Garoowe: (pp)- Galinkii danbe ee maanta ayaa ciidanka booliska ee caasimada Puntland oo kaashanaya hay,addaha sirdoonka Puntland ay gacanta ku dhigeen labo nin oo sida la sheegey ka mid ahaa dabley hubeysneyd oo tobaadkii horre dhac iyo dil ka geystey Xawilaada Kaah Express ee magaalada Bosaso.
Saraakiil ka tirsan Booliska oo xiriir Puntlandpost la sameysay ayaa u xaqiijiyey qabashada labadan nin oo ay sheegeen in ay usoo baxsadeen dhanka magaalada Garowe,ayna ka war heleen hay,addaha sirdoonku, sidaasna ay ku suurto gashey in lagu guuleysto qabashadooda.
Labada nin ee galabta la qabtey ayaa lagu kala magacaabaa Barre Maxamuud Cali Xuseen Iyo Mahad Cumar Bulxan, kuwaas oo ka qeyb ahaa weerarkii xawaalada kaah lagu qaadey, laguna diley labo ruux oo ka mid ahaa shaqaalaha xawaalada.
Horey ayaa ciidanka amaanka ee gobolka Bari ugu guuleysteen qabashada ninkii Madaxda ka ahaa abaabulka falkaasi weerarka, waxaana maalmihii lasoo dhaafey ragan Garowe qeybtood lagu qabtey ciidamadu ka baadi goobayeen gudaha iyo daafaha magaalada Bosaso.
Xafiiska Puntlandpost.com
Magaalada Garowe.