Garoowe:(PP)-Waxaa maanta shir uu uga furmey xarunta Rugsan Square magaalada Garowe golaha fulinta ee Urur siyaasadeedka Horseed, waxaana kasoo qeyb galey kulan dhmaan xubnaha golaha dhexe ee ururka oo ay hogaaminayaaan Gudoomiyaha ururka , labada ku xigeen .
Dhegeyso: Hadalka Guddoomiyaha Horseed
Ajandayaasha shirka looga hadli doono inta uu soconayo ayaa waxaa ka mid ah ka doodista dhaqaalaha miisaaniyada 2013 ee ururka , iyo xeer hoosaad-yada ururku yeelan doono, kuwaas oo golaha fulinta ururka horseed uga tashan doonaan mudada kooban ee shirkoodu socon doono sida uu sheegey Xoghayaha dacaayadaha iyo barnaamijyada xisbiga Siciid Maxamed Ismail.
Madaxweynaha Dowlada Puntland Ahna Gudoomiyaha Ururka Horseed ayaa ka hadley kulanka wuxuuna sheegey in shirku uu yahay midkii kowaad ee goluhu isugu yimaado tan iyo wixii ka danbeeyey shirweynihii Ururku ku doortey hogaankooda, isagoona sharaxey geedi socodka nidaamka Asxaabta ee Puntland dooneyso in ay ku talaabsato.
C/raxmaan Faroole waxa uu sheegey in howshan asxaabtu aysan ahayn mid maalin kaliya lagu fekerey , balse ay tahay mid silsilad ah oo xiriirsaneyd waqti dheer,isagoona carabka ku dhuftey in uu aaminsan yahay howl adag oo barnaamijkan laga soo qabtey intii uu soo socdey , ayna tahay qorshaha laga damacsan yahay sidii ummada reer Puntland ula jaanqaadi laheyd qaabka ummadaha adduunku ku nool yihiin.
Ururka Horseed ayuu sheegey in uu yahay mid horseed u ah howlaha iminka socda, isagoona gudoomiyuhu ka dhawaajiyey in ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa ,. uuna ugu baaqayo ururada kale in ay la yimaadaan tartan xalaal ah oo hufan, kaasi oo uu sheegey in ay maqsuuq ka yihiin ka urur ahaan in lagula tartamo masiirka dalka iyo dadka.
Ururka siyaasadeedka Horseed oo ka mid ah lixda urur siyaasadeed ee ka jirra Puntland, ayaa ku jirrey xilliyadii u danbeeyey is balaarin ururku uu ku magacaabayo goloyaasha ka mid ka ah, sida golaha fulinta, golaha dhexe, goloyaasha gobolada ilaa kuwa heer degmo, waana yar yihiin ururada kale ee ilaa hadda si toos ah u magacaabey golayaashooda.
Puntalandpost, Garoowe, Puntland