Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Qof shacab ah oo caawa lagu dilay magalada Garowe

$
0
0

Garowe(pp) Maxamuud Maxamed Faarax(Xamari) oo la dhashay Nabadoonka Beesha Layl-kase ee Gobalka Nugaal ayaa caawa lagu dilay magalada Garowe xarunta Puntland.

garowe_puntland_galleryfullDilka Xamari ayaa dhacay ka dib markuu kasoo baxay Salaada maqrib oo uu ku tukanayay masaajidka Mowlaca oo ku yaala xaafada Waabari,lamana yaqaan cida dishay.

Ciidanka ammaanka ayaa goobta dilku ka dhacay ka wada baaritaano.

Dadka goobta ka agdhawaa ayaa sheegay Odayga la dilay in xabado dhowr ah ay kaga dhaceen dhanka madaxa,isla markiibana uu geeriyooday,maydkiisa ayaa loosoo qaaday isbitaalka magalada.

Ammaanka caasumadda ayaa si wayn loo adkeeyay wixii ka danbeeyay doorashadii 8-Janaayo.

Wararka soo gaaraya Puntlandpost ayaa sheegaya dilka Odaygaan inuu la xariiro wax la yiraaho(Aano-qabiil).

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>