Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Ururka Aaran oo deeq buug ah soo gaarsiiyay Jaamacadda PSU(Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Urur maxali ah oo ka dhisan wadanka australia lana yiraahdo Aaran ayaa deeq buug ah soo gaarsiiyay Jaamacadda Puntland state university (PSU),waxana deeqdaasi buugta ah loogu talo galay in looga faa’iideeyo ardayda waxbarashada ku mashquulsan.

8
Munaasibad ay Jaamacadda PSU buugtan oo dhan afar kun kula wareegayaan ayaa ka dhacday isla xarunta Jamacadda,waxana kasoo qayb galay ardaydda Jaamacada iyo saraakiil ka socday ururka Aaran.

9
Faarax Cabdiqaadir Diiriye oo ka socday ururka Aaran ayaa sharaxaad ka baxshay buugtaan ay jaamacadda ugu deeqeen,wuxuna sheegay inay kasoo qaadeen Jaamacadda la yiraado Victooriya university oo ku taala magalada Milbon ayna ugu talo galleen aqoonta ku qoran in la baro ardayda ugu danbayntii ayuu sheegay inaysan intaas ku koobi doonaan caawinaadooda balse tani ay bilow dahay.

15
Masuul u hadlay Jamaacadda PSU oo la yiraahdo Cabdisamad Ducaale Aadan ayaa sheegay inay ka mahad celinayaan deeqdaan buugta ah ee ay soo gaarsiiyeen ururka Aaran,wuxuna tilmaamay inay wax badan ka tari doono baahida loo qabay aqoonta sare.

14

Qaar ka mid ah ardayda jaamacadda ayaa dhankooda ka mahad celiyay.

13 12 11 10 7 6 5 4 3 2 1
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>