Garowe(pp) Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa maantey madaxtooyada shir kula yeeshay wafdi ka socda Midowga Yurub.
Wafdigaan uu la kulmay Dr.Gaas waxaa horkacayay Safiirka Midowga Yurub ee arrimaha Somalia ninka la yiraahdo Michele Cervone,waxayna labada dhinac kulankooda uga hadleen arrimo badan oo salka ku haya xiriirka Puntland iyo EU iyo dardar galinta howlo hormarineed oo ay Puntland EU ka wadeen.
Safiirka EU ee Somalia waxaa la socday oo kulanka ku weheliyay safiirka Talyaaniga Andrea Mazzela, wakiilo ka socday safaaradaha Sweden, Norwey, UK iyo weliba masuuliyiin ka tirsan Midowga Yurub.
Madaxwayne Gaas ayaa sheegay inuu sii xoojin doono wada shaqaynta ay Puntland la lee dahay beesha caalamka.
Waa kulankii labaad uu madaxwaynaha Puntland Garowe kula yeesho wafdi heer caalami ah,iyadoona wali Gaas laga sugayo ku dhawaaqista gollaha wasiiradda.
Sawirradda Xafiiska madaxwaynaha
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe