Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all 22965 articles
Browse latest View live

GAROOWE: 5-kamid ah ururada Siyaasada Puntland oo soo saaray baaqoodii ugu dambeeyey ee ku aadan doorashooyinka soo fooleh.

$
0
0

Waxaa shalay oo taariikhdu ku beegnayd 26/03/2013 ku kulmay hayadda PDRC ururrada siyaasadda iyo guddiga hoggaaminta dimoqraadiyaynta Somalia ee beesha caalamka ka soo socota. Waxaa kulankaani daba joogaa warsaxaafadyo hore oo ururada siyaasada si wadajir ah  u soo saareen kuna saabsanaa  xallinta muranka ka dhexeeya xukuumadda iyo ururrada siyaasadda qaarkood ee ku aadan doorashooyinka golayaasha degaanka ee soo socda. Doorayaashooyinkaas waxay xukuumaddu ku adkaysatay in la qabanayo bisha May iyadoo aan lagu xirayn  qofka wax dooranaya warqad aqoonsi iyo diiwaan gelin midnaba. Si ay taasi ugu suurto gasho waxay xukuumadu ay dorraad u gudbisey golaha wakiilada inay ansixiyaan mashruuc sharci cusub oo beddelaya 21 qodob oo ka  mid ah  qodobbada sharaciga doorashooyinka imminka jira.  Ha yeeshee ururrada siyasadeed way ka biyo diideen qorshahaas, waxayna isku raaceen  badidoodu inay san aqbalayn doorashooyinka caynkaas loo soo abaabuley. Waxay kale oo ka digeen wax ka beddelka xeerka doorashooyinka golayaasha degaanka oo imminka jira, oo haatan  loo gudbiyey golaha wakiilada. Waxayna sii raaciyeen i n  in doorashooyin aan aqoosi iyo diiwaangelin lahayn ay keeni karaan musuqmaasuq, ku shubasho iyo been abuur rabitaanka shacabka weyn ee reer Puntland. Waxay kale oo walaac ka muujieen qodobada amniga waddanka, xuduudaha dawladda oo aan sugnayn iyo weliba ku degmooyinka u dhexeeya oo si wacan u kala soocnayn.

Haddaba waxay ururadu shalay u gudbiyeen madaxwynaha iyo beesha caalamka warqad  ay ku faafaahinayaan qodobo dhowr ah oo xal asaasi ah u noqonka muranka imminka jiraee ku saabsan doorashooyinka golayaasha degaanka. Waxayna yihiin kala yihiin:

1. Inay dawladdu dedaal iska saarto iyadoo la kaashanaysa beesha caalamka dedejinta isdiiwaangelinta codeeyayaasha, taasoo ay dawladdu  ka gaabisay siddeedii bilood oo ugu dambaysey.

2. In ururada siyaasadd, guddiga doorashooyinka iyo xukuumaddu ay bilaabaan wada hadal si toos ah ay xal u adeegaya danaha shacabka ugu raadinayaan arrimaha laysku  hayo

3. Maadaama guddiga doorashooyiku uusan dhexdhexaadnimo ka muujin arrimaha laysku hayey bilihii la soo dhaafay, waxa inta badan ururada siyaasaduu  danaynayaan in la beddelo, lana helo guddi cusub oo kalsooni keeni kara.

4. In doorashooyinka golayaasha degaanka la dib dhigo ilaa laga hubinayo inay codeeyayaashu helaan warqado aqoonsi, isna diiwaan geliyaan. Hawshaasi waxaa qaadan kartaa ugu badnaan 4 bilood siday shirkadaha xirfadda u leh noo sheegeen.

5. Waa in la dhiso maxkamad dastuuri ah oo kala saarta isqabqabsiga doorashooyinka ka hor maalinta doorashada Haddii muddadii halka sano ahayd oo horay loo qorsheeyey lagu wada qaban waayo doorashooyinka,

6. waxaan soo jeedinaynaa in la helo dawlad cusub oo talada la wareegta dhammaadka sannadka isla markaasnao dalka hoggaamisa muddo labo sano ah oo keliya, muhimmadeeduna tahay inay dhammaystirto hannaanka dimoqraadiyaynta.\

 

Riix Halkan:- Baaqa ururada oo Original ah ku qoran Luqada Ingiriiska.

 

Faafinta: puntlandpost.com

 


BOOSAASO: Xawaalada Kaah Express oo la weeraray , laguna dilay shaqaalaha Xarrunta qaar ka mid ah

$
0
0

Boosaaso: (pp)- Kooxo hubaysan oo weerar kedis ah ku qaaday xarrunta Xawaalada Kaah Express ayaa lagu dilay laguna dhaawacay masuuliyiin ka tirsan shaqaalaha Xarrunta Kaah Express ee magaalada Boosaaso ee xarrunta gobolka Bari.

Xawaalada Kaah Express oo la weeraray

Xawaalada Kaah Express oo la weeraray

Raga soo weeraray Xarrunta Xawaalada ayaa dilay Labo masuuliyiin ah oo ka mid ahaa shaqaalaha Xawaalada, halka ay dhaawaceen Labo qof oo kale, iyagoo isla markaasna qaatay Lacago Xawilad ah oo xarrunta taalay.

Weerarkan oo dhacay maanta barqadii guddaha magaalada Boosaaso ,  ayaa ka yaabiyey  dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Boosaaso.

Ciidanka booliiska ayaa goontaas soo gaaray iyagoo aan weli u qaban cid gaar oo looga shakiyey falkaasi, waxayse booliisku sheegeen inay baadi-goob ugu jiraa kooxihii falkaas ka danbeeyey , iyagoo dadka weydiinaya sida wax u dhaceen iyo halka ay u careen kooxihii falkaasi geystay.

Puntlandpost, Boosaaso, Puntland

KISMAAYO: Kala tag ama is afgarad ( Warbixin)

$
0
0

Kismaayo: (pp)-  Saacado kahor waxaa magaalada Kismaayo ka bilowday Shirar gaarsiisan heerkii Siyaasadeed, waxaana shir ay albaabadu u xiran yihiin yeeshay siyaasiyiin ay soo xusheen Jubbooyinka & Gedo , kuwaas oo kala ah , Gen Cali Madoobe, Prof. Gaandi, Aw-libaax iyo Gen. Darwiish, waxaana dhanka farsamada ka taageeraya Dr. Cumar C/rashiid oo isagu dhex-dhexaad ka ah arrimahan, laakiin la sheegayo inuu dhanka farsamada ka taageerayo masuuliyiinta Jubbooyinka & Gedo.

Dhamasy-tiro Xogtan: Dhamaystiro Xogtan Muhiimka ah: 

Shiarar Xasaasiya oo Kismaayo ka socda ...

Shiarar Xasaasiya oo Kismaayo ka socda …

Dhanka kale ayaa waxaa ka socda Raiisal wasaaraha DF ee Soomaaliya Saacid, Cilmimooge , Wasiirka warfaafinta, Wasiirka arrimaha Guddaha iyo kan gaashaandhiga , kuwaas oo ku jira gaba-gabadii xal ka gaaridaga arrimaha Jubbooyinka.

Masuuliyiinta is horfadhida ayaa kala wada hadafyo kala duwan , waxaana masuuliyiinta Jubbooyinka & Gedo  matalaya ay hal  mowqif ka taagan yihiin in loo madax banaaneeyo danahooda sida ku cad axdiga baarlamaaniga ah , halkam kuwa dowladu ay ku doodayaan inay si ku meel-gaar ah ay howsha u wadayaan iyaku, kaddibna ay kusoo wareejinayaan masuuliyada, arrinkaas oo ganafka ku dhifteen Masuuliyiinta Jubbooyinka & Gedo.

Su’aashu waxay tahay ma la is afgaran doonaa ,oo wax wanaagsan ayaa shirkaas ka soo baxaya , mise waa lagu kala tagayaa oo waa la kala danaysanayaa.

Waxaa kaloo xusid mudan in guddiga Jubbooyinka & Gedo matalaya ay isku aragti yihiin, halka kuwa dowlada loo maleeyo inay kalsooni qabin ay go’aan ku gaari karaan, waxaana magaalada Kismaayo taala Xan ah in Shaqo loo soo dhiibay oo aysan xor u ahayn ay la yimaadeen magaalada Kismaayo.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland

Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya Australia & Jaaliyada dalkaasi oo ka taciyeynaya Geeridii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Adeega Bulshada Marxuum Maxamuud Ismaaciil Barkhad.

$
0
0

Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya Australia, Mudane Yonis Yassin Hashi iyo Qoyskiisa, Dr. Mohamed Ali Hamud, Hon. Prof. Salim Aliyow Ibrow Gen. Mohamed Ibrahim Atosh, Dr. Ali Nur Du’alle, Gen. Mohamud Mohamed Hassan (Qafow), Dr. Abdirahman Kulmiye, Hon. Abdirahim Abdi Abikar, Amb. Salad Ibrahim Atosh, Hon. Prof. Abdirahman Adan Ibrahim (Ibbi),
Dr. Mohamed Abbas, Hon. Ibrahim Ali Omar (Sheegow), Mudane, Omar Farah Dholawa, Mudane, Abdirahman Osman Raas,Mudane, Hussein Harakow, Marwo Hawo Del, Eng. Abdullahi Adan Ibrahim Marwo Maryan Ahmed Abdulle (Maryan Garwene),Mudane, Abdi Elmi Alas, Mudane Yasin Mohamed Farah (Dihal), Mudane Mohamed Hassan Aden, Mudane Abduhab Mohamed Barkhadle,Mudane Ahmed Mohamed Nur, Mudane, Abdikarin Farole, Shaqaalaha Qunsuliyadda iyo dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Australia waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan xaaskii, carruuntii, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Adeega Bulshada Marxuum Maxamuud Ismaaciil Barkhad.

Australia1Sidoo kale, waxay Allah sare uga baryayaan inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, kitaabkiisana gacanta midig ka siiyo, Eeheladii Qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna kuu ka tagayna, Samir iyo IIMAAN ka siiyo.” Aamiin…Aamiin

BOOSAASO: Shirkadda Golis oo shaacisay inay wax ka badeshay Lambarada Sim-Cardka Mobilka(Cod+Sawiro)

$
0
0

Boosaaso: (pp)- Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis ayaa maanta Shaacisay inay wax ka badelayso Jiifarada Sim-Card-ka Mobilka ayna Lambar ku kordhisay Sim-Card-keeda, Masuuliyiinta Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis oo maanta shir jaraaid ku qabtay xarunta Shirkadda ee Magaalada Boosaaso ayaa waxay sheegeen inay hal jifar ku kordhiyeen Lambarada Sim-Card-ka Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis.

Dhagayso:- Codka Maareeye Ku-xigeenka Golis

Maareeye Ku-xigeenka Golis Saciid Aadan

Maareeye Ku-xigeenka Golis Saciid Aadan

Waxaa kamid ahaa Masuuliyiintii Shirka Jaraaid ka hadlay Mareeye Ku-xigeen Golis Saciid Aadan Axmed,  Hogaanka Ganacsiga ee Shirkadda Golis Cumar Ciise Maxamed (Cumar Faaruuq), Hogaanka Suuqgeynta C/raxmaan C/llaahi Jaamac (Dayax) iyo weliba masuuliyiin kale oo katirsan shirkadan waxayna sheegeen in Lambarkan loogu daray sababo la xiriira macaamiisha isticmaala Sim-Card-ka Golis oo si aada u balaartay ayna daruufto keentay in Lambarkan lagu kordhiyo Lamabarada Sim-Card-ka si halkaas looga sii wado adeega balaaran ee ay shirkadu u hayso macaamiisheeda.

Golis oo shaacisay in lambaradeeda lagu kordhiyey Lmbr-7

Golis oo shaacisay in lambaradeeda lagu kordhiyey Lmbr-7

Lambarka Shirkadda Golis oo horay u ahaa 6-jiifar ayaa iminka waxaa laga dhigay 7-jiifar iyadoo laga hormariyey Lambar 7-, Wixii Beri ka dambeeya marka dibada ama gudaha laga soo wacaayo Mobilka Golis waxaa lagu soo galaayaa +252 90 7  X X X X X X. Halka uu horay ka ahaa +252 90 X X X X X X.

Madaxda Shirkada Golis ee qabtay shirka jaraaid

Madaxda Shirkada Golis ee qabtay shirka jaraaid

Shirkadda Golis ayaa ah tan ugu balaaran degaanada Puntland iyo weliba Soomaaliya waxayna maalinba maalinta ka dambaysay samaynaysa horumar aan la qiyaasi karin iyadoo si isdabajoog ah usoo kordhisa adeegyo cusub oo ay uga faaidaynayso bulshadeeda waxaana kamid ah adeegyadii ugu dambeeyey Adeega Internetka Mobilada,3G, Ku-naso ,Afgarad iyo kuwo kale waxayna tani muujinaysa sida ay Shirkadu ugu dadaalayso inay mar walba qanciso Macaamiisheeda, Waana tan kaliftay inay noqoto Shirkadda loogu isticmaalka badan yahay.

Dhagayso:- Codka Hogaanka Ganacsiga Golis

Cumar Faaruuq

Cumar Faaruuq, Hogaanka Ganacsiga

Madaxa suuqgeynta Shirkada Golis, Mudane Dayax

Madaxa suuq-geynta Shirkada Golis, Mudane Dayax

puntlandpost.com

 

KISMAAYO: Is mari waa Siyaasadeed oo lagu kala seexday Caawa ( Warbixin)

$
0
0

Kismaayo: (pp)-  Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Caawa fiidkii kulan qaatay saacado la isku mari waayey, iyadoo kulankaas lagu kala kacay  , mar kalena lagu balamay beri subaxii  in la isugu yimaado kulanka kama danbaysta ah.

Is mari waa siyaasadeed oo lagu kala seexday..."

Is mari waa siyaasadeed oo lagu kala seexday…”

Dhanka dowlada ayaa la sheegayaa inaysan waxba ka socon waayeen, iyagaoo meesha la fadhiya Hal go’aan oo kaliya oo loo soo dhiibay  , kaas oo sheegaya in iyaga lagu wareejiyo masuuliyada dhaqaalaha, Ciidanka iyo siyaasada intaba oo ay la aadan magaalada Muqdisho, arrinkaas oo ka yaabiyey siyaasiyiinta matasha deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo.

Warar kale oo aan helayno ayaa sheegaya in ay masuuliyiinta dowlada ay isku dayeen in hab beel beel ah ay ula kulmaan dadla deegaanka iyo ergooyinka shirka si ay u kala fur-furaan, arrinkaas oo ay ka soo horjeesteen masuuliyiinta deegaanka , waxaana laga codsaday inay taas bedelkeeda ay kula kulmaan ergooyinka iyo oday dhaqameedka Hoolka shirarka, arrinkaas oo markii jartooda lala fahmay ay isaga gaabsadeen.

Masuul sare oo ay Puntlandpost soo xiganayso ayaa sheegay in Kulanka beri oo ah kan ugu danbeeya uusan wax wanaagsan ka soo baxayn , maadaama raga meesha maraya aysan go’aan gaari karin , isla markaana ay wataan barnaamij looga soo dhiibay Muqdisho oo  aysan  go’aamin karin kaligood.

Sikastaba, shacabka deegaanka iyo siyaasiyiinta deegaanada maamulka dhisanaya ayaa muujiyey isku xirnaan, si aan aan loo kala fur furin, waxayna u badan tahay  in madaxda dowlada Federaalka ay isaga laabtaan magaalada Muqdisho , maadaama aysan la imaan siyaasad hufan oo ay  kor ugu socon karaan , isla markaana ay kusoo jiidan karaan shacabka ka soo jeeda deegaanadan.

Haddii ay dowlada isaga tagto magaalada Kismaayo, iyada oo aan Xal keenin  , waxaa meesha ka baxaysa taageerada ay caalamku u hayaan dowlada hadda jirta  , maadaama iyada lagu soo doortay Federaal ayna ka soo horjeedo maamuladii iyo goboladii  Kalsoonida siiyey dowlada hadda jirta.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Plan A & B ay kala yihiin sidan ama hala is afgarto ama yaan la is afgaran..”"

A) Haddii ay dowlada taageerto barnaamijkii soo socday 3-dii sano la soo dhaafay oo waafaqsan sharciga Federaalka,  in guul laga gaaray siyaasada soomaaliya qayb muhiim ah, halkaasna lagu taagayo maamul la isla waafaqsan yahay oo sharciga federaalka lagu hirgeliyey .

B) Haddii ay dowladu horistaagto barnaajijka , in aan loo hakan oo meeshaa lagu dhamaynayo shirarkii socday,  lagu soo xuli doono Baarlamaanka iyo Madaxweyne iyo dowlad goboleed matasha deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo oo waafaqsan sharciga federaalka , waxaana markaas dowlada qasab ku noqonaysa inay taageerto maamulkaas , maadaama uu ku yimi sharci federaal ah oo shacabkeedu raali ka yahay.

Oraahda maanta, dadka waxgaradka ah ee ku nool magaalada Kismaayo..

Sikastaba, waxaan kusoo xiraynaa warbixinteena mid ka mid ah siyaasiyiinta deegaanka & fakirka uu aaminsan yahay,,, wuxuuna yiri “Jubbaland waxay xaq & Cadaalad siinaysaa Soomaalida wada degta , waana ka gudubnay Qabiil , waxaana u soconaa maamul Federaal ku dhisan, waxaana doonaynaa in Jubbbaland ay muraayad u noqoto gobolada Koonfureed oo ay ugu horayso Muqdisho oo lagu dhacay laguna bililiqaystay qarankii Soomaaliyeed, Hantidii shacabka Soomaaliyeed,  sidaas daraadeed waxaan ka miday sanahay Maamul loo dhan yahay oo laga taago Jubbaland. ”

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland

HRW oo Eedeyn usoo jeedisey Ciidamada DF Somalia iyo Madaxweynaha DF oo beeniyey eedeyntaas (Warbixin)

$
0
0

Hay,adda xuquuqda aadnaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartey ku dhaleeceysay ciidanka Dowlada Federaalka ee Muqdisho oo ay ku tilmaamtey in aysan wali joojin falalka ka dhanka ah bini,aadamnimada.

HRW oo eedaysay Dowlada Federaalka ee Soomaaliya

HRW oo eedaysay Dowlada Federaalka ee Soomaaliya

Warbixinta hay,adda ayaa lagu sheegey in wali ay halkoodii kasii soconayaan dhibaateynta barakacayaasha uga imaanaya kooxo ka tirsan ciidamada oo kaashanaya maamulayaasha xeryaha , ilaalada albaabka taagan iyo gudoomiyayaasha kaamamkaasi. HRW waxay sheegtey in ay ka mid yihiin dhibaatooyinka lagu hayo barakacayaasha muqdisho, Jirdil, Xanibaad dhaqdhaqaaqa ah, Kufsi iyo Dhac loo geysanayo cuntada loogu talo galey.

Warbixintan waxay hay,addu ku sheegtey in ay tahay mid lagu sifeeyey wareysi lala yeeshey 70 ka mid ah dadka barakacayaasha ee ku nool xeryaha muqdisho ku yaal, kuwaas oo warbixinta lagu sheegey in ay cadeeyeen tacadiyo loo geysto lana kulmaan mar walba takoorid dhinaca qabiilka ah.

HRW waxay ku dhaliishey Dowlada DF Somalia in aysan waxba ka qaban sidii wax looga badali lahaa dhacdooyinkan balse dhanka kale warsaxaafadeed laga soo saarey xafiiska Madaxweynaha Dowlada DF Somalia Hasan Shiikh Maxamed ayaa waxba kama jiraan lagu tilmaamey warbixinta HRW.

Xasan_CulusowWarka kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha oo xalay goor danbe warfidiyeenka soo gaarey ayaa lagu yiri ” Human Rights Watch run kama aysan sheegin xaqiiqda dhabtaa ee muqdisho ka jirta iyo guulaha Dowladu ka gaartey ilaalinta amaanka barakacayaasha. Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh Maxamud ayaa ku sheegey war saxaafadeedkiisa in ay kusoo dhaweeyeen HRW Muqdisho, balse aysan taas micnaheedu uusan ahayn been iyo buun buunin ka sheegto wax-qabadka Dowladiisa.

Warbixinta HRW waxay kusoo beegmaysaa ka dib markii dhawaan xabsiga Muqdisho laga soo daayey haweeney sheegtey in ay kufsadeen rag ka tirsan ciidanka DF Somalia,taasi oo lala xirey markii arrintaas ay warbaahinta ka sheegtey wariye wareysi ka qaadey.

Halkan ka akhri warbixinta Human Rights Watch oo English ah.

http://www.hrw.org/news/2013/03/26/somalia-protect-displaced-people-risk

Xafiiska Puntlandpost

Magaalada Garowe.

BOOSAASO: Hogaamiyihii kooxdii Dhaca & Dilka ka geysatay Xawaalada Kaah oo maanta Saxaafada loo soo bandhigay(Sawiro)

$
0
0

Boosaaso: (pp)- Gudoomiyaha Gobalka Bari C/samad Maxamed Galan iyo Duqa Magaalada Boosaaso Xasan Cabdala Xasan oo maanta shir jaraaid ku qabtay xarunta Gobalka ayaa waxay faahfaahin ka bixiyeen halka ay marayso xaalada xawaaladii shalay la dhacay lana laayey qaar kamid ah shaqaalaheedii.

Masuuliyiinta G/Bari & Magaalada Boosaso

Masuuliyiinta G/Bari & Magaalada Boosaso

Duqa Magaalada Boosaaso

Duqa Magaalada Boosaaso

Duqa Magaalada Boosaaso oo ugu horayn hadlay ayaa nabar xanuun badan ku tilmaamay falkii shalay ka dhacay Magaalada Boosaaso, wuxuuna sheegay inuu ahaa  Fal ugub ah oo ku cusub dhegaha umadda reer Puntland gaar’ahaan kuwa Gobalka Bari wuxuuse sheegay Ciidamadu Ambnigu inay qaadeen talaabooyin wax ku ool ah tan iyo markii ay dhacdadani dhacday, Isago amaan Balaaran dul dhigay shacabkii Gacanta ka geystay soo qabashada hogaamiyihii kooxdan iyo Ciidamada Amniga oo sameeyey dadaal aan kala har lahayn.

Duqa Boosaaso iyo Gudoomiyaha G/Bari

Duqa Boosaaso iyo Gudoomiyaha G/Bari

Gudoomiyaga Gobalka Bari

Gudoomiyaga Gobalka Bari

Gudoomiyaha Gobalka Bari C/samad Maxamed Galan ayaa isaguna wax  laga naxo ku tilmaamay falkii foosha xumaa ee shalay lagula kacay Xawaalada Kaah Xafiiskeeda Magaalada Boosaaso wuxuuna sheegay inay wax badan ka qabteen kooxihii falkaasi geystay ayna gacanta ku dhigeen Mid kamid kooxahaas oo ah xubintii hogaaminaysay dablayday oo lagu Magacaabo C/qaadir Xasan Ciise Dablaqe, waxa u sheegay inay falalkan noocan ah ay aduunka oo dhan ka dhacaan hase ahaate la eego talaabada ay Laamaha amaanku ka qaadaan isagoo u Mahadceliyey Cidamada Puntland oo aan u kala harin sidii kooxahan loo soo qaban wuxuuna tilmaamay inay ku raad jiraan Rag kale oo katirsanaa kooxihii falkan soo abaabuley.

 

C/qaadir Xasan Ciise Dabliqe, oo ah hogaamiyaha kooxdoo dhacday xawaalada Kaah

C/qaadir Xasan Ciise Dabliqe, oo ah hogaamiyaha kooxdoo dhacday xawaalada Kaah

2013-03-28 12.30.32

Intaa kadib waxaa Saxaafada iyo Masuuliyiintu isku raaceen Saldhiga Bartamaha oo lagu soo bandhigay Hogaamiyihii kooxda dhacday Xawaalada Kaah isla markaana diley Labo kamid ah shaqaalihii Xawaalada labana kalana dhaawacay, waxaana ninkan oo labada gacmood ka xirnaa lagu soo bandhigay saldhiga dhexe, Ninkan ayaa lagu Magacaabaa C/qaadir Xasan Ciise (Dabliqe).

2013-03-28 12.30.32

Dadweynaha reer Puntland ayaa si aada uga naxay falkan lagula kacay xawaalada Kaah waxayse soo dhaweeyeen talaabada ay qaadeen Ciidamada Puntland oo ay ku tilmaameen mid wax ku ool ah.

Puntlandpost.com


GAROOWE: Puntland oo goob fagaare ah ku gubtey Baco laga soo aruuriyey Bakhaarada, Dukaamada Iyo Goobaha ganacsiga (Sawiro)

$
0
0

Garoowe: (pp)-   Howl galo maalmihii lasoo dhaafey ka soconayey magaalada Garowe ayaa lagu uruurinayey Bacaha , kuwaas oo laga aruurinayey goobaha ganacsiga ee lagu iibiyo bacaha sida Bakhaarada , Dukaamada yar yar iyo Kabarlayaasha jidadka la dhigto.

Duqa Magaalada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Degmada

Duqa Magaalada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Degmada

Ciidamo ka tirsan laamaha Amniga Caasimada Puntland ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafey howl-galka lagula dagaalamayo iibinta bacaha ka waday Garowe ,iyaga oo kaashanaya Guddi bilo ka hor loo magacaabey joojinta bacaha.

Goob fagaare ah oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland ayaa maanta lagu gubey baco laga soo aruuriyey goobahaasi aanu soo sheegney, iyadoona hirgalinta amar mamnuucaya bacaha laga dalbadey Ganacsatada yar yar iyo kuwa waaweyn-ba.

Wasiiru dowlaha deegaanka

Wasiiru dowlaha deegaanka

Wasiiru dowlaha deegaanka Puntland ahna xubin ka tirsan guddiga Puntland u magacowday dabargoynta bacaha ayaa sheegey in bacdo deegaanka iyo xoolaha ku haysto dhibaateyn baahsan, taasina ay sii dheer tahay caafimaad daro dadku ka qaadan marka ay u isticmaalaan cuntada IWM.

Bacihii la gubeyWaa markii ugu horeysay oo amar lagu mamnuucayo ka ganacsiga bacda Puntland uu ka hirgalo, iyadoo taasi ay muujineyso dadaal dheeriya oo ay Xukuumada Puntland ugu jirto ilaalinta deegaanka iyo ka hortagida saameynta bacdu geysato.

Bacihii laga soo aruuriyey dukaamada iyo bakhaarada

Bacihii laga soo aruuriyey dukaamada iyo bakhaarada

 

Xubin ka tirsan Dowlada hoose Garowe

Xubin ka tirsan Dowlada hoose Garowe

 

Bacihii oo gubanaya

Bacihii oo gubanaya

Xafiiska Puntlandpost
Magaalada Garoowe

Ujeeddo: Digniin Mashruuc Ex Warshadii biyaha ee ku taalay Wadada Warshadaha una dhoweyd Ex Wakaalada Dhismaha SoomaliyeedDegamada Yaaqshiid dhulkaas cadadkiisu dhan yahay (100X300)

$
0
0

Ku: Ciddii ay Khusayso
Og: Shacabka Soomaaliyeed
Og: Dowladda Hoose ee Muqdisho
Og: Hay’adaha/ Dulaaliinta wax kala gada ee Muqdisho, Soomaliya

Digniin loo dirayo la wareegada Boos ay leeyihiin Ilmo Maxamed Xaashi Gaani.

Digniin loo dirayo la wareegada Boos ay leeyihiin Ilmo Maxamed Xaashi Gaani.

Ujeeddo: Digniin Mashruuc Ex Warshadii biyaha ee ku taalay Wadada Warshadaha una dhoweyd Ex Wakaalada Dhismaha SoomaliyeedDegamada Yaaqshiid dhulkaas cadadkiisu dhan yahay (100X300)

Anigoo kala ah :

1.Sharma’arke Maxamed Xaashi Gaani
2.Saalax Maxamed Xaashi Gaani
3.Muna Maxamed Xaashi Gaani
4.Qamar Maxamed Xaashi Gaani
5.Sade Maxamed Xaashi Gaani
6.Sagal Maxamed Xaashi Gaani
7.Hooyo Xabiibo Diiriye Jamac

Waxaan idinku salamaynaynaa salaanta Islaamka Asalamu Caleykum Waraxmatulahi Wabarakatuhu, Hadaba salaanta ka dib, waxaan idinla socodsiinaynaa isla markaana ogaysiinaynaa ciddi ay khusayso sida Shacabka Soomaaliyeed iyo Maamullada sharafta leh ee kor ku xusan in dhulka Mashruca Warshaddii Biyaha ee ku taalay Ex Wakaalada Dhismaha Soomaliyeed gadaasheeda uuna maro Jidka Warshadaha, Ka soo horjeedka Talefishinkii qaranka Soomaliyeed gaar ahaan Degmada Yaaqshid uu yahay milkidayadanada. Dhulkaas waxaa uu ka danbeeya Ex Wakaalada Dhismaha Soomaliyeed.

Waxaan sidoo kale ogaysiinaa, ugana digayaa shacabka Soomaaliyeed inaan la iibsan Karin, la kireysan Karin, si kalena loogu takri falin dhulkaas.

Raiisal wasaaraha oo sheeganaya Booskaas

Raiisal wasaaraha oo sheeganaya Booskaas

Dhulkaas dokumentigiisa waan heysana, waxaana hada sheeganaya Ninka la yiri waa Raysal Wasaaraha Soomaliyeed Cabdi Farah Shirdon (Saacid),  waana arin been ah oo sal iyo raad laheyn in uu isaga leeyahay, waxaana uu doonaya in uu awooda uu hayo ku meel marsado waana oga digayna dhamaan shacabka Soomaliyeed ee ku nool Xamar in ay gataan amaba la iibsan karin waayo waxaa lehaa Marxuum Maxamed Xaashi Gaani, waxaana ka dhaxlay dhamaan Todobada qof ee aan kor ku xusnay.

Dhulkaas waxa weli ku yaal derbi yar oo burbursan afartiisa gees ah lana garan karin ilaa loo fiirsado mooyee. Waxaa kale oo ka baxay geedo. Dhamaan dadka degan aaga waxaa ay u yaqaanan Dhulkaan Marxuum Maxamed Xaashi Gaani waana heysana Dakumentigiisa oo dhan. Hadaba Akhristayaasha Sharafta leh dhamaan meel kasta oo aad joogtan waxaan idin ogeysiineynaa amaba idinkaga digeynaa cidii iibsata iyada ayaa qaadi doonta khasaaraha ku yimaada.

Wabillahi Towfiiq.
Sharma’arke Maxamed Xaashi Gaani
(614) 622-5279
Email: sgaani@gmail.com

Faafinta: Puntlandpost.com

GAROOWE: “Caruurtan gaajo ayaa noo geysay in aan Bosaso usoo dirsano” ! (Warbixin iyo Sawiro)

$
0
0

Garoowe: (pp)-Gabdhahan oo laga soo ka xeystey tuulada xawaadley oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe ayaa da’dooda u dhaxeysaa 5 sano jir ilaa 13 sano jir, waxaana markii la qabteyba lagu wareejiyey wasaaradda haweenka oo deryeel iyo xanaaneyn-ba u fidisay.

Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Maxamed Farah

Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Maxamed Farah

Maxamed Xareed Faarax Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Puntland oo warbaahinta kula hadlay guriga caruurtan lagu hayo ayaa waxa uu sheegay in labada nin ee caruurtan watay magacyadooda la kala yiraahdo Xuseen Maxamed Yacquub oo 22-jir iyo Ismaaciil Maxamed Xiis oo 21-Jir.

Walidka iyo Carurta la xadey oo iskugu xiisey intii ay kala maqnaayeen

Walidka iyo Carurta la xadey oo iskugu xiisey intii ay kala maqnaayeen

Wuxuuna xeer ilaaliyuhu intaas ku darey in gabdhaha iyo nimankii waday markii la qabtey laga shakiyey islamarkaana wareysi hay,addaha amnigu la sameeyeen nimankii watey ay u qirteen in ay u wadeen haweenay degan magaalada Boosaso oo xitaa bixisay nooliga ay kaga soo tageen Xawaadley.

Wuxuuna sheegey ku xigeenka xeer ilaalintu in ay taasi cadeynayso in gabdhaha loo watey ka ganacsiga , isagoona xusey in nimanka watey gabdhaha yar yar mid ka mid ah uula dhashey gabdhaha yar yar waliba midda ugu yar .

Gabdhaha Waalidkood lagu wareejiyey maanta

Gabdhaha Waalidkood lagu wareejiyey maanta

“Nasiib wanaag maanta waxaa nala jooga oo noo yimid laba ka mid ah waalidiinta gabdhan dhalay waan ku wareejin doona daamanad baana ka qaadaynaa waxaan loo celin doon guryahoodii laga soo kaxaystay,labada eedaysanena waxay ciqaab ka mudan yihiin qanuunka ayay mari doonaan”ayuu yiri xeer ilaaliyaha oo ka hadlayey habka loogu wareejin doono gabdhahan waalidkood.

Waalidka Gabdhaha la qabtey oo warbaahinta la hadlayaHooyooyinka dhalay qaar ka mid ah gabdhahan oo Xawaadley ka yimid ayaa warbaahinta la hadlay waxayna sheegeen dhankooda in ay ka war qabeen soo bixitaanka caruurtooda, midaas oo ay ku sifeeyeen sababihii nimankan ugu soo dareen in ay ahayd gaajo ayna usoo dirsadeen bosaso , iyaga oo sheegey in hadiiba la qabtey ay diyaar ula yihiin in ay la noqdaan.

Sheegashada waalidkooda caruurta ay ku qirayaan in ay lug ku lahaayeen ayaa noqoneysa mid la yaab ku noqoneysa dhacdooyinka Somalia maalinba maalinteeda kale lagu arkayo, taasi oo dadku ku sifeynayaan Yaab iyo Amakaag , waalid caruurtiisii qaab aan sharci ahayn usoo dirsadey.

Gabdhaha lasoo xadey iyo Qaar ka mid ah waalidkooda

Gabdhaha lasoo xadey iyo Qaar ka mid ah waalidkooda

Waxaa la filayaa maalinta sabtida in gabdhahan lagu wareejiyo waalidkooda hadda jooga ee yimid Garowe, iyadoona ay kasoo qeyb galayaan wareejintooda hay,addo ka socda beesha caalamka gaar ahaan saraakiil ka socota hay,adda IOM oo ka mid ah hay,addaha dagaalka kula jirta daabulka iyo ka ganacsiga dadka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Puntland lagu qabto caruur lagala yimid gobolada koonfurta, iyadoona sidoo kale gudaha Puntland lagu qabtey caruur waalidkood laga soo xadey oo aysan u war hayn, balse tani waxay kaga duwan tahay dhacdooyinkii horre waalidka caruurtan oo raali ka ahaa in laga soo fogeeyo ilmahooda.

Xafiiska Puntlandpost

Magaalada Garoowe

KISMAAYO: Waan ku kala kacnay shirkii Kismaayo, wixii hadda ka danbeeya maamulkeena ayaan dhisanaynaa.. ” mid ka mid ah siyaasiyiinta Jubbaland

$
0
0

Kismaayo: (pp)-  Masuul ka tirsan Siyaasiyiinta Jubbooyinka oo aan kula xiriirnay khadka Taleefanka ayaa Puntlandpost u sheegay inay ku adkaatay in ay wax fahansiiyaan masuuliyiinta ka socota dowlada Federaalka ee Soomalaiya , waxaa kaloo ku adag madaxda dowlada inay xaqiiqda u dhowaadaan oo wadanka ay ogaadaan inuu Federaal yahay ” ayuu Puntlandpost u sheegay masuulkaasi oo magaciisa ka gaabsaday inaan  lagu xuso Saxaafada.

Shirkii waa lagu kala kacay , waxaana dhisan doonaa Maamulka Jubbaland State.

Shirkii waa lagu kala kacay , waxaana dhisan doonaa Maamulka Jubbaland State.

Waxuu kaloo masuulkaasi sheegay in shirkii Caawa fiidkii lagu kala kacay oo aan aysan harin wax wanaag oo laga filayo dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

Mar aan weydiinay masuulkan Talaabada xigta ay qaadayaan ayuu noo sheegay in hadda wixii ka danbeeya ay sii wadan doonaan dhamaystirka shirkii horay uga socday Beelaha degan Sadexda gobol ayna ku rajo weyn yihiin in guul wanaagsan laga gaari doono inshaa’alah, laga hirgelin doona dowlad goboleedka Jubbaland State . waa sida uu hadalka u dhigaye..

” Waxaa halkii kasii socon-doona shirarkii maamulka loogu dhisayey deegaanadan, wax rajo xuma ahna naguma dhacayso, waxa muuhiimada gaarka ah leh, waa rabitaanka shacabka Jubbooyinka & Gedo , guushuna halkaas ayey taalaa ” ayuu siyaasiganu u sheegay Puntlandpost.

Sikastaba, Kulamadii  horay u socday ayaa  waxaa ka qeyb galayey marka laga tago labada garab ee ka kala tirsan DF iyo Maamulka KMG Kismaayo , Siyaasiin kale oo ku sugnaa kismaayo maalmihii lasoo dhaafey, kuwaas oo iyana sida la sheegey ka hor yimideen aragtida ay wataan garabka Ray,isal wasaare Saacid.

Dadka reer Kismaayo ayaa caawa hadal haya sida ay fashilka ugu yimaadeen wada hadaladaasi , kuwaas oo tilmaamaya waftiga Ray,isal wasaaraha in ay keeneen magaalada fariin looga soo dhiibey Muqdisho oo aysan waxba ka bedeli karrin xataa hadii xal loo baahnaa in labada dhinac ay wada gaaraan.

Markii la ogaaday qaabka iyo fashilka ay dowladu la doonayo Jubbaland & Gedo ayaa waxaa Jaamacadda Kismaayo durba laga bilaabay  shirar gooni gooni ah oo ay ku leeyihiin Ergeyda ka qeyb galeysa maamulka la doonayo in uu ka hano qaado Jubo-land iyo Gedo, kuwaas oo iyana aaminsan sida la sheegey in aysan ku qancin qaabka ay DF usoo abaartey is mari waaga siyaasadeed ee Kismaayo ka jirra.

Ray,isal wasaare Abdi Faarax Shirdoon ayaa saddexdii beri ee ku sugnaa Kismaayo tagin goobta shirku ka socdo oo ay ku dhan yihiin sida la sheegey wax-garad iyo aqoon yahano badan oo kasoo jeeda deegaanadaas,midaas oo uu uga gaabsadey wada hadaladii oo aan guul kasoo hoynin.

Wasiirka arrimaha guddaha oo og Caawa natiijada shirka ayaa saxaada  ka gaabsaday inuu runta cadeeyo , isagoo sheegay  inuu Beri inta aysan ka soo bixin magaalada Kismaayo ay sheegayaan shirarkaas iyo waxyaalihii la isla soo qaaday.

Puntlandpost oo Faalooyin badan ka qortay shirarka dowlada iyo masuuliyiinta Jubbooyinka u dhaxeeyey ayaa horay u sheegtay in Go’aano kooban Wafdiga dowlada in looga soo dhiibay Muqdisho, qodobadaas oo aysan waxba ku darri karin waxna ka dhimi karin, taasi waxay keentay in guuldarro kala dheelmanayaan magaalada Kismaayo maalinka Beri ah oo ku beegan 29-ka Maasrso , 2013-ka.

 

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland

 

 

 

GAROOWE: Xogta Dhabtaa ee ka danbeysay Xariga Xoghayihii urur siyaasadeedka Wadajir.

$
0
0

Garoowe: (pp)-  Urur siyaasadeedka Wadajir ee Puntland ayaa caawa soo saarey war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ururka , kaasi oo uu kaga jawaabayo qodobo dhowr ah oo ay ku sheegeen been abuur warbaahinta qeybteed ururka ka faafiyeen , iyada oo ururku war saxaafadeedkiisa ku dhaliiley wararka websit-yada qeybtood ay soo qorayaan.

Ururka Wada jirUrurka ayaa ku cadeeyey warsaxaafadeedkiisa in aysan wax lug ah ku lahayn xariga xoghayihii ururkaas oo ku xiran Garowe , islamarkaana cidda faafisey wararkaasi ururku kala xisaabtami doono, sharcigana la tiigsanayo.

Dhinaca kale Puntlandpost oo xiriir la sameysay saraakiil ka tirsan booliska Nugaal ayay u xaqiijiyeen in xariga xoghayihii ururka wadajir uu ka danbeeyey arrimo madaniya ah, ka dib markii la soo dacweeyey, islamarkaana meesha aysan ku jirin wax siyaasad ku lug leh sida ay noo xaqiijiyeen ilahaasi.

Sidoo kale warqad qoraal ah oo kasoo baxday xafiiska Gudoomiye ku xigeenka Ururka Wadajir Luul Jaamac ayaa lagu cadeeyey in xilkii laga qaaday Xoghaya ururkaasi.

Xafiiska Puntlandpost

Magaalada Garoowe

KISMAAYO: Wafdigii Saacid oo ku laabtay Muqdisho, sheegaya in dowladiisu aysan aqoosanayn shirka Kismaayo

$
0
0

Kismaayo: (pp)- Raiisal wasaaraha DF ee Soomaaliya iyo wafdigii uu hogaamiayey ayaa ka degay magaaalada Muqdisho.

Raiisal wasaaraha DF ee Soomaaliya.

Raiisal wasaaraha DF ee Soomaaliya.

Raiisal wasaare Saacid oo warsaxaafadeed ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in shirarkii ay la yeesheen maamulka Kismaayo iyo saxiixayaasha  ay isku fahmiwaayeen qodobo dastuuri ah oo uusan sheegin waxa ay yihiin.

Hadalka raiisal wasaaraha ayaa sii kala fogeynaya labada dhinac, waxaana siyaasiyiita iyo waxgaradka ku nool magaalada Kismaayo ay qabaan in raiisal wasaaraha ay warwalba ka sugayeen inuusan wax rajo ah uusan  ka keeni karin wadaxaajoodkii dhexmaray labada dhinac, maadaama uusan u madax banaanayn siyaasada uu ku hogaamiyo dowlada uu isaga hogaanka looga dhigay.

Sikastaba, raiisal wasaaraha oo ku doodaya in shirka Kismaayo uusan waafaqsanay  Dastuurka, hadalkaas oo ah hadal been abuur ah , ayuusan raiisal wasaaruhu isweydiin in magaaladii Muqdisho oo la wada lahaa Yaa Xakuma maanta? Guddoomiyeyaasha maamulka yey yihiin? Yeyse ka soo jeedaan, ma dastuurka ayaa u ogolaaday in Hal beel ay xakumaan magaaladii Muqdisho oo Soomaali wada-lahayd ? Waa arrin ay isweydiinayaan dadka Soomaaliyeed inta nabada Jecel.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland,

.

BUURTINLE: Maamulka cusub ee degmada Burtinle oo kulan wada-tashi ah la qaatay Qaybaha Bulshada (Sawiro)

$
0
0

Buurtinle: (pp)-  Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa ajandihiisu wuxuu ahaa wadatashi uu maamulkan cusub la yeelanayo qaybaha bulshada iyo soo bandhigida warbixin la xiriira mudadii koobnayd ee uu maamulka degmadan hayay.

DSC00573Guddoomiyaha cusub ee degmada Burtinle Liibaan Xirsi Khaliif oo shirkan furay ayaa sheegay in kulankani uu qayb ka yahay kulamo badan oo qaybaha bulshada ee degmada burtinle ay la yeelan doonaan kuwaas oo ay ku darsayaan xaalada degmada iyo baahiyaha kala duwan ee ka jira.

DSC00487DSC00490Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in kulankani manta ay fadhiyaan oo ay ku casuumeen Nabadoonada, Odayaasha, Waxgaradka, iyo Aqoonyahanka oo ay aad uga wada tashan doonaan horumarinta degmada iyo gacan siinta waxqabadka maamulka cusub ee degmada u qorshaysan.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Burtinle Liibaan Xirsi Khaliif wuxuu sidoo kale xubnihii kulankan fadhiyay warbixin ka siiyay waxqabadka mudadii koobnayd ee ay maamulkiisu xilkan degmada hayeen, wuxuuna carabaabay in ay jiraan waxqabad fiican oo ay dhinacyada arrimaha bulshada ka muujiyeen durba.

DSC00498Dhinaca kale waxaa kulankan ka hadlay xubno farabadan oo ka mid ahaa Nabadoonada iyo Waxgaradkii kale ee shirkan ka soo qaybgalay waxayna muujiyeen niyad samaan iyo wanaag ay la garab taagan yihiin maamulkan cusub ee degmada Burtinle loo doortay dhawaan.

DSC00510Xubnihii kulankan ka hadlay waxaa ka mid ahaa Nabadoon Axmed Muumin Cumar, Nabadoon Maxamed Xasan Dhurwaa, Nabadoon Abdirashiid Axmed Jamac buux, Nabadoon Cabdullaahi Cabdulle Cilal iyo xubno kaloo farabadan waxayna maamulkan uga mahadceliyeen waxqabadka muuqda ee ay soo bandhigeen kuna talaabsadeen mudadii koobnayd ee ay xilkan hayeen.

DSC00529Xubnahan bulshada u hadlay waxay maamulka cusub u soo bandhigeen in ay jiraan baahiyo farabadan oo u baahan in wax laga qabto kuwaas oo asaas u ah horumarka degmada iyo nolosha bulshada, waxayna u muujiyeen taageero in ay la garab taagan yihiin mar walba si hanaanka horumarineed ee degmada uu la damacsan yahay u hirgalo.

DSC00552Shirkan oo saacado badan lagu lafa gurayay horumarinta degmada Burtinle iyo wadashaqaynta dhabta ah ee maamulka iyo bulshada ayaa waxaa soo gunaanaday guddoomiyaha cusub ee degmada Burtinle Liibaan Xirsi Khaliif oo tilmaamay mar kale in uu aad ugu faraxsan yahay in bulshadu ay balan qaado washaqayntii ay uga baahnaayeen islamarkaana ay muujiyaan in ay diyaar u yihiin wax wada qaybsi iyo in laga wada qayb qaato horumarka degmada Burtinle.

DSC00560Kulankani wuxuu qayb ka yahay kulamo farabadan oo maamulka cusub ee degmada Burtinle uu kula tashanayo qaybaha bulshada, qayb walba oo bulshada ka mid ahna uu mar shir gaar ah la qaadanayo.

DSC00588DSC00614DSC00638DSC00641DSC00644

Puntlandpost.com


KISMAAYO: Wafdi iyo ergo uu homaaniyayey Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo maanta ka degay Magaalada Kismaayo

$
0
0

Kismaayo: (pp)- Waxaa maanta kasoo degay magaalada Kismaayo wafdi ballaaran oo isugu jiray Ergooyin iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Gedo, wafdigaas oo uu hogaaminayey Ugaaska Beesha Sade Ugaas  Maxamed Ugaas Xaashi.

  

Wafdi uu hogaaminayo Ugaaska Beesha Sade óo maanta ka degay magaalada Kismaayo

Wafdi uu hogaaminayo Ugaaska Beesha Sade óo maanta ka degay magaalada Kismaayo

Wafdiga ayaa magaalada Kismaayo u yimid sidii uga qaybgeli lahaayeen dhamaystirka shirka maamulada loogu dhisayo Jubbooyinka iyo Gedo, shirkaas oo si habsami leh uga socda magaalada Kismaayo.

Wafdiga Ugaaska oo si fiican loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo ayaa loo galbiyeyGuriloo diyaaariyey, isagoo ka dibna toos u tegaya madasha shirka.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland

GAROOWE: Roobab lixaad leh oo khasaare ka geystey deegaano ka tirsan Laascaanood, Hargeysa iyo Berbera inta u dhaxaysa.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Wararka aanu ka heleyno deegaano ka tirsan maamulka Somaliland ayaa sheegeya in Xildhibaan ka tirsan golaha Guurtida Somaliland laguna magacaabo Aadan Shire Sanweyne ay galabta daad ku qaaday Dooxo u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera lana yiraahdo Lafaruug.

Roobabka Da' iyo sidda deegaano badan

Roobabka Da’ iyo sidda deegaano badan

War sugan lagama hayo inuu dhintay iyo in kele balse waxaa la xaqiijiyey in la badbaadiyey gaariguu saarnaa iyo laba qof.

Xildhibaanka ayaa Warbaahinta Somaliland baahinaysaa in xilligan la baadi goobayo Raq iyo Ruux kake, waxaana dooxada Lafaruugn oo ay togag waawayn maraan gaaray gurmad badan oo iskugu jira maamulka Somaliland iyo ehelada masuulkan daadku la tegay.

Dhanka kale wararka aanu ka helayno magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in roobab mahiigaan ah oo ka da, ay gobolka Sool 24 saac ee lasoo dhaafey ay sababeen dhimashada hal qof oo danab ku dhacay gurigiisa , ahaana aabe qoys degan duleedka koonfureed ee laascaanood .

Mid ka mid ah ehelada qoyska danabku ku dhacay oo la hadley Puntlandpost ayaa sheegey in sidoo kale waxyeelo hanqarku soo gaarsiiyey tiro 30 neef oo ku dhintey goob la jirinayey, islamarkaana xilligii danabku dhacayey guriga ay joogeen ilaa 12 qof oo uu gacanta ku hayey ninka ku geeriyoodey.

Roobabka Gu,ga ayaa ka bilowday maalmihii lasoo dhaafey wadanka Somalia oo ay ka da,ayeen deegaano tirsan gobolada Somalia , walow goobaha roobabkani tan iyo intii uu cirku curtey ku xooganaayeen deegaanada ka tirsan gobolada waqooyi ee dalka Soomaaliya.

Puntlandpost.com

Sidee Ugaaska Beesha Sade uga soo duulay deegaanka Doolow iyo Imaantinkiisa Kismaayo ( Daawo-Video)

$
0
0

Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi ayaa maanta gelinkii hore ka soo duulay deegaanka Doolow, isagoo intii uusan ka soo dhoofin Doolow u mahadceliyey dadka deegaanka oo uu sheegay in ay  guulo waaweyn ka gaareen in ay go’aan sadaan siddii ay uga qayb gali lahaayeen shirka maamulka loogu dhisayo deegaanada Jubbooyinka.

Wafdi uu hogaaminayo Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo kusoo biiray Shirka

Wafdi uu hogaaminayo Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo kusoo biiray Shirka

Daawo Ugaas oo ka hadlaya safarka uu ugu anbabaxayey Kismaayo

Ugaaska ayaa markii uu ka degay magaalada Kismaayo, ayaa isaga iyo wafdigiisu waxay si toos ah u baareen madasha shirka ee maamulka looga dhisayo deegaanada Jubbooyinka, wuxuuna Ugaasku maqsuud ku tilmaamay sidda loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo, isagoo ilaahay ugu mahadceliyey sidda wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo.

Daawo Imaanshaha Ugaaska ee magaalada Kismaayo

Shacabka magaalada Kismaayo iyo Suldaan Sokor ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin imaatinka Ugaaska. Imaatinka Ugaaska ayaa imaanaysa waqti raiisal wasaaraha DF ee Soomaaliya iyo wasiiro ka tirsan dowladiisa ay ku guul daraysteen in ay fahmaan shacabka gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo go’aansaday in ay maamul goboleed federaal ah ku qotoma ay samaystaan , kaas oo loo marayo sharciga federaalka ee Soomaaliya waqtigan u yaala.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland

Shir jaraaid oo lagu taageerayo maamulka Jubooyinka oo ka dhacay Magaalada AARHUS-Denmark

$
0
0

Aarhus: (pp)- Waxaa maantay Magaalada Aarhus ee Dalka Danmark   Shir jaraaid ku qabtay Ururka Jubaland relief and Development Organization iyo jaaliyadda jubooyinka.

Shirkaas jaraaid waxaan lagu taageerayay shirka maamul u samaynta Jubaland state Of Somalia uga furmay magaalada Kismaayo ee xarunta jubada hoose. Waxaa  si buuxda loogu taageeray loona soo dhaweeyyay maamul ka dhisma Jubooyinka. Waxaana layaab ku noqday hadalkii ka soo yeelay masuuliyiinta ugu saraysa dawlada fedaralka ah ee Soomaaliya.
Jaaliyadaha Jubbooyinka oo mar kale taageeray Dhismaha Jubbaland

Jaaliyadaha Jubbooyinka oo mar kale taageeray Dhismaha Jubbaland

Xukuumadda Soomaaliya waxay ku shisan tahay laguna doortay oo lagu dhaariyay nidaamka fedaralka ah taas oo micnaheedu yahay in labo gobol iyo wixii ka badan samaysan karaan maamul ay iyagu leeyihiin. Waxa kale oo xasuus mudan in lixda bilood oo ay xukuumadani dhisan tahay ay mashquul ku noqotay Jubooyinka, waxaa kale oo wax lala yaabo ah in  aad moodo in aysan meel aan Baraadir ahayn aan xilka sarnayn  xaga amnida iyo dhanka horumarinta dalka. 

Waxaan si kalsooni leh u soo dhawaynaynaa  una taageeraynaa maamulka jubooyinka. Waxaan si cad oo cod dheer ah u leenahay in cadaalada dalka iyo dadka la ilaaliyo in si siman dalka loo gaarsiiyo horumarka iyo mashaariicada lagu helo magaca qaranka Soomaaliyeed, dalku in uusan noqon hal magaalo,in kitaabkii lagu dhaartay laga run sheego. Ummadda Soomaaliyeed la  ilaaliyo midnimadeeda qaranimadeeda.

 

Jaaliyadaha Jubbooyinka oo mar kale taageeray dhismaha maamulka Jubbooyinka iyo Gedo

Jaaliyadaha Jubbooyinka oo mar kale taageeray dhismaha maamulka Jubbooyinka iyo Gedo

Waxaan sidoo kale salaan sharaf iyo duco u diraynaa ciidadmada amniga ummadda jubooyinka maamulka KMG ah u soo dhabar adaygay hawshii adkayd ee ay soo mareen oo dhimayo dhaawac, iyo baahiba lahayd.

Waxan sidoo kale soo dhawayn iyo dhiira galinba u diraynaa  ummadda Soomaaliyeed ee Jubooyinka iyo siyaasiyiinta waqtigoodii,maskaxdoodii iyo meelkoodiiba u huray. 
Waxaan ku baaqaynaa in aqoon yahanka siyaasiyiinta indheer garadka,hooyooyinka, dhalin yarada, iyo inta caqliga iyo cadaalada u saaxiibka ah meelkasta oo ay joogaan in ay taageeran,maamulka Jubooyinka ka dhismaya. dadkaas oo la xuqquuq ah dalka intiisa kale. 
Jubooyinka, waxaa la dagay dagaalo,siyaasado kala duwan leh oo aan cidna u naxariisanayn 22-kii sano ee la soo dhaafay.

Gabagabo Ururka Jubland relief and development Oraganization iyo jaaliyada  Jubooyinka waxay shirka ugu baaqayan cadaaadad,midnimo,horumar iyo hal abuur lagu hirto.

Mahadsanid 
 Ururka Jubland relief and development  Organization
Guddiga Maxamed Bshiir Maxamed, Amoon, Said  Awil Abdi Ade Gaboobe Ali.

FAALLO: Siyaasadda Arrimaha Gudaha Dalka oo Mugdi gashay,,!

$
0
0

Faallo: (pp)-  Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xassan Sheikh wuxuu dalka uga maqan yahay Safarkii 17 aad kadib doorashadiisii muddo laga joogo 6 bilood kahor.

Siyaasadii arrimaha guddaha Soomaaliya oo Mugi weyn gashay

Siyaasadii arrimaha guddaha Soomaaliya oo Mugi weyn gashay

Madaxweynuhu wuxuu booqday waddamo fara badan asagoo sheegay in wax weyn uu ka qabtay siyaasadda Dibedda ee Dalka., Siyaasiyiinta heer caalami waxay yiraahdaan: “Siyaasadda dibeddu waa qeyb ka mid ah Siyaasadda Gudaha”.

“Good Foreign Policy is the extension of Good Interior Policy”
Hadaba Su’aashu waa, Dowladda Soomaaliya ma u soo bandhigtay Shacabka Soomaaliyeed Siyaasad wanaagsan oo dalka lagu dhaqo mid amni, mid dhaqaale iyo mid arrimo bulsho.

Siyaasadda Gudaha iyo Xiriir Xumada jirta:
Runtii rajo weyn ayey shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen Dowladda Cusub, ayagoo ka dhursugayey in ay wax badan ka qabato arrimaha murugsan ee dalka ka jira.

Maxaa qabsoomay?

1. Somaliland:

Xiriirka Dowladda Dhexe ee Federaalka iyo Somaliland u dhexeeya ayaa todobaadadii la soo dhaafay aad u xumaaday. Dowladda Somaliland ayaa si cad uga hor timid in ay ka qeyb gasho shirarka siyaasadeed ee socda. Waxaan ognahay in Somaliland ay si buuxda uga qeyb gashay Shirkii London Feb 23, 2012, Dowladii Madaxweyne Sheikh Sharif. Ayna ogolaatay wada xaajood joogto ah. Xiriir xumada cusub ayaa loo saarayaa siyaasad xumida Dowladda Madaxweyne Hassan Sheikh.

2. Puntland:

Puntland waxay qeyb weyn ka soo qaadatay is beddelka siyaasadeed ee dalka ka hir galaya ha ahaato Dastuur cusub iyo doorashooyin. Wakhtigii Dowladdii Sheikh Sharif Sh Ahmed, xiriirka Puntland, walow uu bilowgii hore liitay, haddana wakhtigii dambe aad ayuu sare ugu kacay. Madaxweyne Sheikh Sharif wuxuu booqday tiro ka saddex ah. Inkastoo dhowaan uu booqday Raysal Wasaare Abdi Farah Shirdoon, haddana waxaa cadaatay in heshiiskii uu ka hor yimid Madaxweyne Hassan Sheikh uuna diiday in laga ansixiyo golaha Wasiirada si loo aqoonsado heshiiskaas, waa nasiib darro.

3. Galmudug:
Maamulka Galmudugh wuxuu si wanaagsan u taageeray Dowladda dhexe iyo hogaankeeda. Galmudugh waxay filaysay in dhinaceeda la taageero dhinacyo fara badan. Nasiib darro, Raysal Wasaare Saacid asagoo fulinaya talada Madaxweynaha waa siduu hadalka u dhigaye wuxuu halkaas kaga yimid is afgaranwaa iyo shaki inuu soo kala dhex galo Dowladii Dhexe iyo Maamulkii Galmudugh oo wada shaqeyntii hakad galo.

4. Bay/Bakool:

Maamulada Gobolada ka jira oo ah kuwa la soo doortay ayaa si taxdar iyo xushmo darro ah waxaa u dhex galay Dowladdii dhexe. Waxay sababtay is afagarnwaa siyaasadeed taas oo abuurtay colaad iyo tartan madaxnimo; halkii amniga laga shaqeyn lahaa. Dowladda Ethiopia oo ka carootay in Dowladda Dhexe la socod siin is beddelka maamulada lagu sameynayo ayaa ka baxday degaamada qaar ka mid ah. Alshabab ayaa ka faaiideystay siyaasad xumida Dowladda Dhexe dibna u qabsaday degaamo amni ka jiray; halkaas oo ay ku dileen culimo, madax dhaqameed iyo dhalinyaro Soomaaliyeed.

5. Shabeelada Hoose / Marka:

Magaalada Marka ayaa amnigeedu hagaagsanaa tan iyo markii Alshabab laga xoreeyey. Dowladda Dhexe ayaa waxba ka qaban weyday cabashadii shacabka ay ka sheeganayeen Meeleshiyo Beeleed dhib ku haysay. Maamulka iyo Shacabka oo u adkaysan waayey Meleeshiyada beelaha ayaa dagaal ku qaaday si ay uga xoroobaan dhibaatada loo geysanayo. Gobolka Shabeelada Hoose, gaar ahaan Marka, waxaa maanta ka scoda dagaal eheli ah (Civil War) oo haddii aan deg deg loo joojin laga yaabo inuu ku fido Muqdisho iyo Gobolka Bay.

6. Muqdisho:

Magaaladii ahaan jirtay Caasumadda Soomaaliya waxay noqotay Magaalo Maamulkeedu gacanta ugu jirto kooxo shaati qabiil huwan. Madaxda Degmooyinku waxay qeyb ka yihiin dhibaatada amni ee Magaalada ka jirto. Dowladda Dhexe ee laga filayey mar haddii Shabab la jebiyey in ay wax ka qabato amni darrada iyo fowadada ayaa ku mashquushay Gobolo fog fog. Taasi waxay sababtay in Amnigii Caasumaddu faraha ka baxo. Todobaadadii la soo dhaafay, Magaalada waxaa ka bilowday in habeen walba dariiqyada laga helo dad dhalinyaro ah oo la gowracay. Waxaa soo laabtay qaraxyo lala beegsanyo Madaxda amniga ee Dowladda sida qaraxii Theatherka. Amni darradan ayaa salka ku haysa Qabiileysi, Cadaalad Darro iyo Musuq Maasuq ka jira Hay’adaha Amniga dhexdooda iyo Kalsoonidii Shacabka oo sii dhumaysa.

7. Jubbaland:

Maamul sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gobol kastaba waxaa qeexaya Dastuurka Federaalka ah. Dowladda Dhexe waxay leedahay door weyn, Shacabku waxay leeyihiin in ay doortaan Madaxdooda. Waa nasiib darro weyn, in Shacabkii ay kalsooni ku qabi waayaan Dowladoodii kadib hadalo is dhaaf ah oo ka kala yimid Madaxda Dalka soona if baxayey muddo bilo ka badan. Ceebta iyo Guul darada ugu weyn waxay maanta soo gaartay Raysal Wasaarihii Dowladda Dhexe kadib markii uu ku guul dareystay inuu xal la gaaro Shacabka iyo Madaxda Gobolada Jubooyinka. Raysal Wasaare Saacid ayaa ka baaqsaday inuu booqdo xaruntii Shirka Jubooyinka oo ay fadhiyaan 500 qof oo Soomaali ah. Waa nasiib darro iyo Siyaasad xumi midii ugu weyneyd ee ka dhici kartay qof Siyaasi ah.

Ururin:
Haddii Xukuumadii ay dalkii uu galisay ama ka saari weydey Mugdi siyaasadeed oo la filayey in laga raysto. Waxaa haboon in la is weydiiyo xagee Sartu ka Qurun tay? BAARLAMANKA ayaa la oran karaa ayaa shaqadii gabay. Xildhibaanada qaar ayaa ku doodaya in Guddiyo laga dhex sameeyey Baarlamankii oo Guddiga qur ah ay kulmaan. Waa ayaan darro.

Madaxweynihii iyo Xafiiskiisii waxay ku mashquuleen Aqoonsi dibadeed iyo Dhaqaale baadi goob. Agaasimaha Xafiiska Madaxweynaha ayaa dhowaan sheegay: In Madaxweynaha ay muhiim u tahay siyaasadda Dibedda. Tan dalku waxay hagaagi markii aan hagaajino Siyaasadda Dibedda. Waa oraah ku timid Khibrad la’aan. Sidoo kale Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ayaa la dhaqaaqay Shaqadii Wasaaradihii ugu muhiimsanaa Dalka. Xildhibaan Faarax Cabdulkadir ayey ka go’aan wixii howl ah ee loo baahan yahay in la qabto.

Su’aal:

Haddii Madaxweynihii ku mashquulay Shaqadii Fulinta?
Haddii Baarlamankii Guddiyo laga soo reebtay?
Haddii Raysal Wasaarihii fashilmay Shaqo iyo Karaamo intaba?

Soomaalaay maxaa xal ah?

Viewing all 22965 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>