Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all 23196 articles
Browse latest View live

Dowlada goboleedka Jubaland State oo ka qaybgaysa Shirka Brussels (Warbixin)

$
0
0

War aan helay ayaa xaqiijinaya in madaxda Jubaland state ay casuumad ka heleen Midowage Yurub si ay uga qeyb galaan shirka lagu qaban doono Brussels ee looga hadlayo arimaha Soomaalia.

Jubbaland State oo ka qayb gelaysa shirka Bruxelles.

Jubbaland State oo ka qayb gelaysa shirka Bruxelles.

Shirkan waxaa qaban qaabinay Midowaga Yurub waxaan lagu qaban doono magaalada Brussels 16kaa September ee looga hadli doono arimaha Somaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan arrimaha Federaalismka iyo sidii loo taageeri lahaa dowlad gobaleeyad hada jira. sidaa awgeed Midowaga Yurub waxay macsuumaad u fidiyeen dowlada federaalka somaaliye, Puntland, Somali Land, iyo Jubaland.

Hadaba waa markii ugu horeysa maamulka Jubaland la gaarsiiyay casuumad rasmiya in ay kasoo qeybgalaan shir heer caalimi oo wadamada Midowaga Yurub ay qaban qabinayaan oo danaha somaliya looga wada hadli dono. Taasu waxay sharaf iyo guul u soo hoyatay dadka reer Jubaland in maamulka Jubaland ka dhex muuqdo saaxada siyaasadeed ee heer Qaran iyo mid caalamiba.

Beesha Caalamka oo taageeraysa Soomaaliya oo dhan iyo habsami u socodka Federaalka Soomaaliya ayaa markaan soomaaliya u diyaarinaya qaab Caalamiya oo la doonayo in Soomaaliya oo dhan wax loogu taro, maadaama Dowlada Federaalka ay ku guuldaraysatay isu keenida shacabka Soomaaliyeed , aan ka ahayn colaad hor leh oo ay dhex dhigtay bulshada Soomaaliyeed iyo la shaqaynta xoogaga Al-shabaab iyo qab-qablayaal ka baxay Saaxada Siyaasada Soomaaliya oo isku dayeyso ama isku dayday in ay hubayso, iyo ka soo horjeedka Maamulka Federaaliga ah, arrimahaas oo dhan waxay keeneen in Caalamka uu rajo xumo ka qaado dowlada  Federaalka ee uu hogaanka u hayo Xasan Sheekh Maxamuud.

Puntlandpost,com


Muqdisho: Ra’iisul Wasaaraha oo caawa kulan Amniga looga hadlayo la yeeshay Taliyeyaasha ciidamada iyo Gudoomiyeyaasha 17-ka degmo (Sawiro)

$
0
0

Muqdisho: (pp)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa caawa kulan ballaaran oo afur ah la yeeshay taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida, taliye xigeenada, guddoomiye-yaasha 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, waxaana sidoo kale kulanka ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Guuleed, Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Cabdixakiin Faqi iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan.
IMG_5665Kulankan ayaa diirada lagu saaray xaaladdaha amniga dalka, gaar ahaana caasimadda, waxaana kulankan Ra’iisul Wasaaruhu uu warbixino ka dhegeystay taliyeyaasha Booliska, Millateriga, iyo Nabadsugida Qaranka, waxayna warbixin faah faahsan ka siiyeen qorsheyaasha sugida ammaanka iyo xasilinta dalka, iyaga oo tilmaamay inay jiraan falal amniga lidiga ku ah oo dhacay intii lagu guda jiray bishan Ramadaanka, balse ay ka hortageen falal aad u tiro badan oo la doonayay in shacabka lagu dhibaateeyo, waxayna xuseen in caddowgu aad u taagdaran yahay uuna ku jiro maalmihii ugu dambeeyey.

IMG_5563Kulankan ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka Xukuumada Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiweli, waxa uuna sheegay in kulankani uu ka duwanaa kulamadii hore isla markaana Ra’iisul Wasaare Saacid uu si qotadheer u xog-wareystay taliyeyaasha ciidanka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo dhamaamba howlwadeenada ammaanka, isaga oo ka dalbaday in
looga fadhiyo isbedel deg deg ah oo dhanka sugida amniga iyo ka hortaga falalka ka dhanka ah shacabka.

IMG_5582Kulanka ayaa sidoo kale, diirada lagu saaray qaabka dariseynta iyo iskaashiga dhanka amniga ee degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana halkaasi loogu bandhigay qorshaha cusub ee amniga ee uu horay ugu dhawaaqay Ra’iisul Wasaaruhu, kaasoo qeyb weyn ka qaadan doona sugida amniga iyo xasilinta dalka.

IMG_5585Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa fal fuleynimo ku tilmaamay weerarkii galabta lala beegsaday goob caafimaad oo ay maamulaan dhaqaatiir Turki ah halkaasoo ay adeegyo caafimaad ugu fidiyaan shacabka xanuunsan ee Soomaaliyeed, wuxuuna alle uga baryay intii dhimatay inuu Janada ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna bogsiiyo, “Waan la xanuunsaneynaa walaalaheena Turkiga ee iyaga oo shacabkeena gargaaraya la dhibaateeyay,waana la murugooneynaa shacabka iyo dawladda Turkiga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

IMG_5622Kulankan looga hadlayay amniga ayaa daba socda, kulamo horay uu ula qaatay Ra’iisul Wasaaraha qeybaha kala duwan ee bulshada, taasoo uu kala hadlayay qorshaha xukuumada ee xasilinta iyo dalka.

Sawiro kale

IMG_5660 IMG_5665 IMG_5677 IMG_5678 IMG_5698

Isha Warkan: Xafiiska Raiisal wasaaraha

Puntlandpost.com

Waaciye: Xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland oo la isku sharaxay.

$
0
0

Waaciye: (pp)- Tan iyo markii Madaxweynaha Puntland 14,July uu hakiyey doorashooyinkii golayaasha degaanka Puntland ee ururada Siyaasada u tartamayeen ayaa waxaa ka bilowday deegaanada Puntland olole ay siyaasiyiin iyo xubnaha Barlamaanka ugu jiraan inay Issimada iyo Nabadoonada beelaha kasoo ansixiyaan xubinimada Barlamaanka cusub.

Halkan ka dhageyso wareysiga Dhuungale ay la yeelatey PP.

Maxamed Siciid Maxamud (Dhuungale) waxa uu ka mid yahay xubnaha beesha dashiishle ugu sharaxan inay uga mid noqdaan kuraasta beeshiisu ku leedahay Baarlamanka, ka dib wareysi shabakada warar ee Puntlandpost la yeelatey Mr Dhuun gale ayuu u xaqiijiyey musharaxnimadiisa.

Maxamed Siciid (Dhuungale)

Maxamed Siciid (Dhuungale)

Waxaana uu sheegey Maxamed Siciid in %80 Odoyaasha dhaqanka ee beeshiisa ay isku soo afgarteen inuu uga mid noqdo baarlamanka Puntland,Islamarkaana hadii uu ku guuleysto kursigaas uu isu soo sharaxi doono Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland ka dib la tashiyo uu kala sameeyey u tartamida Jagadaas xubno kala duwan oo ka mid ah beeshiisa sida uu sheegey Mr Dhuungale oo isagu haatan jooga Degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar.

Musharaxa doonaya ka mid noqoashada Baarlamanka cusub ayaa intaas ku darey inuu yahay shaqsi Waayo aragnimo iyo Aqoon-ba u leh gudashada waajibaadka masuuliyadeed, oo uu sabab uga dhigey inuu in badan shaqooyinkii uu horey usoo qabtey ay ahaayeen kuwo dalka iyo dadka-ba loogu adeegayey, isagoona carabka ku dhuftey inuu lasoo shaqeeyey hay,ado ka tirsanaa ka hor burburkii Dowladii Dhexe ee Somalia iyo Sidoo kale Dowlada Puntland.

Maxamed Siciid (Dhuungale) Waxa uu si cad u sheegey inay qorshaha ugu jirto sidii uu uga qeyb qaadan lahaa inuu dadaal uu kaga dhex raadiyo baarlamanka cusub ee imaan doona sidii ay uga miro dhalin lahaayeen hirgalinta hanaanka xisbiyada badan ee hakadka galay,halka uu taas bedelkeedana uu Dhuungale uu hambalyo iyo bogaadin uga direy Madaxweynaha Puntland Dr Faroole Go,aankii geesinimada lahaa ee uu ku joojiyey Tartankii Musharaxiinta Goloyaasha deegaanka oo ku tilmaamey musharaxu inuu yimid ka dib markii la darsay xaalada amaan iyo tan mustaqbal ee Puntland.

Marka laga yimaado Musharaxnimada Maxamed Siciid ayaa hadana sida laga dareemayo deegaanada Puntland waxa ka jirey todobaadyadii lasoo dhaafey shirar iyo olole ay ku jireen Siyaasiinta, Odoyaasha dhaqanka iyo Xubnaha u ordaya inay helaan kuraasta baarlamanka cusub.

Marka loo eego Isbedelka laga dhur sugayo inuu ka dhaco Puntland ayaa aragtida dadka inta badan ay ku saleysan tahay inay laga maarmaan tahay goloyaasha dowlada cusub ee imaan doona inay kaga miro dhaliyaan hanaanka looga gudbayo beelaha ee Asxaabta badan.

Puntlandpost.com
Waaciye

Ohio oo lagu qabanayo barnaamij looga hadli doono Arrimaha Federalka,Waxaan lagu marti qaaay Mr. Faisal A. Roble

$
0
0

Guest Speaker: Mr. Faisal A. Roble

The Somali Community of Columbus, Ohio, invites you to: Somalia Today: Post Civil War Governance – Challenges and Opportunities

__________________________________________________________________

Flag-Pins-USA-SomaliaSoomaaliyada Maanta: Ka Guurka Dagaal Sokeeye iyo Dhisitaanka Dawlad Damoqraadi ah – Caqabadaha iyo Fursadaha ina Hortaagan.

Goobta: Ramada Plaza Hotel, 4900 Sinclair Road I-71 and Morse Road

Columbus,OH,43229
When:August 17, 2013 7:00 PM–11:00 PM
For More Information Call Burhan Ahmed (614) 804-2925 OR Said Mohamud (614) 401-7032

Sponsor by: Center for Somali American Engagement! Open for Public, kasoo qayb gal waxan.

Puntlandpost.com

Garoowe: Xeerka Saxaafada oo ay ku heshiiyeen Suxufiyiinta iyo Dowlada Puntland,Sawiro.

$
0
0

Garowe: (pp)- Magaalada Garowe waxaa lagu qabtay xaflad lagu soo bandhigayay xeerka Saxaafada Puntland oo ay gacanta ku hayeen Dallada PUNSAA oo kaashanaysa ururka MAP ka dib markii wasaaradu la furtay wadatashi.

Wasiirka Warfafainta Prof.Axmed Shiikh Jaamac ,wasiirka Qorshaynta Eng.Maxamud Caydiid Dirir ,gudoomiye ku xigeenka PUNSAA Cadifataax Sugulle ,xoghayaha ururka suxufiyiinta MAP Burhaan Axmed Daahir ,Suxufiyiin ,sarakiisha bulshada rayidka iyo marti kale ayaa ka soo qaybgalay.

Burhaan Axmed Daahir

Burhaan Axmed Daahir

Burhaan Axmed Daahir xoghayaha MAP waxa uu bogaadiyay hawsha PUNSAA ,isagoona xusay inay lagama maarmaan xiligan Puntland u tahay in la helo xeer kala xadeeya suxufiyiinta iyo masuuliyiinta warfaafinta.

Xeerkan ayuu ku tilmaamay inuu ka wanaagsanyahay kan Somlia oo dhowaan walaac laga muujiyay ,isagoona tilmaamay inaan Puntland laga qaybgelin tashiga xeerka saxaafada Somalia.

”Xeerka saxaafada Somalia lagama talo galin Puntland ,waana qayb muhiim ah oo ka tirsan Somalia sidaas darteed marka la dejinayo shuruucda dalka guud waa muhiim in Puntland oo nidaam uu ka jiro lago galo galay” ayuu yiri Burhaan Axmed.

Wasiirki hore ee warfaafinta haatana qorshaynta u wareegay Eng.Caydiid Dirir ayaa sheegay isna in xeerkan uu kala hagayo dhamaan inta qaabilsan warfaafinta Puntland yimidna xiligii loo baahnaa.

Qaar ka mid ah wariyaasha joogey xaflada

Qaar ka mid ah wariyaasha joogey xaflada

Waxa uu intaas raaciyay in dhowaan u gudbin doonaan xukuumadda si ay u ansixiso kadib-na la horgeyn doono Barlamanka ,waxana iska kaashan doonaan MAP iyo PUNSAA inta ka dhiman hawsha xeerka.

Wasiirka Warfaafinta Axmed Shiikh Jaamac

Wasiirka Warfaafinta Axmed Shiikh Jaamac

Ugu danbeyntii waxa soo xiray wasiirka warfaafinta Prof.Axmed Shiikh oo ka codsaday wasiirkii hore inuu kala shaqeeyo dhamaystirka hawshan maadaama uu horey u soo waday Caydiid shaqada xeerka saxaafada Puntland.

Horaantii Sanadka 2013 ayuu muran dhaliyay xeerka balse dib loogu heshiiyey ka dib markii loo saarey xeerka guddi ka socda hay,adda PUNSAA oo eegayey qodobada khilaafka ka dhex dhaliyey Suxufiyiinta iyo Wasaarada Warfaafinta.

Daawo Sawiro kale.

6 4 1 2Puntlandpost.com
Garoowe.

Muqdisho: Diyaarad dhaawacyo askar turkish ah u qaadey dalkooda.

$
0
0

Muqdisho: (pp)- Afar ka mid ah askar u dhashey dalka Turkiga oo ku dhaawacmey weerar qarax oo 27/7/2013 lagula beegsadey xarun ay ku leeyihiin Muqdisho ayaa la gaarsiiyey wadanka Turkiga ka dib diyaarad nooca loogu talo galay inay qaado dhaawacyada oo maalintii shalay timid  Muqdisho kana daad gureysay dadkii ku dhaawacmey weerarkaasi ee shaqaalaha Turkish-ka  joogay saafarada ay Muqdisho ku leeyihiin.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibada Turkiga ayaa sheegey in afarta askari ee laga geeyey wadankooda ay labo ka mid ah xaaladoodu tahay mid aad u liidata islamarkaana lala tacaalayo bad baadintooda.

Weerarka lagu qaadey xarunta shaqaalaha Turkigu ku leeyihiin Muqdisho ayaa waxaa ka danbeeyey kooxda Alshabab, waxayna ku weysay dowlada Turkigu weerarkaasi mid ka mid ah Askarta u dhashey wadankeeda ee ka mid ahaa ciidamada amaanka safaarada Turkiga suga.

Dowlada Turkiga oo ka hadashey weerarkii lagu qaadey xarunta Muqdisho ay ku leeyihiin ayaa sheegey inuusan saameyn ku yeelan doonin howlaha ay ka wadaan Muqdisho, halka maanta isla xaruntii weerarka isqarxinta lagu qaadey ay booqdeen Madaxda Dowlada Federalka Somalia sida Madaxweynaha iyo Ra,iisal wasaaraha.

Puntlandpost.com
Muqdisho.

Garowe: Tiro ka badan 350 Qof ayaa Maqrib walba Afur la siiyaa,Sawiro.

$
0
0

Garowe: (pp)- Bisha Ramadaan marka ay dhalato ayaa waxaa dhacda in Jimciyada la yiraahdo faridda wanaaga iyo ka reebida xumaanta oo aas aaskeeda ay iska lahaayeen Culimo uu ka mid ahaa ALLe ha u naxariistee Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax inay ka bilowdo bil kasta oo ramadaan magaalada Garowe barnaamij ku saabsan Afurinta dadka aan awoodin.

12Tan iyo markii uu dhashay Ramadaan ee bisha barakaysan Ayaa Jimciyadda faridda wanaaga iyo ka reebidda xumaanta (Al-Amro Walmacruuf Wannahyi Canil Munkar) waday barnaamijka lagu afurinayo dadka isugu jira kuwa danyarta, Barakacayaasha iyo Kuwo Ajnabi ah oo kasoo jeeda Ethiopia.

Tirada dadka sida joogtada ah uga afura xarunta Jimciyadda oo ku taala dugsiga Al-Xikma ee Garowe lagu sheegey inay ka kooban yihiin ilaa iyo 350 qof oo ka mid ah kuwa aan awoodin inay helaan Afur ku filan.

Halkan riix si aad u heso codsiga Jimciyadda oo dhemmeystiran.

Maamulka Jimciyaddda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hawlahan afurinta markii hore lagu bilaabay 100 qof ,haatan dadka ay marayaan 350 qof iyo ka badan ,iyadoo intaasi ay dheertahay in Jimciyadda ay afur siiso dad kale oo ay saartay Meheradaha Cuntada ee magaalada ku yaal.

15Jimciyadda ayaa ugu baaqday Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan inay ka qeyb qaataan Afurinta Walaalahooda Sooman maalintii,Maadama aysan dabooli karin dadka oo dhan caqabado ka jira dhanka dhaqaalaha.

Daawo Sawirada dadka la Afursiiyo.

16 13 10 9 8 18 6 5 1 17 1219Puntlandpost.com

Garoowe.

Puntland: Maraaxilkii lasoo maray iyo caqabadaha taagan xiliga kala guurka

$
0
0

Horudhac:

Tan iyo asaaskii Puntland 1998, Puntland waxay soo martay marxalado siyaasadeed, dhaqan- dhaqaale oo kala duwan. Waqti kastaahi wuxuu lahaa fasiraadiisa gaarka ah, ayadoo lagu cabirayo ama halbeeg looga dhigayo xaaladihii ku xeeranaa ee markaa jiray. Aragtida ama ujeedooyinkii loo dhisay Puntland waxaa ugu waawaynaa, in dadka mandaqadani ay helaan nidaam (Xeer iyo qawaaniin) ay isku maamulaan oo kala xadeeya isla markaana danahooda gaar iyo kooda guudba u adeega. In Puntland ay hesho siyaasad xeeladaysan oo ay kula macaamisho soomaalida kale iyo caalamkaba, kana turjuma tilmaan cadna ka bixiya sawirka runta ah ee mandaqada iyo himilooyinkooda siyaasadeed, mustaqbalka dhow iyo kan fogba. In maadaama ay Dowladii Soomaaliyeed burburtay laisku tashado, lana hormariyo dhamaan adeegyada bulshadda, kaabayaasha dhaqaalaha IWM . Ayadoo aan cidna marti loogu ahayn.

Maamuladii soo maray Puntland:

puntlandmapMaamuladii isaga danbeeyay Puntland, waxay ahaayeen kuwo la kufaa kacaayay xiisadihii siyaasadeed ee sida hirarka badda mandaqadda u garaacayay. waxaana la orankaraa, way dadaaleen intii awoodooda ah, in ay Puntland oo bad qabta ka gudbiyaan khatarihii kaga imaanayay dhinacyo badan. Hasa yeeshee waxay qaarkood ka gaabiyeen inay isku wadaan difaaca Puntland iyo wax uun horumar ah, oo dhinaca arimaha bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Waxaa jiray khaladaad badan oo siyaasadeed, oo salka ku hayay alaaba mudo kororsi iyo in aan laga soo bixin balanqaadyadii la galay. Amaba sidii heshiisku ahaa, in doorasho lagalo markii Xukuumaddu xiligeeda dhamaado. Waxaa dhacay dagaalo dhiig ku daatay oo aan loo baahnayn amaba laga baaqsan karay. Sharcigii la dhigtay wuxuu noqday mid gala jeebka Madaxwaynaha markaas talada haya. Baarlamaankuna wuxuu marti u noqday shilimaadka laga soo aruuriyo shacabka oo ku jira gacanta Xukuumadda, si aan xisaab celin cad lahayn. Maxkamad sare oo ay Puntland yeelataa waxay noqotay mid aan sinaba ku suurto galayn, waxaana si cad u hor istaagay dhamaan xukuumadihii Puntland soo maray.

Waxaa xusid mudan in mararka qaar awooda la saarayay raadin iyo baadigoob loogu jiray dhismo Dowlad Federal ah oo Soomaaliyeed, taasoo kalifaysay inaan waxba loo hanbayn shacab waynihii Puntland ee nidaamkaan samaystay. Waxay dadka inta baddani qabaan inay waajib dastuuri ah tahay in la doono Soomali wayn, juhdi iyo dhaqaalana lagu bixiyo sidii loo heli lahaa Dowlad Soomaaliyeed oo Federal ah. Balse su’aashu waxay tahay ilaa xadkee?? Dowlada hada jirta ee Madaxwayne C/raxman Faroole waxay puntland kusoo kordhisay siyaasad firfircoon oo aan horay looga baran madaxdii ka horaysay: Siyaasadahaas waxaa ka mid ahaa, abuurid dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo gudo iyo dibad ba ah , xiriir toosa oo beesha caalamka lala yeeshay. Dalab beesha caalamka ay Puntland kaga dalbanayso inay hesho wixii ay xaqa ugu lahayd kaalmada lagu bixiyo magaca Soomaaliyeed. Abuuris Ciidamo Nabadgalyo kala duwan oo la isku halayn karo, kuwaasoo suurto galiyay in Puntland ay marti galiso shirar waawayn oo caalamiya, inta badana lagu qaban jiray dalalka dariska. Waxaa ayana xusid mudan sarakicii xiriirka jaaliyada dibada iyo Dowlada. Inkastoo aan la dhamaystirin dhamaan balanqaadyadii shacabku filayeen, meelo badana laga gaabiyay in guulo la taabankaro laga gaaro, hadana waxaa hoosta laga xariiqayaa in maanta ay Puntland ka jirto Dowlad dhamaystiran oo lagu aamini karo Dalka iyo Dadka.

Nidaamka Asxaabta Badan:

Nidaamka asxaabtu ma ahan wax sahlan oo si fudud lagu dhaqan galinkaro. waa nidaam ay dhigteen bulshooyinka horumaray ee aduunka. Waa nidaam u baahan xadaarad iyo faham qoto dheer iyo bisayl, bulsho leh aqoon iyo garasho fog, oo ka turjumi karta cida ay yihiin iyo waxa ay doonayaan inay helaan ama noqdaan mustaqbalka dhow iyo kan fogba. Puntland hadal haynta nidaamkani kuma yarayn, kasoo biloow ilaa iyo markii la asaasay 1998. Hase yeeshee wuxuu noqday arin aan lagu dagdagi karin, oo laga baqay. Arin u baahan howl baaxad wayn leh iyo karti iyo shaqo dheeraad ah, una baahan hufnaan iyo tuhun la’aan. Sidaa awgeed nin walbaahi dhinacbuu isaga riixay, oo wuxuu door biday mida dhibta yar ee Baarlamaan lagu soo xulo hab-dhaqan beeleed ku salaysan 66 xildhibaan. Taasi waa mida keentay in 12 sano ka dib markii u horaysay laisku dayo in nidaamka asxaabta bal dhiniciisa la dhugto. Waxaan orankarnaa go’aankaasi wuxuu ahaa mid geesinimo leh iyo tilaabo horay loo qaaday, taasoo bilow fiican u noqotay markii ugu horaysay inay shacabka reer Puntland ay dhagahoodu maqlaan nidaamka Xisbiyada badan. Ayadoo la ansixiyay Dastuur ay Puntland yeelato abid, oo ku salaysan nidaamka asxaabta iyo goloyaasha degaanka. Shaki kuma jirin in Puntland ay gashay marxalad cusub oo ka duwan kuwii hore, waxaana isha lagu hayay bal sida dadku uga jawaabaan nidaamkan, iyo aragtiyooyinka ay ka qabaan dhaqangalkiisa, ama saamaynta uu bulsho ahaan ku yeelan karo. Guud ahaan Dadwaynuhu waa soo dhaweeyeen arinkaan, waxayna muujiyeen sida ay ugu heelanyihiin in laga dhabeeyo mid ka mida Himilooyinkii reer Puntland mudada badan ku taamayeen.

Waxaa markiiba soo ifbaxay caqabado loo qaateena oo xusid mudan:

Waxaa nidaamkaan kasoo horjeestay qaybo ka mida bulshadda oo isugu jira: shaqsiyaad siyaasiyiin hore u badan, kuwaasoo xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladihii Puntland soo maray, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah iyo Nabadoono. Ayagoo markaa u arkayay hadii arinkani hirgalo in Dowlada talada haysaahi ay yeelanayso gacanta sare, sidaa awgeedna aysan dani ugu jirin ayaga inay qayb ka noqdaan barnaamijkan. Isla kooxdani waxay muujiyeen arin loo qaateena oo ah waqtiga lagu beegay howshan baaxada leh, ayagoo adorasay inaan laga gaarsiin karin inta ka hartay waqtiga ka harsan Xukuumada Madaxwayne Faroole. Waxaa jiray sanad muran badan dhaliyay oo Xukuumada loogu daray, si ay u dhamaystirto barnaamijkan qabyada ah ee nidaamka asxaabta badan. Dowlada oo qaaday tilaabooyin shaki abuuri kara, oo laga baaqsan karay. Markii laga yimaado dooda waqtiga yaraantiisa, ujeedo kastaba halaga lahaadee. waxaa si cad u muuqatay in dowladu hawsha ay kaligeed isku koobtay, oo aysan ka dhigin arin dadkoo dhami wada leeyihiin, ayna xaq u leeyihiin talo galyo iyo in la dhagaysto cabashooyinkooda sax iyo khaladba. Ka mid noqoshihii inta badan Golaha Baarlamaanku ka mid noqdeen Xisbiga Horseed. Dhamaan Goloyaasha Dowlada oo ayaguna noqday xisbiga madaxwaynaha. Arimahaas iyo kuwo kaleba waxay abuureen shaki iyo tuhun ama Kalsooni daro ku timid Gudigii Doorashooyinka ee ku meelgaarka ahaa, Gudigaasoo ay soo xuleen ama magacaabeen Xukuumadda iyo Baarlamaanka oo ayagu hada isku noqday hal Urur Siyaasadeed. Arinkan waxaa si xooga ugu qaybsamay dadkii markii horaba barnaamijkaan taageersanaa. Wuxuuna abuuray Khilaaf Ururada qaar ay ka hareen Geedi socodkii Nidaamka Asxaabta (Democrazationka). Si kastaba ha ahaatee, hadii si dhab ah loo qiimeeyo muhimada iyo khiyamka howshani leedahay ama xambaarsantahay, runtii dhaliilahaas iyo kuwa kalaba waxay ahaayeen kuwo la liqi karey, ayadoo loo hiilinayo mustaqbalka dadka iyo dalka. Maxaa yeelay howshani oo bilaabataa waxay horseed u noqonkartaa Dowlad iyo madax ku timaada rabitaanka dadka. khaladaadka muuqda ee hada jirana waa kuwo dib laga sixi karey. (Rome wasn’t built in one day) Maahmaah Caalamiya.

Hakad ku yimid Doorashooyinkii la filayay:

Dhacdooyinkii xanuunka badnaa ee ka dhacay Gaalkacyo iyo Qardho waxay ahaayeen kuwa aan meelna kasoo galin nidaam dowladeed iyo aragtiyo lagu kala duwanyahay, kuwo kasoo fulay maskax aan caafimaad qabin oo si khaldan wax u akhrisay. Waxay noqotay mid aan marnaba la filayn(Oday ka sheekee) in qori caaradii iyo maleeshiyo beeleed dib loo abaabulo, waxna lagu doono. Arinkani wuxuu hakad galiyay dhamaan dadaaladii la rog rogayay, lagana fakarayay qaabka iyo habka ugu haboon ee looga shaqaysiin karo. Waxaa xusid mudan Go’aankii taariikhiga ahaa ee Madaxwayne C/raxman Faroole ku joojiyay Doorashooyinkii Golaha Dagaanka ee dhici lahaa Luuliyo 15, 2013.

Talo soo jeedin:

  1. Si loo furdaamiyo loona sii wado nidaamka Asxaabta, in Dowlada hada jirta sanad loogu daro, lana dhiso Gudi doorasho ku meelgaara oo ka madax banaan Dowladda, Gudigaasoo ka imaanaya bulshada rayidka ah, ahna shaqsiyaad bulshadda dhexdeeda sumcad ku leh laguna aamini karo howsha culus ee loo igmaday.
  2. In dib loo furo Furashadii Asxaabta waqti ku haboona la siiyo shacabka inay xisbiyo ku furtaan, lana sameeyo diiwaangalin rasmiya. Hadii labadaan qodob oo hore la waayo?
  3. In Baarlamaanka ku imaanaya 66 dii hore, mudadiisa laga dhigo 2-3 sano (Temporary). Dowlada iman doontana xiligeeda lagu koobo 4 sano, waajibaadkeeda koowaad laga dhigo dhaqan galinta Nidaamka Asxaabta. Doorashada Goloyaasha Degaanka la qabto labada sano ee ugu horaysa. Sanadka sadaxaadna la qabto doorashooyinka Baarlamaanka Cusub ee ay dadku soo doorteen.

Wabilaahi Towfiiq.

Qore: Yaasiin M Yaabarag

kala xiriir:Yabarag2@yahoo.com

 

Puntlandpost.com


Garoowe: C/shakuur Mire Aadan oo loo magacaabay Wasiirul-dowlaha Dekedaha, Gaadiidka & bada iyo La dagaalanka Burcad badeedka

$
0
0

Garoowe: (pp)- Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland , Xeer lanberkeeduna ahaa Lr 117-  kuna taariikhaysnayd 28/July 2013,  ayaa lagu magacaabay C/shakuur Mire Aadan, isagoo loo magacaabay Wasiirul-dowlaha Dekedaha, Gaadiidka & bada iyo La dagaalanka Burcad badeedka.

MireC/shakuur Mire Aadan ayaa xubin fir-fircoon  ka ahaa dowladihii wadanka soo maray oo dhan , wuxuuna Jagooyin kala duwan ka soo qabtay Wasaaradihii kala duwanaa  dowlada Puntland.

Masuulkan la magacabaabay ayaa aad looga yaqaan gobolada Puntland , Wuxuuna hada uu ka mid yahay  xubnaha ugu fir fircoon  xisbiga HORSEED.

Lamana garanayo sababta waqtigan kala guurka loo magacaabay C/shakuur Mire Aadan, , waxaase la sheegayaa in baahi loo qabay qabashada jagadan darteed  loo magacaabay.

Puntlandpost.com

Muqdisho: Goobaale iyo raga taabacsan oo laga bedelayo Sh/hoose (Warbixin)

$
0
0

Muqdisho: (pp)-  Maalinkii shalay oo baarlamaanka looga yeeray Wasiirka arrimaha guddaha C/kariin Guuleed isla markaana la weydiiyey su’aalo badan oo ku aadanaa dagaalada ka socda gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in ay jiraan dhibaato badan oo ka jira deegaankaas, wuxuuna dhanka kale beeniyey in dagaaladaas  ay u dhaxeeyeen Ciidamo dowlada ka tirsan iyo Beelaha gobolkaas dega, wuxuuna taas bedelkeeda baarlamaanka ka sheegay in waxa dagaalamay ay ahaayeen Beelo halkaas wada dega.

Guuleed oo lala xisaabtamay

Guuleed oo lala xisaabtamay

Inkasta oo hadalada uu ka jeediyey baarlamaanka ay ahaayeen kuwa lagu weeraray lagana dareemayey inuu dhinac u xaglinayo ayuu markii danbe si fiican uga Jawaabay su’aal qancisay baaralamaanka isagoo yiri ” waxay dadku deegaanku dhibsadeen nin masuul ah joogitaanka uu  joogo deegaanadaas “ ninkaas oo ula jeediyey  Goobaale , kana gaabsaday inuu magaciisa xuso.  Goobaale ayaa mid ahaa Qab qablayaashii deegaanadaas qabsaday wixii ka danbeeyey 1991-dii,wuxuuna Goobaale ka mid ahaa saraakiishii Dooxada Jubba.

Sikastaba, waxaa Puntlandpost soo gaaraya Warar sheegaya in  Cuqaasha deegaanada Sh/hoose  ay ka dalbadeen dowlada Federaalka ee Soomaaliya in ay ka bedelaan deegaankaas Goobaale ayna arki karin isaga iyo maleeshiyaadka uu wato oo qaab beeleed u jooga deegaanadaas, iyagoo wata magaca dowlada, waxaana deegaanadaas u yaal Isbaarooyin kala duwan.

DF ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay go’aankan uu ku adkaaday , maadaama aysan ka fileyn Cuqaasha deegaankaasi inay soo gudbinayaan Codsi intaas le’eg oo lagaga dalbanaayo in Goobaale laga bedelo gobolkaan isaga iyo ciidanada u jooga. Waxaana Wararka nasoo gaaraya ay intaas ku darayaan  in qaabkii looga bedeli lahaa Goobaale gobolkan ay wado dowladu, si kasta ha ugu adkaadee.

Puntlandpost.com

Muqdisho: Madaxweyne Xasan oo ka hadlay amaanka Muqdisho(Dhegeyso)

$
0
0

Kulan uu la qaatay qaar ka mid ah  Saxafiyiinta Warbaahinada oo looga hadlayay xeerka Saxaafadda ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kusoo hadal qaaday amaanka magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in ciidamada amaanka howsha ay hayaan ay sugida amaanka aysan yareyn balse waxa uu sheegay in qaraxyada magaalada ay sabab u yihiin qalab yari iyo dadka falalka amni darada gaysta oo aan dadka laga dhex saari karin.

Halkan ka dhegeyso riix

Madaxweynaha ayaa sheegay in amniga uu yahay mid muuqda iyo mid niyada dadka ah, waxaana sidaasi awgeed uu sheegay in Warbaahinta looga baahan yahay inay ka qeyb qaadato amniga iyada oo dadka u sheegeysa in marka laga tago qaraxyada dhacaya in  badan oo ka mid ah ay ka hortagtay dowladda Soomaaliya.

Weerarkii u dambeeyay ayaa lala eegtay shismo ay magaalada Muqdisho ka daganayeen shaqaalaha Turkiga iyadoo weerar kale oo is xigxiga ay ka dhaceen magaalada bil gudaheeda.

Xog hoose: Deeq 50 Arday ah oo laga dhacay Dowlada Puntland.

$
0
0

Garowe: (pp)- Masuuliyiin ka tirsan DF Somalia ayaa la wareegay kuraasta 50 ardey oo Puntland deeqo Waxbarasho uga heshay dalka Sudan.

Waxaa la helay xog ama waraaq cadeynaysa qoraal ay Dowlada Sudan u dirtey Wasiirada Horumarinta Arrimaha Bulshada Somalia Drs Maryan Qaasim oo ay ku cadahay dadaal ay ugu galeyso in xayiraada shahaada Puntland laga qaado , madaama wasiiradu ay ku cadeysay qoraalka ay u dirtey Masuuliyiinta Waxbarashada Sudan in Puntland ay tahay mid mudan in la tix galiyo, madaama ay horumar ka sameysay dhinacyo ay ka mid yihiin Manhaj midaysan ,Imtixaan isku mar la qaado iyo Siyaasad waxbarasho oo degsan.

Warqadii Sudan ay u dirtey Wasiirada Maryan Qaasim

Warqadii Sudan ay u dirtey Wasiirada Maryan Qaasim

Sida ka muuqatey Waraaqda ay u dirtey Wasiirka Horumarinta Arrimaha Bulshada Dowlada Federalka Somalia dhigeeda Sudan Drs Sucaad Cabdirisaaq inay ku wergalineyso tix galin Dowlada Sudan ay siiso Shahaada Puntland, balse la nasiib daro waxa ka dabo shaqeyeey oo is hortaagay dadaalka Drs Maryan Qaasim, Rag ku jira Xukuumadda oo ka mid yahay Cabdikariin Guuled oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa isku duba riday wafdi uu hogaaminayo Maxamed Nuur Gacal Wasiiru dowlaha Arimaha Dibadda oo tagay Sudan.

Wafdiga ayaa sida la sheegey aan waxba ka soo qaadin warqadii wasiirka islamarkaasina baal-maray xaqiiqda ka jirta horumarka Puntland dhanka waxbarashada ka gaartay, Iyagoona kulamo uu la yeeshey Gacan Masuuliyiinta Waxbarashada Sudan ay u suurto gashey inuu jeebka kusoo shubto liiska 150 kursi oo ah deeqdii Waxbarashada Somalia sanad walba Sudan siin jirtey.

Sudan ayaa sanad weliba Puntland ,Somaliland iyo Muqdisho mid 50 kursi siin jirtay taasi oo sanadkan meesha ka baxday ka dib markii gacal uu sheegay in Muqdisho lagu qaybin doono.

Wasiir Guuleed oo bahda waxbarashada ka tirsanaa ayaa ku doodaya inaan la qaadan karin Shahaadada Puntland loona baahanyahay inay tan Somalia hoos yimadaan.

”Gabadha wasiiradu shakhsi bay ka tahay ,way u dadaashay Puntland laakiin waa lagu khiyaamay wafdigii Sudan loo direy,Waxaana kow ka ah isdaba-marinta socota Safiirka Somalida ee Khartoum iyo Qaar ka mida Shaqalaaha Waxbarashada Muqdisho” Ayuu yiri Cabdulaahi Faarax Mire oo ah Madaxda Dalada Waxbarashada Puntland.

DRS Maryan Qaasim Wasiirada Horumarinta Somalia

DRS Maryan Qaasim Wasiirada Horumarinta Somalia

Sida laga warqabo ma lahan Shahaadada DF Manhaj u gaar ah oo imtixaanka loo galo iyo Siyaasad u degsan midna, halka taas bedelkeeda Puntland ay leedahay Manhaj waxbarasho oo mideynaya waxbarashada Dugsiyada ee isugu jira kuwa Dowlada iyo Kuwa gaarka loo leeyahayna ayna wada ictiraafeen dhamaan in Manhajkaas uu hago siyaasada Waxbarasho ee deegaanada Puntland oo iyadu hoos timaada Wasaarada Waxbarashada Puntland.

Waxaa la yaab ah marka loo eego Amaan uu dhowr mar usoo jeediyey Madaxweyanha Dowlada Federalka Xasan Shiikh Maxamud Waxbarashada Puntland horumarka ay ka sameysay in hadana uu jiro dagaal ka dhan ah Puntland oo biyaha hoostooda ay ka wado Dowlada Federaalku , kaas oo ay ku dooneyso inay isku hortaagto xaqa Puntland ay ku leedahay deeqaha Somalia hesho.

Tirada Ardeyda Puntland laga dhacay ayaa lagu sheegey inay gaareyso ilaa iyo 50 arday, islamarkaana uu hada jiro dadaal ay wadaan masuuliyiinta wasaarada Waxbarashada Puntland oo doonaya inay soo dhacsadaan xaqooda la duudsiiyey sida ay Puntlandpost u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Waxbarashada Puntland.

Axmed Caydiid oo horey u ahaa Wasiirkii Waxbarashada DFKMG ayaa warqad u qoray dhigiisa Sudan uu ku joojinayo Aqoonsiga Shahaadada Puntland islamarkaasina ku xusay inay tan Muqdisho tahay mida keliya ee jirta.

