Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Axmed Madoobe iyo wafdigii la socday oo saakay ka duulay magalada Garowe(Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Waxaa saakay magalada Garowe xarunta dowladda Puntland ka dhoofay wafdigii uu hoggaaminayay madaxwaynaha mamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan(A.Madoobe) oo ka qayb galay xaflada caleemo saarka madaxda Puntland.

IMG_4870Garoonka diyaaradaha magalada Garowe waxaa kusii sagootiyay madaxwaynaha Puntnad Dr.Cabdiwali Cali Gaas ku xigeenkiisa Cabdilaahi Xaaji Camey iyo wasiiradii hore iyo dadwayne kale.

IMG_4884Axmed Madoobe oo hadlay ayaa u mahad celiyay madaxda Puntland iyo dhamaan shacabka sidii wanaagsanayd ee caasumadda loogu soo dhaweeyay,wuxuna sheegay Puntland iyo Jubba inay yihin dad walaalo ah oo jecel ka shaqaynta midnimadda iyo hormarka dalka.

IMG_4889Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali(Gaas) ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin madaxda Jubba kasoo qayb galka xafladooda caleema saarka,wuxuna sheegay inay wax badan oo u dhaxeeya labada dhinac kasii wada shaqayn doonaan.

IMG_4865Sallaan sharaf ayay ka qaateen ciidanka qalabka sida ee Puntland.

IMG_4896Dowladda Puntland ayaa qayb wayn ka qaadatay dhismihii mamulka Jubba,sidoo kale waxay gurmad caafimaad u fidisay dadkii ku dhaawacmay dagaaladii Kismaayo ka dhacay xiligii ay socotay dhismaha mamulka Jubbaland.

IMG_4891

IMG_4885 IMG_4888 IMG_4881 IMG_4880 IMG_4876 IMG_4875 IMG_4874 IMG_4873 IMG_4871 IMG_4870 IMG_4863 IMG_4861 IMG_4860 IMG_4859 IMG_4858 IMG_4857 IMG_4855 IMG_4854 IMG_4852 IMG_4851 IMG_4848 IMG_4845 IMG_4844 IMG_4838 IMG_4836

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>