Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kismaayo:Alshabab oo jartay isgaarsiinta Jubbooyinka(Warbixin)

$
0
0

kismayo_cityKismaayo(pp) Waxaa maalinkii saddaxaad go’an isgaarsiinta magalada Kismaayo xarunta mamulka Jubba,ka dib markii kooxda Alshabab ay albaabada iskugu dhufatay xaruntii ay shirkadda Hormuud ku lahayd magalada Jilib ee  Gobalka Jubadda hoose.

Wararka kale ee aanu helayno ayaa sheegaya kooxda alshabab inay guryahoodii kala baxeen qaar ka mid ah shaqalaha Shirkada Hormuud,taasoo aan la aqoon sababta ka danbaysa in shaqaale kor u dhaafaya 20 la xiro.

Magalada Kismaayo iyo magaalooyinka kale ee isgaarsiintu ka maqan tahay ayaa waxaa dadku ku nool ay tilmaameen inuu saamayn xoogan ku yeeshay amarka ay Shabab ku xirtay Hormuud ee Jubbooyinka.

Kooxda Alshabab ayaa la sheegayaa inay lacag tiro badan waydiisatay shirkadda,taasna ay markii danbe keentay inay xirta oo hawadda ka saarto,waxayse dadku qaarkood sheegeen inay lacagtoodii uga xaniman tahay addeefa EVC-Plus oo ay bixiso Shirkadda Hormuud.

Labada dhinac wali si faah faahsan arrintaan ugama aysan hadlin,balse Shabab ayaa horay u joojisay isticmaalo addeega internedka.

Mamulka KMG ah ee Jubba oo ka taliya deegaanadda isgaarsiinta laga mamnucay wali kama hadlin.

Puntlandpost.com

Xafiiska Kismayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>