Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Bosaaso:Ciidanka Puntland oo howlgal ku dilay saddex ka tirsan Alshababka Buuraha Galgala(Dhagayso)

$
0
0

Ciidanka ammaanka dowladda Puntland oo saakadii hore howlgal dagaal ka fuliyay buuraha Galgala ayaa la sheegayaa inay saddex shabab ka tirsan ku dilleen todobo kalena ay ku dhaawacmeen sida uu saxaafada goor dhawayd u sheegay wasiirka Amniga.

Ku simaha wasiirka AmnigaKu simaha wasiirka Amniga Dowladda Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay inay ka war helleen kooxda shabab inay is aruursi ka bilaabeen ay sababtay inay dagaal ku qaadaan gacantana ay kaga dhigeen deegaanadii ay horay u joogeen,wuxuna sheegay ciidanku inay hadda wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan sidii gacanta loogu dhigi lahaa haraadigooda oo xaafadaha Galgala ku dhuumaalaysanaya.

Hal askari ayuu sheegay inuu dagaalkaasi kaga dhintay balse ay sii wadi doonaan howlgalada noocaan oo kale ah oo lagu sifaynayo kooxda alshabab.wuxuna hadalkiisa ku daray shacabka la’aantood inaan la shaqayn karin.

Khaliif Ciise ayaa la waydiiyay xiliga ay howlgalkan soo afjarayaan,wuxuna sheegay inay wadi doonaan inta laga baabi’inayo kooxda Shabab oo mudo ka badan 3-sano ka dagaalamaysay buurahaasi.

Dagaalkan ay ciidanka ku qaadeen alshabab-ta Galgalaya ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili madaxwaynaha Puntland uu sheegay inay cafis u fidin doonaan dhalinyaradda la qalday haddii ay dib usoo laabtaan.

 


Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe

Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>