KU: DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYA
KU: ISIMADA DAAROOD IYO KUWA DEEGAANADA PUNTLAND
KU DOWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND
KA: REER BOQOR MUUSE YUUSUF BOQOR CISMAAN
BISMISILAAHI RAXMAANI RAXIIM
Anagoo ah qoyska reer Boqor Muuse Yusuf Boqor Cismaan waxaan ku wargelineynaa Isimada beelaha Daarood iyo Dowlada Federaalaka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntland inuu jiro khilaaf ka yimid xulistii boqorka beelaha Daarood, kadib markii aan sidii wadadii soo jireenka iyo dhaqanka waafaqsaneyd la raacin.
Waxaan ogeysiinaynaa isimada beelaha Daarood iyo golayaasha madax dhaqameedka Soomaliyeed meelwalba oo ay joogaan in markii loo fariistay gogoshii xulista Boqorka beelaha Daarood ee bedeli lahaa Boqorkii udanbeeyay ee lagu aasay magaalada Qardho 07.07.2013 Boqor C/laahi Boqor Muuse (King Kong) ay shirar labo maalmood usocday reer Yusuf Cismaan oo ah jifida hoose ee Bahdir ee uu ka dhashay boqorka ay go’aan ku gaareen in qoyska reer Boqor Muuse loo daayo inay kasoo baaraan degaan xulista iyo soo magacaabista qofkii qaban lahaa xilka boqortooyada.
Reer Boqor Muuse oo kujira wadahalada iyo lafagurida arinkaas ayaa koox dana siyasadeed leh si fudud ah ushaac bixiyeen war lagu sheegay in reer Yuusf Cismaan isku raaceen Burhan Boqor Muuse inuu xilkaas qabto, warkaas oo ahaa mid been abuur ah aan xaqiiqda waafaqsaneyn.
Anagoo ku hadleyna codka reer Boqor Muuse Yusuf gudaha dalka iyo dibediisa waxaan codsaneynaa in arintaas looga danbeeyo dadka ay ka dhaxeyso iyo habka dhaqanka beelaha, iyadoo la xeerinaayo siduu dhaqanka iyo sooyaalku ahaa
Waxaanu ka codsaneynaa dowlada Puntland iyo siyaasiyiinta inaysan arintaas faragelin siyaasadeed ku sameyn inta khilaafka jira la turxaanbinaayo, loona daayo raaska reer Yusuf Cismaan inay arintaas xal u keenaan.
Wabilaahi towfiiq
Xubnaha soo saaray war saxafaadeedka:
Cismaan Boqor Muuse
Cumar Boqor Muuse
Bashiir Boqor Muuse
C/casiis Boqor Muuse
C/rashiid Boqor Muuse
Saxardiid Boqor Muuse
Cumar Maxamed Boqor Muuse
Muuse Maxamed Boqor Muuse
Yusuf Maxamed Boqor Muuse
Hanad Boqor C/laahi Boqor Muuse
Sharmarke Boqor C/laahi Boqor Muuse
Sharmarke Boqor C/laahi Boqor Muuse
Liibaan Yuusuf Boqor Muuse
Sharmarke Yuusuf Boqor Muuse
Mahad Yuusuf Boqor Muuse
Dalmar Cumar Boqor Muuse
Sharmarke Cumar Boqor Muuse
Sharmarke C/rashid Boqor Muuse
Maxamuud C/laahi Boqor Maxamuud B. Muuse
Maxamed Axmed Boqor
Maryan Boqor Muuse
Xadiyo Boqor Muuse
Caasho Boqor Muuse
Canab Boqor Muuse
Shamis Boqor Muuse
Xaawo Boqor Muuse
Muxubo Boqor Muuse
Seytuun Boqor Muuse
Deeqo Boqor C/laahi
Fadumo Cali Boqor