Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22944

Garowe:Ciidanka ammaanka oo baaraya qof rayid ah oo magalada Garowe lagu dilay(Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Ciidanka ammaanka magalada Garowe ayaa baaritaan ka wada xaafadda Waabari oo habeen ka hor lagu dilay Oday lagu magacaabi jiray Maxamed Xamari,waxana ka war bixiyay taliyaha qaybta booliska Gobalka Nugaal.

Taliye QaaqaanCabdiRaxmaan Xaaji Abshir(Qaaqaan) oo la hadlayay Radio Garowe ayaa sheegay ammaanka magalada Garowe inuu yahay mid wanaagsan ciidankuna ay ku howlaysan yihiin adkaynta ammaanka,maadama magalada Garowe ay maalmihii ugu danbeeyay kusoo qul-qulayeen dad-yow kala duwan oo dalka iyo dibada ka kala yimi.

Waxa uu sheegay inay baaritaan ku wadaan dilkii ka dhacay xaaafada Waabari,ayna ku hanwayn yihiin in gacanta lagu soo dhigo cidii ka danbaysay,inkastoo wararku ay sheegayaan dilkaasi inuu la xariiri aano qabiil.

Hoos ka dhagayso waraysiga uu Taliye Cabdiraxmaan Abshir bixiyay

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22944

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>