Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all 22737 articles
Browse latest View live

MUQDISHO: Ra’iisal Wasaare Saacid oo qaabilay wafdi sare oo ka socday midowga Yurub (Sawiro)

$
0
0

Muqdisho: (pp)-  Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday midowga Yurub kaasoo ay hogaamineysay agaasimaha Bariga iyo Koofurta Afrika ee midowga Yurub Francesca Mosca.

Saacid Francesca Mosca

Saacid Francesca Mosca

Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa wakiilka gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso iyo xubno ka socday dawladda Biljigamka. Gabagabadii kulanka ayaa waxaa si wada jir ah warbaahinta ula hadlay Ra’iisal Wasaaraha Saacid iyo agaasimaha Bariga iyo Koofurta Afrika ee midowga Yurub Francesca Mosca.

“Waxaan ka wada hadalnay arrimaha dib-u dhiska iyo tayeyntooda ciidamada Soomaaliyeed, xasilinta gobolada iyo horumarintooda dalka iyo waliba dib- u dhiska hay’addaha maamulka maaliyadda,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay in dawladdu ay dhaqangelisay sidii nidaam hufan oo maaliyadeed loo sameyn lahaa, ayna ka codsadeen midowga Yurub inuu gacan ka geysto sidii looga gun gaari lahaa.

 

IMG_6605Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in dhowaan ay la siixan doonaan midowga Yurub heshiis iskaashi iyo horumarineed kaasoo loo yaqaano – Cotonou agreement, wuxuuna xusay in heshiiskani uu faa’iido u leeyahay
dadka iyo dawladda Soomaaliyeed. Waxaa uu intaas ku daray in Midowga Yurub uu Soomaaliya ka taageeri doono horumarinta dhismaha hay’addaha dawladda iyo soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhanka kale, agaasimaha Bariga iyo Koofurta Afrika ee midowga Yurub Francesca Mosca ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeysay xasuuqii argagixisada ee 14-kii bishan ka dhacay maxkamadda gobolka Banaadir kaasoo ay kooxaha Al-Shabaab u geysteen dadka rayidka ah.

IMG_6618“Wadahadaladeenu waxay ahaayeen kuwo miro dhal ah, waxaana halkan ka cadeynayaa in Midowga Yurub uu taageero buuxda la garab taagan yahay dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed” ayay tiri agaasimaha waxayna dhanka kale xustay in ay sidoo kale taageero buuxda u hayaan howl-galka nabad illaalinta AMISOM kuna taageerayaan dhaqaale.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Muqdisho Somalia


Laascaano: Korontadii magaalada Laas-caano oo xalay laga damiyey magaaladaas sababo amaan dartood.

$
0
0

Laascaano : (pp)- Magaaladda Laascaanood ayaa gabi ahaanba laga bakhtiiyay xalay laydhkii ama ifkii korontadu siin jirtey magaaladaasi Kadib markii kooxo aan la aqoonsani Shirkadda LESCO ee magaaladda Laydhka u shida loogu Hanjabay haddii ay bakhtiin waayaan in Mishiinada laga qarxin doono.

Sida uu Puntlandpost u xaqiijiyay Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka oo ka cudur daartay in magaciisa la sheego, waxa uu sheegey gabi ahaanba magaalada laga damiyey korontadii iyo laydhadhkii waaweynaa ee ku xirnaa hareeraha wadooyinka, kuwaas oo magaalada iftiimin jirrey.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in habeenkii xalay ahaa magaaladu ahayd mid madow islamarkaana dadweynaha soo food saartey cabsi xoogan ka dib markii ay maqleen sababaha korontada magaalada looga damiyey.

Ilaa iyo hadda ma jirto war rasmiya oo ay kasoo saareen nalkii magaalada oo dansan maamulka laas-caanood iyo kan shirkadaasi LESCO kuna aadan sababta ka danbeysa in laga baqtiiyo magaalada dabkii korontada.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Laascaanood.

Maanta oo kale waa maalinta dhireynta , waxaana Somalia ka jirra xaaluf ba,an oo dhirta lagu gubayo.

$
0
0

Garoowe: (pp)-Maanta oo kale, oo taariikda bishu ku beegan tahay 17 April waa maalinta loo asteeyey dhireynta Somalia , waxaana xusas kala duwan Maanta oo kale lagu qabtaa gudaha wadanka kuna aadan munaasabadan , iyadoona dadka soomaaliyeed maalintan ay si weyn uga qeyb qaadan jireen abuurista iyo beerista kumanaan geed, kuwaas oo qeyb ka noqda qurxinta deegaankooda.

Qiimaha maalintan waxaa lagu tilmaamaa in rag iyo dumar-ba u tafo xeytaan  soo nooleynta deegaanka, iyadoona lagu micneyn jirrey maalintan oo kale in tahay maalinta Kulanka Dadweynaha taasi oo ay dad badan isku baran jireen ayna ku kulmi jireen ka dib marka ay isugu soo baxaan ololaha beerista dhirta,iyadoo dhici jirtey  in ay isku arki jireen maalintan oo kale dad xilliyo hore isugu war danbeysay.

Waa maalin qadarin iyo qiimo u leh shacabka Soomalaayeed, kuwaas oo ku garowsan jirrey in dhirtu qeyb weyn ka tahay nolosha banii,aadamka iyo noolaha , waxayna dadku fahansan yihiin in harka geedka iyo bilicda deegaanka tahay mid laga maarmaan u ah nolosha.

Puntlandpost oo la hadashey Wasiirka Wasaarada Deegaanka Puntland C/qani Yuusuf Axmed ayaa u sheegey inay jiri doonaan qorshayaal wasaaradiisu ugu talo gashey maalintan , islamarkaana uu fariin hawada usoo marinayo shacabka Soomaaliyeed ee Puntland, kuwaas oo uu kaga dalbanayo in ay ka qeyb qaadataan ololaha dhireynta deegaanka.

Wasiirku waxa uu intaas ku darey  in bulshada reer  Puntland muhiim u tahay garashada beerista dhirta, si looga badbaado xaalufka wadanka ka jirra , kaasi oo faro ba,an ku haya dhulka somalida oo si aad ah looga isticmaalo  dhuxusha dhirta la gubayo.

Wasaaradda deegaanku waxay sidoo kale fariin u dirtey dadka ku howlan gubista iyo ciribtirka dhirta in ay ka waantoobaan falalkaasi, islamarkaana deegaanka ay u diir naxaan.

Soomaaliya waxaa ka jirra dhibaato xoogan oo deegaanka lagu hayo, iyadoona dadkeedu aysan fahansaneyn ilaalinta deegaankooda, waxaana jirta in xasuusta maalinta dadka la socda ay yihiin tiro aad u yar, taasi oo muujineysa dayaca ka jirra deegaanka ilaalintiisa.

Nagala soo xiriir Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garowe.

MUQDISHO: Madaxweyne Xassan “Mar kale ayaan ku celinayaa dhoofinta dhuxusha waa danbi”

$
0
0

Muqdisho: (pp)-  Madaxweynaha ayaa Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu ka qeyb-galay munaasabadda maalinta dhir beerida Soomaaliyeed, oo lagu qabtay Xarunta Villa Soomaaliya.

IMG_5849Munaasabdan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Wasiirka Qeyraadka C/Rizaaq Maxamed Cumar, Wasiiradda Arimmaha Bulshadda iyo masuuliyin ka socotay Qaramadda Midoobay.

Madaxweynaha oo war kooban ka sheegay munaasabadda ayaa ku sheegay in ay danbi tahay in la jaro dhirta lana dhoofiyo. “Waxaa jira sharciya ay dowladda Soomaaliya kasoo saartay jaridda dhirta biloowgii 1970kii. Waxaa kale oo jira resolutiono ay soo saartay Qaramadda Midoobay oo ku aadan dhuxusha iyo dhoofinteeda. Waa lama huraan in la dhaqan geliyo sharciyadaan.”

“Markale ayaan ku celinayaa dhoofinta dhuxusha waa danbi. Dhirteena waxaa ku xeran nolosheena. Waa in aan hirgelino sharciyadda dalka iyo kuwa Caalamka si aan u badbaadno.” Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha wuxuu isla Madaxtooyadda ku beeray geed cusub lana dar-daarmay dhamaan shacabka Soomaaliyeed in guri walbo lagu beero geed

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Garoowe: Wafti heer sare ah oo ka socda EU oo maanta Garowe Lagu soo dhaweeyey ,Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Waftiga ayaa markii ay soo gaareen magaalada Garowe waxay kulan kula yeesheen xarunta Madaxtooyada Madaxweynaha Dowlada Puntland iyo Xubno ka tirsan golaha Xukuumada, iyagoo kulankooda ka dibna saxaafada uga warbixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Waxaana uu sheegey Madaxweyne Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed in ay uga mahad celinayaan socdaalka waftigu ku yimaadeen magaalada Garowe, isagoona sheegey in ay ka wada hadleen qodobo ay ka mid yihiin arrimaha Somalia ,xiriirka DF iyo maamulada jira iyo kuwa dhalanaya ,amaanka guud ahaan iyo nidaamka xisbiyada badan ee Puntland u gudubtey.Waftiga Madaxtooytada tagey

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Kormeerkii Goobaha Waxbarashada iyo soo dhaweyntii Iskuulada iyo Wasaarada.

Saraakiisha EU ee maanta soo gaarey magaalada Garowe ayaa kormeer ku tagey goobo ay ka mid yihiin dugsiga sarre ee Gambool, Dugsiga farsamada gacanta iyo Wasarada Waxbarashada, waxaana ay goobahaasi loogu sameeyey soo dhaweyn sarre oo ay kala kulmeen Wasaarada Waxbarashada , Maamulada Iskuulada ay booqdeen iyo Ardeyda dhigata.

Waftiga ayaa kormeerkoodii waxbarasho ee ugu horeeyey ka bilaabey Dugsiga sarre ee Gambool halkaasi oo ay warbixin kaga dhageysteen Maamulka Dugsigaasi oo uga mahad celiyey booqashada EU ku timid Gambool High School, uuna warbixin kooban ka siiyey marxalada iskuulku marayo iyo waxbarashadiisa.Waftiga

 

 

 

 

 

 

 

Maamulka iskuulku waxa uu sheegey in iskuulka ay wax ka bartaan tiro dhan 1700 oo ardey oo %30 haween ay yihiin, ayna 35 macalin barayaal ka yihiin , isagoona dhanka kale ka codsadey saraakiisha EU oo kaalin ku leh horumarinta waxbarashada in ay ka taageeraan sidii xal looga gaari lahaa baahiyo ka jirra iskuulka.

Saraakiisha EU ayaa Intaas ka dib booqdey qeybo ka mid ah fasalada iskuulka ,gaar ahaan qeybo cusub oo dhawaan iskuulka lagu soo kordhiyey , kuwaas oo EU dhaqaalaha dhismahooda bixisey, sidoo kale fasaladaasi intii ay booqanayeen waxay warbixino kaga dhageysteen qaar ka mid ah ardeyda wax ku barata oo sheegey in ay ku faraxsan yihiin booqashada EU ku timid Iskuulka.Ardeygii La hadley

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ardeyda iyo Maamulka Iskuulka Gambool ayaa ugu danbeyntii waftiga ugu sameeyey soo dhaweyn goob ay ugu talo galeen , kuwaas oo ugu soo bandhigey riwaayado iyo hal ku dhigyo suugaaneed waxbarashada ka hadla , iyagoona bandhigooda u adeegsadey luuqadaha English iyo Somali.Ardeyda soo dhaweysay

 

 

 

 

 

 

 

 

 

intii uu socdey isla kormeerka goobaha waxbarasho ee Xubnaha EU ee Garowe yimid ayay sidoo kale booqasho indho indheyn ah ku tageen Dugsiga Farsamada gacanta , kuwaas oo mid mid u booqdey fasalada iskuulkaasi , sidoo kalena la kulmey Maamulka iskuulka iyo Ardeyda wax ka barata hadda, qoraal ay ugu talo galeen waftigana ay u marsiiyeen Masuuliyiinta wasaarada Waxbarashada Puntland.Farsamada Gacanta

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Booqashadii Wasaarada Waxbarashada ee Waftiga Iyo Jarig ka jaristii Xafiiska Cusub.

Ugu danbeyntii kormeerkii waxbarashada ee EU ayaa kusoo idlaadey Xarunta Wasaarada Waxbarashada Garowe halkaasi oo ay xariga kaga jartey Agaasimaha Bariga iyo Koonfurta Afrika ee Midowga Yurub Ms Francesca Mosca Xafiiska laga maamulayo mashaariicda EU ugu talo gashey Puntland .Xarig ka jaristii xafiiska

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxayna warbixin ka dhageysteen xubnaha waftigu Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Cabdi Faarax Siciid oo u sharaxaad ka bixiyey wax-qabadkii wasaarada ee afartii sano ee lasoo dhaafey, sida loo wajahayo qorshaha sanadaha soo socda iyo mustaqbalka wasaaradiisu higsaneyso.

Wasiir Juxa oo warbixinta ka dib saxaafada la hadley ayaa u sheegey inay waftigan kasoo kicitimeen magaalada Muqdisho , sidoo kalena ay sii mari doonaan Baydhabo , balse ay ilaa caawa sii joogi doonaan Puntland, kuwas oo u kuurgalaya mashaariicda horumarineed ee Puntland ka socota , sidoo kalena casho sharaf la qaadan doona Ururada Bulshada.Shirkii Jaraa,iid wasiirka

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Mudane Juxa waxa uu intaas ku darey inay Puntland iyo Midow Yurub u dhaxeyso wada shaqeyn joogto ah , kuwaas oo iska kaashada horumarinta adeegyada asaasigaa , islamarkana gacan taakuleyn ah ay kasoo gaarto had iyo goorba .

Midow-ga Yurub ayaa ku amaaney Puntland Waxbarashada waxayna ku tilmaameen marka laga hadlayo waxbarashada Somalia in Puntland tusaale loo soo qaato habka ay ula dirirtey jahliga , iyagoona tilmaamey in Puntland hormuud u tahay Waxbarashada Somalia , loona doortey meesha kaliya ee Somaliya tusaale lagaga dayan karro.Saraakiisha Waftiga

 

 

 

 

 

 

Fasalada Gudohooda

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waftiga iyo Saraakiisha Waxbarashada

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Nagala soo xiriir : puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Garoowe Office

Garoowe: Wasaarada Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee Puntland oo la xisaabtamaysa hay’addaha dalka ka shaqeeya, Sawiro.

$
0
0

Garowe(pp)- Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland ayaa wali ku guddo jirta la xisaabtanka Ururada caalamiga ah ee ka hawlgala deegaanada Puntland, iyadoona ilaa iyo hadda wasaaradu shirar la yeelatey ilaa iyo shan hay,addadood .

Kulan maanta ka dhacay xarunta wasaarada ayaa waxaa soo xaadirey labado hay,addood oo kala ah DRC iyo NRC kuwaas oo kusoo gudbinayey Documenti-gooda ku saabsan mashaariicda sanadka ay doonayaan in ay fuliyaan, waxaana sidoo kale kulan goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Sayid Maxamed Cabdule Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada.Goobta shirka

 

 

 

 

 

 

 

 

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamigaa Faarax Kulmiye Cilmi ayaa ka warbixiyey Ujeedada kulamada ay la leeyihiin Ururada caalamigaa ee Puntland ka shaqeeya, kuwaas oo uu sheegey agaasimuhu in ay ka doonayaan soo gudbinta documenti-gooda la xiriira qorshayaasha sanadka ay ku talo galeen Hay,addahaasi.

Sidoo kalena Agaasimaha Qorsheynta iyo Iskaashiga Mudane Faarax Kulmiye waxa uu uga digey Hay,addaha inay fuliyaan hal mashruuc oo isku mid ah , midaas oo uu tilmaamey in uu noqonayo hadii hay,adduhu fuliyaan mashaariic isku mid ah jahwareer soo dhex galaya wax-qabadka la doonayo in ay ka sameeyaan wadanka.Agaasimaha

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiiru Dowlaha Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Ahna sii hayaha Wasiirka wasaaradaasi Sayid Maxamed C/dulle Xasan ayaa sheegay inay dib u eegis ku sameynayaan mashaariicdii ay fuliyeen sanadkii tagey sidoo kalena ay arkayaan mashaariicda hay,adda walba dooneyso in ay sanadka dalka ka fuliso.Labo wasiir

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maalin walba waxaa wasaarada si toos ah uga socda la kulanka Hay,addaasi , kuwaas oo wasaaradu horey uga dalbatey in ay lasoo xaadiraan Ducomenti-yadooda si loo ogaado howlahooda, waxaana wasaaradu sheegtey kulamadan la xisaabtan in ay ku marti galiyeen ku dhawaad 50 hay,addood oo hadda shan ka mid ah isa soo hor fariisteen.Masuuliyiinta wasaarada

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Goob joogayaasha kulanka

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xubnaha Hay,addaha ka socdey

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Goobta kulanka

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Nagala soo xiriir : puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Garoowe.

BURTINLE: Maamul cusub oo loo magacaabay Isbitaalka magaalda burtinle

$
0
0

Burtinle: (pp)-   Waxaa maanta xilkii si rasmi ah ula wareegay maamulka cusub ee dhawaan loo soo magacaabay isbitaalka guud ee magaalada Burtinle ayaa si rasmi ah manta xilkii ugala wareegay maamulkii hore ee Ibitaalkan

DSCF1556Munaasabadii xilwareejinta oo ka dhacay xarunta shirarka ee Isbitaalka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Masuuliyiin ka socota wasaarada Caafimaadka, Maamulka degmada Burtinle, Maamul ee Isbitaalka, Waxgaradka qaybihiisa kala duwan, Aqoonyahanka, Culimada, iyo qaybaha kale ee bulshada waxaana halkaasi si rasmi ah xilalkii ugula kala wareegay maasuuliyiinta maamulka isbitaalkan la isugu badelay.

Guddoomiyaha degmada Burtinle mudane Liibaan Xirsi Khaliif oo ka mid ahaa Masuuliyiintii madashaasi ka hadashay ayaa sheegay in maamulka cusub ee Ibitaalka laga filayo in ay wax ka badalaan adeega caafimaad ee degmada oo baahi farabadan ay ka jirto, wuxuuna ka dhawaajiyay in mudo badan uu isbitaalku ku shaqeynaya maamul la’aan.

Maamulka cusub ee Isbitaalka oo isna hadal kooban jeediyay ayaa balan qaaday in ay wax wanaagsan umada u qaban doonaan mudada ay isbitaalka joogaan, islamarkaana hankoodu uu yahay in meel sare ay gaarsiiyaan adeegyada caafimaad ee degmada.

DSCF1558Maamulkan cusub wuxuu codsaday in bulshadu ay wadashaqayn dhab ah la yeeshaan maadaama ay hawshani tahay mid iyaga ahmiyad gaar ah u leh, kana faa’idaysanayaan, wuxuuna iftiimiyay in la doonayo bulshadu in ay isbitaalkan iyo hawlaha ka socda u arkaan mid ay iyagu leeyihiin.

Nagala soo xiriir : puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Burtinle, Puntland

GAROWE: Xisbiga UDAD oo shaaciyey inuu kusoo biiray Prof. Gaas

$
0
0

Garoowe: (pp)-  Xisbiga UDAD oo ka mid ah Xisbiyada ka hana qaaday Puntland , ayaa shaaca ka qaaday in xisbigooda uu kusoo biiray Raiisal wasaarihii hore ee DF ee Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas.

Gudoomiyaha Ururka UDAD

Gudoomiyaha Ururka UDAD

Guddoomiyaha Xisbiga Saciid  Maxamed Faarax ayaa ka warbixiyey kulano ay la yeesheen masuliyiin ka socotay Ururka midowga Yurub oo ay kawada hadleen arrimaha dimoqraadiyeyna Puntland.

Daawo Video-ga

Guddoomiyaha ayaa afka ku ballaariyey in Xisbigooda uu kusoo biiray Prof. Gaas , ayna aad ugu faraxsan yihiin, ayna soo dhoweynayaan.

Ururada Mucaaradka iyo siyaasiyiinta la yaqaan ayuu ugu yeeray guddoomiyuhu in ay kusoo biiraan  Xisbigooda , isla markaasna ay ka wada shaqeeyaan Nabada iyo horrumarka Puntland.

Sikastaba, Puntland oo waqtigan ay ka jiraan xisbiyo badan ayaa loo badinayaa in billaha soo socda ay isku hardin doonaan loolan siyaasadeed oo la doonayo in labada Xisbi ugu codka badan doorashooyinka degmooyinka ay u tartamaan higaanka sare ee Puntland.

Doorashooyinka Puntland ayaa muhiimadooda leh marka la gaaro waqtiga doorashooyinka ,Waxaana doorashooyinka Puntland sida lagu wado ay noqon doonaan kuwa xamaasad xanbaarsan , maadaama 14 sano kaddib la gelayo doorashooyinka ay shacabku ku dooranayaan muwaadinka ay doonayaan.

Nagala soo xiriir : puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Garoowe, Puntland

 


Muxuu ku waayey Gen. Dhegabadan Xilkiisii?? (Warbixin)

$
0
0

Abaanduulihii Ciidanka DF ee Soomaaliyeed Gen. Dhegabadan oo xilkii Abaanduulanimada laga weerijyey Bil & bar kahor ayaa la sheegayaa in Xilkaas looga wareejiyey kaddib markii uu faraha la galay arrimaha dhulbalaarsiga ku salaysan ee ka jiray deegaanka Marka iyo deegaanada Hoos yimaada.

Akhri: Cabashada Loo gudbiyey Xasan Sh. Maxamuud

Gen. Dhegabadan oo xilkiisa ku waayey Xaq u raadinta Beesha Biyomaal

Gen. Dhegabadan oo xilkiisa ku waayey Xaq u raadinta Beesha Biymaal

Beesha Biymaal iyo Beelihii ka soo guuray gobolada dhexe ayaa  Bilihii u danbeeyey isku hayey deegaanka iyo cida xaqa u leh inay maamulkeeda yeeshaan , waxayna arrinkaas isaga hor yimi Beesha Habargidir oo 20-kii sano ee u danbeeyey ku habsaday deegaanadaas iyo Beesha Biymaal ee deegaankaas asal ahaan u degta.

Waxyaalaha la isku qabtay ayaa ka mid ahaa anagoo biymaal ah ayaa deegaankeena maamulanayna iyo wax baan idinkala leenahay iyo ciidamada deegaanka laga qorayo waxbaan ku leenahay iyo meesha xoog baad ku timaadeene , isaga taga , waa arrimaha ay ka bilowdeen murankan hadda banaanka usoo baxay asbuucyadii u danbeeyey ka jiray deegaankaasi, laakiin kacdoonka Beesha Biymaal waa mid soo socday sanado badan laga soo bilaabo illaa waqtigii dowladii empahatti ee lagu soo dhisay dowladii Allaha u naxariistee Madaxweyne C/laahi yuusuf Axmed, oo waxaa jiray fadhiyo ay beelaha habar-gidir siiba Beesha Cayr ay kula samaysay Beelaha biymaal magaalada Nairobi , laakiin  lagu kala kacay, kaddib markii Beesha Biymaal ay diiday in aysan la fariisanayn Beel qasab ku haysata deegaanadooda.

Sikastaba, Markii Deegaanka Marka laga xoreeyey Xoogagii Al-shabaab , Gen . Dhegabadan  iyo Gen. Diini ciidamadii ay hogaaminayeena ay tageen Magaalada Marka , ayaa la sheegayaa in Beesha Biymaal  ay u dacwoodeen  Labadaas Generaal , una sheegteen Xaqdaradii la gula kacay laga soo bilaabo sanadkii 1991-dii.

Generaal dhegabadan, ayaa la sheegayaa in uu ka xumaaday dhibaatooyinka ay sheegteen Beesha Biymaal , isagoo waqtigaas wixii ka danbeeyey  codsaday in dhibaatooyinka lagu hayo Beesha biymaal   uu wax ka qabanayo laga qaadi doono.

Waxaa kaloo jirtay in  Gen. Dhegabadan Cabashada Beesha Biymaal  u gudbiyey  waqtigii Madaxweyne Sheekh Shariif, madaxweyne Sheekh Shariif  sida la sheegayo uu ballan qaaday inuu arrinkaas wax ka qabanayo , wuxuuna kursiga ka tegay isagoo aan mar kale hanan xilka madaxweyninimada.

Sikastaba, Gen. dhegabadan oo aaminsanaa in Beesha Biymaal laga xaqdaran yahay laguna maamulayey sanado badan Deegaankooda iyo Guryahooda,ayaa si toos u taageeray kacdoonkooda.

Madaxweynaha Dolwada Federaalka Xasan Sheekh ayaa la sheegayaa in looga dacwooday taageerada uu Gen. Dhegabadan u muujiyey Beesha biymaal , taas oo keentay in Xilkiisa uu ku waayey. Waxaa kaloo xusid mudan in  madaxweyne Xasan Sheekh xilkaqaadista Gen, dhegabadan saan loogu fahmin mid isaga kaliya khusaysa ayaa waxaa lagu daray Gen. Diini oo isagana ahaa Taliyaha guud ee ciidamada Xooga Soomaaliyeed ee Df ee Soomaaliya.

Waxaana cadaymo loo haayaa in Beelihii  Habargidir ee deegaankaas boobay inay u dacwoodeen Madaxweynaha Xasan Sheekh , iyagoo magac guud isticmaalayana , boqolaal warqadood ay u gudbiyeen Madaxweyne Xasan, arrinkaas oo ay ku guulaysteen Beeshii waraaqahaas gaarsiiyey madaxweynaha , arrinkaas oo la sheegayo inuu si xoogan uga qayb qaatay wasiirka arrimaha guddaha ee Df ee Soomaaliya , si booskaas looga qaado Gen. Dhegabadan.

Waxaa la isweydiinayaa Dal sidaas dadkiisii loola dhaqmayo degenaansho iyo nolol malaga filan karaaa, jeer nin kasta oo Soomaaliya banaanka looga maro Xoolihiisa , deegaankiisa iyo dhiigiiisa intaba, waxaana xusid mudan in Taako ka mid ah Qof muslim ah xaqiisa uusan xaq u lahayn.

FG: Maqaalkan waxaa diyaariyey muwaadin u dhashay deegaanadaas oo diiday inaan magaciisa xusno, Puntlandpost-na wax masuuliyad ah kama saarna maqaalada ay soo diraan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya inay xog ama ra’yi ku cabiraan dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya-

Puntlandpost, Marka, Soomaaliya

“Waanu ka xumaaney qoraalkii dhawaan waftiga Nairobi noo soo direen “Gudoomiyaha Ururka UDAD.

$
0
0

Garoowe:(pp)- Wafuud caalamiya oo ka yimid Magaalada Nairobi kana kala socdey safaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee Somalia u qaabilsan ayaa maalmihii lasoo dhaafey Garoowe shirar kula yeelanayey Ururada kala ah UDAD Iyo Midnimo , kuwaas oo ay ka wada hadlayeen xal u helida mowqifkii horre Midnimo iyo UDAD ku diideen ka qeyb galida Doorashooyinka Goloyaasha Deegaanka Puntland oo la qaban doono 30 bisha June 2013 .

Gudoomiyaha Ururka UDAD Siciid Maxamed Faarax (Sanweyne) oo warbaahinta gudaha la hadley ayaa sheegey in kulamada ay la yeesheen Waftiyada ka yimid Nairobi ay dabo joogeen warqad horey uga soo baxdey xafiisyadooda , ayna ku cadeeyeen mowqifka ay ka taagan yihiin dooroshada Goloyaasha Deegaanka Puntland, islamarkaana warqada kasoo baxdey fariin ay ugu direen Midnimo iyo UDAD midaas oo ay ka dalbadeen inaysan shuruud ku xiri karin Doorashada Goloyaasha Deegaanka.

“Waa Jirtey in ay warqad dhawaan noo soo direen qolyahaasi runtiina waanu ka xumaaney qoraalkooda waana u sheegney in aysan dhex dhexaad ka noqon Ergadani muranka doorashooyinka Puntland, Muhiimiyada loo baahan yahay-na ay tahay in kalsooni la helo”ayuu yiri Siciid Sanweyne.

Gudoomiyaha UDAD waxa uu sheegey inaysan jirin wax is bedel ah oo kasoo baxay shirarka dhex marey iyaga iyo wafuudan islamarkaana wali ay taagan yihiin mowqifkoodii horre , Ergeyda ka socotey Safaaradaha Ingiriiska iyo USA iyana waxay taagan yihiin mowqifkoodii ay soo qoreen oo ay ku taageerayeen nidaamka loo wajahayo doorashada goloyaasha deegaanka.

Qoraal dhawaan laga soo saarey xafiisyada safaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska oo hormuud u ah EU-da ayaa lagu cadeeyey in uusan istaagi doonin barnaamijka dimuqraadiyeynta Puntland u talaabsatey , iyagoona sidoo kale ku qanciyey qoraalkooda labadii urur ee horey u diidey ka qeyb galida doorashooyinka goloyaasha deegaanka in ay kasoo laabtaan mowqifkoodii horre , uusana jirin isbedel ku imaan karra barnaamijkan ee dhanka taageerada beesha caalamku siiso.

Mar la weydiiyey Siciid hadii barnaamijkan ay ka haraan in ay beel dareyn karaan fursad dahabiya madaama barnaamijkii taageeradiisa beesha caalamku cadeystay mowqifka ay iska taagtey ayaa waxa uu sheegey in ay ka UDAD ahaaan mar walba jecel yihiin in Puntland ka hirgasho nidaamka asxaabta , islamarkaana uu fariin u dirayo Madaxweynaha Dowlada Puntland.

“Annagu hadda waxaan hawada u marineynaa Madaxweynaha Puntland madaama uu yahay garwadeenkii Xukuumada ama Dowlada in uu howlahaas guuleeyo, Waxaan ka codsaneynaa marka ugu horeysa Maxkamadii Dastuuriga ahayd horeyna loogu qeexay Dastuurka Puntland , taasi oo ahayd in afar qof oo ka socda Ururada Bulshada la keeno , ayaan ka codsaneynaa Madaxweynaha in uu sida ugu dhakhsaha badan wixii kaga xiran uu u dhameeyo, sidoo kalena loo magacaabo qaadiyaal dhex dhexaad ah oo dadku ku kalsoon yihiin ” ayuu mar kale yiri Siciid Sanweyne.

Hadalka Gudoomiyaha Ururka UDAD ayaa kusoo aadaya ka dib markii dhawaan shirar la yeesheen Wafuud caalamiya oo ka yimid Nairobi , kuwaas oo ay ka wada hadleen sidii xal loogu heli lahaa wax ka bedelida mowqif-yadii horey loogu kala qaatey ka qeyb galista Doorashada Goloyaasha Deegaanka Puntland.

Nagala soo xiriir : puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Garowe.

Wasaarada Waxbarashada oo kooxo u dirtey tiro koobka Macalimiinta Gobolada Puntland.

$
0
0

Garowe: (pp)- Wasaarada Waxbarashada Dowlada Puntland ayaa bilowday barnaamij lagu tiro koobayo macalimiinta ka howl-gala Iskuulada ku yaal Gobolada Puntland, Iyadoona maanta kulan loogu qabtey Xarunta Wasaarada Waxbarashada ee Garowe Tiimamkii tiro koobka soo sameyn lahaa , kuwaas oo bilaabaya safaradooda maanta iyo beri.

Kulanka maanta loo qabtey dadka tiro koobka macalimiinta sameynaya oo ah shaqaalaha wasaarada waxbarashada ayaa waxaa kasoo qeyb galey Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Cabdi Faarax Sicid (Juxa) iyo Agaasimaha Guud ee Wasarada Maxamed C/wahaab, waxayna masuuliyiintani kula dardaarmeen shaqaalaha tiro koobka macalimiinta sameynaya inay si wanaagsan u guddo galaan shaqada loo igmadey, islamarkaana keenaan tirada rasmiga ee macalimiinta Puntland iskuulada ku yaal wax ka dhigta .Shirkii Tiimamka ka qeyb galay

 

 

 

 

Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Puntland oo ka hadley kulanka loo qabtey dadka sameynaya tiro koobka ayaa sheegey in barnaamijkan uu socon doono muddo dhan 14 cisho , wixii ka danbeeya xilligaasna xogta macalimiinta Puntland looga heli doono wasaarada Waxbarashada Puntland.Agasimaha Wasaaradda

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax (Juxa) oo kalmad dardaaran ah usoo jeediyey dadka u baxaya tiro koobka macalimiinta ayaa u sheegey in laga maarmaan ay tahay in la helo tirada tilmaameysa macalimiinta wax ka dhiga iskuulada Puntland ku yaal, Isoogana ku dhiri galiyey in ay qabanayaan howl qaran , loona baahan yahay si taxadar leh oo ay u howl galaan, daacadnimana ay ku dheehan tahay.WasiirkaTiimamka

 

 

 

 

 

Tiimamka Baxaya

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Nagala soo xiriir :  puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Garoowe.

Gaarisa: 6 qof ayaa ku dhintey weerar kooxo hubeysan ka geysteen Magalada Gaarisa Waqooyi Bari Kenya .

$
0
0

Gaarisa : (pp)- Ka dib weerar kooxo hubeysan ku qaadeen hotel laga cunteeyo islamarkaana ah mid lagu caweeyo oo ku yaal Magaalada Gaarisa ayaa lagu diley ilaa 6 qof halka uu jiro dhaawac ka badan tiradaasi dhimatey.

Dableydan hubeysan ayaa weerarka ku qaadey hotel kuwa dalxiiska ah islamarkaana rasaas ooda kaga qaadey 7 fiidnimo xilli dadkii goobtaasi ku sugnaa ay casho u fadhiyeen islamarkaana uu socdey daawashada Wararka TV-yada.

Saraakiisha Booliska Gaarisa ayaa u xaqiijiyey saxaafada in weerarkan ku dhinteen lix qof halka dhaawacu uu intaas ka sii badan yahay balse dhaawac-yada culculus ayay ku sheegeen boolisku in ay gaarayaan ilaa lix qof oo kale.

Hotelka weerarka lala beegsadey ayaa ahaa mid inta badan ay kusoo degi jireen dalxiisayaasha ka hor intii aan ciidamada Kenya dagaal la galin Ururka alshabab oo inta badan weerarada dhacda Dowlada Kenya ku eedeyso in ka danbeyaan.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Gaarisa.

Garowe: Bosaso University oo kulan dhiiri galin ah u qabatey Ardeyda Fasalka Afaraad ee Dugsiyada sare, Sawiro.

$
0
0

Garowe: (pp)- Jaamacadda Bosaso University qeybteeda Magalada Garowe ku taal ayaa galinkii danbe ee shalay kulan dhiirin galin ah u qabatey Ardeyda dhigata dugsiyada sarre gaar ahaan fasalada Afaraad, kuwaas oo xiligan isu diyaarinaya galista Itixaanadii kama danbeysta ah ee JC.

Ujeedada jaamacaddu kulanka isugu yeertey ardayda ayaa waxay ku saabsaneyd saddexdan qodob oo kala ah :

1.Sidee baad u dooraneysaa takhasuskaaga.

2.Sidee baad waxbarashadaada usii wadanaysaa.

3.siyaabaha loo galo itixaanaadka Shahaadiga ah.

Kulanka ardeyda lagu dhiiri galinayey oo ku qabsoomey Xarunta Bosaso University Garowe, waxaa kasoo qeyb galey masuuliyiin ay ka mid yihiin, Gudoonka Jamacada, Gudoonka Waxbarashada Gobolka Nugaal iyo Ardey aad u faro badan oo hadda ku guddo jirra fasalka ugu danbeeyey ee Dugsiyada sarre Garoowe.Ardeyda

Gudoomiyaha Jaamacadda Bosaso University faraceeda magaalada Garowe C/naasir Xirsi Gurey ayaa waxa uu sheegey inay doonayaan talo ay gudbiyaan ardeyda hadda isu diyaarinaysa itixaanaadka kama danbeysta ee dugsiyada sarre.Gudoonka Jamacada

C/naasir waxa uu ku booriyey ardeyda ahmiyad ay u leedahay in ay sii wataan waxbarashadooda, ka dib marka ay dhameystaan waxbarashada asaasiga, isagoona u jeediyey kalmado dardaaran ah.

Xasan Cabdulaahi Cilmi (Xasan birimo) oo ah Gudoonka Waxbarashada G,Nugaal ayaa si qoto dheer waxa uu uga hadley habka wax akhrinta iyo maareynta waqtiga, isagoona sheegey in ay muhiim tahay diyaar garow ardeygu sameyso ka hor inta aan la gaarin xilliga itixaanka.

Xasan Birrimo oo goobta kasoo jeediyey khudbad aad u dheer ayaa ardeyda uga sheekeeyey marxalado kala duwan oo ay cilmigooda kusii wadan karaan, , isagoona tusaalayaal usoo qaatey sheekooyin waayo waayo ah.Xasan Birrimo

Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal waxa uu ardeyda uga digey inaysan galista itixaanada ku sameyn khiyaano , midaas oo ula jeeday inay ka digtoonaadaan qishka iyo IWM, oo ku tilmaamey mid qofku naftiisa ku khasaarinayo.

Jaamacadda Bosaso University ayaa qeybteeda Garowe la furey horaantii sanadkan 2013, waxaana wax ka barta tiro dhan 215 Ardey sida uu Puntlandpost u sheegey Gudoomiye ku xigeenka Jamacadda C/risaaq Axmed Faarah.

C/rasaaq Axmed waxa uu sheegey in jaamacadu bixiso maadooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin kuliyada shareecada, Community Devolopment , Nutriton iyo Accountant And Finance.Maamulka Jamacadda Bosaso

 

 

 

 

 

Mr C/risaaq waxa uu intaas ku darey in Bosaso University faraceeda Garowe lagu bixiyo madooyin lagu barto habka loo yaqaan Distance Learning oo uga yimaada Jamacada la yiraahdo Sudan Open University , taasi oo hab Online ahaan ah ardeyda kusoo gaarsiisa.

Dugsiyada sare ee Puntland ardeyda dhigata fasalka afaraad ayaa isu diyaarinaya galista itixaanaadka , kuwaas oo laga dareemayo diyaar garow xoogan oo ay ugu jiraan in ay najiitooyin wanaagsan ka helaan itixaanaadkooda.Ardeyda Gabdhaha joogey

 

 

 

 

 

Ardeyda kulanka loo qabtey

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sucaad Macalimiinta Jamacadda

 

 

 

 

 

 

Ardeyda Kulanka joogtey

 

 

 

 

 

 

 

 

Mid ka mid ah Macalimiinta Jamacadda

 

 

 

 

 

 

 

 

Ardeyda timid shirka  

 

 

    

 

 

 

 

 

Ardeyda 2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garowe Office.

Ismaaciil Cumar Geele Madaxweynaha Jabuti oo dhex dhexaadinaya Dowladaha Kenya, Ethiopia iyo Somalia.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia Xasan Shiikh Maxamud ayaa qorsheynaya in uu safar ugu kicitimo Magaalada Adis ababa , halkaasi oo sida aanu wararka ku helayno uu uga qeyb gali doono kulan la qorsheynayo in uu dhex maro Wadamada Ethiopia, Somalia Kenya iyo Jabuuti.

Kulanka ayaa wararku sheegayaan in uu ka danbeeyey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo isagu doonaya in uu garwadeen ka noqdo dhex dhexaadin uu rabo in uu ka dhex sameeyo Masuuliyiinta kala ah Madaxweyne Xasan Shiikh , Madaxweynaha Kenya iyo Ray,isal wasaaraha Ethopia oo mudooyinkii u danbeeyey xiriirkoodu uu ahaa mid hooseeya.

Dowladaha Kenya iyo Ethiopia ayaa saluugsanaa siyaasada Dowlada Federaalka Somalia xilligan kaga howl galayso Somalia, kuwaas oo ciidamo ay ka joogaan Somalia , islamarkaana uu ahaa mid hooseeya xiriirka ay la wadaageen DF mid aad u liita.

Dowlada Kenya oo ciidamadoodu kaga sugan yihiin magalada Kismayo waxayna taageersan tahay shirka maamulka loogu dhisayo gobolada Jubooyinka halka ay ka biyo diidan tahay dowlada Federaalka ee uu Xasan Shiikh ka yahay Madaxweynaha.

Dhinaca kale xiriirka Ethiopia iyo dowlada Federaalka ah ayaa wanaagsaneyn kadib markii gudoomiyahii hore ee Bay oo xiriir dhow la lahaa ciidamada shisheeye ee gobolka sugan la badaley kuwaasoo deganadaas ka qabsadey xoogaga Al-Shabaab.

Wadanka Ethiopia ayaa dhinaca kale ka biyo diidan xiriirka sii kordhaya ee u dhexeeya dalka Masar oo ay ka arrimiyaan ururka Akhwaanul Muslimiin iyo koox diimeedka Damul Jadiid kuwaasoo awood siyaasdeed ku leh dowlada Xasan Shiikh.

Si kastaba ha ahaatee kulankaan ayaa la filayaa in diirada lagu saaro sidii la isugu soo dhoweyn lahaa Uhuru Kenyata oo dhowaan la doortey Madaxweynaha Kenya, Ra’isal wasaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha DFS waxaana muuqata wadamada dariska la ah Somalia inaysan ku faraxsaneyn siyaasada Somalia dhanka DF qaabka ay ula jaanqaadeyso.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe Office

Bosaso: Akhriso bayaanka laga soo saarey Nadwadii ka socotey Masjidka Alrawda Bosaso.

$
0
0

Bosaaso : (pp)- Waxaa xalay bosaso lagu soo gabo gabeeyey Nadwadii ka soconaysay Masjidka Alrawda Afartii habeen ee lasoo dhaafey taasi oo Bulshada looga wacyigalinayay dhibaatada qabyaalada iyo halka ay diinta Suuban ee islaamka ka joogto.

Nadwadaan ayaa waxaa ka qayb galay Culimo Soomaaliyeed oo dalka iyo dadka magac ku dhex leh si weyna loogu yaqaan ku baraarujinta dadka ee diinta islaamka.

Halkaan ka akhri Bayaankii Culimadu kasoo saareen Nadwada oo lagu bilaabay sidatan:

Waxaa caawa oo taariikhdu tahay 8-da Jamaaduthani 1434H- 18/04/2013 kusoo gabagaboobay Masaajidka Rowda ee magaalada Boosaaso ee Puntland, Nadwo cilmiyeed socotay afar habeen, cinwaan keeduna ahaa“ Islaamka iyo u XaglintaQabyaalada” Nadwadaas ayaa ka hadlaysay Qabyaalada noocyadeeda, sida; muuqaaladeeda, sababaheeda, raadkeeda iyo daawadeeda. Waxaa ka qayb qaatay culimmo kaladuwan, waxaana aad looga digay, lanacadeeyey sida ay islaamka uga fogtahay in qabyaalad la isu waxyeeleeyo.

Nadwadan11-aad ayaa ka mid ah Nadwo cilmiyeedkii sanadlaha ahayd ee Culimmadu Shacabka Soomaaliyeed ku wacyi galin jirtay kuna siin jirtay duruus aakhiro iyo aduunba anfacaysa. Gabagabadii Nadwada Culimmadii kaqayb gashay waxay ka soosaareen bayaankan;

Waxaan ummada Soomaaliyeed ugu baaqaynaa qabsashada Kitaabka iyo Sunnada Nabiga (scw) iyo barashada, faafinta iyo difaaca diinta Islaamka , maxaa yeelay iyadaa qabyaaladda kanoqonaya darbi adag oo aysan soo jiiri karin.

Si gaar ah waxaan ugu baaqaynaa maamulada iyo beelaha Soomaaliyeed in ay wixii khilaaf siyaasadeed ah ee dhexmara ula tacaalaan sidii walaalo dhibaato wada haysata wada xallisanaya, ayna ka waantoobaan inay isu adeegsadaan awood ama quwado shisheeye. waxaan ku baaqaynaa carabkana ku adkaynaynaa in shacabka Soomaaliyeed shareecada illaahay u celiyaan wax kasta oo dhex mara, kuna kala baxaan sida Kitaabka quraanka iyo Sunnada Nabigu ina farayaan.

2.Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda, Isimmada iyo Siyaasiyiinta inay illaahay uga baqaan shacabka Soomaaliyeed ee muddada dheer ku dhibaataysnaa dal iyo dibad, inaysan ka dhex hurin fitnada qabyaalada iyagoo maslaxadooda gaarka ah eegaya, si gaar ah waxaan ugu baaqaynaa siyaasiyiinta soomaaliyeed inay ka wantoobaan qabyaaladaynta loolanada siyaasadeed ee iyaga u dhexeeya iyo colaadaha ay dhexdhigayaan beelaha soomaaliyeed ee walaalaha ah. Sidaa si leeg Waxaan ugu baaqaynaa dadka danaha guracan ka leh, inay ka waan toobaan ka faa’idaysiga loolanka qabyaaladeed ee u dhexeeya beelaha, haday ahaan lahaayeen Ururo, ha’aydo, wadamo iyo shakhsiyaadba.

3.Waxaan ugu baaqaynaa aqoonyahanka, iyo ardayda Soomaaliyeed inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara qabyaalad, iyo inay ka wacyi sareeyaan oo aysan u fakarin/dhaqmin sida dadka aan aqoonta lahayn, waxaan usoo jeedinaynaa inay ka waan toobaan inay aqoontooda uga qayb qaataan dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed sida; inay hadal iyo qoraalba uga qayb qaataan qabyaalada.

4. Waxaan ugu baaqaynaa Ganacsata Soomaaliyeed iyo qofkasta oo dhaqaale ku bixiya hurinta qabyaalada inay illaahay uga toobad keenaan, xasuustaana in illaahay hortiisa kaligood la waydiin doono shilin kasta meesha uu kasoo galay, iyo meesha ay ku bixiyeen, ayna noqonayso nimcadii illaahay siiyey inay ku xadgudbeen oo ay walaal kood muslim ah ku dhibaateeyeen.

5. Waxaan ugu baaqaynaa qurba joogta Soomaaliyeed inay xasuustaan qaxa iyo safarka dheer ee xanuunka badan ee ay ku tageen wadammada gaalada inaysan ahayn rabitaankooda ee ay ahayd natiijadii ka dhalatay qabyaalada, sidaa daraadeed waxaan ugu baaqaynaa inaysan marnaba qayb ka noqon in dumarka, caruurta iyo waayeelka Soomaaliyeed dib u bilaabaan qax iyo dhibaato hor leh, waxaan usoo jeedinaynaa inaysan qayb ka noqon dhibaatada qabyaalada ee wadanka taala, ee ay ku fakaraan sidii ay uga shaqayn lahaayeen sidii ay wadankooda oo nabada dib ugu soo noqon lahaayeen iyaga iyo ubadkoodu.

6. Shacabka Soomaaliyeed waa ummad isku diin,af, dhaqan iyo dalba ah, mana jiraan qabiil, qabiil ka kale ka sareeya dhalasha ahaan, dadka oo dhan waxaa laga abuuray aadam, aadamna waxaa laga abuubaray ciid, sidaa daraadeed waxaan ugu baaqaynaa in shacabka Soomaaliyeed ka waan toobaan, joojiyaana inay qabaa’il walaalahood ah hayb soocaan oo takooraan, arintaas waa dulmi mana banaana shareeco ahaan iyo caqli ahaan toona.

7.Shacabka soomaaliyeed waa dad walaalo ah diin ahaan iyo dhalasho ahaanba, dantiisuna waxay ku jirtaa is jacayl, isku kalsooni iyo midnimo; sidaa darteed waxaan ku baaqaynaa in lagu dhaqaaqo wax kasta oo walaalnimadiisa iyo midnimadiisa xoojinaya, lagana hortago wax kasta oo walaanimadiisa iyo isku duubnidiisa dhaawacaya.

8.Waxaan soo dhaweynaynaa wadahadalkii u furmay Dowlada Fedaralka Soomaaliyeed iyo Somaliland, waxaana u aragnaa inuu yahay fursad taariikhi ah oo lagu xaqiijin karo danaha shacabka Soomaaliyeed oo dhan, guusha wadahadalkaas laga gaarana si gaar ah ayay sharaf ugu tahay madaxda horseedka ka ah iyo cid kasta oo gacan ka geysata; sidaa darteed waxaan ugu baaqaynaa labada dhinacba inay tixgaliyaan danta ummadda ee aanay dano iyaga u gaara ku kala tagin. Waxaan kale oo dadweynaha ugu baaqaynaa inay madaxda ku taageeraan, kuna dhiirrigaliyaan ka mirodhalinta wadahadalkaas.

9. Waxaan ugu baaqaynaa Dowlada Faderaalka Soomaaliyeed inay dadaal dheeraad ah ku bixiso sidii shacabka Soomaaliyeed dib ula soo noqon lahaa sharaftiisii iyo dowladnimadiisii, waxaana u aragnaa inay lagama maar maan u tahay arimahaas, b) in dowladu ka shaqayso sidii dibu heshiisiin dhab ah loo gaari ahaa, t) in dowladu soo celiso awoodii iyo haybadii ciidanka qaranka Soomaaliyeed, si looga maarmo ciidammada shisheeye ee wadanka jooga, j) in dowladu kasbato kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed si cadaalad ahna ugu maamusho waxyaabaha ummada ka dhexeeya, waxaana si gaar ah u xasuusinaynaa in dowlada xil gaar ah ka saraan yahay inay ka shaqayso sidii looga bixi lahaa dhibaata dad iyo dalba haysata mudadda dheer.

Dowlada iyo shacabka reer Puntland waxaan ugu baaqaynaa inay ka feejignaadaan qalalaasaha iyo loolan beeleedyada ka dhasha, siyaasada iyo doorashooyinka, waxaan usoo jeedinaynaa in maslaxada guud laga hormariyo mida goonida ah, iyo in loo turo shacabka markastana la xeeriyo nabada iyo barwaaqada lahaysto, khilaafaadkana lagu xaliyo wada hadal iyo is afgarasho.

10.Waxaan canbaarayn iyo dhaleecayn usoo jeedinaynaa Xarakada Shabaab oo sheegatay inay ka danbaysay falkii waxashnimmada ahaa 14/04/2013 lagu laayey Maxkammada iyo garsoorka dad gaaraya 29 iyo 58 dhaawac ah, waxaan uga tacsiyeynaynaa dhamaan maamul iyo shacaba dadkii ku geeriyooday qaraxii kooxda shabaab ka gaysatay, Maxkamada, kuwii ku dhawacmayna waxaan illaahay uga baryeynaa inuu u booga dhayo.

11.Waxaan ugu baaqaynaa kooxda Shabaab inay illaahay u toobad keenaan, joojiyaana daadinta dhiiga dadka Soomaaliyeed ee muslimka ah, dhalinyarada ku kadsoomayna waxaan u cadaynaynaa daadinta dhiiga muslimka inaan diin loogu hiilinayn shareeca lagu soo celinayn.

12. Ugu danbayntii Waxaan ugu baaqaynaa Ummada Soomaaliyeed Maamul iyo shacaba sida illaahay ka doonayo oo ah inay midoobaan, waana sida kaliya ee shacabka Soomaaliyeed kusii jiri karo dad ahaan iyo dal ahaan, sidoo kale waxaan ku celinayn markale in ummada Soomaaliyeed xalkeedu kujiro isku xukunka iyo ku dhaqanka Shareecada islaamka oo kaliya.

Culummada ku Saxiixan Bayaanka:

1- Sh. Daahir Aw Cabdi

2- Sh. Axmed Daahir Xasan

3- Sh. XasanXuseen

4- Sh. Maxamed MacalinAxmed

5- Sh. Cabdiraxmaan Bukhaari

6- Sh. Axmed Faarax Garaase

7- Sh. Maxamed Faahiye Ciise

8- Sh Mukhtaar Axmed faarax.

9- Sh C/shaafi Axmed Cali

10- Sh Mohamed Sh Adan Weli

11- Sh Cali Maxamed Cali

12- Sh Axmed Yusuf Daad

13- Sh. Cabdirisaaq Mire Gaataa

14- Sh. CabqaniQorane

15- Sh. XasanDhooye

16- Sh. Maxamed Maxamud Ciise

17- Sh. Abdiraxmaan Aw-ciise Muuse

18- Sh. Cismaan Maxamud Xaaji Dirir

19- Sh. Faarax Maxamed Cajab

Isha wararka Culimmada

Faafin : Puntlandpost.com


Laascaano : Gobolka Sool oo lagaga dhawaaqey dallad ay ku mideysan yihiin Dugsiyada Qur’aanka .

$
0
0

Laascaano : (pp)- Magaalada Laascaanood Xarunta Gobolka Sool ayaa maanta lagaga dhawaaqey dallad ay ku mideysan yihiin Dugsiyada Qur,aanka laga barto ee ku yaal Laascaano.

Ku dhawaaqida dalladda ayaa loo sameeyey xaflad taasi oo lagu qabtey xarunta  Machadka Khadiija Bintu Khuweylad ee Magaalada Laascaano , waxaana loo bixiyey Dallada Al-Nuur Mutajamac.

Sheekh Mubaarak Koorre oo ka mid ah culimada magaalada Laascaanood ayaa ka warbixiyey ujeedada daladda wuxuuna sheegey inay dalladan ay tahay mid ka shaqeynaysa kor u qaadidda iyo fahamka aqoonta ardayda barata qur’aanka kariimka ah.

Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ah hogaamiyaha culimada Laascaanood ayaa isna waxa uu dhankiisa xusay in barashada qur’aanka kariimka uu macno wayn ugu fadhiyo ummadaha Islaamka, lana doonayo in bulshada loo baro si dhab ah.

Guddoomiyaha guddiga ganacsatadda ee gobolka Sool, ahna madaxa shirkadda isgaarsiinta ee Telesom ee Laascaanood Cabdirisaaq Axmed Warsame ayaa culimada ku boorriyay inay muujiyaan waxqabad dhab ah, iyaguna ganacsato ahaan ay ka qayb-qaadanayan wixii ay uga baahdaan culimadu.

Culima u,diinka Soomaaliyeed ayaa u istaagey inay ka hortagaan fikradaha khaldan ee diinka islaamka laga faafinayo, kuwaas oo  raad ku reebay mudooyinkii u danbeeyey da,yarta iyo ubadka soo koraya ee baranaya diinta islaamka.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
laascaano.

Garowe: Magaalada garowe oo saaka isgaarsiin la’aan ku waabariisatay.

$
0
0

Garowe(PP): Magaalada Garowe ayaa saaka isgaarsiin la’aan ku waabariisatay iyadoo ay khadadka telefoonka iyo adeega sahal uu hawada ka baxay saqdii dhexe ee xalay, lama garanayo sababta keentay arintaas  waxaana maanta magaalada Garowe ee xarunta Puntland ay tahay mid istaagan, ganacsiga ayaa badankiisu ku xiran yahay talefoonka gacanta ee ay bixiso shirkadda Golis ee ah tan ugu weyn ee bixisa khadka telefoonka iyo adeega Sahal ee lacagta laysugu diro degaanada Puntland.

Waxay maanta magaaladu noqotay layslama hadlaan iyo inaan wax badan la kala iibsan Karin, lacagta shilinka Soomaliga ayaa wadanka ku sii ahaa mid gadaabsi ah, waxaana dadka badankiisu ama dhamaantood isticmaalaan adeega Sahal oo ah mid aad lacagtaada ku keydsan kartid, wax ku iibsan kartid, lacagna ku diri kartid kuna heli kartid.

Adeegsiga Technology-yada ayaa sanadihii ugu dambeeyey ahayd Soomaliya oo dhan mid si aad ah u sii kordhaysay, waxayna nolosha ka dhigtay mid fudud. Maxamed oo ka mid ah ganacsatada Garoowe ayaa dhexfadhiya dukaankiisa oo koronto la’aan ah, “Korontadii waa layga goostay lacagtii oo aan la daahay owgeed, telefoonkii waa kan xiran, ma wici karo shirkaddii korontada, lacagtoodiina sahal  uguma diri karo oo waa kaas telefoonkii go’an, xalku waa inaan fariin qof ah diro sidii qarniyadii hore” ayuu yiri Maxamed.

Shirkadada Golis ayaan looga baran in khadkeedu istaago, waxaase la rajaynaa in ay shaqso ah ku soo celiyaan adeegooda.

Puntlandpost.com
Garowe, Puntland

 

 

“Turki-gu Xamar buu isku koobey” Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr Faroole.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamud (Faroole) ayaa sheegey in Turki-gu uu mashaariic horumarineed ka wado Soomaaliya balse uu ku ekaadey oo kaliya Muqdisho,isagoona sheegey in balan qaad uu horey ugu sameeyey Puntland uu uga baxay.

Hadalka oo madaxweynuhu ka sheegey munaasabad maanta lagu qabtey xarunta idaacadda cusub ee Puntland ayuu waxa uu ka hadley mashaariicda horumarineed ee Talyaani-gu ka wado deegaanada Puntland.

“Turki-gu Xamar-buu ku ekaadey, xamar-buuna ku bururey,annagana balan bay noo qaadeen weyna nooga baxeen, howsha ay xamar ka wadaan ugama xumin hadii uu wax u qabanayo waa dad walaalaheen ah, Dowlada Talyaani-ga waan uga mahad celinaynaa mashaariicda Puntland ka wado” ayuu yiri Madaxweyne Faroole.

Dowladda Turkiga ayaa mashaariic badan ka wada magaalada Muqdisho , kuwaas oo qeyb ka qaatey taakuleyn dadka iyo dib u dhiska Gobolka Banaadir.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.

TACSI: Marxuumad Fikir Maxamad Hirmooge oo ku geeriyootay Stockholm-Sweden

$
0
0

Tacsi: (pp)- Waxaa ku geeriyooday magaalada Sweden , gaar ahaan magaalada Stockholm Alla naxariistii hooyo  Fikir Maxamad Hirmooge.

tacsi

TACSI: Marxuumad Fikir Maxamad Hirmooge oo ku geeriyootay Stockholm-Sweden

Dhammaan Dadkaan hoos ku qoran waxay Tacsi tiiraanyo tiiraanyo xanbaarsan u direyaan Qoyskii iyo Ehelkii ay ka geeriyootay  MARXUUMADU,   waxayna Allaha Awooda leh uga baryayaan inuu ka waraabiyo Jannadiisa Fardowsa, Ehelkii ay ka tagtayna inuu Samir iyo iimaan ka siiyo, Aamiin.Waxaa tacsidan diraya dadka kala ah:
1. Xildhibaan Ibraahim Cabdalla (Dhaqane)

2. Col. Faarax Botaan Warfaa

3. Col. Zubeer Cabdilkariim Boorle

4. Col. Nuux Maxamad Axmed Isaakh

5. Maxamad Xasan Geelle

6. Xuseen Beynax Barre

7. Xasan Xaaji Barre

8. Bashiir Suldaan Maxamuud Heybe

9. Dr. Maxamad Gamaadiid

10. Shugri Cumar Gaboose

11. Dr Cabdilxakiim Golongol Deyl

12. Cabdiraxmaan Muxumad Aardoon

13. Muqtaar Bashiir

14. Cabdirisaaq Ceymad

15. Maxamad Xuseen Adar

16. Xasan Sheekh Axmed Nuur

17. Xasan Sheekh Cali

18. Bishaar Yuusuf Gamaadiid

19. Axmed Cabdullaahi Geney

20. Maryama Sheekh Cali

21. Axmed Xaaji Maxamad Nuur

22. Cabdi Maxamad Kaahin

23. Deeq Kediye

24. Muxsin Xaaji Cabdi

25. Xuseen Cabdullaahi

26. Maxamad Yuusuf Barkhadle

Aamiin————Aamiinn—–—-Aamiin————Aamiin

اللهم اغفر له وارحمه ، وعافه واعف عنه ، لقِّه الأمن والبشرى والكرامة والزلفى ، اللهم إن كان محسناً فزد في حسناته ، وإن كان مسيئاً فتجاوز عن إساءته ، اللهم اغسله بالماء والثلج والبرد ، نقه من الخطايا كما ينقى الثوب الأبيض من الدنس ، أبدله أهلاً خيراً من أهله ، وداراً خيراً من داره ، وجيراناً خيراً من جيرانه ، اللهم لا تحرمنا أجره ، ولا تفتنا بعده ، واغفر لنا  وله

OGEYSIIS: Mu’tamarkii Lixaad oo ka dhacaya Holand 8 illaa 12-ka May

$
0
0

Ogeysiis: (pp)- Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan Jaaliyada Soomaalida ee ku nool dalka Holland iyo nawaaxigeeda in la qaban doono Mutamarkii L6aad, kaas oo loogu talo galay in lagu wacyi galiyo dhamaan shacabka ku dhaqan dalka Holland iyo nawaaxigiisa.

Muctamarkii Lixaad oo ka dhacaya Holand

Muctamarkii Lixaad oo ka dhacaya Holand


Mutamarka ayaa waxaa ka soo qeyb gali doona culumada kala ah

1- Dr Sh Cali Maxamad Salax (Norway)

2- Dr Farid Alkhawtani (Italy)

3- Sh Suldan Gasle (Holland)

4- Sh Maxamad Cabdi Umal (Livestream from Kenya)

5- Sh Maxamad Idiris (Saudi Arabia)

6- Sh Yusuf Axmed (Sweden)

7- Sh Cabdibasid Sha Ahmed (UK)

8- Sh Maxamad Shiine (UK)

Wakhtiga uu Bilaawmayo Mutamarka

Saacada: 18:00 (bacdal casar)

Cinwaanka Halka lagu qabanayo Mutamarka:

Markazquba Schaafstraat 27-29 Waxaadne mutamarka live ugu Daawan kartaaa markazquba.org iyo Halgan.net iyo Fatxusalaam.com iyo websidada islaamiga kuwooda ugu caansan.

Wixii Faahfaahin ah kala xiriir Abu-Khadiija
Tel: 31-685528748 ama Guled Wayrax Tel: 31-687187319

http://www.youtube.com/watch?v=s4H7Wfheq14

Puntlandpost.com

Viewing all 22737 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>