Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Gollaha sare ee Hay’adda Wadooyinka Puntland oo mar kale kulmay(Sawirro&Dhagaysi)

$
0
0

Garowe(pp) Waxaa maantay xarunta Hay’adda wadooyinka Dowladda Puntland ee Garowe ka furmay shirkii labaad ee ay yeeshaan guddiga sare ee hay’adda PHA,ee uu magacaabay madaxwaynihii hore ee Pl Mudane CabdiRaxmaan Shiikh Maxamed Farole.

Shirkan waxaa kasoo qayb galay ku simaa wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka,agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo xubnaha Guddiga BAD-ka ee Hay’adda NESHA.

DSC03625Ugu horayntii waxaa kulankaasi ka hadlay Agaasimaha Hay’adda Nesha Maxamuud Cabdinuur Aadan oo sheegay ahmiyada kowaad ee kulankaani inuu yahay sidii guddiga sare ee Hay’adda ay isaga dhex dooran lahaayeen mamulka sare,si howlaha hay’adda horyaala loo qabto sanadkan.

DSC03595Maxamuud Cabdinuur waxa uu sheegay inay horyaalaan shaqooyin badan oo ay ka mid tahay diyaarinta xeerka xadiga xamuulka dulmaraya wadada dheer ee isku xirta Puntland,ansixinta shaqooyinka 2014-iyo la xisaabtanka shaqooyinkii ay Hay’addu qabatay sanadkii tagay ee 2013-ka,waxa kale uu sheegay Maxamuud Beesha caalamka inay ku xirtay dhismaha guddiga sare ee Hay’adda si loo helo qorshe cad oo lagu wada shaqeeyo.

DSC03605Masuulkan ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay maalmaha soo socda guddiga sare inay iska dhex dooran doonaan gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa si loo anbo qaado howlaha baaxada leh ee horyaala.

DSC03599Ku simaha wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland Eng.Daahir Xaaji Khaliif ayaa sheegay inay muhiim tahay dayactirka wadooyinka Puntland oo qaarkood ay bur bur baahsan la kulmeen wixii ka danbeeyay dowladdii Jaalle Siyaad Barre,guddiga sare ee BAD-ka iyo shaqalaha kale ee Hay’adda ayuu sheegay in looga baahan yahay inay wada shaqayn hufani dhexmarto si howsha loo wada qabto.

DSC03625Maalmaha soo socda ayaa guddigu waxa uu dooran doonaa hoggaankoodii.

Wadooyinka Puntland ayaa qaarkood u baahan dayactir iyo dib u habayn,waxayna ka mid yihiin wadooyinka laf-dhabarka isku socodka Gaadiidka iyo Ganacsiga Puntland.

wado

 

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>