Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Caasimada Soomaaliya waa in Sadex Magaalo ku tartamaan midii noqon laheyd.

$
0
0

Waxaa shaki ku jirin in weli aan la isku afgaran halka sida rasmiga ugu noqon doonta Xarunta Dalka magaalo madaxda Soomaaliya, tan iyo markii Dagaalada Sokeeye ka qarxeen Caasimada Dalka Soomaaliya ee Muqdisho, kuna kaliftay dadkii wada deganaa in ay ku kala qaxaan ilaa iyo maantana la haysto deegaano shacab leeyahay iyo dhulalkii dowladda oo laga dhigay intoodii badneyd kuwo gaar loo leeyahay oo la boobo.

Muqdisho oo u magaalo lagu kala dhaqaaaqay

Muqdisho oo u muuqata magaalo lagu kala dhaqaaaqay

Haddaba, iyadoo aan weli lagu heshiin sida rasmiga ah halka Caasimad u noqonaysa Ummadda Soomaaliyeed ayaa weli waxaa jira fursado lagu tatansiinkaro sadex magaalo oo dhex dhexaad ah una sinaankara shacabka Soomaaliyeed inay xarun dhexe oo magaalo madax u noqonkarta.

Gaalkacayo oo ah Magaalada ku taal Bartamaha Dalka

Gaalkacayo oo ah Magaalada ku taal Bartamaha Dalka

Sadexda Magaalo ee Baraawe, Gaalkacyo iyo Laascaano waxaa la orankaraa waa kuwo fursad fiican u leh in loo tartansiiyo halka Caasimadda Soomaaliya laga dhigayo madaama meelaha ay ku yalaan iyo deegaanada ay ka tirsan yihiin kulmiyaan dadyow kala duwan oo Soomaali ah.

Magaalada Baraawe oo loo arki karo Magaalo dhexdhexaad noqon karta

Magaalada Baraawe oo loo arki karo Magaalo dhexdhexaad noqon karta

Haddaba, iyadoo weli colaadihii sokeeye iyo wixii dhibaato la isku geystay aan la iska shaafin ayaa mooda weli inuu jiro ismaandhaaf weyn oo u dhexeeya dadka degan muqdisho iyo shacabka Soomaaliyeed eek u kala Nool Gobolada Dalka oo dhan kuwaas oo kala aaminsan in wixii dhacay iyadoo aan laga wada hadlin dhac iyo dil lagu qasban yahay in Muqdisho lagu laabto, taasoo dadkii ka qaxay aaminsan yihiin inaan lagu kalsoonaankarin dhul Deegaan Qabiil dadkii Caasimadda ka dhigtay ka barakiciyey in dib loogu laabto oo lala wadaago Caasimad inay dalka oo dhan u noqoto.

Laascaanood oo kamid ah Magaalooyinka u qalma caasimad Soomaaliyeed

Laascaanood oo kamid ah Magaalooyinka u qalma caasimad Soomaaliyeed

Haddaba, si ummadda Soomaaliyeed dowladnimadeeda aanay mar kale burbur iyo is dil ugu imaan waa in laga wada hadlaa halka Caasimad u nqonaysa Ummada Soomaaliyeed oo dhan, taasoo lagu dooranayo meesha ay dhacdo, deegaanka dadka degan iyo qabiilooyinka inay tahay meel dhexdhexaad u nqonkarta oo dhinacyada qabiilo kala duwan ka degan yihiin.

 

Sadexda Magaalo ee aan soo jeediyey ayey igula quman tahay inay istaahilaan in look ala doorto Xarunta dhexe ee Caasimadda Dalka Soomaaliya Sida Baraawe, Gaalkacyo iyo Laascaano, laakiin aan marna niyadda la gelin in dib loogu laabto  Muqdisho oo dhiig badan ay ku daadiyeen dadkii deganaa, boob iyo bililiqo baahsana ku dhaceen hantidii Ummadda ka dhexeysay iyo tii gaarka u lahayeen shacabka.

Waxaa kaloo barakac lagu sameeyey dadkii muqdisho deganaa dhamaan Soomaalidii ku nooleyd qarniyo badan kuwaasoo lagu  khasbay in ay gobolada waqooyi galbeed, (Somaliland) waqooyi bari (Puntland) Baay, Bakool iyo Jubbooyinka u qaxiyaan dadkii mudada dheer ku noola Caasimada, hadaba dadweynow sow ma haboona in lagu tartansiiyo Xarunta Dalka ee Caasimadda in mid ka mid ah laga dhigo sadexda Magaalo ee Baraawe, Gaalkacyo iyo Laascaano si mar kale loo wada dhiso Qarankii Dalka iyo Hay’adihii Dowladda Federaalka Soomaaliya, lagana fogaado Dagaal sokeeye iyo barakac dambe oo isu geysato Ummadda Soomaaliyeed

 

Soomaalijecel Part

  Hargaysa Somaliland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>