Garowe(pp) Wasiirka cusub ee wasaaradda deegaanka iyo duurjoogta Puntland ayaa maanta xilka si rasmiya ugala wareegay wasiirkii hore,ka dib munaasibad ka dhacday isla xarunta wasaaradda.
Waxaa kasoo qayb galay munaasibada xil wareejinta hay’addaha la shaqeeya wasaaradda,dhamaan shaqaalaha wasiiradda madaxda cusub.
Ugu horayntii wasiirkii xilka ka dagay ee Deegaanka iyo duurjoogta mudane Cabdiqani Geelle Yuusuf ayaa soo jeediyay khudbad uu kaga hadlayo intuu uu xafiiska joogay waxyaabihii u qabsoomay.
Cabdiqani Cilmi Carab Yuusuf ayaa sheegay wasaaradda inay gacanta ku hayso lix mashruuc oo waa wayn uuna ka mid yahay deegaanka waa nolashaada oo hadda socda,wuxuna sidoo kale sheegay inay wada shaqayn dhow lee yihiin qaar ka mid ah hay’addaha caalamiga ah sida ADDESO,UNDP,FOA,IOM,CAR iyo Wold Vision.
Wasaaradda deegaanku ayuu ku tilmaamay inay tahay wasaarad muhiimad wayn ugu fadhida shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanadda Puntland,maadama ay masuul ka tahay deegaanka iyo hagaajinta kobaca dhirta.
Wasiirka cusub ee wasaaraddaasi Guuleed Saalax Barre oo goobta ka hadlay ayaa amaan usoo jeediyay wasiirkii hore ee wasaaradda sida wanaagsan ee uu shaqada usoo qabtay.
Guuleed waxa uu balan qaaday inuu howsha halkeedii kasii wadi doono,uuna xooga saari doono sidii deegaanka hormar loo gaarsiin lahaa.
Mashruuc ballaaran oo deegaanka ku saabsan ayay wasaaradu gacanta ku haysaa,kaasoo uu ku kacayo dhaqaale ka badan 20-Milyan oo doolar.
Ka dib xil wareejinta madaxda cusub iyo kuwii hore ayaa socdaal ku tagay xarunta dhirta lagu kobciya oo ay wasaaraddu dhistay.
Wasaaraddaan ayaa la kowsatay xukumaddii Madaxwaynihii hore ee Puntland CabdiRaxmaan Shiikh Maxamed Farole.
Maxamed Cabdiqaadir Barre Xayrdaac agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka ayaa xafladaan xariirinayay,wuxuna ahaa masuulkii munaasibadaan soo agaasimay.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe