Garowe(pp) waxaa goor dhawayd soo dhamaatay xafladii lagu caleemo saarayay madaxda cusub ee dowladda Puntland,iyadoona xafladu ay ahayd mid taariikhi ah oo nooceeda aan wali soo marin Puntland.
Madax kala duwan ayaa khudbado soo jeediyay dhamaantood waxay ammaaneen hormarka iyo ammaanka iyo isku filnaashaha ay gaartay Puntland mudadii ay jirtay.
Madaxwaynayaasha Jubba,Galmudug iyo Ximan iyo xeeb ayaa ka mid ahaa dadkii boggaadiyay madaxwaynaha cusub ee dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Madaxwaynihii hore ee Puntland oo hadlay ayaa soo dhaweeyay madaxwaynaha cusub wuxuna tilmaamay inuu la shaqayn doono uuna nasiib badan yahay.
Dr.Cabdiwali Gaas oo hadlay ayaa sheegay Puntland inay diyaar u tahay inay soo dhawayso cid kasta oo ganacsi la samaynaysa,ayna xili kasta u taagan yihiin ka shaqaynta hormarka iyo midnimada.
Xafladda ayaa ahayd mid aan loo kala harin,waxana ka muuqatay madaxdii hore ee Puntland dareen wanaagsan oo ay wadaniyadi ku dheehan tahay.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe