Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland oo ka hadlay barnaamijka Dalshis (Daawo- Video)
Bandhig buugeedkii 9aad oo ka furmay magaalada Helsinki (Sawiro)
Bandhig buugeedkii 9aad ayaa ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland. Waxaa maanta ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland carwo buugeedkii sanadkii 9aad.
Kulankan waa bandhigga ugu weyn uguna fac weyn ee ka dhaca qaaradda Europe. Bandhiggan waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiya shirkadda daabacaadda buugaagta ee Scansom Publishers & maktabadda magaalada Helsinki.
Sanadkan waxaa qeyb libaax ka qaatay barnaamijkan furitaankiisa qoreyaasha Soomaalida hormuudka u ah lagana soo casuumay dalal kala duwan. Qoreyaasha ka soo qeybgalay sanadkan waxaa ka mid ah:-
1. Prof. Cabdalla Cumar Mansoor ahna khabiir ku takhasusay cilmiga afafka.
2. Dr. C/salaan Xaaji Max’ed
3. Dr. C/qaadir Cali Boolaay
4. Dr. Max’ed Sheikh Xassan Nuur
5.C/casiis Cali Ibrahim “Xildhban”
6. Macallin Bashiir Ismaaciil Cusmaan.
Bandhiggan waxaa furtay maamulaha guud ee maktabadda Helisinki oo gacmo furan bogaadin ku soo dhaweysay dhammaan dadweynihii ka soo qeybgalay barnaamijkan isla markaana si gaar ah ugu mahadcelisay, qoreyaashii ka kala yimid dalal kala duwan sida qaaradda waqooyiga America & dalalka Midowga Yurub.
Sidoo kale waxaa isna hadal soo dhaweyn & mahadnaq ballaaran ka jeediyay goobtaasi Xildhibaan C/raxmaan Max’ud Cali “JIIMI” oo mudane laga soo doortay deegaanka Espoo, ahna qabanqaabiyeyaasha joogtada ah ee barnaamijkan.
Dhinaca kale waxaa xusid mudan in kulankani ay gacan ka geysteen ururrada kala ah:- Finland – Somalia association, Helina Ruatavaara Museum & Pasila Islamic Centre, Masaajidyada kala ah Itakuskus.
Qoraaga Max’ed Sheikh Xassan oo ka hadlaayay xiritaanka kulanka maalinta 1aad ayaa carabaabay in sanadka soo socda uu ku beegan yahay sanadguuradii 10aad ee carwo buugeedka lagu daryeelo laguna kobciyo illaalinta Afka, Dhaqanka & Taariikhda Soomaalida, wuxuuna hadalkiisa ku soo gebagabeeyay in xuska sanadguurada 10aad noqon doonto munaasabaddii ugu meel ka ka baxsan Soomaaliya, dadka Soomaaliyeedna gacan
weyn ka geystaan xuskaasi.
Kulankan ka socda Helsinki wuxuu soo gabagaboobayaa maalinta berrito ee Sabtida, bandhiggan qeybtiisa 2aad waxaa lagu qaban doonaa maalinta Axadda taariikhduna tahay 12ka bisha May, 2013 magaalada TURKU. Ka soo qeybgal wacan.
Daawo Sawiro Kale
Garoowe: Ururka UDAD oo Warsaxaafadeed kasoo saarey dhacdooyinkii Puntland ee todobaadka.
Garoowe: (pp)-Warsaxaafadeed kasoo baxay Urur siyaasadeedka UDAD oo ka mid ah Ururada siyaasada Puntland ayaa looga hadley ilaa 8 qodob oo ku saabsan dhacdooyinkii Puntland ee todobaadkii lasoo dhaafey iyo Hanaanka Dimuqraadiyada Puntland.
Mushaarka Shaqaalaha iyo Ciidamada.
Qodobka ugu horeeyay ee warsaxaafadeedka ayaa dhaliil urur uu ugu soo jeediyey Xukuumada Puntland oo ay ku tilmaameen inay ku fashilantey bilihii lasoo dhaafey bixinta xuquuqda shaqaalaha iyo ciidanka, kuwaas oo uu ururku sheegey inay soo wajahdey duruufo dhaqaale oo saameyn ku yeeshay qoysaskooda.
“Waxaan aad u dareensanahay sababaha keenay kacdoonka ciidamada iyo shaqaalaha kaleba oo ay ugu horreyso daryeel la’aanta ku timid qoysaskooda iyo carruurtooda dugsiyada dhigata oo badankoodii la soo cayriyey marka iska bixin waayeen lacagihii”.
Ururka ayaa ugu baaqey Xukuumada Puntland inay si deg deg ah u bixiso xuquuqda mushahaarka ciidamada iyo shaqaalaha , islamarkaana ay daryeesho qoysaskooda,iyadoona uu ururku ku canaantey xukuumadu in ay ilaalin waydey ku dhaqmida madaxyada miisaaniyada ee umadda horay loogu dejiyey.
Banaanbaxyada shacabka.
Ururka UDAD ayaa sheegey inay soo dhaweynayaan Banaanbaxyo si nabad galyo ah uga dhacay Qardho iyo Bosaso,oo Ururku ku tilmaamey in ay ahaayeen kuwo shacabku ku muujinayeen tabashadooda siyaasadeed.
Waxaana lagu xusey qoraalka Ururka aragtida siyaasadeed ee UDAD uu ka qabo dhacdooyinkaasi” Waxaan aad u taageeraynaa bannaan baxyada sida nabadgelyada ah loo soo abaabuley ee ka dhacay magaalooyinka Qardho iyo Bossaso iyagoo ku cabbirayaa tabshadooda siyaasadeed ”
UDAD mar uu ka hadlayey kasoo laabashadii go,aankii horey ay u qaateen ee ay doorashooyinka golaha deegaanka ku diideen ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegey inay sabab u ahayd ururka oo door muhiim ah kasoo ciyaarey gufeynta dal daloolo uu lahaa xeerka doorashooyinka, kuwaas oo ay saldhig u ahaayeen qodobo ay ka mid yihiin helidda maxkamad dastuuri ah ka hor maalinta doorashada, samaynta guddiga ilaalinta habsami u socodka oo ah guddi awooddiisu sarrayso, iyo isticmaalka khadka laysarka oo aan tirmin iwmka, kuwaas oo hadda hirgalintooda la shaaciyey.
Doorashada Golaha Deegaanka iyo Nidaamka Qabiilka.
Ururka UDAD ayaa warka kasoo baxay waxa uu kaga hadley aragtida Ururka ee ku aadan Tartanka Goloyaasha Deegaanka ee Ururada siyaasada Puntland isu diyaarinayaan 15 maalmood ka dib, Iyadoona baaq arrintaasi ku aadan shacabka Puntland uu ururku usoo jeediyey.
“Waxaan dadweynaha reer Puntland ugu baaqaynaa inay doorashooyinka golayaasha degaanka ee soo socda
xoog uga qaybgalaan, ayna ugu hiiliyaan codkooda isbeddelka dalku u baahan yahay” ayaa lagu
sheegey qoraalka kasoo baxay Xarunta dhexe ee Ururku ku leeyahay Garoowe.
Warsaxaafadeedka Ururka ayaa sidoo kale shacabka Puntland looga digey inay dib ugu noqdaan nidaamkii soo shaqeynayey laga soo bilaabo 1998-dii ilaa hadda, kaasi oo ay UDAD ku tilmaamtey inuu halis ku yahay horumarka Puntland.
“Waxaan u aragnaa nidaamka siyaasadeed ee ku dhisan habka qabiilku inuu halis ku yahay horumarka dalka, loona baahan yahay in loo gudbo habka dimoqraadiyaynta dhabta ah oo uu shacabku ku taamayey laga bilaabo 1998″
Dadka diidan Hanaanka Dimuqraadiyada.
Gabo gabadii Warsaxaafadeedka Urur Siyaasadeedka UDAD ayaa lagu sheegey in Ururku siyaasad ahaan u arko dadka kasoo horjeeda hirgalitaanka nidaamka Asxaabta kuwo doonaya inay qalaase ka abuuraan
wadanka ama raba inay cimri kororsi u sameeyaan xukuumada maamusha xilligan talada .
Iyadoona ay yiraahdeen sidan ” Waxaan u aragnaa inta diidan inay doorashooyinku ka dhacaan degaamadoodda inay si dadban ugu adeegayaan cimri kororsiga maamulka imminka jira, isbeddel la’aan iyo qalaalso siyaasadeed oo dad iyo dalba ku ragaado”
Warka kasoo baxay Gudoonka sarre ee Ururka UDAD ayaa kusoo beegmaya xilli todobaadkii tagey bosaso ka dhaceen dhacdooyin ay ka mid yihiin gadood ciidanka qeybtiis kaga cabanayeen mushahaarkooda oo billo ka maqan iyo banaanbax aan sidaas u balaarneyn oo basaso iyo qardho ay ka dhigeen dad u badnaa dhalinyaro yar yar.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.
Somalia: Puntland Statement on Renewed political Infighting of Federal Institutions
PRESS RELEASE
12 May 2013
Puntland Government warns strongly against the renewal of political infighting amongst the Federal Institutions of Somalia, as a group of MPs is attempting to bring a motion against Somali Prime Minister H.E. Abdi Farah Shirdon after only seven months in public office. This attempt wastes time, resources, and the joint efforts Somali stakeholders and international partners invested in bringing forth the new Federal Institutions of Somalia.
In the past, the former Transitional Federal Institutions (TFG) of Somalia was notorious for engaging in political infighting that paralyzed the Government’s ability to meet its obligations and to deliver basic services to Somali citizens.
Puntland believes that personal interests aimed at achieving public office motivate this move, and therefore, urges the Federal Institutions of Somalia to focus on primary national tasks, such as managing the monetary crisis in the country, resolving the issue of tampering with the Provisional Federal Constitution, working diligently to strengthen law and order in war-affected areas, and supporting for the formation of the remaining Federated States.
— END —
Gaalkacyo: Wafti Baarlamanka Puntland oo Gaalkacyo kasoo degay,Sawiro.
Garoowe: (pp)- Wafti ka tirsan Baarlamanka Dowlada Puntland ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, halkaasi ay kusoo dhaweeyeen Maamulka Gobolka Mudug, Kan Degmada, Saraakiil ka tirsan Puntland iyo Qeybo kala duwan oo Bulshada Gobolka.
Xubnaha baarlamanka Puntland ee yimid Gaalkacyo ayaa kasoo socdaaley dalka Ugandha oo ay uga soo qeyb galeen shir halkaasi loogu qabtey, waxayna sheegeen in safarkoodu guul ugu soo dhamaadey.
C/rashiid Maxamed Xirsi Afhayeenka Baarlamanka Puntland oo saxaafada kula hadlay gudaha Garoonka Galkacyo ayaa sheegey inay la socdeen dhaq dhaqaaqa siyaasada gudaha ee wadanka ayna ku rajo weyn yihiin in aysan ku imaanayn wax is bedel ah oo wax u keeni karra.
Waxa uu soo hadal qaadey gudoomiyuhu dhaqaalaha oo uu sheegey inay la qabto Puntland wadamada caalamka, islamarkaana ay rajeynayaan in laga gudbayo caqabadaha ka jirra oo ku tilmaamey inay yihiin kuwo aan sidaas u buurneyn.
Gudoomiyaha oo wax laga weydiiyey eedeyn Dowlada Puntland uu usoo jeediyey Gen Cade Muuse oo Madaxweyne mar kasoo noqdey Puntland ayaa waxa uu si kooban uu yiri afhayeenka Barlamanku.
“Taasi waxay ka mid tahay dhaliilaha Dowlada mar walba uga yimaada dadkeeda islamarkaana dowladu ay tixgalineyso dhaliisha shacabkeeda, wixii talo iyo fikrado ahna diyaar ula tahay inay
ka qaadato”
Isku soo wada duubo waftigan gudoomiyuhu hogaaminayey ayaa mudo labo week ku maqnaa wadanka Ugandha gaar ahaan magaalada Kampala oo ay uga qeyb galeen kulan.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.
Akhriso: Xaalada Ciidamada Puntland iyo Asluubta oo beenisey warar laga faafiyey,Sawiro.
Bosaso: (pp)- Xafiiska Ciidanka Asluubta Puntland ayaa beeniyey warar ay baahiyeen warbaahinta qeybteed oo sheegayey in ciidamo ka tirsan asluubta ay sameeyeen gadood .
Saraakiil ka tirsan Xafiiska ciidanka Asluubta Puntland oo xiriiro kala duwan Puntlandpost la sameysay ayaa sheegey inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya ciidamo Asluubta oo gadooday.
Faysan Jaama oo ka tirsan saraakisha xabsiga bosaso ayaa yiri” Taliska Ciidanka Asluubtu war buuxa ayuu kasoo saari doonaa beenta laga faafiyey ciidanka , idinkana waxaan idin sheegaya waxba kama jiraan ciidan-ka la leeyahay wuu gadoodey”.
Dhanka kale warar madax banaan oo ay Puntlandpost ka helayso isla xabsiga bosaso ayaa sheegaya inay jirtey is fahan la,aan kooban oo dhex martey labo ciidan oo midkood uu xabsiga u wadey maxaabiis iyo ilaalada xabsiga oo ku xirey ciidanka maxaabiista waday inay la yimaadaan waraaq maxaabiista u ogolaaneysa xabsiga sida uu sharcigu qabo.
Intaas ka dib is fahan la,aanta waxaa soo dhex galay sida ilo xogogaal ah noo xaqiijiyeen taliska asluubta oo ku guuleystey maxaabiistii in lagu wareejiyo xabsiga isla durbadiiba, mana jirto wax mushkilad ah oo dhex martey labada ciidan.
Maalmihii lasoo dhaafey Puntland ayaa dhacdooyin yar yar oo ka dhacay warbaahinta qeybteed ay u muujiyeen sawir ka bedelan sida uu xaalku yahay, iyadoona nabadgalyada iyo xaalada siyaasadeed ee dalka aan laga dareemayn wax isbedel siyaado ah.
Bixinta Mushaarka Ciidamada ee Puntland.
Bixinta Mushahaarka ciidanka ayaa Garowe laga bilaabey subaxnimadii sabtida ee aynu kasoo gudubney,waxaana ciidamada la siiyey mushahaar labo bilood ah oo qeyb ka ah saddex bilood oo ciidanka ka maqnaa.
Saraakisha ciidamada ee bilaabey bixinta Mushahaarka ayaa xaqiijiyey in mushahaarkan uu qeyb ka yahay mushahaarooyin bixintooda laga bilaabey labadii maalmood ee ugu danbeeyey dhamaan xeryaha ciidamada Puntland oo ay ku jiraan ciidamada ku sugan furimaha jiida Galgala.
Dhinaca kale saraakiil sar sare oo ka tirsan xafiiska taliska guud ee ciidanka Puntland oo telefonka aanu kula hadalney ayaa noo xaqiijiyey in uusan jirin xilligan is fahan waa ka dhex jira iyaga iyo ciidankii dhawaan gadoodey.
“Madaxweyne ku xigeenka iyo Taliyaha Ciidamada ayaa nala joogey maalmihii lasoo dhaafey, waxayna xal u heleen tabashadii ciidanka ay awal bosaso kusoo galeen, labo bilood oo mushahaar ahna waa la siinayaa ilaa maanta ciidanka ka dibna difaaceenii dib ugu laabanayna“ ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka furimaha ka yimid oo magaciisa naga codsadey in aanu qoraalka ku sheegin.
Ciidamada gadoodey ayaa arrintoodu ka danbeysay ka dib cabasho xaga mushahaarka ah, waxayna muujinaysaa bixinta mushahaarka ee cidamada ee laga bilaabey Puntland inay qeyb ka noqoneyso wax ka qabashada tabashadii ciidanku ku sameynayeen gadood.
Gadoodka Ciidanka iyo Goorta uu bilowday.
Sida dad badan ay la socdaan Puntland waxay jirtaa muddo ku siman 15 sano ,taasi oo marka dib loo fiiriyo taariikhdeeda sawiro kala duwan ay kaaga muuqanayaan marxaladihii iyo xilliyadii ciidamada Puntland soo mareen iyo xaalada xilligan ay ku jiraan.
Xukuumada Madaxweyne Faroole iyo Xukuumadihii ka horeeyey waxay si weyn ay ugu kala duwanaayeen daryeelka iyo mushahaarka ciidamada, waxaana sida ay dad badan la socdaan oo ka mid ah bulshada reer Puntland ka qarsooneyn xogta ciidamada iyo heerarkii ay soo mareen, laga-se yaabee in waqtiyadu kala duwanaayeen.
Marka aynu dib u jaleecno xiligii uu talada wadanka Madaxweyne Faroole uu kala wareegey Madaxweynihii ka horeeyey Gen Cade Muuse ma uusan jirin ciidan Puntland oo leh awood kan hadda jirra lala simi karo, waxaana jirey caqabo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen burcad badeed buux dhaafiyey magaalooyinka Puntland, Kooxo dilal iyo qaraxyo ka bilaabey gudaha wadanka,Xuduudaha qeybtood oo laga qabsadey xukuumadii horre sida Laascaanood iyo marxalado kale oo culeys ku ahaa Xukuumada C/raxmaan Shiikh Maxamed.
Sanadkii 2009 markii Puntland loo doortey Madaxda maamulka xilligan jooga waxaa jirtey in Mushaarka Ciidanka iyo Shaqaalaha aysan siinin xukumadii Gen Cade muddo lagu qiyaas ahaan gaareysay 2 sano iyo bar , taas oo ahayd abid xukuumadii dalka maamuleysay iyada oo aan shaqalaha iyo ciidanka mushaar siinin, waana mida keentey in Gen Cade uu kursiga kusoo laaban waayo ka dib doorashadii oo uu mar kale galay.
Taasi oo jirta ayaa haddana dhanka kale waxay dad badan ku sababeynayaan in meesha laga saaro xukuumadaasi inay ku timid isbedel si weyn Puntland shacabkeedu ugu xiiso qabey oo la xiriirey duruufo saameyn nolosha bulshada ku timid sida sicir bararkii laga dhaxley makiinadihii lacagta faalsada ku daabici jirey gudaha Puntland oo qiimaha sarifka iyo maciishada gaarsiiyey abid meeshii ugu sareysay.
Taariikhda iyo xilliga ay kasoo gudubtey Xukuumada xilligan waxa lagu tilmaamaa in aysan ahayn mid la dhayalsan karo , sida dhaqaalihii faraha badnaa ee ay ku bixisey mushahaaraad si joogto ah muddo ka badan 3 sano iyo bar loo bixinayey,Siyaasadaha dibada,Dagaalo soo wajahay Puntland sida midkii Galgala, Dhismaha ciidamada iyo qalabeyntooda,dejintii dollarka iyo maciishada, iyo howlo badan oo dhakhli ku baxay oo aan qoraal lagu soo koobi karin, in aynu qeyb yar warbixinta ku xusno mooyee.
Marka aad la sheekeysato saraakiishii muddo dheer ka tirsanaan jirrey ciidanka Puntland waxay ku saleynayaan taariikhdii horre ee ciidanka iyo midda hadda inay ahayd mid la micno ah Labada kalmadood ee soo socda oo ah kuwo inta badan Somalidu adeegsato dhawaaq ahaana noqonaya sida ay u qormaan sidatan “kaaf iyo kala dheeri”.
Saraakiishan oo qaarkood dad da,ah oo aan xilligan shaqeyn ayaa sheegey inay wali mushaari ka yihiin ciimada oo aysan dayacin xukuumada faroole hadii xataa ay howl gab noqdeen.
Waxayna amaan iyo bogaadin u jeediyeen saraakiishani in xukuumadu ciidamada ay u fidisey adeegyo Puntland aan horey looga aqoon jirin, ayna ka mid yihiin,daryeelo isugu jirra caafimaad sida askar ay u dirtey caafimaad dibada .
Iyagoona tusaale usoo qaatey ciidamadii ku dhaawacmey Galgala iyo howl galo kale,mushahaar kordhin ay ugu dartey qiimihii mushahaarkii hore islamarkaana si joogto ah ay u heli jireen ciidanku saddex sano iyo bar ka badan, tababaro iyo bixinta dhibaad kharash oo askarigii qoys ka dhinta caruurtiisa noloshooda lagu kabo.
Marka la bar bar dhigo xilligan iyo midkii kasii horeeyey waxa uu ahaa mid aad u kala fog fog tusaale ahaan Saraakiisha ayaa waxay qirayaan xilliyadii horre ee ay shaqeynaysey xukuumadii tan ka horeysey in ciidamadu marar badan ay sameyn jireen gadood aan xisaab lahayn, ilaa uu markii danbe gaarsiiyo in ay kala dareeraan,hubkoodii ay haysteena u beec geeyeen suuqyada ka dib markii ay waayeen cid uga diir naxda gaajadii lasoo deristey.
Tayada Ciidamada iyo Helitaanka xuquuqo hor leh.
Ciidamada Puntland hadda leedahay waxay isugu jiraan qeybo kala duwan oo intooda badan dhisitaankooda lagu guuleystey mudadii ay shaqeynaysay xukuumada Faroole, taasi oo sida taariikhda lagu hayo juhdi badan lagu bixiyey dhismahooduna uu yahay mid faa,iido weyn u leh difaaca iyo sugitaanka amaanka shacabka reer Puntland.
Dhinaca qalabka iyo tayada ciidamada Puntland ayaa laga dareemayey sanadihii u danbeeyey Puntland, kuwaas oo sawirkooda laga tusaale qaadan karo kolka lagu arko fagaarayaasha sida maalinta sanadguurada Puntland oo intii xukuumadan ay jirtey aysan ka baaqaneyn ka qeyb galkooda ku aadan ciidanku, walow xukuumadihii horre ee Gen Maxamud Muuse Xirsi aysan jirin hal xus oo ay ciidamada Puntland uga qeyb galeen sanad guuradii la aas aasey Puntland.
Dhanka tabo barada ciidanka ayay saraakiisha iyo askarta qeybo badan oo ka mid ah xaqiijiyeen inay yihiin kuwo si joogto ah uga soconaya xeryaha ciidamada, sidoo kalena ay sii dheer tahay tababaro ciidamadu kusoo qaataan qeybtood wadamo dibada ah sida Ugandha, Ethiopia, halka ay jireen saraakiil xukuumadu Dr c/raxmaan ku guuleysatey inay u dirto dibadaha fog fog oo Talyanigu ka mid yahay kuwas oo loo soo tabo barey booliska.
Dhakhliga ku baxa ciidamada Puntland ayaa laga qiyaasi karaa tirada ay le,eg yihiin, mid ku saddex jibaarma tiradii ciimada ee u diiwaan gashanaa xukuumadihii ka horeeyey midan mushahaarka ay siin jireen, halka adeegyada iyo kharashaadka kale yihiin kuwo ka sareeya kharashaadyadii horre madaama si joogto ah ciidamada ay ugu baxaan adeegyo ay ka mid yihiin caafimadka,raashinta oo xeryaha loogu bisleeyo iyo wixii kale ee la halmaala nolosha bini,aadamka oo ciidamada xeryahooda dowladu ku siiso.
Isbedelka Ciidamada Puntland.
Ka hor afartii sano ee lasoo dhaafey ciidanka Puntland waxa lagu aqoon jirey in ay magaalooyinka gudahooda la dhex imaan jireen gadiidkooda dagaalka , kuwaas oo si anshax xumo ah dadka ugu dhex qaadan jirey hubkooda, balse mudooyinkii u danbeeyey sharciyo adag oo xukuumadu kasoo saartey lagu guuleystey in la suuliyo dhaqamadaas ciidanka lagu aqoon jirrey .
Marar qaar waa ay dhacdaa in lagu dhex arko gudaha magaalooyinka ama wadooyinka ciidamo hubeysan, balse taasi wey ka bedelan tahay qaabkii horre, waxayna timaadaa marka ciidamadu sameynayaan howl-galo .
Sida ka muuqata goobo badan oo ka tirsan faras magaalayaasha Puntland waa ay ku yar tahay in ishaadu qabato askar bulshada dhexdheexa hub la dhex joogta ama gadiid dagaal oo gudaha magaalooyinka dhex wareegaya si aan sharcigu u ogolaaneyn, waxaana taasi marka aad arki weyso ku xasuusineysaa taariikh laga soo gudbey oo ay ka mid ahayd in lagu arki jirrey ciidamada marfish-yada lagu qayilo ee gudaha magaalooyinka oo ku baakimi jireen gadiidkooda dagaalka ee qoryuhu ay ku rakiban yihiin.
Saameynta Warbaahinta ee Horumar Dalka.
Inta badan warbaahinta waxay wararka ka heshaa ilo kala duwan oo soo gaarsiiya xogta rasmiga ah, balse waxaa muhiim ah in uu jiro sida uu qabo sharciga saxaafadu dabo gal iyo hubin helitaanka xogta ka dib oo ay sameyso hay,add walba oo warbaahin, islamarkaana ku shaqeysa sharci dhex dhexaadnimo ama tabinta warar xaqiiqo ah.
Dadka in badan oo ka mid ah ayaa xilligan waxay ku fasiraan warar kala duwan oo laga baahiyo gudaha wadanka Somalia inay yihiin kuwo ay dano gaar ah ka leeyihiin koox koox kale aragti ay saaxiib kula tahay kasoo minguurisa, waxayna taasi la micno noqoneysaa in uusan jirin ku dhaqanka sharciga saxaafada.
Inta badan suxufiyiinta Somalida iyo warbaahinta oo gudaha wadanka kala kulma marxalado adag oo lasoo darsa ayaa haddana sida muuqata waxaa saameyn ku leh waxyeelada soo gaarta baahinta warar dad badan ku tilmaameen been abuur laga sameystey oo sida suxufiyiinta qaar ka tirsan sheegeen ay kasoo gaarto hay,add warbaahin oo ay ka tirsan yihin ka dib marka ay faafiso dhacdo aysan kala tashan ama aysan waxba ka weydiin jiritaankeeda xogtaasi wakiil u jooga goob ay warkaasi ka faafineyso.
FG: Warbixintan ma ahan mid aanu cid si gaar ah ugu difaaceyno ama wax ugu dhimayno ee waxay ka hadleysaa sooyaalka taariikheed ee ka muuqata gudaha wadanka iyo midkii ka horeyey oo ku saabsan ciidanka iyo qodobo kale oo si yar yar aanu u dulmarney.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Boosaso.
HAYLAND: Madaxweynaha Puntland oo Reer Hayland Xaflad Kala Qayb-Galay (Sawiro)
Hayland: (pp)- Wafti uu Hogaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland ayaa Maalmahan ku Sugnaa Gobolka Hayland,waxana ay Shir lagu Taageerayo Xisbiga Horseed ay ku qabteen Degmada Dhahar.
Furitaankii Kulankaasi waxa ka hadal ka jeediyay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Xasan Shire oo Sheegay in Ujeedkoodu ahaa inay Reer Hayland u soo Bandhigaan Qorshaha ah in loo Diyaar Garoobo Doorashada Golayaasha Deegaanka oo dhawaan qabsoomaysa.
Dr Siciid Xasan Shire ayaa Ka Dhawaajiyay in Gobolka Hayland Shacabkiisa looga Fadhiyo inay la shaqeeyaan Xisbiga Talada dalka Haya ee Horseed si ay Hormuud ugu Noqdaan oo Gobolada kale ugu Daydaan.
Shirkaasi waxa ka dhex Muuqday Cuqaasha Gobolka, iyo Wafti Xildhibaano ah oo Meteliyay Degmooyin ka tirsan Gobolka Hayland, sidoo kale waxa hadalo Dhiiri galin ah ka jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Hayland Maxamed
Faarax Ciise Jeentaro, iyo Lataliyaha Madaxwaynaha ee dhanka Amaanka Axmed Xuseen Doonyaale oo dhamaantood Sheegay in Xisbiga Horseed uu Diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo wax kasta oo Dani ugu Jirto Deegaanka.
Gaba Gabadii ayaa khadka Telefoonka waxa soo Galay Madaxwaynaha PL ahna Gudoomiyaha Xisbiga Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud oo Mahad balaadhan u Jeediyay Xubnihii Kulankaasi ka soo qayb Galay.
Madaxwaynaha ayaa Shacabka Hayland u balan qaaday in Xukuumadiisu ay il Gaar ah ku eegayso cid kasta oo kala shaqaysa sidii loogu Gudbi lahaa Hanaanka Dimuqraadiyada isla markaana taageero u Muujiysa xisbiga Hogaanka haya ee Horseed.
Sawiro kale
Isha Warkan: Xafiiska Wasaarada Xananada Xoolaha PuntlandGaroowe, Somalia
KISMAAYO: Ergooyinka Dooranaya Madaxweynaha Jubbaland oo Saaka la isugu geynayo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo (Warbixin)
Kismaayo: (pp)- Iyadoo la soo dhammeeyey Ergooyinka dooranaya Madaxweynaha Jubbaland State of Soomaalia iyo Kuxigeenadiisa, ayaa saaka waxaa ka socda guddaha magaalada Kismaayo Daabulaada Ergooyinka dooranaya Madaxweynaha iyo kuxigeenadiisa , kuwaas oo la doonayo inay Casharo Siminaaro ah oo khuseysa habka doorashada u dhacayso ay ku qaataan garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo oo loo badinayo inay noqon doonto meesha ay ka dhacayso doorashadu.
Waxaa haray maalin ama Labo oo la doonayo inay doorashada la qabto, waxaana illaa hadda liiska u tartamaya Madaxweyninimada Jubbaland soo gudbiyey illaa Lix musharax , kuwaas oo dhiibay lacagihii ay doorashada ku gelilahaayeen oo dhan illaa (3.000$).
Magaalaad Kismaayo ee xarrunta J/hoose ayaa aad looga hadalyaa Doorashada , iyadoo dadka ku nool magaalada ay aaminsan yihiin 90% kursigan uu kusoo baxayo Sheekh Axmed Islaam (Madoobe) oo hadda loo maleeyo inuu ugu cad cad yahay ragga u tartamaya Jagadan.
Abaabulka Axmed Islaam ( Madoobe) ayaa si fiican looga dareemaya magaalada Kismaayo , iyadoo Nabadgelyadiisa ay aad u dhowrayaan Ciidamo Soomaali ah oo tababaran iyo kuwa AMISOM ee dhanka nabadgelyada magaalada Ka shaqeeya.
Axmed Madoobe ayaa ah waqtigan siyaasi caadi ah oo wax Xil ah ka hayn Jubbaland, isagoo wareejiyey xilkii guddoomiyaninada labo maalin kahor, maadaama uu u tartamayo xilka Madaxweyninimada Jubbaland State.
Shacabka badankiis ayaa qaba in Axmed Madoobe uu haysto taageero shacab iyo Caalami , maadaama uu si xoogan uga soo qayb qaatay halgankii deegaanadan looga xoreeyey Xoogagii Al-shabaab, waxaana Axmed Madoobe uu sumcad wanaagsa ka helay , siddii uu maareeyey isaga iyo ragii maamulka kala shaqaynayey Jalaafooyin badan oo kaga imaanayey dhanka DF ee Soomaaliya oo iyadu aan raali ka ahayn maamul iyo kala danbayn ka dhalata deegaanada Jubbooyinka.
Sikastaba, kala soco wararka Jubbaland State Marwalba Puntlandpost.com
Garoowe: Bandhig Carwadeed Hidaha iyo Dhaqanka oo Maanta Garowe lagu qabtey,Sawiro.
Garoowe: (pp)- Xaflad ka dhacdey xarunta guriga Gobolka Nugaal magaalada Garoowe ayaa lagu soo bandhigey wax soo saarka xirfadlayaasha gacanta Puntland .
Bandhig carwadeed lagu sharaxayey carwo ku saabsan dadka bartay xirfadda gacanta waxay ay soo saareen ayaa maanta lagu soo bandhigey xaflada, waxaana kasoo qayb galay masuuliyiinta Wasaarada Shaqada iyo Shaqalaha,Warfaafinta,Saraakiil ka socotay CARE International iyo waliba qaar ka mid ah bulshada.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Shaqalaha Dowlada Puntland Siciid Daahir Qodax oo ka hadlay bandhiga ayaa ku dheeraaday ahmiyada umadda Soomaaliyeed u leedahay alaaabaha lagu farsameeyo gudaha dalka, sida loogu baahan yahay in loo iib geeyo suuqyada.
Isagoona ku booriyey wasiirku dadka xirfada gacanta inay sii labo laabaan dadaalkooda ku aadan wax soo saarkooda,isalamarkaana waxa uu sheegey Mudane Qodax in bandhigan uu yahay sanadkii labaad ee la qabto oo ay iska kaashadeen Wasaarada iyo Hay,addaha Care iyo USAID..
Barni Ciise oo ah Agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqalaha ee wasaarada ayaa sheegtay bandhig carweedkan maanta Garowe lagu qabtay inay qayb ka tahay sidii loo dhiiri galin lahaa dadka bartay xirfada farsamadda gacanta,waxayna sheegtay Barni inay sii wadi doonaan barnaamijyadda noocaan oo kale ah .
waxaa jira dad badan oo bartey farsamada gacanta gaar ahaan sameynta alaabaha hidaha iyo dhaqanka, kuwas oo inta badan sameeya sheeyo aad u qurux badan oo ku saabsan hidaha iyo dhaqanka Somali leedahay.
Daawo Sawiro kale.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe.
Bosaso: Dowlada Puntland oo badmaaxiin u dhoofineysa Wadanka Kenya,Sawiro.
Bosaso: (pp) - Dowlada Puntland ayaa go,aamisey in dib wadankooda loogu celiyo 6 qof oo badmaaxiin ah oo u dhashey dalka Kenya,ka dib markii uu dekeda Bosaso kula xumaadey Markab ay ka shaqaynayeen.
Lixda qof ee la celinayo ayaa bosaso ku sugnaa muddo gaareysa lix bilood, kuwaas oo ay gacanta ku haysay mudadaasi Wasaarada Dekedaha Puntland, Hay,adda IOM iyo Maamulka Markabka ay ka shaqeynayeen.
Kulan lagu sagootinayay ayaa Dekeda loogu qabtey badmaaxiinta, Waxaana goob joog ka ahaa saraakiil ka socotay Hay’áda Qaramada midoobay u qaabilsan socdaalka adduunka IOM,masuuliyiin ka tirsan wasaarada Dekedaha Puntland ,saraakiisha amaanka iyo Badmaaxiinta la celinayey.
Wajiyada Badmaaxiinta ayaa laga dheehan karay dareen farxadeed,waxaana la filayaa in Badmaaxiintaasi ay ka safraan Bossaso iyagoo ku sii jeeda wadankooda.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Boosaaso.
Garoowe: Golaha Wasiirada Puntland oo ansixiyey xeerka Maxkamada Dastuuriga ee Puntland,
Garoowe: (pp)- Kulan maanta ay yeesheen Golaha Xukuumada Puntland ayaa lagu ansaxiyey xeerka Maxkamada Dastuuriga ah ee Puntland , iyadoona uu shir gudoominayey kulanka wasiirada Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed.
Nuqul ka mid ah xeerkaan oo saxaafadu heshay ayaa waxaa ku qornaa in Maxkamada Dastuurku yeelan doonto afar Garsoore kuwaas oo ku biiri doona 5ta Garsoore ee Maxkamada sarre ee Puntland.
Garsoorayaashan ayaa la sheegey inay ka imaan doonaan Bulshada rayidka ah , waxaana ka mid ah shuruudaha laga doonayo inay wataan shahaado sharci oo heer jaamacadeed ama shahaado u dhiganta xaga aqoonta iyo qawaaniinta shareecadda ah.
Shuruucda ayaa sidoo kale dhigaya in Garsooraha uusan isku qaban karin xilka Maxkamada Dastuuriga ah,shaqo xeer dejin,maamul dowladeed iyo mihnad qareenimo.
Afarta xubnood ee Maxkamadda Dastuuriga ah waxaa labo kamid dooranaya Golaha Wakiilada, labada kalana waxaa soo xulaya Golaha xukuumadda, waxaana ansixinaya Golaha wakiilada ayaa lagu yiri nuqulka warbaahinta soo gaarey.
Nuqulku waxa uu tilmaam ka bixinayaa mudada lagu soo xulaya xubnaha afartaa, iyadoona lagu sheegey in Muddo 30 maalmood gudahood lagu soo magacaabi doono afarta xubnood ka dib marka ay ansixiyaan golaha wakiiladu xeerka la xiriira dhismaha Maxkamada Dastuuriga.
Waa midii ugu horeysay Maxkamada Dastuuriga oo laga dhiso Puntland iyo Somalia sida la filayana waxay u howl gali doontaa inta ka horeysa doorashada goloyaasha deegaanka oo loo qorsheyey inay dhacaan horaanta bisha July 2013.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.
Maamulka KMG ee Kismaayo oo ka hadley xilliga doorashada Madaxweynaha Jubaland.
Kismaayo: (pp)- Maamulka KMG ee Kismaayo oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegey in doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ay qaban doonaan labada maalin ee soo socota.
Afhayeenka maamulka KMG Kismaayo Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegey in la qaban doono labada maalin ee soo socota , isagoona sheegey in maamulka KMG ee Kismaayo uu diyaariyey goobtii doorashada lagu qaban lahaa iyo amaanka oo si weyn loo adkeeyey.
‘’ Waa Alle mahadiis waxaa iminka gabagabo noo ah hawlihii Doorashooyinka,Waxaan maanta sameyn doonaa ID-Card ergada oo aan horey u haysan’’ ayuu yiri afhayeenku oo intaa ku daray in Doorashooyinka ay u dhici doonaan sidii loogu tala galay.
Dhanka kale, Wuxuu sheegay in lagu guuleystey xalinta beelaha qeybtood ee wax tabanayey,islamarkaana kismaayo shacabkeeda iyo reer jubaland si weyn isugu diyaarinayaan sugitaanka maamulkooda cusub ee maalmaha soo socda u dhalan doona.
Kala soco wararka kismaayo Puntlandpost.com
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Kismaayo.
GAROOWE: Kulan Wadatashi ah oo Looga Hadlay Sharciga Saxaafadda Puntland oo Garowe lagu Soo Gabagabeeyay (Sawiro)
Garoowe: (pp)- Kulan wadatashi ah oo Labo maalmood uga soconayay magaalada Garowe suxufiyiinta, Ururada bulshada iyo warbaahinta madaxa banaan ee ka howlgasha Puntland loogana dooday sharciga saxaafadda Puntland, kaasoo looga gol lahaa in suxufiyiinta iyo warbaahinta ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Garowe.
Kulankan oo ay ka Qaybgaleen 40 Saxafi, waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka socotay wasaaradda warfaafinta Puntland, Xubno ka socday Barlamaanka Puntland, Dallada Ururada Aan Dowliga ahayn ee
PUNSAA, Masuuliyiinta Ururka Saxaafada Puntland ee MAP, Suxufiyiin ka kala Yimid Magaalooyinka Boosaaso, Garowe, Qardho, Baran iyo Galkacayo.
Furitaankii kulanka ayaa waxaa ka hadlay wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, Waxaanaa uu sheegay in Wasaaradu ay Samaynta Sharciga Saxaafadda Puntland ay Muddo badan soo waday, Haddan Warbaahinta iyo Suxufiyiinta ka howlgala Puntland la horkeenay si fikradooda iyo Aaraadooda ugu daraan
“ Muhiimadu waxa weeye Xeer baynu maanta u fadhinaa, waxaa loo baahan yahay in maskaxdeena shiilno inagoo muwaadiniin ah, oo isku mid ah, Annagu haddanu nahay Wasaarada ilaayo dhamaadkii sanadkii hore Qabyo qoraalkan xeerka warbaahinta waanu soo wadnay, Xeer ka horeeyay oo aan tixraacnay oo aan waxbadan ku kordhinay oo in dhammaanteed si inoo fiican” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta
C/fitaax Sugule oo Guddoomiye K/xigeenka Dallada Ururada aan Dowliga ahayn ee PUNSAA, oo ka hadlay Kulanka ayaa sheegay in PUNSAA ay ku faraxsan tahay inay Kulankan ay Fududayso, Waxaan uu yiri isagoo ka hadlay Ujeedada laga leeyahay kulanka “ Sharciga Warbaabihinta waa muhiim, Haddii ayan warbaahintu sharci iyo wax kala haga lahayn, ayada iyo dadka ka shaqeeya iyo Dowladda waxaa dhacaysa isku dhac badan iyo isku jahwareer” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Puntland, Islamarkaana ah Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ mudane Burhaan Axmed Daahir oo isna kulanka ka hadlaya ayaa sheegay in Warbaahinta Puntland ay haystaan Fursad qaali ah oo Fikradahooda iyo Aragtiyahooda ay kaga dhiibtaan Kulankan “ Maanta dood ayaa socoto, sidaa daaraadeed, Qorayaashii xeerkan innaga weeye, Ma aha in cid kale ay qorayso, Maxkamadi ma qorayso, Dowladi ma qorayso, Inagaa qoraynaa waxaa loo baahan yahay in Xeerka ugu fiican Adduunka inayno samayno ayaa loo baahan yahay” ayuu yiri, Wuxuuna sii raaciyay “ Waxaa ka soo baxay ee Xeerkan saxaafadda uu sii socda wadahadalkiisu, loona xilsaaro khabiir dhinaca Saxaafadda oo la yiraahdo Siciid Faarax Maxamuud , kana qaybgalaan dhammaan daneeyaasha, uuna noqda Xeer waafaqsan Xeerarka Caalamiga ah ee xuquuqul Insaanka iyo Saxaafadda. Dabadeedna Nuqulka u dambeeya ay wada saxiixaan Ururka Suxufiyiinta Puntland iyo Wasaarada Warfaafinta, ka dibna loo gudbiyo Gollaha xukuumada iyo Barlamaanka” ayuu yiri Burhaan Sidoo kale, gebagebadii kulanka, suxufiyiintii ka qaybgalay Kulanka waxa ay cambaareeyeen shakhsiyaad doonaya in magaca suxufiyiinta Puntland kharibaan, isla markaana u ekeysiiyaan saxafiyiinta Puntland iyo Warbaahintooda dad fowdo, iyadoo dhowaan qoraal lagu cambaareynayo dowladda Ingiriiska lagu soo daabacay bogag ay leeyihiin bahda saxaafadda Puntland, arrintaas oo suxufiyiinta iyo warbaahinta Puntland ee kulanka fadhiday ee banaanka iska mariyeen, isla markaana ay cadeeyeen in aanu wax shaqo ah ku lahayn, isla markaana qoraalkaa aanu metelin masiirka suxufiyiinta iyo warbaahinta Puntland. “ Waxaan ka Raaligalinaynaa Dowladda Ingiriiska iyo Shirkada Albany Qoraalkaa Cambaaraynta ah, Waxaanuna Cadaynaynaa in aanay haba yaraatee Qoraaladaa Meel ka dhaca aanu matelin Suxufiyiinta iyo Warbaahinta Puntland” Burhaan Axmed Daahir oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Puntland, ahna guddoomiyaha ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Puntlandpost.com
Garoowe: Haweenka Puntland oo isu diyaarinaya ka qeyb galka doorashooyinka soo socda,Sawiro.
Garoowe: (pp)- Xarunta hayada PDRC ee magaalada Garowe ayaa maanta lagu qabtay kulan balaaran oo haweenka Puntland uga doodeen doorkooda ku aadan ka qaybgalka doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland.
Kulanka oo ahaa mid ay soo qaban qaabisey Wasaarada haweeenka Puntland oo kaashaneysa Hay,ada UNDP ,ayaa waxaa kasoo qayb-galay haween ka kala socdey deegaanada Puntland ,Ururada Haweenka ,haweenka dhalinyaradooda iyagoona isla falanqeeyey qaabka ugu haboon ee kaalintooda ku muujin karaan doorashooyinka soo socda.
Wasiirada haweenka Puntland Marwo Xaliimo Xaaji Xasan oo bilowgii ka hadashay ayaa ku dhiirigelisey haweenka inay muujiyaan dadaal dheeraad ah iyo ka qayb qaadasho nidaamka xisbiyada ee Puntland ku talaabsatay.
Marwo Xaliimo ayaa ka dhawaajisey in sanadkan halku dheg ka dhigteen ”Samankii iskaashiga haweenka Puntland iyo saaxibadooda daneeyaa” ,iyadoona dhanka kale xustey in haweenku tiir dhexaad u yihiin bulsho kasta oo meel degan.
Shirkan oo ahaa mid wadashi ah ayaa dhamaadkiisi waxay haweenkuu soo saareen qodobo ay ku muujinayaan kaalintooda ku aadan ka qaybgalka loolanka siyaasadeed ee doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland.
Guddiga doorashooyinka ayay ugu baaqeen inuu hubiyo isku dheelitirnaanta jinsiga musharaxiinta loo soo gudbinayo halka ay ururada ugu yeereen inay haweenka fursad u siiyaan ka qaybgalka doorashooyinkan.
Culimada ,saxaafada iyo bulshada Puntland ayay ka codsadeen haweenku inay taageeran sidii ay dhankooda uga soo geli lahaayeen ka qaybgalka siyaasada iyagoo sidoo kale ku baaqey wacyigelinyo ku aadan in haweenka doorkooda la siiyo.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe
Faallo: Yagleelka Dowlada Jubaland iyo Bisaylka Dowlada Puntland.
Dib usoo noolaynta dawladii burburtay horaantii 1991-dii ayaa moodaa inay qaadatay mudo dheer.
Waxaana umadii Soomaaliyeed ay ka hareen asaagood ama Caalamka, marka la eego xag Dhaqaale,Siyaasadeed, Dhaqan, Caafimaad,iyo Sharafka qofka Soomaaliyeed ee xag wax barasho,xag amaan iyo kala danbayn intaba.
Waxaa muran galay yaa soomaali ah marka laga hadlayo xaga Aqoonsiga Soomaalinimo,madama ay luntay astaantii saxiixa dawlad Soomaaliyeed oo la aqoon sanyahay oo ka gadmi karta ummada Somaliyed iyo Dowladaha Adduunka.
Karti xumada Somalida oo is xalin wayday soona afjari wayday dagaaladii sokeeye iyo nidaam la,aanta ay cadaysteen waxaad moodaa in lagu kala duwanyahay oo hada toos loo kala baxay lana la isla ogaaday. ceebtuna waxay timid markii la yiri cid walbaa ha soo dhisato Deegaankeedii haday daacad ka tahay in laysku keeno Umadii Soomaaliyeed, taasoo ku saleysan Nidaamka FEDERAALKA oo noqday xalka kaliya ee Soomaaliya ku dagi karto ,dadkuna ku kala amaan helayo dulmiga iyo shidadana soo afmeeraya.
Hadaba waxaan Caalamka iyo Wadamada dariskaba u cadaynaynaa dhamaantood in sicad loo fahmo beelaha ama deegaanada soo taagan ee diidan inay samaystaan maamul ay wax kula wadaagaan walaalahooda Soomaaliyeed ee Federaalka ah.
Sifo marka aanu u sameyno cadeymaha aan soo bandhigi karro waxaa ka mid ah kuwa u taagan inay goor walba lasoo taagan yihiin Qas iyo Amni xumo waxaan oran karnaa waa deegaano diidan nidaam iyo dowladnimo, waaa kuwo la shaqeysta mar walba caana ku noqdey inay hoosta gashadaan Dowlad fadhiid ah oo ay kula shaqeystaan Maafiyada Caalamiga ah ee Adduunka oo dhami ka qeyliyey.
Sida dad badan la socdaan waxaa muuqata in uu ka mid yahay kooxda kasoo horjeeda hirgalinta hanaanka Federalism Madaxweyne Xasan Shiikh, waxaana taasi sii dheer in deegaanada iyo beesha uu kasoo jeedo arrintaasi ku garab joogaan , iyadoo xataa uusan jirin xishood ay dhexdooda isaga qaban karaan wixii khalad ah ee ku keeni karra sumcad xumo , islamarkaana ragaadinaya isu keenitaanka Somali oo idil.
Arrinka oo sidaas u muuqda ayaan haddana waxaa bogaadin iyo hambalyo mudan dawlada iyo shacabka Puntland Mudo gaareysa 15 sano ku soo dhaqmayey shuruuc iyo nidaam dowladnimo oo somalida kale wax ka baran kareyso.
Sawirka hadda muuqda waxaa lagu fasiri karaa Puntland dhinac deegaankeeda ayay dhisaneysaa dhinac-na mustaqbalka Somali weyn ayay diyaarineysaa, taasna waxay la macno tahay in ay Puntland mudan tahay in loogu yeero Khabiirka u bisil Dowladnimada.
Lama filan karro in khasaare iyo dib u laabasho ku keeni karaan dagaalada siyaasadeed ee Puntland dalka iyo dibada uga socda, waayo reer Puntland waxay fahmeen in hadii aanan nabad jirin, aysan jiri doonin nolosha iyo wanaaga sida bilicdaa uga muuqda deegaankooda.
Mid kale marka dhinac aan ka eego laga yaabee inay jireen maalmihii lasoo dhaafey mucaarad Puntland , balse waxaa hubaal in Puntland marxalad kasta oo lasoo derista aysan waxba yeeli karin , waayo Dowlad sanado badan soo jirtey ayaa saldhigyo xoogan ku leh, Bulsho bisil oo la socda dhaqdhaqaaqa cadowga ku nool.
Faalada Waxan kusoo koobin Puntland waxay indhaha u shidatey in ay u hiiliso Somalida kale ee dayacu haysto , waxay muujisey kartideeda , waxay u diyaar garowday horumarkeeda , hana u maleyn sahalo in uu ku yimid dhismaha Maamulka Puntland, Horaana Soomali ugu maahmaahdey Dadaalaa wuu gaaraa oo aan ula jeedo guushu waa mid taala halka nabadu beegsatey ee hoyga u noqotey , taasna isweydiin meysaan oo waa dhulka UDUGA ee Puntland.
FG: Puntlandpost masuul kama aha aragtida qoraaga hoos magaciisu ku xusan yahay.
Yuusuf Omar Mashruuc5@hotmail.com
KISMAAYO: Jubbaland State oo ku gudda-jirta Doorasho Madaxweyne iyo Kuxigeenada (Warbixin)
Kismaayo: (pp)- Magaalada Kismaayo ayaa waxaa gabo-gabo kudhow doorashada hogaamiyeyaasha cusub ee Jubbaland State ay yeelan doonto Sanaha soo socda, waxaana hadda si habsami u socda doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenadiisa.
Sidda Wararku nagu soo gaarayaan illaa 6 Musharax ayaa is sharaxay , waxaana loo badinayaa inuu kusoo baxo Doorashada Madaxweynaha Jubbaland State Sh. Axmed Madoobe oo ayaamahan loolankiisa siyaasadeed ka waday Guddaha magaalada Kismaayo.
Ammaanka guud ee magaalada ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo goob walba ay taagan yihiin ciimo Soomaali ah iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Kenya.
Puntlandpost.com, kala soco doorashada iyo sidda ay usoo gaba-gabowdo Inshaa’alah.
KISMAAYO: Jubbaland State oo Madaxweyne Sharciga Federaalka ku dhisan yeelatay (Warbixin+Dhegeyso)
Kismayo: (pp)- Waxaa Cod aqlabiyad maanta lagu doortay Madaxweyne Sh. Axmed Islaan (Madoobe) oo sidda aan marar badan aan soo ku tabinay loo badinayey inuu noqonayo Madaxweynaha Cusub ee Maamul goboleedka Jubbaland State.
- Axmed Madoobeoo loo doortay Madaxweynaha Jubbaland State.
Magaalada Kismaayo iyo Deegaanada ku xeeran ee ay gacanta ku hayaan Ciidamada Jubbaland Stae iyo AMISOM ayaa aad looga dabaaldegay Doorashada Sh. Axmed Madoobe oo aad maanta ay wejigiisa ka muuqatay isaga iyo shacabka taageersan farxad aan la soo koobi karin.
Doorashada Axmed Madoobe iyo Maamulka Cusub ayaa la saadaalinayaa inay arin aysan ku farsix ku noqoto Madaxweynaha DF ee Soomaaliya iyo ragga la siyaasada ah , iyaga oo geed dheer iyo gaaban u koray inay fashiliyaan dhismaha Jubbaland State oo si taariikhiya maanta loogu doortay Sh. Axmed Islaam (Madoobe).
Sikastaba, Warar kale oo quseeya Doorashada kala soco Puntlandpost, Kismaayo, saacadaha soo socda.
Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland State
Daawo Sawiro Doorashadii Kismayo & Soo dhaweyntii Dowlada Puntland.
Doorashadii Madaxweynaha Jubaland ee Kismaayo loogu doortey Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe) ayaa waxaa kasoo qeyb galey marti sharaf kala duwan oo ka socdey Odoyaasha, Ururada bulshada, Wakiilo ka socdey Wadamada Urur goboleedka IGAD,saraakiil ka socotey beesha caalamka, iyo Dadweyne aad u faro badan oo dhinacyo badan leh oo ka socdey deegaanada Jubaland.
Hadaba Puntlandpost oo warbixino kasoo diyaarin doonta sida ay doorashadu u dhacdey ayaanu jecelnahay in aanu idin soo gudbino qeybo ka mid ah Sawiradii Madashii Doorashada Madaxweyne Axmed Madoobe lagu doortey.
Halkan ka daawo Sawirada Doorashadii Kismayo
Dhanka kale Dowlada Puntland ayaa soo dhaweysay doorashada sida xalaashaa ee ay u dhacdey, iyadoona Xukuumada Puntland oo ugu horeeyo Madaxweyne C/raxmaan Shiikh Maxamed ay hambalyo ku aadan Curashada Dowlada Jubaland u direy dadweynaha goboladaasi iyo dhamaan ummada Somaliyed meel walba oo ay joogaan.
Puntland waxay ku talisay in Jubaland ay noqoto mid horseed u ah dhismaha maamulada kale ee dalka ka hirgali doona Mustaqbalka dhow ee soo socda .
Halkan ka daawo Sawirada soo dhaweyntii Puntland.
FG: Puntlandpost saacadaha soo socda waxay idin balan qaadeysaa in aanu idin soo gudbin doono warar iyo warbixino aanu kaga hadleyno Kismaayo iyo sidii ay doorashadu u dhacdey, sidoo kale waxa jirta faalo aanu ugu magacdarney Dhagoolow Maqal, Indhoolow Arag oo aanu kaga hadli doono Barre Hiiraale warar uu idaacada ka sheegey.
Editorial Puntlandpost.com
Faallo: Dhagoolow Maqal, Indhoolow Arag.
Kismaayo: (pp)- Yaab iyo Amakaag ayay ku noqotey qeybo badan oo Somalida ka mid ah markii ay warbaahinta ka maqleen Bare Aadan Shire (Hiiraale) oo leh waxaa la ii doortey Madaxweynaha maamulka Jubaland,ka dib markii maanta lasoo gabo gabeeyey shir weynihii Dastuuriga ahaa ee Kismaayo ka soconayey mudo dheer laguna soo doortey Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa Gen Ismacaa,iil Fartaag.
Badidood dadkii dhageysanayey hadalka Bare hiiraale waxaa isu qaban weyday sheegashada hogaanka maamulka Jubaland ee Bare Hiiraale iyo Mowqifkiisii horey uu uga taagnaa inay maamul sameystaan dadweynaha ku nool Gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo uu sida la ogaa kasoo horjeeday.
Waa Kuma Bare Hiiraale.
Bare Aadan Shire (Hiiraale) waxa uu ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Somalia, gaar ahaana kuwii Jubooyinka ku dagaalami jirey isagoona mudo toban sano ku dhow si xoog ah ku haystey Magaalada Kismaayo oo ay kooxda Alshabab dabayaaqadii 2008-dii dagaal uga qabsadeen Kismaayo.
Bare Hiiraale intii ka danbeysay markii Kismaayo laga saarey wuxuu bilaabey jamhadeyn mudo kooban uu waday, taasi oo ay u suurto gali waysay Kismaayo oo gacanta Bare Hiiraale kusoo laabata islamarkaana lagu tilmaamey sababihii u suurto galin waysay Bare Hiiraale inay ka mid ahaayeen Dhowr qodob oo ay ka mid yihiin .
1. Isbedel ku yimid Hogaamiye kooxeed-yadii Koonfurta Somalia oo ay diciiftey awoodihii ay lahaayeen sida mid taageero, dhaqaale iyo siyaasadeed-ba.
2. Dadka Deegaanada Gobolada Gedo iyo Jubooyinka oo aanan u dhameyn dhaq dhaqaaqii danbe ee Bare hiiraale ku jamhadeynayey.
Ka dib markii uu bilowday dhaq dhaqaaqii xoreynta Gobolada Alshabab haysteen ayuu Bare Hiiraale isku dayey inuu afduub ku sameeyo awooda alshabab lagu burburinayey oo ay qeyb ka ahaayeen Ciidamo Amisom iyo kuwa Ethiopia, waxaana la sheegey in Bare isku dhufsadey xisaab ah sidii uu ugu rati kacsan lahaa dhaq dhaqaaqaasi , isagoo hami ama rajo ka qabey in uu si khayaano ah mar kale Kismaayo ugu soo gacansho, balse Dowlada Ethiopia oo aragti ku saleysan damaca siyaasadeed ee bare fahan ka qaadatey ayaa xabsi ku dhawaad hal sano ah ku riday.
Taariikhda iyo Waayaha Mugdigaa ee Bare Aadan Shire ma ahan mid qoraal iyo akhris lagu soo koobi karo , waxaase dadka Soomaaliyeed ee dhacdooyinka la soconayey ay ka dharagsan yihiin damaciisa siyaasadeed casharada laga soo bartey .
Xaglo geel wax Gunti la galiyo ka weyn.
Sheegada Bare Aadan Shire Hiiraale ee Madaxweynaha Maamulka Jubaland maxay u noqon waysay mid horey loogu warhayo oo ay ugu soo koobnaatey in afkiisa oo qudha laga maqlo ka dib markii wareysi uu siiyey idaacadaha afka Somaliga ku hadla qeybtood.
Suurto galnimada in Bare Hiiraale loo aqoonsado Madaxweyne waxaa ay imaan kartaa marka la helo Documentiyo cadeynaya doorashadiisa kuwaas oo sida lala socdo uusan jirin habayaraatee hal xabo oo sawir ama muuqaal muujinaya dadkii doortey, hadiiba ay jirto in bare hogaan loo doortey.
Sheekada uu ku doodayo Col Bare Hiiraale dad badan waxay ku micneeyeen ruwaayad uu dhawaaq dheer ku oranayo Dhagoolow maqal , Indhoolow Arag , oo fasir ahaan ay u muujiyeen dadka falanqeeyey hadalka barre hiiraale mid dadku ay leeyihiin indho ay wax ku arkaan iyo dhago ay wax ku maqlaan islamarkaana doorashii Kismaayo ka dhacdey ay ahayd mid dhamaan umadaha dunida oo dhami indhahoodu arkayeen, waana mid ka bedelan sheekada oraneysa “Indhoolow Arag”.
Laakiin arrinka ka bedelan uu yahay wax dareen oo xasaasiyad oo hadalka Col Bare kusoo kordhinayo deegaanada Jubaland lama filan karo , midaas oo loo aaneynayo siyaasadiisa oo dadku ku tilmaamayaan mid si cad uga timid Muqdisho oo habeen badh laga soo saarey laash uu ku tagey Kismayo.
Lama Qarin karo Lamana Dabooli karo Natiijadii kasoo baxdey shirweynihii Dastuuriga ahaa ee muddo ka soconayey Kismaayo ayey dadku badidood aragtidooda ku saleynayaan.
Barre Hiiraale intii uu soconayey shirkii Kismayo maanta kusoo xirmey, ma uusan soo dhaafin sida ilo xogogaal ah Puntlandpost u xaqiijiyeen albaabada gurigiisa kismaayo ka degan yahay, isaga oo aysan jirin la tashi ama shirar uu kismaayo ku qabtey sida loo warhayo, balse ma kula tahay midaas in uu sameyn karey , sow horey uma aadan maqlin ka dib shirar ay yeesheen Bare iyo Ciidamada Amisom, Saraakiil ka tirsan Maamulka KMG-ka oo isku dhinac ah in uu barre u sheegey markii la weydiiyey sababihii kismaayo u yimid uu ku sheegey in ay la xiriirtey booqashada xaas iyo qoys kismayo ka jooga islamarkaana aysan jirin arrimo siyaasadeed oo uu u yimid.
La iskuma hayo Kismaayo Maanta inay ka dhacdey Doorasho Xalaal ah ku saabsan Madaxweynaha Jubaland iyo Ku xigeenkiisa, Balse isweydiiyoo yaa loo doortey hogaanka Jubaland Maxaase Cadeyn ah oo loo hayaa doorashadooda.
Daawo Sawirada madasha lagu doortey Axmed Madoobey iyo Gen Fartaag.
Gobolada ku bahoobey curinta maamulka Jubaland waxaa ku duugan kheyraad dabiiciya oo alle ku manaystey dhulkooda, waxaana uu faa,iido mustaqbal u hogaaminayaa Maamulka ay sameysteen , kaasi oo sida dad badan saadaalinayaan u horseedaya Isku uruursanaantooda, hirgalinta nidaam sharci iyo kala danbeyn .
Jubaland doorashada hogaankeeda waxaa si weyn looga taageerey goobo badan oo ka mid ah Dowladaha caalamka iyo Somalia, kuwaas oo sheegey inay ku faraxsan yihiin sida guusha ee uu kusoo dhamaadey shirkii Dastuuriga ahaa ee reer Jubaland.
Puntlandpost.com
Kismaayo.
HAMBALYO: Jaalliyadda Washington DC iyo Nawaaxigeeda oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Jubbaland State
Mudane Madaxweyne Islaam,
Marka hore waxaan kugu salaamaynaa salaanta Islaamka: Salaamu calaykum wa raxmatullahi wa barakaatu. Marka kale, waxaan kuu soo gudbinaynaa hambalyo iyo bogaadin doorashada laguu doortay Madaxweynimada Dawladda Jubaland State. Ilaahay (SWT) ha kula garab qabto hawsha aad dusha u ridatay. Sii Akhri
Puntlandpost.com