Kismaayo(pp) Madaxwaynaha mamulka Jubba oo kasoo qayb galay aaska allaha u naxariistee RW hore ee Somalia loogu sameeyay magalada Xamar ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magalada Kismaayo.
Waxaa ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyay madaxwayne ku xigeenka koowaad Gen.Cabdilaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag iyo qaar ka mid ah gollaha wasiiradda.
Imaatinkiisa Madoobe ee Kismaayo waxaa ku weheliyay waftigii kala qayb galay aaska Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo labo xubnood oo ka mid ah raggii ku kacsanaa dhismaha mamulka iyo siyaasada Axmed Madoobe.
Ragga socdaalka Madaxwayne Axmed Madoobe ku weheliyay ayaa kala ahaa Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baaleey Xuseen,mar ay saxaafada garoonka diyaaradaha Kismaayo kula hadleen ayay tilmaameen inay ka go’an tahay ka shaqaynta hormarka mamulka Jubba.
Madaxwaynaha mamulka Jubba ayaa dhankiisa sheegay inuu Muqdisho u aaday ka qayb galka aaska RW hore ee Somalia,ka dibna ay isi soo raaceen raggii ay Muqdisho ku wada heshiiyeen sanadkii hore ee mucaaradka ku ahaa.
Iftiin Xasan Baasta iyo Cabdi Beeleey ayaa sheegay inay ka go’an tahay ka miro dhalinta heshiiskii horay loo gaaray walow uusan la socon Barre Hiiraale oo ka mid ahaa mucaaradkii mamulka Jubba soo dhaweeyay.