Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all 23204 articles
Browse latest View live

Garoowe: Baarlamaanka Puntland oo ka doodaya Qaabka lagu soo xulayo baarlamaanka Cusub (Warbixin)

$
0
0

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ka dooday Lifaaq ay soo diyaariyeen guddiga shuruucda ee baarlamaaanka Puntland, lifaaqaas oo qoraya qaabla loo soo dooranayo baarlamaanka danbe ee uu yeelanayso Puntland, maadaama la baajiyey doorashooyinkii golayaasha deegaanka Puntland.

Baarlamaanka Puntland oo ka dooday qaabka loo soo dooranayo Baarlamaanka Cusub

Baarlamaanka Puntland oo ka dooday qaabka loo soo dooranayo Baarlamaanka Cusub

Lifaaqaas ka doodidiisa ayaa qaadanaya maanta iyo Beri, kaddibna lagu ansaxin doonaa qaabka lagu soo dooranayo baarlamaanka cusub ee Puntland.

Waxay u badan tahay in baarlamaanka uu dib u ansaciyo in qaabkii hore ee qabiilka lagu soo dooranayo baarlamaanka cusub ee Puntland, kaas oo dooran doona madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa.

Wararka ay soo xiganayso Puntlandpost ayaa sheegaya in maanta aad looga dooday Lifaaqaas uuna jiray fikiro kala duwan oo laga bixiyey qaabka xulashada baarlamaanka cusub lagu soo dooranayo , kaas oo aan saxaafada loo soo bandhigin.

 

Puntlandpost, Garoowe.

 


Caqli weyne Taalo haloo dhiso !!!

$
0
0

Horta Caqliweynow (Caqliweyne waa Abukar Awale – Qaad Diid. Magacyo kale oo badan baan bixiyey. Caqliweyne waxaan u qoondeeyey Abukar Awale, Markaan ogaadey Halganka uu ku jiro, dadka uu kula jiro & dadka uu ugu jiro. Waxaanse u hibeeyey isagoo halgankaa dheer wali ku jira, oon gaadhin guusha uu manta soo hooyey) http://www.raxanreeb.com/2013/06/nimankan-wax-la-isu-saar-anigana-sahal-wax-la-ii-saar-wq-ahmed-a-ali/

 

Abuukar Cawaale(qaad-diid)

Abuukar Cawaale(qaad-diid)

guushan aad manta soo hoysey waan kuugu hambalyeynayaa. Waanan kaaga mahad celinayaa , ilaaheyna waxaan kaaga baryayaa inuu kaa abaal mariyo. Mar toos laguula soo xidhiidhayey, TV ga Somali Chanel ayaan damcay in aan hawwada kuu soo mariyo Hambalyo & Bogaadin, waanse ku dhici kari waayey. Waxaan xaqiiqsaday in aanan xakameyn kareynin dareenkayga waqtigaa, oonan hadliba kareynin in aan farxad la ooyo mooyee. Sida aad u dareemeyso dhibaatada & waalidhaqanka qaadku leeyahay ayaan kuula dareemayaa.

Xilligaan soo kacayey, aniga iyo dhalintii aynigeyga ahayd, badi intayadii wax baranaysay HAL baanu ka sinnayn meel kasta oo aanu gayiga Soomaalida kaga nooleyn. Waxaanu ka sinnayn oonu ku taami jirney in aanu mar uun ku biirno saraakiishii ciidamadii qalabka sidey ee dalku lahaa oo ay ku jiraan golihii sare ee kacaanku.

Waxaa (Role model) wax ku dayasho mudan noo ahaa, saraakiishii markaa ciidanku lahaa. Waa intaaney Qaadka wada baran. Waa intaan wali qadhaadhku wada gaadhin. Waa intaan wali xarku galin. Waa intaan aqoontii abtirsiimadu badalin. Waa intaaney kuwii uulada la wada qoray kala qaloonin. Waa intaan kuwii weel wax ku wada cuni jirey kala baqin. Waa intaan kuwii laba sariirood oo is bar-bar yaala kala seexan jirey kala irdhoobin. Waa intaan Alifle Gass soo ifbixin. Waa intaanuu wali kala daadan. Waa intaanuu qolo-qolo u qaybsamin. Waa intaan dantu mid walba aqalkii hooyadii u wajaafin. Waa intaaney shaadhadh kale soo wada gashanin. Waa intaaney sheydaan wada noqonin. Waa intaaney shisheeye u wada shaqaynin. Waa Intaaney qabqable dagaal darajo wada moodin. Waa intaaney hogaamiye kooxeed wada hungureynin. Waa intaan qaarba meel shacabkoodii ku dubanin. Waa intaan shaki ka galin, bari waxay ahaan jireen.

Wixii rag u kaco, Dumarkuna ku raacaan
Rabbina aqbalo, waa rumoobaan.
Caqliweyne Abukar Awale (Qaad diid). 2013

Caqliweynow maantana soomaali dhamaanteed, Adigaa (Role Model) u ah. Adigaa ku dayasho mudan. Adigaa qaadka diidey dulleeya kii cuna. Adigaa daweeyey waali dhaqankiisii. Adigaa is xilqaamay oo gaadhay go’aan adag. Adigaa dadaaley oo u daneeyeey dadkaaka. Adigaa uga digey daamirigey daldalaayeen. Adigaa u daalay oo u dibjirey danahooda. Adigaan doolar dalban iyo dahab toona. Adigaan odhan dan guud baan wadaaye ha la soo diro duunyo. Adigaa David Cameroon iyo la dooday dawladiisa. Adigaa dibadda dhigay kuwii dhiiga dadkaaga durduuran jirey. Adigaan dan ka galin dibindaabyo iyo docwareen toona. Adigey kugu diirsadeen dumarkii iyo carruurtuu qaadku duleeyey. Adigey kugu daaleen kuwii ka daneysan jirey. Adigaa dajiyey dayuuradahay ku daabulayeen. Adigaa dantey Kenya ka lahayd dabool ka saarey. Adigaa dawladeenii yidhi: igu dayoo danaha guud u dadaala. Adigaa tusay in Kenya lala doodi karo. Adigaa tusay in suntey la wareegayaan laga daadin karo. Adigaa tusey hadey naga deyn waayaan in lala diriri karo.

Caqliweyne Abukar Awale, waxaad mudantahay in ruux kasta oo damiir lihi oo dareemi karaya fikradaada uu ku xuso. Kuu hiiliyo. Ku taageero. Kuu hambalyeeyo. Kuna bogaadiyo. sadaradan waxaan u qorayaa, hadaan taageeradii af & adinba gabay in aan qoraal dareenkayga iyo taagaaradayda hawsha aad ku jirto aan ku muujiyo.

Dr. Martin Luther King oo ahaa halgamaagii xuquuqda aadanah, sinaanta iyo dabargoynta midab takoorka maraykanka ayaa maalin ay taariikhdu ahayd 28.Aug.1963 waxaa halkii uu

Ka hadlayey isugu yimid mar qudha dad kor u dhaafay 250,000. Waxaa lagu wareeray oo lagarankariwaayey siday ku dhacdey in dad intaa tiro le’eg, ay mar qudha, meel qudha, waqti qudha isugu yimaadaan iyadoo aanay jirin wax lagu wada xidhiidhaa sida SMS, Facebook, Twitter iyo Internet toona. Aaladahaas oo aynu ugnahay doorka ay manta ka ciyaarayaan isu soo baxyada sida kuwa Beerta Xorriyadda ee Qaahira. Khudbaddaa Dr. King ee halkudhageedu ahaa: Waan Riyooday (I have a dream) waxay isugu yimaadeen dadkaa faraha badani oo waliba ka kala yimid meelo badan oo aad uga fogaa magaalada Washington oo ay usoo raceen dayuurado, Basas, qaar kalena Tareeno waxay ahayd oo qudha: Inay dhamaantood dareemeen fikirkii iyo wixii uu dareensanaa Dr. King. Markuu la hadlayo dadka ma odhan jirin: Waxaan rabaa. Ee wuxuu odhan jirey: Waxaan aaminsanahay.Waxaan dareensanahay. Sidaasaa dadkii aaminsanaa wuxuu aaminsanaa ugu yimaadeen. Ugumey iman iney isaga jeclaayeen. Waxay ugu yimaadeen, iyagoo dareemay wuxuu dareensanaa. Waliba, dadkaa kor u dhaafayey, Rubuc Malyuunka, waxay 25% ahaayeen dad caddaan ah. Waxaan aaminsanahay in dadka dareemi kara waxaad dareensantahay aanay ku koobnayn Soomaalida. Waxaa kuugu daliil ah dadka qaatay go’aanka mamnuucidda Qaadka (UK) iyo kuwii kale ee ku soo bogaadinayey, haba u badnaadeen dumarka eh inay dareemeen waxaad dareensantahay. Aamineenna waxaad aaminsantahay. Dadka dibindaabyada iyo weeraka kugu hayey ama kugu hayn doona Soomaali kuma koobna. Waxaa igu maqaala ah, in dad Carab ahi lahaayeen: Eesh haadaa Soomaali?. Majnuun huwa?, Eesh yakhusu? Haadaa mush shuqlahu, iyo wax la mid ah.

Ha daalin. Soomaali baad tahay Soomaali dabar Xoog badan oo ku duuduubnaa ka goyey. Soomaali waxaan leeyahay, wuu mudanyahay eh, Caqliweyne Taalo ha loo dhiso. Ha lagu daydee Meelo muhiima, sida iskuulada, dhakhtarada, Hay’adaha iyo Beeraha xoriyadda ha lagu magacaabo.

Waa la arki doonaa ninkaan dhiman ubadkaaga iyo ubadkiisa oo ku faanaya halgankaa aad ku jirto maanta Caqlieynow.

Mahadsanidin;

W/Q: Ahmed A. Ali

E-mail: ahmedqadhabo@gmail.com

 

Ku dalxiis dalkaaga hooyo, kaalay soo baro bilicda xeebta Garacad, kana geyso Gacan Dhismaheeda(Daawo Video)

$
0
0

Gobolada Puntland waxay leeyihiin xeebta ugu dheer marka loo eego gobolada kale ee soomaaliya xeebta Garacad ee Gobolka mudug na waxay ka mid tahay meelaha ugu quruxda badan xeebta dheer ee deegaanada Puntland.

Garacad22

Ku soo dalxiis xeebta Garacad xiliga xagaaga, deegaanka Garacad wuxuu kale oo uu caan ku yahay Ugaar aad u fara badan oo aad indhahaaga u soo jiidanaysa, Sidoo kale waxaan gacmo furan ku soo dhawaynaynaa cidkasta oo danaynaysa in ay maalgalin ku samayso.

Waxaad halkaan ka daalacan kartaa oo kale sida wanaagsan ee u soo socda hirgelinta Wadada Wadaagsin oo mustaqbalka illaahay idinkiis la rajaynayo in lagu guulaysto.

Daawo baaqa iyo Horrumarinta Wadada Wadaagsin

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Tigey oo soo dabtay  Kaluunka Xeebta Garacad

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Tigey oo soo dabtay Kaluunka Xeebta Garacad

Abdirisaaq A Hassan

Puntlandpost.com

Garoowe: Puntland oo doorashada ku gelaysa qaabkii hab beeleedka (Warbixin)

$
0
0

Garoowe: (pp).  Baarlamaanka Puntland oo shalay iyo maanta ka doodayey habka loo soo xulayo baarlamaanka cusub  ayaa maanta si guud isugu raacay in baarlamaanka cusub loo soo xulayo  sidii hore oo qaab beeleedka, Waxaa kale oo ay sheegeen in xukuumada soo socota loo dooranayo qaabkii hore mid mid ah.

Baarlamaanka Puntland oo ka dooday qaabka loo soo dooranayo Baarlamaanka Cusub

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey qaabka loo soo dooranayo Baarlamaanka Cusub

ka hadalka habka loo soo xulayo baarlamaanka cusub iyo ka doodidiisa  ayaa imaanaysaa kaddib markii dowlada Puntland ay baajisay doorashooyinkii golayaasha deegaanka, kaddib markii qaab nabadeed ay howshaas u soconweysay.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Mudane C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa baarlamaanka ka sheegay in la isku raacay in qaabkii hore lagu soo xulayo Baarlamaanka Cusub, wuxuuna intaas ku daray in dowlada cusub ee dalka hogaamin doonto ay meeshaas ka sii wadayso sii wadadida barnaamijka xisbiyada badan.

Puntlandpost, Garoowe

Garowe: Puntland oo sheegtey in la helay qof uu ku dhacay Cudurka Dabaysha.

$
0
0

Garowe: (pp)- Wasiirka Caafimaadka ee Puntland Dr: Cali Cabdulaahi Warsame oo maanta saxafadda shir jaraa’id ugu qabtey xafiiskiisa ayaa sheegaya in qof qaba cudurka Dabaysha lagu arkey magaaladda Laas-caanood ee gobolka Sool,kaas oo ka mid ah 79 qof oo sanadka cudurka Dabaysha laga heley guud ahaan dalka Soomaaliya.

Dr Cali waxa uu uga digay shacabka reer Puntland Cudurka Dabaysha oo uu sheegay in uu Puntland kusoo durkey 130 Km,waxaana uu ugu baaqaya shacabka reer Puntland in ay ka faa’idaystaan talaalka Cudurka Booliyadda oo ay fulinayaan kooxo wasaaradda Caafimaadka Puntland u tababartey sidii ay bulshada uga talaali lahaayeen.

Cudurka Dabaysha oo ka mid ah cudur aan lahayn daawo ayaa khatartiisu sii kordhi kartaa hadii aanan dadku sameyn ka hor tag lagu xakameynayo fiditaankiisa,iyadoona mudooyinkii u danbeeyey wasaarada caafimaadka Puntland ay wadey da’daal xoogan oo ay bulshada ku gaarsiineyso talaalka dabaysha iyo wacyi galino ku saabsan sidii aan looga hor imaan lahayn qaadashada talaalka.

Puntlandpost.com
Garoowe.

Maxay kula tahay Puntland 15 sano kaddib (Jawaabo- Qaybtii Sadexaad)

$
0
0

Waxaan weli wadnaa aragtida shacabka Puntland ee ku aadan su’aasha ah Maxay kula tahay Puntland 15 sano kaddib, waxaana muwaadiniinta qaarkood uga soo jawaabeen sidan iyagoo yaaban qaarkood sida ay wax u dhaceen. Wuxuuna ku jawaabay Muwaadin C/laahi F. Elmi

Tallo: Hadaad soo diraysid Ra’yi qaabkan raac

———————————————————————————————————————–

Marka hore waxaan halkan aan uga soo gudbinayaa salaam iyo hanbalyo , go,aanka geesinimo ee uu ka qaatey arintii doorashooyinka degaanka mudane cabduraxmaan sheikh maxe,d. waana mid taariikhdiisa baal dahaba ka gelin doonta.marka xiga isma lahayn weligey dad punland u dhashey oo weliba sheeganaya siyaasiyiin , iyo nabadoono ,ayaa iyagu sabab u noqonaya xasuuqa intaa le,eg ee loo geystey shacab iyo ciideanba.

isku soo wada duub waxaynu hor,umar siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba gaari doonaa markii siyaasiyiinteenu , waxgaradkeenu, isimadiinu aqoonyahankeenu , shacabkeenu u bislaadaan gartaana waxa ay tahay dimoqoraadiyada .

Abdullahi F. Elmi
Saudi – Arabiya
RIYAD

———————————————————————————————————————–

Cumar Axmed ayaa isaga ra’yogiisa ku bilaabay sidan:

Waxaan marka Hore ka xumahay dhiiga ku daatay doorashooyinkii la rabay inay ka dhacaan Puntland. Waxaa ceeb iyo fool xumo ah In naf qof walaalkaa ah lagu gooyo si cayaar ciyaar ah. Waxay ila tahay dawlada hada talada haysa uun baa xal waara gaari karta haday latashato dadka reer Puntland.Taariikhda marna waxbaa laga bartaa, marna ayadaa wax ku barta. Marka wax laga barto waa marka dhibatooyinkii dhacay larabo in la’ogaado si’aysan mardanbe u dhicin, marka ay wax ku bartana waa marka aad ka faa’iidan wayso dhibaatadii kugu dhacyday.

Sidaa awgeed waxaa aniga ila gudboon in labo uun mid layeelo.1. In talada loo daayo oday dhaqameedyadii awalba u’ahaa asalka xalinta khilaafaad gobalada Puntland.2. in gudi ka madaxbanaan dawlada iyo mucaaradka oo culimo awdiin iyo aqoon yahano ah oo ka yimaada gobalada Puntland, tiradooduna isu dheeli tiran tahay inay soo xulaan madaxweyne iyo ku xigeengiisa. Baarlamaankana lagu soo xulo sidii awalba ay ahaan jirtay oo ah in qabiiladu soo magaacaabaan, balse shuruud looga dhigo inay yihiin dad aqoontoodu sareyso.

Hadii lagu fiirsado talada mucaaradka iyo dawlada wax aan dhibaato ahayn ma soo saa’idinayso. Waxaa loo baa han yahay samir, isu tunaasil, iyo in meel dheeer wax laga wada fiirsho. Khasaaro aan laga soo kabsan karin baa ka dhalanaya hadii lala kala safto mucaaradka iyo dawlada, sidii tii ka dhacday C/llahi Yusuf iyo Jaamac Ali Jaamac. Waana in loo sheegaa mucaaradka iyo dawlada inaan la’o qalaan Karin in hal qof oo danbe uu ku dhinto Puntland.

Omar Ahmed- Seattle, WA, U.S.A

Inshaa’alah qayb qayb ayaan usoo daynaynaa ra’yiga dadweynaha

Tallo: Hadaad soo diraysid Ra’yi qaabkan raac

Faallo: Baarlamaanka Dhaxal-tooyada Puntland !

$
0
0

KL: (pp)- Dhisidda Puntland wuxuu ahaa hindise kayimid dadka u dhashay Gobollada Bari, Sanaag, Sool, Mudug,Nugaal, iyo Degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, dhammaan shantaan gobol iyo degmadaasi waxay ka tirsan yihiin 18 kii Gobol ee Soomaaliya,Shirar kala dambeeyey oo ay yeesheen Isimadda,Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada waxaa lagaga shawrayey hindisaha ah in la sameeyo Maamul,ujeedooyinkiisu ay ahayd: In ammaan la kala helo oo dadkan wada dhashay ay kala badbaadaan lana jiheeyo dhallinyarada qoryaha wadata ee aan waxba baran iyo kuwa hubaysan ee Jabahadii SSDF iyo Maleeshiyo Beeleedyadii kale Iyo in Soomaaliya laysku baadi doono oo ay noqoto kob Soomaali usoo hirato lana raadiyo dawladnimo Soomaaliyeed.

Calanka Puntland

Calanka Puntland

Sida laga barto waayaha, dhib shalay ku haystay oo aad xal u hesho ayaa horseeda hormar waxaana saa’ida ilbaxnimada,Haddii walwalku shalay ahaa halakala ammaan helo oo aan maamul samaysano,maanta walwalku waa aan hormar gaarno, ruux walba fikir haku yeesho cidda matalaysa ee magiciisa ku hadlaysa, waxayna taasi kor u qaadaysaa sumcadda iyo jiritaanka muwaadinka waana heerka u sareeya ee ruux gaaro kolka la’eegayo isxukunka dadka “Democraziation”.

Qaar ka mid ah Issimada-Puntland

Qaar ka mid ah Issimada-Puntland

Kadib tashiyo farabadan iyo gudiyo loo xilsaaray dhisidda Maamulka Puntland waxay garashadu dhaafi wayday in la sameeyo Baarlamaan laguna soo doorto hab beeleed, waxaana lagu jaan gooyey tirada guud ee xildhibaanada 66 kursi oo qura,Waxaa kaloo laysla gartay in xildhibaanada ay soo xulaan Isimada beelaha.Xubnihii kolkaas loo xulay inay wakiil ka noqdaan shacabka waxay u badnaayeen,odayaal aan lagu xulan aqoon maamul iyo mid cilmi kale ee waxay ahayd yaa 54aad (Xeradii Shirku kocday ee ku taal Groowe) joogay oo reerka matala.

Qoraaga Faallada Abdikadir Dooy

Qoraaga Faallada Abdikadir Dooy

Sideed sano kadib (2004tii) ayaa waxaa dhamaaday cimrigii loogu tala galay Baarlamaanka Puntland waxaana loo baahday in lasoo xulo xildhibaano, waxaa dib loogu laabtay Isimadii Beelaha waxayna soo xuleen xidhibaano u badan dadkii ay horay usoo xuleen sanadkii 1998kii , waxaa kol kale soo laabtay xubno badan oo aan buuxin Karin shuruudaha xildhibaanimada ee dhanka cilmiga mamulka maadaama shardiga qura ee lagu xiray markii lasoo xulayey u ahaa inuu Beesha ka dhashay uuna so diray Isimkii saxda ahaa.

Sidoo kale (2008) Xildhibaanadii lasoo xulay waxay noqdeen kuwo soo seddex noqday amase labo noqday, waxay taasi curyaamisay heerkii waxqabad ee laga filayey golaha Baarlamaanka, waxay noqdeen dad aan fahansanayn masuuliyadda saran iyo waxa ay uga gola fadhiyaan dadka ay matalaan,waxay noqdeen kuwo u kala tartama madaxtooyada taasne way sii marin habaabisay.

Hoolka Baarlamanka Dowlada Puntland

Hoolka Baarlamanka Dowlada Puntland

Mudadii 15ka sano ahayd ee Aqalka Baarlamaanka Puntland dhisnaa ma jirin wax weyn oo iska badalay wajiyadii soo fadhiyey, waxaa isbadalay oo qura Mudanayaashii dhintay oo wiilashooda lagu badalay,taas macnaheedu waxa weeye inaan la fahansanayn muhiimada xildhibaanimada ee loo joogo oo qura in laga helo masaariifta reeraha.

Afar xukuumadood kadib dadka reer Puntland waxay filayeen inay cododkooda dhiibtaan oo ay soo doortaan xildhibaano si dhab ah u matala, Golahana laga daayo gole dhaxaltooyo loona badalo gole si dimuqraadi ah ku yimaada. Ciddii doonta dhaliisha ha yeelatee ma suurta galin in shacabka fursad lasiiyo oo ay soo doortaan dadka matalaya, waxaana dib loogu laabtay Isimada Puntland si ay usoo xulaan xildhibaanadii dooran lahaa xukuumadda cusub ee la filayo sanadka cusub.

Sawirka Madaxda Puntland 15-kii sano ee jirtey.

Sawirka Madaxda Puntland 15-kii sano ee jirtey.

Inkastoo uu jiro baraarug weyn, xaaladuna ay ka xamaasad badantahay kolalkii hore, lana sameeyey urur siyaasadeedyo badan oo aqoonyahano iyo qurbo joog hoggaaminayso hadana mastaradii Isimadda ay wax ku cabiri jireen isma badalin, ma jirto cabir la isticmaalayo oo aan ka ahayn qabiilka ma kasoo jeedaa, hadii sidaas ay noqotane waxaa soo laabanaya in badan oo kamida xildhibaanadii dhaxaltooyada iyo dad badan oo hanan Karin masuuliyadda shacabka ka saran.

Talo soojeedin:

Waxaa ugu haboon in haatan Baarlamaanku meel mariyo lifaag qeexaya shuruudaha laga rabo ruuxanqonaya xildhibaanka, laguna xiro inuu haysto ugu yaraan heerka koowaad ee jaamacadda (First degree), da’diisu aysan 60 sano kaweynayn, 25 sanona ka yarayn. kama filaayo in baarlamaanka hadda joogaa ay samaynayaan midaan waayo in badan oo iminka damac soo laabasho hayo sharuudahaan ayaa reebaya.

Waxaa kaloo samayn kara shuruudahaan Guddiga Xulista Baarlamaanka ee la filaayo inay soo kala magacaabaan Xukuumadda iminka jirta iyo Musharixiinta madaxa banaan sidii caadada hayd, hadii lasoo xulo xubno aqoon ku filan leh waxay saamayn wanaagsan ku yeelanaysaa shaqada Golaha wakiilada ee ah la xisaabtanka, hagidda iyo sixidda xukuumadda.

Saadaashu waa guul.

Qore: Abdikadir Dooy
Dooy11@gmail.com.

FG: Puntlandpost waxaa qoraalka soo gaarsiiyey Qoraaga ku saxiixan oo ka mid ah Ardeyda Somaliyed gaar ahaan kuwa Puntland ee wax ka barata Jaamacadaha Dalka Malaysia fadlan kala xiriir wixii ku saabsan qoraaga ku saxiixan.

Daabacaada : Puntlandpost.com.

 

GAROWE: Puntland magaceeda ayey kaga qayb galeysaa shirka New-Deal ee Brussels

$
0
0

GAROWE(PP): Waxaa maanta si kedis ah ku soo gaaray magaalada Garoowe wafti ka socday midowga Yurub oo uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee bariga Afrika u qaabilsan midowga Yurub Nick Westcott.

Madaxweynaha Puntland  Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole ayaa aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe kula kulmay waftigaas, waxayna ka wada hadleen shirka New-Deal ee Brussels ka furmaya 16 bisha september ee sanadkan, arimaha horumarinta Puntland ee ay doonayso Puntland in midowga Yurub uu ka caawiyo iyo arimihii nidaamka xisbiyada badan ee Puntland ay dib u dhigtay.

eu

Madaxweynaha Puntland ayaa saxaafada u sheegay kulanka ka dib, in Puntland ay magaceeda kaga qaybgelayso shirka  Brussels, taas oo aan la garanayn waxa ay DF ka oran doonto, iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyey madaxweyna DF Soomaliya Xasan sheikh uu u ololeynayey in uu isagu soomaliya oo dhan u matali doono shirka.

Wafdiga ayaa isla maanta dib ugu laabta magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Hoos ka dhageyso shir saxaafadeedka Dr.Farole & Nick riix


Muqdisho: Golaha Wasiirada oo shirkoodii maanta uga dooday qodobo dhowr ah

$
0
0

Muqdisho: (pp)- Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyadoo looga dooday qodobo dhowr ah.

IMG_5450Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyntii warbixin ka dhegeystay Wasiir Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdikariin Guuleed iyo Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdixakiin Faqi kawaasoo sharaxaad ka bixiyay dadaalka ay ugu jiraan xakameynta amniga, waxayna xuseen in ay wadaan qorsheyaal ay uga hortagayaan falalka lidiga ku ah amniga magaalada iy dhamaamba gobolada dalka.

Golaha ayaa isla gartay muhiimada bixinta mushaaraadka ciidanka dawladd sida, Boliiska, Nabadsugida iyo Asluubta, oo markii ugu horeysay dawladd bilowday waxaana loo qoondeeyey mushaar dhan halkii Askari USD 160 (Boqol iyo lixdan dollar). “Talaabadan mushaar bixintu waxay kor u qaadi doonta kalsoonida ciidankeena, dawladduna waxay xil gaar ah iska saareysaa sidi ciidanku ay bil walba u heli lahaayeen mushaaraadkooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay shirka golaha, isaga oo sheegay in mushaaraadk ciidanka ay ka bixinayaan Qasnada dawlada.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale warbixin ka dhegeystay guddoomiyah Bankiga dhexe ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cadliye, isaga oo sharaxa dheer ka bixiyay qaabka maamulka lacagta soo gasha iyo mida ka baxd Bankiga dhexe, si loo muujiyo hufnaanta nidaamka Bankiga dhexe. Isaga oo golaha u cadeeyey in aaney jirin wax musuq maasuq la xariira oo ka jira Bankiga dhexe.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa meel mariyay heshiis adeeg oo dhex mara Wasaaradda Kheyraadka ee xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo shirkad lagu magacaabo FishGurad oo fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaana heshiiskan uu sahli doonaa in horumarinta kalluumeysig dalka iyo kheyraadka kale ee dalka. Waxayna shirkaddani bixin doontaa adeegyada iyo tababaro ciidanka illaalada Badda.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale meel mariyay Hindise sharciyeedka Shatig dhoofinta iyo soo dejinta (Import and Export), iyo sidoo kale sharciga sumada ganacsiga (Trade Mark), iyadoo loo gudbin doono golaha Baarlamaank si ay u ansixiyaan. Waxayna sharuucdani qeyb ka yihiin soo celint nidaamkii iyo sharciyadii dalka.

Ugu dambeyntiina, Golaha Wasiirada ayaa magacaabay Agaasinka Qaranka ee Horumarinta iyo Tayaynta Hay’addaha Dawladda (National Institutiona Capacity Development Directorate), waxaana loo magacaabay inuu madax ka noqdo Cabdi Sheekh Axmed, waxaana agaasinku uu hoos imaan doonaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Iyada oo agaasinkani uu hogaan u noqon doono Barnaamijyada horumarinta tayeynta hay’addaha Qaranka.

Puntlandpost.com

Garoowe:Talaalka Dabaysha oo maanta furmay,Sawiro.

$
0
0

Garowe:(PP)-Wasaarada caafimaadka Puntland ayaa dib maanta uga bilawday ololaha talaalka Dabaysha dhamaan deegaanada Puntland ka dib markii todobaadkan laga helay cudurkan cunuga yar oo ku nool magaalada Lascaanod ee xarunta gobolka Sool .

Shiikh Cali Cabdi Hay,adda WHO

Shiikh Cali Cabdi Hay,adda WHO

WHO ayaa qaylo dhaan ka dirtay bishii hore cudurka oo laga helay xerayaha Dhadhaab ee Kenya ka hor inta uusan ka soo ifbixin Muqdisho iyo Baydhabo.sidoo kale todobaadkan ayaa gobolka Hiraan waxa Dabaysha u dhintay ilaa 11 ruux.

Xarunta wasaarada caafimaadka Puntland ayaa lagu qabtay xaflada lagu daahfurayay talaalka Dabaysha ayna ka soo qaybgaleen Gudoonka Barlamanka ,masuuliyiinta wasaaradu ,wasiiro xukuumadda ,bahda caafimaadka ,hayadaha la shaqeeya wasaaarada sida WHO ,UNCEF iyo UNFPA.

Tallaaalka6Wasiirk Caafimaadka Puntland Dr.Cali Cabdilaahi Warsame ayaa sheegay wareega 5-aad ee tallaalka uu ka gadisan yahay kuwoo horay loo qabtay,wuxuna sheegay inay gaarsiin doonan mudada uu socda dhulka laamiga ka baxsan iyo waliba gobalada Sool iyo Sanaag.

Dadka ka shaqeynaya wareegaan ayaa lagu sheegey inay gaareyso tiradoodu ilaa 800 oo qofood,waxayna dhamaan tagi doonan goobaha loogu talo galay,Cali Cabdilaahi ayaa waalidiinta iyo culimada ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan sidii ka hortaga cudurkaasi caruurta loo gaarsiin lahaa,macdamaa cunug yar oo qaba cudurka laga helay magalada Laascaanood.

Dr.Cali Cabdi Ciise oo ah wakiilka Hay’ada WHO u qaabilsan Puntland ayaa sheegay inay lama huraan tahay inay fahmaan waalidiinta tallaalka waxa uu yahay,wuxuna sheegay 200.000 kun oo caruur ah in laga tallaalayo dabaysha,sidaasi darteedna looga baahan yahay qof kasta oo masuul ah inuu ka qayb galo.

Cabdirisaaq Cabdilaahi Xagaa oo ka socda Hay’adda UNICEF ayaa hoosta ka xariiqay inuu sii kordhayo tirada dadka uu cudurka Dabaysha soo ridanayo,wuxuna sheegay ilaa iyo shalay war bixintii ay heleen inay gaarayso ku dhowaad 83-qof oo cudurka la liita koonfurta Somaliya,taasna ay daliil u tahay buu yiri inuu kor usii socda.

9Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo dhibcihii ugu horeyay siiyo ilmo goobta ku sugnaa ayaa in badan ku dheeraaday faa’idada talaalka u leeyahay ubadka .isagoona raaciyay in dadka qaarkood ilmaha u diidaan taasina ku tilmaamay mid aan haboonayn oo ilama caafimaadkiisa wax u dhimaysa.

Muddo shan maalmood ah ayaa lagu wadaa tallaalka inuu socda,waxana intaasi sii dheer wacyi galin ay wasarada caafimaadka ugu talo galashay shacabka reer Puntland oo warbaahinta loo marinayo.

Daawo Sawirada.

2 1 10 Tallaaalka1 7 6 Tallaaalka3Puntlandpost.com

War-Murtiyeed Guud, – Gudiga Hagista Barnaamijka Domiqraadiyaynta.

$
0
0

Garowe: (pp)- Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska hagida Guddigii Doorashooyinka Puntland ee Garowe ayaa looga hadlay qodobo muhiim ah oo ku saabsan hakintii ku timid doorashooyinka goloyaasha deegaanka Puntland.

Warsaxaafadeedka oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyey xafiiska Puntlandpost Garowe ayaa u dhignaa sida tan :

War saxaafadeed.

Deeq-Bixiyayaasha caalamiga ah ee taageraya dadaalka Dimoqraadiyaynta Puntland waxay ugu baaqayaan dadka reer Puntland inaaney niyad-jebin dib-udhacii dhowaan ku yimi hanaanka doorashooyinku, taasoo ku timi baahi loo qabo badbaadinta nolosha dadka iyo nabadgelyada. Horukac badan ayaa lagaaray, khaas-ahaan Dastuurka Dawlada Puntland, waana lasii biirin karayaa.

Gudiga Hagista Dimoqraadiyada aad ayay u dhibtay rabshadii/isku-dhacii hor-galay
doorashada golayaasha deegaanka iyo dhimashadii ay sababtay. Waanu ka xunahay khaarijintii 12-kii July loo gaystay Cabdi Faarax (INXA u shaqaynayay) xubinna ka ahaa Gudiga Kormeerka Doorashooyinka iyo Cabdinasir Maxamed Cilmi oo ka mid ahaa shaqaalaha PDRC oo 23-kii July lagu dilay Gaalkacayo.

Labaduba waxay xubno ka ahaayeen Bulshada rayidka ah ee ay dhabta ka tahay hanaanka dimoqraadiyaynta Puntland, Jimicdeenu hala jirto qoysaskoodi iyo bulshadaba.

Iyadoo la hakiyay doorashooyinkii gobolada, waxaanu haddana ugu yeereynaa masuuliyiinta dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo jilayaasha siyaasadaba “dhamaantood ah ‘Jira-yaasha’ Puntland”, iney muujiyaan door wax ku-ool ah, lagu falkinayo “muwaafaqo” Hanaanka hore-loogu marinayo. Danaha mustaqbalka-dheer ee Puntland iyo Soomaaliyaba, waxa muhiim u ah in Puntland dib-uga dhabayso qorshe dhamaystiran in lagu sii wado geedi-socodka dimoqraadiyaynta xili Dawladeed ku haboon.

Dawlada hadda jirta waqtigeedu waxa uu ku egyahay 8-da Janaayo 2014, mudnaanta mustaqbalkuna waxay u baahay tahay xal siyaasi ah oo ku dhisan wada-hadal baaxadweyn iyo dib-u-heshiisiin. Madasha siyaasadu waxa ay u baahan tahay in lagu furo aratgti isugu keenta dhamaan daneeyayaasha muhiimka ah hal qorshe oo biyo-kamadhibcaan ah.

Hanti badan ayaa lagu kharash gareeyey doorashooyinkii golayaasha deganka ee baqday shaqo adag oo badanna waxaa diyaargarowgii farsamo ee dorashoyinka qabtay ka qayb-qaatayaal badan,Waxaanu jecelahay inaanu ku bogaadino Hawlwadeenada Gudiga Ku-meegaarka ah ee Doorashooyinka, ay taagerayeen ururada Bulshada Rayidka ah dadaalkoodii.

Casharo badan oo muhiim ah ayaa laga bartay qorshaha.

Waxaanu rajaynaynaa inanu sii wadno taageeradayada, keliya haddii Hanaanka dimoqraadiyaynta Puntland dib loogu socodsiiyo muwaafaqo iyo wada-hadal mugleh. Iyadoo la xushmeynayo lahaanshaha gudaha ee lama-dhaafaanka ah, Beesha caalamku iyadoo u maraysa Gudiga Hagista Barnaamijka Dimoqraadiyaynta waxay u kuur-gali doontaa dedaalada noocaasi ah si aad u dhaw.

FG: Warsaxaafadeedkan waxaa soo gaarsiiyey Puntlandpost xafiiska Guddiga Hagida Doorashooyinka Puntland ee magaalada Garowe.

Daabacaada : Puntlandpost.com

Gaalkacyo: Dhaawacyadii Kismaayo, ee Puntland lagu daweeyey oo dhowaan ku laabanaya Kismaayo (Daawo- Video)

$
0
0

Gaalkacyo: (pp)- Dhaawacyadii laga soo daadgureeyey Kismaayo isla markaana lagu daaweeyey Magaalada Gaalkacyo ayaa badankood lagu guulaystay daaweyntooda , waxaana mardhow ay ku laaban doonaan magaalada Kismaayo iyagoo si wanaagsan loo daaweeyey aadna loola tacaalay wax ka qabashada dhaawacyadii ka soo gaaray,  dagaaladii ay daba-da ka riixaysay Df ee Soomaaliya.

17 muwaadin ayaa lagu guulaytay oo la daaweeyey, kuwaas oo bur bur xoogan kala kulmay dagaaladii Kismaayo. Dr Dhegacade ayaa dhankiisa sheegay in dadka la daaweeyey ay ku laabanayaam deegaanadii ay ka yimaadeen , iyagoo difaacayana ay kusoo dhaawacmeen. hadana iyagoo caafimaad qaba ay ku laabanayaan magaalada Kismaayo.

Daawo Video

Dadla la daaweeyey ayaa dhankooda sheegay in si wanaagsan loo daaweeyey , Isbitaalkana la keenay iyagoo lagu wado Bareelo, hadana si fiican loo daaweeyey oo Lugahooda kusocdaan.

Inta dhiman dhaawaca oo ah 7 xubnood ayaa iyagana asbuucyada soo socda ku laaabanaya magaalada Kismaayo, kuwaas oo lagu sameeyey Qaliino culus.

Puntlandpost.com

U riyaaqay Roobka ka curtay Puntland..! (Dhibaatada Qaadka oo looga dooday Jaamacada Afrikada Bari- Garoowe)

$
0
0

Kadib markii dowlada ingiriisku ku dhawaaqday inay qaadka ka mamnuucday wadankeeda ayaa waxaa isasoo tarayey calaacalka iyo oohinta kasoo yeeraysa beeraleyda iyo qaar kamida madaxda Kenya kuwaasoo ku eedeeyey dowlada ingiriiska inay dhibaato weyn u geyysteen dhowr milyan oo qof oo kunool gobolka Miraa ee dalka Kenya. Kuwaasoo waa sida ay hadalka u dhigeene ah dad kiristian ah kana mida wadamada boqorada ingiriiska hoos yimaada. Wxayna ingiriiska ugu baqeen in ay ka nowoto go,aankeeda.

KhatArimahaas iyo ollolahaas ayaa ah mid aan hirgeli doonn go,aanka dowlada ingiriiskuna waa socon doonaa inshaalaah, laakiin beeraleyda Kenya wxay balan ku qaadeen iney qaadka 3 laab uga dhigi doonaan geyig soomaaliyeed sida Puntland . waxay kaloo beeraleeydu wacad ku mareen inaysan qaadkoodu marna suuq waayeyn lana jabin doono qiimaha qaadka la geeyo Puntland iyo geyiga kale ee Soomaalidu deg-taba, laguna fidindoono dhalinyarada iyo caruurta.

Hadaba aan usoo noqdo nuxurka qoraalkane waxaa Maalinkii shalay ka dhacay magaalad garoowe caasimada Puntland shir balaaran oo kasoo qeyb galayaan qeybha kala duwan ee bulshada oo looga arinsanayo sidii looga hortagi lahaa weerarka circa ah ee suntan wata ( Qaadka ) ee lagu soo daadinayo Puntland lana doonayo in lagu baabi’iyo hanka dhalinyarada puntland laguna gurto miisaaniyada puntland. Shirkaan oo aan ku tilmaami karo ( Roob soo curtay oo loo wada riyaaqay ayaa wuxuu dhacay sidatan.

Waa kan warmurtiyeedkii shirka.

Maanta oo ay Taariikhda Hijriga ahi tahay 16-ka Ramadaan 1434 kuna beegan 25/07/2013 waxaannu Xarunta Jaamacadda Bariga Afrika – Faraceeda Garoowe- ku qabsannay kulan loogu magacdaray FALANQAYNTA QAADKA IYO WAXYEELLADIISA.

Kulankaa waxaa ka soo qayb galay isla markaasna xogwarranno iyo muxaadarooyin muhiim ah ka soo jeediyay masuuliinta hoos ku taxa

1. Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika – Faraca Garoowe- Prof. Sheekh Maxamuud Xaji Yuusuf

2. Wasiirudawlaha Amniga – Dawladda Puntland- G/Sare Cabdullaahi Jaamac Cali
3. Wasiirudawlaha Madaxtooyada Puntland ee Arrimaha Dawlad-Wanaagga, Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan)
4. Wasiir-Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Dr. Maxamed Xirsi Ducaale (Medical Doctor);
5. Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Nugaal, isla markaasna ah bare jaamacadeed, Prof. Cabdiraxmaan Maxamed Abshir
6. Maamulaha Machadka Shareecada ee Khadiija Bintu-Khuwaylid, Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax
7. Guddoomiyaha Ururka Ardada Jaamacadda Bariga Afrika, Mahad Axmed Cumar
8. Nabaddoon Khaliid Aw-Cali
9. Ganacsade Daahir Maxamed Faarax (Sanweylood)
10. Eng. Cabdirashiid Cawad Diiriye, Khabiir la shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka Puntland, horena u ahaa Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Finland buugna ka qoray arrimaha qaadka.

Kulanka oo uu xiriiriye ka ahaa Wasiirudawlaha Arrimaha Dawlad-Wanaagga (State Minister for Good Governance), waxaa Aayado Quraanka Kariimka ah ka bilaabay Shiikh Mukhtaar Axmed Faarax.

Kaddib waxaa la guda galay in si tifaftiran mdasha looga soo jeediyo Qaadka iyo waxyeelladiisa iyadoo dhinacyo badan laga eegaayo sida hoos ku cad:MAWQIFKA SHAREECADA ISLAAMKU EE QAADKA Mawduucan waxaa si waafi ah uga hadlay Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo Shiikh Mukhtaar Axmed Faaraxwaxayna caddeeyeen inuu Qaadku XAARAAN yahay bacdamaa uu si weyn u waxyeellaynaayo shanta shay oo    ay daryeelkooda iyo xifdintooda Diimaha Samaawiga ah oo dhammi isku raacsan yihiin, shantaas shay oo kala ah
1. DIINTA
2. NAFTA
3. CAQLIGA
4. MAALKA iyo 5. NASABKA IYO SHARAFTA.

QAADKA IYO WAXYEELLADIISA XAGGA AMNIGA

Mawduucan waxaa ka hadlay Wasiirudawlaha Amniga oo tibaaxay inay falalka amnidarrada keena oo dhammi ay cunista qaadka ku arooraan. Wuxuu tusaale u soo qaatay shilalka ay sababaan gaadiidka qaadkasoo daabula oo ugu yaraan 8 shil sababa toddobaad kasta.

QAADKA IYO WAXYEELLADIISA XAGGA CAAFIMAADKA

Mawduucan waxaa si xeedldheeri leh uga warbixiyay Wasiir-Ku-Xigeen Maxamed Xirsi Ducaale oo qudhiisu takhtar caafimaad ah iyo Eng. Cabdirashiid Cawad Diiriye oo isagu qaadka cilmibaaris kaga sameeyay dalalka Finland iyo Sweden. Wuxuu injineerku qoray buug wacyigelin ah oo qaadka waxyeelladiisa ku saabsan iyo  mid ka ballaaran oo uu wax ka qoray laguna soo saaray afafka Soomaalaiga, English iyo Swedish. Wasiirku wuxuu sheegay inuu qaadku qofka cuna ku rido ama u keeno 20-25 cudur oo wada halis ah inta badanna qofkaas ka abbaara maskaxda, dheefshiidka, afka iyo hunguriga iyo meelo kale. Intaas kaddib, injineerka ayaa soo bandhigay natiijadii daraasad ay sameeyeen oo filim ahaan ah.

4.  QAADKA IYO WAXYEELLADIISA XAGGA KU-XADGUDUBKA SHAREECADA ISLAAMKA IYO XEERARKA DALKA

Mawduucan waxaa si wanaagsan u soo bandhigay Prof Cabdiraxmaan Maxamed Abshir oo tibaaxay inuuqaadku sababo ku-xadgudubka Shareecadda Islaamka oo ah saldhigga dhammaan xeerarka dalka u yaal. Wuxuu kaloo ku xadgudbaa Xeerka Nabadgelyada Waddooyinka arrinkaas oo sababa dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Wuxuu ku xadgudbaa Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed kaasoo ku xadgudubkiisu keeno dil, dhaawac, kufsi, tahriib iyo burcadbadeednimo.

5.  QAADKA IYO WAXYEELLADIISA XAGGA DHAQANKA SUUBAN EE SOOMAALIYEED:

Mawduucan waxaa si waayo-aragnimo ah uga hadlay Nabaddoon Khaliif Aw-Cali: Anshaxii suubanaa ayaa laga wada tegey, gaar ahaan haweenka qaadka ka ganacsada oo xishoodkii ka tegey. Sidii ay Culimmadu inoo sheegtay Qaadku waa XAARAAN xagga Shareecada Islaamka sidaas awgeed, haddii aan arki lahaa cid  qaadka daafacaysa waxaan u qabsan lahaa si cadna u weydiisan lahaa magtii rag badan oon nabaddoon u ahay oo uu qaadku fadhiid wax-isku-mafalayaal ah ka dhigay, qoysaskoodiina burburiyay!

6. WAXYAABAHA AAN ISTICMAALKA QAADKA UGA SOO JOOGAY

Ganacsade Daahir Maxamed Faarax (Sanweylood) wuxuu yidhi: Anigu qaadka ma cuno, hase yeeshee waxaan idiin ka sheekaynayaa waayo-aragnimadayda wixii aan uga soo joogay, waana sidatan: Waxaan u soo joogay iyada oo bilawgii toddobaataneeyadii ay degmada Garoowe oo dhan tirada dadka qaadka cunaa ay ahaayeen 10 qof keliya; iyaguna waxay ahaayeen rag qaadka looga keeno BURCO iyadoo baabuur 2 habeen soo dhaxa lagu soo qaadi jiray. Shirkadaha ka ganacsada iyo beeraleyda ku hawlanqaadku waxay samaysteen waagaas hore qorshe ay macaamiil badan oo cunista qaadka barata ku heli lahaayeen. Sidaas awgeed, waxay waagii hore dadka lacag la’aan ku siin jireen qaadka si ay u bartaan:

Haddii ay laba jawaan oo qaad ah iib ahaan u keensadaan waxay soo raacin jireen laba jawaan oo qaad ah oo dadka lacag la’aan loogu qaybiyo. Sidaas xeesha ah ayay dad badan moorada qaadcunayaasha ugu soo dabeen kuna soo geliyeen, ilaa ay dadkaasi ku mameen ama qabatimeen cunista qaadka (addicts). Hadda waxaynu maqashoon nahay inay Dawladda Ingiriisku dalkeeda dhowaan ka joojisay qaadka, iyadoo uu halgankiisii dheeraa ammaan ku mudan yahay halyeeyga Soomaaliyeed ee Abuukar Cawaale. Waxaynu kale oo ogsoon nahay inay Madaxda iyo beeraleyda Kenya ay olole adag ugu jiraan sidii ay Dawladda Kenya ugu cadaadin lahaayeen inay go’aankeedii qaad-joojinta ahaa ka noqoto. Haddii ay taas ku guulaysan waayaan waxaa u qorshaysan inay Soomaaliya qaybaheeda kala duwan u soo saddex-jibbaaraan tiradii qaadka ahayd ee ay hore u keeni jireen si aan iyaga wax dakhli ahi marnaba uga baaqan. Sidaas awgeed, waxaa loo baahan yahay in aynu arrintaas ku baraarugsanaanno una helno boqollaal qof oo mintidiin ah sida Abuukar Cawaale.

Ugu dambaystii, Sanweylood wuxuu sheegay inuu leeyahay hotel ganacsi kalena uu ku jiro hase yeeshee uusan shaqaale ahaan marna u qoranin una qaadanin shakhsiyaad qaad cuna maxaa yeelay waxaan ogahay in qofka qaadka cuna uusan mushaarkiisu ku filnayn sidaas awgeedna ay doonista daroogada qaadku ku xambaarayso inuu meesha uu ka shaqaynaayo waxa uu gacanta ku hayo xado.

7.  GEBAGEBADII IYO TALO-SOO-JEEDIN

Anigu Xiriiriye ahaan kulanka ku wargeliyay inaynu labadeennu wada xiriirnay, wargelin kaddibna, aad maqaal mareegaha Soomaalida loo kala diro aad kulankayagan Garoowe diyaarisay isla markaasna aad codsatay inaad kulanka qudhiisa khadka taleefanka kaga soo qayb gashid. Waxaan kaloo wax ka tilmaamay qaybo ka mid ah halganka adag ee aad joojinta qaadka u soo gashay iyo dhibaatooyinkii kugu soo gaaray. Halkaas markii ay marayso ayaan ku soo wacay anigoo damacsanaa inaan taleefanka codka u furo si loo wada maqlo isla markaasna ay saxaafadda nala joogtay u hadalkaaga u duubato. Hase yeeshee cajalad baa iga qabatay oon farriin kuugu duubay. Muddo ayaannu ku sugnay hase yeeshee kuuma suurtagelin inaad taleefan nagu soo celiso. Galabta qudheeda waan ku soo wacay kumase helin. Haddaba, waxaan goostay aniga oo kooxdii kulanka ka soo qayb gashay oo dhan ka wakiil ah in aan qoraalkan kuu soo diro anigoo diyaar u ah in wixii faahfaahin kale aad nooga baahatid ku soo siiyo, insha Allah.

Si aan ugu maragfuro xubno kale oo xusay dedaalka ay Kenya ugu jirto cadaadiska Dawladda Ingiriiska si ay uga noqoto go’aankeedii qaad-joojinta ahaa, waxaan kulanka ka sheegay maqaalkii aad ugu jawaabtay Raila Odinga, Ra’iisulwasaarihii hore ee dalkaas oo ahaa Afka Alle ku gooye waxaad u ololaynaysaa waa dilidda iyo baabi’inta qoysaska Soomaaliyeed oo Muslimiinta ah! Waa loo riyaaqay jawaabta aad siisay.

Ugu dambayntii, waxaa wadajir loo soo jeediyay:

1. In si buuxda loo soo dhoweeyo loona taageero go’aankii geesinnimada lahaa oo ay qaadatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Ingiriiska, Theeresa May, kaasoo dalkeeda ka mamnuucaayay qaadka. Waxaannu aragnay inuu go’aankaasi yahay mid loogu hiilinaayay laguna daryeelaayay jaaliyadda Soomaaliyeed ee U.K.
2. In Abukar Awale looga mahadceliyo dedaalka iyo halganka adag ee uu u soo galay welina ugu jiro sidii qaadka iyo waxyeelladiisa looga badbaadin lahaa Soomaalida, gaar ahaan kuwa kugula nool dalka Ingiriiska.
3. In la badiyo kulannada noocan oo kale ah isla markaasna si joogto ah bulshadeenna looga wacyigeliyo arrimaha qaadka la xiriira oo dhan.
4. In Puntland laga aasaaso Guddiga La-Dagaallanka Qaadka.

Abukar Awale ( qaad-diid )
Gudoomiyaha la dagaalanka Qaadka
https://twitter.com/Abukarawale

Marka: Dagaalada waxay u dhaxeeyaan dadka deegaanka iyo dad 2000 km ka shishe ka yimi ” Ugaaska Beesha Biimaal”(Dhegeyso)

$
0
0

Dagaalo goos goos ah oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Sh/hoose oo ay isaga soo horjeedeen Maleeshiyooyin ka soo jeeda Beesha Biimaal iyo  Beesha Habargidir ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana Ugaaska Beesha Biimaal uu sheegay in deegaanadooda lagusoo duulay , loona adeegsay dadka deegaanadan ka soo jeeda Awood dowladeed, oo ulla jeeday In beesha ay la dagaalamayeen ay wateen baabuurta dowlada gacantana looga dhigay.

Radio Furqaan oo waraysi la ayeeshay Ugaaska Beesha Biimaal ayaa sheegay in deegaanadan ay ka jiraan dhibaatooyin badan dowladana ay ka aamusan tahay.

isbaarooyinka oo qayb ka ah dagaalada ka jira Sh/hoose

isbaarooyinka oo qayb ka ah dagaalada ka jira Sh/hoose

Khilaafaadka jira ayaan ka marnayn Isbaarooyin deegaanadaas uyaal qab qablayaal ay ka mid yihiin Goobaale oo ciidamada dowlada ka tirsan , kuwaas oo dhibaatooyin ku haya dadka deegaanka , iyo mucaawinada deegaanka la soo gaarsiiyo oo afka ku shubtaan sida la sheegayo rag  uu mid yahay Goobaale oo ka  mid ahaa qab-qablayaashii 1992-dii xooga ku qabsaday deegaanadan.

Beesha Biimaal ayaa sheeganaysa in deegaanadooda lagu maamulayo,  dowladana aysan waxba ka qaban, lana diidan yahay in maamulka gobolka lala shaqeeyo.

Hoos ka dhegeyso Waraysiga Ugaas Faarax Cabdi Sheekh Riix

Garowe: Nadiifinta dharka oo loo adeegsanayo hab casriya oo ka bedelan qaabkii hore,Sawiro.

$
0
0

Garowe: (pp)-Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta 26,July,2013 laga furay Doobile casriya oo dharka ku mayraya mashiino casriya oo hawo maryaha ku nadiifinaya waxaana loo bixiyey Central Laundry & Dry Cleaning.

14Doobiggan oo lagaga maarmi doono nadiifinta Suudadka oo hore inta awoodaa ay ugu soo dhaqi jiray meelo ka baxsan Puntland ayaa waxaa furtay Ganacsato sheegay inay shirkadan hindiseen ka dib markay arkeen baahida dadka deeganadan ku noo ay u qabaan Doobbi casriya.

Centeral Laundry and Dry Cleaning ayaa sidoo kele xafiisyo ka furtay magaaloyinka Gaalkacayo iyo Boosaaso waxaana xaruntiisa Garoowe ay shaqayn doontaa 24-saac si deg-dega ayuuna dharka u dhaqayaa.

Adeegyada ay shirkadan leedahay ayaa waxaa ka mid ah in mashiinada dharka lagu dhaqayo inaysan bedelayn Tayada iyo madabka dharka,iyadoo uu noqonayo marka la nadiifinayo qaabkii lagu soo iibiyey sheyga la meyray.

10Laundry-yada ka jira Puntland ayaa nadiifinta dharka u isticmaala biyo,waana markii ugu horaysay oo laga furo Doobille casriya oo adeegsanaya mashiino hawo isticmaalaya.

12Mudooyinkii u danbeeyey waxa kusoo badanayey magaalooyinka Puntland maal gashiga qeybaha kala duwan ee ganacsiga ee ay dalka ku sameynayeen ganacsatada iyo qurbo joogtu, iyaga oo ka hirgaliyey warshado yar yar iyo hotelo casriya, kuwaas oo qeyb muhiim ah ka noqonaya koritaanka horumarka .

Daawo Sawiro kale.

15

8 5 7


Garoowe: Tartan Quraan, oo lagu soo gaba-gabeeyey Magaalada Garoowe (Daawo Video)

$
0
0

Garoowe: (pp)- Tartan Quraan,  oo lagu qabtay Masaajidka Hudaa ee magaalada Garoowe ayaa abaalmarino lagu guddoonsiiyey Arday badan oo wax ka dhigta Madaarasada ku taal magaalada Garoowe.

Daawo Video-ga

Puntlandpost.com

Nairobi: Qaar ka mid ah Waxgaradka Jubbooyinka oo taageeray Wadahadalada u socda DF iyo Jubbaland State (Daawo Video)

$
0
0

Nairobi: (pp)-  Qaar ka mid ah Waxgaradka ka soo jeeda deegaanada Jubbooyinka ayaa taageeray Wadahadalada u socda DF ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbaland State.

Sheekh Khakool oo ka mid ahaa waxgagaradkii ka hadlay kulanka  lagu taageerayey wadahadalada labada dhinac ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeeed ay soo dhoweeyaan wadahadalka labada dhinac u bilowday si loo gaaro nabadgelyo iyo danta shacabka Soomaaliyeed, halka waxgaradka qaarkiis ay soo jeediyeen in xogta iyo arrimaha meesha ay marayaan lala socodsiiyo dadka.

Daawo Video

Puntlandpost.com

Xeerka saxaafadda: Ma Xoriyad ka qaadisbaa mise waa Hal- xiraale?

$
0
0

Philosopher Claude-Adrien waxaa uu yiri ” To limit the press is to insult a nation, to prohibit reading of certain book is to declare the inhabitants to be either fools or slaves.”

Xoriyaddu waa shey qaali u ah aadanaha waana aalad dhaqaajinaysa horumarka iyo himilooyinka uu tiigsanayo, aragti si madaxbanaan loo soo gudbiyo iyo ogolaanshaha in la cabirro fikirka si madaxbanaan waa tiirarka ugu waaweyn maamul wanaagga iyo dimoqraddiyadda.

Wariye C/casiis

Wariye C/casiis

Warbaahintu waa aalad ku caawisa bulshada in si madaxbanaan afkaartooda ay u dhiibtaan taasi oo fursad u ah dowladda si ay u wanaajiso xiriirka kala dhaxeeya shacabka oo ay ugu saxdo qaladaadka maamulkeeda.

Suxufigu waa indhaha iyo dhegaha bulshada waana caawiye gudanaya waajibaad qaran oo saaran oo ay kamid yihiin in uu si hufan ugu adeego bulshada isaga oo dhowraya shuruucda dalka iyo dhaqanka.

Hadaba aan u soo dhaadhaco tilmaamaheyga ku saabsan Xeerka Saxaafadda oo horey madax, ururo warbaahineed, hayado u dooda xuquuqda aadanaha iyo shaqsiyaadba ay uga hadleen.

Waxaa jira isku dey farabadan oo ay sameeyeen qaarkamid ah warbaahinta kala duwan ee dalka si wasaaradda warfaafinta iyo wasiirka koowaad ee xukuumadda loogu iftiimiyo dul duleelada uu leeyahay Xeerkan iyo qodabada u baahan in laga saaro si warbaahin Soomaaliyeed oo xor ah loo arko, inta aan ka bartey siyaasadda dalka sheeko lagu qaato kulan casho ama qado waxaa uu keenaa natiijo u dhiganta hadal diplomacy- yadeed oo ficilkiisa aan la ogeyn ama Kutlad* siyaasadeed oo lagu dhawaaqo sida kuwii gil giley qaar kamid ah waayihii dowladihii kumeelgaarka.

Hadalada Raiusul wasaaraha waa kuwo aad ugu roon dhegaha weriyayaasha marka uu tilmaamayo tallaabooyinka laga qaadayo gacan ku dhiiglayaasha nolosha u diidey muwaadiniin u adeegayey shacabka dhibaateysan iyo qoraaladiisa lagu baahiyo Baraha bulshada ee (Social media) kuna aadan sida xukuumaddiisa ay u barbartaagantahay warbaahinta iyo xoriyadda hadalka, balse 11 – July ee sandkan go’aankii golaha wasiirada ee ay ku meelmariyeen Xeerka wuxuu ahaa mid ah xoriyad ka qaadista warbaahinta madaxabanaan ama Hal- xiraale lagu xirtay Suxufiyiinta oo hadda wajahaya khataro adag oo dhinaca amaanka ah.

Inkastoo Xeerka ay kujiraan Qodobo wanaagsan oo kugu dhiirinaya meelaha qaar in aad akhrisid hadana Qodobadan soo socoda dhamaantooda waa kuwo si cad u muujinaya in xeerka aanu ogoleyn madaxbanaanida warbaahinta aan dowliga aheyn si kasta oo loo fasiro.

Qodobka 6-aad, ee qaab dhismeedka Golaha Saxaafadda Qaranka (GSQ).

Qodobka 5-aad, ee ka hadlaya hey’adaha shisheeye ee warbaahinta, gaar ahaan firqadiisa 4-aad.

Qodobka 26-aad, ee waajibaadka suxufiga.

Qodobka 28-aad, Xeer-ilaalinta, wuxuu sheegayaa Dambiyada la xiriira warbaahinta waxaa Xeer-ilaalinta guud ee qaranka ka gacan siinaya golaha saxaafadda qaranka (GSQ), iyo Qodobka 29-aad  oo ka faaloonaya dhaqangalka Xeerkan.

Dhamaadka riyooyinkii warbaahinta.

Baarlamanka Soomaaliya waa Hay’adda Sharcidejinta dalka waxaana qeyb ka ah xubno firfircoon oo aqoonyahanno ah oo dareensan dowrka warbaahinta madaxbanaan ay ku laheyd geedi socodka nabadda iyo hanaankii looga gudbey xilligii Kumeelgaarka. Rajadu waxaa ay tahay in Guddonka sare iyo guddigga warfaafinta Barlamanka ay horumariyaan qorshe dib u eegis loogu sameynay Xeerka islamarkaasina dib loo yagleelo guddiyo ka kooban xubno kasocod Dowladda, Warbaahinta, Ururada bulshada rayidka oo ay kujiraan sharciyaqaanno iyo wadatashiyo lala wadaago Ururada caalamiga ah ee warbaahinta iyo xoriyadda hadalka si Xeerka loo waafajiyo nidaamka caalamiga ah Saxaafadda.

Khubarada qaar ayaa ku doodaya haddii la waayo xoriyad hadal in aanu jirin horumar cilmi, Sharci iyo Siyaasad oo dunida kajira, waxaana in la gaaro horumar dhinacyadan laxiriira saldhig u ah ogolaanshaha doodo furan iyo xoriyad lagu soo bandhigo afkaarta la aaminsanyahay.

waxaa muhiim ah in lahelo :-

1. Xaquuq lagu raadiyo akhbaar iyo fikrado

2. Xaquuq lagu helo akhbaar iyo fikrado

3. xaquuq lagu gudbiyo akhbaar iyo fikrado.

Haddii lagu guuldareysto in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo muujinkara in Soomaaliya ay kajirto warbaahin madaxbanaan waxaa meesha ka baxaya Xuquuqdii xoriyadda hadalka iyo u hogaansamidda qodobada ku qoran Dastuurka dalka, kuwa ku xusan heshiisyada caalamiga ah iyo kuwa gobolka oo ay saxiixday dowladda Federaalka ee Somaaliya.

DHAMAAD

Abdiaziz Abdinur Ibrahim, waa suxufi Madaxbanaan.

Fadlan taladaada waa muhiim ee wixii talo ah ku soo hagaaji

Email: qalinle8@gmail.com
Thanks

Puntlandpost.com

Sawir Muujinaya Sida siyaasada dowlada ee Ku aadan Gobolka Sh/hoose (Sawir Amiin Caamir)

$
0
0

Waa sidee siyaasada Madaxweyne Xasan ee ku aadan Sh/hoose, gobolkaas oo ay  ka socdaan Kacdoon shacab oo u dhaxeeya Beesha habargidir (Ceyr) iyo Beesha Biimaal ee deegaanadaas degan, waxaana Amiin Caamir uu muuqaal fiican ka bixiyey siyaasada ka jirta gobolkaas oo saxaafada Soomaalida ay aad u hadal hasyo waqtigan.

Waa sidee Siyaasada dowlada ee ku aadan Sh/hoose

Waa sidee Siyaasada dowlada ee ku aadan Sh/hoose

Puntlandpost.com

Muqdisho: Dhismaha Safaarada Turkiga ee Muqdisho oo Qarax Ismiidaamin ah lala beegsaday (Warbixin+Video))

$
0
0

Dhismaha Safaarada Turkigu ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa gelinkii danbe ee maanta waxaa ka dhacay Qarax ismiidaamin ah oo qof naftii hure ah uu dhismahaas  la beegsaday, waxaana qaraxaas ku  dhintay labo  qof oo shaqaalaha Turkiga ka mid ah iyo Shaqsigii fuliyey Ismiidaaminta , waxaana ku dhaawacmay dad soomaaliyeed oo goobta ka agdhowaa.

Daawo Video:

Isniidaamin- Muqdisho _FPQaraxaan ayaa loo adeegsaday Baabuur waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyey , kaas oo si toos ah loola beegsaday Xarrunta Safaarada Turkiga oo ku taal KM4.

Waa markii Labaad oo qarax lala beegsado dhismo ay leedahay dowlada Turkiga uu ku yaal magaalada Muqdisho. Ciidamo xoogan oo isugu jira AMISOM iyo Soomaali ayaa goobta soo gaaray qaraxa dabadii, waxaana goobtaas laga qaaday dadkii ay dhaawacyada ka soo gaareen Xarrunta Safaarada.

Weli cidma masheegan qaraxa , laakiin waxaa la isla qirsan yahay in Alshabaab ay ka danbeeyaan , maadaama maalmihii u danbeeyey ay ku baaqeen in sii kordhinayaan  qaraxyada ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Sikasta , waqtigan ayaa loo maleeyaa in maamulka dowlada ee magaalada Muqdisho ay ka muuqato habacsanaan aad u weyn oo dhanka ammaanka ah, iyadoo loo aanaynayo in dowlada ay ku mashquushay siyaasada ay kula dagaalamayso Jubbaland state iyo Puntland State, meeshii laga doonayey in in ay culayska saaraan Dib u heshiisiinta , dhismaha federaalka iyo xoojinta amniga.

Puntlandpost.com

Viewing all 23204 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>