Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ururka NUSEJ oo ka hadlay amarka ay Somaliland ku xirtay Universal Tv

$
0
0

NUSOJ(Warsaxaafadeeda)Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xayiraadda maamulka Somaliland uu ku soo rogay televisionka Universal, taasoo ah tallaabo qaawan oo lagu caburinayo xorriyadda Saxaafadda ee gobolada ay ka taliyaan maamulkaas, isla markaasna ku baaqay in xayiraaddaas sida ugu dhaqsiyaha badan looga qaado.

 

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Abdullahi Cukuse oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa maanta ayaa sheegay inay xayireen howlihii televisionka Universal ee Somaliland. Wasiirka ayaa ku eedeeyay televisionka inay aflagaado u geysteen madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamuud Siilaanyo.

 

Telefishinka ayaa bilihii u dambeeyay barnaamij la magac baxay Faaliyaha Qaranka oo ah barnaamij majaajilo ah oo ay fanaaniin daadihiyaan.

 

Maalinimada Axadda ee shalay ayaa televisionka uu ku baahiyey barnaamijkaas wareysi jillin ah oo ku saabsan madaxweynaha Somaliland.

 

Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa uu cambaareynayaa falkaas lagu xayiray telefishinka Universal howlihiisii gobolaas, isla markaana ah talaabo cad oo lagu caburinayo xorriyadda fikirka iyo tan hadalkaba oo ay damaanad qaadeen dastuurka federalka iyo kan Somaliland. NUSOJ waxay ka dalbeneysaa maamulka Somaliland inay sida ugu dhakhsiyaha badan xayiraadda uga qaadeen telefishinka Universal, una ogolaadaan in wariyayaasha iyo shacabkaba inay si xor ah u cabiraan fikirkaan.

 

“Talaabada maamulka Somaliland ku xayireen telefishinka Universal waa mid qeexeysa sida ay ugu go’an tahay inay u caburiyaan xorriyadda fikirka.” Sidaa waxaa yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, waxa uuna baaqay maamulka Somaliland inay ixtiraamaan xorriyada fikirka iyo kan saxaafadda, kana qaadeen xayiraadda si bilaa shuruud ah eek a dhanka ah telefishinka .” Bishii Disember ee sanadkii tegay ee 2013, maamulka Somaliland waxa ay
xireen in ka badan 10 weriye, taasoo ka dhigeysa Somaliland goobaha ugu badan ee weriyayaasha lagu xirxiro.

<DHAMAAD>

 Puntlandpost.com

Xafiiska Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>