Minneapolis(pp)Gudoomiyaha Degmada 6’aad ee Magaalada Minneapolis Mudane Abdi Warsame ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray xafiiskiisi ee ku aadan xiisadaha siyaasadeed ka taagan Magaalada Minneapolis iyo waliba shaqaaqooyinkii ka dhacay goobaha codbixinta Xisbiga Dimuqraadiga todobaadkaan.
- Warsaxaafadeed:
- KU: Saxaafada
- KU: Dadwaynaha Ku Nool Degamada 6’aad
Waxaan aad uga xumahay shaqaaqadii ka dhacday xaafada Cedar, talaadadii hore taarikhdu ahayd February 4th 2014.
Waxay ahayd nasiib daro in xulashadii ergooyinka la baajiyey mid kamid ah goobihii ergo xulashada (Caucus), isqab-qabsi awgeed.
Waxaan sidoo kale aad uga xumahay xiisadaha ay abuureen isqab-qabsigaasi iyo jah wareerka isfaham daradaasi abuurtay.
Halgankii ololahaygi hormuudka u ahayd ayaa ahaa islamarkaana wali ah mid ku baaqaysay dhiiri galinta iyo ka qayb qaadashada nidaamka dimuqraadiga.
Waa nidaam astaan u ah dooq iyo xornimo, waa dhaxalka ugu qiimaha badan muwaadin kasto oo Mareekan ah la gudoonsiiyo, taasoo fursad inoo siinaysa aa’ya katalinta mustaqbalkeena iyo tan bulshada aynu ku dhex noolnahay.
Waxaan u cadaynayaa dadwaynaha Somaaliyeed, in aan soo dhawaynayo dhalinyarada Somaaliyeed ama muwaadin kasta oo doonayo inay isu sharaxaan xilalka siyaasadeed ee gobolkaan Minnesota ama guud ahaan dalka Mareekanka.
Waxaan cadaynayaa inaan raali ka ahayn kala qaybinta bulshadeeni islamarkaana ay farxad gaar ii tahay in dadwaynaha Somaaliyeed ee soo buux dhaafiyeen goobihii ergo xulashada.
Waxaan ka codsaday maamulka Xisbiga aan ka tirsanahay ee Dimuqraadiga (DFL) oo uu hormuud u yahay gudoomiye Ken Martin in fursad labaad la siiyo dadwaynaha degan xaafada Cedar ay uga qayb qaataan nidaamka ergo noqoshada (Caucus).
Nasiib wanaag, xisbigu way iga aqbaleen, waxayna ii xaqiijiyeen in munaasabada ergo noqoshada ay dhacayso mar labaad February 19th, ayna ka dhacayso Jaamacada UofM.
Ugu dambayntii waxaan ku boorinayaa dadwaynaha Somaaliyeed inay ilaaliyaan xasiloonida islamarkaana ay ka fajignaadaan dhaqamada qal-qal galin kara amniga degmada 6’aad iyo guud ahaan magaalada Minneapolis.
Dhamaad
Gudoomiyaha Degmada 6’aad
Abdi Warsame
Puntlandpost.com