Kulan loogu magac daray Xusuusta ay Umadda Soomaaliyeed ka dhaxashay Ra’isulwasaarihii hore ee Dalka Mudane C/risaaq Xaaji Xuuseen ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu qabtay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen Dallad ay ku mideysanyihiin aqoonyahanno Soomaaliyeed oo la yiraahdo (National Civic Forum) ayaa waxaa ka qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,ku xigeenka Ra’isulwasaaraha Dalka ,xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada,Xildhibaanno,ehellada Ra’isulwasaarihii hore,siyaasiyiin,waxgarad, aqoonyahanno iyo saxafiyiin.
Furitaankii kulanka waxaa hadallo ka jeediyey siyaasiga Jaamac Cali Jaamac,aqoonyahan Cabdi Ismaaciil Samatar,Halgame C/qaadir Cali Boolaay iyo xubno kale waxaana ay dhammaantood si isku mid ah uga hadleen xusuusta ay Umadda Soomaaliyeed ka dhaxashay Ra’isulwasaarihii hore ee Dalka Allaha u naxariistee Mudane C/risaaq Xaaji Xuseen ayagoo si isku mid ahna ugu ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya sidii loo soo agaasimay Aaska Qaran ee loo sameeyey Ra’isulwasaarihii hore.
Ra’isulwasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed oo ahaa Gudoomiyaha gudigii qabanqaabada aaskii Qaran ee shalay Muqdisho loogu sameeyey Ra’isulwasaarihii hore ayaa isaguna khudbad uu ka jeediyey kulanka waxa uu u mahad celiyey dhammaanba dadkii gudigooda qabanqaabada ku ganac siiyey waxaana uu dhinaca kale ka hadlay taariikhda iyo xusuusta laga dhaxlay Ra’isulwasaarihii hore ee Dalka Mudane C/risaaq Xaaji Xuseen.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo soo xiray kulanka ayaa ugu horeyn u duceeyey Ra’isulwasaarihii hore ee dalka waxaana uu duco kadib ka waramay xusuusta laga dhaxlay Ra’isulwasaarihii hore oo ku tilmaamay inuu ahaa halgamaa kaalin mugleh ku lahaa xoriyaddii gumeysiga laga qaatay iyo inuu hirgelinta nidaamka dowladnimada umadda Soomaaliyeed kaalin weyn ku lahaa. “Allaha u naxariisto C/risaaq Xaaji Xuseen waxa uu soo arkay Soomaali oo mideysan, wuu usoo halgalamay, wuxuu kaalin weyn ku lahaa dhisidda dowladnimada Soomaaliya laakiin marka uu arkay Soomaaliya oo sidan u bur burtay,kala go’go’day,kala qobqobaneysa oo qabiil walbaa uu yiri dowlad goboleedbaan noqonayaa waxey ku noqotay xanuun ilaa uu ka geeriyoodo,waxaan rabaa inaan isku boorino dhibaatada uu qabiilka noo ,waxa kaliya ee aan uga adkaan karno kuwa dhibaatada nagu hayo waa inaan u midowno oo aan anagoo mid ah qarannimadeenna difaacanno”ayuu ku yiri Khudbaddiisa Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Daawo Sawiro Kale
—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker