Garowe(pp)Wasiirka cusub ee wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Puntland ayaa maanta xilka si rasmiya ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaradda,ka dib munaasibad ka dhacday isla xarunta wasaaradda.
Kulanka xil wareejinta waxaa kasoo qayb galay masuuliyiintii hore ee wasaaradda kuwo cusub iyo hay’addaha la shaqeeya,waxana ugu horayntii kulanka khudbad dhinacyo badan ka hadlaysa kasoo jeediyay wasiirkii hore Maxamuud Caydiid Dirir oo sheegay masuuliyadda wasaaradda qorshaynta inuu hayay mudo shan bilood ah.
Waxa uu ka waramay dhamaan qorshayaasha ay wassaraddu gacanta ku haysay iyo xogta taladda xarunta ee loo baahan yahay in ay halkaasi kasii anbo qaadaan madaxda cusub ee loosoo magacaabay.
Maxamuud Caydiid Dirir ayaa tilmaamay tan iyo intii uu xafiiska joogay inuu wax badan qabtay ayna wali howle kale harsan yihiin.
Masuuliyiintii goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa wasiiru dowlihii hore ee qorshaynta Sayid Maxmaed Cabdulle Xasan,wuxuna dhankiisa sharaxaad dheeri ah ka baxshay barnaamijka hiigsiga cusub ee Somalia iyo sida ay ugu howlan yihiin.
Wasiirka cusub ee wasaradda qorshaynta Cali Axmed Faatax ayaa dhankiisa u mahad celiyay madaxdii isaga ka horaysay oo uu ku tilmaamay inay waxqabad ballaaran muujiyeen,wuxuna sidoo kale sheegay inuu la kulmi doono dhamaan shaqaalaha wasaradda ka tirsan.
Faatax ayaa sheegay inuu la imaan doono qorshe cusub oo ku aadan qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe