Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

War deg deg ah:Gollaha wasiiradda Puntland oo goor dhow lagu dhawaaqi doono

$
0
0

Garowe(pp) Qaybaha kala duwan ee warbaahinta magalada Garowe ayaa looga yeeray xarunta madaxtooyadda Puntland,halkaasoo saacadaha soo socda lagu shaacin doono liiska magacyadda wasiiradda cusub ee xukumadda Dr.Gaas.

wariyaalArrinta ugu xiisaha badan ee ay dadka Soomaaliyeed sugayaan ayaa ah magacyadda wasiiradda iyo inta wasaaradood ee ay noqon doonto xukumadda,waxana wali madaxtooyadda ka socda shirar kala duwan uu madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) la samaynayo qaybaha kala duwan ee bulshadda Puntland.

Agaasimaha guud ee madaxtooyadda ayaa lagu wadaa inuu warbaahinta u akhriyo magacyadda wasiirada cusub,warar hoose oo aanu helayno ayaa sheegaya inaysan cidna kaga jirin wasiiraddii xukumadii CabdiRaxmaan Farole.

qaar ka mid ah murashaxiinta xilka madaxtinimadda Puntland u tartamay ayaa laga yaabaa in lagu arko liiska wasiiradda.

Madaxwayne Cabdiwali Gaas ayaa mar sii horaysay sheegay inuu soo dhisi doono xukumad kooban oo tayo leh,dadka Puntlandna ay ku qanacsan yihiin.

Wixii faah faahin ah kala soco wararka danbe ee Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>