Kismaayo: (pp)- Wararka naga soo gaaraya guddaha magaalada Kismaayo, ayaa sheegayaan in maalmaha nasoo haya ergooyinka Jubbooyinka & Gedo oo ku sugan magaalada Kismaayo ay ansaxin doonaan dastuurka Jubbaland State , kaas oo hadda maraya indho indheyntiisu meeshii ugu danbaysay.
Mid ka mid ah ergooyinka shirka ka qayb galaya ayaa Warbaahiyaha Puntlandpost u sheegay in meel fiican ay marayaan howshii ergooyinka looga fadhiyey , isagoo sheegay in ergooyinka loo qaybiyey qodobada dastuurka Jubbaland oo ka koobnaan doono, kaddibna markii ay soo akhristaan ay ka doodi-doonaan , deetana la ansaxin doonaan.Masuulkaan ayaa sheegay oo kale in ansaxinta dastuurka ay noqon doonto maalinka beri ama beri danbe oo ku beegan maalinta Talaadada.
Dastuurka ayaa insaxintiisu kusoo beegmaysaa Waqti maalin kahor uu bur-buray wadahadalo dhexmaray dowlada dhexe ee Federeaalka ee Soomaaliya & siyaasiyiinta matala deegaanada Jubbooyinka.
Sikastaba, Ifafaalo wanaagsan ayaa laga dareemayaa gobolada rajaynaya inay wadaagaan maamul goboleedka Jubbaland iyo Gedo, kuwaas oo hadda sida muuqata si guud u wada taageeraya ka miro dhalinta dhismaha maamulka Jubbaland State of Somalia.
22 kaddib, ayey noqonaysaa in la helo maamul soomaaliyeed oo ka hirgala deegaanada Jubbooyinka & Gedo, oo qabiilo soomaaliyeed oo tiro badan ay ku samaysanayaan maamul deegaan oo federaal ku salaysan , kaas oo sida la rajaynayo Mustaqbalka Muraayad taariikhi ah u noqon doonta deegaanada Koonfureed ee Soomaaliya , Siiba magaalada Muqdisho oo noqotay goobtii lagu dhiig bixiyey Qaranimadii Soomaaliya sanadkii 1991-dii.
Puntlandpost.com