Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all 22737 articles
Browse latest View live

The Puntland Business Advert-Focus on Key Business & Economic Sectors in Puntland [London: Sunday- 19th-May 2013-Time 14:00-18:00]

$
0
0

This conference will reflect on the outcome of the Somali Trade & Investment Event, London and highlight the opportunities in one of the rich resource regions in Somalia and how one can invest in those globally booming sectors.

Puntland chamber of commerce

 

economic forumTime and Date: 14.00 -18.00, 19th May 2013

Location: Resource For London, 356 Holloway Road, London, N& 6PA
Highlights:

Business and Investment Opportunities in Fishing Industry. Full information on other sectors such a Livestock, Frankenstein. Particularly Somali fishing industry and how to make profit from fishing. Excellent networking event both for investors and businesses. Business ideas from the Puntland Chamber of Commerce and Industry. Ways to invest in the industry, and other sectors of the economy.read More


The Puntland Business Advert-Focus on Key Business & Economic Sectors in Puntland [London: Sunday- 19th-May 2013-Time 14:00-18:00]

May 19-keeda oo magaalada London lagu qabanayo Shir looga hadlayo Fursadaha Ka jira deegaanada Qaniga ah ee Puntland.

$
0
0

Waxaa lagu qabanayaa Magaalada London Kulan Muhiim oo laga hadlaayo looguna soo bandhigaayo maalgeleyaasha Caalamka siddii ay loogu sheegi lahaa Fursadaha ka jira Puntland oo ku aadan dhanka maalgashiga Kaluumaysiga , Xoolaha Nool iyo habka looga faa’iidi karo Kaluunka, Fikradaha dhanka ganacsiga Puntland ee ka dhaxayn kara Ganactadada iyo maalgeliyeyaasha iyo arrimo kale oo badan.

—>>Read English Version, PDF File

logoeconomic forum
Waxaa kulankaas ka qayb qaadanaya oo ka hadlaya:

1. Saciid Huseen Ciid Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo warshada oo ka hadlaya Fursadaha ka jira Puntland

2. Hasan Muuse Dude, Somali Economic Forum – Somali Fishing Industry

3. Nuur Axmed Nuur Ganacsade , horayna uga mid ahaan jiray masuuliyiinta PUNSA

4. Faarax Cali Jaamac , Wasiirka Maaliyada Puntland

5. C/rashiid Yaasiin , oo ka socda Amal Express oo ka hadli doona sidda ay muhiimka u tahay helitaanka  Ganacsato Guddaha (Local Partner).

Arrimaha looga hadlayo fursadaha Ganacsi ee ka jira Puntland ayaa dhacaysa 19 May

Waqtiga: 14.00 -18.00

Goobta: Resource For London, 356 Holloway Road, London, N& 6PA

Isdiiwaan-geli adoo la xiriiraya : 07932674590

ama Email u dir: kadafi066@hotmail.co.uk

 

Xasuuso: Si aysan kuugu dhicin niyad jab ku aadan inay kuraasto kaa buuxsanto, please deg deg isu diiwaan-geli,  addoo la xiriiraya cinwaanada kor ku xusan.

Puntlandpost.com

 

 

KISMAAYO: Maamulka Jubbaland State iyo AMISOM, oo musaafurinaya rag uu ku jiro Col. Barre Hiiraale( Warbixin)

$
0
0

Kismaayo: (pp)- Magaalada Kismaayo ayaa laga masaafurinayaa rag uu ku jiro Col, Barre Aadan Shire Hiirale , kaddib markii lagu qiimeeyey inay isku dayeen falal qas iyo ammaanka qatar ku ah.

Kismaayo oo shaqsiyaad qaswadeyaal ah laga musaafurinayo

Kismaayo oo shaqsiyaad qaswadeyaal ah laga musaafurinayo

Shaqsiaaydka laga musaafurinayo magaalada Kismayo ayaa waxaa ka mid ah rag ay Muqdisho kasoo dirtay DF ee Soomaaliya, kuwaas oo loogu tallo galay inay Qas iyo jahawareer siyaasadeed ka sameeyaan magaalada Kismaayo oo waqtigaas lagu guda-jiray inay ka dhacdo doorasho xor ah ay dadka deegaanadan dega ay ku samaysanayeen Maamul Federaal ah.

Barre Aadan Shire ayaa lagu wargeliyey maalinkii shalay inuu ka baxay Ballan uu la galay Odayaasha, maamulkii kumeel-gaarka ahaa oo ka jiray magaalada iyo Ciidamada AMISOM ee dhanka ammaanka qaabilsan , isagoo ka ballan qaaday waqtigii uu magaalada Kismaayo soo gaaray  inuusan ku lug lahayn wax siyaasad ah uuna u  yimi magaalada Xaaskiisa iyo Caruurtiisa oo magaalada Ku nool, nasiib darro doorashadii maalinta ay dhacday ayuu daqiiqado kaddib sheegtay in isaga loo doortay Madaxweyne , arrinkaas oo ay ka yaabiyey dadka Soomaaliyeed ee ku nool aduunka dacaladiisa.

Hadalkaas kasoo yeeray kaddib ayaa lagu qiimiiyey inuu been ka sheegay qorsheyaashii uu u yimi magaalada , kaddibna lagu wargeliyey inuu ka baxay go’aankii lagu ogaa oo ahaa inuu reerkiisa u yimi oo uu la joogayo.

Waxaa kaloo raga magaalada Kismaayo laga masaafurinayo ka mid ah  Maxamed Aamiin, oo  markii la xiray ka shifay in DF ee Soomaaliya ay usoo magacowday Guddoomiyaha magaalada.

Sikastaba, waxaa banaanka u soo baxay in arrimahan oo dhan ay ka danbeysay DF ee Soomaaliya , taasna keenaytay in lagu ciqaaabo raggii ay dowladu adeegsatay in la xiroqaarkood dibna loogu masaafuriyo  magaalada Muqdisho oo shirqoolkooda laga sooa abaabulay.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jubbaland State Sheekh Axmed Islaam ayaa la sheegayaa inuu go’aano badan ka soo saarayo arrimo deg deg ah  oo khuseeya dhanka nabadgelyada, isagoo shirar gooni gooni ah kula jira Ciidamada ammaanka , siyaasiyiinta , dhanka kalena la tashiyo ku saabsan dhismaha dowlada cusub la yeelanaya bulshada qaybaheeda kala duwan.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland State.

 

Hanaqaadka Jubbaland & Hagardaamada Damu-jadiid.

$
0
0

Alla Mahad oo dhan u sugnaatay, Maqaal gaaban ayaan rabaa inaan kaga hadlo mar xalada cusub ee ay gashay Siyaasada Dawlada Jubbaland oo ku soo biirtay Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya iyo hagar daamada kooxda fikirka guracan ee Damul-jadiid ayna hogaamiyaan Madaxweyne Xasan Culusow iyo Raiisul Wasaaraha ay seeftu dulsaaran tahay ee Saacid.

Hana qaadka Jubbaland iyo hagardaamada damu-jadiid.

Hana qaadka Jubbaland iyo hagardaamada damu-jadiid.

Marka hore waxaa farxad iyo rarayn mudan inay Jubbaland umuqato inay cagaheeda isku taagtay hagardaamooyin iyo dib u dhac dheer kadib ayna dadka reer Jubbaland yagleeleen hanaan Dawladnimo oo maalintii arbacada ahayd Madaxweyne loogu doortay Mudane Axmed Madoobe oo ah hogaamiyo duurka usoo galay sidii degaanadan looga xorayn lahaa kooxdii argagixisada ahayd ee baadilka ku haysatay degaanadaasi.

Doorashada Axmed Madoobe ayaa noqotay mid gilgilshay quluubta in badan oo kamid ah umadda Soomaaliyeed oo iskugu jira qaar si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey inay degaanadan helaan hanaan Dawladnimo oo ka gudbiya dib u dhicii ragaadiyey sanadaha badan iyo qaar kale oo u arkay inuu maamul ka hanaqaada halkaas uu caqabad ku yahay danahooda gaarka ah sidaa darteedna goostay inay si kasta oo ay ku fashilin karaan Maamulkan ay sameeyaan sida iyagoo qabqable-dagaal Barre Hiraale ku tilmaamay Madaxweyne kadib markii Laash nooca kaluumaysiga ah lagaga soo tahriibiyey xeebta liido ee Magaalada Muqdisho, iyo iyagoo si cad u muujiyey inaysan gabi ahaanba aqoonsanayn Dawladan cusub ee Jubbaland.

Shacabka Jubbaland ayaa u muuqda inay cagta saareen dhabihii saxda ahaa ayna heleen fursad qaali oo aysan helin mudadii ay burbursanayd Soomaaliya waxaana mudan in fursadan looga faaidaysto sida ugu haboon, il gaarana lagu eego haraagii dagaal ogaayasha  ee laga soo ganaayo Magaalada Muqdisho si ay caqabad ugu noqdaan isku tashiga iyo Horumarka umadda Jubbaland waxaana mudan in kooxdan loo sheego inay dadkooda meel ka raacaan hadii ay dhici waydana magaalada kismaayo looga sifeeyo sidii ku haboon.

Xasan shiikh Maxamuud oo ah Madaxweynaha Dawlada Fadhiidka ah ee dhaafi la Magaalada Muqdisho wuxuu booqday Baledweyne iyo Baydhabo wuxuuna dadka halkaas degan u sheegay inay soo dhistaan Maamul ay iyagu iska leeyihiin aysana dhacayn inay Dawladiisu usoo xusho Maamulkooda iyo cida ay dooranayaan sida ku cad dastuurka Federalka ah ee Soomaalia halka Magaalada Kismaayo uu sheegay in Maamulkeda laga soo magacaabi doono Magaalada Muqdisho, hadaba waxaa iswaydiin mudan maxay ku kala duwan yihiin Kismaayo iyo Baledweyne ama Baydhabo? waa su’aal u taal umadda Soomaaliyeed.

Saacid oo ah ninka ay seeftu dulsaarantahay qarkana u saaran in xilka laga xayuubiyo kadib markii uu ku guul daraystay fashilinta shirka Jubbaland ayaa isaguna ku dadaalay si kasta oo u qancin karo amiirkiisa xasan Culusow, Wuxuuna ku dadaalay inuu  fashiliyo aayo katashiga umadda Jubbaland isagoo adeegsanaya habab fara badan hadii ay ahaan lahayd mid qabiil iyo mid dhaqaaleba hase ahaate waxaa muuqata inuu dhaqaajin waayey qadiyada umaddan , Saacid ma uusan garawsan inuu degaankan umatalo Dawlada Federalka ah uuna dartood ku helay xilkan uu ku fadhiyo waxaase is waydiin mudan xagee ku dambayn doonaa marka xilka laga cayriyo, ilayn dadkiisii iyo dalkiisiina isku dir kuwii ku dirayna cayriyee.

Dawlada cusub ee Jubbaland waxaan u rajaynayaa hana qaad iyo Horumar balaaran, waxaana rajaynayaa inay noqoto mid ay u siman yihiin dhamaan dadka reer Jubbaland meel kasta oo ay joogaan, sidoo kale shacabka Jubbaland waa inay taageero dhan walba ah isla garab taagaan Dawladooda cusub oo ah mid  la kowsatay cadow aan tiro yarayn, Shacabka reer Puntland iyo Dawladoodu waa inay hiil iyo hooba ugu deeqaan walaalohooda samaystay Maamulka curdinka ah ee Jubbaland, Dawlada Xasan Shiikh iyadana waxaan rajaynayaa inay garawsato inay dawlad u tahay dhamaan umadda soomaliyeed ee aysan Dawlad u ahayn Magaalo,Gobal iyo qabiil gaar ah.

W/Q: Mukhtaar Cabdi Faarax

Kampala,Uganda

E-Mail: kaamil571@gmail.com

Warbixin :Madaxda Dowladda Federaalka waa halkii ay ku waayi lahayeen Xukunkooda Faragelinta Jubbaland.

$
0
0

Waxaa mudan soo dhaweyn dhismaha Maamul Goboleedka Jubbaland, oo 15/05/2013 loogu doortay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan Madoobe, taasoo dhamaan dal iyo dibad loo bogaadiyey doorashada loo doortay Maamulka cusub ee Jubbaland.

Shirweynihii Jubbaland ee lagu doortay Axmed Madoobe wuxuu soo socday muddo shan bilood ku dhow, taasoo la tilmaamay in dhaqaale ka badan 2 Milyan oo dollar qarash dhan ku baxay dhismaha iyo taabagelinta Maamulka Jubbaland ee gabagabadii dhalay madaxweyne iyo ku xigeenkiisa, lana filayo dhawaan dhamaystirka golaha xukuumadda Maamulka Jubbaland, tanoo ah guul wax ku ool ah oo mudan sharaf iyo amaan dadkii u dhabar adeegay dhisida maamul deegaan Colaad ka soo kabanaya muddo 22 sanno kadib isku xilqaamay iraadadooda inay maamul loo dhan yahay ku dhistaan.

Aniga layaan iguma aheyn doorashadii Axmed Madoobe kadib ,dhawaaqii iyo qash qashadii Hogaamiye kooxeedkii Dooxada Jubba Barre Hiiraale ka soo yeertay oo sida iskiis ah isku doortay Madaxweyne Jubbaland, waxaana taas u arkaa aniga sheegashadii C/nuur darmaan nin la oran jiray oo Muqdisho Madaxweyne Soomaaliyeed sheegtay xilligii C/qaasim Salaad Xasan tuulada Carta ee Dalka Jabuuti Madaxweyne loogu doortay Sanadku marku ahaa 2000, kaasoo xaafad ka mid ah Muqdisho guri weyn ku qortay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya C/Nuur Darmaan, Barre Hiiraale manta wuxuu ka dhigan yahay xilligaas C/nuur darmaan halkii uu taagnaa, waxa ayna dad badan aaminsan yihiin in xaalado dhanka Caafimaadka laga yaabo in ay wax ka jiraan dhanka maskaxda.

Barre Hiiraale dembi malahan waayo waxaa ku weyn oo uu ka samri layahay Jaceylkii Dooxada Jubba u qabay iyo Kismaayo oo la orankaro cudur maskaxda kaga dhacay ayaa keenay sheegashada Madaxweyne Jubbaland, lakiin waxaa aniga aad ula yaabanahay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo carqalad iyo qas iyo jahawareer xoog leh ku haya Jubbaland iyo dadka degan.

BARRE Hiiraale waxaa dooni soo saaray Madaxweyne Xasan sheikh, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Rag ka tirsanaan jiray Dooxada Jubba oo xiliyadii qab qablayaasha colaad xoog leh ku hayey Kismaayo iyo Deegaanka Jubooyinka, waxa ay taasi u muuqataa mid Barre Hiiraale loo soo diray inay carqalad iyo caqabad looga dhigo dhismaha Jubbland oo waqti, dhaqaale iyo dib u xoreyn dhiig badan ku daatay ku kacday heerkan in ay soo gaadho manta.

Haddaba, waxaa soomaalida ku maah maahdaa “Habar dhali weyday aleelo ku waalatay” Dowladda Federaalka waxay hadda marayaan in ay qiil ka dhigtaan laba maamul ayaa meesha ka jira taasoo xataa caruurta yar yar dareemikaraan waxa meesha ka dhacay iyo waqti dheer dadaal ku baxay in maamul Madaxweyne loogu doortay Axmed Madoobe, taas ayaana shaqeynaysa oo sharci, waayo wuxuu helay kalsoonida shacabka Jubbaland.

Madaxda sare Soomaaliya waxa weeye kuwo Macalimiin ka ahaa Machad ku yaalay Muqdisho oo samad lagu magacaabo, waxaana mooda in ay Siyaasadda Soomaaliya tahay Arday Iskuul dhiganaysa oo ay cashar u yeerinayaan, taas ayaan orankaraa waa biseyl la aanta iyo xal u helid la aanta khilaafyada sidii loo xalin lahaana ku adag. Sheekh Shariifow XAAL QAADO Madaxweyne Qaran ayaad aheyd.

Gabagabedii waxaan oran lahaa Tani waxay caqabad ku noqonaysaa Madaxda Federaalka Soomaaliya oo ugu horeeyo Madaxweyne Xasan sheikh iyo Xukuumadda Raysal wasaare Saacid, waxa ayna ku waayi doonaan xilalkooda ama xukunka loo doortay Faragelinta ay ku hayaa Jubbaland, taasoo u muuqata tii ay ku hayeen xiliyadii Dagaalada sokeeye Hogaamiye kooxeedyo muqdisho hub , Saanad Militeri iyo Ciidamo soo siinayey Barre Hiiraale oo colaad iyo dagaalo ka waday deegaanada Jubbooyinka, taasoo u baahneyd in maanta hab dowladeed loola dhaqmo Jubbaland ee aan loola dhaqmin hab dhaqankii Qabqablayaasha Muqdisho ku caawinayeen Colaada Sokeeye ee Barre hiiraale. Haddii carqalada iyo faragelinta Jubbaland sii socoto waxaa laga dhaxli doonaa mid saameysa dhamaan Hanaanka Dowladeed ee Soomaaliya iyo wadamada derska la ah Soomaaliya.

FG: qoraaga warbixintan magaciisu ku xusan yahay ayaa nasoo gaarsiiyey waana mid fikrad qoraaga uu qabo.

Bile Maxamud Qabowsade

Bosaaso, Puntland, Somalia

Email: bqaboowsade@gmail.com

Daabacaada : Puntlandpost.com

Garoowe: Hay,adda KISIMA oo tababareysa sheybaristayasha xanaanada xoolaha Puntland,Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Qaar ka mid ah Sheybaaristayaasha ka howl gala wasaarada xanaanada xoolaha Puntland ayaa maanta hay,adda KISIMA ay Garoowe uga furtey tababar ku saabsan baaritaanada cudurada xoolaha.

6Tababarkan oo socon doona muddo 14 maalmood ayaa waxaa ka faa,iideysan doona ku dhawaad 10 Sheybaariiste oo ka kala yimid Gobolada Mudug, Bari iyo Nugaal, wuxuuna barnaamijkan uu qeyb ka yahay mashruuc ay maalgalineyso Hay,adda DAI oo ka tirsan USAID.

7-

Agaasimaha Guud Xananada Xoolaha PL

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland Dr Ibraahim Xareed Dacar oo furey tababarka ayaa kula dardaarmey sheybaariistayaasha ka qeyb galaya inay ka faa’idaystaan khuburada bixineysa casharada.

Shaafici Hay,adda KISIMA

Shaafici Hay,adda KISIMA

Shaafici Cabdulahi Maxamed oo ka tirsan haya’dda Kisima oo isna madashan ka hadlay ayaa sheegey in tababarkani uu la xiriiro sidii kor aqoontooda loogu sii xoojin lahaa xubnaha gobolada ka kala yimid ee ka shaqeeya inta badan sheybaarka xoolaha.

Dr,Axmed Cartan oo ah u qaabbilsanaha hay’adda DIA Puntland ayaa tilmaamay sida uu tababarkani wax ku ool ugu yahay dhaqaatiirta & dhamaan xoola dhaqatada wuxuuna sheegay inay muhiim tahay in la helo shaybaar si loo ogaado xanuuunada asiiba xoolaha.

Kisima2-Hay,adda KISIMA waxay ka mid tahay hay,adda cusub ee sanadadii ugu danbeeyey ka howl bilaabay deegaanada Puntland, iyadoona KISIMA ay xarumo waaweyn ku leedahay Koonfurta Somalia gaar ahaan Magaalada Kismaayo oo muddo dheer ay mashaariic kasoo fulineysay.

9 5 4 3Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Garoowe.

Garoowe: 1200 oo guri oo hay,adda World Vision ku wareejisey Barakacayaasha Garoowe iyo Buurtinle,Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta 20 May ,2013 xariga ka jaray 600 oo guri kuwaasi oo hayada World Vision u dhistay barakacayaasha Garowe ku dhaqan.

Daahfur2Wasiiro ka tirsan xukuumadda ,xildhibaano ,madaxda hayada World Vision ,maamulka gobolka Nugaal ,masuuliyiinta degmada Garowe ,gudoomiyaasha barakacayaasha iyo dadweyne ayaa ka soo qaybgalay xaflad loo qabtay wareejinta guryahan.

Daahfur13Xaafada Jilab oo duleedka Garowe ku taal ayaa duqa degmadu Cabdicasiis Cilmi Koor uu sheegay inay noqoneyso xaafada 8-aad ee magaalada Garowe ,waxana ay soo bandhigeen qaar ka mida cayaaraha hidaha iyo dhaqanka ee gobollada Konfureed.

Daahfur 1Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ayaa ka warbixiyey guryahan oo uu sheegay in 1200 ay ahaayeen lagana kala dhisay mid 600 oo guri degmooyinka Garowe iyo Buurtinle islamarkaasina ay ku dhanyihiin adeegyadii kala duwanaa sida Ceel biyoodka ,Saldhig Boolis ,Xarunta caafimaad iyo mid waxbarasho.

BarakacayaashaPuntland ayaa waxa ku sugan in ka badan 300,000 oo kun oo barakacayaasha Koonfurta Somalia ka yimid ka dib colaado iyo abaaro ka dhacay goboladaasi.waxana guryahan loo dhisay yihiin kuwo deegaan ay iska leeyihiin ayadoona qoysasku u heleen qori tuur ama nasiibka.

Daahfur8Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Gen.Ilkajiir ayaa maalin qiimo wayn ku tilmaamay maanta ka dib 600 oo qoys oo lagu wareejinayo guryo ay leeyihiin ,isagoona xusay in Puntland ay soo dhoweyneyso walaalahooda Soomaliyeed ee colaadaha Koonfurta ka jira ka soo barakacay.

”Hadii ay horey barakacayaal u ahaayeen maanta waa deegaan ,Somalia dadkoo dhan ayaa wadaag,waxaan ognahay kuwa Muqdisho jooga inaan loo ogolayn deegaan balse anagu waan u ogolaanay ,way shaqeystaan .ilmahooda bay waxbartaan waxana ay nagu leeyihiin xuquuqdooda inay helaan” ayuu yiri Ilkojiir.

Wasiirka ayaa ku booriyey dadka degaya xaafada Jilab inay adkaystaan nabadgelyada ay haystaan islamarkaasina iska ilaaliyaan in lagu soo dhex dhuunto.

Daahfur6Madaxweynaha Puntland ayaa soo xiray xafladan waxana uu u mahadceshay hayadii dhistay guryahan iyo dowladda Canada oo ku deeqday dhaqaalaha ku baxay dhismaha guryahan.

”Waxaa waxtar ka ah wixii muuqda oo dadka wax u noqonaya sida guryahan ,biyaha ,waxbarashada ,cafimaadka ,wadooyinka iyo baahiyaha kale ee jira” ayuu yiri madaxweynuhu oo ka hadlay deeqaha caalamku ku bixiyo taageerida Somalia oo badidood ku baxaan safaro iyo siminaaro.

Dadka kasoo qeyb galayDadka reer Puntland ayaa Dr.Farole ku amaanay sida ay u soo dhoweeyeen walaalahooda dalka qaybihiisa kale ka soo barakacay ,isagoona ku baaqay isdhexgal bulsho iyo in la kala faa’ideysto hidaha iyo dhaqanka.

”Waxa Muqdisho laga soo sheegayo inaysan halkan ka dhicin idinkaa marqaati ka ah,taasina waxaan ku amaanaya dadweynaha reer Puntland oo soo dhoweyey walaalahooda colaadaha iyo abaaraha ka soo cararay” ayuu yiri Farole.

Daahfur18Xeryaha barakacayaasha Muqdisho ayaa HRW shaaciyey bishii March in tacadiyo iyo kufsi ciidamada dowladdu iyo kooxo hubaysani u gaystaan haweenka,waxana la raaciyey in cagojuqlayn iyo hayb sooc u dheertahay halka qaarkood loo diiday inay ku noqdaan goboladii ay ka yimaadeen sida Bay iyo Bakool.

Daawo Sawiro Kale.

Saraakiisha World Vision Daahfur17 Daahfur16 Daahfur15 Daahfur10 Daahfur9 Daahfur7 Daahfur5 Daahfur4Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Garoowe.


Jubba sheegtayaal xagee Jirteen by, C/qaadir Birir (Gabay Jubbaland- (Daawo Video)

Dowlada Federaalka ee Soomaaliya oo la sheegay in ay arruurinayso Ciidamo Qabiil oo loo ekaysiinayo Al-shabaab (Warbixin)

$
0
0

Warar naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in DF ee Soomaaliya ay arruurinayso Ciidamo Qabiil oo loo ekaysiinayo Xoogaga Al-shabaab , kuwaas oo la doonayo in ay qas iyo jahawareer ka sameeyaan deegaanada Jubbooyinka.

Akhri: Soomaaliya oo ku socota Jidkii 199-dii iyo Rajo darro  la shaaciyey December 2012-kii

Akhri: Jidkee ku socotaa DF ee Soomaaliya?? La shaaciyey november 2012-kii

DF oo diyaarinaysa Ciidamo Al-shabaab loo ekeysiiyey , si ay Al-shaabka ugu milmaan oo Jubbooyinka loo qaso.

DF oo diyaarinaysa Ciidamo Al-shabaab loo ekeysiiyey , si ay Al-shaabka ugu milmaan oo Jubbooyinka u qasaan  !!

Wararkaan ayaa ku jira magaalada Muqdisho, waxaana warkaan uu dibada  u soo baxay kaddib markii maalin kahor magaalada Muqdisho uu ka sheegay Wasiirka arrimaha guddaha ee Df ee Soomaaliya C/kariin Guuleed  in waanwaan danbe aysan dowlada ka galayn arrimaha deegaanka Jubbooyinka, ayna Talaabo qaadayaan, waxaana hadalkaas loo fasirtay ayna xoojisay hadalyanta ah in dowladu ay hab qabiil iyo maleeshiyo hubaysan oo ka mid ah ciidamada DF ee Soomaaliya   ay ku doonayso inay ka howlgelinayaan deegaanadaas si u sameeyaan Qas iyo jahawareer, waxaana arrintaan ay keenaysaa in dib usoo noolayso dagaaladii qabiilka iyo dhulballaarsiga ee Kooxihii USC-da ay ka wadeen koonfurta Soomaaliya sanadihii tegay.

Masuul ka tirsan DF ee Soomaaliya oo Puntlandpost ay arrimahan wax ka weydiisay iyo waxa ka jira  ayaa sheegay in dowlada hadda jirta ay wax walba ka suuroobi karto , waana tan in  xubno baarlamaanka ka mid ah ay ku doonayaan in arrinkaas ay wax ka qabtaan , maadaama DF ee Soomaaliya ay ku fashilantay ku dhaqanka sharciga Federaalka , isla markaasna qarankii Soomaaliya ay la  gashay in ay sii kala fogeyso Qabaa’ilada Soomaaliyeed oo sanadihii u danbeeyey ahaa kuwo isu soo dhowaanayey.

In Ciidamo maleeshiyo ah oo dowlada ka tirsan oo Al-shabaaab loo  ekaysiinayo, iyagoo loo xirayo dharka Al-shabaab  ayaa aad looga hadal hayaan guddaha magaalada Kismaayo, maaaama soomaalida aysan jirin wax u kala qarsoon , hadalada colaada xanbaarsan ee ka soo yeeraya magaalada Muqdisho ayaan deegaanka Jubbooyinka looga arag wax dhib ah maadaama  Ciidamada Jubbooyinka hadda ku sugan lagu qiyaasayo 10.000 Askari inay kor u dhaafayaan , kuwaas oo lagu daray Ciidamada Kenya ee AMISOM ayaa la sheegayaa inaysan waxba u arag ciidamada la sheegayo loo ekaysiinayo kuwa Alshabaab ee  ay dowladu ay soo dirayso deegaanada Jubbooyinka.

Sikastaba, shabakada Wararka ee Puntlandpost ayaa hadda kahor maqaal ka qortay hab dhaqanka Dowlada Xasan Sheekh , waxaana Puntlandpost waqtigaas ay ku iftiiminay in dowlada Xasan Sheekh ay Soomaaliya ku celinayo waqtigii 1991-dii , isagoo Madaxweynuhu  dadka Soomaaliyeed soo xasuusiyey Sawiro u eg dhacdadii 1991-dii ka dhacday magaalada Muqdisho oo laguna xasuuqay laguna gumaaday boqolala kun oo ka soo jeeda Beesha Daarood oo aan illaa hadda la isweydiin xasuuqaas iyo hantidii iyo Guryahii ay dadkaasi ay la haayeen.

Maalinkii la doortay Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed u arkayeen nin shibil ah oo aqoontiisu xoogaa ay dhisan tahay , lagana sugayey rajooyin wanaagsan inuu abuuro shacabka Soomaaliyeed, Laakiin Safarkiisii ugu horeeyey uu bil kaddib doorashadiisa uu ku tegay Baydhabo iyo Beledweyne ayuu khudbado uu halkaas ka jeediyeey uu ku sheegay in shacabka deegaanadaas ay u madax banaan yihiin Maamulkooda , hal Jubbaland uu sheegay in  DF ee Soomaaliya ay usoo magacaabayso Maamul dowlada dhankeeda ka yimi, arrinkaas oo ay ganafka ku dhufteen siyaasiyiinta iyo shacabka ka soo jeeda Deegaanada Jubbooyinka, iyo shacabka soomaaliyeed inta wanaaga jecel.

Hadal haynta ciidamada loo ekeysiinayo Kuwa Al-shabaab oo la doonayo inay ku milmaan Ciidamada Al-shabaab ee ay dowladu ka danbeyso  ayaa la sheegayaa in AMISOM-ta Jubbooyinka iyo Ciidamada Jubbaland ay ka warqabaan, waxaana warar sugan ay sheegayaan in Maalmihii la soo dhaafay maleeshiyaad loo soo ekesyiiyey Alshabaab oo hab qabiil loo soo abaabulay oo Muqdisho laga soo diray in lagu duqeeyey goobo ka mid ah deegaanada Jubbooyinka, ciidamadaas oo la doonayey ina khal-khal geliyaan Doorashadii ka dhacday talaadadii guddaha magaalada Kismaayo , taas oo lagu doortay madaxweynaha Jubbaland State iyo Kuxigeenkiisa.

Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ee waqtigan hogaaminayo Xasan Sheekh Culusow ayaa Jidad badan u martay inay fashiliyaan Shirkii Maamul u samaynta Jubbooyinka, lakiin xakabadahaas waxaa looga soo gudbey isku tiirsanaan iyo geesinimo ay sameeyeen shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka kuwada nool.

La mood noqonse waa

La mood noqonse waa

Shacabka Soomaaliyeed , ayaa 90% isla qirsan in DF ee uu hogaanka u hayo Xasan Sheekh uu la kici la’yahay maqaamka madaxweyne ee ugu dhaartay shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku dhaartay in shacabka ugu dhaartay Kitaabka Illaahay (SWT) , laakiin Weji kale oo Qabiil ku salaysay banaanka la yimi , waana arrinta ay Xildhibaano badan ay u bilaabeen inay Jahawareer geliyaan isla markaana ay mooshin ka dhana ah dowlada ay ka keenaan Xukuumada.

Waxaana la cadaynayaa in DF ee Soomaaliya ee hadda jirta inay ku jirto niyad jab weyn oo kaga yimi Beesha Caalamka , isla markaana ay  sii xoogaysanayso Soomaalida doonaysa in la badbaadiyo dalka soomaaliya iyo dowladnimada , maadaama xukunkii uu gacanta si khalad ah ugu galay nin aan waxba ka aqoon makaanka dowladnimada, isla markaana Lugweyn kusoo yeeshay dagaakii Sokeeye

Puntlandpost.com

Xeryaha Qaxootiga oo banaanbax aad u ballaaran looga taageeray Maamulka Jubbaland State(Dhegeyso)

$
0
0

Kumanaan qof oo Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Jubbooyinka iyo shacab kale oo  Soomaaliyeed oo ka soo jeeda deegaanada kale ee dalka Soomaaliya ayaa banaanbax aad u ballaaran ku taageeray hogaanka Cusub ee loo doortay deegaanada Jubbooyinka.

—->>> Dhegeyso: Banaanbaxa Dhadhaab

Shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka oo taageeray Madaxda Jubbooyinka iyo maamulka Jubbaland

Shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka oo taageeray Madaxda Jubbooyinka iyo maamulka Jubbaland

Dadka banaanbaxayey ayaa u badnaa dadka kasoo jeeda deegaanada Jubbooyinka, kuwaas oo sanado badan ku noolaa Xerada dhadhaab , iyagoo ka soo barakacay dagaaladii sokeeye ee lagu barakocinayey shacabka ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka.

Dadka banaanbaxayaasha qaarkood ayaa sheegay erayooyin ay ka mid yihiin ” Madaxweyne hadaad Jubbaland aqoonsan weyday anagana kuma aqoonsanin”  ayuu yiri mid ka mid ah dadka banaanbaxayaasha samaynayey.

Dadka mudaaharaadayey siiba hooyooyinka ayaa Eed ballaaran usoo jeediyey Khudbad uu jeediyey maalin kahor Madaxweynaha DF ee Soomaaliya , uuna sheegay in Maamulka laga dhisay Jubbaland uusan ahayn mid sharciga waa faqsan , hadalkaas oo kasii xanaajiyey kumaanan kun oo Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Jubbooyinka iyo Shacabka Soomaaliyeed ee taageersan maamulka Federaalka Soomaaliya ee Soomaaliya looga heshiiyey.

Sikastaba, dadka ka soo jeeda jubbooyina meelkasta ay joogaan ayaa aad u saluugsan siyaasada Madaxweynaha DF ee Soomaaliya iyo ragga la siyaasada ah , kuwaas oo caadaystay , iyagoo  shacabka Soomaaliyeed Xaqooda aan ka hadlin iyo  Hantidii shacabka Soomaaliyeed looga qabsaday magaalada Muqdisho aan ka hadlin , haddana  weli doonaya inay sii shideeyaan shacabkii Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaanka Jubbooyinka, iyagoo u arka haddii soomaaliya ay  Xaqa iyo dowladnimadu soo laabato in ay immaanayo Xisaabsatan  ku dhisan Cadaalad, taas oo aad uga  soo horjeedaan shaqsiyaadka  uu ka mid yahay madaxweynaha DF ee Soomaaliya .

Puntlandpost, Dhabaab, Kenya

 

BARI: Wafdi Ka Socda Urur Siyaasadeedka HORSEED Oo Soo Afmeeray Socdaal ay ku Marayeen Deegaano Hoostaga G/Bari (Sawiro)

$
0
0

Wafdi ka socda golaha dhexe ee urur Siyaasadeedka HORSEED oo uu hogaaminyay Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa socdaal kusoo maray degmooyinka Ufayn,Isku-shuban,Bali-dhidin iyo Carmo oo hoostaga Gobolka Bari.

Xisbiga oo boqanasya gobolka Bari

Xisbiga Horseed  oo boqanaya gobolka Bari

Waxaana wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka amniga ka mid ahaa,Wasiir ku xigeenka amniga Puntland Cabdi Jamaal Cismaan,wasiir ku xigeenka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Puntland Muuse Geele Yuusuf Farole,guddoomiyaha gobolka Bari ee ururka Horseed iyo saraakiil ka tirsan Laamaha amniga ee Gobolka Bari.

DSC01982Wafdiga oo si wayn loogu soo dhoweeyay deegaanada ay socdaalka kusoo mareen ayaa ujeedada socdaalkoodu ay salka ku haysay in ay dadweynaha la wadaagaan hannaanka loo soo xulayo xubnaha Ururka Horseed u matalaya Doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland,waxaana ay si rasmi ah xariga uga jareen xafiisyada uu Ururku ku leeyahay degmooyinkaasi.

DSC01996 (1)Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo la hadlay dadweynaha degmooyinka Ufayn,Isku-shuban,Bali-dhidin iyo Carmo ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga gudbo nidaamka Qabiilka oo muddo lagu soo dooranayay Madaxda Puntland,waxaana uu balan qaaday in dowlada Puntland ay wax ka qabanayso baahida ay qabanayso baahiyaha bulsho ee dadweynaha.‘’…Xubnaha u matalaya Ururka HORSEED doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland Boqolkiiba Afartan ayaa dumar noqon doona..’’Ayuu yiri Khaliif Ciise Mudan.

DSC02015Guddoomiyaha gobolka Bari ee ururka Horseed oo ka mid ahaa masuuliyiintii la hadlay dadweynaha ayaa sheegay in shuruudaha lagu qaadanayo qofka isu sharxaya Golayaasha deegaanka Puntland ay ka mid yihiin;-

1-In qofku yahay muwaadin ama muwaadinad reer Puntland ah.

2-In uu leeyahay aqoon Maadi iyo DIINI ah.

3-In uu Saddex Milyan oo Shillin Soomaali ah uu dhigo goob loo cayimi doono iyo arrimo kale.

DSC02058DSC02095Wasiir ku xigeenka amniga Puntland Cabdi Jamaal Cismaan iyo wasiir ku xigeenka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Puntland Muuse Geele Yuusuf Farole oo la hadlay dadweynaha ayaa sheegay in dowlada Puntland ay horseed u tahay in laga gudbo nidaamka Qabiilka.

Dadweynaha ku dhaqan Degmooyinka ay socdaalka ku tageen wafdiga uu hogaaminayay Khaliif Ciise Mudan ayaa soo dhoweeyay Urur Siyaasadeedka HORSEED,waxaynaha balan qaadeen in ay ka go’an tahay in door wayn ka cayaaraan geedi socodka looga baxayo nidaamka Qabiilka,.

DSC01998Si kastaba ha ahaatee Urur Siyaasadeedka HORSEED ayaa noqonaya ururkii ugu horeeyay ee socdaal ku taga deegaano fog fog oo ka baxsan Laamiga.

Daawo sawiro Badan

DSC02338 DSC02228 DSC02169 DSC02146 DSC02133 DSC02089 DSC02036 DSC02285 DSC02220 DSC02141 DSC02132 DSC02075 DSC02027 DSC02353 DSC02284 DSC02206 DSC02154 DSC02139 DSC02123 DSC02070 DSC02015 DSC02349 DSC02230 DSC02199 DSC02147 DSC02136 DSC02099 DSC02046 DSC01996

 

Puntlandpost.com

KISMAAYO: Wafdi Caalamiya oo gaaray Kismaayo

$
0
0

Kismaayo: (pp)-  Magaalada Xeebeedka Kismaayo, ahna Caasimada kumeel-gaarka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta waxaa ka degey wafdi ka socda beesha Caalamka oo ka socda xarrumaha qaramada modoobay, kuwaas oo indho-indheyn doona xaalada guud ee magaalada Kismaayo isla markaana kulamo gaar ah la qaadanaya madaxda dowlad goboleedka Jubbaland state.

QM oo booqday Kismaayo

QM oo booqday Kismaayo

Wafdigan ayaa la sheegayaa inuu hogaaminayey Nicholas Kay oo arrimaga Soomaaliya u qaabilsan Qaramada midoobay, waxayan markii ay gaareen magaalada Kismaayo ay kulamo Albaabada u xiran yihiin la yeesheen Masuuliyiinta dowlad goboleedka Jubbaland.

Waxyaalaha ay ka wada hadleen masuuliyiinta qaramada midoobay iyo madaxda Jubbaland ayaa ku koobnaa oo kaliya sidda wararkua ay nagu soo gaarayaan wadahadal ku aadan horrumarinta dhanka siyaasada iyo dhanka nabadgelyada iyo siddii dadka barakacayaasha loo taageeri lahaa iyo siddii arrimaha gargaarka bani’aadanimada looga bilaabi lahaa deegaanada hoos yimaada dowlad goboleedka Jubbaland inta ku jirta gacanta Maamulka Jubbaland.

Warbixino klae  kala soco puntlandpost.com

Somalia: Australia High Commissioner to Kenya on First Visit to Puntland

$
0
0

PRESS RELEASE
May 21, 2013

Australia’s High Commissioner to Kenya H.E. Geoff Tooth conducted his first visit to Puntland State, Somalia, May 20-21, 2013. Ambassador Tooth’s delegation, including Deputy Head of Mission Amanda Davis, were received at Garowe Airport by Puntland Minister for Finance H.E. Farah Ali Jama; Minister for Maritime Transport, Ports and Counter-Piracy H.E. Saeed Mohamed Rage; Deputy Minister for Livestock H.E. Abdiweli Hersi Nur; President’s Media Adviser Mohamed A. Mohamed; and Presidential Staff.

IMG_0558Ambassador Tooth toured the Garowe Prison compound, which is under construction in a project funded by donors and implemented by U.N.O.D.C. The President of Puntland, H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole), received Ambassador Tooth at Puntland State House in the capital, Garowe. Discussions covered a range of topics, including foreign aid, investment, and
the political and security situation in Puntland, and Somalia as a whole. Later in the evening, the President hosted a dinner in honor of the visiting Australian delegation.

President Farole and Ambassador Tooth held a joint press conference at State House on May 21, with the President thanking Australia for hosting Somali immigrants and expressing his appreciation for the Australian Ambassador’s first visit to Puntland.

Ambassador Tooth thanked the Puntland Government for the warm welcome and emphasized that the Australian Government is committed to supporting assistance programs in Puntland. It marks the first high-profile visit by an Australian diplomat to Somalia.
— END —

GAROOWE: Safiirka Austaralia u fadhiya dalka Kenya oo Booqday Puntland- Garoowe (Sawiro+Video)

$
0
0

Garoowe:(pp)-  Safiirka u fadhiya Austaralia dalka Kenya Geoff Tooth ayaa booqasho ku yimi caasimada Puntland ee Garoowe, iyadoo garoonka diyaaradaha magaalada garoowe ay kusoo dhoweeyeen Wasiiro iyo masuuliyiin ka socota madaxtooyada Puntland.

IMG_0503Safiirka iyo wafdiga la socday ayaa soo indho-indheeyey  Xarrumaha Xabsiga weyn ee laga hirgeliyey duleedka magaalada Garoowe, ayna hirgelinteeda ay ka qayb qaateen wadamada deeqbixiyeyaasha ayna hirgelisay U.N.O.D.C.

Daawo Video

IMG_0505Madaxweynaha ayaa Aqalka madaxtooyada ku qaabilay Safiirka iyo wafdiga uu hogaaminayey , iyagoo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin Deeqaha Soomaaliya , maalgashiga iyo arrimaha dhanka siyaasada iyo nabadgelyada Puntland iyo soomaaliya oo idil.

IMG_0460Madaxweynaha iyo wafdiga oo wada qadeeyey kaddib ayaa shir saxaafadeed kuwada qabtay Aqalka madaxtooyada Puntland , waxaana Madaxweynaha Safiirka iyo wafdiga uu  uga mahadceliyey socdaalka ay ku yimaadeen Puntland.

IMG_0509Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Dowlada Austaralia ay Puntland wax kala qabaynayso arrimo badan ayna diyaar u yihiin in ay taageeraan.

IMG_0510Safiirka Austaralia ayaa madaxda Puntland uga mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee ay kusoo dhoweeyeen Puntland , Wuxuuna safiirku sheegay in Puntland ay ka taageerayaan  howlaha mashaariicda ee ka socda Puntland, isagoo intaas ku daray in Austaralia ay Puntland wax badan la qaban karto.

IMG_0499Booqashafa Safiirka ayaa noqonaya masuulkii ugu horeeyey ee ka socda dalka Ausralia ee Socdaal khaas ah ku yimaada deegaanada Puntland, tan iyo intii la aasaasay Puntland.

IMG_0502 IMG_0536 IMG_0558 IMG_0478IMG_0469 IMG_0453 IMG_0451

 

Puntlandpost.com


Garowe: Go,aamo laga soo saarey kaalinta haweenka PL ee doorashooyinka,Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Shir lagu qabtey xarunta PDRC ee Magaalada Garowe ayaa looga hadlay sidii haweenka ay doorkooda uga qaadan lahaayeen doorashooyinka dowladaha hoose ka dhici doona Puntland bartamaha July2013.

7Dhinacyada kasoo qeyb galay shirka ayaa ka kala socdey, Hay,adda PDRC,Gudiga doorashooyinka Puntland, Ururadda Siyaasada Puntland ,UNDP iyo waliba dalada ay ku midaysan yihiin haweenka ku jira gollayaasha deegaanka oo la yiraahdo PWCN.

Cali Faarax Farmayeeri PDRC.

Cali Faarax Farmayeeri PDRC.

Cali Faarax Farmayeeri oo ah ku xigeenka Agaasimaha hay,adda PDRC ayaa ka warbixiyey ujeedada kulankooda waxaana uu sheegey in uu la xiriiro sidii loogu gogol xaari lahaa ururada siyaasada qorshe ay uga sameeyaan haweenka doorashooyinka Puntland ka dhacaya ka qeyb galitaankooda.

Abshiro Xubin ka tirsan Guddiga TPEC.

Abshiro Xubin ka tirsan Guddiga KMG ee TPEC.

Abshiro Muuse oo xubin ka ah guddiga doorashooyinka Puntland oo iyana shirka ka hadashey ayaa guul ku tilmaamtay in ururadu ay isla garteen tirada la rabo inay haweenka uga qeyb galaan u tartamida kuraasta goloyaasha deegaanka , taas oo muujineysa ayay tiri abshiro tix galin haweenka ururada siyaasadu siiyeen.

Caasho W/K/G/ Haweenka

Caasho W/K/G/ Haweenka

Wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska ayaa dhankeeda rajo wanaagsan ka muujisey kaalinta haweenka laga siiyey kuraasta musharaxiinta goloyaasha deegaanka,iyadoona intaas raacisey in wasaarada haweenku dadaal ugu jirto dhiiri galinta haweenka Puntland.

Koen Madaxa Hay,adda UNDP ee Puntland

Koen Madaxa Hay,adda UNDP ee Puntland

Koen Toonen oo ah Wakiilka UNDP ee Puntland, kana mid ahaa ka qeyb galayaashii shirkan ayaa mar uu hadal goobta kasoo jeediyey waxa uu sheegey in UNDP wado mashaariic kala duwan oo la xiriira Cadaalada,Amaanka iyo Arrimaha bulshada kuwaas oo uu sheegey inay sii wadi doonaan.

Mr Koen waxa uu intaas ku darey in ay u diyaarsan yihiin taageerada UNDP siineyso haweenka sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda la xiriirta Kobcinta iyo Horumarinta kaalinta wadanka ka qaadan karaan.

10Gabo gabadii shirka ayaa laga soo saarey qodobo dhowr oo muujinaya go,aamada Ururada siyaasada ee ku aadan kaalinta haweenka, iyadoona qodobadu u qornaayeen sida hoos ku qoran:

1,In Xarumaha gobollada oo ay u tartami doonaan 27-xubnood in 7 ka mid ah ay noqoto haween.

2,In Degmoyinka la magacabay 1991 ka hor oo ay u tartami doonaan 21-xubnood in 6 ka mid ah noqoto haween.

3,In degmooyinka ay magacawday Puntland oo ay u tartamayaan 17-xubnood inay 5 ka mid ah noqdaan haween.

Daawo Sawiro kale.

4 5 9 8 13 6 14Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe.

OGEYSIIS: Xaflada Jubbaland State, Copenhagen- Denmark

$
0
0

Ogeysiis: (PP)- Waxaa la ogeysiinayaa Dhammaan Jaaliyada Jubbaland State ee ku nool Magaalada Copenhagen iyo Nawaaxigeeda in la qaban doono Xaflad loogu dabaal-degayo dhismihii Dowlad goboleedka Jubbaland State iyo doorashadii Madaxweyne Sh. Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo kuxigeenkiisa Gen. C/laahi Ismaaciil (Fatraag).

Xaflada Jubbaland State Copengahen- Denmark

Xaflada Jubbaland State Copengahen- Denmark

Xaflada ayaa dhacaysa 24-ka Bisha May oo ku beegan Jimcaha  , waxaana la ogeysiinayaa in Jaaliyadaha iyo marti sharafta ka soo qayb galaysa Xaflada ay aad u illaaliyaan Waqtiga.

Xaflada iyo waqtiga ay dhacayso waa sidan:

Saacada:  16:00 Galabnimo

Cinwaanka: Frederikssundsvej 264, 2700, Brønshøj, København

Faah-faahin, goobta ay Xafladu ka dhacayso.

Goobta ay Xafladu ka dhacayso waxay ka danbeysaa Fitness World.

Bus-Number: 5 A mod Husum Torv

Cinwaanka waxaad ka raadin kartaa Rejsepalanen.dk, Wixii faaf-faahin dheeraad ah kala xiriir Guddiga qaban-qaabada Xaflada Copenhagen, kuwaas oo kala ah.

Namhaan  Tlf:  31317669

Xaawo C. Abshie Tlf : 26 91 71 31

Axmed Dhaqane Tlf: 20 61 62 45

Canab Weli Cabaas  Tlf: 27 59 90 73

Saciid 26 Tlf:      28 10 70 89

Suldaan Rooble Tlf: 91 69 44 69

C/laahi Haragweyn Tlf: 22 32 19 17

 

Daabacaadda; Puntlandpost.com

 

 

Garoowe: Ururada Siyaasada Puntland oo Tababar loo furey Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Hay,adda National Democratic Institute NDI ayaa maanta tababar ku saabsan maareynta ololaha doorashooyinka Dowladaha hoose maanta uga furtey Magaalada Garowe Xubno ka tirsan Ururada siyaasada Puntland.

1Tababarkan oo socon doona muddo shan maalmood ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay wakiilo ka tirsan ururada kala ah Horcad,UDAD,Horseed iyo Wadajir, iyadoona furitaankii tababarka lagu casumey Gudoonka KMG ee Guddiga Doorashooyinka Puntland (TPEC).

3Madaxa NDI Somalia Maxamed Cabdirisaaq oo sharaxaad ka bixiyey ujeedada tababarka ayaa sheegay in tababarkan qayb ka yahay taageerada ay siiyaan geedi socodka Dimoqraadiyada Puntland.

2Doorashooyinka dowladaha hoose ayaa la shaaciyey inay ka dhacayaan Puntland 15 July,2013.waxana haatan ururada siyaasadu ka wadaan gobollada kala duwan olole ay ku doonayaan kalsoonida dadweynaha iyo soo xulista xubnaha uga qaybgalaya doorashada.

5 4Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe.

Gobolada Bari iyo Sanaag oo laga taageerey dhismaha dowlada Jubaland, Sawiro.

$
0
0

Bosaso: (pp)- Kulan lagu taageerayo dhismaha Maamulka Jubaland ayaa maanta ka dhacay magaalada Bosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Qeybo badan oo ka tirsan, Nabadoonada, maamulka Gobolka Bari, Haweenka,Siyaasiin iyo Marti sharaf kale ayaa kasoo qeyb galay munaasabadii lagu taageerayey Hogaanka Jubaland.

Kasoo qeyb galayaasha Bulshada

Kasoo qeyb galayaasha Bulshada

Xubnihii ka hadley madasha kulanka bosaso ka dhacay ayaa si isku mid ah u taageerey maamulka jubaland gaar ahaan xilka Madaxweyne ee shirkii Kismaayo loogu doortey Shiikh Axmed Madoobe.

Qaar ka mid ah Nabadoonada Bosaso

Qaar ka mid ah Nabadoonada Bosaso

Nabadoonada kulanka ka hadley ayaa ku nuux nuuxsadey inay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan maamulka cusub ee Jubaland, iyagoona midaas dabo dhigey inay ku rajo weyn yihiin iskaashi ka mirro dhala oo dhex mara Jubaland iyo Deegaanada kale ee ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed.

Odoyaasha ayaa dhanka kale waxay sheegeen in ay haboon tahay tix galin la siiyo Dastuurka dalka u yaal ee dhigaya ku dhaqanka Federalism-ka , iyagoona uga digey DF inay faro galin ku sameyso.

9Gudoomiyaha gobolka Bari C/samad Maxamed Galan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay sagaalka degmo ee gobolka Bari in si weyn looga soo dhaweeyey Madaxweynaha cusub ee Jubaland Axmed Madoobe iyo Ku xigeenkiisa Gen Ismaaciil Fartaag.

Sidoo kale kulanka mid la mid ayaa maanta isna ka dhacay Gobolka Sanaag, waxaana ka qeyb galay bulshada ku nool degmooyinka Gobolkaasi.

Dowlada Puntland ayaa markii la doortey Maamulka cusub ee Jubaland u dirtey hambalyo iyo soo dhaweyn , iyadoona golaha xukuumada Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Faroole uu isla maalintii doorashada Jubaland sheegey inay ku faraxsan yihiin natiijadii kasoo baxdey shirkii Kismayo Ergeydu ku doorteen Hogaanka Jubaland.

Daawo Sawiro kale .

8 6 5 3 2 4 1 11Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Boosaaso.

Xog: Gudoomiyaha Gobolka Sh,hoose oo xilka Iska casilay,Waa maxay sababtu:

$
0
0

Gudoomiyaha Gobolka Sh.hoose ee DF Somalia C/qaadir Shiikh Maxamed Nuur ayaa warqad uu u qorey xafiiska Madaxweynaha DF Xasan Shiikh Maxamud kaga dalbadey in laga aqbalo istiqaalo iscasilaad oo uu xilka Gobolka isaga casilayo.

Warqada Gudoomiyaha Gobolka Sh.hoose uu isku casilayo ayuu ku sheegey ka dib markii DF wax ka qaban weyday Qodobo ay ka mid yihiin, Isbaarooyin si sharci daro ah oo gobolka kusoo batey, Amaan daro iyo waliba Ixtiraam xumi uu kala kulmey Maamulada degmooyinka ee Gobolka Dowlada Federaalka uga dhisan.

Marar kala duwan oo sii horeysay ayaa Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh lagu dhaliiley inay si cadaalad ah aysan u maamulin Gobolka Sh,Hoose taasi oo qeybo badan oo ka tirsan bulshada gobolka ku eedeeyeen inay gaabis ka noqotey wax ka qabashada cabashooyin Gobolkaasi ka jira.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Iscasilaada ee Gudoomiyuhu qorey.

warqad iscasilaad ahDaabacaada : Puntlandpost.com

Viewing all 22737 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>