Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirka warfaafinta iyo saxaafada Muqdisho oo ka wada xaajoonayo xeerka warbaahinta(Sawirro)

$
0
0

Muqdisho(pp) Kulan ay magalada Muqdisho ku yeesheen wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta xukumadda Somalia Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo wariyaasha ka howlgala warbaahiniada madaxa banaan ayaa waxaa looga arin sanayay bal sidii loo qiimayn lahaa aragtida ay ka qabaan xeerka wali qabyadda ah ee warbaahinta dalka oo la doonayo in dhowaan la hor geeyo gollaha baarlamaanka si ay u meel mariyaan.

13
Wasiirka warfaafinta Somalia Dhuxulow ayaa sheegay inay muhiim tahay in warbaahinta madaxa banaan ay talo wanaagsan kasoo jeediyeen xeerkaan saxaafada ku saabsan,wuxuna sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in la helo xeer ay dhamaan warbaahinta dalka ku wada qanacsan yihiin.

 
Maxamed Ibraahim Bakistan oo ah Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa kula dardaarmay warbaahinta dalka inay xili kasta isku mashquuliyaan tabinta warar dhex dhaxaad ah oo dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed,sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay in laga wada doodo xeerkaan qabyadda ah.

 
Kulanka oo labada dhinac iskugu jiray ayaa waxaa dood dheer ka dib laga soo saaray afar qodob oo ay isku raacsan yihiin dhamaan dadkii kasoo qayb galay.

 
Kulankan ayaa noqonayaa kii ugu horeeyay uu wasiirka cusub ee warfaafinta Somalia la yeesho warbaahinta Muqdisho,waxana sidoo kale sagaalka bishaan dhici doono kulan lagu dardar galiyo shaqaynta qodobada maanta la isku raacay.

 
Xeerka warbaahinta dalka ayaa ah mid ay ku kala aragti duwan yihiin suxufiyiinta guud ahaanba dalka ku wadan sugan,walina lama gaarsiin saxaafadda Puntland si ay dhankoodana dooda uga qayb gallaan.

14 12 11 10 9 8 7 6 5 4 3 2 1
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>