Bosaso(pp) Munaasibad uu xilka kula wareegayo wasiirka cusub ee wasaaradda dekadaha,gaadiidka badda iyo la-dagalanka burcad badeedda ayaa maanta lagu qabtay dekmadda magalada Bosaso,halkaasoo ay kasoo qayb galleen masuuliyiin kala duwan.
Wasiiru dowlihii hore ee wasaradda dekadda isla markasna wakiil ka ahaa wasiirkii dekadda Siciid Maxamed Ragge ayaa maanta xilka ku wareejiyay wasiirka cusub,wuxuna sharaxaad ka baxshay howlaha kala duwan ee wasaaradda ka socda iyo qorshayaasha horyaala.
Cabdishakuur Mire Aadan ayaa sheegay dekadda magalada Bosaso inay tahay xarunta dhaqalaha Puntland,isla markasna ay u baahan tahay ka war qab gooniya.
Cabdulaahi Jaamac Saalax oo ah wasiirka cusub ee wasaradda dekadaha Puntland ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu maanta xilka si toos ah ula wareego,wuxuna balan qaaday inuu halkaasi kasii wadi doono howlaha kala duwan ee wasaaradda ka socda.
Dadka kasoo qayb galay xil wareejinta waxaa ka mid ahaa mamulka Gobalka kan degmada iyo saraakiil ciidan.
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso