Garowe(pp)Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Garoowe Waxaa lagu wadaa in isbedel dhanka Dhismaha ah laga hirgasho iyadoo Madaxda Jaamacada ay Saaka Dhagax dhigeen Xarunta Maktabada u noqonaysa Jaamacada taasi oo dhawaan dhismeheeda la bilaabi doono, waxayna dhirir ahaan le’egtahay 24 halka Balac ahaanna ay le’egtahay 20 sida ay sheegeen Masuuliyiinta Jaamacada.
Waxaa jiri Doona Dhismayaal ay ka mid yihiin fasalo horleh Meherado wax laga cuno Xarumo u gaar noqda Macalimiinta iyo Meelo la dhigto Gawaarida oo ay sii dheertahay Darjoiino ay ku nastaan Ardayda iyo martida iyadoo qorshahaasi mustaqbaka dhaw la fulin doono waxaana wali Jaamacada u harsan Dhul banaan oo hadii loo baahdo dhismayaashaasi iyo kuwo kale oo ka badanna laga dhisi karo.
Dhagax dhiga Saaka ee Xarunta Maktabada Jaamacada Bariga Afrika qaybteeda Garoowe waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Guud ee Jaamacada Bariga Afrika Mudane Dr C/Risaaq Hiirad Maxamed,Gudomiyaha Aas-aasayaasha JaaMacada JBA Sheekh Yuusuf C/Casiis,Maamulaha Jaamacada Bariga Afrika Faraca Garoowe Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf, iyo Agaasimaha Guud ee tacliinta Sare ee Wasaarada Waxbarashada Puntland C/Laahi Cali Jaamac (Dhubad) iyagoo si wada jir ah u dhagax dhigay Maktabada Cusub ee Jaamacada loo dhisayo dhawaan.