horay u iclaamisay Wasaaradda Cadaalada iyo Diinta Puntland, waxaana la fasaxay Guud shaqooyinka Dawlada iyo Goobaha Waxbarashadda.

Puntland Post

 

The post Roobab lagu diirsaday oo ka da’ay Magaaloyinka Garowe iyo Qardho appeared first on Puntland Post.

Waa sidee jawiga magalo madaxda Puntland ee Garowe ka dib roobkii xalay ka da’ay?

$
0
0

Garowe(Puntland Post) Wajiga maanta oo Tallaado ah magalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa ka duwan sidii hore, ka dib markii xalay fiidkii uu ka da’ay roob lagu diirsaday oo mudo ka badan hal saac socday.

Waddooyinka muhiimka ah iyo laamiga ayaa saaka lagu arkayay biyo jiifo, sidoo kale dadka ayaa iska waraysanayay meelaha kale ee uu roobkan gu’ga qabtay.

Maalmihii lasoo dhaafay cilimadda Caasimadda ayaa ahayd mid kulul, balse maanta sidaa way ka duwan tahay oo waxaa la dareemayaa jawi dhexaad ah.

Deegaanada kale ee Gobalka Nugaal iyo Karkaar ayaa laga soo sheegayaa inuu roobku qabtay, kaasoo aan wax dhibaato ah u gaysan dadka iyo duun-yada.

Meelo badan oo ka mid ah Puntland ayaa laga soo sheegayaa abaaro aad u xooggan kuwaasoo hadda la wado dadaalo dadka gurmad loogu fidinayo.

PUNTLAND POST

The post Waa sidee jawiga magalo madaxda Puntland ee Garowe ka dib roobkii xalay ka da’ay? appeared first on Puntland Post.

MUSHAAR LA’AANTA GARSOOYAASHA DALKA SABAB MA UTAHAY CADAALAD DARADA DALKA?

$
0
0

Magaalada muqdisho ee Caasiamada Dalka soomaaliya waxaa kasocda Shir looga hadlayo Arimaha garsoorka Dalka waxaana Shirkaasi kaqeybgalay garsoorayaasha Maamulka goboleedyada Dalka iyo Kan DFS

Gudoomiyaha maxkamad Racfaanka Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe Shiikh Axmad ibraahim Sii oo lahadlay Cityfm Jowhar ayaa kawarbixiyay Shirka Muqdisho kafurmay

Gudoomiayaha Maxkamad Racfaanka Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in shirka looga hadlayo Mushaar la aanta Garsoorayaasha Dalka waxaana lasheegay in mushaar la aanta dalka ay sababto laaluush qaadasho iyo cadaalad Daro sii baahda

Wareysi Shaashaa iyo Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka gobolka Shabeelaha Dhexe

The post MUSHAAR LA’AANTA GARSOOYAASHA DALKA SABAB MA UTAHAY CADAALAD DARADA DALKA? appeared first on Puntland Post.

Puntland oo loogu baaqay inay muhiimada siiso dhalinyarada wax ku bartay dalka

$
0
0

Garowe(Puntland Post) Cabdiqaadir Abshir Muuse (Guray) oo ka mid ah dhalinyaradda ku nool magalada Garowe ayaa Olale xooggan ugu jira sidii dhalinyarada wax bartey qayb uga noqon lahaayeen dowladda cusub ee dhalan doonta, ka dib markii laga heshiiyay hanaanka lagu wajahayo.

Cabdiqaadir Guray ayaa sheegay inay muhiim tahay dhalinyradu inay joojiyaan tahriibka isla markansa ay xoogga saaraan sidii ay dowrkooda horumarinka waddanka u muujin lahayeen, maadama inta badan dhalintu ku mashquushay inay dalka ka cararaan.

Wuxuu soo jeediyay dowladda inaysan shaqo siin dadka baasaboorada dalalka kale wata ee shaqada usoo raadsanaya waddanka muhiimadana la siiyo Ardayda wax ku bartay gudaha ee u baahan shaqooyin, Cabdiqaadir Guray ayaa sheegay in arrintaasi ay xitaa yareyn karto tahriibka faraha kulul dhalinta ku haya.

Inta badan xafiis-yada bulshada loogu addeego waxaa lagu abaal mariyaa dad dibadda kasoo laabtey qaarkoona Olale u galay masuulka xilka ugu sareeya dalka raadinaya.


PUNTLAND POST

The post Puntland oo loogu baaqay inay muhiimada siiso dhalinyarada wax ku bartay dalka appeared first on Puntland Post.

Warbixin: Man. City iyo Real Madrid oo Caawa Fooda isku daraya Afar Dhamaadka Champions league-ga

$
0
0

Manchester-(Puntland Post ) Manchester City ayaa soo dhaweyneysa kooxda Real Madrid Caawa kulanka lugta koowaad ee Champions league wareegisiia afar dhamaadka kaasoo ka dhici doona garoonka Etihad Stadiun ee magaalada Manchester ee dalka ingiriiska mar ay tahay Saacada Geeska Afrika: 9:45 Habeenimo.

Man City ayaa kulankaan ciyaareysa iyadoo niyad fiican heysata kadib markii ay taariikh sameeyeen una soo guddbeen wareega afar dhamaadka tartankaan markii ugu horeysay tariikhda kooxda sidoo kalena guul ka gaaray koox kamid ah kooxihii ugu cadcadaa tartanka ee PSG.

Kulankaan ayaa macalin Manuell Pellegrini uu ciyaarayaa iyadoo uu ka maqan yahay kabtan ku xigeenkeeda Yaya Toure, xidiga garabka ee Samir Nasri kuwaasoo labada dhaawac ku seegi doona kulanka, dhanka kale waxaa taam buuxa u ah kulankaan kabtanka City ee Vicent Kompany kaasoo lix todobaad garoomada uga maqnaa dhaawac kubka ah.

Raheem Sterling ayaa isna taam u ah kulankaan waxayna kooxda City sidoo kale kulankaan il gaar ah u yeelan doontaa xidigaheeda Kun Aguero iyo Kevin De Bryune.

Dhanka Real Madrid, macalin Zidaan ayaa xalay xaqiijiyay in Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema ay labadaba taan u yihiin kulankaan, sidoo kale waxaa dhaawac kasoo laabtay Daniu Carvajal kaasoo booska daafaca midig ka badali doona Danilo halka Sergio Ramos iyo Luka Modric oo la nasiyay kulankii Rayo ay dib ugu soo laaban doonaan shaxda macalin Zizu.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Koox

Manchester City(4-2-3-1 ): Hart; Sagna, Otamendi, Mangala, Clichy; Fernando, Fernandinho; Navas, De Bruyne, Silva; Agüero

Real Madrid (4-3-3): Navas; Carvajal, Pepe, Ramos, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos; Bale, Benzema, Ronaldo.

The post Warbixin: Man. City iyo Real Madrid oo Caawa Fooda isku daraya Afar Dhamaadka Champions league-ga appeared first on Puntland Post.

Al-shabaab oo saacado kooban la wareegay saldhig ay Ciidamada Dawladu ku lahaayeen degaanka Daynuunay

$
0
0

Baydhabo(Puntland Post)-Kooxda Al-shabaab ayaa saakay soo weerartay Saldhig ay Ciidamada Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Daynuunay ee Gobalka Bay oo Magaalada Baydhabo u jirta wax ka yar 30km, Kooxdan oo mudo saacado ah gacanta ku hayey degaankaas ayaa mar danbe iskood isaga baxay, Iyagoo horay usii ka xaystay Gadiid iyo Qalab kale oo ay Ciidamadu lahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya inuu dagaalka ka dhacay Daynuunay uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhicinyada Dagaalamay, waxaana dib ugu laabtay degaankaas Ciidamada Dawlada Soomaaliya iyo kuwo kasoo gurmaday Magaalada Baydhabo, waxaana la sheegayaa inay iminka xaaladu degan tahay.

Sarkaal u hadlay kooxda Al-shabaab ayaa sheegay inay halkaas ka kaxaysteen tiro gadiid iyo Sanad Melatari ah oo ay lahaayeen Ciidamadii ay degaanka ka qabsadeen, wuxuuna intaas ku daray inay Ciidamada Dawlada u gaysteen jab aad u weyn.

Maamul Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa iskugu yimi kulan ay uga hadleen dagaalkii saakay ka dhacay Degaanka Danuuunay iyo Sidii loo xoojin lahaa Amaanka.

Puntland Post

The post Al-shabaab oo saacado kooban la wareegay saldhig ay Ciidamada Dawladu ku lahaayeen degaanka Daynuunay appeared first on Puntland Post.


Wasiir Ilkajiir oo ka hadlay Cadaalad darada ba’an ee wadanka ka jirta

$
0
0
Wasiir Cabdilaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir)
Wasiir Cabdilaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir)

Muqdisho(Puntland Post)-Wasiirka Cadaalada Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya General Cabdilaahi Axmed Jaamac Ilkajiir ayaa sheegay inay Wadanka ka jirto Cadaalad daro tii ugu xumayd, wuxuuna umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in la soo istaago sidii loo soo noolayn lahaa Cadaaladii Wadanka.

General Ilkajiir ayaa tilmaamay Cadaalad darada wadanka ka jirtaa inay sababtay in Dad aan waxba galabsan nolosha lagu gubbo, ayna taasi tahay wax si aada looga naxo, wuxuuna ku baaqay in loo istaago sidii loo samayn lahaa garsoor Cadaalad ku dhisan.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay in la wanaajiyo mushaaraadka Dadka Cadaaladda ka shaqeeya sida Booliska iyo Maxkamadaha.

Soomaaliya ayaa kaalinta hore kaga jirta Wadamada ay dilootay Dawladnimo xumida iyo Cadaalad daradda taas oo sababtay inay muwaadiniinta Soomaaliyeed la kulmmaan Cadaalad daro aad u weyn, waxaana waayadii danbe socodey shirar lagu gor faynaayo sidii loo sixi lahaa arimahan.

