Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all 22749 articles
Browse latest View live

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay R.Wasaarihii hore ee Norway

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Norway (Kjell Magne Bondevik) oo hada ah gudoomiyaha Xarunta Oslo ee dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha oo la asaasay sanadkii 2006.

IMG_0386Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa kulankii uu la qaatay uga warbixiyey xaaladaha dalku marayo, iyo horumarada ay dowladdu ka samaysay dhanka xuquuqul insaanka, dowlad wanaaga iyo nabad ku soo dabaalida dalka.

“Dalka Norway wuxuu Soomaaliya ka taageeraa arimaha horumarinta, waana waddan aan leenahay xiriir wanaagsan, waxaana ka wada hadalnay sidii dawladda gacab looga siin lahaa dhanka dib-u-dhiska iyo dawlad wanaaga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee Norwey ayaa sheegay in Soomaaliya uu yimid dhowr jeer, maantana ay ka muuqato Muqdisho isbadal badan oo dhan kasta ah oo ay sameysay dawladda Soomaaliya,“Sanadkii 2005 ayaa ka dagay xilka R.Wasaaraha Norway, waxaana u jeestay inaan ka shaqeeyo horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka,xafiikaygu wuxuu u qoondeeyey barnaamijyo lagu hormarinayo baarlamaanka Soomaaliya, waxaan ka wada hadalnay R. Wasaaare Saacid sidii aan taageero u siin lahayn xafiiskiisa iyo golaha wasiirada. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Norway.

Masuulkaan ayaa sidoo kale sheegay in uu dawladda Soomaaliya kala shaqayn doono baahinta maamul wanaaga, federaalisamka, iyo horumarinta xuquuqul insaanka, iyadoo markastana la dhowrayo shuruucda dalka u degsan, waxaana xaruntiisu xariir wada shaqyan la leedahay Carter Center oo uu gudoomiye ka yahay madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter.

Isha Warkan: xafiiska raiisal wasaaraha


Gen, Shire oo Weeraray siyaasada DF iyo la shaqaynta Al-shabaab , kuna tilmaamay sharciga la bedelay mid Puntland aysan aqoonsan doonin (Dhegeyso)

$
0
0

Madaxweynaha Puntland Gen. C/samad Cali Shire oo maanta dulmaray taariikhdii Puntland iyo wejiyadii ay soo martay, ayaa  dhanka kale  ku eedeeyey dowlada Federaalka inay kalkaalisay cadowga Al-shabaab ee ay Puntland dagaalka kula jirto. Dhanka kale Madaxweynha ayaa sheegay in waxa loogu yeeray Damjadiid oo uusan garan karin waxa ay yihiin  iyo Kooxaysi aan lagu gaari karin raainta maslaxada ummadda Soomaaliyeed.

Dhegeyso Khudbadii Madaxweynaha Puntland

Gen. C/samad Cali Shire

Gen. C/samad Cali Shire

Madaxweynaha ayaa soo qaaday Jubbaland  iyo sidii loo xoreeyey  iyo horrumarka ay ku talaabsatay, wuxuuna Gen. Shire sheegay in Alshabaab loo adeegsaday in khal-khal la geliyo ammaanka iyo siyaasada Jubbaland State.

DF Federaalka ee Soomaaliya ayuu ku eedeeyey in mar walba u taagnayd khal-khalgelinta Puntland , isagoo soo qaatay dhacdooyin badan, dhacdooyinkaas oo uu ku tilmaameen kuwo ay ka hortageen.

Puntland ayuu ku tilmaamay in waxyaalo badan horrumar ay samaysay uuna tusaale usoo qaatay , Dastuurka cusub , La dagaalanka Al-shabaab , Burcad badeedka iyo taabagelintii Dowlada dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna madaxweyne Shire sheegay in waqtiyada nasoo haya ay bilaaban doonaan doorashooyinkii degmooyinka Puntland oo gobolada oo dhan ka dhacaya.

Sikastaba, hadalka Madaxweyne shire , oo ah sii hayaha xilka madaxweynaha Puntland ayaa laga dareemi karaa in Puntland aysan taageersanayn siyaasada cusub ee DF ee Soomaaliya iyo dhaqankeeda-ba.

Puntlandpost.com

 

Kulan looga dooday Nabadgelyada Jubbooyinka oo ka dhacay Kismaayo (Warbixin)

$
0
0

Magaalada Kismaayo , gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa 4tii casho ee la soo dhaafay waxaa ka socday shir looga hadlayey adkeynta arrimaha amaanka ee magaalada Kismaayo, shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiin ka socotay Maamulka Jubbaland, Oday dhaqameedka iyo waxgaradka deegaanka.

Daawo Video

GaandiShirkaas oo markii ugu horeysay uu ka hadlay Prof. Gaandi ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacay Kismaayo ay ku geeriyoodeen dad lagu qiyaasay 75 qof , ayna ku dhaawacmeen dad lagu qiyaasay boqolaal, wuxuuna Gaandi falkaas ku eedeeyey in ka danbeysay DF ee Soomaaliya oo  uu sheegay in ay dagaalkaas ay dabada ka riixaysay , shaqsiyaadkii ka danbeeyeyna ay ku dacweynayaan una gudbinayaan Hay’adaha xuquuqul insaanka iyo maxkamada denbiyada dagaalka.

Ugaas Maxamed Xaashi oo ah Ugaaska Beesha Sade Daarood  ayaa dhankiisa sheegay in ay ka xun yihiin dhibaatadii ka dhacday magaalada Kismaayo , eedeeda dagaalka iyo hurinteedana dusha uga tuuray DF ee Soomaaliya. Waxaa kaloo goobtaas ka hadlay Suldaan Beesha Absame , C/laahi Cali Sokor , wuxuuna dhankiisa sheegay in loo baahan yahay in reer  Jubbaland ay khilaafkooda ku dhamaystaan sidii uu dhaqanka ahaan jiray oo GEED hoostiisa ay wax ku  xalisan jireen, wuxuuna dagaalkaas Suldaanka uu ku eedeeyey DF ee Soomaaliya.

Waxgarad kale oo meesha ka hadlay ayaa aad uga mahadsheegtay kaalinta Maamulka Jubbaland uu ka qaadatay soo afjarida dhibaatooyinkii ka dhacay magaalada Kismaayo , waxaa kale oo meesha laga xusay in waxgaradka iyo Isimadu ay ka qayb qaateen deminta colaada , iyagoo Gacmaha ishaystana ay ugu baaqayeen shacabka inay nabadgelyada Illaaliyaan.

Sikastaba, waxaa la isku raacay kulankaas dhamaadkiisa,  in DF ee Soomaaliya ay asal u ahayd dhibkii ka dhacay magaalada Kismaayo , arrinkaas oo aan ka qarsoonayn shacabka Jubbooyinka ama  shacabka Soomaaliyeed ee jecel nabada.

Waa markii ugu horaysay Odayaal, Waxgarad iyo Isimo ka soo jeeda Jubbaland iyagoo wada jira ay wada gorfeeyaan dhibaatadii ka dhacday magaalada Kismaayo ee ay ka danbeysay DF ee Soomaaliya , si wadajirna Eedaas dusha loogu tuuray DF ee Soomaaliya.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland

Bosaso: Odoyaal soo saarey bayaan lagu cadeynayo mulkilaha Hotel guul , beeniyey-na Warar been abuur ah oo la faafiyey.

$
0
0

Odoyaal kazoo jeeda Beesha Cali Saleebaan ayaa bayaan ay maanta Bosaso kazoo saareen waxay si kulul ugu beeniyeen jiritaanka warar ay odoyaashu ku tilmaameen inay yihiin kuwo been abuurad ah oo laga faafiyey xubno sharaf iyo amaan ku leh Gudaha Puntland sida Wasiirka Maaliyada Puntland.

Bayaanka odoyaasha oo lagu wargalinayey Laamaha amniga iyo Garsoorka, nuqul ka mid ahna saxaafada lasoo gaarsiiyey waxaana lagu sheegey in xubno ka tirsan isla beesha gudaheeda ay si khaldan u faafiyeen warar been abuur ah islamarkaana la tiigsan doonaan xubnahaasi maxkamad sida sharciga qabo.

Waxa sidoo kale Bayaanka odoyaasha ku sheegeen inay markhaati ka yihiin cida rasmiyan u leh mulkiyada hotelkasi , iyagoona sheegey inay noqonayaan wararka been abuurka ay ku tilmaameen kuwo meel ka dhac loogu geysanayo xubno masuuliyiin ah oo ay ka mid yihiin Suldaan Bashiir Muuse Koonte iyo Wasiirka Maaliyada Puntland.

guulWaxay ku eedeeyeen faafinta wararkaasi ay ku tilmaameen been abuurka inay ka danbeeyaan dad siyaasado dabada ay ka riixayaan islamarkaana aan ka turjumeyn xaqiiqda iyo dhowritaanka sumcada bini,aadamka waliba mida masuuliyiinta wadanka loogu geysanayo.

Hotel Guul ayay odoyaashu bayaankooda ku sheegeen inay kala iibsadeen dad ehelo dhow ah islamarkaana ay hayaan documintigiisa saxda ee muujinaya cida iska leh mulkiyadiisa, iyagoona intaas ku darey in nasiib daro ay tahay in nin lagu magacaabo Maxamed Cilmi Cabdalle uu baahiyey warar been abuur ah oo ay ka danbeeyaan siyaasiin dano leh.

Odoyaasha bayaanka ku saxiixnaa waxay si cad ku fareen hay,addaha amniga iyo cadaalada inay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan dadka wali kusii indho adag faafinta wararkaasi gaar ahaan shaqsiga odoyashan magacaabeen oo isla beesha ka tirsan hadii uu ka waantoobi waayo falalka uu faraha kula jiro.

Wasiirka Maaliyada Puntland oo marar sii horeysay ka jawaabayay su,aalo saxafaadu ka weydiisey iibsiga ur Hotel Guul ayuu sheegey inaysan waxba ka jirin islamarkaana wararka la baahinayo ay noqonayan kuwo been abuur ah oo lagu sumcad dilayo masuuliyiinta Dowlada Puntland.

Hoos ka akhriso Bayaanka Odoyaasha kazoo baxay.

ku guulayso 003

ku guulayso 004

ku guulayso 005

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Bosaso:Ganacsato Codsi U diray Dowlada Puntland,Sawiro.

$
0
0

Bosaso: (pp)- Ganacsato shidaalka ka keeni jirtay wadanka Yaman ayaa dowlada Puntland ka codsaday in ay dib u fasaxdo Ganacsiga shidaalka ay ka keen jireen dalka Yaman,ka dib kulan ay isugu yimaadeen oo maanta ka dhacay magaalada Bosaso.

DSC02835Suudi Salaad oo ka mid ah Ganacsatada ayaa sheegay in ay sameeyeen isku day balaaran oo ay ku doonayeen in lagu fasaxo Shidaalka,hasa yeeshee aan hubanti noqon.

DSC02813Wuxuu intaas ku daray in dowlada Puntland uu ka codsanayo in ay u ogolaato in ay dib uga Ganacsadaan shidaalka Yaman,waxaana uu xusay in Shidaalka ay ka Ganacsanayeen uusan dhibaato ku ahayn deegaanada Puntland.

‘’Dhib ma wadno,mana samayn doono,laakiin waxaan doonaynaa in dib naloo ku fasaxo Ganacsiga xorta ah’’Ayuu yiri Suudi Salaad.

Maxamed Xassan oo ka mid ahaa Ganacsatada ka hadashay kulanka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in ay codsigooda aqbasho dowlada Puntland,,maadaama buu yiri Ganacsigiidu uusan dhibaato u keenayn Umada Soomaaliyeed.

Nabadoon Cabdulqaadir Axmed Ibraahim Xarago oo ka mid ahaa hogaanka dhaqanka ee ka hadlay kulanka ayaa sheegay in rajaynayo in codsiga Ganacsatada ay aqbali doonto dowlada Puntland.

‘’Waa muhiim in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada Tahriibta u aadaysa dalka Liibiya,waana in dhalinyarada dalka la jeclaysiiyo..’’Ayuu yiri.

DSC02809Si kastaba,Horaantii bishii January ayay ahayd markii digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlada Puntland D.r Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud lagu mamnuucay Ganacsiga Shidaal ka iman jiray dalka Yaman.

DSC02819 DSC02843 DSC02823 DSC02814 DSC02807 DSC02805 DSC02803 DSC02798 DSC02847 DSC02850Cabdiqani Cabdullaahi Cabdi.

Bosaso,Puntland,Soomaaliya.

Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Puntland oo u dabaal dagtey maalinta Caruurta Afrika,Sawiro.

$
0
0

Munaasabado  lagu xusayay maalinta Carruurta Afrika ayaa lagu qabtey maagaalooyinka Puntland Sida Bosaso iyo Garowe, waxaana kasoo qeyb galay xafladahaasi Caruur, Haween,Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland,iyo Saraakiisha ugu sareysa Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland oo munaasabadahan qabsoomidooda hormuud u ahayd.

Magaalada Bosaso Munaasabad lagu xusayey maalinta caruurta ayaa Halku dhiga Munaasabada ee sanadka loo doortay in uu noqdo‘’sanadkii iskaashiga haweenka Puntland iyo saaxiibadooda daneeya’’,waxaana soo qabanqaabisay Wasaarada hormarinta haweenka,arrimaha bulshada iyo qoyska dowlada Puntland.

Isuduwaha Wasaarada hormarinta haweenka,arrimaha bulshada iyo qoyska dowlada Puntland ee Gobolka Bari Ayaan Nuur Muuse ‘’Shiidle’’ oo daah-furay Munaasabada ayaa sheegtay in Wasaarada haweenka ay deeq ka kooban Bur,Bariis iyo Sonkor gaarsiisay 30-qoys oo ka mid ah qoysaska danyarta ah eek u nool Bosaso.

 

Dhanka kale xafladan mid la mid ah ayaa maanta lagu qabtey magaalada Garowe xarunta Dowlada Puntland , iyadoona ay kasoo qeyb galeen masuuliyiinta wasaarada Haweenka Arrimaha Qoyska Puntland ,Xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo Marti sharaf kale.

Xaflada oo ay kasoo qeyb galeen caruur faro badan ayaa Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Marwo Xaliimo ay ugu qeybisey caruurtii soo xaadirtey hadiyado maalintan wasaaradu ugu talo gashey kuwaas oo ay ka mid ahaayeen caanaha caruurta iyo raashin loogu talo galay.

7Si kastaba ha ahaate,dowlada Puntland ayaa kaalin wayn ka cayaaraysa ilaalinta Xuquuqda Carruurta,si loo helo Jiil aqoon leh oo ka qayb qaata geedi socodka Puntland ay ugu jirto helida dowlad Qaran oo ku shaqaysa Dastuurka dalka.

Daawo Sawirada Munaasabada Garowe lagu qabtey.

1 6 5 4 3 2Puntlandpost.com

 

 

 

Maxaa ku dhacay G8 ka qayb galkeedii oo ku beegnayd 17-18-ka , Madaxweynahana uu uga degay Muqdisho??? (Warbixin+Video)

$
0
0

Waxaa maanta ku beegnayd 17-18 qabsoomida shirka G8 -ka , oo madaxweynaha DF ee soomaaliya uu horay u sheegay inuu ka qayb galayo, ayaa maanta magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay,  wuxuuna madaxweynuhu sheegay maalinkii shalay  inuu shirkaas ka qaybgalayo guulana uu uga keenayo shacabka Soomaaliyeed , hadana madaxweynaha  waxa uu saaka ka degay magaalada Muqdisho , iyadoo aan la aqoon mucjisada qabsatay, waxaase la saadaalinayaa inuu dhibaati weyn ay jirto oo dhanka siyaasada ah.

Xasan_CulusowDaawo Video iyo sida uu rajo u qabay madaxweynaha , su’aashuse waxay tahay maxaa isbedelay oo uu Muqdisho uga degay maanta , waa arrin loo baahan yahay in Xasan Sheekh uu sheego shacabka Soomaaliyeed guuldarada ku timi  safarkkiisa.

Puntlandpost.com

Bosaso: Maamulada degmooyinka iyo Gobolada Karkaar iyo Bari oo kulan Bosaso ku yeeshay,Sawiro.

$
0
0

Bosaso: (pp)- Kulan Aqoon iswaydaarsi ah oo ay qeyb galeen Guddoomiyaasha degmooyinka Qardho,Bosaso iyo Bandar Bayla,maamulka gobolka Bari,maamulka Gobolka Karkaar iyo Waaxyaha Biyaha,Waxbarashada iyo Caafimaadka Gobolada Bari iyo Karkaar ayaa lagu qabtey magaalada Bosaso.

DSC02996Ujeedada kulanka oo la xiriirta sidii ay ka qeyb galayaashu uga doodi lahaayeen baahinta maamulka iyo dejinta siyaasada baahinta maamulka ayaa kusoo aadaya xilli magaalooyinka iyo Degmooyinka dadweynaha Puntland uga diyaar garoobayaan ka qeyb galka doorashooyinka ugu soo horeeya ee lagu wado inay Puntland ka qabsoomaan 15 July ee la xiriira Goloyaasha deegaanka.

DSC02986Agaasimaha Qorshaynta Wasaarada Arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose Maxamed Cali Nuur Jubba ayaa sheegay in Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland ay go’aansatay sanadka 2013 in baahiso maamulka.

Waxaana uu Juba intaas ku daray inay muhiim tahay in nidaamka maamulka laga soo dhiso hoos dabadeedna kor loo sii wado,midaas oo uu ku tilmaamey inay saldhig u tahay maamul baahinta.

DSC02970Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo isna ka mid ahaa masuuliyiinta kulanka ka qeyb gashey ee ka hadlay ayaa soo dhoweeyay qorshaha ay wado Wasaarada arrimaha gudaha Puntland.

DSC02949Kulanka midkii ka horeeyey ayay wasaaradu horey ugu soo qabatey magaalada Garowe ee caasimada Puntland, waxayna qeyb ka yihiin kulamadani balan qaadyo horey uga yimid Madaxweynaha Puntland oo sheegey inay ka qaban doonaan mudada uu joogayo Xafiiskiisa.

Daawo Sawiro kale oo dheeraad ah.

DSC02958 DSC02953 DSC02942 DSC02941 DSC02952 DSC02939 DSC02938 DSC02962 DSC02936 DSC02940Cabdiqani Cabdullaahi Cabdi.
Puntlandpost.com Bosaso,Soomaaliya.


Garoowe: Talaalka Cudurka Dabaysha oo laga bilaabey Deegaanada Puntland,Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta ka furey Magaalada Garowe ololaha Maalmaha Talaalka Cudurka Dabaysha ee caruurta oo ka bilowday deegaanada Puntland.

8Munaasabad lagu daahfurayey Ololahan oo ka dhacdey xarunta Wasaarada Caafimaadka ee Magaalada Garowe ayaa waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiinta iyo Howl wadeenada Wasaarada Caafimaadka, Dhakhaatiir, Wakiilo ka socda Hay,addaha UNICEF,UNFPA iyo WHO,Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ,Xildhibaano ,Ardayda caafimaadka barata iyo Marti sharaf kale.

1Xaflada furitaanka Ololaha Talaalka Cudurka Dabaysha oo ay ka hadleen xubno kala duwan ayaa dadkii ka hadlay waxay si aad ah ugu dheeraadeen ahmiyada talaalka dabayshu uu u leeyahay dhalaanka iyagoona sheegey in caruurta waalidkood u baahan yihiin inay ka fekeraan caafimaadkooda.

6Cali Cabdulaahi Warsame Wasiirka caafimaadka Puntland oo daahfurka talaalka hadal kasoo jeedeyiy waxa uu fariin u diray dhamaan Waalidiinta inay caruurtooda ka talaalaan cudurka Dabaysha ah oo laga helay qaar ka mida deegaanada Koonfurta Somalia.

Inta uu socdo talaalkan ayuu sheegay wasiirku inay xooga saari doonaan gaarsiinta adeegan guri kasta guud ahaan deegaanada Puntland ,waxana uu ugu baaqay maamulada gobollada iyo degmooyinka inay ka qayb qaataan fulinta ololahan.

7Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa dhibcihii ugu horeeyay ee talaalka siiyay ilmo goobta ku sugnaa ,waxana sidoo kale uu siiyay qaar ka mida masuuliyiinta dowladda oo ku dhiirigelinayay dadweynuhu sidii ay caruurtooda uga talaalan lahaayeen cudurkan oo ah mid saameyntiisu balaaran tahay.

Gen C/samad ayaa u direy Shacabka Puntland afar fariimood oo ku aadan sababaha loogu baahan yahay ee muhiim ka dhigaya in la qaato ka hortaga cudurka dabaysha , kuwaas oo uu sheegey Madaxweyne C/samad Cali Shire inay baaq u yihiin sidii lagu ciribtiri lahaa xanuunkan naafeeyey qeybo badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.

3 5 2 4Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe.

Bosaso:Ciidanka Dekeda oo la barayo Shuruucda Maaliyada,Sawiro.

$
0
0

Bosaso: (pp)- Ciidamada Ilaalinta Canshuuraha Dekeda Bosaso ayaa tababar ku saabsan Shuruucda Maaliyadeed iyo waajibadkooda shaqo uu uga ka furmay Iskuulka Ciidamada Dekeda Bosaso ee xarunta G/bari.

DSC02888Ujeeda Tababarka ayaa saldhig u ah in kor loo qaado tayada Ciidamada Qaabilsan Ilaalinta Cashuuraha,xilli Dekeda Bosaso ay si wayn ugu xirnaayeen Gnacsatada Soomaaliyeed 22-sano ee ugu dambeeyay.

DSC02865Furitaanka tababarka ayaa waxa goob joog ka ahaa,masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Maaliyada Puntland iyo Laamaha amniga Dekeda Bosaso.

DSC02900Agaasimaha Guud ee Dakhliga ee Wasaarada Maaliyada Puntland Cismaan Buux Cali oo Daah-furay tababarka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in kor loo qaado tayada iyo aqoonta Ciidamada Ilaalinta Canshuuraha,si buu yiri ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

“Tababarkan waxa lagu baran doona Shuruucda Maaliyadeed ee ciidamadaIllaalada Cnashuuraha iyo waajibaadkooda shaqo,waxaana la bixin doona Buug’’Ayuu yiri Mr Buux.

Agaasimaha Waaxda Furdooyinka ee Wasaarada Maaliyada Puntland Qaasim Maxamed Yuusuf oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadlay madasha ayaa sheegay in tababarka mudada uu socdo lagu baran doono Waajibaadka iyo Sharciyada Canshuuraha.

DSC02872 DSC02878Taliyaha Saldhiga Dekeda Bosaso Gaanshaale sare Maxamed Cali Xaashi ayaa mahad celin balaaran usoo jeediyay Wasaarada Maaliyada Puntland oo uu sheegay in ay ka qayb qaadanayso tayaynta Ciidamada illaalinta Canshuuraha.

Si kastaba ha ahaate,arrimahan ayaa imanaya xilli ay si habsami leh u shaqaynayso Dekeda Bosaso oo ah Isha dhaqaalaha Puntland.

DSC02886 DSC02904 DSC02914 DSC02921 DSC02903Iskuulka Dekeda ee CiidankaNagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Cabdiqani Cabdullaahi Cabdi.
Puntlandpost.com Bosaso,Puntland,Somaliya.

Nayroobi: Xillibaan Xoosh oo sheegey in lagu weerarey magaalada Nairobi.

$
0
0

Nairobi: (pp)- Labo siyaasi oo ka tirsan xillibaanada DF Somalia ayaa sheegey inay ka badbaadeen weerar magaalada Nairobi ay kala kulmeen saddex nin oo ku hubeysan bastoolado, kuwaas oo ay sheegeen inay joojiyeen xillibaanadu gaari ay wateen bartamaha magaalada Nairobi.

Xildhibaan Xoosh Jibriil oo saxaafada maanta la hadlayey ayaa sheegey in dhacdan ay qabsatey isaga iyo saaxiibkii oo isna lagu magacaabo Cabdullaahi Goodax Barre oo ka tirsan baarlamanka DF Somalia horeyna usoo noqdey Wasiirkii Qorsheynta Dowladihii KMG ahaa.

Xoosh waxa uu sheegey in raga soo weerarey oo isaga soo dhigey inay ka tirsan yihiin Booliska Kenya ay joojiyeen gaariga ay wateen dabadeedna ay ku wargaliyeen inay xiran yihiin labada xillibaan ee isla socdey.

Waxaana uu intaas ku darey iyaga oo ka shakisan ragan inay dhacdey gaarigii ay wateen oo ay si xoog leh kusoo galeen islamarkaana ay ka qaateen Computer Labtop ah oo ay wateen sidaasna ay uga shakiyeen raga oo uu xoosh ku tilmaamey inay ahaayeen kuwo doonayey inay isaga si gaar ah u afduubtaan.

“Saddexda nin oo aan kala kulaney handadaad iyo cago jugleyn xoogan , markii aan fahmey qorshaha ay naga leeyihiin waan qeylinay ka dibna way carareen iyaga oo ka cabsadey dad faro badan oo aaga ka agdhawaa oo nagu soo aruurey” ayuu yiri Xoosh Jibriil.

Xoosh oo la weydiiyey su,aal ahayd in arrintan ay dabo joogi karto shir dhawaan Nairobi xubno uu ka mid yahay ku qabteen oo laga soo horjeedo Maamulka Jubaland ayaa ku jawaabey inaysan is quseyn arrimahaasi, isagoona sheegey in ragaas weerarka kusoo qaadey ay ahaayeen burcad.

Dhacdan oo aan la hubin sida ay wax uga jiraan ayaa dadka qeybtiis ee ka faaloonaya arrinta ay sheegayaan in labada xillibaan ee ku doodaya in la weerarey ay yihiin kuwo aad loogu yaqaan isticmaalka maandooriyaha biyaha dhalooyinka , iyadoona laga yaabo inay is tusiyeen weerar kusoo wajahan xilli maskaxdooda ama miyirkoodu uusan si caadiya ahayn.

Dhanka kale xubnahan xillibaanada ah waxay ka mid yihiin kuwo sida weyn uga soo horjeeda hirgalitaanka Maamulka dhawaan ka hano qaadey Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ee Jubaland.

Puntlandpost.com
Nairobi.

Xafladii Jubbaland Norwey oo dhamaystiran (Daawo- Video)

$
0
0

Waxaan  halkaan idiin kusoo gudbinaynaa xafladii Jubbaland State ee lagu qabtay dalka Norwey, gaar ahaan magaalada Oslo oo dhamaystiran. waxaana xafladaas kasoo qayb galay dad u badan kana soo jeeda deegaanka Jubbooyinka , waxaana halkaas laga sheekeeyey Taariikhda Jubbaland , gaar ahaan J/hoose, dagaaladii qarniyo kahor ka dhacay iyo sidda ay isku dagaalameen Beelo ka mid ah Beelaha Kablalaxa qarniyo kahor iyo  Beesha Absame dhexdooda iyo sida beelaha halkaas dega ay ulla dagaalameen gumaysigii Ingiriiska, kaddibna Talyaaniga.

NB: Ka bilow Daqiiqada 30-aad , hadii aad doonayso inaad wax ka ogaato taariikhda Jubbaland

jubaland flyer for webDaawo Video-ga

Puntlandpost.com

WAR DEG DEG AH: Yasiin Nuur Gaas (Yaasin Raadaar) oo dhaawac culusi gaaray

$
0
0

Ku xigeen maamulka kumeelgaarka ah ee Jubbooyinka Yaasiin Nuur Gaas ayaa waxa uu saaka abbaaro 11:00 subaxnimo ku dhaawacmay rasaas ay fureen koox maleeshiyo oo taabacsan Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale). Kooxdan ayaa jidgooyo dhigatay meel aan sidaa uga fogeyn dekedda magaalo xeebeedda ganacsi ee Jubaland ee Kismaayo.

 

Yaasiin Raadaar oo dhaawac culus soo gaaray

Yaasiin Raadaar oo dhaawac culus soo gaaray

Yaasiin oo siyaasinimo ka sokow ka mida odayaashaa nabadda aadka uga shaqeeya ee Jubaland oo ka mid ahaa raga mas’uuliyiin ah oo goobta soo garay si ay ula hadlaan kooxdaas hubeysn jidgooyadana u qaadaan, ayaa rasas oodda lagaga rogay. Rasaastan ayoo lala beegsanayay raggii odayaasha iyo mas’uuliyiinta ahaa ee goobta soo gaaray oo ka mid ahaayeen Gen. Fartaag madaxweyne ku xigeenka Jubaland iyo Col. C/laahi Khaldaan madaxa arrimaha Bulshada isla markaan ah guddoomiyaha Kismaayo ayaa waxaa ku dhaawacmay Col. Yaasiin oo ay xabbaddu ka haleeshay wajiga.

Dhaawaca mas’ulkan oo lagu sheegay mid culus ayaa waxaa markiiba lala garay isbitaalka ciidanka AMISON ee Kenya ee ku yaal Eeraboorka Kismaayo. Takhaatiirta ciidanka ayaa markiiba isla gartay in Col. Loo duuliyo dhinacaas iyo Nairobi, si loola tacalo.

Dhaawaca col. Yaasiin ayaa shacabka reer Kismaayo iyo guud ahaan Jubaland aad uga naxeen ugana xumaadeen. Amaanka Madaxda Jubaland ayaa indhowaaleba laga dayrinayaa iyadoo ay magaalada Kismaayo ku sugan yihiin dagaal oogayaal, maleeshiyaad xamar ku xiran iyo kuwo kale oo hubeysan oo aan badankooda cidna ka amarqaadan iyo madaxda Jubaland oo badankoodu aan wadan waardiye culus, kalsoonida ay shacabka ku qabaanna aad mooddo ineey aad sareyso. Isku haleynta noocaan ah waa waxa keenay saaka dhaawaca soo gaaray mas’uulka sare ee reer Jubaland.

Maamulka Jubaland ayaan weli la ogeyn talaabada uu qaadi doono iyo sida uu uga jowaabi doono dhacdadaan maanta ee qiimaha badan ugu kacday.

Wixii soo kordha iyo xaalada mas’ulka kala soco PuntlandPost.com

Sidee Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Fedraalka ah ay isula shaqeyn karaan? (Dood Xiiso badan – Daawo)

$
0
0

Waxaa lagu qabtay dalka Maraykanka Dood ku aadanayd  Sidee maamul goboleedyada iyo Federaalku u wada shaqayn karaan, waxaana Doodaas lagu casuumay Sadex aqoonyahan oo ku wada nool dalka Maraykanka , kuwaas oo kala ah Maxamuud  Culusow, Cali Saciid Fiqi iyo Faysal Roobe oo ah aqoonyahayn aad looga yaqaan dalka Maraykanka.

Doodaas ayaa qof walba u dhigay sida uu  arkayey ka jawaabida su’aasha ku saabsan,  Sidee Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Fedraalka ah ay isula shaqeyn karaan?, waxaana xusid mudan in  dadku si xushmad leh u ulla dhacsanaayeen doodaas iyo sidaay ku socotay.

Daawo Video-ga

Puntlandpost.com

Garowe: Puntlandtv oo caawa hawada soo galay ka dib Muddo 15 sano ah oo uu jirey magaca Puntland,Warbixin.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Maamulka iyo Shaqaalaha Warbaahinta Puntland ayaa hambalyo iyo bogaadin bulshada reer Puntland ugu direy tixaabadii kowaad ee Tv-ga Puntland oo lagu guuleystey in hawada si toos ah caawa looga daawado markii ugu horeysay muddo 15 sano oo ay Puntland jirsatey.

Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha Warbaahinta Puntland Abshir Abdulaahi oo wareysi Shabakada Puntlandpost.com la yeelatey ayaa sheegey isagoo ku hadlaya magaca Shaqaalaha iyo Xafiiska Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Puntland inuu ku faraxsan yahay TV-ga oo dhawaan barnaamijyadiisa iyo Wararkiisu bilaaman doonaan in si toos ah caawa markii ugu horeysay 15 sano oo Puntland jirsatey Tv ay leedahay laga daawado meelo badan oo ka mid ah dunida daafaheeda.

“Dad badan oo ku faraxsan kusoo biiritaanka hawada ee TV-ga Puntland leedahay ayaa naga soo wacay meelo kala duwan iyaga oo noo sheegey inay daawanayaan islamarkaana muuqaalka Tv-ga lagu arki karo uu yahay mid aad u sareeya”Ayuu yiri Abshir Abdulahi Mohamed.

1TV-ga Puntland oo dhalooyinka dad badani ka daawanayaan caawa ayaa waxaa magaca uu sito ee shaashada u saaran uu yahay magaca Puntlandtv iyadoona astaanka lagu yaqaan calanka Puntland ay calaamad u tahay Tv-ga waxaana la filayaa in dhameystirka howshiisa  Tv-gu oo ah bilaabitaanka baahinta barnaamijyada iyo wararkii ka bixi lahaa dhawaan dadweynaha ay soo gaari doonaan sida uu noo xaqiijiyey Mudane Abshir.

Tijaabada TV-ga Puntland ee hawada ku jira waa:Thicom 3640 FR:28066 SIZE 3/4 Herizental, waxaana tijaabada Tv-ga laga soo baahinayaa London, iyadoona xarunta dhexe oo ah halka shaqaalaha iyo maamulku ka howl galayaan ay noqon doonto magaalada Garowe ee xarunta Dowlada Puntland.

Horey waxaa hawada ugu jirtey Idaacada Dowlada Puntland oo labadii todobaad ee lasoo dhaafey baahineysay barnaamijyo iyo warar , iyadoona idaacada hadda shaqeysa oo ah midda la yiraahdo short wave-ka si toos ah looga dhageystaa Mowjadaha SW1-ka iyo SW2, iyadoona laga maqlo sida uu maamulka Warbaahintu noo xaqiijiyey Frequencyaha kala ah 13.800 Magaheyrtis ama 24.5 Mitir band oo Maalintii laga dhageysto iyo 160.6 magahayrtis ama 49 Mitir band oo habeenkii ah.

Puntlandpost.com
Garoowe.


Bosaso:Kulan u furmey labo beelood iyo Dib u xasuusin heshiisyo horey u wada gaareen oo fashilmey,Warbixin iyo Sawiro.

$
0
0

Boosaaso: (pp)- Kulan loogu magac darey ardaaga Nabada oo dhex marayey labo beelood oo ka tirsan beelaha gobolka bari ayaa ka furmey galinkii danbe ee shalay magaalada Bosaso .

DSC03029Waxaana kazoo qeyb galay furitaankii kulanka masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Bari,Xubno ka tirsan Golaha Xukuumada,maamulka degmada Bosaso,Odayaal dhaqameed ka kala socday labada Beelood iyo marti sharaf kale .

Ujeedada kulanka oo la xiriirta heshiis buuxa oo ay wada gaaraan beelaha kala ah Cali jibraahil iyo Cali Saleebaan ayaa waxaa gogosha dhigtey beesha cali jibraa,iil.

DSC03021Xubno uu ka mid yahay Beeldaaje Cali Faarax oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa sheegey in hogaanka dhaqanka ee beelahan laga doonayo udub dhexaad ay u noqdaan heshiisiinta beelaha walaalaha ah.

‘’Waxa jiray dad laba beelood ka tirsan oo Ganacsi ku haystay magaalada,laakiin Colaada darteed u cararay’’Ayuu yiri beeldaajuhu.

Beeldaaje Jaamac Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi oo isna ka mid ahaa Isimadii ka hadlay kulanka waxa uu sheegay inay ka go’an tahay xal nabadeed oo waara oo ay wada garaan labada Beelood.

DSC03054Wasiir ku xigeenka amniga Puntland Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil,Guddoomiyaha Gobolkan Bari Cabdisamad Maxamed iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Bosaso Siciid Garoon ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyey heshiisiinta Beelaha Cali Jibraahiil Iyo Cali Saleebaan.

5-sano Oo Colaad Ah.

Colaada labada Beelood oo bilaabatay sanadkii 2008 ayaa socotay muddo ku siman 5-sano,waxaana jiray heshiisyo horay u dhexmaray,hasa yeeshee aan hubanti noqon.

DSC03043Shan sano ka dib labada beelood kulanka uga furmay Bosaso oo gogol dhigiisa ay lahayd Beesha Cali Jibraahiil,waxay coddheer ku sheegeen in ay go’an tahay in la gaaro heshiis cago adag ku taagan.

Heshiiskii 2010 Ee Labadda Beelood.

Horaantii Desembar ee 2010 ayaa labada beelood heshiis ka koobnaa 10 qodob ay ku gareen magaaladda Bosaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

DSC03017Heshiiskaas oo ay si wada jir ah uga shaqeeyyeen dowlada Puntland iyo Waxgarad reer Puntland ah.

Qodobaddii Lagu Heshiiyay.

-In la joojiyo xabada maanta oo ay taariikhda tahay 2/11/2010.
-Ciddi ku xadgudubta xabadjoojinta maanta dhaqan galaysa maanta,waxaa la go’aansaday in la horgeeyo shareecada Islaamka,laguna fuliyo wixii uu muteysto.
-In la xoojiyo nabadgalyada guud ee Puntland iyo mid gaar ahaaneedba ee labada beelood ka dhexaysa miyi iyo magaalaba.

Magdhawgii dadkii dhintey.

-In Cali Saleebaan uu bixiyo magta 26-qof oo ka dhimatay Cali Jibraahil.
-In Cali Jibraahiil uu bixiyo 11-qof oo a dhimatay Cali Saleebaan.
-In la qaato qiimihi magta lagu qiimeeyey shirkii Garoowe,kaas oo ka ah $26,300(mag,duug iyo samirsiin).

Xiliyadii loo qabtey in beel walba magaha iyo duugaha ku bixiyaan.

-In la bixiyo duugta,samirsiinta iyo jifida magta,30/11/2010.
-In la bixiyo magdheerta 31/03/2010.
-In cid weliba waxaa lagu leeyahay ay gaar ahaan u bixiso aan la samayn karin isu tuur,ama isku goyn dadka dhintey,taas oo noqonaysa in cid weliba ay hesho magdhowga dadkii ka dhintay.

Waxaa sheegid mudan in uu jiray kulan balaaran oo labada Beelood sheegeen in ay kusoo afjarayaan Colaada 30/1/2012 ka dhacay magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari.

Todobaadyo kooban ka dib Puntland waxay jirsanaysaa 15-sano,taasi oo macnaheedu uu yahay in ay qaangaarayso,dadweynaha ayaa rajaynaya in Puntland ay qaangaari doonto,xilli lasoo afjaray Colaad Beeleed lagu waayay dad muhiim u ahaa Umada reer Puntland.

Daawo Sawiro kale oo kulanka labada beelood ah.

DSC03013 DSC03014 DSC03017 DSC03016 DSC03018 DSC03030 DSC03040 DSC03046 DSC03050 DSC03048Cabdiqani Cabdulaahi Cabdi.
Puntlandpost.com Bosaso Puntland,Soomaaliya.

Bosaso: Kulan looga hadlayo khatar tahriibta oo loo qabtey dhalinyaro,Sawiro.

$
0
0

Bosaso: (pp)- Kulanka oo ay kasoo qayb galeen maamulka Gobolka Bari,maamulka degmada Bosaso,Xubno ka tirsan Xukuumada,Dhalinyaro iyo hogaamiye dhaqameed ayaa ka dhacay magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari.

DSC03166Ujeedada kulanka ayaa salka ku haysay in dhalinyarada laga wacyi galiyo kahatarta ay leedahay Tahriibtu,xilli dhalinyaro fara badan ay ku halaagmeen Badda u dhaxaysa wadamada Liibiya iyo Talyaaniga iyo marinka dheer ee u dhexeeya Wadamada Itopia,Suudaan Iyo Liibiya.

DSC03151”Naftaada ha haligin ku kalsoonow dalkaaga iyo dadkaaga,Dalinyarooy dalka nabadiisa horumarkiisa iyo hogaamintiisu adigay ku sugayaan”,waxay ka mid ahaayeen halkudhigyo lagu xardhaday hoolka uu ka dhacay kulanku,kuwaasi lagu muujinayay dhibaatada Tahriibta iyo muhiimada dhalinyaradu ay u leeyihiin dalkooda Hooyo.

DSC03113Guddoomiyaha Dhalinyarada iyo Cayaaraha Gobolka Bari Mustafe Cabdi Raxmaan ”Majacase” oo daah-furay kulanka ayaa dhalinyarada ku booriyay in ay ka shaqeeyaan amaanka,isla markaanma ay door muuqda ka qaataan wacyi galinta dhalinyarada ku hawlan Tahriibta.

DSC03114”Cayaaruhu waxay ka mid yihiin meelaha laga wacyi galiyo dhalinyarada,waxa jira Koon kubadda Cagta ah oo aan u qabanay dhalinyarada oo ka socda Bosaso”Ayuu yiri Mustafe Majacase.

Guddoomiyaha nabadoonada Gobolka Bari Cabdulqaadir Axmed Ibraahim Xarago oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in dhalinyarada Tahriibta ay maraan wado u horseeda Geeri.

DSC03106”Dhalinyaradu waxay maraan wado khaldan,qaar ayaa loo haystaa madax furasho,nolosha ay raadsanayaan ma aha mid meeshaba taal,waxaan dhalinyarada uga digaynaa wadadaas halista ah”Ayuu yiri Xarago.

Duqa degmada Bosaso Xassan Cabdale Xassan iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadlay kulan ayaa sheegay in dhalinyaradu ay Udub dhexaad u yihiin hormarka dal kasta,ayna rajaynayaan in dhalintu ay ka qayb qaatan hormarka dalka.

DSC03138Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Puntland Siciid Daahir Qodax oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in hadafka dowlada Puntland ay ka leedahay dhalinyarada ay sal dhig u tahay,in la helo dhalinyaro isku tiirsan oo hogaan u noqota dalka.

Si kastaba ha ahaate,arrimahan ayaa kusoo beegmaya xilli dhalinyaro fara badan oo Soomaaliyeed ay dadaal ugu jiraan in ay dalka ka Tahriibaan.

Daawo Sawirada kale

DSC03140 DSC03110 DSC03100 DSC03096 DSC03097 DSC03099 DSC03129Cabdiqani Cabdullaahi Cabdi.
Puntlandpost.com Bosaso,Puntland,Soomaaliya.

Warbixin: Baarlamanka Puntland oo ka doodaya xiriirka Puntland iyo Dowlada Federaalka.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Baarlamanka Dowlada Puntland oo ku guddo jira kalfadhigooda 30-aad ee goluhu uu kaga doodayo 10 ajande oo qaarkood culculus yihiin ayaa dood adag lagu wadaa inay ka yeeshaan qodobka 10 aad oo dhigaya xiriirka Puntland iyo Dowlada Federalka Somalia iyo Dhismaha Maamulka cusub ee Jubaland kana mid ah maamulada kusoo biirey maamul goboleedyada Somalia.

Xubno ka tirsan Madaxda Baarlamanka Puntland oo Puntlandpost la hadlay ayaa sheegey in baarlamanku dood adag ka yeelan doono inta lagu gudo jiro kalfadhiga 30 aad wax ka bedelidii Dowlada Federalku ku sameysay Dastuurka Somalia iyo Dhismaha Maamulka Jubaland oo diidmo kala kulmey Madaxda DF Somalia , xilli Puntland ay ku doodeyso in si sharciya waafaqsan Jubaland lagu soo dhisey.

Qodobkan ku jira ajandaha baarlamanka Puntland uu dhawaan sharci kasoo saarayo ayaa suurto galin kara in lagu go,aamiyo Puntland oo kalsoonida kala laabata Dowlada uu hadda Madaxweynaha uu ka yahay Xasan Shiikh Maxamud ka dib markii ay ku tumatey Dastuurkii lagu heshiiyey.

“Puntland waxay xaq u leedahay inay go,aan ka qaadato siyaasada qalafsan ee DF Somalia ku dhaqmeyso mudooyinkii u danbeeyey, waxaana sida dadku la socdaan Xasan Shiikh uu diidey ku dhaqanka Dastuukii lagu heshiiyey oo uu ku bedelay mid isagu jeebka uu kala soo baxay sidoo kalena waxay si bareero ah Madaxda DF u cadeeyeen inaysan raali ka noqoneynin dhismaha iyo hirgalitaanka Dowladihii Xubnaha ka noqon lahaa Federalka oo aad og tihiin Dhismaha Jubaland oo si sharciya ku yimid inay carqalad iyo fowdo ku hayso habeen iyo maalin kooxda Muqdisho fadhida” ayuu yiri masuulkan la hadlay Puntlandpost.

Inta uu ku gudo jiro baarlamanku kalfadhigiisa waxa uu sidoo kale dood adag ka yeelan doonaa arrimaha Gobolka Sool gaar ahaan Magaalada Laascaanood oo Puntland laga qabsadey sanadkii 2007-dii iyo sidoo kale xilliga kala guurka ee Puntland oo doorashooyin kusoo fool leeyihiin horaanta sanadka 2014 ayuu baarlamanku ka doodayaa sida ay noo sheegeen masuuliyiinta la hadley shabakada Puntlandpost.com.

Dooda baarlamanka Puntland uu kaga yeelanayo kalfadhigiisa ee ku aadan xiriirka Puntland iyo Federalka ayaa noqonaya mid xasaasiya islamarkaana kusoo beegmaya xilli dhowr mar oo sii horeysay Madaxda Dowlada Puntland ku sheegeen in Dowlada Federalku burburisey sharcigii wadanka , iyadoona uu ahaa hadalkii ugu danbeeyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland uu dhawaan ku sheegey in Puntland ka fiirsaneyso xiriirka wada shaqeyneed ee ay la leedahay DF-ka.

inkastoo xubnaha Puntlandpost la hadley ay sheegeen inaysan jirin khudbada Gen Shire arrimo ku saabsan oo lagu soo darey ajandaha baarlamanku hadda uu ka doodayo, marka laga reebo baarlamanka oo mowqif uu u madax banaan yahay ka qaadan doona xiriirka labada dhinac iyo arrimaha Jubooyinka.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.

Garoowe: Dhaawacyo Kismaayo laga keenayo oo berito Puntland laga soo dejinayo,Warbixin.

$
0
0

Garoowe: (pp) Dhaawacyo ka mid ah dadkii ku dhaawacmey dagaaladii ka dhacay labo todobaad ka hor Magaalada Kismaayo  ayaa maalinta berito ah lagu wadaa in laga soo dejiyo Garoomada Puntland sida ay sheegeen Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Puntland oo iyagu sheegey in daryeel caafimaad loogu sameyn doono Isbitaalada Puntland.

Saraakiil ka tirsan Caafimaadka oo la hadley Puntlandpost ayaa u xaqiijiyey in heegan Wasaarada Caafimaadku u galisey bahda caafimaadka dhaawacyada la keenayo, iyadoona ay intaas raaciyeen in keenista dhaawacyada laga soo qaadayo magaalada Kismaayo ay ka danbeysay ka dib markii Maamulka Jubaland uu ka codsadey Dowlada Puntland in daryeel caafimaad ay u fidiso dadkaasi dhibaatadu kasoo gaartey dagaaladii labada maalmood Kismaayo ka dhacay.

Lama oga tirada rasmiga ah ee ay gaari doonaan dhaawacyada la keenayo, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay kor u dhaafayaan ilaa labaatameeyo , iyadoona sidoo kale aysan sheegin saraakiisha wasaarada caafimaadka Puntland goobta laga soo dejin doono dhaawacyada, marka laga tago xaqiijinta in dhaawacyada maalinta berito la keeni doono.

Puntland iyo Jubaland ayaa xiriirka ka dhexeeya  marka loo eego mowqifka isku midkaa ee ay ka wada taagan yihiin dhanka siyaasada Somalia, iyadoona ay qeyb ka noqon kareyso daryeelka Puntland u sameynayso dadka ku dhaawacmey rabshadihii Kismaayo ka dhacay xiriirka labada dhinac oo sii xoogeysta.

Puntlandpost.com

Garoowe.

Garoowe: Xal u helida Caruurta la kala fogeeyo oo W,haweenka PL iyo Culimadu ay ka shirayaan,Sawiro.

$
0
0

Garowe: (pp)- Wasaradda haweenka iyo arimaha bulshada ee Qoyska Puntland ayaa maanta kulan ku saabsan sidii looga hortagi lahaa tacadiga haweenka iyo kala fogaynta caruurta wada dhalatay u qabatay culimo ka kala timid qaar ka mid ah gobalada Puntland.

6Ahmiyada kulanka looga gol leeyahay ayaa la xiriirta sidii Culimo udiinku uga wacyi galin lahaayeen bulshada ilaalinta xuquuqda haweenka oo la cadeeyo diinta Islaamku waxay ka qabto caruurta wada dhashey ee la kala fogeeyo midaas oo ku badan dhulka Somalida.

13Marwo Xaaliimo Xaaji Xasan Wasiirka Haweenka, Arrimaha bulshada iyo Qoyska ee Puntland oo saxaafada uga warbixisey shirka wasaaradu culimada ugu qabatey magaalada Garowe ayaa sheegtey inuu qeyb ka noqonayo dadaalada wasaaradeedu ugu jirto sidii loo yareyn lahaa ama hoos loogu dhigi lahaa tacadiyada dumarka iyo caruurta ay la kulmaan.

”Culimadu dadku aad ayay u dhagaystaan marka waxan doonaynaa inay dadka wacyi galiyaan,waxanu ka keenay culimada Gobalada Mudug,Nugaal,Karkaar iyo Bari,arinta ugu muhiimsan waxay tahay in la ogaado diintu waxay ka qabta ilmaha la kala fogeey”Xaliimo Xaaji Xasan.

5Sidoo kale wasiirku waxay ka war bixisay safaro kala duwan oo ay madaxda wasarada haweenka ku tageen qaar ka mid gobalada Puntland,waxayna sheegtay sidoo kale inay hada qorshaha ugu jiraan gobalada kale ee harsan sidii socdaal loogu kala bixin lahaa isla markasna loo ogaan lahaa baahiyada qoyska.

”Arinta noogu wayn waxay tahay inaan ogaano baahiyada ka jira degmo kasta iyo tuulo kasta,meel kasta oo aanu tagno waxaanu kusoo samaynaa qiimayn sidii wax loogu qaban lahaa”Xaliima.

2Sidoo kale Xaliima Xaaji Xasan ayaa sheegay inay baahi badan u qabaan qalabka caafimaadka si loo geeyo dhulka tuulooyinka ah ee ka fog laamiga,waxayna ammaantay wada shaqaynta ay la lee yihiin hay’ada UNFPA oo door ku leh howlaha ay wasarada haweenku wado.

Daawo Sawiro kale Kulanka Culimada iyo Wasaarada.

7 10 12 8 3 9 5 4 1 11Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Garoowe Office

Viewing all 22749 articles
Browse latest View live