Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

M/ku xigeenka PL oo khadka talleefoonka uga qayb galay xaflad ka dhacday USA(Sawirro)

$
0
0

Sandeigo(pp) Munaasibad ballaaran oo lagu taageerayo madaxda cusub ee dowladda Puntland ayaa waxaa lagu qabtay magalada Sandeigo gaar ahaan Hotelka weyn ee Holiday INN,waxana kasoo qayb galay dadwayne kala duwan oo ka kala yimi gobaladda wadankaasi qaarkood.

6Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar ayaa qadka talleefoonka uga qayb galay,wuxuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida wanaagsan oo ay dadka Soomaaliyeed ee Wadankaasi taageeradda lixaadka leh ugu muujiyeen.

3Eng.Camay ayaa sheegay inay ka go’an tahay adkayta ammaanka iyo hormarinta Gobaladda Puntland,wuxuna codsaday in lala shaqeeyo dal iyo dibad.

5Dadkii goobta ka hadlay oo iskugu jiray dad waa wayn iyo dad kale oo dhex dhaxaad ah ayaa soo dhaweeyay dowladda cusub iyo isbadalka ka dhacay Puntland.

2

Xildhibaano ay ka mid yihiin Saado Cali Warsame iyo Cabdiraxmaan ayaa xafladda kasoo qayb galay,Saado Cali Warsame ayaa goobta heeso kala duwan ka qaaday.


Munaasibadda taageeradda loogu muujinayay madaxda cusub ee Puntland ayaa kusoo dhamaatay si wanaagsan.

4  1

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>