DF Somalia ayaa heshiis qeexaya la gashey dalalka caalamka bishii March 2013 in Dowlada Somalia ay u qeybiso deeqaha iyo kaalmada Somalia loogu talo galay si siman, balse taasi marka loo eego waa mid beenowday oo aysan waxba ka hirgalin sida ay ku sababeeyeen siyaasiin ka tirsan dhinacyada Somalia.

Xukuumada uu hogaaminayo Xasan Shiikh Maxamud ayaa marar badan lagu eedeeyey inay tahay mid dalka ka wada Sad bursi sii kala fogeyn kara isku soo dhawaanshiyaha Ummada Somaliyed oo ay magac ahaan sheegato inay u tahay Dowlad ama u matasho beesha caalamka xiriirka Somalia ay la wadaagaan.

Puntlandpost.com

Editorail.

C/wali Gaas oo u soo safraya Deegaanada Puntland,(Muxuu la xiriira safarkiisu?).

$
0
0

Garowe: (pp)- Ilo xogogaal ah oo saxaafada u waramay ayaa sheegaya in uu jiro dhaq dhaqaaq uu ku doonayo sidii uu ku imaan lahaa todobaadyada soo socda deegaanada Puntland Ra,iisal wasaarihii hore DKMG Somalia C/wali Maxamed Cali (Gaas) .

Wararka soo baxaya ee ay helayso Shabakada wararka ee Puntlandpost ayaa tilmaamaya inuu Prof C/wali kasoo degayo magaalada Bosaso, isagoo ay safarkiisa ku wehliyaan xubno saaxiib dhow la ah oo kala shaqeynaya ololaha siyaasadeed ee ku wajahan Isbedel la filayo in uu ka qabsoomo Puntland horaanta sanadka 2014 oo noqon doono xilliga loo asteeyey inay dhacaan doorashooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

Dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee Puntland ka bilowday todobaadyadii lasoo dhaafey ayaa soo shaac baxay ka dib markii la joojiyey doorashooyinkii goloyaasha deegaanka, Sidoo kalena golaha baarlamanka Puntland ay cod aqlabiyad leh ku go,aamiyeen in nidaamka doorashooyinka Puntland uu noqdo midkii hore oo kale ee beelaha ay kusoo xulaan xillibaanada cusub ee imaanaya dhamaadka sanadkan 2013.

Waxaana sida ay Puntlandpost.com horey u baahisey C/wali Cali Gaas uu ku hanweyn yahay inuu isu soo taago  Kursiga Madaxweynaha, oo ay ilo xogogaal ah xaqiijinayaan inuu shaacin doono Musharaxnimadiisa marka uu yimaado Prof Gaas Bosaso, oo aan si rasmiya loo sheegi karin taariikhda iyo maalinta uu kusoo beegan yahay marka laga yimaado wararka sheegaya maalmaha Ciidul Fidriga oo in ka yar 10 cisho ka hartey inuu imaan doono C/wali Gaas iyo Saaxiibadiisa loolanka siyaasadeed kula safan.

Dhanka kale Siyaasiin ka tirsan dhinacyada uu u dhexeeyo loolan siyaasadeed ee marxalada kala guurka ayaa Puntlandpost waxay si hoose ugu sheegeen in musharaxiinta shaashada kasoo muuqan doona ay ku jiraan xubno sar sare oo si weyn looga yaqaano saaxada siyaasada,kuwaas oo maalmihii u danbeeyey wararka dadku isla dhexmarayeen lagu hadal hayo xubno uu ka mid yahay Ra,iisal Wasaarihii hore KMG Somalia Prof Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo loo badinayo inuu kusoo biiro musharaxiinta ku loolameysa Kursiga ugu sareeya Xukuumada Puntland, kuwaas oo dhamaantood u hanqal taagaya helista Kursiga, halka ay jiraan warar sheegaya is xulufeysi durba laga dhex dareemayo Siyaasiinta ay ka mid yihin Dr Faroole ,Cumar C.rashiid oo isku dhinac ah iyo C/wali Cali Gaas iyo Cade Muuse oo iyana isku dhinac ah islamarkaana dhamaantood ay koox-ba koox-deeda kale u hanqal taagayaan helista Kursiga Madaxtooyada Puntland.

Bilihii lasoo dhaafey C/wali Gaas waxa uu socdaalo kala duwan ku kala bixinayay dalal badan oo caalamka ka tirsan , iyada oo la saadaalinayey in safaradaas ay qeyb ka ahaayeen taageero balaaran oo uu ka raadinayey Jaaliyadaha reer Puntland ee ku nool Wadamada Caalamka, waxaana imaanshiyihiisa la filayo inuu ku soo gaaro Puntland uu kusoo beegmayaa xilli qaban qaabo xoogan loogu jiro xulista xubnaha Mudanayaasha ee Xillibaanada beelaha ka imaanaya.

Iskuu wada duuboo ma jiraan ilaa hada cid ka tirsan xubnaha aanu magacyadooda xusney oo si rasmiya u shaacisey musharaxnimadooda, inkastoo la hadal hayo dhaq dhaqaaqa ugu horeeya ee musharaxiintu inuu yahay mid ka bilaabman doono xilligii horey looga bartey inay musharaxiintu ku shaaciyaan hadafkooda ama go,aamadooda ku aadan u tartamida jagooyinka xukuumada ugu sareeya, marka la gaaro bilaha Setember , October iyo November oo ah dhamaadka sanadkan 2013.

Puntlandpost.com

 

Ankara: Dowlada Turkey oo maanta Aas qaran u sameysay Askari looga dilay Muqdisho,Sawiro.

$
0
0

Ankara: (pp)- Askari ku dhintey qarax ismiidaamin ah oo Muqdisho lagula beegsaday 27/7/2013 Safaarada Dowlada Turkey ku leedahay ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey Wadankiisa, ka dib markii diyaarad Turkish ah 29/07/2013 Muqdisho ka qaadey meydka Askariga aaska loo sameyey iyo 5 ka mid ah dhaawacyo u dhashey Turkey oo ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Safaarada ee joogay xarunteeda Xamar ku taala.

1Askariga maanta lagu aasey Turki-ga ayaa lagu magacaabay Marxuum Sinan Yilmaz waxaana kasoo qeyb galay aaskiisa Masuuliyiin ka socotey Somalida Turkey ku nool oo uu ugu horeeyo Danjiraha Somalia Turkey u fadhiya Maxamed Mursal iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Turkiga.

Danjiraha Somalida ee Turkiga oo ka hadlay Aaska askariga ka tirsanaa Ilaalada Safaarada Turkey ku leedahay Muqdisho ayaa sheegey inuu ilaah uga baryayo janatu fardowsa , Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka tageyna samir iyo iiman ka siiyo.

3Waxaana uu intaas raaciyey Maxamed Mursal“Waxaan idin caddenayna inan ka xunahay geeridan ku timid askariga,shacabka Soomaaliyed iyo dowladdaba waxay kamahad celinayaan taageerada walaal tinimo ee ad nala garab taagantihiin,waxana idin sida tacsi ka timid madaxda qaranka”ayuu ka yiri aaska saafirku.

4Qar ka mid ah ehelada askari-ga oo ka mid ahaa kasoo qeyb galayaasha aas-ka ayaa goobta ka hadlay waxayna sheegey in geeridu ay tahay mid xaq ah islamarkaana aysan saameyn ku yeelanayn dhacdadii Muqdisho ka dhacdey walaaltinimada Turkey la wadaago Ummada Soomaaliyeed.

Masuuliyiin uu ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlada Turkiga ayaa ka hadlay aaska askarigooda uga dhintay Muqdisho waxaana uu sheegay in ay sii wadi doonaan howlaha ay ka wadaan Muqdisho , islamarkaana uusan noqon doonin mid hakiya weerarkii Alshabab ku qaadey safaarada Turkey ee Muqdisho.

Waa Askarigii ugu horeeyey oo Somalia uga geeriyooda Dowlada Turki tan iyo markii ay ka bilowday magaalada Muqdisho howlo la xiriira gargaar iyo mashaariic horumarineed oo ay Gobolka Banaadir Dowlada Turkey ka wadey sanadihii lasoo dhaafey.

Daawo Sawiro kale.

2 5Puntlandpost.com
Ankara Turkey.

Carmo: Warar been abuur ah oo laga sheegey shaqaalaha rayidka ee Kulliyadda Booliska,Dhagayso Wareysi.

$
0
0

Carmo: (pp)- Taliyaha Kuliyada Akedemiyada Carmo Col Cali Ceydiid Faarax ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamey warar lagu faafiyey barta Internet-ka oo sheegayey in 30 ka mid ah shaqaalaha Kuliyada ay shaqadii joojiyeen.

Col Cali Ceydiid waxa uu sheegey in Kuliyada Booliska Soomaaliyeed ee ku taala Degmada Carmo oo ka tirsan Gobolka Bari ay haatan u shaqeynayso sideedii hore islamarkaana uusan jirin wax is bedel ah oo ku yimid.

Waxa uu faahfaahin ka bixiyey Taliyaha Dugsiga tababarka Booliska ee ku yaala Carmo Shaqada iyo Howsha inta badan loo adeegsado dugsiga  oo uu sheegey Col Cali Ceydiid inay tahay mid ku tiirsan Mashaariic ay bixiso Hay,adda UNDP ee Qaramada Midoobey , islamarkaana Xukuumada Puntland ay ku taageerto oo kaliya adeegyo ay u qoondeysay.

Iyadoona uu taas bedelkeeda cadeeyey uusan jirin isbedel ku yimid howlihii dugsiga lagu qaban jirey mudo dheer islamarkaana uu masuulkan meesha ka saarey jiritaanka warar sheegaya in xarunta ay ka jirto cabasho iyo daryeel la,aan lasoo gudboonaatey.

Col Ceydiid waxa uu carabka ku dhuftey in tababarkii ugu danbeeyey dugsiga lagu qaato uu usoo xirmey tiro ka badan 600 oo askari oo ka kala tirsan Booliska Puntland iyo DF Somalia, kuwaas oo  17 July Sanadkan 2013 tababar xerada loogu soo xirey.

Wuxuuna sheegey in ciidanka tababarka loo soo xirey uu hada ka howl galayo goobihii horey looga kala keeney oo ahaa Koonfurta iyo deegaanada Puntland, uuna yahay qorshaha furitaanka  tababarka  ciidanku mid ku yimaada baahi UN-ka ay usoo gudbiyaan dhinacyada loo tababaro booliska sida Taliska Ciidanka Booliska DF Somalia iyo Kan Puntland.

Shaqaalaha rayidka ah ee Kulliyadda Carmo.

Col Cali Ceydiid Faarax oo ahaa shantii sano ee lasoo dhaafey Taliyaha xarunta Tababarada Booliska Degmada Carmo waxa uu ka warbixiyey shaqaalaha xarunta ka howl gala oo uu tiro ahaan ku sheegey inay dhan yihiin ilaa iyo 100 qofood oo isugu jira tababarayaal, saraakiil xerada gacanta ku haysa iyo shaqaale rayid ah oo tiradoodu dhan tahay 34 qof .

Waxaana uu beeniyey isaga oo ka hadlaya shaqada ay hayaan shaqaaluhu warar been abuur ah oo laga faafiyey, kuwaas oo uu Taliyuhu ku micneeyey inay yihiin dacaayado aan geedna loogu soo gaban islamarkaana xuquuqda shaqaalaha rayidka ah helaan ay tahay mid ka badan tan shaqaalaha kale helaan , mushaarkoodii ugu danbeeyey-na ay heleen bishan Ramadaan ee aynu ku gudo jirno .

“Hadda aan kula hadlayo xarunta Leyr-keeda waa uu noo shaqeynayaa , biyuhu waa joogaan , cuntada waa laga kariyaa, shaqaalaha rayidkuna iyaga ayaaba hela xuquuqda ugu badan ee mushahaarka iyo gunooyinka la qaato, bishii wali aan hada dhamaan ee July Mushaarkoodii waa ay heleen, Annagana Bishii June mushaarkayagii u danbeeyey qaadaney tan hada lagu jirana maalmahan heli doona” ayuu yiri Cali Ceydiid.

Ciidamo Saldhig ka sameystey Xarunta.

Tan iyo markii ay Puntland dagaal ka dhan ah la gashey kooxda Alshabab ee ku dhuumaaleysaneysa buuraha Golis ayaa ciidamo ka tirsan kuwa daraawiisha iyo kuwa dagaalka kula jira Alshabab waxay fariisimo ka sameysteen goobo u dhow dhow Degmada Carmo oo xuduud dhow la leh buuraha Golis oo kooxahan Alshabab ku dhuumaleystaan.

Waxaana mar uu ka jawaabayey Cali Ceydiid eedeyn ciidanka daraawiish-ta loogu soo jeediyey inay hakad galiyeen howlihii Dugsiga tababarka ka dib saldhigyo ay ka sameysten ayuu ku tilmaamey warkaasi in uusan xaqiiqda ku fadhin, Balse uu sheegey taliyuhu inay jireen ciidamo habeen dhaxmo xerada u yimaada kuwaas oo aan kusii daahin, islamarkaana Dugsiga tababarku uu yahay xero weyn oo ay ciidanku leeyihiin, sidaas darteedna aysan mushkilad lagu eedeyn karo ciidanka meesha ka muuqan.

Taliyaha Dugsiga tababarka Carmo Col Ceydiid oo eedeyn dusha uga tuurey dad uusan magacaabin balse uu kusoo koobey inay yihiin kuwo ka shaqeynaya goor walba fidno iyo been abuurasho inay ka danbeeyaan wararka la xiriira dacaayadaha raqiiska ah waa sida uu hadalka u dhigay Col Cali.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Taliyaha Kulliyada Tababarka Booliska Carmo

Sida laga warhayo inta badan saldhigyada ciidanka daraawiishta iyo kuwa kale ee dagaalka kula jira Alshabab waxay ku yaalan furimo dhowr ah oo ka baxsan Degmada Carmo , sida Toga la yiraahdo Sugure, Kalabeyr  iyo Goobo kale oo ah dhul banaan oo qarar iyo togag-ba isugu jira, waxayna taasi marka loo eego ka marag kaceysaa in uusan jirin saldhig ciidamada Miletry-gu ku leeyihiin Degmada Carmo.

Ujeedada loo dhisay Kulliyada iyo kaalinta UN-tu ku leedahay.

Xarunta oo ah mid loo dhisay ama ay iska leedahay Jamhuuriyada Dowlada Federalka Somalia iyo Puntland ayaa howlaha inta badan lagu fuliyo ay yihiin kuwo la xiriira tababarada ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ay Puntland qeyb uga tahay nidaamka loo yaqaan Federalism-ka, iyadoona ay ka yimaadaan mashaariicda lagu fuliyo tababarada xerada lagu bixiyo Hay,adda UNDP oo Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta.

Sanadkii 2005-tii ayaa xariga laga jarey Dugsigan tababarka Booliska ee ku yaala Degmada Carmo , waxaana mashruucii lagu dhisay sidoo kalena lagu qalabeeyey iska lahayd UNDP oo iyadu ilaa hada gacanta ku haysa , sida saraakiisha boolisku-na ay sheegeen si weyn looga faa,iideystey tababaro ciidamada lagu siiyey.

Ciidamada tababarka ku qaata xerada Dugsiga ayaa iyagu ah kuwo laga kala keeno Gobolada dalka Sida kuwa Koonfurta iyo Puntland, iyadoona qorshaha ciidamadaas lagu keeno uu yahay mid ay leeyihiin saraakiisha UN-ka islamarkaana uu yahay mid ka madax banaan Xukuumada Puntland.

Iyadoona uu sheegey Col Cali in uu ku qiyaasi karo mudadii uu gacanta ku hayey Xerada maamulkeeda ciidamada tababarka ku qaatey tiro gaareysa  1500 (Kun iyo Shan boqol) oo ka tirsan Booliska Puntland iyo 1000 ( Kun ) Askari oo ka tirsan booliska Dowlada Federalka oo ka howl gala Muqdisho.

Isagoona gaashaanka u daruurey Cali Ceydiidinay hakad galeen tababaradii ama mashaariicdii UN-tu ku bixin jirtey xarunta oo uu Cali shegey inuu ku xiran yahay furitaanka tababarada hadba baahiyaha UNDP u gubistaan Saraakiisha Taliska Booliska DF ee Muqdisho fadhigeedu yahay iyo Saraakiisha Booliska Puntland oo ay hay,addu ku gacansiiso barnaamijyada ciidanka booliska loogu tababaro.

Isku soo wada duuboo cabashada wararka aan la hubsan ee ay baahiyaan saxaafada Somalida ayaa mudooyinkii u danbeeyey waxa kusoo badanayey kooxo kusoo dhex gabada shaarka suxufiyiinta oo iyagu marka aad isii kuur gasho qeyb ka noqonaya dhinacyada siyaasada ee jecel inay bulshada uga faa,iideystaan sidii ay u jeclaysiin lahaayeen afkaar shaqsi ama dowlad lagu magac dilayo, taasna waxay saameyn xoogan ku reebaysaa bahda suxufiyiinta oo sida sharciga saxaafadu qabo aan la ogoleyn in dareenka suxufiga laga dhex garto warka ama warbixinta uu qorayo ama uu tabinayo.

Puntlandpost.com
Editorial .


Garowe: Sidee caawa Puntland looga diyaar garoobayaa Xuska 1 Augsto oo ah markii la Aas aasay Dowlada Puntland kuna beegan berito !.

$
0
0

Garowe: (pp)- Maamulka iyo Shaqaalaha Shabakada Puntlandpost.com waxay dadweynaha reer Puntland ugu hambalyeynayaan xuska 15 sano guurada kazoo wareegtey markii dhidhibada loo taagay dowlada Puntland oo iyadu gaartey inta badan himilooyinkii iyo ujeedooyinkii loo aas aasey sanadkii 1998-dii markii ay ku midoobeen shantii Gobol ee kala ahaa Nugaal, Bari, Mudug, Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle oo markaas ay ka koobneyd Puntland balse hadda ay kooban tahay 9 Gobol.

shacabka 1Hadaba Shabakada Wararka ee Puntlandpost.com waxay hambalyo iyo bogaadin ku aadan munaasabada 1 Augsto hawada u marineysaa dhamaan shacabka reer Puntland , Madaxda iyo Dadweynaha-ba, waxaanu leenahay sanadka sanadkiisa baraare iyo barwaaqo ku gaarar.

Dhanka kale caawa jawiga laga dareemayo deegaanada Puntland ayaa ku saabsan farxad iyo rayn reyn dadka iyo dowladu ugu dabaal dagayaan xuska sanad guurada 15 sano kasoo wareegtey markii lagu dhawaaqey dhismaha Dowlada Puntland oo iyadu soo martey marxalado kala duwan islamarkaana ay maamulka Puntland ergeydii dhistey  ee goboladii xilligaas iyo degmada buuhoodle ka yimid tiradooda ay gaareysay 500 oo ergo ah oo soo doortey Madaxweynihii iyo Madaxweyne ku xigeenkii hogaaminayey xukuumadii ugu horeysay ee Puntland Alle ha u naxariistee Col Cabdulahi Yuusuf Axmed iyo Maxamed Cabdi Xaashi oo loo kala doortey Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen.

Shacabka PuntlandXuska 15 sano guurada laga joogo aas aaska Puntland waxa ay bilaaban doonaan xafladaha waaaweyn ee loogu dabaal dagayo maalinta beriya iyadoona ilaa habeen danbe si toos ah warbaahinta qeybaheeda kala duwan si toos ah dadku ugala socon doonaan Khudbadaha iyo bandhiga munaasabadan oo qeybteeda ugu weyn lagu qaban doono Magaalo Madaxda Puntland Garowe halkaas oo ay joogaan dhamaan masuuliyiinta Dowlada, Wafuud kala duwan oo ka kala yimid Gobolada iyo Dibada.

Sida ay sheegeen Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland amaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey si looga hortago falal amni daro, kuwaaas oo ay sheegeen  masuuliyiin ka tirsan laamaha Amniga inay kaga hortagi doonaan kooxaha jecel inay carqaladeeyaan amaanka iyo nabadgalyada.

ciidanka bambeydaBalse sida la oran karo jawiga magaalo Madaxda iyo magaalooyinka kale waa mid caawa si weyn looga dareemayo u diyaar garowga feestada 15-aad ee Puntland dhismaheeda loogu dabaal degayo.

Puntlandpost.com

Editorial,

Faallo: 15 Sano ka dib Puntland.

$
0
0

Bosaso: (pp)- 15-sano ayaa laga jooga xilligii dhidibada loo taagay maamulka qaangaaray ee Puntland,kaas oo la aas-aasay 1-agoast sanadkii 1998.

Markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991,waxa dalka ka dhacay dagaalo isdaba joog ah oo galaaftay nolosha dad badan oo Soomaaliyeed,arrintaasi oo horseeday in umada Soomaaliyeed ay noqdaan Qaxooti marti u ah dalal shisheeye.

Waxa lumay haybadii ay umada Soomaaliyeed ku lahaayeen Caalamka,waxaana fashil ku dhamaaday shirar lagu doonayay in lagu heshiisiyo Somalida oo ka dhacay wadamada Masar,Jabuuti iyo Ethiopia.

Isimo,Culumaa’udiin,Waxgarad,aqoonyahan,Siyaasiyiin iyo qaybaha kale ee Bulshada reer Puntland ayaa 15-sano ka hor is tusay muhiimada ay leedahay in ay samaystaan maamul Goboleed,kaasi oo gogol xaar u noqda dib u hanashada Qarankii burburay ee umada Soomaaliyeed.

Dadweynaha samaystay maamulka Puntland oo ka kala socday Gobolada Sool,Sanaag,Bari,Nugaal,Mudug iyo degmada Cayn ayaa 15-sano ka hor ku guulaystay samaynta Axdi KMG ah,Caasimada Puntland,Baarlamaan ka kooban 66-xubnood iyo Doorashada Madaxda Puntland,waxaana Madaxweynaha Puntland loo doortay ALLA ha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf Axmed,hlka Madaxweyne ku xigeena loo doortay Maxamed Cabdi Xaashi.

Maamulkii ugubka ahaa ee Puntland ayaa suura-gal ka dhigay in uu dhismo Haykalka dowladnimo,xilli halka wax laga bilaabay ay ahayd Ban-Ka-Ood.

Madaxda Puntland oo gacan ka helaya qaybaha bulshda ayaa hormuud u noqday hirgalinta sharci iyo kala dambayn ka hana qaaday Puntland,waxana Dimuqraadiyada dadban ee ay ku dhaqmayeen ay saamaxday in Puntland ay yeelato Madax kala duwan oo ku imanayay hannaan Baarlamaani ah oo ku dhisan nidaam Beeleed.

Xukuumadihii ka horeeyay Xukuumada uu hogaanka u hayo D.r Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole ayaa ka soo baxay qaar ka mid ah waajibaadkii shaqo ee ay u igmadeen Bulshada reer Puntland,inkasta oo ay jireen waxyaabo badan oo aan hubanti u noqon in ay qabtaan.

Madaxweynaha Puntland D.r Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole ayaa ku guulaystay in magaca Puntland gaarsiiyo meel fog oo aan horay looga aqoon Puntland,arrintaasi oo ku kasbaday Siyaasadiisa furfurayd ee kula macaamilayay Beesha Caalamka.

Reer Puntland ayaa door muuqda ka cayaaray hirgalinta dowlada Federaalka Soomaaliya,ka dib markii shirar lagu heshiisiinayay dadweynaha Soomaaliyeed lagu qabtay magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo.

In kasta oo abaal iyo mahad-celin aysan Puntland ka helin doorkii ay ka qaadatay hirgalinta dowlada Federaalka Soomaaliya oo waqti iyo dhaqaale ay ku bixisay,hadana Puntland wali waxay u taagan tahay dib u helida Qaran Soomaaliyeed iyo hirgalinta Nidaamka Federaalka oo ay ku heshiiyeen dadweynaha Soomaaliyeed.

Dhexgal-Xusuusin, Xukuumadii ALLA ha u anxariistee Cabdulaahi Yuusuf Axmed 1998 – 2004,Xukuumadii Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi 2005- Jan 2009,Xukuumada Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole 2009 ___?.

Waxbarashada Iyo Caafimaadka.

Hormar wannaagsan oo waxbarasho kama jirin Puntland 15-sano ka hor,hasa yeeshee dadaal dheer oo ay sameeyeen dadweynaha ayaa keenay in Puntland ay yeelato goobo Waxbarasho oo ka koobaan,Dugsiyo hoose,dhexe iyo sare,Machadyo iyo Jaamacado.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxaa ayaa keenay Siyaasad cad oo uu ku hormariyay waxbarashada,waayo waxa la mideeyay Manaahijta Waxbarsho ee Dugiyada dhexe iyo Sare ee Puntland,waxaa deeqo Waxbarasho loo diray Arday reer Puntland.

Shirkii June 2013 lagu qabtay Muqdisho ee looga hadlayay Waxbarashada Soomaaliya ayaa Puntland loogu aqoonsaday maamulka ugu Waxbarshada wannaaagsan Soomaaliya,arrintaas oo ahayd guul wayn oo ay gaareen reer Puntland.

Cabdiqani Qalabad Qoraaga Faalada

Cabdiqani Qalabad Qoraaga Faalada

Waxa Puntland laga hirgaliyay Cisbitaalo waawayn,kuwaasi oo dadweynaha u fidiya adeegyo Caafimaad,xilli 20-sano ka hor adeegyada Caafimaad loo doonan jiray Muqdisho.

Waxa xusid mudan in ay jiraan goobo Caafimaad oo loo leeyahay si gaara oo dadweynuhu ay dhiseen,taasi oo qayb ka ah hormarka Puntland.

Saxaafada.

15-sano ee jirtay Puntland Saxaafada waxa jiray koboc Warbaahineed,waayo waaxaa Puntland ka hawl gala Jaraa’ido,Websaydyo,Idaacado iyo Tv-yo la jaan qadaya Saxaafada Caalamka,waxaana tayada Suxufiyiintu ay noqotay mid kor usoo kacaysay sanadihii ugu dambeeyay.

10/Apri/2013 ayaa markii ugu horaysay ay Puntland yeelatay Raadiye,Tv iyo Websayd ku hadla afka dowlada Puntland,15-sano oo ay Puntland jirtay ka dib.

Waxa muuqanaya in hormar balaaran ay ku talaabsatay Saxaafada Puntland,in kasta oo ay jiri karaan dhaliilo loo tiirin karo bahda Warbaahinta.

Dimuqraadiyada.

Puntland markii la aas-saay waxay sameeyay Axdi KMG ah,axdigaas oo uu ka dambeeyay Dastuur qabya ah oo keenay khilaaf jiritaanka Puntland halis galiyay.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Xukuumada uu hogaaminayo waxay ku guulaysatay;.

1- Dib u eegida iyo ansixita Dastuurkii qabyada ahaa.

2- Samaynta astaanka iyo Calanka Puntland.

3- Samaynta Guddiga Doortasha KMG ah iyo xeerka ururada Siyaasada.

4- Ogolaansha Ururada Siyaasada iyo arrimo kale oo gogol xaar u ahaa Dimuqraadiyadii hakadka la galiyay.

14 July 2013 ayaa Madaxweynaha Puntland uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu joojiyay Doorashooyinkii Golayaasha deegaanka Puntland,in kasta oo xusay in ay rajaynayaan in waqtigooda dib loo bilaabi doono.

Dhacooyinkaas taariikheed ee kor ku xusan waxay ina barayaan in meel wannaagsan oo horay looga sii wadi karo ay gaartay Dimuqraadiyada Puntland,marka loo fiiriyo halkii Puntland ay wax ka bilowday.
Fanka Iyo Cayaaraha.

Burburkii Soomaaliya ka dib iyo aas-aaskii Puntland ka hor Fanka iyo Cayaaruhu door muuqda kuma lahayn arrimaha Bulshada Puntland,hasa yeeshee sanado ka dib horusocod ka wannaagsan halkii ay markii hore joogeen ayaa laga dareemayaa.

Waxa Puntland ka dhismay Naadiyo kubadda Cagta ah oo heer degmo iyo Gobol ah,waxaana marka laga hadlayo Cayaaraha qof kasta maankiisa kusoo dhacaya Cabdulaahi Sheekh Iyo Marxuum Boobe oo ka mid ahaa dadkii soo nooleeyay kubada Cagta Puntland.

December 15, 2010 Puntland ayaa 22-sano oo uu dalku burbur ahaa ka dib marti galisay tartanka Cayaaraha Gobolada Soomaaliya oo ay ku baratameen 15 Gobol.

In kasta oo Puntland ay ka jiraan naadiyo Kubada Cagata ah,hadana naadiyadaasi taabeero iyo aqoonsi kama helin Guddiga Olombikada Soomaaliya oo Barnaamijyadooda ku koobay magaalada Muqdisho.

Markaynu eegno Fanka Puntland 4-tii sano ee ugu dambasay wuxuu lahaa bilow wannaagsan,oo mari kara wadada hormarka,waxa Puntland ka aas-aasan Fanniin ku bahoobay magaca ‘’Xidigaha Puntland’’,kuwaasi oo uu hormuud u yahay Abwaan Shube oo ka mid ah Abwaaniinta caanka ah ee Soomaalida.

Hormarinta Fanka Iyo Warbaahinta dowladu waxay door muuqda mustaqbalka ka cayaari karaan Wacyi galinta,guubaabin iyo dhiiri galin dadweynaha reer Puntland.

Jidda-yarey.

Marka aad aragto cinwaanka sare ee Jidda-yarey waxaa hubaal ah in aad is waydiinayso halka ay ku taal Jidda-yarey oo ay suura-gal tahay in aadan horay u maqal.

Dadkii kasoo barakacay Koonfurta Soomaaliya ee Puntland ay marti galisay waxay u qaybsameen dad ku negaaday Puntland oo amaan iyo shaqo ka helay iyo kuwo uga sii talaabay wadanka Yaman oo ay uga sii gudbeen wadanka Sucuudi Areebiya,kuwa u Tahriibay Sucuudi Areebiya ayaa waqtigaasi u shaqo doonan jiray magaalada Jidda ee wadanka Sucuudi Areebiya.

Mid ka mid ah dhalinyaradii kasoo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool oo diiday inuu Tahriibo ayaa la yaabay Ganacsiga xorta ah ee barakaysan ee yaala Puntland,wuxuu muddo kooban ku noqday nin haysta dhaqaale aad u badan,isaga oo dhalilsan dhibaatada Soomaalida ka haysatay Tahriibta Sucuudiga,lana dhacsan Ganacsiga iyo hormarka yaalay Puntland ayaa yiri’’..Adi’oo Jid idin eh haysta,may ka fadaase dhibaate jid wayn’’,oo afka maxad tiri hadaan ku qeexo macnaheedu uu noqonayo’’Adigoo jidda yarey haysta,maxaad ka doonaysaa dhibaatada Jidda waynay’’.

Akhriste haddii aas-aaskii Puntland ka dib,Puntland ay noqotay goob loo soo shaqo tago oo Ganacsi xor ah uu yaal,dadkii usoo Brakacayna ay u bixiyeen Jidda-yarey,maxaad ka filaysaa 15-sano oo ay jirtay Puntland,heerka uu gaaray Ganacsigu.

Waxa xusid mudan in ay dhismeen magaalooyin waawayn oo ay yeelatay Puntland,waxana ka mid ah kuwa lagu faani karo Bosaso,Garowe,Gaalkacyo,Qardho iyo magaalooyin kale.

Gabo-gabo.

Aan u daadago soo afmeerida qormada,dad badan oo daalacday Qormadan ayaa oran doona,muxuu qoraagu ugu soo dari waayay Qormadiisa waxyaabaha aan suura-galin in la qabto 15-sano ee tagay,hasa yeeshee waxaan leeyahay’’ Xaasha-e nin libin kaa xasdiyay, xumihii waa yaab’’.

Cabdiqani Cabdullaahi Cabdi.

Qoraaga Da,aada yar ee  arrimaha Puntland.

qalabadyare@gmail.com.

Puntlandpost.com
Bosaaso.

Garowe: Diyaarad markii ugu horeysay duulimaad ka bilaabeysa Garoowe, Nairobi iyo Gaalkacyo

$
0
0

Garoowe: (pp)-  Diyaarad si toos ah todobaadkii u sameyn doonta duulimaadyo Garowe, Nairobi iyo Gaalkacyo ayaa markii ugu horeysay laga  hirgaliyey deegaanada Puntland,waxaana uu sheegey Wakiilka Diyaaradan ee Deegaanada Puntland Bashiir Maxamed  in duulimaadka ugu horeeya ee diyaaradu uu bilaaman doono 14 bishan Augsto ee Sanadkan 2013.

Diyaaradan oo lagu magacaabo Freedom Air Express ayaa ah mid si gaar ah loo leeyahay , iyadoona wax badan ka bedeli doonta socdaalka Nairobi iyo Deegaanada Puntland oo hadda ka dib noqon doona mid laga gudbo caqabado kala duwan oo horey uga jiri jirey .

freedomDadka qurbaha ka imaanaya iyo kuwa u dhoofaya Kenya ee danaha ka leh ayaa ay horey ugu kalifi jirtey safaradooda inay u isticmaalaan meelo fog fog oo ay kasoo wareegaan, waxaana furitaanka xafiiska duulimaadka diyaarada Freedom Air Express soo dhaweeyey qeybo badan oo ka tirsan Mujtamaca Garowe ku nool iyo Guud ahaan Puntland.

Puntlandpost.com

Garoowe.

Marka: Alshabaab iyo shacabka deegaanka Sh/hoose oo noqday cadowga koowaad kooxihii xooga ku haystay Sh/hoose (Warbixin)

$
0
0

Iyadoo shacabka Soomaaliyeed  badankiis ay ka warhayeen in Kacdoon shacab uu ka bilowday gobolka Sh/hoose , kacdoonkaas oo looga soo horjeedo kooxo uu hogaamiye u ahaa Goobaale oo  22kii  sano ee la soo dhaafay xoog ku haystay inta badan gobolka Sh/hoose , ayaa waxaa hada saaxada soo galay oo Alshabaab oo iyagana si toos u ugaarsanaya Kooxaha Goobaale .

banaanbax MarkaDagaal ayaa Habeen hore ka dhacay Tuulada Booshka , dagaalkaas oo kooxda Goobaale ay Al-shabaab kaga dileen illaa 13 maleeshiyo ah oo ka tirsanaa Askara Goobaale , kuwaas oo goobta lagu soo weeraray kaga cararay Maydka 13 nin oo taageersanaa Goobaale.

Gobolka Sh/hoose ,  ayaa aad looga  hadal hayaa dagaalada Alshaaabku  ay ku qaadeen kooxda Goobaale   . Wax wada shaqayn ah kama dhaxayso dadka deegaanka iyo Al-shabaab , laakiin dadka deegaanka ayaa aaminsan Cadowgaaga Cadowgiisu waa saaxiibkaa, oo waxay dadku aad usoo dhoweeyeen weerarka lagu qaaday Kooxda Goobaale isla markaana maleeshiyaadka looga dilay.

Alshabaab  ayaa maleeshiyaadka  Goobaale oo la sheego inay ka tirsan yihiin ciidamada dowlada ayaan la is tusi karin, halka Ciidamo maleeshiyo ah oo deegaanka ka soo jeeda iyo kuwa Goobaale aan la is tusi karin , waxaana loo maleeshiyaa Maleeshiyaadka Goobaale in ay hada yeesheen Labo cadow oo ah Alshabaab oo meel ah iyo dadka deegaanka oo meel ah.

Sikastaba, Shacabka Sh/hoose, ayaa ,markii ugu horaysay  Codkooda kor u qaaday , iyagoo 22-kii ee la soo dhaafay ku noolaa Nolol qalafsan oo lagu boobay Beerahoodii iyo Guryahoodii , iyadoo ay u dheerayd in laga gadi jiray Biyaha Webiga,arrinkaas oo ka fogaa Islaanimada iyo Soomaalinimada intaba.

Shacabka Soomaaliyeed oo waqtigan soo fahmaya dhibaatada ay shacabka ku keento Boobka iyo Bililiqaysiga ayaa waqtigan loo maleeyaa inay aad u taageerayaan CODKA Shacabka Sh/hoose ka soo yeeraya , kaas oo ah in ay iyagu Xaq u leeyihiin in deegaanadooda Maamushaan , laakiin ay marnaba aysan yeelayn in Maleeshiyooyin hubaysan oo Galgaduud ka yimi in ay deegaanadooda ku maamulaan , kuwaas oo deegaanka iyo Shacabka gobolka Sh/hoose ,  horay uga galay Danbiyo ka soo horjeeda Islaanimada iyo bani’aadanimada intaba.

Puntlandpost, Marka

 

Bosaso: Warshada shamiitada sameysa oo Puntland laga dhisayo,Sawiro.

$
0
0

Boosaaso: (pp)- Ganacsato u dhashay deegaanada Puntland ayaa ku howlan hirgalinta Warshad sameysa shamiitada, ka dib kulan xaflad ah oo lagu shaacinayey furitaanka warshada ayaa lagu qabtey magaalada Bosaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

5Xubno ay ka mid yihiin Ganacsato, Culimo u diin, Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland iyo Marti sharaf ayaa ka qeyb galay xaflad lagaga dhawaaqayey dhismaha warshada shamiitada oo lagu qabtey Hotel Jubba ee Magaalada Bosaso.

Hirgalinta Warshada Shamiitada oo la sheegey inay qaadaneyso muddo 17 bilood ah ayaa waxaa dhiseysa shirkad laga leeyahay dalka Hindiya sida ay goobta ka sheegeen xubno ka tirsan ganacsatada ku howlan sameynta warshada.

1Warshadan oo noqon doonta mid meesha ka saari doonto Shamiitada laga soo gato wadamada dibada ah ,ayaa sidoo kale qeyb ka noqon doonta shaqo abuur ay u sameyso dhalinyaro badan oo ay shaqo la,aan ka daashay.

Sababta ka danbeysay hindisaha Warshadan lagu furayo ayey ku sababeysay Ayaan Ladane Saalax oo ah aas-aasaha shirkadan ka dib markii ay arkeen baahida bulshada ay u qabaan Warshad Shamiito oo dalka laga dhiso.

9Ayaan Ladane ayaa intaasi ku dartay in ganacsatada la ogeysiinayo in Warshadda Shamiitada ee Bulaal uu sheerkeedu furan yahay, taas oo ay sheegtey inay ula jeedo si uusan ganacsigu u noqon mid ku kooban shaqsi.

Sheekh Cali Diire ayaa isna goobta ka hadlay, waxaana uu ugu baaqay Ganacsatada Puntland in ay lacagahooda ku dhisaan wershado dalka wax u tara,islamarkaana uu Shiikhu noqdey qofkii ugu horeeyey ee Sheer ku darsada Warshadan.

Magaalada Bosaso oo ay ku dhow yihiin dhul buuraley ah ayaa sida ay dad badan tilmaamaan Buurahaasi ay fududeyn karaan inay Warshadan ka caawiyaan qeybaha shamiitada laga, Madaama Buurahaas ay yihiin kuwo aan ka sameysneyn dhagaxaan oo ay taas bedelkeeda ka sameysan yihin ciid tuuro shamiitada u muuqaal eg oo fududeyn kara shamiitada oo laga sameeyo.

Daawo Sawiro kale dadka ka qeyb galay xaflada warshada furitaankeeda loo sameeyey.

8 6 7 2 4 3Puntlandpost.com
Boosaaso.

Viewing all 23196 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>