Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all 22963 articles
Browse latest View live

BOOSAASO: W/Maaliyada Puntland oo tiro kamid ah shaqaaleheeda usoo xidhay tababar maalmahan usocdey(Sawiro)

$
0
0

Boosaaso: (pp)- Waxaa maantay oo taariikhdu tahay March 21 -2013 loogu soo gaba gabeeyey saminaar mudo ka socday Hoolka weyn ee Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Bosaso , saminaarkaas oo loo qabtay Shaqaalaha iyo Madaxda Dhexe ( Middle Management  and Subordinates) ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland , saminaarkaan iska kaashaday  hay’ada UNDP barnaamujkeeda SIPD project iyo Wasaaradda Maaliyadda DPL, waxaana casharada bixinayeyMr. Osman Mohamud Ali , ACCA professional body, oo ah aqoon yahan Soomaaliyeed oo ka yimid dalka dibadiisa , tirada shaqaalaha saminaarka loo soo gaba gabeeyey oo dhan 30 qof wajiga koowaad mudooyinkan danbe ayaa Wasaaradda Maaliyaddu u qabaneysay tababaro is daba joog ah shaqaaleheeda si kor loo gu qaado aqoonta shaqaalaha .

Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada oo tababat loo soo gabagabeeyey

Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada oo tababat loo soo gabagabeeyey

Osman Mahamud Ali, oo ah khabiirka tababarka bixinaayey

Osman Mahamud Ali, oo ah khabiirka tababarka bixinaayey

Ugu danbeyntii  waxaa saminaarka soo xiray  Wasiir kuxigeekna Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda  Mr. Cabdiraxmaan Maxamuud X. Xassan oo kula dardaarmay shaqaalihii dhamaystay saminaarka in ay duruusta la baray dalka iyo dadka uga faa’iideeyaan kuna dabaqaan shaqada ay umada u hayaan , midkastana waxaa la gudoonsiiyey shahaadada ka qayb galka saminaarka.

DSC00395

DSC00388

Khabiirka bixinaya saminaarka ayaa ah muwaadin soomaaliyeed hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa “Anigu waxan ahay Somali halkana waxaan u imid in aan umadeyda uga faa’iideeyo aqoonta aan soo bartay iyo khibrada aan u leeyahay Hagaajinta Xisaabaadka , halkan uma imaan in aan lacag ka sameeyo waxaan rabaa in aan waxuun idiinka tago intii aan awoodo idinkuna aad ka faa’iideysataan fursadan waxaana loo baahan yahay horumar iyo in aynu aduunka la jaanqaadno “ intaa waxaa yiri Osman Mohamud Ali, ACCA professional

DSC00398

DSC00410

DSC00396

DSC00417

DSC00412

DSC00427

Puntlandpost.com


GAROOWE: Wafti UN-ka ka socda oo Garowe yimid (Warbixin iyo Sawiro)

$
0
0

Garoowe: (pp)- Wafti ka socda guddiga qiimeynta shaqada Qaramada Midoobey ee Somalia ayaa maanta soo gaarey magaalada Garowe , waxayna kulan la qaateen Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiraxman Shiikh Maxamed.

Madaxweynaha iyo waftiga

Madaxweynaha iyo waftiga

Socdaalka waftiga Garowe maanta yimid waxaa sidoo kale ku wehlinayey saraakiil ka tirsan wakaaladaha kala duwan ee Qaramada Midoobey , iyadoona kulanka maanta ay goob joog ka ahaayeen xubno ka tirsan golaha wasiirada Dowlada Puntland.

Madaxweynaha oo salaamaya xubin ka tirsan waftiga

Madaxweynaha oo salaamaya xubin ka tirsan waftiga

Waftigan ayaa horey usoo maray Magaalada Muqdisho , halkaas oo ay kula soo kulmeen Madaxda Dowlada Federaalka Somalia, sida la sheegeyna guddigan ayaa ah kuwo dabo socda koox ka horeysay oo qaabilsaneyd inay la tashiyo ka sameeyaan qaabka wada shaqeyneed ee Qaramada Midoobey iyo Somalia, ka dib ka bixitaankii KMG-nimada Somalia.

qaar ka mid ah xubnaha waftiga iyo wasiirada Puntland

qaar ka mid ah xubnaha waftiga iyo wasiirada Puntland

Kulanka maanta ku qabsoomey xarunta QM ee magaalada  Garowe ayaa laga hadley qodobo ay ka mid yihiin qaabka UN-ku taageero u siin karaan DF Somalia sida dhinacyada amaanka, dib u heshiisiinta iyo hirgalinta saxdaa ee nidaamka Federaalka.

Waftiga Garowe yimid hoolka shirku ka dhacay GaroweQaabkii looga baxay KMG-nimada Somalia waxa u mateleysay Qaramada Midoobey UNPOS oo ah xafiiska siyaasada Somalia, iyadoona ay laga maarmaan tahay in laga wada hadlo qaabka ay u wada shaqeyn karaan dhinacyada Somalia.

Xafiiska Puntlandpost
Magaalada Garoowe

NAIROBI: Caalamka oo ka shaqeeyey in Puntland iyo Somaliland ka wada shaqeeyaan Iskaashiga la dagaalanka Argagixisa (Warbixin)

$
0
0

Nairobi: (pp)- waxaa maanta heshiis ku saabsan iskaashiga la dagaalanka Argagixisada ku wada saxiixdey Magaalada Nairobi xubno kala matelayey Puntland iyo Somaliland ka dib kulan dhowr cisho socdey oo dhexmarey .

Puntland iyo Somaliland oo ka wada shaqaynaya iskaashiga la dagaalanka Iskaashiga Argagaxisada

Puntland iyo Somaliland oo ka wada shaqaynaya iskaashiga la dagaalanka Iskaashiga Argagaxisada

Heshiiska labada dhinac kala saxiixdeen waxaa dhanka Somaliland uga qeyb galey Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland , Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga halka dhinaca Puntland-na ay uga qeyb galeen xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Madax ka socotey Hay,addaha sirdoonka Puntland ee PIA.

Ka dib markii labada dhinac uu usoo dhamaadey kulanku waxay kulan la yeesheen madax ka kala socotey Maraykanka , British iyo Sweden, iyadoona ay ku booriyeen madaxdaasi in ay iska caawiyaan la dagaalanka kooxaha Argagixisada , islamarkaana ay ka wada shaqeeyaan labada maamul iskaashi ku aadan arrimahaas oo dhex mara.

Talaabadan ay wada saxiixeen labada dhinac ayaa noqon kareysa mid saameyn ku yeelata kooxaha la aaminsan yahay in ay yihiin kuwo mayal adag ee gudaha Somalia dagaalka ka wada , iyadoona horey aysan u jirin heshiis ceynkan oo kale ah oo labada dhinac u wada gaareen, balse sida la rumeynayo hadii talaabadan ay hirgasho waxay noqon kartaa mid wax ka qabata sugida amaanka iyo soo afjarida kooxahaas oo ay ugu horeyso ururka alshabab.

Xafiiska Puntlandpost

Magaalada Garowe.

GALGUDUUD:Xili roobaadka Guga, oo kacurtay gobalka Galguduud

$
0
0

Galguduud: (PP)_Xili muddooyinkii ugu dameeyay ay kajireen goobo katirsan gobalka Galguduud abaaro xoogan oo saamayn kuyeelatay dadka iyo duunyada kunool gobalkaasi ayaa waxaa saacadihii ugu dameeyay robaab lagu diirsaday kada,een deegaano katirsan gobalka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.
degmada dhuus mareeb
Roobabkani oo da’ayay 24-kii saac ee ugu dameeyay ayaa waxa ay ahaayeen kuwo ay aad ugu diirsadeen dadka iyo duunyda kunol deegano ay kamidyihiin Dhuusamareeb, Ceelbuur iyo Ceelgaras.

Qaarkamid ah dadka deegaanka oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in roobabkani ay ahaayeen kuwo ay siwayn ugu diirsadeen ayna imbadan sugayeen dadka reer miyiga ah ee kunool gobalka Galguduud.

Xiliyadaano kale ayay dadka soomaaliyeed waxa ay sugaan xili roobaadka Guga, kaasi oo sanadkiiba xiligani oo kale kacurta gobalada dalka soomaaliya, iyadoona xiligani ay kabilowdeen gobalo dhowra oo katirsan koonfurta iyo bartamaha dalka soomaaliya.

Puntlandpost_Soomaaliya

BOOSAASO: Waxgaradka iyo Aqoonyahaniinta Beesha Absame ee kunool Boosaaso oo bayaan ay kutaagerayaan maamulka Jubbaland soosaaray(Sawirro)

$
0
0

Boosaaso: (PP)_Shirkaan oo ahaa mid lagu taageerayay dhismaha maamul gobaleedka Jubbaland oo ay qaban qaabadiisu kasocoto Magaalada kismaayo, ayaa waxaa soo abaabulay waxgaradka iyo aqoonyahaniinta beesha Absame ee kunool magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

kasoo qaybgalayaasha Shirka

kasoo qaybgalayaasha Shirka

Intii uu shirku socday ayaa waxaa goobta hadalo kasoo jeediyay qaarkamid ah waxgaradkii iyo aqoonyahaniintii kasoo qaybgalay shirka, iyagoona si isku mida usoo dhoweeyay dhismaha maamul gobaleedka jubbaland, waxayna kacodsadeen dowlada Federaalka Soomaaliya inay taageerto hirgalka maamulka Jubaland ayna tixgeliso rabitaanka dadka degan gobalada uu kakoobanyahay maamulkaasi.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa goobta lagasoo saaray Bayaan dhowr qodob kakooban oo ay soosaareen waxgaradka iyo aqoonyahankii kasoo qaybgalay shirka ee kasoo jeeda Beesha Absame waxaana uu uqornaa sidatan:

Ujeedo:- Kulan Taageero oo ku aadan Dhismaha Maamulka Jubbaland ee Ka socda Magalada Kismayo.

Maalin Jimco ah Taariikhduna ku beegantahay 22, March 2013. Ayaa Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka, Aqoonyahanada, Dhalinyarada iyo Siyaasiyiinta Beesha Absame ee ku nool Magaalada Bosaso ee gobolka Bari waxey soo qabanqaabiyeen Kulan ay ka soo wada qeybgaleen Beelaha wada Dega Gobolada jubooyinka ee ku nool Gudaha Puntland waxeyna muujiyeen taageerada ay u hayaan Dhismaha Maamulka JubbaLand iyo War-Murtiyeed Qodobeysan oo ay ku Baaqayaan Dhowrista Midnimada Goboladaas kala ah Jubada Hose, Jubada Dhexe iyo Gedo si loo gaaro Danta Guud ee ay Somalidu Goobeyso Maanta.

Odayaasha iyo Aqoonyahanadii ka hadlay Goobta oo isugu jiray Beelaha kala duwan ee wada Dega Gobolada jubooyinka iyo Gedo ayaa muujiyay In Xasiloonida iyo Midnimada Somaliya ay Kaalin Muhiim ah u tahay Meelmariinta Rabitaanka Bulshada Jubbaland iyo u madaxbaneynta Aayo ka talintooda, Sida uu Qabo Dastuurka Guud ee Somaliya.

Waxgaradkii, Aqoonyahanadii iyo Dhalinyaradii Beesha Absame ee kuwooda ku nool gudaha Puntland, oo lahaa Qabanqaabada kulankaan ayaa soo jeediyay War-murtiyeed ka kooban 7-Qodob oo isugu jira Talo soo jeedin ku aadan Dawladda Federaalka iyo Baaq ku saleysan wax wada qabsiga Beelaha Sedexda Gobol ee ku midooaya JubbaLand.

Qodobadaas oo kala ah Sidan:-

1         Waxaan ugu Baaqeynaa Dadweynaha reer Jubbaland in ay is cafiyaan kana Gudbaan Waayihii mugdiga oo ay wax laqeybsadaan Ayagoo Mideysan waliba is Jecel Dhamaan Gobolada kale ee Dalka oo Lagu saleynayo Nidaamka Ismaamul Goboleedyda ee kulmiya Habka Federaliga ah.

2         In loo Arko Cidwalba oo ka hor timaada Dhismaha Maamulkaas Jubbaland ee Qorshihiisu ka socda kismaayo Cadow duulaan ku ah Bulshada jubooyinka iyo Gedo oo Doonaya Dib u dhaca Goboladaas iyo Baaba’ umadda Halkaasi ku nool, isla markaan Halmeel loga soo wada jeesto.

 3         Waxaana ugu Baaqeynaa Madaxda dawladda Federaalka in ay gartaan Waajibaadkooda siyaasadeed iyo Doorka laga doonayo in ay ka qaataan Dhismaha Jubbaland.

 4           Si kulul waxaana u cambareynaynaa Dadka Gudaha iyo Dibadda Shirarka ku qabta ee uga hadla Arimaha JubbaLand sida dhul hadda la helay, oo aan Dad Lahayn, isla markaana wax ku raadinaya Caadifad Qabiil oo Qaawan iyo Siyaasado iska horkeenid Bulsho ah.

 5         Waxaan u sheegaynaa Qurba joogta iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolada Jubada-Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo in Qoysaska haatan ku haray  Kaamamka ku yaala Gudaha Somaliya ay yihiin Qoysaskoodii oo aan Daryeel haysan, doonayana in ay Dib ugu noqdaan Deegaanadoodii, Fadlan U istaaga inaad ka shaqeysaan Dib u dejinta Dadkiina maadaamaa ay kuwii la midka ahaaba ay dib ugu noqdeen guryahoodii sida Muqdisho.

 6         Waxaan guul weyn u aragnaa Shirkii dhowaan ka dhacay Degmada Doolow ee gobolka Gedo iyo Ergada Faraha Badan ee Gobolada kala duwan ee Jubbaland ka soo qulquleysa ee soo gaaraysa madasha Kismaayo.

 7         Waxaan Faraynaa Alle Ka cabsi iyo Caddaalad Dhamaan Dadka Somaaliyeed gaar ahaanna Gudiga iyo ergada Joogta Kismaayo ee an ka dhursugeyno si aan Himiladeena u Gaarno ee ah curashada Jubbaland.

DSC00838 2DSC00843 4DSC00847 3DSC00864 5DSC00876 6DSC00861 7DSC00856 8 DSC00887 9

GAROOWE: “93% Biyuhu kuma haboona isticmaal” Xuska maalinta biyaha adduunka Garowe lagu qabtey (Sawiro)

$
0
0

GAROOWE: (PP)_Xuska maalinta biyaha adduunka ayaa maanta lagu qabtey Magaalada Garowe, oo ay ka soo wada shaqeeyeen Hay,addaha kala ah, PSWEN, Unicef, Care, IRC, EU,Waxaana kasoo qeyb galey xubno ka tirsan shaqaalaha Dowlada Puntland, Wakiilo ka socdey Hay,addaha caalamigaa, Ururada bulshada iyo Madaxda hay,adda biyaha ee Puntland PSWEN.

kasoo qeyb galayaasha

kasoo qeyb galayaasha

Gudoomiye ku xigeenka hay,adda PSAWEN Cabdi Siciid oo furitaankii xafladan hadal kasoo jeediyey ayaa ka warbixiyey qabashada xuskan iyo ujeedooyinkii loo asaasey hay,adda PSAWEN , wuxuuna sheegey in 2001 la asaasey hay,adda , islamarkaana hirgalisey mashaariic lagu horumarinayo tamarta biyaha Puntland.

Wax-qabadkii PSAWEN iyo Baahiyaha ka jirra biyaha Puntland.Hay,adda PSWEN oo ka mid ah hay,addaha dowligaa ee ka shaqeeya Puntland ayaa goobta kusoo bandhigtey warbixin ay kaga warameyso biyaha Puntland iyo wax-qabadkii u qabsoomey sanadkii lasoo dhaafey, wuxuuna sheegey C/wali Jaama Cilmi oo xubin ka ah PSAWEN in sanadkii lasoo dhaafey Puntland laga hirgaliyey 16 ceel oo kuwa loo yaqaan riigaga , kuwo kalena la dayactirey .

sawirr madaxda Hay'ada PSAWEN

sawirr madaxda Hay’ada PSAWEN

Warbixinta hay,adda ayaa intaas ku dartey in ay jirto baahiyo xoog leh oo wali ka jirra dhanka biyaha , iyadoona ay tilmaameyso warbixintu in biyaha laga isticmaalo Puntland ay yihiin kuwo aan ku filneyn isticmaalkooda dadka iyo duunyada.

Mr C/wali Jaama waxa uu intaas ku darey soo daahida xilli roobaadyadu ay sababaan biyo la,aan ka dhacda deegaanada Puntland , midaas oo ku sifeeyey ceelasha oo qeybtood ah kuwo gaagaaban .

Warbixintu waxay intaas sii raacisey in loo baahan yahay helitaanka qalabka casriga ee biyaha lagu baaro laguna qodo , kuwaas oo aan hadda laga isticmaalin wadanka ama soo gaarin.

IOM iyo Sahankii biyaha Puntland.Xuseen Yoonis Xasan oo ah Madaxa caafimaadka Somalia ee hay,adda IOM ayaa isna goobta kusoo bandhigey warbixin dhinacyo badan taabaneysay oo ka xog warameysa sahan lagu sameeyey biyaha Puntland , wuxuuna sheegey in ay ka heleen sahankoodii najiitooyin horudhac ah oo tilmaamaya baahiyaha ka jirra biyaha iyo fayo dhowr-kooda.

Madaxa IOM oo ka warbixinaya Sahankii biyaha

Madaxa IOM oo ka warbixinaya Sahankii biyaha

Xuseen waxa uu sheegey in 93% biyaha la baarey ee Puntland ay noqdeen kuwo aan ku habooneyn isticmaal,iyadoona laga baarey biyahaas 63 nooc oo ka mid ah weelasha lagu isticmalo keydka biyaha.

Xuseen ayaa carabka ku dhuftey baaristan in ay kusoo sameeyeen Magaalada Nairobi wadanka Kenya , madaama aysan dalka oolin sheybaaro casriya oo loo adeegsado baarista biyaha, wuxuuna goobta ka sheegey in ay balan qaad u sameynayaan hay,adda PSAWEN oo ah khuburo biyaha kala shaqeysa oo sanadkan hay,addu u keeneyso.

Gabo gabadii

Xuska ku aadan maalinta biyaha adduunka ayaa xafladii maanta loogu sameeyey magaalada Garowe waxaa sidoo kale hadalo kasoo jeediyey saraakiil ka socotey hay,addaha kala ah UNICEF iyo CARE , kuwaas oo iyana ka sheekeeyey caqabadaha ka jirra biyaha deegaanada Puntland, waxayna goobta ka sameeyeen balan qaad ku saabsan ka qeyb qaadashada horumarinta biyaha.

Hay,adda PSWEN sanad walba waxay soo agaasintaa xuska xafladan oo ay uga faa,iideysato kusoo bandhigida wax-qabadkeeda iyo baahiyaha ka jirra biyaha.

Goobta Xaflada lagu qabtey Rugsan Square

Goobta Xaflada lagu qabtey Rugsan Square

Wakiilka Care ka joogey

Wakiilka Care ka joogey

Xuska Biyaha

Xuska Biyaha

Weelasha biyaha lagu isticmaalo

Weelasha biyaha lagu isticmaalo

Puntlandpost
Garoowe,PL-Soomaaliya

GAROOWE: Roobabkii Guga oo ka curtey deegaano ka tirsan dhulka Puntland (Warbixin)

$
0
0

Garoowe: (pp)- Roobabkii Guga ayaa ka da,ay qeybo ka mid ah Puntland sida deegaano ka tirsan gobolka Nugaal iyo Sool, waxaana ka mid ah deegaanada ka tirsan gobolka Sool ee roobabkani ka da,een magaalada laascaanood xarunta gobolka Sool, Degmada Tuko-raq iyo deegaano kale oo dhulka miyigaa iyo tuulooyinka ah.

oobab ka curtay Puntland

oobab ka curtay Puntland

Cirka oo laga dareemayay maalmahan curasho , islamarkaana uu jirrey kuleyl xoogan oo dadka Somalidu ugu yeeraan kaliil roobaad , ayaa bilaabey curashadiisa, iyadoona wararka aan ka helayno deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal ay sheegayaan in roobabkani ay ka da,ayeen ilaa maanta iyo caawa. Shakabada Puntlandpost ayaa xiriiro ay lasoo sameeyeen dadka qaar ku nool Tuulooyinka ay ka mid yihiin , Awr culus, Reemanti , Meyle, Caracaso , oo dhamaantood ka tirsan dhulka hawdkaa ee gobolka Nugaal waxay noo xaqiijiyeen in roobab lixaad leh goobahaasi ay ka da,een.

Waxayna intaas ku dareen in roobabku ku kala xoogan yihiin goobaha ay kala qabteen , kuwaas oo meelaha qaar biyo galiyey barkadihii ku yaaley, biyo dhigna ka sameeyey dhulka dooxooyinkaa ee xooluhu daaqaan, halka dhinaca kalena tuulooyinkaas qeybtood ku yar yihiin , balse la oran karro waa deegaanadii ugu horeeyey ee roobabka Gugu ka curtaan.

Curashada cirka ayaa kusoo beegmeysa iyadoo deegaanada qaar maalmihii u danbeeyey laga soo sheegayey abaaro iyo biyo la,aan ka jirta,inkastoo midaas aysan qeylo dhaan rasmiya ka keenin reer miyiga oo sida la tilmaamayo ku rajo weyn cuseybka cirka. Soomaaliya sida la tilmaamo waa uu ku yar yahay xilli roobaadku ,iyadoo dadka Soomaalidu labo xilli ay sugaan curashada cirka , kuwaas oo kala ah Guga iyo Deyrka, ayaa haddana mararka qaar waxaa dhacda roobabku ay noqdaan kuwo soo daaha xilligii la saadaalinayey, ayaa hadana sida muuqata wadanka aysan ka jirrin keydad biyo oo la isku haleyn karo , hadiiba ay dhacdo in la waayo xilli roobaadka la sugayey.

 

Xafiiska Puntlandpost

Magaalada Garoowe

GAROOWE: Gawaari maanta la guddoon siiyey ciidanka Asluubta Puntland (Sawiro)

$
0
0

 Garoowe: (pp) -  Hay’adda UNDP ayaa labo baabuur ku wareejisay taliska ciidanka Asluubta Puntland, waxaana xaflad gawaaridan lagu wareejinayo kasoo qeyb galay Madaxa xafiiska UNDP ee Garoowe Koen Toonen iyo Taliyaha ciidanka Asluubta Puntland Gen Cali Nuur Cumar.

Xubnaha Madaxda Ciidanka iyo UNDP

Xubnaha Madaxda Ciidanka iyo UNDP

Gawaaridan ayaa ahaa labo labo baabuur oo ah nooca waaweyn ee casrigaa , iyadoona loogu talo galay ciidanka Asluubta Puntland ee fulinaya mashruuca Xabsiga Qardho oo ah mashruuc lagu magacaabo mashruuca cadaalada ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobey sida uu sheegey madaxa xafiiska UNDP Garowe.

Xarunta Ciidanka Asluubta

Xarunta Ciidanka Asluubta

Madaxa Xafiiska UNDP ee Garoowe Koen Toonen ayaa hadalkiisa waxa uu intaas ku darey inuu ku faraxsan yahay wareejinta gawaaridan , isagoona ka shekeeyey taageerada ay u fidiyaan ciidanka Asluubta Puntland iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa UNDP iyo Hay,addaha Dowlada Puntland gaar ahaan ciidamada.

Xarunta

Xarunta

“UNDP waxay ciidamada Asluubta siisay UNIFORM iyo qalab,waxay keloo siisay tababaro asaasiya iyo kuwo gaara oo lala kaashaday ciidamada Asluubta Kenya,waxayna taageertay asaasidii xarunta dhexe ee ciidamada Asluubta ee Garoowe”

Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland

Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland

Koen ayaa sheegay taagirada ciidanka Asluubtu ay timid kulan ay madaxweynaha Puntland CabdiRaxmaan Maxamed Faroole 5,November 2012-ka ay la galeen,wuxuu kaloo xusay inay la shireen Genaraal Cali Nuur taliyaha ciidmada Asluubta Puntland 7,November 2012.

Shirarkaas ka dib UNDP waxay go’aansatay inay maalgeliso qayb ka mid ah kharashaadka Xabsiga Qardho sanadka ugu horeeya ayna ka mid tahay samafalka,qalabka daawaynta,tababarada iyo gadiidka asaasiga ah.

Taliyaha ciidanka Asluubta Gen,Cali Nuur oo isna ka hadlay madasha ayaa UNDP ku amaanay taageerada ay siiso Asluubta,wuxuuna ka mahad celiyey gawaarida maanta ay gudoonsiisay.

Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Madaxda UNDP

Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Madaxda UNDP

Labada gaari ee ay gudoomeen Taliska Asluubta ayaa midi yahay Booyad nooca biyaha,halka kan kalena uu yahay nooca wax lagu daabulo soomaaliduna ay u taqaan Iska rogo.

Mid ka mid ah gawaarida

Mid ka mid ah gawaarida

 

Madaxa Xafiiska UNDP Garowe oo saxiixaya wareejinta gawaarida

Madaxa Xafiiska UNDP Garowe oo saxiixaya wareejinta gawaarida

 

Madaxa Xafiiska UNDP Garowe

Madaxa Xafiiska UNDP Garowe

 

Gawarida

Gawarida

Furayaasha Gawaarida oo taliyaha ciidanka lagu wareejinayo

Furayaasha Gawaarida oo taliyaha ciidanka lagu wareejinayo

 

Gawaarida lagu wareejiyey

Gawaarida lagu wareejiyey

Xafiiska Puntlandpost
Magaalada Garoowe


GAROOWE: Hay,adda Manhal ayaa maanta soo gabo gabeysay mashruuc daaweyn ah oo hay,addu muddo 10 cisho ah u sameynasay dadka qaba xanuunada dhimirka (Sawiro).

$
0
0

Garoowe: (pp)- Munaasabad lagu soo gabo gabeynayey barnaamijkan ayaa maanta lagu qabtey Isbitaalka ay ku jiraan dadka dhimirka la,a ee magaalada Garowe, iyadoona ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin ay ka mid yihiin , Wasiirka Caafimaadka Puntland, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Duqa Magaalada Garowe, Shiikh Maxamud Xaaji Yusuf , Xillibaano , Dhakhaatiirtii howsha waday,
Masuuliyiinta Ururka Nasrulaah oo gacanta ku haya dadka dhimirka la,a Iyo Marti sharaf kale .

Gudoomiyaha Ururka Nasrulah

Gudoomiyaha Ururka Nasrulah

Ugu horeyntii Xaawo Qeylo weyne oo ah Gudoomiyaha ururka Nasrulaah oo muddo dheer gacanta ku hayey Isbitaalka ay ku jiraan dadka qaba xanuunada dhimirka ayaa ka hadashey barnaamijka ay u sameeyeen dadkan hay,adda Manhal oo ay sheegtey in uu ahaa mid lacag la,aan ah oo hay,addu soo gaarsiise dadkan masaakiinta ah.

Xaawo waxay intaas ku dartey tan iyo mudadii la asaasey isbitaalka ay ku jiraan dadka dhimirka la,a in ay ku caafimaadeen tiro ka badan 150 qofood oo iyaga oo caafimaad qaba dib ugu noqdeen guryahoodii, islamarkaana loo baahan yahay dadka wali ku jirra in gacan ka helaan qeybaha kala duwan ee bulshada, Hay,adda samafalka iyo Dowladaba.

Dhakhtarkii ka socdey Hay,adda Manhal ee fuliyey Barnamijka

Dhakhtarkii ka socdey Hay,adda Manhal ee fuliyey Barnamijka

Sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadley Dhakhtarkii fulinayey barnaamijka daaweynta ee hay,adda Manhal , isagoona sheegey in mashruucani uu yahay mid lacag la,aan ah oo hay,addu u garatey in ay deeq ahaan kusoo gaarsiiso bulshada kuwooda aan waxba qabsan karrin.

Dr Aadan ayaa intaas raaciyey in qorshaha lagu daaweynayo dadkan noocan oo kale ah uusan ahayn meelaha uu ka fulayo Garowe oo kaliya, ayna horey uga soo bilaabeen magaalada Laascaanood oo uu sheegey in ay daawo ugu soo qoreen dad tiradoodu kor u dhaafeyso 300 qofood,halka Garowe-na uu sheegey mudadii ay ku gudo jireen barnaamijkan in ay ka faa,iideysteen tiro ka
badan 380 qofood, sidoo kalena ay rajeynayaan in ay gudbaan magaalada Bosaso .

Duqa Magalada Garowe

Duqa Magalada Garowe

Duqa magaalada Garowe C/casiis Nuur Cilmi (Koor) oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashey Barnaamijkan lasoo xirayey ayaa sheegey in uu uga mahad celinayo howshan dadkii wadey ee sida bilaashka u caawinayey dadka walaalahood ee xanuunsan, isagoona intaas darey in uu ka marqaati kacayo in ay yihiin dadka hor fadhiya saaka kuwii magaalada ay ku arki jireen iyaga oo dayacan balse uu haatan ka muuqato nolol ka duwan tii horey ugu jireen.

Shiikh Maxamud, Duqa Magalada, Xaaji Dalmar GuureeyeShiikh Maxamud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah culimada waaweyn ee Puntland ayaa isna halkaas hadal kasoo jeediyey wuxuuna kula dardaarmey bulshada qeybaheeda kala duwan iyo hay,addaha maamulka in ay u hiiliyaan gurmad siinta dadka ay ka midka yihiin kuwa dhimirka la,a .

Shiikha waxa uu carabka ku dhuftey in dadka ku jirra Isbitaalka dhimirka magaalada Garowe uu ka mid ahaa dadkii horey gacanta ugu hayey ee sida joogtadaa uga warqabi jirrey AUN Shiikh Abdulqaadir Nuur Faarax, isagoona sheegey in uu ka cududaaranayo in uusan marnaba booskiisii gali karin, balse uu alle ka rajeynayo in uu howshan ku garabsiiyo.

Wasiirka Caafimaadka Puntland.

Wasiirka Caafimaadka Puntland.

Wasiirka wasaarada caafimaadka Puntland Dr Cali Abdulaahi Warsame ayaa waxa uu dhankiisa sheegey in qorshaha sanadkan ee wasaarada ay ugu jirto , wax u qabashada dadka dhimirka la,a ayna jiraan barnaamijyo lagu horumarinayo xarumaha dadkan lagu xanaaneeyo kuwaas oo laga fulin doono afar gobol oo ka mid ah Puntland.

Cali Abdulaahi waxa uu intaas raaciyey in ugu baaqayo hay,addaha Dowlada, Bulshada, Ganacsatada, Jaaliyada dibadda iyo cid walba oo alle uga ag dhawaneysa deeq ay la baxdo in dadkan loo sameynayo Sanduuq taakuleyn ah oo furitaankiisa wasaaradu ka qeyb qaadan doonto , iyada oo la kaashaneysa culimada.

Islaan Ciise Islaan Maxamed

Islaan Ciise Islaan Maxamed

Ugu danbeyntii waxaa munaasabada soo xirey Islaan Ciise Islaan Maxamed oo sheegey in uu hadalku ku dhan yahay intii ay sheegeen masuuliyiintii ka horeysay, uuna ilaah uga baryayo mudada intii bugta caafimaad iyo sareeco
wanaagsan , islaanka ayaa ku booriyey in dadka loo baahan is taakuleyn dhexdooda ah.

Xillibaanada Joogey iyo G, Ururka Nasrulah XaawoHay,adda Manhal waxay horey Puntland uga fulisey mashaariic ku aadan qaliinka indhaha, balse howshan lagu caawinayo dadka dhimirka la,a ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo hay,addu ka qeyb qaadato.

Wasiirka Caafimaadka , Duqa Magalada,

Dadka Xarunta ku jirra ee dhimirka la,a

Dadka Xarunta ku jirra ee dhimirka la,a

Xafiiska Puntlandpost
Magaalada Garoowe

GAOOWE: Isku shaandeyn Lagu sameeyey qeybo ka tirsan Booliska Puntland (Sawiro)

$
0
0

Garoowe: (pp)- Taliska ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta soo saarey wareegto isku shaandeyn loogu sameynayo hogaamada saadka, waaxaha canshuuraha Beriga iyo Taliyayaasha qeybaha gobolada Puntland.

Dhegeyso: Dhegeyso  Gen. Jaqanaf

Taliyaha Booliska Puntland

Taliyaha Booliska Puntland

Taliyaha ciidanka booliska Puntland ayaa u akhriyey saxaafada wareegtada kasoo baxdey xafiiska ciidanka , waxaana ka mid ahaa magacyadii uu goobtaas ka sheegey in taliska qeybta gobolka Nugaal , loo soo bedelay taliye ku xigeenkii horre ee ciidanka canshuuraha beriga Abdiraxmaan Xaaji Abshir (Qaan-qaa), isagu goob joog ka ahaa wareegtadii taliyuhu akhrinayey.

Booliska Xafiiskiisa

Booliska Xafiiskiisa

Wareegtada oo aan saxaafada loo gacan galin ayaa waxa uu sheegey taliye Gen Maxamed Saciid Qanaf in ay ku timid isku shaadeyntani ka dib markii ay garowsadeen in loo baahan yahay dardar galinta howlaha ciidanka sida qeybaha, saadka, iyo waaxaha canshuuraha beriga. Col C/raxmaan Xaaji Abshir waxa uu horey mar usoo qabtey jagadan maanta loo magacaabey, waxaana dad badan qabaan in Mr Qaanqaa uu wax badan kasoo qabtey arrimaha sugida amaanka markii uu xilkan ku shaqeynayey,inkastoo laga yaabo in ay jireen cabashooyin loo hayey ayaa haddana sida la rumeysan yahay uu ahaa shaqsi firfircoon.

Daawo Sawiro Badan

Albaabka horre ee Xafiiska Qeybta Boliska Nugaal

Albaabka horre ee Xafiiska Qeybta Boliska Nugaal

Taliyaha Qeybta Gobolka Nugaal

Taliyaha Qeybta Gobolka Nugaal

Taliyaha Booliska iyo Mr Qaan qaa Qeybta Nugaal

Taliyaha Booliska iyo Mr Qaan qaa Qeybta Nugaal

Taliyaha Booliska , Taliyaha Qeybga Nugal, iyo Hogaanka Ciidanka

Taliyaha Booliska , Taliyaha Qeybga Nugal, iyo Hogaanka Ciidanka

GAROOWE: Baarlamaanka Puntland oo ka doodaaya xeerka doorashooyinka(Sawirro)

$
0
0

 Garoowe: (PP)- Kulan aan caadi ahayn oo ay maanta baarlamaanka Puntland ku yeesheen xarunta shirarkooda,ayaa waxaa ka qayb galay madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Faroole iyo xukuumadiisa.

1_19 1

Inkastoo kulankaan aan saxaafada looga xog -waramin hadana waxaa la sheegayaa xildhibaanada baarlamaanka Puntland inay uga doodayaan qodobo la sheegay inuu caqabad ku noqday nidaamka doorashooyinka Gollayaasha deegaanka.

4_15 4

Mar si horaysay Ururadda siyaasadda marka laga reebo kan xaakimka ah,waxayna walaac ka muujiyeen qodobo ay ku tilmaameen Guddiga doorashooyinka inay isbadal ku samaynayaan,kuwaasoo ah diiwaangalinta dadka Puntland,Aqoontiisa muwaadiniinta,iyo xadudaha Puntland.

8_13 8

Waxaase maanta fadhigaan aan caadiga ahayn.lagu tilmaamay inuu salka ku hayo sidii Gollaha wakiilada Puntland ay wax uga badali lahaayeen xeerka doorashooyinka deegaanka,waxana khudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay Madaxwayne Cabdiraxman Shiikh Maxamad Faroole wuxuna hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay sidii baarlamaanka ay wax ka badal ku samayn lahaayeen xeerka doorashooyinka deegaanka.

Inkastoo khudbadaha madaxwaynaha ay dheereed hadana,waxa uu soo hadal qaaday hoos u dhaca shilinka Soomaaliga ku yimi,wuxuna sheegay inay arintaasi kala xaajoodeen xukumada fadaraalka Soomaaliya.

 

9_10 9

Gabo-gabadda kulanka ayaa lagu wadaa inay kasoo baxeen go’aan ku saabsan habka doorashooyinka deegaanka loo abaarayo, Ururada Siyaasada oo usan ku jirin kan talada haya ayaa horay walaac uga muujiyey wax ka badel lagu sameeyo xeerka doorashooyinka Puntland, Iyagoo shaki geliyey sida ay doorashadu xalaal u noqon karto iyadoo aan dadweynaha lasiin Kaararkii codaynta.

 

Puntlandpost_xafiiska Garoowe

 

MUQDISHO: Madaxweynaha DF ee Soomaaliya oo booqday lana dardaarmay Ciidanka Xoogga Dalka (Sawiro)

$
0
0

Muqdisho: (pp)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Mudane Xasan Shiikh ayaa kormeer guud ku tagay Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Xarunta Taliska Xoogga Dalka ee Villa Baydhabo.

IMG_4481Madaxweynaha oo kormeerkiisa Gobolka Banaadir ku aadan maanta ayaa soo indha indheeyey xaaladda guud ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Halkaas oo uu kula kulmay Saraakiisha iyo qaar ka mid ah ciidanka xoogga Dalka.

IMG_4498Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa mar uu la hadlayey Ciidanka Xoogga Dalka kula dardaarmay inay dhowraan sadexda wax ee ay ku dhaartaan oo ah Dalka, Diinta iyo Dadka. Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyey in Ciidanku uu dhowro Asluubta iyo Anshaxa Xoogga Dalka wuxuuna sheegay in Ahmiyadda koowaad ee dowladdu ay tahay Amniga dalka lagana doonayo Ciidanka Xoogga inay keenaan.

IMG_4513“U Dulqaadan mayno Askari Asluub daran, ma aqbali doono kufsi iyo shacabka in la dhibaateeyo. Cidina kama sareyso Sharciga. Askarigii Dambi galena Maxkamad ayaa lasoo taagayaa, waxaana lala keenayaa Sarkaalkiisa”
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaysan dowladi jiri Karin Amni la’aan, “Waana inaan si wadajir ah oo iskuduubni leh u difaacnaa Dalkeena, kana caabinna Cadowga gudaha iyo Dibadaba”

IMG_4527“Isbedelka Ciidankeena waad garan kartaan, Shalay maanta ayaan ka fiicanahaIMG_4540y, Berrina Guul waarta ayaan gaareynaa Insha Allah.

Isha Warkan: Xafiiska Madaxweynaha DF ee Soomaaliya

KISMAAYO: Shirarkii maamul u samaynta Jubbooyinka & Gedo oo Si habsami leh u socda (Warbixin)

$
0
0

Kismaayo: (pp)-  Magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa waxaa si habsami leh uga socda shirkii maamul usamaynta gobolada Jubbooyinka & Gedo, iyadoo shirkaas aý maanta soo xaadireen ergooyin badan oo ka kala socday deegaaandaasi, kuwaas oo ka doodayey qorshaha dhamaystirka sharciyada maamulka loogu dhisayo deegaanadan.

Ergooyinka oo madasha shirka adhiya

Ergooyinka oo madasha shirka adhiya

Shirkaas oo si wanaagsan looga dooday ayaa arrimo badan la isla meel dhigay, iyadoo shirkaas ay maanta goob joog ka ahaayeen Raiisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cumar C/rashiid , Prof. Gaadi iyo masuuliyiinta maamulka kumeelgaarka ah ee magaalada Kismaayo.

Waxaa kaloo shirkaasi maanta soo gaaray masuuliyiin ka socota DF ee Soomaaliya oo ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga ee DF ee Soomaaliya iyo Wasiirka arrimaha guddaha, kuwaas oo u yimi inay shirka ka qayg galaan, waxaana la sugayaa maalinka Beri ah Raiisal wasaaraha DF ee Soomaaliya oo isagana shirka kasoo qayb galaya.

Sikastaba, shirkaan ayaa hadda u muuqda mid si wanaagsan u hirgelaya , inkasta oo dowlada Federaalka ay isku dayday inay fashiliso, laakiin dadaal iyo indheergaradnimo iyo adkaysi ay sameeyeen siyaasiyiinta Jubbooyinka iyo dadka deegaanka looga gudbay in aduunka la tusiyo inay shirka ay hortaagan yihiin dowlada, shacabka iyo siyaasiyiinta deegaamadana ay u ooman yihiin Nabadgelyo & maamul ay ka samaystaan deegaanadooda, taasna ay suurta gelisay inay madaxdii diidanayd maaul u samaynta deegaanka jubbooyinka iyadoo aan laga baryeyn ay yimaadaan magaalada Kismaayo, goob joogna ka noqdaan shirka lagu dooranayo baarlamaanka Jubbooyinka & Gedo iyo Madaxweynaha Mustaqbalka deegaanka Jubbooyinka.

Puntlandpost, Xafiiska magaalada Kismaayo

Jubbaland , Soomaaliya

KISMAAYO: Wafdi horudhac ah oo ay ka mid yihiin Wasiiro iyo xildhibaano oo lagu soo dhoweeyey Kismaayo (Sawiro)

$
0
0

Kismaayo: (pp)-   Wafdi ballaaran oo horudhac u ah wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhiga, Xildhibaano, iyo saraakiil ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

SAM_0506Wafdiga ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey guddoomiyaha maamulka kumeel gaarka ah ee gobolka J/hoose Axmed Maxamed Madoobe iyo kuxigeenadiisa, waxaana sidoo kale soo dhoweynta qeyb ka ahaa saraakiisha hogaamineysa ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, iyagoo ammaankana aad u sugayay.

SAM_0449Wafdiga ayaa markii la soo dhoweeyey waxay kulan gaar ah la qaateen saraakiisha maamulka magaalada iyo saraakiisha AMISOM, waxayna isla lafa gureen qaabka soo dhoweynta berri ee wafdiga magaalada Muqdisho ka imaanaya ee uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), waxaana intaasi kadib loo soo galbiyay gudaha magaalada iyada oo la dejiyay goobo loogu talagalay.

SAM_0452Xubnaha wafdiga ayaa galabta illaa caawa kulamo hoose la qaadan doona maamulka kumeel gaarka ah ee magaalada Kismaayo, iyaga oo sii diyaarin doona qorshayaasha wadahadalada iyo kulamada kale ee la filayo inay
dhacaan, waxaana booqashadani ay qeyb ka tahay booqasho todobaadyadii ugu dambeysay uu ku tegayay Ra’iisal Wasaare Saacid gobolada dalka, kuwaasoo uu ugu kuurgalayo xaaladahooda maamulo-na ugu dhisayo.

SAM_0453 SAM_0460 SAM_0461 SAM_0453 SAM_0460 SAM_0461 SAM_0472 SAM_0474 SAM_0480 SAM_0486 SAM_0487 SAM_0492 SAM_0496 SAM_0501 SAM_0517 SAM_0521 SAM_0524 SAM_0525

Puntlandpost.com

GAROOWE: Hay,adda SFS oo maanta tababar u furtey qaar ka mid ah haweenka barakacayaasha ee Magaalada Garoowe( Sawiro)

$
0
0

Garoowe: (pp)- Hay,adda Somali Family Services oo kashanaysa hay,adda UNHCR & Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer miyiga Puntland ayaa tababar u qabatey 35 ka tirsan haweenka barakacaayasha ku nool magaalada Garowe.

haweenka tababarku u furmey
haweenka tababarku u furmey

Tababarkaan oo qayb ka ah barnaamijka barakacayaasha oo ay iska kaashadeen hay,adaha UNCHR & SFS ayaa galay wajigiisii labaad,waxaana wajigii kowaad ka faa,iideystey tiro dhan 100 qof oo la barayey xirfadaha kala ah .

 

1. Dhar tolidda & kalareyntiisa

2. Cilaan Saarka & qurxinta Haweenka

3. Barashada Computerka iyo xisaabaadka

4. Makaanikadda Gaadiidka

 

Haweenkan ayaa ka mid ah dadka bartay xirfadahaas ee shahaadooyinka la gudoonsiiyey ,waxaana iminka la barayaa Xeelado ay ku shaqaystaan iyadoo marka ay tababarada dhamaystaana la gudoonsiindoono Lacago ay ku furtaan Ganacsiyo yar-yar oo ah maal galin.

Hawenka tababarka loo furey
Hawenka tababarka loo furey

Tababarka Maanta oo ka furmay hoolka sare ee Xarunta Libraryga ee magaaladda Garoowe ayaa waxaa kazoo qaybgalay saraakiil ka socotey  UNHCR, Xubno ka tirsan maamulka iyo howlwadeenada hay,adda SFS, Masuuliyiin ka tirsan wasaarada Arrimaha Gudaha .

Bashiir dheeliye Madaxa hay,adda SFS ee Barnaamijka Barakacayasha iyo Waxbarashada
Bashiir dheeliye Madaxa hay,adda SFS ee Barnaamijka Barakacayasha iyo Waxbarashada

Bashiir Ibraahim Jaamac (bashiir dheeliye ) oo ah madaxa mashaariicda waxbarashada & barakacayaasha (IDPS) ee hay,adda Somali Family Services ayaa waxa uu goobta ka sheegey in barnaamijkan uu yahay mid dabo socda xirfado horey dad loo siiyey kuwaas oo soconayey muddo dhan lix bilood.

Madaxa Barnamijka Bashiir dheeliye oo sharaxaad siinaya haweenka tababarka u furmey
Madaxa Barnamijka Bashiir dheeliye oo sharaxaad siinaya haweenka tababarka u furmey

 

Bashiir waxaa uu intaas ku darey in qaybtaan dadka ka faa,iideysanaya barnaamijkan lagu bari doono sida loo bilaabo ganacsi yaryar,waxaana uu carabka ku dhuftey Mr dheeliye in marka uu dhamaado barnaamijku ka qeyb qaatayaasha la gudoonsiin doono lacag ay ugu deeqday UNHCR oo la doonayo in ay ku furtaan goobo ganacsi oo ay leeyihiin, kana soo saarsanayaan nolol maalmeedkooda.

 

Madaxa UNHCR ee Garoowe  Maxamed Saalax oo isna ka hadlay furitaanka tababarka ayaa sheegay in hay,adiisu ku howlan tahay sidii gacan siinta bulshada kuwooda soo barakacay, iyadoo laga xoojinayo dhanka dhaqaalaha loona abuurayo shaqooyin ay ka helaan nolosha qoyska.

Saraakiisha ka socotey , UNHCR iyo SFS
Saraakiisha ka socotey , UNHCR iyo SFS

 

Muddo labo cisho ah ayaa lagu wadaa in uu socdo tabo barkan , ka dibna waxaa la guddo gali doonaa barnaamijka qeybihiisii kale ee gudoonsiinta dadka barakacayaasha lacagaha loogu talo galey, fursadan ay iska kaashanayaan hay,addaha kala ah SFS iyo UNHCR ayaa noqoneysa mid kaalin weyn ka geysan doonta kobcinta dhaqaalaha barakacayaasha.

 

Xafiiska Puntlandpost

Magaalada Garowe.


KISMAAYO: Wasiirka Gaashaandhigga oo galabta kormeeray xerooyin Ciidan oo ku yaala Kismaayo (Sawiro)

$
0
0

Kismaayo: (pp)- Wasiirka gaashaandhigga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa galabta booqday xerooyin ciidan oo ku yaala magaalada Kismaayo, waxaana kormeerkiisan ku wehliyay Sarkaalka ugu sareeya ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, iyo sidoo kale saraakiisha ugu sareysa ciidanka Xoogga dalka ee Kismaayo ku sugan.

SAM_0585 (2)Wasiirka ayaa ugu horeyntii booqday Xaruntii ciidamada ee Shiirkolo oo haatan saldhig u ah ciidamada X.D.S, gaar ahaana qeybta labaad, waxaana halkaasi uu kula kulmay saraakiisha ugu sareysa ciidamada iyaga oo uga
warbixiyay xaaladdaha nololeed ee ciidanka, waxayna si gaar ah uga warameen dayactir lagu sameeyey qeybo ka mid ah xaruntan.

SAM_0536 (2)Wasiirka ayaa kormeeray ceelel dhowaantan laga qoday xerada iyo dhismayaal si kumeel gaar ah loogu diyaariyay inay ku shaqeeyaan ciidamada, isaga oo sidoo kalena kormeeray madaxtooyadii hore ee Kismaayo halkaas oo iyadana ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa maamulka ee Kaambooniyiinta.

SAM_0538 (2)Wasiirka oo markii uu soo gabagabeeyey kormeerka la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in kulamo kala duwan uu la qaatay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Kismaayo iyo kuwa ciidamada AMISOM, gaar ahaana kuwa Kenya, wuxuuna xusay inay ka wadahadleen arrimo khuseeya amniga iyo iskaashiga ciidan ee labada dhinac, wuxuuna xaqiijiyay in dhowaan uu magaalada Muqdisho soo booqan doono sarkaalka ugu sareeya ee ciidamada Kenya.

SAM_0546 (2)Ugu dambeyntii, wasiirka Gaashaandhiga Mudane Fiqi ayaa ammaanay ciidamada kala duwan ee ka howlgala magaalada Kismaayo iyo qeybaha kale ee gobolka, wuxuuna si gaar ah ugu bogaadiyay kaalintii ay ka qaateen xoreynta gobolka J/hoose oo ay kula dagaalameen maleeshiyada nabadiidka ah ee Shabaab, isaga oo u balanqaaday in la qarameyn doono kuwa aan weli la qarameyn, isla markaana loo bilaabi doono si deg deg ah mushaaraadkooda iyo xaquuqdooda kale ee ciidanba, maadaama buu yiri laga qaaday dowladda Soomaaliyeed xayiraadii hubka.

Sawiro Kale

SAM_0594 (2)

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland

DOOXA: Xasan Sh. Maxamuud oo ka degay Qadar (Sawiro)

$
0
0

Dooxa: (pp) - Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud ayaa ka soo degay caasimadda Qadar ee Dooxa, si uu uga qeyb galo shirka Jaamacadda Carabta.

00Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyay Amiirka dalka Qadar Amir Hamad Bin Khalifah Al Thani, iyo dhaxal sugaha Sheekh Tamim Bin Hamad Bin Khalifah Al Thani.

01Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa dhibaatada ka taagan dalka Suuriya, sidii loo horumarin lahaa Ururka Jaamacadda Carabta iyo arimaha Falastiin.

04Kulankan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay oo noociisa ah ee uu Madaxweyne Xassan ka qeyb galo tan iyo markii uu xilka la wareegay.

05Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona Madax kala duwan ee Carbeed si uu ugala xaajoodo arrimo ay ka mid yihiin xiirirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ku aadan xagga horumarka.

06

Puntlandpost.com

BOOSAASO: Dhakhaatiir ajnabi ah oo hawlo caafimaad kawada Isbitaalka Boosaaso (sawirro)

$
0
0

Boosaaso: (PP)_ Isbitaalka Guud ee magaalada Boosaaso waxaa maalintii 4-aad kasocota hawlo caafimaad oo ay fulinayaan dhakhaatiir ajnabi ah oo u kala dhasahay qaarkamid ah dalalka qarada Africa saldhigooduna yahay Dalka Kenya, waxaana ay qaliimo bilshaa ku samaynayaan caruurta faruuran ee kunool Gobalka Bari.

Gudaha Isbitaalka ayaa waxaa buuxdhaafiyay waaliidiin farabadan oo doonaya in ilmahoda ay uga faa,iideeyaan qaliimadani bilaashka ah, waxaana dadkani ay iskaga kala yimaadeen intabadan gobalada Puntland gaar ahaana gobalka Bari.

Dadka ka faa,idaysanaya hawshani caafimaad

Dadka ka faa,idaysanaya hawshani caafimaad

Dhakhaatiirtani ayaa hawshani bilaabay maalintii sabtidii waxaana illaa iminka ay qaliimo bilaasha ku sameeyeen carur ay tiradoodu gaarayso 20-caruura oo markoodi hore ay ku adkeed in isbitaalada dalka lagu qallo, islamarkaasina ay usuurtoobi wayday in dibada loo qaado si loogu sameeyo qaalimo.

Maamulaha Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso Maxamed Axmed Xusseen (TIMAJILIC) oo saxaafadda kulahadlay gudaha isbitaalka ayaa sheegay in dhakhaatiirtani ay joogi doonaan muddo 10-maalmood ah ayna fulin doonaan qaalimo kala duwan oo ay ubadantahay qaliimo lagu sameeyo caruurta faruuran.

Maamulaha Isbitaalka Boosaaso "Maxamed Timajilic"

Maamulaha Isbitaalka Boosaaso “Maxamed Timajilic”

Maamulaha isbitaalka ayaa ayaa tirada dhakhaatiirtani ku sheegay 16-dhakhtar oo isugu jira ” dhakhaatiirta sameeya qaliimada, kalkaaliyayaal, iyo suuxiyayaal” waxaana uu bulshada ugu baaqay inay ka faa,iidaystaan muddada ay joogi doonaan dhakhaatiirtani.

Waalidiinta caruurtooda lagu sameeyay qaliinka ayaa iyana soo dhoweeyay arintani, mid kamid ah waalidiinta oo lahadlay saxaafadda ayaa sheegay in qaliin loogu sameeyay ilmo yar oo uu dhalay uuna kufaraxsanyahay, waxana uu intaasi raaciyay in markii hore uu kawelwelsanaa sidii uu dalka dibadiisa ugu qaadi lahaa taasi oo uu sheegay inay aad ugu adkeed.

Midkamid ah waalidiinta caruurtooda uga faa,iideyay aruntani

Midkamid ah waalidiinta caruurtooda uga faa,iideyay aruntani

Maahan markii ugu horaysay oo dhakhaatiir noocani oo kale ah, ay hawlo caafimaad kasameeyaan Isbitaalka Boosaaso waxaana kahoreeyay dhakhaatiir udhasahay dalka turkiga oo iyana qaliimo kasameyay isbitaalka Boosaaso waxaana aad uga faa iidaystay bulshada kunool Puntland.

020405

Puntlandpost_Boosaaso

 

KISMAAYO:Ra’isal wasaare Saacid oo maanta Gaaray Magaalada Kismaayo

$
0
0

Kismaayo: (PP)_Ra’isal wasaare Saacid iyo wafdi ballaaran oo lasocda ayaa barqanimadii saaka gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose, waxaana siwayn garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ugusoo dhoweeyay xubno katirsan maamulka KMG, ah  ee kadhisan magaalada iyo dadweynaha kunool magaaladaasi.

Ra'isalwasaaraha Soomaaliya

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya

Safarka Ra’isalwasaraha oo uu kagasoo ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa kuweheliyo qaarkamid ah golihiisa wasiiradda iyo saraakiil katirsan dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana ujeedka safarkiisa lagu macneeyay sidii dowladda federaalku ay kaalinteeda uga qaadan lahayd maamul usamaynta gobalada jubooyinka iyo Gado.

Maalintii shalay waxaa magaalada gaaray qaar kamid ah golaha wasiiradda ee dowladda oo ay kamid ahaayeen wasiirka gaashaandhigga iyo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka soomaaliya, waxaana ay iminka kusaganyihiin magaalada.

Dhowaanahaan waxaa jiray khilaaf xoogleh oo ku aadan hanaanka maamul usamaynta jubboyinka iyo Gado, waxaase hada muuqanaysa qorshayaal lagu doonayo sidii xal looga gaari lahaa khilaafkaasi.

Puntlandpost_Kismaayo

GAROOWE: Wafdi uu hogaaminayo Ambassador James Swan oo maanta Garoowe soogaaray

$
0
0

Garoowe: (PP)_Waxaa maanta soogaaray magaalada Garoowe ee caasimada Dowladda Puntland wafdi ballaaran uu horkacayo Ergayga dowladda Maraykanka uqaabilsan arimaha soomaaliya  Somalia Ambassador James Swan, waxaana weheliyay xubno kasocda Britain iyo Sweden, iyadoona markii dame ay iyana soogaaren magaalada guddiga Midowga Yurub u qaabilsan Dimoqraadiyada.

James Swan iyo C/raxmaan faroole

James Swan iyo C/raxmaan faroole

Wafdigani ayaa iminka shir kulaleh xarunta madaxtooyadda madaxda ugu saraysa dowladda Puntland oo uu kamidyahay madaxweyne C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), waxyaalaha ugu muhiimsan ee ay kawada hadlayaan labbada dhinac ayaa lasaadalinaya inay umiisaan culustahay arimaha ammaanka iyo nidaamka dimuqraadiyada ee ay higsanayso dowladda puntland.

Wixii kasoo baxa shiraaksi dib ayaanu ugasoo gudbin doonaa akhristayasha sharafta leh ee Puntlandpost.com

Puntlandpost_Garoowe

Viewing all 22963 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>