Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wafdi uu hoggaaminayo Cali M.Geedo oo lagu soo dhaweyay magalada Bosaso

$
0
0

Bosaso(pp) Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi ayaa caawa fiidkii gaaray magalada Bosaaso xarunta Gobalka Bari.ka dib socdaal uu saakay kasoo sameeyay magalada Garowe oo uu ku sugnaa maalmihii ugu danbeeyay.

geediSafarkiisa Bosaso waxaa ku weheliya Dr.CabdiRaxmaan Baadiyow oo siyaasadda Somalia si toos ah usoo galay 2013-kii iyo Cabdiwahaab Ugaas Khaliif oo ku xigeen ra’iisul wasaare iyo wasiir ganacsi kasoo noqday xukumadii Dr.Cabdiwali Gaas(Bad baado Qaran),waxana Bosaso kusoo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan iyo shacab.

Deegaano ka tirsan Gobalada Karkaar iyo Bari ayay soo mareen,iyagoona ku hakadayay Qardho iyo Carmo oo ay soo dhawayn ballaaran kala kulmeen,Cali Maxamed Geedi oo ka mid ah siyaasiyiinta sida wayn u dhaliilsan dowladda Xasan Shiikh Maxamuud ayaa inta uu Garowe joogay sheegay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo midnimadda umadda Soomaaliyeed,wuxuna Puntland ku ammaanay sida ay ugu dhagan tahay ilaa iyo hadda qarannimadda iyo isku keenista dadka Soomaaliyeed.

Geedi iyo siyaasiyiinta kale ee la socda ayaa lagu wadaa inay kulamo kala duwan la qaataan shacabka magalada Bosoosa,wararka soo baxaya ayaa sheegaya Cali Geedi inuu u hanqal taagayo inuu madaxwayne Soomaaliyeed noqdo doorashada soo socota.

Wuxuna socdaalkooda Puntland kusoo aadayaa xili uu wali hakad ku jiro xiriirkii Puntland iyo DFS,taasoo ku istaagay arrimo labada dhinac ay isku qabteen oo ay kow ka tahay wax ka badalka dastuurka KMG ah ee dalka u yaala.

Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>