Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Qurba joogta Jubbaland oo agab caafimaad soo gaarsiiyay isbitaalka Kismaayo(Sawirro)

$
0
0

Kismaayo(pp) Qurba jooga Mamulka Jubba ayaa waxay soo gaarsiiyeen isbitaalka magalada Kismaayo xarunta Jubadda hoose agabyo caafimaad oo aad u muhiim ah,kuwaasoo mamulka isbitaalka ay ku farxeen.

201424635270944454584209P1040336
Munaasibad uu mamulka Jubba deeqdaan ugu wareejinayo mamulka isbitaalka ayaa lagu qabtay isla isbitaalka,waxana ka hadlay wasiirka caafimaadka iyo fayadhowrka mamulka KMG ah ee Jubba Xasan Daahir Yaroow wuxuna sheegay deeqdaan caafimaad inay soo dhiibeen qurba joogta Jubbaland ayna ugu talo galeen isbitaalka Kismaayo.

 
Deeqdaan caafimaad ayaa iskugu jirtay sariirada bukaanada lagu seexiyo, kuraasta curyaamiinta oo , qaboojiyeyaal lagu keeydiyo dhiigga, raajooyin waxana loogu talo galay in looga faa’iideeyo dadka dadka bukaanka ah.

 
Dadka hantida haysta ee dibada iyo dalka ku nool ayuu wasiirka caafimaadka Jubba ugu baaqay inay ka war hayaan xili kasta isbitaalka Kismaayo oo bur bur lixaad-le soo gaaray intii ay dagaaladu gudaha dalka ka socdeen.

 
Agaasimaha isbitaalka magalada Kismaayo Dr.Cabdisamad Abiikar Xaaji,wuxuna u mahad ceshay dadkii isku howlay inay caawiyeen isbitaalka,wuxuna sheegay qof kasta inay waajib ku tahay inuu dadka bukaanka ah usoo gurmado.

 
Qalabka dhiiga lagu kaydiyo waxa uu noqonayaa mid si wayn uu isbitaala Kismaayo ugu baahnaa,maadama uusan horay u lahayd meel dhiiga lagu kaydiyo.

201424635270945406393012P1040366 201424635270942920040417P1040340 201424635270944837422603P1040361 201424635270944591196875P1040360 201424635270944454584209P1040336 201424635270943974736043P1040353 (1) 201424635270942777096751P1040337 (1) 201424635270942583077077P1040345 (1) 201424635270946932489367P1040365 201424635270946762786435P1040370 201424635270945854985346P1040369
Puntlandpost.com
Xafiiska Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>