Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Fanaan Cali Dhaanto oo bandhig faneed ku qabtay magalada Garowe (Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Boqolaal dadwayne ah oo ay ku jireen wasiiradii hore ee Puntland iyo kuwo cusub iyo qunsulka Itoobiya ee Puntland ayaa caawa kasoo qayb galay bandhig faneed uu qabtay fanaan Cali Bashiir oo ku magac dheer Cali Dhaanto oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magalada Garowe. 23 Bandhig faneedkan oo lagu qabtay guriga gobalka ayaa waxaa ammaankiisa si wayn u sugay ciidanka kala duwan ee dowladda Puntland,waxana lagu soo bandhigay heeso dhaanto ah iyo ciyeer la wada jeclaystay. 24 Inta aan dhaantadda la bilaabay ayaa waxaa khudbado soo dhawayn ah iyo dhaqanku waxa uu yahay soo jeediyay wasiiraddii hore ee waxbarashada iyo warfaafinta Juxa iyo Axmed Shiikh Jaamac,waxayna tilmaameen inay muhiim tahay kor u qaadista hidaha iyo dhaqanka si loo helo bulsho xafiidata dhaqankeeda soo jireenka ah. 15 Cali Dhaanto ayaa ku sababeeyay qabashada bandhig dhaqameedkan mid looga gol-lee yahay sidii ay shacabka Dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo kuwo Puntland ay isku dhexgali lahaayeen,isla markasna uga shaqayn lahaayeen danahooda. 16 Waxaa sidoo kale xafladda ku sugnaa kooxda waabari Puntland oo dhankooda heeso kala duwan kusoo bandhigay. 12 Qunsulka Itoobiya u fadhiya Puntland Asmalash oo hadal kooban soo jeediyay ayaa sheegay dowladda Itoobiya inay hambalyo u dirayso habkii ay u dhacday doorashadii Puntland,wuxuna ku tilmaamay doorasho taariikhi ah oo aan wax dhiigi ahi ku daadan. 14 Dadkii kasoo qayb galay bandhiga uu sameeyay Cali Dhaanto ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in bandhigyo sidaan oo kale ay arkaan,waxayna sheegeen inay jeclaan lahaayeen in la badiyo qabashada bandhig dhaqameedyadda Soomaalida. 22 Cali Dhaanto oo ugu danbayntii la hadlay Puntlandpost ayaa sheegay inuu marka imaan doono Puntland uuna qaban doono bandhig kan la mid ah,wuxuna u mahad celiyay shacabkii caasumadda kusoo dhaweeyay.

17

Wasiirkii hore ee waxbarashada Pl Juxa iyo asxaab kale oo dhaantaynaya

2019  18 16 13 11 10 9 8 7 6 5 4 3 2 121

25 Puntlandpost.com Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>