Kismaayo(pp) Rugta ganacsiga Jubbooyinka ayaa maanta soo bandhigay xafiis cusub oo ay ka furteen xarunta mamulka KMG ah Jubba ee magalada Kismaayo.
Xafiiskaan cusub ayaa noqon doono mid ka qayb qaata hormarka iyo dib u dhiska caasumadda Jubba,waxana munaasibadii lagu soo bandhigay kasoo qayb galay xubno kala duwan oo ka socday wasiirada Jubba,Odayaasha dhaqanka.Ganacsato,haween iyo masuuliyiinta mamulka Rugta ganacsiga.
Masuulka mamulka Jubba Shaafi Raabbi Kaahin ayaa ka waramay sababta xafiiskaan loo furay wuxuna sheegay inay xooga saari doonaan dhismaha magalada Kismaayo,ayna wadooyinka waa wayn ee magalada Kismaayo ay ku xiri doonaan layrarka cadceeda ku shaqeeya.
Wasiirka Ganacsiga iyo ganacsatadda Gobalka Jubadda hoose ayaa soo dhaweeyay xafiska cusub oo ay rugta ganacsiga Jubba ka furatay magalada Kismayo,waxayna ku tilmaaneen inuu ka qayb qaadanaya dhamaan hormaradda ka socda magaladda.
Rugta ganacsiga Jubbooyinka ayaa kaalin mug leh ka qaatay dhismaha mamulka Jubba,iyadoona ay balan qaadeen inay xili kasta diyaar u yihiin hormarka Kismayo.