Puntland Post

The post Wasiir Ilkajiir oo ka hadlay Cadaalad darada ba’an ee wadanka ka jirta appeared first on Puntland Post.

Daacish oo soo duubtay muuqaal cusub oo ay ku sheegeen inay xero ciidan ka furteen Soomaaliya

$
0
0

Kooxda la baxday Dawlada Khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa soo bandhigtay muqaal cusub oo ay ku sheegeen inay xero Ciidamo ay ku tababartaan ay ku furteen Dalka Soomaaliya, muuqaalkan cusub waxaa ka muuqda Ciidamo wata Calan ka duwan kii madoobaa ee Al-shabaab oo ah Calan Cad, kuna tababaranaaya meel duur ah, Ciidamadan ayaan u muuqan kuwo aan sidaa usii badanayn, waxayse u eg yihiin inay soo jiidanayaan dhalinyaro badan, si ay Mustaqbalka ugu soo biiraan.

Muuqaalkan waxaa kasoo dhex muuqday rag dhalinyaro u badan oo sheegaya inay qaateen tababaro la xiriira dhanka dagaalka, iyagoo ku goodinaaya inay dagaalo adag  ka samayn doonaan Soomaaliya, Muqaalka cusub ee ay kooxdan soo duubtay waxaa ka dhex muuqda Cabdiqaadir Muumin oo ah Soomaali kasoo laabtay Dalka Sweden, horayna uga mid ahaa kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Buuralayda Galgala.

Daacish ayaa shalay sheegay inay weerarkoodii ugu horeeyey oo ay ku qaadeen Ciidamada AMISOM ay ka fuliyeen duleedka Magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayey koox katirsan Al-shabaab u diga rogatay Daacish, waxayse dagaal adag kala kulmeen Al-shabaab oo intooda badan diidan inay qayb ka noqdaan Daacish, maadama ay iyagu ku xiran yihiin kooxda ay is diidan yihiin Daacish ee Al-Qacida.

Qaar kamid kooxdii Puntland kula dagaalami jirtey Buuralayda Galgala ayaa sidoo kale u diga rogtay Daacish, iyadoo Bariga Puntland uu dagaal ku dhex maray kooxda kamid noqotay Daacish oo u hogaaminaayey Cabdiqaadir Muumin  iyo kuwa weli daacada u ah Xarakadda Al-shabaab.

Kooxda Daacish ayaa si aada iskugu dayeysa inay boos ka hesho Dalka Soomaaliya, waxayna kooxdan si aada ugu xoogan tahay Dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

dac 1

Dac 5

Dac 3

Puntland Post

 

The post Daacish oo soo duubtay muuqaal cusub oo ay ku sheegeen inay xero ciidan ka furteen Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Shirweynihii todobaad ee Gudiga-Haga Mashruuca “Deegaanku Waa Noloshaada” oo lagu qabtay Garoowe

$
0
0

Garowe(Puntland Post) Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa martigelisay shirweynihii Todobaad ee gudiga haga mashruuca “Deegaanku Waa Noloshaada” kaasoo ka dhacay xarunta dhexe ee wasaarada waxaana shirkan shirgudoominayey wasiirka Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame iyadoo ay ka qaybgaleen wasiir kuxigeenka wasaarada Faarax Cali Cabdi, agaasimaha guud ee Wasaarada Marwo. Muna Daahir Dalmar, shaqaalaha wasaarada, madaxa midowga Yurub u qaabilsan Mashruuca Mrs. Pouline iyo bahwadaagtooda Care, ADESO iyo FOA.

Mashruuca “Deegaanku waa Noloshaada” oo ah Mashruuc midowga Yurub uu Puntland ugu deeqay sanadkii 2013 islamarkaasna soconaya afarsano ayaa loogu talalagalay sidii dib loogu soo noolayn lahaa deegaanka hoosna loogu dhigi lahaa gaajada iyo sugnaan la’aanta Cuntada (Food Security), ayaa shirkiisa todobaad waxaa looga hadlayey waxyaabihii u qabsoomay bahwadaagta mashruuca, wasaarada iyo midowga Yurub sadexdii bilood ee lasoo dhaafay waxaana si gaar ah xooga loogu saarayey sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta wasaarada iyo bahwadaagteeda.

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo shirka furay ayaa sheegey in shirkan looga hadlayo sidii loo qiimayn lahaa hormarada laga gaaray mashruucan, tubta uu imika ku soconayo mashruucu iyo sidii loo xoojin lahaa awooda wasaarada ee dhinacyada maamulista Mashruuca, dabagal iyo Kormeer joogta ahna ay wasaaradu ugu samayn lahayd Mashruuca, wasiirku dhanka kale wuxuu sheegey in ay muhiim tahay in waji kale oo Mashruucan la furo si looga hortago khatarta sii fidaysa ee ka jirta deegaanka.

Shirka ayaa intuu uu socday waxaa waxqabadkooda la dhagaystay hay’adaha ka shaqeeya Mashruuca “Deegaanku Waaa Noloshaada”, hormaradii ay gaareen iyo arimaha imika u yaala, waxaana ugu danbayntii la isku afgartay in lasii laba jibaaro shaqada loo hayo bulshada gaar ahaana ilaalinta khataraha ka jira deegaanka sida Boholaha iyo sidii loo raadin lahaa in Biyo-Xireeno iyo mashaariico kale loogu helo dhulka si dadka iyo Duunyaduba ay ugu noolaadaan, wasiirka Wasaarada Deegaanka Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaa gabagabadii shirka hadyad gudoonsiiyey madaxa midowga Yurub u qaabilsan Mashruucan taasoo uu ugu mahadceliyey sida ay marwalba u garab istaagaan wasaarada.
_DSC3809

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

13

14

15

16

18

19

20

21

21_1

22
Puntland Post

The post Shirweynihii todobaad ee Gudiga-Haga Mashruuca “Deegaanku Waa Noloshaada” oo lagu qabtay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Wasaradda waxbarashada Puntland oo soo saartey xeerka tacliinta sare ee Puntland

$
0
0

Garowe(Puntland Post) Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntand ayaa maanta daah furtay muqararka cusub ee dugsiyada hoose/dhexe ee Puntand, kaasoo markii ugu horeysay si rasmi ah looga dhaqan gelindoono gobolada iyo degmooyinka

Muqararkaan oo muddo dheer lagasoo shaqeynayay ayaa meesha ka saaridoona muqararadii kala duwanaa ee lagasoo amaahan jiray meelo ay kamid ah tahay Kenya, kuwaas oo aan ka turjumaynin wadaniyada dalkeena Soomaaliya, lagana dhaxli jiray isbarbaryaac waxbarasho.

Maxamed Cali Waaberi oo katirsan hay’adda AET ayaa sheegay in sagaalka gobol ee Puntland loo qeybiyay muqararkaan, taasoo ka dhigan in Puntland ku guulaysatay muqarar midaysan oo laga hirgalinayo dugsiyada hoose/dhexe, kaasoo lagu diyaariyay Luuqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska.

Cabdalla Yuusuf Muuse oo katirsan dadkii soo qoray muqararkaan ayaa sheegay muqararka in lagu daray waxbarashada madaniga ah, sida caafimaadka, maamul wanaaga, nabada iyo xalinta khilaafaadka iyo farta iyo shaxanka, wuxuuna intaas ku daray in la kordhiyay xiisadaha ardayda iyo waqtigooda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Maxamed Cabdulqaadir Muuse ayaa balanqaaday inay wasaaradda waxbarashadu dhaqan gelinayso muqararkaan islamarkaana lagu tababaridoono macalimiinta dugsiyada dhexe, wuxuuna nasiib wanaag ku tilmaamay in wasaaraddu isku howshay Muqarar dhameystiran oo ka turjumaya diinta, dalka iyo dhaqanka.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Dr. Abshir Yuusuf Ciise ayaa sheegay muqararkaan inuu yahay meesha bulshada dhan laga hogaamindoono, sidoo kalena wuxuu sheegay inuu raad ku leeyahay ardaydu sida ay ukala wanaagsan yihiin iyo macalimiinta wax dhigta.

Wasiirka waxbarashadu wuxuu sheegay dal aan manhaj iyo muqarar midaysan lahayn inay lamid yihiin xoolo kala galay howdka, wuxuuna intaas ku daray in aduunka lagu xisaabtamo qiimaynta manhajka. Ugu dambayn, wasiirka waxbarashadu wuxuu sheegay inay u halgamayaan sidii in arday waliba si sahala ku helo buugaagta muqararka.
IMG_0695

IMG_0699

IMG_0701

IMG_0705

IMG_0707

IMG_0709

IMG_0712

IMG_0713

IMG_0714

IMG_0715

IMG_0719

IMG_0720

IMG_0722

IMG_0724

IMG_0727

IMG_0728

IMG_0731

IMG_0733

IMG_0735

IMG_0736

IMG_0737
PUNTLAND POST

The post Wasaradda waxbarashada Puntland oo soo saartey xeerka tacliinta sare ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Kooxaha Man. City Iyo Real Madrid Oo Barbaro Gool La’aan Ah Ku Galay Etihad Stadium

$
0
0

Kooxda Manchester City ayaa barbaro Real Madrid kula gashay garoonka Etihad, lugta hore ee afar dhammaadka Champions League.

Qeybtii hore ee kulankan ayaa ku soo idlaaday barbaro 0-0, iyadoo aan la isku helin wax shuut toosan ama bartilmaameed toos ah labada dhinac.

Waa kulankii saddexaad oo xiriir ah oo garoonka kooxda Man City aan wax gool ah lagu dhalin qeybta hore.

Waa kulankii afaraad ee Champions League aan wax gool ah la iska dhalin ama xitaa aan shuuut toosan la isku helin qeybta hore ee ciyaarta xilli ciyaareedkan oo dhan.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad Jese ayaa bedel ku soo galay, waxaana lagu bedelay Benzima oo la filayay markii hore inuu dhaawac ku maqnaan doono, iyadoo Silva oo ka tirsan Man City uu dhaawac ku baxay, kaddib markii ay jug soo gaartay isagoo jilaafeeynayey Bale.

Wiilka bedelka ku yimid ayaana helay fursaddii ugu halista badnayn, isagoo madaxa la helay kubad uu soo qaaday Carvajal, birta ayeyna kaga dhacday, waana midda keentay inuu surweelku ka jeexmo tababare Zidane markuu goolka sii laacyey.

Waxaa xusid mudan in Zidane uu sidaan oo kale surweelku ka jeexmay kulankii ay la ciyaareen Wolfsburg mar uu Benzema gool cunay.

Real Madrid ayaa heshay fursad kale oo halis ah kaddib markii Ramos oo madax galay, dabedeed uu sii raaciyey Bebe, waxaase badbaadiyey goolhaye Hart.

Dhammaadkii ciyaarta seeriga oo afka lagu hayo waxaa laad xor ah laga bixiyey xiddiga Man City ee De Bruyne.

Si kastoo  ciyaarta ay ka maqnaayeen Ronaldo, Yaya Toure, Silva iyo Benzema oo baxay ayaa ku soo idlaatay barbaro goolal la’aan 0-0.
l1

l2

l3

l4

l5

l6

l7

 
PUNTLAND POST

The post Kooxaha Man. City Iyo Real Madrid Oo Barbaro Gool La’aan Ah Ku Galay Etihad Stadium appeared first on Puntland Post.

Soomaaliya oo sannadkan lagu marti qaaday kulanka todobaadka bulshada Caalamka

$
0
0

Bogota(Puntland Post)Asbuucaan waxaa magala madaxda Dalka Colombia ee Bogota ka furmay shirka Todobaadka Bulshada Rayidka ah ee Caalamka, shirka socday muddo saddex maalmood ah waxaa ka soo qaybgalay wakiilo ka kala socday Hay’ado caalmiya, Xubno ka socday bulshada rayidka ah ee boqol dal oo caalamka ah, aqoonyahanno iyo shaqsiyaad dunida magac weyn ku leh.

Muhiimadda uu shirku lahaa

Saddexdii maalmood ee uu shirku socday waxaa diiradda lagu saaray oo looga wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa hormarrinta waxbarashada, u qareemidda xaquuqda bani’admiga, is-dhexgalka dhallinyarada caalamka, ka qayb qadashada ka shaqaynta Nabadgalyada caalamka, Joojinta Tahriibka iyo ka ganacsiga Bani’admiga, iyo ka hortagidda Tacadiyada loo gaysto haweenka caalamka gaar ahaan haweenka ku nool qaradda Africa.

Sidoo kale waxaa intuu shirku socday la isla gartay in la sameeyo Hindise dhaqaale loogu arruurinayo wadamada Colaaduhu regaadiyeen si looga taageero kobcinta waxbarashada ubadka aan helin waxbarashada ee ku nool wadamadaas oo kala ah Somalia, Koonfurta Sudan, Ciraaq, Syria iyo Afghanistaan.

Shirkaan oo ahaa shirkii Saddexaad ee ay isugu yimaadaan bulsho rayid ah oo ka kala socota Qaradaha Adduunka ayaa ka duwanaa kana muhiimsanaa labadii kullan ee hore lagu kala qabtay Dalalka Maraykanka iyo South Africa.
Yaa Somalia Shirkan Calamiga ah uga Qaybgalay?

Somalia oo kamid ahayd wadamadii sannadkaan laga casumay shirka waxaa uga qaybgalay Yuusuf Aden Ahmed oo ka socday Hay’adda Kisimi Peace and development oo kamid ah Ururuda maxalliga ah ee ka shaqaysa arrimaha Hormarka iyo Nabadgalayada Somalia.

Yuusuf Aden oo shirka ka jeediyay Khudbad muhiimad gaar ah lahayd ayaa ka hadlay Saamaynta Tahriibku ku yeeshay Somalia iyo Mustaqbalka Dhallinyarada Somaliyeed, Yuusuf waxa uu sheegay Tahriibku in uu yahay Musiibo caalamiya Somaliyana uu samaayn badan ku hayo waxaana hadaladiisii kamid ahaa :” Tahriibku fara ba’an ayuu ku haya Somalia, sannad walba waxaa Somalia ka tahriiba Boqolaal dhallinyaro ah kuwaa oo u badan dhallinyaradii dhalatay Bur-burkii Somalia kadib iyo dhallinyaro aqoonyahanna ah waana musiibo aafaysay qoys walba oo Somaliyeed una baahan in laga hortago khatartaas wali sii socota” , Sioo kale Aqoonayah Yusuf ayaa ka hadlay Mustaqbalka Dhallinyarada Somalia wuxuuna sheegay in hadda xaalka Somalia oo soo hagaagaya awgiis ay dhallinyaradu leeyihiin mustaqbal wanagsan ayna rajeynayaan in dhallinyaradu ay ka qayb-qataan dib u dhiska dalkooda iyo inay kamid noqdaan hoggaamiyayaasha dalka mustaqbalka dhaw.

Waa Kuma Yuusuf Aden Ahmed ?

Yuusuf Aden ahmed waa 27 jir ku dhashay dagmada Ayl ee gobolka Nugaal, wuxuu waxbarashadiisii ilaa heer Dugsi Sare ku soo qaatay Somalia isagoo Waxbarashadiisa Jamacadeed ku soo diyaariyay dalka dibaddiisa. Waa aqoonyahan Haysta Darajada labaad ee jamacadda ” Master Degree” oo uu ku diyaariyay Culuumta xallinta Khilaafaadka.
Yuusuf waxa uu sanadihii ugu danbeeyey ka shaqaynayay arrimaha hormarrinta bulshada wuxuuna xubbin fir-fircoon ka noqday ururada u dooda xuquuda Bulshada Rayidka ah ee Somalia. Yuusuf mudadii uu ka shaqaynayay arrimaha Bulshada waxa uu Booqashooyin uu ugu kuurgalayo xaaladaha waxbarashada da’yarta Somaliyeed ku tagay deegano kamida Somalia, waa aqoonyahan mar walba dhallinyarada ku jirta waxbarashada ku dhiirigaliya inay yihiin mustaqbalkii dalka.

Gunaanad

Dhallinyarada Somaliyeed oo ay tirada ugu badan ee Bulshada ah haddii awal loo adeegsan jiray qaadashada qoriga iyo ka qaybgalka colaadaha qabaliga ah ee Somalia hadda xaalku waa isbadalay waxaa hadda shaqaynaya Qallinka iyo maskaxda, waxayna Dhallinyarada Soomaliyeed ee waxbaray ee kala jooga daafaha calamka diyaar u yihiin inay ka qaybqaataan dib u dhiska dalkooda, kor u qaadidda magaca Soomaliyeed iyo soo bandhiggida kartidooda Aqooneed.

Dhallinyarada Somaliyeed waxay diyaar u yihiin inay magaca Somaliyeed gaarsiiyaan meeshii hadda ka hor ay gaarsiiyeen Qayrkood ” SYL” ayna ka dhabeeyaan ooraahda ah ” Qolo Qolo la sheegtiyo Abtiris Qoima lagu waa, Qayrkaa ku dhaaf weeye iyo Qaaxa kuu wad ah ” .
1

3

4

5

6
2
W/Q Faaid Abdulkadir Aden
Aqoonyahan barta Culuumta Siyaasadda.
Addis-Ababa,Ethiopia

The post Soomaaliya oo sannadkan lagu marti qaaday kulanka todobaadka bulshada Caalamka appeared first on Puntland Post.

Hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmasuqa Puntland oo tababar u qabatay Ardayda Jaamacadda Bariga afrika Faraceeda Garowe

$
0
0

Hay’adda astaynta maamul Wanagga iyo la dagaalanka musuqmasuqa dowladda Puntland ayaa tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan Maamul Wanaagga iyo sidii Musuqmaasuqa loola dagaalami lahaa u qabatay qaybo ka mid ah ardayda jaaamacadda Bariga afrika faraceeda Garowe  gaar ahaan ardayga wax ka barata  kulliyadaha culuunta siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

Tababarkan oo ay iska kaashadeen Maamulka  jaamacadda Bariga Afrika faraca Garowe iyo Xafiiska Astaynta Maamul Wanaagga dowladda Puntland , Tababarkaas ayaa ujeedadiisu ay ahayd in ardayda fahan wanaagsan laga siiyo ahmiyadda  Maamul  wanaagga iyo  ka hortago wax walba oo dib u dhac u keeni karaya ummadda oo uu ka mid yahay Musuqmaasuqu.

Agaasimaha guud ee hay’adda astaynta maamul wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa Cabdiraxmaan Cali Guureeye oo madashaas ka hadlay qaybna ku lahaa tababarka ayaa si gaar ah u amaanay jaamacadda Bariga afrika , qirayna in ay jaamacaddu horumar wanaaagsan ku tallabsatay, Ka dibna Agaasimuhu wuxuu qaatay doorkii uu tababar bixinta uu ku lahaa,   ardayda jaamacadda la wadaagay in ay la joogo waqtigii Maamul wanaaggu ku baahi lahaa Puntland oo dhan,  musuqmaasuqana dagaal cad oo saf ballaaran ah lala gali lahaa,  dowlad iyo shacabba.

sidoo kale la joogo waqtigii dad dhiska iyo dal dhiska loogana baahan yahay in ahmiyad gar ah la siiyo ardayda jaamacadaha waayo waa hoggaamiyayaashii mustaqbalka dalka.

“Way adagtahay in la gaaro horumar dhab ah haddii aan dadka la dhisin,  Maamul wanaaguna si rasmi ah uga taaba galin Puntland oo dhan, dowlad iyo shacabna aan dagaal cad lala galin wax walba oo dib u dhac u keeni karaya ummadda  sida Musuqmaasuqa, faqriga iyo gaajada”

Taba barkaas oo ahaa mid aad ay xiisaynayeen ardayda Jaamacadda Bariga Africa ayaa waxaa isna tababarka qayb ku lahaa kana  hadlay  mid a mid ah Masuuliyiinta sare ee Hay’adda  Astaynta  maamul wanaaga iyo La dagaalanka musuqmaasuqa.  Mr  Cabdisamad Cali Xaashi  faham wanaagsanna adrayda ka siiyeyey  waxa Maamul wanaaggu yahay iyo qaabka loola dagaalami karo musuqmaasuqa, ka dibna talooyin badan iyo dhiirra galinna u soo jeediyey ardayda.

gabagabadii tababarka ayaa ardaydu waxay waydiiyeen Masuuliyiinta Ha’yadda Maamul wanaagga  iyo la dagaalanka musuqmaasuqa sulaalo badan oo la xiriira guud ahaan  maamul wanaajinta, qorshaha dowladda ee ku wajahan maamul wanagga iyo sidii musuqmaasuqa looga ciribtiri lahaa Puntland,  su aalahaas oo aad u xiisa badnaa ayaa taba barku wuxuu ku soo gaba gaboobay jawi aad u wanaagsan oo wax tarmo leh. Hay,adda Astaynta Maamul wanaagga ayaa aalaaba waxaa looga bartay qabashada dood cilmiyeedyo iyo barnaamij ay ugu yeereen dad dhiska  puntland oo ay aalaaba  iska kaashadaa hay’adda iyo TV dowladda Puntlad.

1

2

7

5

4

3

8

9

10

11

12
PUNTLAND POST

The post Hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmasuqa Puntland oo tababar u qabatay Ardayda Jaamacadda Bariga afrika Faraceeda Garowe appeared first on Puntland Post.


Ciidamo diidan jogitaanka Cali Khaliif Galayr ee Buhoodle oo sheegay inay la wareegeen Magaaladaas

$
0
0

Buhoodle(Puntland Post)-Ciidamo ay leeyihiin Dadka degaanka Buhoodle oo saxaafada kula hadlay Magaaladaas ayaa shaaciyey inay si buuxda ula wareegeen Amaanka Buhoodle, waxayna digniin adag u direen Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galayr inuu Magaalada isaga baxo mudo kooban.

Ciidamadan oo ku hubaysan gadiidka dagaalka ayaa ku eedeeyey Cali Khaliif Galayr inuu degaankaas hurinaayo iska horkeen Dadka reer Buhoodle, uuna damciisu yahay sidii uu Magaalada ugu gacan gelin lahaa Maamulka Somaliland maadama bay dhaheen u horay ugu gacan geliyey degaano kale.

Saraakiisha Ciidamada Buhoodle ayaa tilmaamay inaan  taladda iyo amaanka Buhoodle mar danbe loo daba fariisan doonin Maamulka Khaatumo ee hogaamiyo Mudane Cali Khaliif Galayr.

Ciidamadan ma aysan sheegin Maamul ay si rasmi ah u hoos tagaan, waxaase soo baxaaya warar sheegaya inuu Khilaaf ba’an mudadii ugu dambaysayba ka dhex aloosnaa Hogaanka Khaatumo iyo Dadka degaanka oo isku fahmi waayey sida loo maamulaayo Buhoodle.

Mudane Cali Khaliif Galayr oo ah Hogaanka Khaatumo ayaa tan iyo markii ay Somaliland kala wareegtay Magaalada Taleex iyo tuulooyin ka dambeeyey oo u saldhig ka dhigtay waxa uu ku shaqaynaayey Buhoodle.

Puntland Post

The post Ciidamo diidan jogitaanka Cali Khaliif Galayr ee Buhoodle oo sheegay inay la wareegeen Magaaladaas appeared first on Puntland Post.

Ururka dhakhaatiirta Puntland oo tacsi u diray Dr.Habiibo Nuux Ismaaciil

$
0
0

Garowe(Puntland Post) Gudoomiyaha ururka Dhakhaatiirta Puntland Dr.Cabdirisaaq Cartan ayaa dhambaal tacsi ah u diray isagoo wakiil ka ah guddiga dhakhaatiirta, Dr.Habiibo Nuux Ismaaciil oo hooyadeed Faadumo Ismaaciil Maxamed ku geeritootay magalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug.

Ururka ayaa illaahey uga baryay Hooyo Faadumo inuu Janadiisa ka waraabiyo samair iyo iimaana ka siiyo dhammaan umadda Soomaaliyeed iyo ehelkii ay ka baxday, waxayna sheegeen inay tacsidaasi la qayb sanayaan Dr.Habiibo oo ka mid ah guddiga dhakhaatiirta Puntland.

PUNTLAND POST

The post Ururka dhakhaatiirta Puntland oo tacsi u diray Dr.Habiibo Nuux Ismaaciil appeared first on Puntland Post.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland oo ka war bixiyay roobabkii ugu danbeeyay ee Puntland ka da’ay

$
0
0

DSCN4462-640x480

Garowe(Puntland Post) Wasiirka Arrimaha gudaha, Dawladdaha Hoose & horumarinta Reer Miyiga ee dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa ka hadlay roobabkii oo si wanaagsan uga curtay gobalada Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in ay hadda roobabku ka da’een inta badan gobalada Puntland, wuxuuse sheegay in ay jiran deegaanada qaar oo aysan wali roobabku si wanaagsan uga curan.

Garaash wuxuu sheegay in gobalada Puntland qaarkood ay wali ka jirto abaar, sidaas oo kalena meelaha ay roobabku ka da’een looga baahan yahay gurmad raashin ah, wuxuuna cadeeyey in aysan wali dhamaan baahida ay qabaan dadka Reer Guuraaga ah ee ay Abaartii dheereyd saameysay.

Roobabkii ka da’ay qaar ka mid ah gobaladda Puntland ayaa xooggiisa qabtay Gobalka Nugaal iyo Karkaar.


PUNTLAND POST

The post Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland oo ka war bixiyay roobabkii ugu danbeeyay ee Puntland ka da’ay appeared first on Puntland Post.

MAAMULKA GOBOLKA SH/DHEXE OO SHEEGAY CABSI LAGAQABO WEBIGA SHABEELE

$
0
0

Gudoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshada Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe Muxumad Sugaal Cismaan ayaa Waxa uu kawarbixiyay Xaalada biyaha webiga Shabeele.

Gudoomiye Kuxigeenka Waxa uu sheegay in Xiligaan Biyaha Webiga uu yahay Mid Kudhow Fatahaad iyada oo Marna Lagacabsado fatahaad uu webiga Shabeele Sameeyo Marna ay dhacdo in biyo la aan ay dadka la il darnaadaan

waxyaabaha sababa in biyahah webiga marna laga qeyliyo marna loo qeyliyo ayaa ah in aanu jirin biyo xireeno rasmi ah oo looga faa ideysto biyaha webiga Shabeele

Muxumad Sugaal Cismaan Gudoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshada Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe waxa uu uga Waramay Arimaha Laxiriira Cabsida Fatahaada Biyaha Shabeele Weriye Shaashaa oo Kusugan Jowhar

The post MAAMULKA GOBOLKA SH/DHEXE OO SHEEGAY CABSI LAGAQABO WEBIGA SHABEELE appeared first on Puntland Post.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kulamo la qaatay Maal-qabeeno Sucuudiyaan ah.

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga magaalada Riyaad ee Caasimadda Boqortooyada Sucuudiga ayaa  kulamo kala duwan la qaatay  maal-qabeeno kasoo jeeda qoyska boqortooyada dalka Sucuudi Carabiya.

Maal-qabeenadaasi  kasoo jeeda qoyska Boqortooyada Sucuudiga ayaa waxaa kamid ah Amiir Suldaan bin Naasir bin Cabdicasiis Aala Sucuud iyo Waliid bin Dalaal bin Cabdicasiis Aala Sucuud oo ah maal-qabeeno si weyn looga yaqaano caalamka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland  ayaa kala hadlay maalqabeenadaasi in ay  maal-gashadaan Puntland isla markaana ay Dawladda Puntland kala shaqeeyaan dardar gelinta mashaariicaha horumarineed ee ay ku hawllan  tahay  iyo keenitaanka mashaariic horle oo dalka laga hirgeliyo.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu uga warbixiyey maal-qabeenadaasi  nabadda iyo xasiloonida ka jirta Puntland iyo fursadaha maal-gashi ee ka bannaan  oo ay si fudud uga faa’iidaysan karaan maalqabeenadaasi maadaama dawladda Puntland iyo dawladda sucuudigu ay leeyihiin xiriir  ganacsi taariikhi ah, isla markaana Madaxweynuhu waxa uu ku marti-qaaday maal-qabeenadaasi in ay Puntland yimaadaan.

Dhinaca kale maal-qabeenada boqortooyada dalka sucuudiga ayaa tilmaamay muhiimadda Puntland ay u leedahay  xilligan inay ganacsiyo ama maalgashiyo ka samaystaan, isla markaana ay dawladda ka caawiyaan dhismaha warshado wax soo saar oo dalka laga hirgeliyo,dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, samaynta ceelal biyoodyo iyo in ay ka qayb qaataan dar-dargelinta dhoofka xoolaha ee u dhexeeya Puntland iyo sucuudiga, iyagoona ugu dambayntii ballan qaaday in ay Puntland booqasho ku imaan doonaan iyagoo ka jawaabayaa marti-qaadkii uu u sameeyey Madaxweynuhu.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
6bb338ae-1220-46c6-bae1-7f4cbe5fe370 16a96cfe-9d37-4d36-b0e8-5e15fc3f80f8 5844db5d-316b-4a7d-81d6-5537841ebff9 467847ce-2ab4-4b11-8fab-d921d1c8fe07 960315be-c208-465b-b0fa-7ea840088e11 a4c33b45-a080-4971-8e60-87af076d5abd b8565c92-59da-4c54-896b-53f44d12f977 c9fa754a-9a90-4e43-8199-938a58b15db8 cb027246-2114-4233-ba68-7df14e23b812 unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kulamo la qaatay Maal-qabeeno Sucuudiyaan ah. appeared first on Puntland Post.

Viewing all 23196 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>