Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xaalada Taliye Sheekalow oo lagu dhaawacay Kismaayo oo soo hagaagaysa

$
0
0

Kismaayo(pp)Waxaa soo hagaagaysa xaaladda caafimaad taliye ku xigeenka taliska ciidanka qiil-mawaaye ee magalada Kismaayo Cabdiqaadir Cali Ciise(Shiikhaalow) oo koox shufto ah ay habeenimadii xalay ku dhaawaceen xaafalada Calanleey ee magalada Kismaayo.

Dhaawaca Taliye Shiikhaalow ayaa lagu soo waramayaa inay soo hagaagayso,waxana lagu dabiibayaa Isbitaalka magalada Kismaayo,halkaasoo ay maante ku booqdeen saraakiisha ciidanka mamulka Jubba,wuxuna dhaawiciisa uu yimi ka dib kolkii ay koox dadka ku baarata xaafaladaasi ay rasaas is-waydaarsadeen,halkaasoo markii danbe xabado ay kaga dhaceen dhanka sara ee jirka.

Waxaa socda baaritaano ku aadan gacan kusoo dhigida kooxda dhaawacday Shiikhaaloow,walow la sheegaya inaan la aqoonsan dadkaasi,mamulka magalada Kismaayo ayaa wada dadaalo kala duwan oo ammaanka Kismaayo lagu adkaynayo.

Shiikhaalow ayaa ka mid ahaa taliyaasha ugu shaqadda badan ee mamulka Jubba.

Puntlandpost.com
Xafiiska Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>