Garowe(pp) Shir ay maanta ku yeesheen taliyaha ciidanka booliska Puntland iyo mamulka Gobalka Nugaal ayaa waxaa kasoo baxay qodobo ay ka mid yihiin in hubka uu mamnuuc ka yahay gudaha caasumadda,cidii lagu arkana tilaabo shari ah laga qaadayo.
Taliyaha ciidanka Booliska dowladda Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa sheegay hubka inuu mamnuuc ka yahay gudaha magalada Garowe,ayna hadda gacanta ku hayaan dad hub lagu soo qabtay.
Waxa uu sheegay Askarta hubka sidata ee aan shaqo markaasi hay inaysan qaadan karin.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe