Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kismaayo:Ciidanka mamulka Jubbo oo tababar loo furay(Sawirro)

$
0
0

Kismaayo(pp) Saraakiisha ciidanka AMISOM ee ku sugan magalada Kismaayo ayaa maantey duleedka waqooyiga ee magalada Kismaayo halka la yiraahdoMa-dhammaato  waxay tababar ugu fureen in ka badan kun Askari oo ka tirsan ciidanka mamulka KMG ah ee Jubba.

Munaasibadii furitaanka tababarkan la siinayo ciidanka waxaa goob joog ahaa madaxwayne ku xigeenka kowaad ee Jubba iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Gen.Darwiish oo saxafada la hadlayay ayaa sheegay ciidankan markay dhamaystaan tababarka inay ka howl gali doonaan deeganadda uu mamulku ka taliyo.

Madaxwayne ku xigeenka kowaad ee Mamulka Jubba Gen.Cabdilaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag ayaa ciidanka tababarka loo furay kula dardaarmay inay daruusta si hufan u qaataan oo aysan noqon kuwo ka caajisa.

Wuxuna sheegay inay muhiim tahay helitaanka ciidan tayo iyo tababar wanaagsan haysta.

Tababarka ayaa ciidaka u socon doono bil iyo bar,waxana lagu wadaa markay dhamaystaan inay ka howlgallaan deeganaadda uu ka taliyo mamulka Jubba.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25

Puntlandpost.com

Xafiiska Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>