Garowe(pp) Nuur Shire Cismaan oo ka tirsanaa hay’adda Kaalo ayaa maanta loo doortay gudoomiyaha Dalladda PUNSAA ka dib mudo seddex bari ah oo magalada Garowe uu ka socday shiwaynihii afaraad ee Dalladda PUNSAA.
Waxaa sidoo kale gudoomiye ku xigeen loo doortay Saynab Cismaan Maxamed oo ka mid ahayd dadkii u ordayay in haweenku ay door muuqda ka helaan madaxda sare ee dalladda PUNSAA.
Xubnihii kasoo qayb galay shirka afaraad ee PUNSAA oo qaarkood la hadlay Puntlandpost ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin habka ay doorashadu u dhacday taasoo ay ku tilmaamay inay tusaale fiican u tahay isbadalka hormarineed ee Puntland ka dhacay.
Filo faahfaahin intaasi ka badan iyo sawiro.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe