Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all 22743 articles
Browse latest View live

Madaxda Puntland & Jubaland oo ku kulmay Nairobi (Sawiro)

$
0
0

Waxaa maanta June 07, 2013, kulan ku yeeshay magaalada Nairobi Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) iyo Madaxweynaha cusub ee dhowaan loo doortay Jubaland Sheikh Axmed Maxamad Islam (Axmed Madobe) wuxuuna kulankaasi saakay ka dhacay hotelka uu Madaxweyne Farole ka degan yahay magaalada Nairobi.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland

Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Gen. Cabdullahi Axmed Jamac (Ilkajir), Rai’sul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cumar Cabdirashid Cali Sharmake, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamad Cabdi Gaandi, Gudoomiyaha Ururka Ahlu Sunna Wal Jameeca Shiikh Maxamad Maxamud Yusuf (Aw Libaax), iyo mas’uuliyiin kale.

20130607_105755Waa markii ugu horeysay uu Madaxweyne Farole la kulmo Shiikh Axmed Madobe tan iyo intii loo doortay Madaxweynaha ee Jubaland State, May 15, 2013, oo ay doorteen Ergadii Shirkii Jubaland oo ka socday magaalada Kismayo tan iyo 2012-kii.

Xafiiska Madaxtooyada Puntland


Xasan Sheekh oo Daaha ka rogay Siyaaasadihii u qarsoonaa (Warbixin)

$
0
0

Waxaa kulan culus Xalay Yeeshay madaxweynayaasha Puntland iyo kan Federaalka ah , iyadoo labada masuul ay ka doodeen arrimo khuseeya dastuurka Federaalka ee Soomaaliya oo ay Puntland horay ugu eedaysay  DF in wax laga bedelay iyo  arrimaha Jubbooyinka .

Khilaafkii uu sii laba kacleeyey

7Wararka naga soo gaaraya Nairobi ayaa sheegaya in Labada Madaxweyne ay isku mari waayeen labo qodob oo labada ahaa kuwa aad looga dooday , waxaana madaxweyne Faroole uu madaxweyne Xasan Sheekh usoo jeediyey inuu taageero maamulka Jubbooyinka  , iyadoo Xasan Sheekh uu sheegay in arrinkaas uusan waxba ka qabin , laakiin usoo jeediyey in gobolka Gedo laga gooyo, si loogu daro Bay, bakool iyo Gedo ,

Qorshahan ah in la kala gooyo Sadexda gobol ayaa horay loo ogaa , waxaana 5 bilood kakor la’ ogaa in Xasan Sheekh Warqad uu u qoray IGAD uu ku sheegayo ama uu ku faaf-faahiyey Qorshihiisa siyaasadeed iyo habka uu ku doonayo in maamulo federaal ah ugu dhiso Soomaaliya inta aan la gaarin doorashooyinka soo socda.

Madaxweyne Faroole ayaa dhankiisa geeska ku dhuftay Qorshaha uu soo jeediyey Xasan Sheekh.

Dhanka kale,  Qorshaha Federaalka oo laga dooday ayuu ku adkaystay Xasan Sheekh inaan waxba laga bedelin Dastuurka Federaalka , waxaana Puntlandpost warar soo gaaraya ay sheegayaan in DF ee Soomaaliya , Dastuurkii horay loo wada saxiixay  ay sidiisa ku soo celiyeen , maadaama ay markii horeba ay hayeen dastuurkii Origanalka ahaa ee la wada saxiixay, waxaana la sheegayaa in arrinkaas  ay sameeyeen kaddib markii ay sheekadu ku xumaatay , beesha caalamkana laga geeyey dacwad iyo Meelaha ay wax ka bedeleen dastuurka.

Af-hayeenka DF ee Soomaaliya ayaa dhamaadkii asbuucan warsaxaafadeed ku sheegay in DF ee Soomaaliya aysan waxba ka bedekin dastuurkii Federaalka ee Soomaaliya, iyadoo warsaxaafadeedkaas ay ku sheegay  in Dowlada Puntland waxyaalaha ay ku eedeeyeen DF ee Soomaaliya aysan  waxba  ka jirin.

Sikastaba, Puntland iyo Jubbaland ayaa la sheegayaa in ay ka wada xadleen xaalada dalka Soomaaliya , Sharciga Federaalka ee Soomaaliya,  lamana garanayo illaa hada mowqifka ay ka qaadan doonaan Dowlada dhexe ee waqtigan uu hogaanka u hayo Xasan Sheekh Maxamuud.

Puntlandpost.com

WAR DEG DEG AH: Iskac hubeysan oo Kismaayo ka dhacay duhurnimadii jimcaha ee maanta.‏

$
0
0

Kismaayo: (pp)- Abbaarihii 13:45 ayaa waxaa magaalada Kismaayo dhinaceeda Koonfur galbeed loo yaqaan dalacadda saaranna wadada eeraboorka kismaayo aadda ka bilowday isku dhac hubaysan oo dhexmaray ciidamada maamulka Jubaland iyo ciidamo u daacad ah Iftiin Xasan Baasto oo saaxiib dhow ay yihiin Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Kismaayo1-618x357Isku dhacan ayaa loo nisbaynayaa ka dib markii Iftiin Xasan Baasto loo diiday inuu booqdo Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federalka e Soomaaliya oo ku xanniban Hotel CasCasay ee Magaaladda Kismaayo. Iftiin ayaa ku andoocanaya inuu ka careysan yahay in Ciidamada maamulka Jubaland ay si xun ula macaamileen oo ay gacan ula tageen isla markaana muddo  kooban ay ku xireen saldhigga booliska ee magaalada Kismaayo.

Dhanka kale ciidamada ayaa sheegay inuu ka dhega adeygay awaamiir fareysay inaan ninkaas loo tegi Karin sidaa daraadeeedna uu Iftiin gurigiisa dib ugu laabto. Sidaa dareedeed ay ku khasbanaaden ineey u taxaabaan baraha amniga ee Kismaayo halkaas aanu ka siidaayeen markii odayaal beesha Cowramaleh ee uu Iftin ka dhashay ay u yimaadeen si ay damiinteen.

Ciidanka ayaa markaa ka dib sheegay inuu Iftin oo wata ciidan hubaysan oo beeshiisa ah uu ciidan maamulka ka tirsan oo lagu sheegay labo askari taxaabtay. Taasina waxay keentay inay ciidanku ka jawaabaan. Halkaas ayaa waxaa ka bilowday isku dhac hubeysan.

Ciidanka maamulka ayaa ku sii qulqulaya dhinaca dalacadda iyo qudbiga halkaas lagaga soo ridayo ciidanka maamulka rasaas xooggan. Xabbadda ayaa weli dhacaysa. Waxaanna goobta ka dhow wariyahayaga goboalada Jubbooyinka oo iminka ku sugan magaalada Kismaayo.

Wixii soo kordha nagala soco warsidaha Puntlandpost.com

Aljazeera oo ka hadashay Jubbaland State (Daawo- Video)

$
0
0

Aljazeera oo ka dashay  maamulka Jubbaland State iyo siddii lagu dhisay, waxaana lagu soo bandhigay Muuqaalo guud oo muujinaya shaqsiyaadka taageersan Jubbaland iyo kuwa ka soo horjeeda.


Al-Jazeera-LogoDaawo Vide-ga

Puntlandpost.com

Ogeysiis : Qandaraas Dhismo Wado Laami oo loo tartamayo Garowe

$
0
0

Dawladda Hoose ee Degmada Garoowe

Garowe Local Government

Gudiga Qandaraaska

Ref: R GD/DG/ 02/2013                                Date: 6/6 /2013.

Baahin Qandaraas

Golaha deegaanka ee degmada Garowe.wuxuu ka helay maalgelin mashruuca qaramada midoobay ee Dawladaha hoose ee adeega iyo maamul-daadejinta (UN-JPLG),waxaanu doonayaa in qayb ka mid ah maalgellinta uu u isticimaalo mashaariicaha kala ah: ……

Wado Laami Ah Islam Mohamed( Tarmac Road)

Sidaas darteed, Gollaha Deegaanka ee Degmada Garowe waxay naadinayaan shirkado qandaraasleyaal ah oo ku haboon inay qabtaan Qandaraaskaan hoos ku qoranoo ah:-
1. …Samaynta Wada Laami Ah Islam Maxamed ( Tarmac Road )

Qoraalka qandaraaska waxa la helayaa laga billaabo taariikhda:06/06/2013 ilaa 19/06/2013 Gollaha deegaanka qiime ah $10 qandaraaskiiba. Cida soo doonata waxa loo jari doonaa rasiidh. Qandaraaslayaashuna waa inay ku soo lifaaqaan rasiidhkan codsiga qandaraaska.

Qandaraaskan dhamaan dokumintigiisa waa in la soo diyaariyaa iyadoo la raacayo tilmaamaha la siiyey qandaraaslayaasha iyo qoraallada kale ee qoraalkan ku xusan.

Qandaraasyada oo dhan waa in lagu soo gudbiyaa seddex nuqul, waana in lagu soo hagaajiyaa:
Xarunta Dawlada Hoose ee Garowe ama Emailkan:- indhacel@gmail.com

ka hor wakhtiga;10:00;am Taariikhda;19/06/2013

Qandaraska dokumintigiisa waxa la furrayaa;
(taariikh;/19/06/2013, , (wakhtiga;11:00 am—- ilaa 12:00 pm

Qandaraasyada markaa ka dib ayaa la furayaa iyadoo ay goobjoog ka yihiin wakiilada qandaraaslayaasha doonaya inay soo xaadiraan.

Qandaraaslayaasha waxa loogu yeedhayaa inay yimaadaan shir qandaraas, 3 cisho ka dib maalinta qandaraaska la naadiyo, taariikhda; 8/06/2013, waqtiga :- 09 :AM_
Goobta Hoolka D/Hoose Garowe si loogu sharxo wixii faahfaahin ah ay uga baahan yihiin qoraalka qandaraaska.

Waxyaabaha loo baahan yahay in lagu soo lifaaqo Qandaraaska

Waxaa kamida ruqsada campaniga iibka biilka buuga , waxyaabaha uu horay u soo qabtay siifiiga injineerka qiimaha oo buuxa iyo isagoo saxiixa

Waxaa lagu soo hagaajin karaa xafiiska Sarkaalka Wax sooiibsig
D/hoose ee Garowe

A/wali Ismacil Yusuf

+252-90-756804

Waa wareey! Baddeennii markale la dhacyeey.

$
0
0

Akhristow aan ku billaabee madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu amray in Soomaaliya loo dooxo oo gosha looga wareemo caddaawaha dhul boobka ah. Waxay ahayd Sanaddii 2009-kii bishii Abriil 7-deedii markii wasiirkii Iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ahaa ee C/raxmaan C/Shakuur Warsame uu saxiixay heshiis dhagari ku jirtay. Heshiiskaas oo jideynayay in Kenya ay Soomaaliya kula muransantahay dhul badeed ama in Kenya iyo Soomaaliya ay ku muransanyihiin dhul badeed.

Heshiisku wuxuu jideynayay in labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya ay isla fahmeen islana garwaaqsadeen inuu jiro murankaas dhul badeed. Taas  oo waddada u xaareysa ineey labada dal isla aadaan dhexdexaadiye caalami ah oo wax kala yiraahda ama wax u qeybsha. Dhexdhexaadiyahaas Caalamiga oo noqonaya Qaramada Midoobay (UN) hay’addeed dhexdexaadinta murannada badaha ineey dhexgasho si ay u dhexgahso labada dal una kala goyso dhulka ay isku hayaan. Akhristoow ogow dhulkaasi waa kii Soomaaliyeede.

badaWaxaa haddaba akhristoow la yaab leh inaan Soomaaliya iyo Kenya weligood muran badeed dhexmarin. Laakiin taa beddelkeeda ay xaqiiqo ahayd inuu weligii soo jiray muran labad dal u dhexeeya oo ku sabsan qadiyaddii dhulka Soomaalida ee Kenya uu Ingiriisku ku daray ee loola baxay Waqooyi-Bari Kenya ama Ingiriisku u yiqiin Northern Frontier District (NFD).

Heshiiskaas dhagarta ahaa ee saxiixay C/raxmaan C/shakuur Warsame waxaa ugu wacnaa lababo ay ka mid ahaayeen

1.       Damac waalli ah oo ay qabto dowladda Kenya oo dhinaca kheyraadka dabiiciga ah sida shidaal iyo gaas ku jira badda Soomaaliya ee koonfurta durugsan ee xigta biyaha Kenya.

2.       Hay’ado caalami ah oo dhagar qabayaal ah oo shidaalka qoda kana soo jeeda dalka Norway oo qandaraas ku helay qodidda kheyraadka dabiiciga ah ee dalka Kenya. Kuwaas oo uu damac ka galay kheyraadka dhinaca Soomaaliya ku jiray ee xadka ay Kenya Soomaaliyo la wadaagto ku jira isla markaana doorbidayna intii ay dhinaca Soomaaliya oo aan dowlad fadhidaa markaas ka jirin u doonan lahaayeen qandaraas, ineey Kenya ku caawiyaan boobka dhulka dadka Soomaalida ah oo daqaallo sokeeyo ragaadiyeen aadna u jilicsanaa oo loo arkayay inaanay is difaaci Karin.

3.       Aqoon yarida, waddaniyad la’aanta iyo han yarida dhagarqabe C/raxmaan C/shakuur Warsame oo markaasi hayay xil lagula khaldamay isla markaasina uusan fahansanayn mas’uuliyadda ku lugta leh iyo taxadarka laga rabay inuu yeesho markuu qaadayo talaabooyin diblomaasiyadeed iyo saxiixidda heshiisyo caalami ah sida midkaas oo kale.

Waxaa haddaba Alle Weyne nagu badbaadshay:-

1.       Feejignaanta dadka Soomaaliyeed oo markiiba mudaaharaadyo iyo protest kala hortegay heshiiskaas dhagarta ah ee lagu kala iibsan lahaa dhulkaas Soomaaliyeed.

2.       Baarlamanka Federaalka oo weydba ha iska ahaadaane Alle saloonsiiyay ineey ka jowaabaan qeylodhaanta shacabka Soomaaliyeed ee dhulkoodii dhagarqabeyaal u tashadeen in lakala iibsado.

3.       Qaramada midoobay oo awalba la yaabanayd Soomaali dhulkeeda iibineysa iyo diidmo xoogan oo ka timi dhinaca baarlamaanka Soomaaliya oo ka daba tagtay dooddii Kenya u gudbisatay Qaramada Midoobay. Taas oo lagu buriyay heshiis ku sheeggaas dhagarqabayaasha iyo dullaaddadu ku kala saxiixdeen Nairobida Kenya.

4.       Shirkadihii tuugada ahaa oo kala dhuuntay iyagoo ka baqaya in fashilka ku yimi qorshihii xeeladaysnaa ee dhaca dhulka Soomalada kaas oo ku yimi baraaruggii shacabka Soomaaliyeed iyo baarlamankoodu ay u baraarugeen dhagarta heshiiska, ineey ku waayaan sumcadda wajiga ganacsi ee caalamiga ah.

fowsiyo-478x250Akhristow haddaba waxaa mar qura dibedda u soo baxay heshiis kii la mida oo ay marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan – wasiiradda arrimaha debedda Soomaaliya ay wax ka soo saarto isla markaana saxiixdo warsaxaafadeed dhagarqabanimo ah oo u gogol xaaraya, cudurdaaraya iyo garna u siinaya dowladda Kenya ineey dacwad u gudbisato Qaramada Midoobay iyadoo ku doodeysa in Kenya iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo muran dhinaca badda ah iyo in loo baahan yahay in loo kala xadeeyo badda. Badda la loo kala xadeeynayaana waa tii Soomaaliya ay laheede ogow. Waxay warsaxaafadeedka la soo saartay wasiiradda Arrimaha debedda ee Kenya marwo Aamino Jibril Maxamed.

Press release ama warsaxaafadeed ay soo saareen Labada wasiir arrimo debedeed ee Soomaaliya iyo Kenya marwo Fowsiya Yusuf X. Aadan iyo marwa Amina Jibril Maxamed taariikhdu markeey ahayd Mishii Maajo (May) 31-keedii 2013-ka ayaa waxaa ka soo dhexmuuqday paragraph u qoran sidan “The ministers underlined the need to work on a framework of modalities for embarking on maritime demarcation”   taas micnaheedu yahay “Labada wasiir waxay hoosta iskala xariiqeen ama isla garteen baahida loo qabo in la sameeyo qaab nakhshadeysan oo lagu bilaabayo xadeynta badda” waa muran horleh oo laga abuurayo xudduud baddeedda Soomaaliya iyo Kenya. Waa Bilowga jidsiin loo jidsiinayo Kenya ineey tusto caalamka iyo Qartamada Midoobay ineey Soomaaliya u heelan tahay ineey dhulbadeed Soomaaliya leedahay ama ay haysato ay Kenya ku muransan yihiin isla markaana dhexdhexaadin iyo dhexgal u baahan yihiin si wax loogu qeybsho oo macnaheedu yahay markeey u yaraato in dhulbadeen Soomaaliya leedahay Kenya qeyb laga siiyo.

Akhristo arrintaan ayaa lagu fasiri karaa dhowr masalo mid ama xayn ka mid ah.

1.       Waa tan koowaade inaanay marwa Fowsiyo Yuusuf kaba warheynin waxay saxiixday aqoonta ay u leedahay luqadda diblomaasiyadda oo yar daraadeed iyo iyadoo aan la tashan ama haysanba kaaliyaal aqoon u leh qaabka iyo luqadda lagu qoro heshiisyada calamiga ah.

2.       Waa tan labaade marwa Fowsiyo Yuusuf in loo hoosgeliyay paragraph-kan oo ay si dayacaad iyo u fiirsi la’aan ah ay u saxiixday.

3.       Waa midda seddexaade in marwa Fowsiyo looga faa’iideystay xaalado maandoorsanaan ah.

4.       Waa midda afaraade in marwa Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyadoo ka jowabaysa cadaadiska dowladdeeda ka saaran maamulka Jubaland ee Kenya deriska la ah saaxiibtinimaduna ka dhaxayso, loo hoos dhigay ineey qalinka ku duugto si ay ugu beddelato dowladda Kenya oo siyaasaddeeda u janjeerisa tan madaxweyne XASAN SHEEKH MAXAMUUD ee ku wajahan maamulka Jubaland.

Akhristow middeey/kuwey tahayba waxaa marag ma doonto ah in dhul Soomaaliyeed loo loogay shisheeye. Waa mission-kii labaad ee ay wasiiradda arrimaha debedda ee dalka Kenya ku soo guuleysato ku iibiso siyaasadda dalkeeda intii aay qabatay jagada wasiirka arrimaha debedda ee dalka Kenya. Labada mission ayaa kala ahaa:-

1.       In siyaasadda dowladda Kenya ay difaacdo shirkii 24aad ee wasiiradda arrimaha debedda ee urur goboleedka IGAD 24kii Maajo 2013-ka. Shirkaasi oo laga soo saaray heshiis dib ka noqday warsaxaafadeedkii shirkii ka dambeeyay ee 22aad madaxweynayaasha urur goboleed IGAD ee isla 24kii bisha Maajo 2013ka ku qabsoomay magaalada Addis ababa ee Itoobiya. Warsaxaafadeedkaas oo muujinayay in lagu heshiiyay inaan waxba lagu heshiin.

2.       Mission-ka labaad ee sida xaladeysan ay guusha u gaartay marwa Amino Jibriil ayaa ahaa ineey dalkeeda uga saxiixdo Soomaaliya wasiiraddeeda arrimaha debedda marwa Fowsiyo Yuusuf ineey u hibeyso qeyb ka mida badda Soomaaliya. Taasoo loola jeedo ineey marwa Fowsiyo u ogolaatay dhiggeeda dalka Kenya in loo gogol xaaro sidii loo qori lahaa inuu jiro xuduudbadeed loo kala calaamadinayo Soomaaliya iyo Kenya oo haddii la isku afgaran waayana uu muran jirayo. Murankaasoo loo gudbin doono hey’ado caalami ah sida Qaramada Midoobay si ay u dhexdhexaadiyaan labada dal waxna loogu kala gooyo.

Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan waa wasiiradda arrimaha debedda ee Soomaaliya e waxay ku guuldareysatay arrimaha hoos ku xusan:-

 

1.       In marwadu ay fahanto wixii ay ku saxiixday shirkii 24aad ee wasiirrada arrimaha debedda ee dalalka IGAD ee 24/05/2013 iyadoo habkii ay u sharaxday heshiiskaasi wasiiraddu ay saxaafadda aad uga muuqatay fahan yarideeda iyo xirfad darrideeda. Sidaan kor ku soo sheegayna marka la eego luqadda diblomaasiyadeed ee warmurtiyeedkaasi ku qornaa ay muujineyso in lagu heshiiyay inaan waxba lagu heshiin.

2.       Arrinta labaad oo ah ineey marwadu ku fashishay ineey ka baaqsato ineey paragraph-kaas laga saaro warmutiyeedka ay la soo saartay dhigeeda dalka Kenya.

Akhiristow haddaba arrimahan oo dhami waxay muujinayaan weydnimada aqoonta siyaasadeed ee madaxweyne XASAN SHEEKH iyo team-kiisa. Xataa haddii arrimta warmutiyeedka iyo belada ay dabad ku wadato si ula kac ah loo sameeyay waxay muujineysaa sida madaxweynuhu caalwaa uga noqday siyaasadda Soomaaliya gudadeeda ka jirta gaar ahaan Jubbooyinka iyo maamulka Jubaland, nidaamka federaaliga ah iyo maamul goboleedyada iyadoo uusan weliba dhamaystirmin sanadkii u horeeyay ee wakhtiga xukunkiisa.

Arrinta warmutiyeedka iyo waxa dabada kaga xiran ayaa gadood ka keeni doona shacabka Soomaaliyeed oo aan iyagu haba tabar daraadaane u kala harin illalinta dalka iyo xudduudihiisa. Waxaan ku baraarijinayaa shacabka Soomaaliyeed gude iyo debedba inaaney u kala harin muddaaharaadyada iyo kacdoonada lagaga cabanayo laguna hor istaagayo boobka dhulkeenna iyo dhagarqabanimada hungurixumayaasha siyaasadeed ee mansabyada lagula khaldamay loo dhiibay.

Puntlandpost.com

 

Mudane Madaxweyne Xassan: Waxaan kuu maleeyey; mise waxaad noqotay; mise waxaan loo noqon doonin.

$
0
0

Horudhac: Markii la doortay madaxweyne Xassan Shiikh Maxamud waxaan ugu deeqay September 12, 2012 wax lacag iyo dahab ka qiimo weyn oo ah TALO tilmaan u ah tubta toosan si uusan u turaanturoon; Soomaalidana ay u barwaaqowdo.

 

C/qaadir M. M . Hindi

C/qaadir M. M . Hindi

Maqaalkan waxaa ka muuqda Quus iyo Qaylodhaan. Inta aan u gudo galin qoraalkeyga ila arka Soomaaliyey TALADII aan la wadaagay Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamud.

Halkan Taabo: http://www.puntlandpost.com/viginia-maqaal-talo-iyo-tusaale-u-ah-madaxweynaha-cusub/

Waxaan Kuu Maleeyey:

Waxaan Kuu maleeyey aqoonyahan aragti dheer markaan maqlay professor Xassan Shiikh Maxamud ayaa la doortay.

Waxaan kuu maleeyey Wadani markii aan maqlay Xassan Shiikh Maxamud dalka kama uusan bixin si uu u gargaaro umadiisa.

Waxaan kuu maleeyey RAJO markii aan arkay Madaxweyne Dr. Faroole iyo muwaadiniin Soomaaliyeed taageerada ay kuu muujiyeen xilka laguu doortay “Madaxweyne”.

Waxaan kuu maleeyey in aadan waligaa dagaal sokeeye aadan ka qeyb galin; afartaada sanadoodna lagu faani doono.

Waxaan kuu maleeyey Madaxweyne soo celin doono Qarankii iyo Qiimihii Soomaaliyeed.

Waxaan kuu maleeyey in aad Qoriga dhigi doontid; Qalinkana qaadan doontid.

Waxaan kuu maleeyey khudbadii aad ka jeedisay baarlamaaka hortiisa iyo dhaartii doorashadaada ka dambeysay in ay dhab tahay.

Waxaan kuu maleeyey madaxweynaha Banaadir, Shabeelada Hoose, Jubada Hoose, Jubada Dhexe, Bay, Bakool, Gedo, Shabeelada Dhexe, Hiiraan, Galgaduud, Mudug, Nugaal, Bari, Sanaag, Sool, Togdheer, Awdal iyo Waqooyi Galbeed.

Waxaan kuu meeleyey in aad isu-guurin doontid labdii Gobol iyo wixii ka badan oo israba.

Waxaan kuu maleeyey; Waxaan kuu maleeyey; Waxaan kuu maleeyey

Waxaad Noqotay:

Waxaad noqotay timirtii hore dab loo waa.

Waxaad noqotay Madaxweyne aragtidiisa aysan dhaafsiisneyn Xaad iyo xertiisa.

Waxaad noqotay Madaxweyne qoslaaya oo hadal macaan hadana qalalan.

Waxaad noqotay Madaxweyne la doortay 1991 marka la eego xaalada dalka aad galisay. (durbaan colaadeed )

Waxaad noqotay Madaxweyne Federal raba; fartana ka ilaalsanaya.

Waxaad noqotay Madaxweynaha Gobolka Banaadir.

Waxaad noqotay Nin rabay Gedo in uu Gebi ka tuuro.

Waxaad noqotay Madaxeyne halbeegiisu yahay Qaybi oo Xukun.

Waxaad noqotay; Waxaad noqotay; Waxaad noqotay

Waxaan Loo Noqon Doonin:

Waxaan loo noqon doonin 4.5 in wax lagu qeybsado.

Waxaan loo noqon doonin in dastuurka federalka la farafareeyo.

Waxaan loo noqon doonin in Xaad iyo Xertiisa talada dalka ku ekaato.

Waxaan loo noqon doonin 1991 iyo durbaan colaadeed dib dambe loo tumo.

Waxaan loo noqon doonin in SADE seefta Madaxweynaha noqoto.

Waxaan loo noqon doonin in Jubaland iyo Shabeelada Hoose jeebka la gashto.

Waxaan loo noqon doonin in Qas iyo Qeybsanaan laga abuuro JUBALAND.

Waxaan loo noqon doonin in dowlada dhexe ka awood badnaato dowladaha yaryar ee ka mid ah Dowlada Federalka.

Waxaan loo noqon doonin in la Qarsado qorshihii Ingriiska iyo Jaban.

Waxaan loo noqon doonin; Waxaan loo noqon doonin; Waxaan loo noqon doonin.

Waxaa Qoray

Abdulkadir Hindi

Boston, USA

Faafinta: Puntlandpost.com

Xaflad Taariikhi ah oo lagu Taageerayo Jubbaland State oo lagu qabtay – Toronto (Daawo Video)

$
0
0

Xaflad aad u wanaagsan ayaa lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada , cafladaas oo ay ka soo qayb  galeen boqolaal qof oo ka soo jeeda deegaanada Jubbooyinka, kuwaas oo taageero u muujiyey maamulka cusub iyo gobolada jubbooyinka.

Daawo Xaflada iyo sida ay u dhacday

Toronto

Puntlandpost.com


Ururka Badbaadada iyo Horrumarinta Jubbaland oo ku baaqay in la taageero horrumarka iyo badbaadinta shacabka Jubbaland State

$
0
0

Waxaan marka hore mahad gara ah u celinaynaa illaahay (SWT) , intaas kaddib waxaan salaamaynaa shacabka Jubbooyinka meelkasta oo ay joogaan iyo hogaanka cusub ee Jubbooyinka oo 15-kii May lagu doortay magaalada Kismaayo, kaddib markii codkii Kalsoonida ay siiyeen Ergooyinkii Soomaaliyeed ee ka qayb galay shirkaasi.

Waxaan uga hanbayeynaynaa shacabka Soomaaliyeed, siiba kuwa Jubbooyinka, taageeradii xooganayd ee ay siiyeen hogaanka Cusub ee Jubbaland, taas oo muujinaysay bisayl siyaasadeed ee ay gaareen shacabka Jubbooyinka, kuna dhiidaray inay waajib ku tahay taageerada ay siiyeen dowladooda iyo shacabkooda.

JubbalandlogoWaxaan kaloo la soconaa shacabka Jubbooyinka  ay aduunka dacaladiisa ay ka taageereen Jubbaland, iyagoo Xaflado qiimo badan ka sameeyey caalamka oo idil , taas oo muujinaysa in shacabku meel kasta oo ay joogaan ay raali ka yihiin maamulka cusub ee laga dhisay Jubbaland, waxaan illaahay uga mahad naqaynaa in 22 sano kaddib laga gudbay is qab qabsi siyaasadeed, laguna heshiiyey in hore loo socdo, lana samaysto dowlad goboleed  ku dhisan Federaal oo hanan karta amaanka iyo horrumarka shacabka Jubbooyinka.

Waxaan aad uga xunahay sida qaawan ee Qabiilaysiga ku dhisan ee DF ee Soomaaliya ay u wajahday arrimaha Jubbooyinka, waxaana aad ugu hanbalyeynaynaa dowlad goboleedka Jubbaland iyo shacabka Jubbaland sida taxadarka leh ee ay isaga maareeyeen dagaalkii la doonayey in laga rido magaalada Kismaayo isla markaana lagu doonaayey in la iska horkeeno shacabka Jubbaland,  si loo majaxaabiyo loona soo celiyo dagaalo taariikh la leh waqtigii Gen. Caydiid.

Shacabka Jubbooyinka waxaan ugu baaqaynaa inay ka fogaadaan isku dhac dhexdooda ah , waxaana uga digaynaa kooxaha qaarkood oo deegaanka Jubbaland ka soo jeeda ee siyaasad xumada la wadaaga DF iyo Madaxweyne Xasan , waxaan ugu baaqaynaa in ay ka waan toobaan jidka khaldan ay qaateen , hadii ay doonayaan in arrimahaas lugaha kula sii jiraan waxaan ugu baaqaynaa inay  iska xaadariyaan Muqdisho , laakiin aan loogu dulqaadanayn inay ammaanka iyo degenaansha ay khatar geliyaan.

Maaamulka Jubbaland maadaama ay haytaan Mandate-ka shacabka,  waxaan ka muuqda jil-jileec siyaasadeed oo aan waqtigan looga baahnayn inay ku dhaqaan deegaanka Jubbooyinka. Dowlad goboleedka Jubbaland waxaan ugu baaqaynaa in amaanka ay ka dhigtaan Muhiimadooda  koowaad si loo ilaaliyo nabadgelyada gobolka  , shaqsigii ku xadgudbana ay Talaabo ka qaadaan , xattaa hadii ay yihiin  Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa Caailadooda.

Waxaa  wax lala yaabo  ah,  in Wasiiro la ogyahay kana soo horjeeda Xuquuqda shacabka Jubbaland in loo ogolaado gudaha magaalada Kismaayo iyagoo maamulku ay ka warqabaan in ay fidno hurin u joogeen magaalada Kismaayo, waxaan garan la’nahay waxa Maxamed Amiin oo gobolka u dhashay iyo FIQI ay ku kala duwanaayeen , iyadoo la ogyahay in Wasiir FIQI uu ahaa raga loo adeegsanayey inuu khalalaase dagaal uu ka sameeyo Magaalada Kismaayo. Sharciga Maxamed Aamiin qabtay oo qaban waayey FIQI muxuu yahay? ama wasiiradii kasoo horeeyey  ee Muqdisho  lagu celiyey waxa uu uga duwanaa??? Waxaan aaminsamahay in dowlada Jubbaland ay ku qaldameen in  magaalada Kismaayo ay ku hayaan Dhabar qabe, FIQI,  oo dagaal hubaysan ka riday magaalada , si loo fashiliyo nabadgelyada ka jirta gobolka.

Kama danbeys shacabka Jubbooyinka waxaan ugu baaqaynaa in ay ka qayb qaataan taageerada iyo dhismaha deegaanada Jubbooyinka, waxaan kale oo ugu  baaqaynaa in Jaaliyadaha Jubbooyinka ay si deg deg ah ay u taageeraan Dadkii iyo ciidankii Jubbaland ee ay waxyeelada ay ka soo gaareen dagaaladii maalin kalor ka dhacay magaalada Kismaayo.

Waxaan shacabka u sheegaynaa in Dad badan oo waxba galabsan ay Xabado ugu galeen guryahooda , kuwaas oo hada yaala isbitaalka magaalada Kismaayo, waxaa kaloo jira in  Ciidamo ka tirsan dowlad goboleedka Jubbalad oo iyagana lagu dabiibayo Isbitaalka iyo maleeshiyaadka kale ee dagaalka ka abuuray magaalada oo iyagana dhaawacoodu uu yaalo isbitaalka Kismaayo, waxaan shacabka ugu baaqaynaa inay taageero dhaqaale la gaaraan dadkaas soomaaliyeed ee yaala  Isbitaalka magaalada Kismaayo , si loo taageero dadka soomaaliyeed  ee dagaaladaas ay wax ka soo gaareen.

Dhaawacaas iyo dagaaladaasna iyo dhibkii ka yimi waa in dowlada Jubbland State  ay kala xisaabtanto DF ee Soomaaliya iyo hogaankeeda, jawaabna cad-na ay dowladu ka bixiso sababta ku kalifaysa in shacabkeedii iyo dowladoodii ay iska horkeento.

Waxaan Jaaliyadaha Jubbaland ugu baaqaynaa in ay illaahay ka cabsadaan isla markaasna ay wanaaga  iyo horrumarka ay taageeraan .

Dalka iyo dadkuba waxay sugayaan dadka soomaaliyeed , Jaaliyadaha Jubbaland ka soo jeeda waxaan ugu baaqaynaa mar kale inay dhanka horrumarka u jeestaan, wax kasta oo khilaaf jirana ku dhamaystaan wada hadal iyo is qancin.

Waxaan hanbalyo gaar ah u diraynaa hadaan nahay shacabka Jubbaland state ka soo jeeda, dowlada Puntland oo ugu horeeyo Madaxweyne C/raxmaan  Faroole , oo taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed u fidiyey shacabka walaalihiisa ah ee Jubbaland.

Dad badan ayaa u fasirtay taageerada Faroole inay ahayd mid qabiil ku salaysan , laakiin anagu waxaa aamisanahay Waajib illaahay saaray Madaxweynaha . maxaa yeelay dad Muslimiin ah  oo 22 sano Xaqooda lagu tumanaayey inuu taageero waa waajib saliim ah , howshaas waxaa laga rabay Xasan Sheekh , guusheedana waxaa qaaday Puntland iyo Madaxweyne Faroole oo taageero weyn u muujiyey reer Jubbaland , arrinkaas oo aysan hilmaami doonin  shacabka Jubbaland State, taariikhdana ay xusi doonto kii taageeray Jubbaland iyo kii ka soo horjeestay Intaba.

Ururka Badbaadada iyo Horrumarinta Jubbaland State

kala xiriir: badbaadohorrumarin@gmail.com.

Fadhiyadooda, UK, Denmark,USA, Kismaayo, Sweden, Canada

 

Falanqaynta dhacdooyinka oo ay ka hadleen Axmed Madoobe, Gen. fartaag, Xasan Sheekh iyo Saacid (Daawo-Video-ga)

$
0
0

Dhacdooyinka Todobaadka oo lagu soo qaatay Chanelka Somalichanel iyo dhacdooyinkii ka dhacay magaalada Kismaayo, ayaa dhacdooyinkaas waxaa ka hadlay  Madaxweynaha iyo M/kuxigeenka Jubbaland State,  oo Eeda dagaalkaas dusha uga tuuray DF ee Soomaaliya, Halka Madaxweynaha DF ee Soomaaliya,  iyadoo la ogyahay inuu dagaalkaas iyo qaskaas uu isagu ka danbeeyey af-gobaadsaday , isagoo ku baaqay nabadgelyo.

SomalichanalWaxaana Dhacdadaas ka hadlay oo kale raiisal wasaare Saacid oo si kooban uga hadlay dagaaladaas iyo Bada soomaaliya ee la sheegay in Dowladu ay u hibaysay Kenya.

Daawo Video-ga

Puntlandpost.com

KISMAAYO: Madaxweynaha Jubbaland state oo ku soo laabtay magaalada Kismaayo (Warbixin)

$
0
0

Kismaayo: (pp)- Madaxweynaha Jubbaland State Axmed Islaam (Axmed madoobe) iyo wefdi uu hogaaminayey  ayaa ku soo laabtay magaalada Kismaayo ee xarrunta gobolka J/hoose. Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo mudo asbuuc ah safar ugu maqnaa dalka Kenya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo ugu horeeyo M/kuxigeenka Jubbaland Gen. Fartaag.

Madaxweynaha Jubbaland State oo ku soo laabtay Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland State oo ku soo laabtay Kismaayo

Madaxweynaha ayaan loo soo galbiyey aqalka madaxtooyada Jubbaland, isagoo kulamo gooni gooni ah la qaatay masuuliyiinta gobolka, iyagoo ka wada hadlay Xaaladihii ka dhacay magaalada tan iyo intii uu ka maqnaa magaalada.

Magaalada ayaa ammaankeeda aad loo sugay , iyadoo wax walba ay u socdaan sidii loogu tala-galay. Ciidamada amaanka ayaa  aad looga dareemayaa inay amaanka ay aad u dhowrayaan , iyadoo aad looga foojigan yahay koxoo la sheegay Al-shabaab in ay si dhuumaalaysi ah ay ku joogaan  magaalada Kismaayo, isla markaasna ay ka qayb qaateen dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo dhow casho ka hor, dagaaladaas oo ay dabada ka riixaysay dowlada Xasan sheekh , si khal khal siyaasadeed looga abuuro deegaanka Jubbooyinka.

FIQIDhanka kale , dagaaladii ka dhacay Kismaayo ayaa la xaqiijinayaa inuu ku geeriyooday taliyahii Istaafka Wasiirka gaashaandhiga oo ay Istaafkiisa ay dagaaladaas si xoogan uga qayb qaateen, halka 4 ka mid ah illaaladiisa oo qaba dhaawac culus uu u qaatay magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh oo la soo fariisiyey Al-jaziira

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyey dagaaladii Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rag la siyaasad ah Xasan Sheekh oo ka tirsan urur diimeed la sheego inuu ka tirsan yahay oo lagu magacaabo Dam-jadiid ayaa la sheegayaa in madaxweynaha ay ku dhaleeceeyeen in dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo iyo dadkii ku dhintay uu isagu  masuul ka yahay ,maalinta qiyaamaha ahna isaga la weydin doono,  maadaama  uu u maray jid khaldan oo qabiilaysi ku dhisan , waxaana la sheegayaa in madaxweyne Xasan ay arrinkaas ku noqotay niayd jab weyn, kaddib markii ay Wadaado la siyaasad ahaa ay ku eedeeyeen  masuuliyada dagaaladii fitnada ahaa ee ka dhacay magaalada Kismaayo, ayna ku nafwaayeen shacab Soomaaliyeed oo loo baahnaa in dhiigooda la kala badbaadiyo.

Puntlandpost.com

 

SELF-DETERMINATION VS TERRITORIAL INTEGRITY A response to ‘Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

$
0
0

For far too long we have waited for a brighter day to illuminate the darker spots of our history; a history which on the face of it seems entangled and intertwined with ill gotten gains and rustic fables of old. And on this sudden bright day when the sun seems to shine brighter than usual, there is no room for complacency and error.

Read This: http://hiiraan.com/op4/2013/jun/29688/in_response_to_mohamed_a_hussein_s.aspx

The momentum of history is still on the side of the newly elected administration in Jubaland, and despite the seemingly unrelenting posturing of the Federal Government and contradictory statements of the international community over the pertinent matter of governance, one must not ignore one undisputable fact in amongst it all, one enshrined in the United Nation Charter and the Provisional Constitution of the Federal Republic of Somalia and a key principle of agreement of all parties concerned; namely, the principle of self-determination and self-governance.

One thing is for sure, the provisional constitution for the Federal Republic of Somalia is deeply flawed and was almost certainly set up to fail.

It would be almost laughable if it wasn’t already pitiful for the manner in which it effortlessly and glaringly tries to appease and/ or pit clan interests against one another.

That being said, one must remain objective in circumstances like this if only to retain some element of sanity as one peruse through intricate and deeply held emotions for and against the notion of the recently declared Federal State of Jubaland of the Federal Republic of Somalia.

he issue of legality

The rule of law is the very underpinning of any civilised society on the planet.

As such, the primary source and causeway of information we may take heed off, as there exists no legislative framework to expedite research, is the provisional Constitution of the Federal Republic of Somalia.

In it, however deliberatively vague in its content, we find prime articles of importance both for and against the principle, namely the creation of regional federal states.

On my part, I find solace and validation for the creation of the Federal State of Jubaland of the Federal Republic of Somalia in the following articles and accompanying questions:

Article 46: *The Power of the People

(1) The power of self-governance begins and ends with the people

Article 49: The Number and Boundaries of the Federal Member States and Districts
(6) Based on a voluntary decision, two or more regions may merge to form a Federal Member State.

Article 64: The Number of the Members of the House of the People
(1) The members of the House of the People of the Federal Parliament shall be elected by the citizens of the Federal Republic of Somalia in a direct, secret and free ballot.

I highlight the three aforementioned articles from the provisional Constitution of the Federal Republic of Somalia, as a coherent and cohesive testament for the righteous stance taken by the people of the Federal State of Jubaland.

Article 46 (s1), vests all power in the people in so far as self-governance is concerned, not the Federal Government or Parliament currently in place; for as one reads article 64 (s1), the members of the house of the Federal Parliament MUST be elected by citizens in a *direct*, *secret* and free ballot, which in an absolute way supersedes article 49 in its totality (which is the only statutory provision seemingly favoured by proponents of the view of the Federal Government.

(I find article 48 (s.2) to be ambiguous and thus serves nobody’s argument.) The questions for the Federal Government are hereby set forth:

To what end does the proposition made by the Government to appoint fact finding missions and commissions alike serve their purpose if the primary objective as agreed and codified in the Provisional Constitution is the enactment of a law by the House of the People of the Federal Parliament [see Article 49 (3), especially in light of article 64 (s1) and the decision to form a Federal State MUST be *voluntary *(Done or undertaken of one's own free will)* *in nature?

Moreover, can an unelected Federal Parliament enact any laws contrary to the provision which affords direct, secret and free elections of members of parliament to the people?

Furthermore, can the will of the people (which must be voluntary) be superseded by the will of the Government [which is unelected in its current form]?

My answer to these questions is a resounding NO.

Article 46 (s1) is of profound importance and must be held up high by the people of the Federal State of Jubaland and likewise, in light of the profound and legitimate rights afforded to the people of the Federal Republic of Somalia under the provisional Constitution, these rights MUST be upheld by the Government in a fair and non-discriminatory manner.

An Opinion Article by: Liibaan Axmed, LLB (Bachelor of Laws)

“Ma qabo in maamul Jubbaland ay leedahay in looga hadlo Muqdisho” (Garaad Ciid)

$
0
0

Garoowe: (pp)- Garaad C/laahi Ciid oo ka mid ah Isimada ka soo jeeda deegaanada Jubbaland iyo Puntland ayaa eedayn xoogan usoo jeediyey dowlada dhexe ee Federaalka ee Soomaaliya.

Garaad C/llaahi Cali Ciid

Garaad C/llaahi Cali Ciid

Garaadka ayaa sheegay in dowlada dhexe ee Soomaaliya ay ku guuldaraysatay wax  ka qabashada arrimaha Soomaaliya , isagoo  dhanka kale ku eedeeyey DF ee Soomaaliya in Deeqaha soomaaliya loogu tala galay ay ku ekeysay oo kaliya magaalada Muqdisho, taas oo ku tilmaamay in ay tahay arrin aan saxsanayn oo garab maraysa sharciga federaalka ee Soomaaliya.

Dowlada Federaalka ee fadhigeeu yahay Muqdisho ayuu ku booriyey  oo kale in ay aqoonsato maamulka Jubbaland state , wuxuuna garaadku sheegay in shirka la sheegay ee dib u heshiisiinta loogu yeeray ee lagu qabanayo Muqdisho ayuu ku sheegay mid aan waxba ka jirin oo aan waafaqsanayn  arrimaha maamul u samaynta Jubbooyinka, wuxuuna sheegay Garaadku in Arrimaha Jubbooyina ay dowlada Federaalka uga furan tahay oo kaliya in ay aqoonsato Maamulka Cusub ee Jubbaland, wuxuuna sheegay in  loona maray hirgelinta maamulka Jubbaland State jidka saxda ah ee uu qeexayo dastuurka Federaalka ee Soomaaliya.

Garaad Ciid ayaa ka mid ka ahaa Isimadii wax ka soo dhisay Maamulka Jubbaland , isla markaana asal ahaan ka soo jeeda deegaanada Jubbooyinka , isagoo door fiican ka soo qaatay hana qaadkii maamulka Jubbaland State ee hadda uu Madaxweyne ka yahay Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe).

Hadalka Garaadka ayaa Imaanaya Waqti dowlada Puntland la sheegayo in miiska ay u saaran tahay in ay xiriirka u jarayso DF ee Soomaaliya , oo ku guuldaraysatay arrimaha Soomaaliya iyo raadraaca dastuurka Federaalka ee Soomaaliya ay ka talaabsatay.

Puntlandpost.com

Garoowe: Caruurta Puntland oo laga talaali doono cudurka dabaysha.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Puntland waxaa kusoo fool leh taalaalka caruurta ee cudurka dabaysha kaasi oo la qorshaynayo in lagu talaalo caruur tiradoodu dhan tahay 250,000 oo ku kala sugan Gobolada iyo Degmooyinka Puntland.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo leh qorshaha talaalka caruurta ayaa sheegtey in kooxaha ku shaqada leh taalista caruurta ay howlgalayaan 17 ka bishaan sidda uu Puntlandpost.com u xaqiijiyey wasiirku ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Maxamed Xirsi Ducaale.

Dr waxa uu sheegey in qorshaha Talaalka caruurta Puntland ay tahey mid ahmiyad gooni ah u leh shacabka reer Puntland, iyadoo talaalkan uu noqon doono wajigiisi sadexaad ee Puntland,waxaana 16 bisha June lagu daahfuri doonaa olalahan ku saabsan talaalka cudurka dabaysha, iyadoo maalintii shalay kulan wasaarada caafimaadka Puntland ku qabsoomey lagu soo bandhigey qorshaha barnaamijkan sida looga howl bilaabi doono.

Barnaamijka ku saabsan talaalka cudurka dabaysha ayaa noqon doono mid ay bar bar socdaan wacyi galino bulshada lagu gaarsiinayo khatarta iyo saameynta cudurku ku leeyahay dadka uu haleelo, waxaana hadda ay wadaan hay,addaha Puntland ka shaqeeya arrimaha caafimaadka iyo kuwo bahwadaagta la ah olole loogu diyaar garoobayo talaalka dabaysha.

Puntlandpost.com
Garoowe.

Garoowe: 388 Ardey oo dhameysatey Waxbarashada Dugsiga sarre oo xaflad Garowe ku sameystey,Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Ardaydii dhameysatey sanad dugsiyeedka 2013 ee dugsiga sare Gambool magaalada Garowe ayaa maanta xaflad ay ku sameysteen hoolka shirarka Jaamacada PSU ee Magaalada Garowe waxaa kazoo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowlada Puntland, Ururada Bulshada iyo Marti sharaf badan.

IMG_1583388 Arday oo isugu jirey wiilal iyo gabdho kana mid ah ardaydii sanadka ka qalin jabiyey fasalka ugu danbeeya ee Iskuulka Gambool ayaa xaflada ardaydu sameysteen ka dhex muuqanayey , kuwaas oo munaasabadooda u sameeyey bandhig aad u sareeya oo ka hadlaya dhinacyo ay ka mid yihiin dhiiri galinta waxbarashada, horumarinta goobaha waxbarashada iyo ka wacyi galinta bulshada tahriibta.

Masuuliyiin ka socotey Jaamacadaha PSU iyo Bariga Africa ee ku yaal magaalada Garowe oo munaasabada hadalo kazoo jeediyey ayaa ku booriyey ardayda inay sii wataan waxbarashadooda , iyaga oo ka faa,iideysanaya fursado badan oo xilligan ardaydu u heli karaan sii kordhinta aqoontooda.

IMG_1525Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo ka mid ahaa masuuliyiintii xaflada kazoo qeyb gashay ayaa hadal uu ardayda usoo jeediyey ku sheegey in wasaarada waxbarashadu dadaal dheer u galeyso sidii fursado shaqo iyo kuwo waxbarasho ugu raadin lahayd dadka kazoo baxa waxbarashada ee u baahan in laga caawiyo helitaanka tasiilaad kala duwan.

Puntland sanad walba ardayda ka baxda Dugsida sare waxa wasaaradu waxbarashadu dadaal ugu gashaa inay deeqo waxbarasho kuwooda ugu sareeya ugu dirto wadanka dibadiisa iyadoona midaasi ay dhiiri galin weyn ka geysatey dadaalka waxbarashadooda u galaan ardayda oo aad moodo sanadihii u danbeeyey in uu ka dhex jirey tartar xoogan oo ku aadan sidii ardey waliba uu u heli lahaa fursadaha jaamacadaha dibada loogu dirayo.

Marka laga tago Magaalada Garowe waxaa magaalooyinka kale ee Puntland ka jira xaflado kala duwan oo sidan oo kale ardayda iyana dhameystey dugsiyada sare u sameysanayaan, kuwaas oo sida la oran karo u dabaal dagaya sanad dugsiyeedkoodii ugu danbeeyey.

IMG_1537 IMG_1535 IMG_1522 IMG_1526 IMG_1528 IMG_1541 IMG_1560 IMG_1557 IMG_1552 IMG_1583 IMG_1605 IMG_1564
Nagala soo xiriir :  Puntlandpost.pp@gmail.com\

Puntlandpost.com

Garoowe.


Kismaayo: Dowlada Jubaland oo diidey ka qeyb galitaanka shir Madaxda DF Somalia Muqdisho ku qabanayaan.

$
0
0

Kismaayo: (pp)- Maamulka Jubaland ayaa qaadacay ka qeyb galka shir DF Somalia ay qaban qaabineyso oo la doonayo in Muqdisho lagu qabto oo ay masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Federalku sheegeen in uu qeyb ka noqonayo waxa ay ku sheegeen xal u helida khilaafyada Jubooyinka.

Cabdinaasir Seeraar Afhayeen Jubaland oo warbahinta la hadlay ayaa sheegey in Dowlada Jubaland marnaba aysan aqbali doonin ka qeyb galka shirka Muqdisho laga qaban qaabinayo ee ay wado DF Somalia, isagoo sabab uga dhigey in maamulka Jubaland uu yahay mid dadku sameysteen uusana ka dhex jirin wax khilaaf ah marka laga reebo Masuuliyiinta DF oo iyagu qas ka dhex wada dadka gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

“Shirkaa lagu baaqay in Xamar lagu qabto waxaa ka horeysa in aan Siyaasiyin ku heshiino go’aankii ay Dowlada Federaalka horey uga qaadatay maamulka laga dhisay Jubaland” Ayuu yiri Afhayeenka maamulka Jubaland Seeraar.

Cabdinaasir Seerar waxa uu sheegey in ay ka horeyso shir Jubaland ku saabsan oo ay DF Somalia qabato , inay marka hore DF Somalia madaxdeedu waafaqaan sida sharcigu yahay aqoonsiga Jubaland oo ay si cad u inkirayaan iyaga oo aan raali ka ahayn sida xaqu yahay ummada oo dhamina u wada jeedo.

Seeraar waxa uu carabka ku dhuftey inaysan marnaba dhaceyn Jubaland oo dib loo celiyo islamarkaana loo baahan yahay wixii dhameystir ah oo ay DF qeybteeda ka qaadato.

Qaadacadda shirka Muqdisho ee Jubaland ayaa ku soo aadaysa xilli Masuuliyiin ka tirsan DF  Dowladaha Jubaland iyo Puntland ay ku eedeen inay ka danbeeyaan dagaaladii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Kismaayo, islamarkaana ay taasi calaamad u noqoneyso sida aysan dhex dhexaad uga noqon karin DF Somalia isku soo dhawaanshiyaha iyo rabitaanka maamulka ka hana qaada deegaanada Jubooyinka iyo Gedo.

Puntlandpost.com

Kismaayo.

Shirkad Turkiya oo lagu wareejiyey Maamulka garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

$
0
0

Muqdisho: (pp)- Shirkad Ajnabi ah oo laga leeyahay dalka Turki-ga ayaa lagu wareejiyeymaamulka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho sida lagu shaaciyey shir ay Muqdisho ku yeesheen golaha xukuumada ee uu hogaamiyo Ra,iisal wasaare Cabdi Faarax (Shirdoon).

Wasaaradda Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ayaa kusoo bandhigtey maanta shirkii golaha Wasiirada Muqdisho Qorshe ku saabsan ku wareejinta maamulka Garoonka Shirkad Turkish ah.

Waxaana gabo gabadii Kulanka wasiiradu ku yeesheen Muqdisho oo uu shir gudoominayey Ra,isal wasaraha Somalia ayaa lagu go,aamiyey in hada wixii ka danbeeya shirkadan ay maamuli doonto Garoonka , islamarkaana ay muddo 8 bilood gudahood ah isbedel ku sameyso shirkadu garoonka oo ah mid uu ka jiro burbur iyo dayac.

Lama sheegin ilaa iyo waqtiga shirkadan ay ka howl gali doonto maamulka Garoonka , waxana horey u jirtey shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka oo la yiraahdo SKA oo maamuleysay Garoonka Muqdisho saddexdii sano ee lasoo dhaafey.

Shirkadii SKA oo iyadu sida muuqata meesha ka baxdey ayaan la ogeyn sababta maamulka garoonka looga wareejiyey iyadoona aan lagu faahfaahin warka kasoo baxay kulankii golaha wasiirada isbedelka maamulka ee Garoonka Muqdisho loogu wareejiyey shirkada cusub ee Turkiga laga leeyahay, taasi oo meesha ka saartey shirkadii hore ee SKA.

Marka laga soo tago la wareegida shirkadan ee Maamulka Garoonka waxay qeyb ka noqoneysaa mashaariicda Dowlada Turki-gu mudooyinkii u danbeyey ka fulineysay Gobolka Banaadir gaar ahaan Muqdisho.

Dowlada Turki-ga ayaa horey u shaacisey inay mashaariic ka fulineyso guud ahaan Somalia , balse markii danbe ay kusoo koobtey fulinta mashaariicdeeda Magaalada Muqdisho oo kaliya, mana jirto faahfaahin sugan oo ay Dowlada Turki-gu kaga hadleyso isbedelka ku yimid balan qaadyadii ay horey u sheegtey.

Shirkadan cusub ee la wareegeysa maamulka Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegmeysa xilli uu garoonka ka jiro burbur iyo baahiyo kala duwan oo soo gaarey ka dib markii ay burburtey Dowladii Kacaanka Soomaaliyeed Ee Jaale Siyaad Bare.

Puntlandpost.com
Muqdisho.

Hargeysa: Somaliland oo diidey in Xafiiska UNSOM laga furo Deegaanadeeda,Warbixin).

$
0
0

Hargeysa: (pp)-Maamulka Somaliland ayaa shaaciyey inay diideen furitaanka xafiiska siyaasada Somalia ee Qaramada Midoobey UNSOM oo laga furo deegaanada Somaliland, ka dib kulan ay wada yeesheen Madaxda Somaliland iyo Ergeyga gaarka ah ee QM Somaliya Nicolas Kay oo maanta Hargeysa tagey.

Shir jaraa,iid oo uu caawa magaalada Hargeysa ku qabtey Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ayuu ku sheegey in xukuumada Somaliland ganafka ku dhufatey qorshe uu ku doonayey Nicolas Kay in uu xafiiska UNSOM laga furo magaalada Hargeysa oo ay ku tilmaamtey xukuumada Somaliland inuu yahay qorshahaasi mid ka hor  imaanaya Madax banaanida iyo gooni isu taaga Maamulka  Somaliland.

2Wasiirku waxa uu sheegey in Ergayga Xoghayaha guud ee Qarrammadda Midoobay u qaabilsan Somalia Mr. Nicholas Kay socdaalkiisii ugu horeeyay ee uu ku tagay Somaliland uu kulamo kula yeeshey Hargeysa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo Xubno ka mid ah golaha wasiirada.

Maxamed Cabdilaahi Cumar Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland waxa uu intaas ku darey inay Somaliland diyaar u tahay in Qaramada Midoobey ay kala shaqeynayso howlaha la xiriira mashaariicda iyo gargaarka sida hay,addaha UNDP iyo UN-ka kuwooda taageera Waxbarashada iyo caafimaadka,laakiinse aysan suurto galan ahayn in xafiis siyaasadeed oo Somalia arimihiisu quseeyaan oo laga furo Somaliland.

“Ka dib markii aanu Xukuumad ahaan daraasad ku samaynay ee aanu si balaaranu eegnay waajibaadka shaqo ee xafiiskan cusub ee berigii hore la o dhan jiray UNPOS iminkana loo bixiyay UNSOM, waxaanu u arkaynaa inuu iskugu jiro laba nooc ama shaqo oo la isku biiriyay, midi wuxuu ahaa shaqadii Ha’yadaha jimciyadda quruumaha ka dhaxeysa ay wadeen ee ku wajahnaa arrimaha aadaminimo iyo horumarinta ee ay ka mid ahaayeen Ha’yadaha UNDP, WHO iyo kuwa kale ee mucaawimadda iyo horumarka bixiya” ayuu yiri Wasiirka oo intaas ku darey.

“Waxaanu dawlad ahaan go’aan ku qaadanay inaan xafiiska xaga siyaasadda ee qarramadda Midoobay ee UNSOM aan laga furin Somaliland, wuxuuna sii balaarinayaa xafiiskaas awooda dawladda Federaalka Soomaaliya, waxayna taasi ka hor imaaneysaa Madax banaanida Somaliland iyo Dastuurka Qarankayaga, Sidaasna waxaanu ku war-gelinay Ergayga gaarka ah ee Qarramadda Midoobay ee maanta noo yimid,”ayuu carabta ku dhuftey W,Arrimaha dibadda Somaliland.

Ergeyga gaarka ah ee QM ee dhawaan loo soo magaacabay Somalia ayaa madax ka noqonaya howlaha uu qaban doono xafiiska UNSOM oo isagu bedelay howlihii u horey u qaban jirey xafiiskii hore ee UNPOS ee uu madaxd ka ahaa Ergeygii hore ee Somalia Augstine Mahiga.

Waxaana diidmada Somaliland ee Xafiiska UNSOM baal cusub u fureysa howl galkii xafiiskan cusub ee ku wajahnaa dalka Somalia,waxaana suurto gal ah in diidmadan ay dib uga wada xaajoon doonaan saraakiisha QM oo sida la sheegayo ku howlan shir ay kaga arrinsan doonaan sida ugu fudud ee ay u wajihi doonaan qorshaha siyaasadeed ee cusub UN-ku doonayo inuu ku wajaho Siyaasada Somalia .

1Tan iyo markii Somaaliya ay ka baxday KMG-nimada maamulka Somalialnd waxaa fuulay cadaadis siyaasadeed,waxana dhawr jeer ay ka hor yimaadeen qorshayaal DF Somalia ku talaabsatey sida la wareegidda canshuurta hawada Somalia,Aqoonsigii Dowlada Maraykanka iyo ka qaadistii Xayiraadii hubka ee Somalia.

Waxaana Bil ka hor Somaliland xayiraad ku soo rogtay duulimaadyada QM ee Somaliland tegi jiray,taas oo sida la arkayey qeyb ka ahayd walaaca Somaliland ka qabto fursadaha la siinayey Dowlada uu hogaaminayo Xasan Shiikh Maxamud.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Hargeysa.

Dhacdo ugub ah oo ka dhacday Nairobi , maxayse ku kala duwan yihiin Muqdisho iyo Kismaayo (Warbixin+Video)

$
0
0

Waxaa shalay ka dhacay magaalada Nairobi kulan lagu sheegay inuu Caalami yahay oo ay ka qayb galeen Safaaradaha shisheeye iyo ururo kale oo Caalami ah oo aan la aqoon cida ay wakiilka ka yihiin isla markaana ay goob ahaayeen kooxo dhan ah oo matalayey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay arrimaha Jubbooyinka , waxaana culayska kulankaas lagu saaray wax loogu yeeray sida maamul kumeel gaar ah loogu samayn karo deegaanka Jubbooyinka.

Yuusuf Garaad

Yuusuf Garaad oo ka mid ah qaswadeyaasha Jubbooyinka loo wakiishay, Cajiib….!!!

Kooxda meesha fadhiday oo aysan jirin cid ku qabta Kalsooni isla markaana shirkaas ay ka soo muuqdeen kuwii ragii soomaaiya u diiday Fadhiga oo ay ka mid ahaayeen Yuusuf Garaad, Guure iyo kuwa kale ayaa aragti ay wateen kulankaas lagu qaadaa dhigay.

Bal nala eega sida ay u hadlayaan kuwa sheegtay inay baarlamaanka Federaalka yihiin oo shirqoolaya sharciga Federaalka ee Soomaaliya , oo Waxay Yiraahdeen Baydhabo, Beledweyne, Sh/dhrexe , maamul ku meel-gaar ah ayaan laga sameeyey , Muqdisho wey ka boodeen oo waxay Muqdisho u sharciyeynayaan guryaha iyo hantidii shacabka soomaaliyeed iyo inaan laga hadlin in maamul kumeel-gaar ah oo Soomaali oo dhan u dhan tahay in laga sameeyo  Muqdisho , ileyn kuma dhacaane??? oo hadana waxay yirhaadeen indho-adaygooda Kismaayo iyo Jubbaland maxay kaga duwan tahay gobolada kale ?? anagaa u sheegaynee Kismaayo waa meeshii labaad ee laga xasuuqay shacabka Daarood , mar danbena ogolaan mayno dhibkii na soo gaaray in mardanbe uu na soo gaaro, mana nihin kuwa wax loo yeeriyo oo lacagaha lagu laaluusho , ama dhulbalaarsiga doonaya ee waxaan ku kala baxaynaa Sharciga aan ku heshiinay.

Waxyaalaha shacabka  Jubbooyinka ka yaabiyey ayaa ah , sababta Jubbaland oo shacabkoodii ay dhisteen ,  oo khilaaf la’aan u dhistay maamulkooda waxa loo diiday  yahay in la taageero  ???, Jubbaland state  dadka degan iyo in ka badan  ayaa degenaa gobolkii Banaadir iyo caasimadii Soomaaliya oo Soomaali oo dhan ay wada degenayd, maxaa maamul loo dhan yahay loogu samaywaayey??? , maxaaase Jubbaland ka dhigay mid muran gasha oo Muqdisho gelin waayey oo ahayd Caasimadii Soomaaiyeed oo Soomali oo dhan u dhaxaysay??? Orgiga baroorta ka weyn ee Soomaalia,  Soomaali baa isla leh ee Neefka aan wada qalano anagoo hal meel wax ka eegayna , hadayse noqoto Magaalada Muqdisho Hawiyaa yeeshay , sow ma tegayso Kismaayana Daarood baa yeeshay oo ileyn sheekadu waxay tagtay meesha aan kaaga batay ayaan kaaga xoog badnahay ama meesha aan baadiyaheeda deganahay ayaan kaaga badanay….!!

Kismaayo , Jubbaland waxay yeeli kartaa in maamul kumeelgaar ah  loo sameeyo , markii Muqdisho ay Caasimadii ah ay dowladu ay ka samayso maamul kumeel-gaar ah  oo shacabkii Soomaaliyeed u dhan yihiin , waa aqbali karaan  markaas shacabka  Jubbaland, weliba Jubbaland shacabkeeda wax dhib ah kama dhaxeeyaan , waana is ogolyihiin sida hada ay u dhisteen Maamul ayey wixii kalena u dhamaysanayaan inshaa’alah, Laakiin Muqdisho oo muraayadii dalka ahayd , oo caasimadii dalka ahayd reer baa dhaxlaya oo hadana Kismaayo iyo Jubbaland ka hadlaya shacabka Jubbaland ma qaadan karaan , mana laga dhaadhicin karo.

Soomaali maanta Xisaabtan baa horyaala , qof walba oo Soomaaliyeedna indhihiisa ayaa furan , waxaan kulinaynaa in Xasan Culusow uu saxaa qaladkiisaa  iyo kuwa la aragtida ah , laakiin khalad baan dhex fadhiyaa , Caasimadii baan qabiil ku haystaa, deegaanadii kale ee Soomaaliyeed baan ka hadlayaa wax la aqbali karo maaha maanta iyo beri toona.

Hadaan shacabka Jubbooyinka nahay indheheena waa soo jeedaan , Waxaase meesha Taagan Xasan Sheekh inuu reerihiisa yiraahdo Muqdisho Reer baa leh oo hantidii umada waa ku haysanayaan oo afkiisa ka maqalnay , qabiiladii Hawiyena Xamar iyagaa qaybsaday , taas lama yeelayo ,mana la aqbali doono, waxaan taas bedelkeeda leenahay  ka soo bilow Muqdisho oo Neefka aan kuwa qalano, kaddib-na Jubbaland waa la yeelayaa , laakiin reer Jubbaland ayaa deegaankooda ka hadlayaa  ,  Muqdishana kama hadlayo, taas mid ay shacabka Soomaaliyeed ee Reer Jubbaland ay aqbalayaan maaha, kii fakirkaas qabow, fakirkaasi  waa si qarow ayuu ku yimi , iska ilow oo Muqdisho iiga soo bilow sheekada., saan kuu arko inaan cadaalad tahay….!!!

Waxaan Su’aal uga soo jeedinayaa halkan,  kuwa ay ka mid yihiin Guure, Xuseen Carab Ciise, Xoosh , dhammaantiin  Xamar baad Joogtaane, maxaad wanaaga iyo Maamulka loo dhan yahay oo soomaali ku qanacsan tahay ugu samayn weydeen Muqdisho ??? hadaad ka hadlaysaan Sharci iyo Cadaalad,  marka aad leedihiin Jubbaland waxay u baahan tahay in maamul loo dhan yahay loo sameeyo???? Maxaa Muqdisho hortaagan inaaad ka hadashaan oo maamul kumeelgaar ah looga dhisi waayey?? Timir laf baa ku jirta ee timirta Lafteeda aan wada bixino.

Su’aashaas mid la mid ah waxaan weydiinayaa shacabkeyga reer Jubbaland ee Weerarka qaawan lagu wado , loona baahan yahay in ka hortagaan kuwa diidan kana soo horjeeda mustaqbalkooda iyo jiritaankooda.

Ururka Badbaadada iyo Horrumarinta Jubbaland State

kala xiriir: badbaadohorrumarin@gmail.com.

Daabacaadda: Puntlandpost.com

Press Release: The Jubbaland State Government welcomes the UN Security Council Press Statement of June 13, 2013

$
0
0

The Jubbaland State Government welcomes the UN Security Council Press Statement of June 13, 2013 and supports its provisions that “all parties to refrain from any action which may threaten the peace and stability of the Juba regions” and to “engage in dialogue in a constructive manner to achieve a peaceful resolution to the current crisis and to alleviate the dire humanitarian situation”.

JubbalandlogoIt is well known to all Somalis and the international community that the Somali Federal Government (SFG) is responsible for the recent disturbance to the peace and stability of Jubbaland through openly financing and inciting conflict which was carried out by SFG Ministers and senior military officials who visited Kismayo on a number of occasions. The Jubbaland State urges the SFG to desist and refrain from further destabilization actions against the State Government and people of Jubbaland, and takes this opportunity remind the SFG of the tremendous cost of the painstaking gains made against Al-Shabaab terrorism.

Following the recent fighting in Kismayo, the Jubbaland State Government undertook extensive campaign of stabilization, peace awareness creation and local reconciliation. Fortunately, the situation of Kismayo in particular and Jubbaland in general is now calm despite the continued and combined warfare of the Al-shabaab and the SFG against the people and State Government of Jubbland.

The Jubbaland State Government assures the people of Somalia, UN Security Council, IGAD, UNSOM and the international community that it will do all in its power to promote peace and stability in Jubbaland and in Somalia as a whole. With regard to alleviating the humanitarian crisis, the Jubbaland State Government wishes to emphasize the urgency of this issue, to assure humanitarian actors that the situation is now stable, and stands ready to extend all facilitation required.

The Jubbaland State Government is ready for peace and cooperation dialogue with the SFG through fair and just mediation of IGAD in a neutral venue with a conducive environment for peaceful dialogue. It should be noted, however, that this conflict is not only between the Jubbaland State Government and the SFG. It is a larger, more serious constitutional and governance conflict between the Centre and the Regions of Somalia i.e. the SFG, on one side, and all the Regional entities (Puntland, Somaliland, Jubbaland, Northwest, Hiiran and Central regions etc) and it requires the urgent benevolent and neutral mediation of all Somalis and the international community.

The President of Jubbaland State of Somalia has formed a committee to investigate recent Kismayo disturbance of June 07 – 08, 2013 where innocent lives and properties were lost. Once again, Jubbaland State of Somalia confirms its commitment to IGAD and UN resolutions and hopes the SFG will practically and sincerely commit to respect IGAD and UN resolutions as
well.

Source: Jubbaland State Government

 

Viewing all 22743 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>