Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all 22733 articles
Browse latest View live

Yaa Magacaabi kara Maamul Heer Gobol Iyo Heer Dagmo (Muxuuse Dastuurku ka qabaa.. (Warbixin)

$
0
0

Akhriste sida aan la socono Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheekh Maxamuud, ayaa dhowaanta magaacbey Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, sidoo kale waxaa uu Gudoomiyaha Barlamaanku magacaabay Guddoomiyaha Baay Isagoo ahaa ku simaha Madaxwaynaha, waxaa kale uu Ra,iisulwasaaruhu magacaabey Gudoomiyaha Gobalka Gedo,si la mid ah waxaa wasiirka arimha guduhu magacaabay gudoomiyaayasha Degmooyin ka mid ah Gobolka Galgaduud.

Zakariya Axmed IsticmaarDhanka kale waxay Dawladu had iyo jeer ku doodaa in ay magacaabeyso Maamulo heer Gobol Iyo heer Degmo muddo lix bilood ah, sida ka dhacday kulankii fashilka ku dhamaaday ee ku dhexmaray Raisul-wasaare Saacid oo hogaaminayay Xeyn Wasiiro ah,Iyo Reer Jubba-Land ee ka dhacey Magaalada Kismaayo.

Hadaba Akhriste ama Muwaadin Su,aasha is waydiinta mudan waxay tahay Mas,uulyiintaas aan kor ku xusnay oo uu ugu horeeyo Madaxwayna Jamhuuriyada Federaalka, Mudane Hassan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Raisu-lwasahraha Xukuumada Iyo Wasiirka Arirmaha Guduhu, Awood ma u leeyihiin xilalkaas ay magacaabeen oo ah Heer Gobol iyo Heer degmaba ah ??

Hadaba sida aanu wada ogsoonnahay Awoodaha Masuul kasta oo xil u haya Bulshada laga bilaabo Madaxwayne Iyo kan ugu hooseeya oo Bulshada Shaqo u dhiibatay waxay ku Xusan yihiin awoodiisa Iyo waajibaadkiisa Sharuucda dalka, oo uugu sareeyo Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka, Masuul kasta oo ku tilaabsada wax ka baxsan awoodiisa Dastuuriga ah ” waa wax kama jirraan” wuxuuna ku mutaysan karaa Ciqaab waafaqsan Dastuurka iyo Sharuucda Dalka.

Sidaas darteed hadii ey awoodaha Masuul kasta oo Xil u haya Bulshada ay ka imaanayaan Dastuurka Dalka, bal Akhriste eynu eegno Awoodaha Masuul kasta oon kor ku xusney uu siinayo Dastuurka Dalka.

Ugu horeyn Madaxweyanaha Iyo Awoodihiisa Dastuuriga sida ku xusan Qodobka 90aad ee Dastuurka Federal ka Dalka Soomaaliya wuxuu sheegayaa sidatan:

Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka

Awoodaha Iyo xilka Madaxweynuhu waxaa ka mid ah:
1. Wuxuu ku dhawaaqaa Xaaladda Degdegga ah iyo Xaalada dagaal, si wafaaqsan sharciga.
2. Wuxuu yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida.
3. Wuxuu magacaabaya Taliyeyaasha Ciidamada Heer Federaal, markii ay soo jeediyaan Golaha Wasiirada, shaqadana wuu ka qaadi karaa.
4. Xil ka qaadista Saraakiisha Dowladda Federaalka waxay ku imaanaysaa sidii markii hore lagu magacaabay.
5. Wuxuu magacaabayaa xilka Wasiirka Koowaad wuxuuna xilka ka qaadayaa ama kala dirayaa Xukuumadda Federaalka hadii ay waydo codka kalsoonida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, oo ah cod hal-dheeri ah (50%+1).
6. Wuxuu xilka ka qaadayaa Wasiirada, Wasiiru-dowlayaasha, iyo Wasiir-ku-xigeenada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.
7. Wuxuu saxiixaa sharciyada uu soo ansixiyo Baarlamaanka Federaalka, si sharci looga dhigo.
8. Wuxuu furaa Golaha Shacabka.
9. Wuxuu la hadlaa fadhiga gaarka ah ee Golaha Shacabka sanadkiiba mar.
10. Wuxuu la hadli karaa Golaha Shacabka mar kasta oo kale.
11. Wuxuu magacaabaa Gudoomiyaha Maxkamada Dastuuriga, Maxkamada Sare, iyo Garsooyayaasha kale Heer-Federaal, soo jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka ka dib.
12. Wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo madaxda Hey’adaha Dowladda Federaalka, marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirada.
13. Wuxuu magacaabaya jagooyinka danjireyaasha iyo qunsuliyadaha guud, markuu Golaha Wasiirada soo jeediyo.
14. Wuxuu qaabilaa diblomaasiyiinta shisheeye iyo wakiilada qunsuliyadaha dalalka shisheeye.
15. Wuxuu gudoonsiiyaa abaalmarinta Xushmada Qaranka (State Honor) markuu Golaha Wasiirada soo jeediyo.
16. Madaxweynaha wuxuu kala diri karaa golaha shacabka marka ay mudadiisa xilka dhamaato si doorasho ay u aadaan.
17. In uu cafis u fidiyo ama ciqaab ka dhimo dembiilayaal marka uu ka talo-qaato Guddiga Adeega Garsoorka.
18. In uu saxiixo heshiisyada caalamiga ah kadib markii Golaha Wasiirada soo jeediyo, Golaha Shacabkuna ansixiyo.

Qodobka 100aad Ee Dastuurka Federalka oo ka hadlaya Xilka Iyo Awooda Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegayaa sidan:
1. Awoodaha Ra’iisul Wasaaraha waa
a. Madaxa Xukuumadda;
b. Magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha Golaha wasiirada;
c. Horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirada iyo Barnaamajka Xukuumadiisa si ay u siiyaan kalsooni.
2. In uu qabto hawlaha kale ee loogu loogu xilsaaray dastuurkan ama sharci kale ee waafaqsan dastuurkan iyo qiyamkiisa.

Qodobka 99aad Ee Dastuurka Federalka oo ka hadlaya Xilalka Golaha Wasiirrada wuxuu leeyahay sidatan:

“Xilalka Golaha Wasiirada”
1. Golaha Wasiirradu waxa uu leeyahay awoodaha soo socda:
(a) Dejinta siyaasadda guud ee Xukuumadda iyo dhaqangelinteeda;
(b) Ogolaanshaha iyo fulinta xeerarka maamulka, si waafaqsan shuruucda;
(c) Diyaarinta hindiso sharciyadeed (draft law) iyo soo-hor-dhigiddooda Golaha Shacbiga;
(d) Diyaarinta miisaaniyad-sannadeedka iyo xisaab-xirkooda;
(e) Dejinta qorshaha guud oo lagu hormarinaayo dalka;
(f) Dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka iyo ilaalinta danaha Dawladda;

Hadaba Akhriste waxaan filayaa inaad si mug leh uu dhuuxdey amase u akhridey Xilalka Iyo Waajibaadka Masuuliyiinta kor ku xusan ee uu Dastuurku siinayo. Sidaas darteed waxaa is-weydiinta , waa “Yaa Xaq u leh Magaacabida iyo Xilka qaadista Guddoomiyeyaaasha Gobolada iyo Degmooyinka aan kor ku xusney?? Dhanka kale Waxaan la wada soconaa in Dastuurkeena uu sheegayo Nidaamka Dalka inuu yahay Federal, Sidaa darteed Deegaan kasta isagu dooranayo Maamulkiisa heer Degmo Iyo Gobol.

Fiiro-gaar ah, Qodobka 90aad Faqradiisa (12) Ee Awoodaha Madaxweynaha oo u qoran sidatan:

“12. Wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo madaxda Hey’adaha Dowladda Federaalka, marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirada”.

Hadaba Akhriste Guddoomiyayaasha Gobolada Iyo Degmooyinku ma heer Federal baa?mise waa heer Degaan,? Sidoo kale Maxaa loola jeedaa Jagooyinka Sare ee Xukuumada Federaalka ah?

Hadaba si aan ugu jawaabno Su,aalahaas kore jawaabtu waxay noqonaysaa sidatan:

In kasta oo Fasiraada Dastuurka ay leedayhay Maxkamada Dastuuriga ah hadana markii aan wax ka waydiinay arintaas Sharciyaqaano iyo siyaasiyiinba waxay cadeeyeen in jogooyinka Heer Gobol iyo Heer Degmaba aysan ahayn heer federaal Sida ku cad meelo badan oo Dastuurka ka mid ah iyo marka la eego micnaha guud ee Nidaamka Federaalka oo awooda Gobolada iyo degmooyinka siinaya shacabka ku dhaqan Gobolada iyo dagmooyinka.

Sidoo kale waxay sharciyaqaanadu Ku fasireen “Jagooyinka sare ee Xukuumada Federaalka” Jagooyinka ay ka mid yihiin:

a)Hanti dhowrka guud, Garyaqaanka guud , Xisaabiyaha guud, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe IWM oo Heer Federaal ah Dhanka Kale Qodkobka 99aad ee dastuurka Faqrada 1aad xarafka (g) ee ka hadlaya Awooda Golaha wasiirada wuxuu u qoran yahay sidatan ” Magacaabidda iyo xil-ka-qaadidda Saraakiisha sare ee Dawladda.”

Sida aan horay u sheegnay Markii aan waydiinay Sharciyaqaanda Arintaan waxay cadeeyeen in Saraakiisha sare aysan ku jirin Godoomiyaasha gobolda iyo degmooyinka waxayna cuskadeen:
a) Madaama Markii hore ee maamulku uu ku koobnaa Dowlada dhexe oo aan loo guurin Nidaamkaan Fderaalka ah, oo awooda siinaya Shacabka ku dhaqan Gobolada iyo Degmooyinka, Maamulada Heer Gobol iyo Heer degmaba Macaabidooda Iyo xilka qaadidoodaba waxaa lahaa Madaxwaynaha sidaas darteed waxaa iska cad in golaha
wasiiradu aysan xaq u lahayn Magacaabida iyo xilka qaadida Maamulada Heer Gobol iyo Heer Degmo oo Dastuurku uu ka qaaday Madaxwayna oo horay u lahaa una celiyey Shcabka Degaanka sida uu sheegayo micna guud Nidaamka Federaalka ee Dastuurka dalka ku dhisanyahay.

Sidoo kale waxaa sharciyaqaanadu ku Fasireen in qodobkaas loola jeedo Saraakiisha Heer federaal oo ay ka mid ka yihiin :
Agaasimayaasha Guug, Agaasime waaxeedyada, Xog-hayayaasha Safaaradaha Iyo Jago kasta oo maamul heer federaal ah Iyo o sidoo kaleeto Xaaladaha gaarka ah oo dastuurku sheegayo sida qodobka 49aad faqradiisa 2aad oo u qoran sidatan” 2. Gobol gooni isu taagi karaa ma jiri karo, inta uu Gobol kale uu kuu biirayo, Dowladda Federaalka Somalia ayaa maamulaysa waxaana waajib ku ah gobalkaas inuu ku biiro gobol kale ama dowlad xubin ka ah Dowladda Federaalka mudo labo sano gudahood”.

Hadaba Akhristeyaal ama Muwaadiniin waxaan rajaynayaan in aad akhridaan Dastuurka dalka Iyo qawaaniinta kalaba si aad Masuuliyiinta Dalka ugula xisaabtantaan hadii ay ka tilaabsadaan sharciga ama ay hareer maraan. Madaama qofka kasta uu sharcigu ka sareeyo martab kasta iyo heer kasta uu joogo oo aan qofna sharciga ka sarayn, sida uu sheegayo qodobka -4aad ee Dastuurka – oo sheegaya “Sarraynta Dastuurka”.sidoo
kalena uu Dastuurku yahay mid dhaqangal ah laga soo bilaabo xiligii ay sida ku meel gaarka ah u Ansixiyeen Ergadii matalaysay Bulshawaynta Soomaliyeed. sida uu tilmaamayo Qodobka204aad ee Dastuurka.” Dhaqangelinta Dastuurka”

Gobagabo.

Akhriste ama Muwaadin waxaan hadalka ku gunaanadaynaa su aal furan oo ah, Hadii aan dastuurka dalka ahkrinay oo aragnay awooda uu siinayo madaxda dalka oo ku jirro Madaxwaynuha Iyo Golaha xukuumada oo Raiisulwasaaruhu hogaaminayo, Maxay u cuskadeen Magacaabida godoomiyeyaasha Gobolda iyo Degmooyinka ey ka mid yihiin, Gudoomiye-yaasha Gobal Bay, Gobalka Hiiraan Gobal Gedo iyo Degmooyin ka mid ah Gobalka Galgaduud sida Caabudwaaq, iyo Balanballe oo sidoo kaleeto ay u doonayaan in ay u magacaabaan maamulo Heer Gobol iyo Degmo sida ay had iyo jeer ku doodaan?..

Sakariye Isticmaar
sakariye85@hotmail.com

Daabacaadda: Puntlandpost.com


Saldhig lagala dagaalamo Argagixisada iyo Burcad badeeda oo la dhisayo (Sawiro).

$
0
0

Adis ababa :( pp)- Wasiirka Amniga Puntland Col Khaliif Ciise Mudan oo hogaaminaya wafti ka socda Dowlada Puntland oo ku sugan wadanka Ethiopia ayaa ka warbixiyey shir ay uga soo qeyb galeen magaalda Sanca Dalka Yemen,islamarkaana looga hadlayey Argagixisada Geeska Afrika iyo La dagaalanka Burcad badeeda.

Wasiirka ayaa sheegey in shirka ka dhacay Yemen uu ahaa mid ay qabsoomidiisa iska kaashadeen Wasaarada arimaha dibada Maraykanka iyo Dowladda Yemen ,islamarkaana ay kasoo qeyb galeen xubno gaaraya 25 oo kala kala socda Dalalka Somalia, Jabuuti, Yemen iyo Maraykanka.

Dhinaca Somalia ayuu sheegey wasiirku in laga casumey Maamulada Somaliland, Puntland iyo Galmudug, iyadoona uu sheegey in Puntland shirkaasi kasoo jeedisey talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada kooxahan.

“Shirkii ka dhacay Sanca waxa uu ahaa shir qayb ka ah la dagaalanka budhcad badeeda Somalia iyo Al-Qacida ,runtiina waxa uu ahaa shir muhiim noo ah, si wada jir ahna waxaa la isku raacay in aan laga harin sidii loo dabar goyn lahaa Burcad badeeda iyo Al-Qacida” Ayuu yiri Khaliif Ciise Mudan oo ka warbixiyey shirkaasi.

Dhismaha xarun laga hago howlgalada ka dhanka ah kooxaha Argagixisada iyo Burcad badeeda ayuu xusey Khalif Ciise in la isla gartey dhismaheeda, maadaama Puntland ciidan badeed ay leedahay khibradna u leedahay la-dagaalanka kooxahani.

Waxa uu tilmaamey wasiirku in dalalkii kasoo qayb galay shirkaasi oo Maraykanku ugu muhiimsanaa ay si wada jir ah u aqbaleen qodobada ka soo baxay shirka,iyadoona lagu balamay in si dhakhso ah loo hirgaliyo mashruucan.

Wasiirka ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiirka Dekedaha iyo la dagaalanka Burcad badeed Siciid Maxamed Raage,waxaana la filayaa Wasiiradu in maalmaha soo socda ku soo laabtaan Garowe ka dib marka ay soo dhameystaan shirarka ay dalka Ethiopia kula leeyihiin masuuliyiin ka tirsan Dowlada ethiopia.Labada Wasiir

 

 

 

 

 

9

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirka iyo xubno kale

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirka Amniga

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Ethiopia Adis Ababa.

Madaxa UN ee gargaarka bini,aadanimo Somalia oo caawa la kulmey Madaxweyne Faroole (Sawiro).

$
0
0

Garoowe: (pp)- U qeybsamaha Qaramada Midoobey ee gargaarka bini,aadanimo Somalia Philippe Lazzarini ayaa caawa kulan is barasho kula yeeshey Madaxweynaha Dowlada Puntland xarunta Madaxtooyada Cusub ee Garowe, ka dib markii dhawaan ergeygan loo soo magacaabey booskan.

Philippe Lazzarini iyo Madaxweynaha Puntland

Philippe Lazzarini iyo Madaxweynaha Puntland

Kulan dhex marey labada masuul ayaa ku saabsanaa is barasho iyo sidii Mr Lazzarini u kormeeri lahaa mashaariic kala duwan oo UN ka wado Puntland.

Gen Cabdisamad Ali Shire Bidix

Gen Cabdisamad Ali Shire Bidix

Saraakiil ka socotey UNDP,UNOCHA iyo Xafiiska Ergeygan ayaa ku wehlinayey kulanka Madaxweynaha Puntland uu la yeeshey halka ay goob joog u ahaayeen Masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen C/samad Cali Shirre iyo Qaar ka mid ah golaha xukuumada.

Waftiga uu hogaaminayo Ergeygan ayaa soo gaarey Magaalada Garowe galinkii horre ee maanta, kuwaas oo kormeer ku tagey dhismayaal QM fulisey , kuwo wali dhismahoodu iyo kormeer ay ku tageen qaar ka mid ah kaamamka ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha.

Goobta cashada

Goobta cashada

Madaxweyne Faroole ayaa kulanka ka dib ee uu la yeeshey u qeybsamaha Qaramada Midoobey ee gargaarka bini,aadanimo Somalia waxa uu fidiyey marti qaad casho sharaf ah , waxaana la sheegey in maalmaha soo socda ay sii joogi doonaan waftigan.

Nagala soo xiriir :  Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost_Garoowe.

 

Faallo:Dib u eegis Balanqaadyadii Turki-ga ee Puntland iyo Eedeynta Madaxweynaha Puntland Turki-ga (Sawiro Xasuus leh)

$
0
0

Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa ku dhaliiley Dowlada Turki-ga inaysan kasoo bixin balan-qaad Puntland ay la gashey, isagoona sheegey in Turki-gu qorshaha wax-qabad ee Somalia uu ka dhawaajiyey in uu ugu talo galey uu ku koobey oo kaliya Gobolka Banaadir, midaasna ay la micno tahay xiriir gooniya oo u la wadaago Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlada Puntland

Madaxweynaha Dowlada Puntland

Madaxweyne C/raxmaan Shiikh Maxamed oo axadii lasoo dhaafey ka hadlayey furitaanka Idaacad Dowlada Puntland leedahay oo Dowlada Talyaanigu ugu deeqdey ayaa sheegey inuu cadeynayo in turki-gu isku koobey Muqdisho, uuna ku burursan yahay halkaas, ayna uga xumeyn hadii uu wax u qabanayo ,balse Puntland uu la galey balanqaad midkaas oo uusan uga soo bixin sidey ahayd.

Tan iyo Markii Turki-gu gudaha soomaaliya safaradoodu kusoo xoogeysteen waxay socdaalo kala duwan ku gaareen deegaano ay ka mid tahay Puntland , iyagoona sanadkii 2010 ka fuliyey Puntland baaritaano iyo Adeegyo caafimaad islamarkaana ay isu mareen magaalooyin badan oo ka tirsan Puntland Sida Gaalkacyo, Garoowe Qardho iyo Bosaso.

Dhakhatiir Turki ah oo ku sugan Wasaradda Cafimaadka Puntland

Dhakhatiir Turki ah oo ku sugan Wasaradda Cafimaadka Puntland

2011 September waxay shaaciyeen turkigu inay qaadayaan Arday deeq waxbarasho jaamacadeed ah iyo mid Dugsi sarre leh,iyagoona Xarunta wasaarada Waxbarashada Puntland ku qabtey Itixaano ay ku tartan siinayaan .

Waxaana sida la xasuusto 1 April 2012  Magaalada Garowe yimid Safiirka Turki-ga  ee Somaaliya Kamaludin kani Touran kaaso sheegay in Garoowe ay ka furayaan Xafiis ay safaradda Turki-gu leedahay qaban doontana adeegyada ay ka qabtaan Muqdisho kuwa lamid ah.

Madaxweynaha Madaxweynaha Puntland yo Safiirka Turkiga  oo Garowe ku kulmey

Madaxweynaha Madaxweynaha Puntland yo Safiirka Turkiga oo Garowe ku kulmey

Horantii October ee Sannadkii hore 2012 waxaa Yimid Garoowe Wafdi sare oo Dowladda Turkiga ka socday, kuwaaso socdaal dhulka ah ku maray Magaalooyin badan, balanqaadayna inay wax badan ka qaban doonaan kaabayaasha dhaqaale,balse markii ugu danbeysay oo ay safarkoodu sii dhamaanayey waftigaasi kooxo hubeysan wadada u galeen, dhaawacna ay soo gaarsiiyeen Hogaamiyihii waftiga.

Haddaba dhacdadaas ma noqon karta inay hakad ku keentay Dadalki iyo Balanqadyadii Turkiga?

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo wafti Turki Gaalkacyo kusoo dhaweynaya

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo wafti Turki Gaalkacyo kusoo dhaweynaya

Dad badan ayaa qaba inay sidaas ahayn Balse ay ka badin waayeen Baaxadda iyo Culayska ka haysta Magaalada Muqdisho, iyo Dabcan dano gaar ah oo uu Muqdisho ka leeyahay Turki-gu wakhtigana aysan u muuqan Puntland.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ee ku aadan Dawladda Turkiga ayaa waxa si weyn u soo dhaweeyey Mas,uuliyiinta Xukuumadda iyo Baarlamanka Puntland oo ka qeyb galey Munaasabadda Furitaanka Idaacadda oo aheyd madasha uu madaxweynuhu ka sheegey dhaleeceynta Turkiga .
Sababtoo ah waxaa jirtey qaar badan oo ka mida wasaaradaha Xukuumadda in uu jahwareer badan ka soo gaadhey balanqaadii mashaariicda Turkiga,Sida deeqihii waxbarashada oo tiro badan oo ka mida tiradii uu sheegey Turkigu in uu siiyey Puntland la waayey,midaas oo badalkeeda lagu canbaareeyey mas,uuliyiinta waxbarashada in ay wax is daba mariyeen, balse dhabtu ahayd deeqdii oo sidii loogu talo galey aan Puntland loo soo gaarsiin.

Madaxweynaha Puntland oo saraakiil Turki ah Qardho kula kulmey Sanadkii horre

Madaxweynaha Puntland oo saraakiil Turki ah Qardho kula kulmey Sanadkii horre

Dhanka kalana arintani waxey macno gaar ah u sameyneysaa dawladda Talyaaniga oo siyaasad ahaan ay uga dhigantey in saameynta balaadhan ee Turkigu ku yeeshey arimaha Soomaaliya uu Talyaanigu kula loolami karo waqtigan Soomaaliya qeyb badan oo ay ka mid tahay Puntland.

Marka dhanka Turki-ga la eegana waxay tallaabadani ku tahay bar canbaara oo gacan siineysa dhaliilaha Caalamiga ah ee lagu dhaleeceeyo qorshaha Turkigu albaabada ugu furey nidaam cusub oo si weyn uga badalan kii Caalamku kula macaamili jirey gargaarka la siiyo Soomaaliya.

Madaxweynaha oo dhakhaatiir Turki ah Gacan qaadaya

Madaxweynaha oo dhakhaatiir Turki ah Gacan qaadaya

Turki-ga ayaa mararka qaar waxaa lagu dhaleeceyn jirey in qorshihiisa Somalia uu kaga howl galayo in uu ka muuqdo laab la kac badan oo aanan ku dhisneyn talaabooyin laga fiirsadey, xumaana kala dhex dhigi karra Ummada Somaliyed.

Fariinta Puntland haddii la sii nidaamiyo oo la waafajiyo Afka ay kuwada hadlaan Dawladduhu ee hannaanka Dublamaasiyadda, waxaan shaki ku jirin in ay tallaabadani xasuusin doonto Dawladda Turkiga waxey hore u sheegeen iyo sidoo kale ay ka dheehan karaan dhaliilaha hawlgalkooda Soomaaliya, balse ay ku xirnaan doonto fariintu sida ay u gaarto dowlada Turki-ga.

Dhanka Puntland marka la eegano waxaa hor yaalla in ay isticmaalaan jidka Dublamaasiyadda oo macno u yeeli kara cabashadooda balse hadii arrinku noqdo Madaxweynaha uun ayaa sidaas yiri meel ma gaareyso cabashada shacabka Puntland.

Shacabka Puntland oo raja badan u qabay Taageerada Turkiga

Marka laga yimaado intaasi ayaa waxaa xusid mudan dareenka shacabka Puntland wax weyn ayaa iska bedeli doona ee ku aadan rajadii hore ugu qabeen Turki-gu in uu ahaanayo mid dhex dhexaad ka ah arrimaha Somalia, waxayna noqon doontaa in shacab badan ay kalsoonidii u hayeen Turkey la noqdaan.

Xigasho: Raadraacnews

Daabacaada: Puntlandpost.com

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Kismaayo: Madaxweynaha Jubbaland oo la dooran doono wixii ka danbeeya saddexda beri ee soo socota (Dhageyso Wareysi)

$
0
0

Kismaayo: (pp)- Waxaa maanta lagu xareeyey Jaamacadda Magaalada Kismaayo Odoyaashii soo xuli lahaa ergeyda beelaha ee dooran lahaa Madaxweynaha Maamulka Jubballand State, kuwaas oo %80 la xareeyey sida uu Puntlandpost u sheegey caawa Gudoomiyaha Guddiga Farsamada shirka kismaayo C/qani Axmed jaamac.

Dhegeyso: Waraysiga Puntlandpost ay ka qaaday  Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Shirka Kismaayo

Jubbaland oo ku jirta qaban qaabo doorasho

Jubbaland oo ku jirta qaban qaabo doorasho

C/qani waxa uu sheegey in hadda dhismaha maamulka Jubballand uu marayo marxaladihii ugu danbeyey , iyadoo uu xusey in laga soo gudbey wajigii koowaad iyo kii labaad, ayna harsan yihiin oo kaliya wajigii saddexaad oo noqonaya mid lagu dooranayo Madaxweynaha Jubbaland iyo Midkii Afaraad oo lagu dhameystiri doono dhamaan hay,adihii dowlada sida Baarlamanka iyo Xukumada.

Odoyaasha maanta lagu xareeyey xarunta Jaamacada Kismaayo ayaa la filayaa beri galinka danbe inay guddo galaan qeybsiga xubnaha ergooyinka,oo laga doonayo in ay muddo saddex cisho gudahood kusoo xushaan ergeyda u meteli doonta doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo noqoneysa tirada laga rabo 500 oo xubnood balse hadda la doonayo 485 xubnood inay qeybsadaan odoyaasha beeluhu.

Waxaana uu sheegey inay 15 xubnood oo ka mid ah ergeyga 500 boqol ee Madaxweynaha dooraneysa ay iyagu ka guddi ahaan keyd u dhigteen, si ay ugu xaliyaan wixii buuq ama kiis cabasho oo ka yimaada marka odoyaasha beeluhu soo xulaan 485-ta xubnood.

C/qani Axmed waxa uu intaas ku darey horey beeluhu u haysteen sharciga tilmaamaya sida ay wax u qeysanayaan , kuwaas oo ku qeybsan doono Degmooyinka iyo Gobolada ay kasoo jeedaan, islamarkaana beel walba ama cid walba oo deegaanka ah wixii xaq ay u leedahay aysan cidna duudsiin karin.

Guddiga Farsamada ee Shirka Kismaayo ayuu sheegey C/qani in uu yahay Guddi dhex dhexaad ah oo aanan qofna garabsiineyn ,iyadoo sidoo kalena ay jiraan ilaa 7 guddi oo ka shaqeeya arrimaha shirarka iyo dhismaha maamulka Jubbaland.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Kismaayo.

Kulliyadda Tababarka Macalimiinta GTEC oo lagu soo kordhiyey Waxbarashada Heerka Bachelor-ka,Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)-Maamulka kulliyada tababarka macalimiinta ee GTEC magaalada Garowe ayaa maanta daah furey barnaamij waxbarasho oo heer degree ah oo ay ka faa,iideysan doonaan 100 ardey oo labo sano soo qaatey aqoonta macalinimada, kuwaas oo hadda la doonayo in loo dhameystiro darajada Bachelor-ka .

kasoo qeyb galayaasha

Munaasabad Barnaamijkan maanta loogu sameeyey xarunta GTEC magaalada Garowe ayaa waxaa kasoo qeyb galey Masuuliyiin ka tirsan Wasarada Waxbarashada Puntland, Hay,adda DIAKONIA, Maamulka Kuliyada GTEC, Madaxda Jamacadaha ku yaal Garowe iyo Saraakiil ka socotey Jamacadda Islamic University In Ugandha.

Maamulaha GTEC

Maamulaha GTEC

Maamulaha Kulliyadda GTEC C/raxmaan Shiikh Doon oo ka warbixiyey Cour-sadan cusub ayaa sheegey in barnamaijkan manhajkiisa iyo shahaadadiisa ay fulin doonto Jaamacadda Islamin University In Ugandha oo la kaashaneysa Kuliyadda Tababarka macalimiinta Puntland, iyadoona ay dhanka maaliyada ka taakuleyn doonto Hay,adda DIAKONIA.

Darajada heerka koowaad ee Jaamacadda oo lagu bixinayo Kulliyadda GTEC ayaa lagu bari doonaa ardeyda ka faa,iideysanaysa Macalinimada,isagoona sheegey maamuluhu in uu rajeynayo barnaamijka in uu ahaan doono mid sii socda oo mustaqbalka ay ka faa,iideystaan ardeyda hadda kuliyada wax ka barata.

Kaalinta wasaarada Waxbarashada ayuu ku tilmaamey Mudane C/raxmaan shiikh doon inay kala shaqeysay sharciyeynta iyo hirgalinta barnaamijkan oo ah mid faa,iido u leh qeybaha macalimiinta mustaqbalka la doonayo in ay ka shaqeeyaan Dugsida Puntland ku yaal.

Abdiraxman Geele

Abdiraxman Geele

C/raxmaan Geele Ciise oo ka mid ah Ardeyda ka faa,iideysanaysa barnaamijka oo ku hadlayey magaca ardeyda ayaa sheegey in uu aad ugu faraxsan yahay furitaanka waxbarashada heerka jaamacadeed ee macalinimada la xiriirta, isagoona ku booriyey ardeyda ka qeyb galeysa inaysan dayacin fursada ay heleen.

GTEC ayaa ah mid tababar siisa macalimiinta ,waxaana ka qalan jabiyey mudadii ay shaqeynaysay 1000 ruux ka badan , kuwaas oo hadda qeybtood badan macalimiin ay ka yihiin Dugsiyada Sarre, Dhexe iyo hoose, waxana hirgalinta Kuliyadan ay faa,iido weyn u noqotey Ummada Reer Puntland.

Masuuliyiinta W,Waxbarashada Ardeyda DIAKONIA Masuuliyiinta joogay MunaasabadaMid ka mid Macalimiinta ka socota Islamin University Ugandha Shiikh Maxamud Ardeyda kasoo qeyb galay Ardeyda Waxbarashada qaadaneysaDaawo Sawiro kale oo isla Munaasabada ah

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Garoowe.

MUQDISHO: Midowga Afrika oo dhaleecaysay Dilkii Wariye Maxamed Ibraahim Raage

$
0
0

Muqdisho: (pp)- Wakiilka gaarka ah ee Midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Saleh Alnadif ayaa dhaleeceeyey dilkii Wariye Maxamed Ibraahim Raage oo ka howlgeli jiray Idaacada Radio Muqdisho.

Maxamed Ibraahim Raage

Maxamed Ibraahim Raage

Wariyahan,  ayaa la dilay waqti uu kasoo laabtay shaqada Idaacada , isagoo usoo socday guriga uu ka deganaa magaalada Muqdisho.

Wakiilka gaarha ah ee midowga Afrika ayaa u tacsiyeeyey qoyskii uu ka geeriyooday Wariyuhu , isagoo dhanka kale sheegay in Wariyaha la dilay uu yahay kii 4-aad ee la dilo sanadkan 2013-ka.

Sanadkii hore ee 2012-ka ayaa tirada Wariyeyaasha la dilayay tiro ahaan ay gaarayeen 18 wariye, iyadoo aan loo qaban wax dad ah oo danbiyadaas Lug ku lahaa.

Dhanka kale AMISOM ayaa sheegtay in saxaafadu ay qayb muhim ah  ka qaadato Dimoqraadiyada , loona baahan yahay in la ilaaliyo. Waxayna AMISOM ugu baaqday dowlada Federaalka ee Soomaaliya iyo hay’adaha nabadgelyada inay ka taageerayaan  ka hortaga  weerarada lala beegsanayo Wariyyeyaasha.

Puntlandpost, Muqdisho, Soomaaliya

Ankara: Somalida Wadanka Turki-ga oo ka qeyb gashey bandhig dhaqameed Dalkaasi lagu qabtey,Sawiro.

$
0
0

Ankara : (pp)- Wadanka Turki-ga Magaalo Madaxdiisa Ankara ayaa waxaa lagu qabtey Bandhig dhaqameed ay kasoo qeyb galeen Ardey kala mataleysay Wadamo badan oo adduunka ka tirsan , kuwaas oo kusoo bandhigay cayaaro kala duwan oo la xiriira hidaha iyo dhaqanka qolo waliba wadankeedu leeyahay.

Dadkii kasoo qeyb galeyBandhigan waxaa si wada jir ah usoo qaban qaabiyey Wasaarada Waxbarashada iyo Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha Dowlada Turki-ga, waxaana ujeedkiisu ahaa is dhex-galka iyo barashada dhaqamada kala duwan , sidoo kalena looga gol lahaa qabashada bandhigan sidii dadka Turki-ga loo gaarsiin lahaa dhaqamada kala gedisan ee dunida ka jirra.

Muddo Saddex cisho ayay socotey cayaaraha dhaqanka ee Turki-ga lagu qabtey , waxaana Somalida Turki-ga ku nool uga qeyb galey ardeyda wax ka barata Jaamacadaha Wadanka, Kuwaas oo soo bandhigey hidaha iyo dhaqanka Somalida, islamarkaana goobta kusoo bandhigey ciyaar aad u sareysa oo ay la maqsuudeen dadkii kasoo qeyb galey.

Bandhiga SomalidaWadamada ka qeyb galayey bandhigan intii uu socdey ayaa waxay kala ahaayeen, Libiya, Sudan, Muritaniya, Soomaaliya,Afganistan, Kazakhstan Iyo Indonesia kuwaas oo qolo waliba goobta bandhiga cayaareedka lagu qabanayey kusoo bandhigtey cayaaro dhaqan.

Kulan dhaqameedkan ayaa ah mid sanadle ah oo lagu qabto Wadanka Turki-ga ,Waana sanadkii labaad ee ay ka qeyb galaan Somalida ku nool Dalka Turki-ga, Waxaana soo xirey gabo gabadiisii saraakiil ka tirsan wasaaradaha soo qaban qaabiyey ee kala ah Waxbarashada iyo Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha.

7 Somalida ku nool Turki oo bandhiga joogtey 5 6 Dhalinyarada Ka qeyb galayaasha BandhigaQoraalka iyo Sawiradiisa Puntlandpost waxaa soo gaarsiiyey
Abdulkadir A. Warsame
oo ka mid ah Ardeyda Somalida ee Turki-ga.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com


Bosaso: Dekeda Magaalada Bosaso oo maalmahan laga dareemayo Dhaq dhaqaaq Ganacsi oo xowliya, Sawiro.

$
0
0

Bosaso: (pp)-Markab weyn oo ku xiran dekada magaalada Bosaso ayaa lagu raray 12,600 oo neef oo isugu jira Geel, Ari, iyo Lo, kuwaas oo loo qaadi doono Wadanka Sucuudi-ga, sida uu Saxaafada u sheegey Agaasimaha guud ee Maxjarka Dowliga ee Puntland Maxamed Faarax.

Agaasimaha Maxjarka

Agaasimaha Maxjarka

Maxamed Faarax waxa uu sheegey in dekeda uu ka jiro dhaq dhaqdhaqaaq ganacsi midkii ugu xooganaa oo laga dareemayo maalmahan , isagoona sheegey agaasimuhu in xoolahan hadda ay yihiin kuwo lasoo marsiiyey ka hor intii aan la rarin Maxjarka Bosaso ku yaal.

Agaasimaha Wuxuu ku booriyay Dadka reer Guuraaga ah inay muhiimad gaara siiyaan dhaqashada Xoolaha,xilli buu yiri ay jirto dad badan oo xoolo dhaqata ahaa oo mudooyinkii ugu danbeeyey kusoo qul qulaya ama kusoo xaroonaya gudaha Magaalooyinka.

Geela dhoofaya

Geela dhoofaya

Dhaq dhaqaaqa Ganacsi ee laga dareemayo Dekeda Magaalada Bosaso ayaa lagu sababeyn karaa labo arrimood oo la xiriir ka dib markii dhawaan Dowlada Puntland ay qiimo dhimis ku sameysay canshuurta xoolaha laga qadi jirrey, waa tan labaad ka dib markii dhawaan Madaxweynaha Puntland uu joojiyey doonyo shidaalka ka keeni jirrey Yemen, kuwaas oo sida la sheegey saameyn ku yeeshey Doonyihii Ganacsiga kala duwan ka keeni jirrey wadanka Imaaraadka Carabta.

Dekeda

Dekeda

Rarida Xoolaha

Rarida Xoolaha

 

Markabka

Markabka

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Bosaaso.

Muqdisho: Baarlamanka Somalia oo ka shiraya DIfaaca Suxufiyiinta Gudaha Somalia.

$
0
0

Muqdisho: (pp)- Mudanayaasha Baarlamanka Soomaalia ayaa ku baaqey in difaac Adag loo sameeyo saxafiyiinta Sooomaaliyeed ee ka hawl-gala gudaha wadanka , kuwaas oo saameyn xoogan ku yeesheen dilalka qorsheysan ee loo geysanayo.

Kalfadhigii baarlamanka Dowlada Federaalku ku yeesheen maalintii shalay magaalada Muqdisho ayaa xillibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil uu kaga dalbadey Dowlada Somalia , Maamulada ka jirra gudaha wadanka iyo qeybaha bulshada inay difaac suxufiyiintu ka helaan.

Mudane Xoosh ayaa cambaareeyey dilkii ugu danbeeyey ee Muqdisho loogu geystey maalin ka hor Alle ha u naxariistee Wariye Maxamed Ibraahim Raage oo ka howl-gali jirrey Raadiyaha iyo TV-ga Dowlada.

Waxaana gabo gabadii fadhiga baarlamanka uu gudoomiyaha baarlamanku ka dalbadey Guddiga Warfaafinta iyo Xuquuqul insaanka ee Baarlamanka Somalia inay kasoo arrinsadaan qaabka Dowladu u difaaci kareyso Suxufiyiinta.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.

Garoowe : Puntland oo laga daahfurey ololaha maalmaha talaalka caruurta, sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed ayaa maanta furey ololaha maalmaha talaalka caruurta oo ka bilaabmey deegaanada Puntland.

Kasoo qeyb galayaashii

Munaasabad maanta lagu qabtey xarunta wasaarada caafimaadka magaalada Garoowe ayaa waxaa kasoo qeyb galey Xubno ka tirsan labada gole ee dowlada Puntland,Wakiilo ka socdey hay,addaha Unicef ,WHO,Ardeyda dhigata caafimaadka, iyo qeybo kala duwan oo ka tirsan bulshada.

Daahfurka barnaamijkan ayaa looga faa,iideysan doonaa talaalka cudurada kala ah

Gawracatada,Kojiyaha,Xiiq dheerta iyo talaalka cudurada soo kordhey ee maskax garaadka,oof wareenka iyo cagaarshowga.

Madaxweynaha iyo Agaasimaha Caafimaadka

Madaxweynaha iyo Agaasimaha Caafimaadka

Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka C/risaaq Xirsi Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyey talaalkan ka bilowday deegaanada Puntland, wuxuuna sheegey in wasaarada caafimaadku sanadihii lasoo dhaafey ku mashquulsaneyd dhameystirka dhowr qodob oo kala ah.

Siyaasada caafimaadka Puntland.
Siyaasada Daawooyinka Puntland.
Siyaasada fayo dhowrka Puntland.

C/risaaq ayaa sheegey in dhamaan qodobadaasi la dhameystirey sanadkii lasoo dhaafey islamarkaana ay jiraan qorshayaal cusub oo lagu hormarinayo caafimaadka Puntland oo sanadka soo socda wasaaradu hir galin doonto.

Munaasabad oo aheyd mid ay soo camireen qeybo kala duwan oo ka tirsan martidii kasoo qeyb gashey ayaa lagu soo bandhigey fariimo ku saabsan talaalida ubadka soo koraya , kuwaas oo fariimo loogu direy waalidiintu inay uga faa,iideeyaan caruurtooda.

Madaxweynaha iyo Agaasimaha iyo Ilmo yar

Madaxweynaha Dowlada Puntland oo hadalka soo xirey ayaa sheegey in Puntland horumarin caafimaad oo kala duwan laga fuliyey , islamarkaana wuxuu ka hadley madaxweynuhu ahmiyada uu u leeyahay talaalku ubadka soo koraya.

Mudane Faroole waxa uu sheegey in ay tahay kala duwanaansho weyn marka loo eego taariikho horre sida caafimaadku uu ahaan jirrey, wuxuuna fariin u direy faroole dhamaan bahda caafimaadku inay kordhiyaan xirfadahooda.

Gabo gabadii munaasabada ayuu Madaxweynuhu wuxuu xariga ka jarey qeybta keyda daawooyinka Puntland oo laga hirgaliyey wasaarada caafimaadka xarunteeda Garowe.

Madaxweynaha oo xariga ka jaraya Keyda wasarada cafimadka

Madaxweynaha oo xariga ka jaraya Keyda wasarada cafimadka

Waxaana xarunta loogu talo galey keydka daawooyinka Puntland dhex-yiilay agabyo caafimaad oo loogu diyaariyey isbitaalada iyo goobaha caafimaadka ee Dowladu maamusho oo ay u noqon doonto keyd.

 Xillibaanada kasoo qeyb galey Wakiilka Unicef iyo Madaxweynaha Unicef Qeybta Keydka Madaxweynaha oo dhex taagan Keyda Wasarada Madaxweynaha ,Wasiirka, AgaasimahaNagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.

ADDIS ABABA: Raiisal wasaaraha DF ee Ethiopia oo shaaca ka qaaday in ciidamadiisa uu kala baxayo Soomaaliya

$
0
0

Addis Ababa: (pp)- Raiisal wasaaraha DF ee Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadiisa uu kala baxayo Soomaaliya, isagoo sheegay in sababta ay ula baxayaan ciidamadooda ay ugu wacan tahay daahitaanka ka imaanaya dhanka Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Soomaaliya oo la doonayey in ay la wareegaan fariisimaha ciidamada Ethiopia ay kaga sugan yihiin koonfurta Soomaaliya.

Raiisal wasaaraha Federaalka Ehiopia Hailemariam Desalegn

Raiisal wasaaraha Federaalka Ehiopia Hailemariam Desalegn

Raiisal wasaaraha ayaan sheegin waqti cayiman oo taariikhaysan oo ay ciidamada Ethiopia ay kaga baxayaan Soomaaliya, laakiinse sheegay in si deg deg ah ay ciidamada Ethiopia uga baxayaan Soomaaliya.

Dadka siyaasada Soomaaliya ka faalooda ayaa sheegaya in dowlada Ethiopia iyo Madaxweynaha DF ee Soomaaliya is fahan waa u dhaxeeya  darteed ay Ethiopia ugala baxayso ciidamadeeda deegaanada koonfureed ee Soomaaliya, arrinkaas oo dhabarjab ku ah DF ee Soomaaliya , hadii Ethiopia ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya siiba  qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo Deegaanada Bay bakool & Gedo.

Puntlandpost, Addis Ababa, Ethiopia

 

 

MUQDISHO: R.W.oo maanta kormeeray xarumaha tababarka ciidamada iyo Wasaaraddo (Sawiro)

$
0
0

Muqdisho: (pp)- Ra’iisal Wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta kormeeray qeybo ka mid ah xarumaha tababarka ciidamada, iyo goobo kale, sida, Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, Dugsiga Tababarka ee Jenenar Kaahiye (Ex. Iskola Bolisiya), Xerada Jazeera, taliska Ciidanka nabadsugida Qaranka, taliska Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed, xarunta maamulka gobolka Banaadir, iyo Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta.

Saacid oo booqday Wasaarado iyo Xarrumo

Saacid oo booqday Wasaarado iyo Xarrumo

Ra’iisal Wasaaraha ayaa kormeerkiisan waxaa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Gaashagga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, Wasiir kuxigeenada Warfaafinta, Cabdishakuur Cali iyo Mire, Ibraahim Yarow Isaaq, iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi Indha-qarsho.

IMG_6948Ra’iisal Wasaaraha ayaa ugu horeyntii kormeerkiisa ka bilaabay xarunta Wasaaradda Gaashaandhgga, isaga oo halkaasi kula hadlay boqolaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka kuwaasoo tababar ku soo qaatay dalka Yugandha, isla markaana la siinayay casharo dheeraad ah oo ku aadan wadaniyadda, difaaca Qaranka iyo adaabta ciidanka.

“Booqashada aan saaka idiinkugu nimid waxay qeyb ka tahay dhiiragelinta ciidanka Qaranka, waxaana idiin cadeynayaa inaad tihiin rajada dawladnimada iyo dib u soo celinta qaranimada Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Saacid oo xusay in marxaladda adag ee maanta la marayo in ay laf dhabar u yihiin sidii looga bixi lahaa.

“Weerarkii bahalnimada ahaa ee lagu qaaday xarunta maxkamadda, waxay qatar weyn gelisay jiritaanka ummadda, waxaana idiinkaga fadhinaa inaad ka hortagtaan falalkaas iyo kuwa la midka ah” ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaaruhu isagoo tilmaamay in falalka caddowgu aysan la leexin doonin dariiqa saxda ah iyo dib u soo celinta sharafkii iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed.

IMG_6971Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha iyo xubnaha wasiirada ah ee la socday ayaa tegay xarunta tababarka ciidanka ee Jeneral Kaahiye, waxaana halkaasi ku sugnaa ciidamada Birmadka kuwaasoo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti.

“Runtii wey I farxad gelisay sida aad u diyaarsan tihiin, diyaarkana ugu tihiin inaad naftiina u hurtaan difaaca iyo sugida amniga dalkiina, waxaana la idiinkaga fadhiyaa inaad xasilisaan Muqdisho, kana sifeysaan argagixisada shacabka leyneysa” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo intaasi sii raaciyay “Waa inaad kooxahaas nabaddiidka ah aad ka dhigtaan kuwo malahoodak u hungooba.

Intaasi kadib, Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa kormeerkiisan ku tegay Xerada tababarka ciidanka ee Jaziira, halkaasoo ay tababar ku qaadanayaan ciidamo gaaraya kun Askari, waxaana tababarkan bixinaya saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo muddo saddex bilood ah uga soconayo tababarkan.

“Sababta aan idiin soo booqanay iyadoo weli tababarku idiin socdo, waxa weeye sida aad muhiimad noogu leedihiin, aana idiinku hanweynahay, waxaana la idinka doonayaa inaad noqotaan ciidan dhab ah oo shacabkiisa difaaca” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo kula dardaarmay in ay ka hortagaan caddowga shacabka dhibaateynaya.

IMG_7031Ra’iisal Wasaare Cabdi Faara Shirdoon ayaa sidoo kale, kormeeray xarunta gobolka Banaadir oo saldhig u ah hay’addo kala duwan ka tirsan dawladda,waxaana halkaasi uu warbixin uga dhegeystay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan isaga oo uga warbixiyay howlaha maamulkiisu ku howlan yahay iyo bilic soo celinta magaalada.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa kormeeray xarunta ciidanka Nabadsugida Qaranka, isaga oo bogaadiyay howlaha ay u hayaan ummadda, wuxuuna kula dardaarmay in amniga Qaranka uu ku xiranyahay sida ay u helaan xogaha caddowga isla markaana looga hortago falalka ay shacabka ku gumaadayaan.

Ugu dambeyntiina Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa kormeerkiisa ku tegay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, halkaasoo uu kula kulmay dhamaamba shaqaalaha Wasaaradda iyo kuwa Warbaahinta Qaranka, isaga oo uga tacsiyadeeyey geerida alle u naxariistee Wariye Maxamed Ibraahim Raagge oo ay maalintii Axada ay koox dhagar qabayaal ahi ku toogteen gurigiisa oo ku yaala degmada Dharkinley ee magaalada Muqdisho.

IMG_7037“Waxaan maanta idiinku imid inaan idinla qeybsado tiiraanyada iyo tacsida wariye Maxamed Ibraahim Raagge oo ahaa geesi naftiisa u huray Qarankiisa” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha oo ku booriyay shaqaalaha warbaahinta Qaranku in aysan ka niyad jabin dhagarta caddowga basle ay sii laban laabaan howlahooda Qaran, si loo cirib tiro argagixisada.

IMG_7100Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in howsha warbaahinta Qaranku ay tahay howl muhiimad gaar ah u leh shacabka iyo dawladnimada, isaga oo tilmaamay in cadowgana ay uga darantahay Rasaasta Qoriga, maadaama ay daqiiqadiiba gaarsiinayaan malaayiin qof dhagarta ay shacabka u geysanayaan argagixisada, “Qoriga kaliya lagulama dagaalamayo argagixisada ee waxaa qeybta ugu muhiimsan oo lagula dagaalamo ka mid ah warbaahinta, gaar ahaana mida Qaranka, oo muujineysa guul darada caddowga” ayuu yiri ugu dambeyntiina Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Isha Warkan: Xafiiska Raiisal wasaaraha DF

KISMAAYO: Amaanka Kismaayo oo la adkeeyey iyo Doorasho deg deg ah oo la gelayo (Warbixin)

$
0
0

Kismaayo: (pp)- Magaalada Kismaayo ayaa guddaheeda laga dareemayaa Amaanka oo aad loo adkeeyey , iyadoo jidadka muhiimka ah ee magaalada soo gala ay taagan yihiin Ciidamada AMISOM ee Kenya iyo kuwa Soomaaliya, kuwaas oo si fiican isugu diyaariyey sugida amaanka ee waqtiga doorashada.

Kismaayo oo amaankeeda la adkeeyey...

Kismaayo oo amaankeeda la adkeeyey…

Waxaa kaloo magaalada Kismaayo ka socda abaabul siyaasadeed oo musharaxiinta u taagan madaxweynimada Jubbaland ay ku xod xodanayaan Isimada Soomaaliyeed ee ergooyinkooda u codaynayaan Madaxweynaha mustaqbalka ee Jubbaland.

Doorasho deg deg ayaa la filayaa maalmaha soo socda inay ka dhacdo guddaha magaalada Kismaayo, Doorashadaas oo illaa hadda aan Saxaafada loo soo bandhidin , waxaase warar Puntlandpost soo gaaraya ay seegayaaan in doorashadu ay dhacayso maalinka Sabtida.

Shacabka magaalada Kismaayo iyo ka caam ahaan deegaanada Jubbaland ayaa laga dareemayaa hadal haynta shaqsiga hogaamin doona Jubbaland, iyadoo la saadaalinaayo in doorashadaas uu kusoo baxayo Sheekh Maxamed Islaam (Madoobe) oo illaa hadda ugu cad cad siyaasiyiinta u sharaxan Jagada Mataxtinimada Jubbaland.

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland

 

 

 

ADRA: INVITATION TO TENDER IN PUNTLAND


Garoowe: Xuska Maalinta Cudurka Malaariyada oo maanta Lagu qabtey Magaalda Garowe, Sawiro.

$
0
0

Garowe:(pp)- Xuska maalinta Malaariyada Adduunka ayaa maanta lagu qabtey Xarunta wasaarada Caafimaadka Puntland,waxaana kasoo qeyb galey masuuliyiinta wasaarada Caafimaadka, Wakiilo ka tirsan hay,addaha UNICEF, WHO iyo Ardey dhigata machadka caafimaadka ee Xaaji Cabdi magaalada Garowe.

Waaxda Malaariyada

Waaxda Malaariyada

Xuska maalintan oo ay soo qaban qaabisey waaxda wasarada u qaabilsan cudurka Malaariyada, ayaa inta badan hay,addaha ka shaqeeya caafimaadka ay kaga faa,iideystaan inay fariimo u diraan bulshada oo ku aadan khatarta cudurka kaneecada .

Shiikh Cali

Shiikh Cali

Shiikh Cali Cabdi oo ah Madaxa Cudurada Faafa ee Hay,adda WHO oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashey xaflada ayaa ku booriyey bulshada inay kalluun ku beeraan biyaha berkadaha lagu keydsado, isagoo sheegey in kalluunku uu ka hortag u yahay kaneecada ugxanteeda oo biyaha ku dhex abuurmata.

Dhanka kale Wasiiirka wasaarada Caafimaadka Puntland Dr Cali Cabdulaahi Warsame oo ku hadlaya magaca bahda caafimaadka Puntland ayaa ugu baaqey bulshada reer Puntland in lagu yareyn karo khatarta cudurkan dariiqa ku haboon oo loo maro daaweyntiisa iyo ka hor tagiisa.

Wasiirka Cafimadka

Wasiirka Cafimadka

“Wasaaradu waxay goobo caafimaad oo ku yaal deegaanada Puntland ku diyaarisey daawada maleyriyada iyo baaritaankeeda, midaas oo lacag la,aan ah , marka waxan u sheegayaa bulshada inaysan goobaha gaarka loo leeyahay aadin oo ay yimaadaan goobaha wasaaradu bulshadeeda u diyaarisey oo ah kuwo lacag la,aan ah”ayuu yiri wasiirku.

Dr Cali Abdulaahi Warsame waxa uu sheegey in uu khatar ku hayo cudurka maleyriyada bulsho faro badan, islamarkaana meelaha qeybtood oo aan horey looga heli jirin ay kasoo gaarayaan warbixino sheegaya in laga helayo xilliyadii ugu danbeeyey.

“Hadda Bosaso oo kale lagama aqoon cudurka malaariyada laakiin mudooyinkii danbe waa laga helay , midaasna waxaa sabab u ah labo arrimood ayaan oran karnaa , Baabuurta Qudaarta ka keenta Koonfur oo iyaga oo aan la buufin gudaha magaalooyinka u galaya, iyo Isu socodka dadka oo iyana la sheegayo inay qeyb ka tahay”ayuu mar kale carabka ku dhugtey wasiirku.

Ugu danbeyntii Wasiirku wuxuu fariin u direy bulshada oo ku aadan inay wasarada iyo shaqaalaha caafimaadka la soo socodsiiyaan cudurkan goobaha ay ku arkaan , si wasaaradu u gudato waajibkeeda ka saaran bulshada ee ku aadan ka hortag iyo daaweyn.

Ardeyda joogtey xuska Ardeyda caafimaadka Xuska UNICEF Masuuliyiinta kasoo qeyb gashey Kasoo qeyb galayaasha Ardeyda Xaaji CabdiNagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Garoowe.

War deg deg ah: Shirqool lagu fashiley Bada Kismaayo, Saraakiil iyo ciidan laga soo diray Muqdisho

$
0
0

Kismaayo: Bada magaalada Kismaayo ayaa lagu qabtay saraakiil uu ku jiro Col. Barre Hiiraale iyo xoogaa Maleeshiyo oo la socday, kuwaas oo gacanta lagu soo dhigay , loona gudbiyey ciidamada Kenya ee AMISOM

Maleeyida la socotay col. Bare Hiiraale Ayaan la xaqiijin tiradooda inta ay yihiin, waxaase wararka Puntlandpost ay heshay sheegayaan inay Doon ka soo raaceen Magaalada Marka ee gobolka shabeelada hoose.

Arrinkaan Ayaan la fishiliyey kaadib markii maalmihii u danbeeyey la adkeeyey ammaanka Magaalada kismaayo, iyadoo maalmaha soo socda Lagu Wado in la Doorto Madaxweynaha maamul goboleedka jubbaland State.

Arrinkaan la fishiliyey Ayaan la xaqiijiyey in lags soo abaabulay Magaalada Muqdisho, si wax Maamul ah uga hanaqaadin deegaanada jubbooyinka.

Warka oo Faah-faahsan kala soco puntlandpost.com

Muqdisho: 22 sano ka dib safaarada Ingiriiska oo dib looga furey Wadanka Somalia, Sawiro.

$
0
0

Muqdisho: (pp)- Xog-haya Arrimaha Dibbada Dowlada Ingiriiska William Hague oo maanta safar ku tagey magaalada Muqdisho ayaa furey Safaaradii UK ee Muqdisho 22 sano kadib,isagoona jariga si rasmiya uga jarey safaarada.

Calanka Safaarada oo la taagey

Calanka Safaarada oo la taagey

William Hague oo ka hadley furitaankii Safaaradda ayaa sheegey inay farxad weyn u tahay ka dib 22 sano oo kasoo wareegtey markii la daad gureeyey shaqaalihii, diblumaasiyiintii UK ee joogey Muqdisho in maanta dib calankii Safaarada loo taago.

Inkastoo ay jiraan caqabo waaweyn oo wali hortaagan wadanka Somalia ayaa haddana la oran waxa ka jira isbedel xaga diblumaasiyada caalamka, Ma ahan in dadaalka la gaarey u aragno khiyaali ayuu yiri Hague.

Madaxda Dowlada Somalia oo kula kulmey Waftiga Dowlada Ingiriiska Airport magaalada Muqdisho ayaa waxay u sheegeen Kulankooda ka dib inay ka wada hadleen dhowr qodob oo ay ka mid tahay sidii wada shaqeynta labada dhinac usii kordhi lahayd ,

Ra,iisal wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon oo wariyaasha la hadlayey ayaa dhanka kale sheegey inay ka wada hadleen Xog-hayaha arrimaha dibbada Britian shirka dhawaan ka dhici doona London ee Somalida loo qaban doono, wuxuna sheegey inuu ku rajo weyn yahay shirkaasi.

Furitaanka Safaaradan ayaa lagu micneyn karaa inay qeyb ka noqon kareyso hirgalitaanka beesha caalamka balan-qaadyadii ay u sameeyeen Somalia , kuwaas oo sheegey inay si rasmiya ula shaqeyn doonaan DF , ka dib markii Ummada Somaliyed kasoo gudubtey KMG-nimada.

Saraakiil britian oo calanka Ingiriiska Sureysa

Saraakiil britian oo calanka Ingiriiska Sureysa

Madaxweynaha iyo Waftiga Ingiriiska

Madaxweynaha iyo Waftiga Ingiriiska

Xasan Shiikh iyo William Hag

Xasan Shiikh iyo William Hag

Calaamada Safaarada

Calaamada Safaarada

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Muqdisho.

 

KISMAAYO: Odoyaasha Kismaayo oo qorsheynaya inay la kulmaan barre hiiraale (Wareysi Cod)

$
0
0

Kismaayo: (pp)- Dareenka magaalada kismaayo ayaa ka bedelan sidii horre waxaana jirta aragtiyo kala duwan oo qeybaha bulshada Jubbooyinku ay ka bixinayaan Hogaamiye kooxeed ka tirsanaan jiray Dooxadii Jubba oo ku dhawaad 10 sano soo maamuli jirrey Kismaayo oo si kedis ah dhinaca badda uga soo galey Magaaladaasi.

Dhegeyso: Waraysi Puntlandpost ay la yeelatay Nabadoon Bashiir Dhegaweyne

Barre Hiiraale

Barre Hiiraale

Ka dib markii laga war helay joogitaanka Barre ee Kismaayo ayaa Warbaahinta Somalidu oo soo xiganaya ilo kala duwan ay baahiyeen in la xirey , in lagu amrey Magaalada inuu ka baxo iyo Arrimo kale.

Haddaba si aanu xog dhab ah uga helno imaan-shiyaha Barre Hiiraale ee Kismaayo oo noqotey mid xasaasiyad abuurtey ayaanu la xiriirney ilo kala duwan oo lagu kalsoonaan karro, waxayna noo xaqiijiyeen in Col Barre Hiiraale wali uu ku sugan yahay Magaalada, ilaa iyo haddana uusan la kulmin, Maamulka KMG Kismayo, Saraakiisha AMISOM iyo Odoyaasha.

Barre ayaa magaalada lasoo galey maleyshiyo hubeysan oo tiradooda naloo ku sheegey in ay gaareyso 80, halka ciidamo ka badan 200 oo ka mid ah taageerayaashiisa ay horey u galeen magaalada.

Mid ka mid ah Odoyaasha ku xareysan Jamacada Kismaayo ee Xulaya Ergooyinka dooranaya Madaxweynaha Maamulka Juballand oo Shabakada Wararka Puntlandpost la xiriirtey ayaanu wax ka weydiiney , Imaanshiyaha Barre, Jawiga , iyo dib u dhaca ku yimid xulista Ergadii oo wali aan odoyaasha kasoo dhamaan.

Nabadoonkan oo lagu magacaabo Bashiir Dhagaweyne ayaa wariye Abshir Abdulahi oo ka tirsan Warbaahiyaha Puntlandpost wuxuu la yeeshey wareysi ku saabsan arrimaha aanu qoraalka kaga soo hadalney.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost, Kismaayo , Jubbaland

Alshabab oo dagaal ka dhex dhashay ka dib dhaawacii Al-Amriiki.

$
0
0

Wararka aanu ka helayno deegaan la yiraahdo Raama-caddey oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeya kooxo ka wada tirsan Alshabab , kuwaas oo la sheegey inay isku khilaafeen weerar shalay lagu qaadey sarkaal ajnabi ah oo ka tirsan kooxdaasi oo alshabab dhexdeeda laga weerarey.

Labo qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhimatay dagaalka ka dhex dhacay alshabab, waxaana dagaalku uu dhex marey labo dhinac oo kala taageersan Abuu Mansuur Al-Amriiki iyo Horjoogaha ugu sarreeya maleyshiyada oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Godane.

mid ka mid ah sawiradii uu galiyey twitter-ka

mid ka mid ah sawiradii uu galiyey twitter-ka

Abuu Mansuur Al-amiiriki oo ka mid ah xubnaha ajnabiga ee ka barbar dagaalama kooxda alshabab ayaa ka bad baadey galinkii danbe ee shalay weerar uga yimid gudaha alshabab oo la rabey in lagu khaarajiyo, waxaana dhacdaasi alshabab ka dhex dhalisey muran xoogan.

Deegaanka Raama Caddey oo ah mid hoos taga Degmada Qansax dheere ee Gobolka Baay ayaa la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin horjoogayaal sar sarre oo ka tirsan Alshabab.

Abuu mansuur Al-amiiriki oo ah nin asal ahaan kasoo jeeda Gobolka Alabama ee dalka Mareykanka ayaa soo galiyey bogga xiriirka bulshada ee Twitter qoraalo iyo sawiro muujinaya in maleyshiyaad ka tirsan alshabab ay dhaawac u geysteen, xilli ay doonayeen inay dilaan, sidoo kale uu jirro weerar isaga iyo taageerayaashiisa ka dhan ah oo uu amray horjooge Godane.

Nagala soo xiriir :  Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

Viewing all 22733 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>