Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xasan Shiikh oo casho Villa Somalia ugu sameeyay Dr.Gaas,A,Madoobe iyo masuuliyiin kale

$
0
0

Muqdisho(pp)Madaxwaynaha dowladda dhexe ee Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa caawa madaxda ka socota Puntland iyo Jubba ku caasumay casho sharafeed uu ku sameeya xarunta madaxtooyadda,halkaasoo ilaa iyo saacadaha soo socda lagu cawayn doono.

Wafdiga madaxwaynaha dowlada Puntland Dr,Gaas oo wasiiro,xildhibaano iyo Isimo ka kooban ayaa kula sugan casho sharafta halka dhanka mamulka Jubbana ay ku sugan yihiin wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha Jubba Axmed Maxamed Islaan Madoobe.

Sida ay noo sheegeen saraakiil ka mid ah wafdiga madaxwayne Gaas kulan kaan ayaa ah mid ku kooban is waraysi,oo aan salna ku lahayn arrimaha siyaasada iyo khilaafka dhexyaala Puntland iyo DFS,waxana lagu wadaa cashada ka dib in la galo wada shakaysi qoto dheer oo ku aadan socdaalka iyo xaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha Puntland ayaa maantadii hore sheegay Muqdisho inay u yimaadeen ka qayb galka aaska RW hore ee Somalia oo geeriyooday.

Xaflada ayaa waxaa ku sugan siyaasiyiin kala duwan uu ka mid yahay Cali Maxamed Geede,Cali Mahdi ,Safiiro saddexda masuul ee ugu sareeya DFS,madaxwaynihii hore ee Puntland Cadde Muuse iyo ragg kale oo miisaan siyaasada dalka ku leh.

Haddii uu alle raali ka noqdo naga dhowra sawiradda casho sharafta.

Puntlandpost.com

Xafiiska Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>