Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Bosaaso:Dowladda Puntland oo xukuntay ragg ku eedaysan Alshabab(Sawirro)

$
0
0

Bosaaso(pp)Waxaa maanta xukuno kala duwan maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Gobaladda Bari,karkaar,Sanaag iyo Gardafuu ku diray ragg ku eedaysan inay ka tirsan yihiin kooxda alshabab.

3Xukunka raggaan ayaa ka dhacay magalada Bosaaso waxana war bixin ka hadlaysa arrimaha ay ku eedaysan yihiin maxkamadda ka hor jeediyay xeer ilaalinta oo sheegay inay ku eedaysan yihiin falal ammaanka Puntland ka hor imaanaya.

2Gudoomiyaha maxkamadda Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa ugu danbayntii dhagaysiga dacwadda iyo aragtida ay ka qabaan ragga eedaysan ku dhawaaqay xukun kan hoos ku qoray .

 
1-Cabdiraxmaan Muuse Cismaan ayaa Maxkamdu ay ku xukuntay Xabsi Daa’in.
2-Cabdixakiim Cabdulaahi Xundul Maxkadu waxay ku Xukuntay 10-sano oo xarig ah.
3-Cabdixakiim Cumar Gudduudow Maxkamadu waxay ku Xukuntay 5-sano oo Xarig ah.

4-Aways Buule Saadiq oo ka mid ahaa raggii maanta maxkadda la hor keenay ayaa ugu danbayntii lasii daayay ka dib markii wax danbo ah lagu waayay.

5Ma ahan markii ugu horaysay oo ay maxkamdda ciidanka qalabka sida ee Puntland ay xukun noocaan oo kale ah rido.

4

Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles