Muqdisho, February 08, 2014—–Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed.
Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray qorshe howleedka Wasaaraddaha, waxaana maanta qorshayaashooda soo bandhigay Wasaaraddaha Garsoorka iyo Dastuurka, Shaqada iyo Shaqaalaha, Isgaarsiinta, Dekedaha iyo Dhalinyarada iyo Isboortiga, waxaana Wasiirada Wasaarahani ay ku dheeraadeen qorshayaashooda waxqbad, gaar ahaana aragtiyo cusub oo ay ku soo kordhin doonaan Wasaaradaha.
Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa soo bandhigtay qorshaheeda waxqabad, waxaana Wasiirka Wasaaraddu uu balan qaaday in shaqaalaha dawladda ay tayeyn iyo kordhinba ku sameyn doonaan, islamarkaana heli doonaan xaquuqdooda shaqaale-nimo oo dhameystiran.
Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Dastuurka oo isna soo bandhigay qorshe howleedka Wasaaradda ayaa sheegay in uu xoogga saari doono adkeynta iyo tayaynta Garsoorka iyo Caddaalada, wuxuuna xusay in dib u habeyn lagu sameyn doono dhamaan hay’addaha ku shaqada leh garsoorka iyo Caddaaladda. Isaga oo dhanka kale balan qaaday in la furi doono sanadkan gudihiisa dugsi tababar oo arrimaha Garsoorka qaabilsan.
Sidoo kale, Wasaaradda Isgaarsiinta ayaa ka mid aheyd Wasaaraddaha soo bandhigay howl-qabadkooda, waxaana madaxda Wasaaraddu ay sheegeen in horumarin lagu sameyn doono dhamaamba isgaarsiinta dalka, talaabada ugu horeysana ay ku hirgelin doonaan in dhamaan shirkaddaha isgaarsiintu ay isu gudbin karaan qadadkooda telefoonada, si dadweynaha ay ugu fududaato in qofkii heysta 1 Sim-card uu la xariiri karo dhamaamba shirkaddah kale ee dalka.
Dhanka kale, Wasaaradda Dekeddaha ayaa soo bandhigtay qorshe howleedkeeda waxayna tilmaameen in Wasaaraddu howlaha muhiimada gaarka ah ay siin doonaan ay tahay sidii loo ballaarin lahaa baaxadda iyo adeegyada dekeddaha dalka Soomaaliya.
-DHAMAAD-
Xafiiska Ra’iisulwasaraha Somalia.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho