Madaxweyne Gaas waxaa ololihiisii doorashada bud dhig u ahaa oraahda ah ISBEDEL , ISBEDEL, ISBEDEL wuxuuna balan qaaday hadii loo doorto hogaanka Puntland inuu la imaan doono isbedel waafi ah oo taabta dhankasta isagoo khudbadiisii guusha ku sheegay in Isbedelkii bilowday.
Intixaanka ugu weyn ee Madaxweynaha horyaalay ayaa ahaa sidii uu u soo dhisi lahaa Xukuumadiisa cusub isla markaana si biyo kama dhibcaan ah u soo xulan lahaa jaalayaal shaqada dhankooda la qabta talaabadaas oo dadweynuhu u arkayeen inay tahay tan ugu horaysa ee Madaxweynaha lagu tijaabin karo.
Go’aankii Madaxweynuhu ku qaatay in dhamaan Golihiisa Wasiiradu noqdaan rag/dumar cusub oo aan ka mid ahayn Xukuumadii xafiiska ka degaysay si uu u meel mariyo hamigiisii ahaa IS bedel ayaa ah mid geesinimo ah.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Xaashi mudadii koobnayd ee uu hayey talada Puntland waxba kama bedelin Golihii Wasiirada Madaxweynihii Xafiiska uga horeeyey dhankiisa ayuu Madaxweyne Cade Muuse 90% soo celiyey Xubnihii la shaqaynayey Maxamed Cabdi Xaashi halka Madaxweyne Faroole uu 8 Wasiir oo ka tirsanaa Xukuumadii uu xafiiska kala wareegay ee Cade Muuse uu shaqada dib ugu soo celiyey laakiin Madaxweyne Gaas waxba kama soo celin xubnihii Xukuumadii xafiiska u banaysay.
Tixgelinta gaarka ah ee uu Madaxweynuhu siiyey Haweenka, Sida uu dhalinyarada ugu sed roonaaday & xusitaanka beelaha Ugaadeen & Mareexaan ayaa ah isbedel aan horay Puntland looga arag.
Tirada & Tayada Wasiirada.
Marka aad eegtid magacyada xubnaha ku xusan Golaha Wasiirada aadna dib u jaleecdid sooyaalkooda taariikheed, Waayo aragnimadooda shaqo & miisaankooda shakhsiyadeed waxaa kuu cadaanaysa inay yihiin xubno tayo leh oo mid kasta looga seexan karo Wasaarada loo igmaday.
Balanqaadiikii Madaxweynaha ee ahaa waxaan soo dhisayaa Wasiiro tiro yar oo tayo leh ayaan meesha ka marnayn marka aad eegtid tirada Wasiiradda oo ah mid kooban .
Waloow aan Wasaaradaha qaarkood la isku celin hadana Madaxweynaha waxaa loogu garaabi karaa culayskii faraha badnaa ee kaga imanaayey dhinaca beelaha taas oo u suurtagelin weyday inuu dhimo tirada Wasaaradaha & Hay’adaha dowlada oo ah kuwo wakhtigan si fiican u qaabaysan aysana suurtagal ahayn in isdul saar lagu sameeyo taas oo hadii ay dhici lahayd laga yaabo inay dhaawac u geysan lahayd habsami u socodka hawlahooda shaqo.
Xagee ka filaysay Qurba joog?
Inta badan dadweynaha reer Puntland waxay aaminsanaayeen in Madaxweynuhu Golihiisa ugu yaraan 80% ka soo dhigi doono rag qurba joog ah iyagoo saadaashaas hordhaca ahayd sabab uga dhigayey laba arrimood oo kala ah 1) Madaxweynaha laftiisa oo dhanka qurbaha ka soo jeeda 2) Qurba joog badan oo xilal doon ah oo dalka ku soo jabay.
Welwelku kuma koobnayn dadweynaha oo qura balse waxaa la qabay Madaxweyne Cabdiraxmaan Farooole & Madaxweyne Cade Muuse oo horay iyagu uga digay in Golaha cusub lagu soo dhex daadsho qurba joog aan dalka xogtiisa hayn.
Inkasta oo Wasiirada qaarkood qurbaha ka soo jeedaan bulshada ina kaga maqan qaaradaha aduunkuna yihiin kuwo halbowle ah oo aan laga maarmi karin hadana Madaxweynuhu wuxuu qaatay go’aan geesinimo leh Wasiiradiisana wuxuu u badiyey siyaasiyiintii gudaha isagoo si gaar ah ugu suntay Wasaaradihii ugu miisaanka cuslaa.
Duubabka dhaqanku ma qanci doonaan?
Dadka oo dhan waxaa qancin kara Eebe oo qura, Sunaha Dowladnimada ayey ka mid tahay in lagu kala aragti duwanaado qaabka loo qaybiyo xilalka Golayaasha Dowlada inaguna waxaynu sii dheernahay qaab dhismeedka maamulkeena oo ku dhisan hanaanka wax qaybiga qabaliga kaas oo waajib ka dhigaya in intii suurtagal ah qolo kasta dhankeeda qadarin loo siiyo.
47 Wasiir uma qaybsamaan dhamaan qabiilada Puntland inaguna ma nihin 47 Qabiil oo qura balse waxaan aaminsanahay Madaxweynuhu inuu dadaalay intii karaankiisa ahayd inta ka dhimana ay duruufuhu u saamixi waayeen maalintii uu awoodeeda helona uusan seegi doonin, Sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah dhamaanteen in aynu si wada jir ah oo duuduub leh u qaadano Wasiiradeena siinona fursad ay ku shaqan karaan inagoo xeerinayna danta guud oo dib u dhiganayna teena gaarka ah.
4-ta Wasiir ee ugu miisaanka culus waa ragma?
Dal ama Dowlad kastaa waxay leedahay Wasaarado udub dhexaad u ah iyadoo hadba lagu qiimaynayo wax soo saarka dalkaas ama duruufaha ku xeeran hadaba waxaa la isla qirsan yahay in Wasaaradaha kala ah Arrimaha Gudaha, Amniga, Maaliyada & Qorshayntu ay yihiin haldoorka hay’adaheena.
Hadaba waxaan si gaar eegi doonaa masuuliyiinta loo kala magcaabay xilkaas dowladnimadeena milgaha & maasuuska culus ku leh.
Wasaaradda Maaliyada.
Shire Xaaji Faarax, Waxaa loo dhiibay Wasaarada ugu miisaanka culus ayna ugu jecel yihiin beelaha reer Puntland waa rug cadaa siyaasi ah si dhowna ula socday sanadihii ugu danbeeyey xaaladaha dalka kama marnayn meherada ganacsiga saldhigana waxaa u ahaa magaalada Dubai dhaqaale ahaan waa nin jeeb buuran oo aan lagu tuhmi karin inuu xatooyo qaran sameeyo.
Wuxuu taageero xoog leh ka haystaa beeshiisa oo horay ugu baritaaray inuu u ordo doorashadii Madaxtooyada 2014 isagoo ka mid noqday musharaxiintii ugu cadcadaa looguna hadal haynta badnaa.
Aqoon ahaan ma hina Dugsiga hoose wuxuu ku qaatay Qandala, Kana dhexe Kismaayo kana sare Marka, Kadib wuxuu aqoon heer jaamacadeed ah u aaday India halkaas oo uu ka soo bartay culuumta beeraha & Xanaanada xoolaha, Dalka Imaaraadka ayuu ku bartay cilmiga dhaqaalaha, Maamulka & Maaraynta khibrad ahaan ma marna.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose & HRM.
Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), Waa Siyaasi mug & miisaan leh oo looga seexan karo ka soo miro dhalinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, D/ hoose & Horumarinta Reer Miyiga oo masuul ka ah ku baahinta siyaasada dowlada dhex Degmooyinka & Gobolada dalka.
Khibradiisa Maamul ee uu leeyahay Puntland oo xataa uu mar ka soo noqday Wasiir, Sida ay uga go’antahay in dib loo soo celiyo Deegaanada maqan & Taageerada baaxada leh oo uu ka haysto beeshiisa oo xataa mar u caleemo saartay Madaxweyne ayaa micno weyn u samayn doonta gudashada waajibaadkiisa shaqo
Wasiirka Amniga.
Xasan Cismaan Maxamuud (Aloore), Waa Wasiirka Amniga Puntland oo runtii ah jago dhibteeda & dheefteedaba wadata waxaa horyaala caqabado badan & fursado aan xumayn waxaa looga fadhiyaa sidii uu wax uga qaban lahaa Amaanka Dalka oo wakhtiyadan ay hareeyeen weeraro argagixiso.
Culays badan ayuu Madaxweynuhu kala kulmay dhinaca beelaha .
Aloore waa nin degan oo aan qar iska xoor ahayn ku suntan ixtiraan & Af gaabni dadkuna aysan u kala sukayn, horay wuxuu u soo noqday Agaasime Guud sidoo kale wuxuu Wasiirka Macdanta ka soo qabtay Xukuumadii Madaxweyne Cade Muuse sanooyinkii ugu danbeeyey dalka kama bixin isagoo xogogaal fiican u ahaa xaalad kasta oo timaada.
Khibarada uu u leeyahay Hay’adaha Dowlada Puntland oo uu mudo badan ku soo dhex milnaa, Tayadiisa shakhsinimo & aqoontiisa oo ah mid gaarsiisan heer jaamacadeed ayaa ka dhigaysa masuul lagu halayn karo inuu si buuxda oo aan dib u dhac lahayn u guto waajibaadkiisa shaqo.
Wasiirka Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ah.
Jagadan waxaa lagala duldhacay Prof. Cali Axmed Faatax inkasta oo uu mudooyinkii ugu danbeeyey qurbaha u badnaa hadana shaqada loo igmaday ayaa ah mid la jaal ah beesha caalamka oo uu mudo badan la soo joogay.
Waa khabiir dhanka astaynta ku takhasusay horay wuxuu ula soo shaqeeyey Dowla hoose ee Degmooyin ka mid ah Maraykanka & Hayado badan oo dowli ah sidaan ka warqabo waa nin ku fiican dhinaca xiriirka caalamka taas oo inoo saamixi doonta inuu mashaariic badan inoo soo dhirin dhiriyo kuwa taagan si wacan u asteeyo.
Gunaanad.
Inkasta oo aduun & xaalkiis dhamaad lahayn shaqo kastaana dhinaansho waayi karin hadana waxaan u arkaa Golaha Wasiiirada Madaxweyen Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) kuwo dhamays ah oo dhinac walba ka dheeli tiran waxaana soo jeedinayaa in la siiyo fursad ay ku shaqeeyaan inoo kuna adeegaan.
Siyaasi, Caaqil ama Muwaadin ogoow in xilalka Dowlada dabcigeedu meerto yahay hadba qofkii hanan karana loo dhiibo maalin aan fogayna fursadaada heli doontid.
Qaybta Labaad la soco & Taariikhada Wasiirada kale.
GUUL PUNTLNAD
Shiine Culay
Qoraa & Ka faaloode Arrimaha Puntland